GALMABOOLIDA diin

GALMABOOLIDA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen Last update: October 27, 2026

GALMABOOLIDA - ZINADA


Ugu horreyn waxa aynu si kooban u soo taxaynaa cidhibdambeedka galmaboolida. Galmaboolida waa dhillaysiga ama zinaysiga. Galmaboolida waxaa laga dhaxlaa dhammaan waxyaalaha soo socda oo dhan.

  • Saboolnimo (Faqri) iyo Fadhi tawsiyeed
  • Foolxumo wejiga kaa saaran iyo qoomamo 
  • Jabti faartay iyo cudurro aan fayo lahayn 
  • Fahmadarro iyo fidnawalanimo
  • Foolwaa jihadu lunto iyo ujeeddo la’aan 
  • Ceeb iyo inkaar 
  • Fadhi kuududa iyo milgo darro 
  • Habaar iyo dhasha oo kaa faydanta 
  • Xikmadda oo kaa firidha oo kaa guurta 
  • Fahankoo yaraada iyo cadho Allaah 
  • Caarkaaga iyagana gidaarada lagu fadho 
  • Bulshada oo aad fantada qaadsiiso 
  • Ubadkaaga oo fantada kaa dhaxla 
  • Fagaaraha oo lagugu caayo 
  • Dhallinyarada oo kaa faanta 
  • Calool fuurtey oo ilmo sida 
  • Fekeriyo caloolyow xun 
  • Gocashada furaashkii sinada 
  • Farta oo lagugu fiiqo iyo fadeexad 
  • Fadliga iyo barakada Allaah oo lagaa qaado 
  • Naxariista Allaah oo lagaa fogeeyo iyo qalafsanaan 
  • Fadhi oo facaa ka hadh 
  • Qalinka oo aad iska fogayso iyo kuudud 
  • Dadka oo ku falanqeeya 
  • Xaaraam jidh lagu furfuray oo xisaabtiisu adag tahay.
  • Dhashaada oo kugu caasida. 
  • Jahanamo oo kugu soo fakanaysa iyo cadaab Allaah.
  • Kumanyaal fal oo wada xun.

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaaha (sw) xaqa ah ee samooyinka, iyo dhulalka udub la'aanta taagey, isla markaana abuuray waxa ku dhex nool, iyo inta u dhexaysaba. Naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa ee Muxammad Binu Cabdullaahi Binu Cabdulmudalib Binu Haashim, kaas oo jidka xaqa ah innagu hanuuniyey, isla markaana aan cid kale xaq lagu raaci karin isaga, iyo wixii jidkiisa raacay mooyee.

galmaboolidu waa denbi weyn oo qofku naftiisa iyo Allaah (sw) ka galo. Sidoo kale waa cudur weyn oo qofku naftiisa u soo jiido, isla markaana aad iyo aad ugu dhex faafsan dunida maanta. In kasta oo saamaynta galmaboolidu aannay ciroole iyo carruurtoona dhaafin, haddana waxa ay si gaar ah u saamaysay dhanka dhallinyarada. Goobaha iyo siyaalaha galmaboolidu (Zinadu) u faafo waxaa ka mid ah tebiyaha gacanta (mobile phone), dhalada araga fog (TV), foolbuugga (facebook), madadaalooyinka (films) la soo rogto (download) gaar ahaan kuwa hororka ah iyo kuwa is orgaynta (sex films), iyo saaqida farriimaha (emails). In kasta oo dhammaan agabkaas iyo siyaalahaas oo dhan ka qaybqaataan haddana walaxda ugu weyn ee sababtay waa aalada tebiyaha gacanta (mobile phone) oo dhallinyaradu aad ugu xadhiidho. Aalada tebiyuhu waxa ay sababtay in dhallinyaradu is kula dhacaan hadallo galmabooliya oo aannay is kula dhicin kolka ay is horjoogaan. Inta badan waxa ay dhallinyaradu kulmaan habeenkii iyo xilliyadii kale ee ballantu ku hirgelayso. Marka la isu yimaado oo hadalladaas beerlaxowsiga ah la is dhaafsado, waxaa soo degdegta in galmabooli lagu dhaco. Waxyaalaha kale ee ka qaybqaata faafida galmaboolida waxaa ka mid ah goobaha qaadka, aroosyada, ururada dhallinyarada, qaadista tallaalka, goobaha waxbarashada, rugaha caafimaadka, dhakhtarada, iwm. Waalidiinta hadda nool waxaa jira waxyaalo badan oo aannay fahmi karin, laakiin haddii ay xog raadiyaan way heli karaan. Tusaale ahaan waxa ay macalimiinta goobaha waxbarashadu kuu sheegayaan gabadhaha ama wiilasha xalay oo dhan tebiyaha ku dhafray. Inta badan haddii gabadhu keligeed qol seexato waxaa u fudud in saaxiibkeed oo habeenkii oo dhan la jooga. Siyaalaha guriga lagu soo geliyo waxaa ka mid ah in habeenkii kolka dadku wada gam'aan si tartiib ah irrida looga furo ama galabtii ama fiidkii baa qolka lagu sii qariyaa. Meelaha lagu qariyo waxaa ka mid ah sarriirta hoosteeda, daahyada xagooda dambe, iyo miisaanta hoostooda. Xogtaas waxaa ii sheegay wiilal dhallinyaro ah. Inta badan gabdhaha iyo wiilashu kolkay qolkooda ku jiraan waxa ay ku hadlayaan tebiyaha gacanta iyaga oo habeenkii oo dhan ku dhafraya shukaansi. 

Ugu horreyn dhaxalka iyo dhibaatada galmaboolida (zinada) waxaa lagu xusay ama lagu sheegay dhammaan kutubtii la soo dejiyey oo dhan. Isla markaana waxa ay dhammaantood xaaraamtinimeeyeen galmaboolida (zinada). Dhammaan diinihii Allaah (sw) samada ka soo dejiyey oo dhan waxa ay galmaboolida (zinada) ku xukumeen xukun isku mid ah. galmaboolidu (zinadu) ma aha wax ku gaar ah labka ama dheddigoodka, laakiin waa fal labada jinsiba ka dhici kara wallow ay sheegaan  in uu labada jinsi ku kala xoog badan yahay. Xadiis Saxiixa ah waxaa ku soo arooray in Allaah (sw) jidhka aadamaha ku ubuuray 100 dareen (shahwo) oo 99 ka mid ah dumarka la siiyey halka soo hadhayna ragga la siiyey. Sidoo kale waxa uu Allaah (sw) abuuray 100 xishood ah oo 99 ka mid aa haweenka la siiyey halka soo hadhayna ragga la siiyey. Halkaas waxa ay awyada diintu ka soo dheegteen in dareenka dumarku ka xoog badan yahay kan ragga, laakiin waxa uu Allaah (sw) ku xakameeyey xishoodka. Haddii aan sidaasi jirin haweenka dhibtooda la ma celin kareen. Imminka waxa aynu odhan karnaa galmaboolida (zinada) waxyaalaha tarmiyey ama badiyey waxaa ka mid ah haweenkii oo xishoodkii ka dhaqaaqay. Galmaboolida (zinada) oo ah denbi la galo kan labaad waxa ay hadda u soo fatahday si xad dhaaf ah oo aan af iyo dabo la qabto lahayn. Denbiga galmaboolida (zinada) waxaa keliya oo ka horreeya Allaah (sw) oo lagu shirkiyo ama gaalnimo loola yimaado. 

galmaboolida (zinada) waxa uu Quraanku ku sheegay hooyada xumaanta iyo fasahaadka qofka, qoyska, iyo bulshada. Allaah (sw) kolkuu tilmaamayey xumaanta iyo dhibaatada galmaboolid (zinada) leeyahay waxa uu yidhi, "War hooy dadow kuwii Allaah (sw) rumeeyeyoow zinada ha u dhowaanina waayo waa hooyada xumaanta oo dhan, isla markaasna waa jid la maro kan ugu xun." Sidoo kale waxa uu Allaah (sw) ku sheegay in ay zinadu tahay geeri iyo dil. Sidoo kale waxaa laga soo weriyey Imaamu Shaafici (rc) ama Zayid  Ali abii Daalib (rc) in midkood yidhi, "qofkii  ku dhillaysta (zinaysta) furaash qurux badan, isagana waxaa gabadhiisa, naagtiisa, walaashiis, ama hooyadiis looga dhillaystaa (zinaystaa)  gidaar cidla ah." Taas oo ah abaalmarinta xumaanta uu sameeyey iyo xumaanta ay leedahay galmaboolidu. Sidaas awgeed waxaa qof kasta la rabaa in uu ka fogaado galmaboolida (zinada) waayo waa fal la iskaga guddo dunida guudkeeda iyo aakhiraba. Ogow qofkii dadka nabadgeliya isna dadkiisa waa loo nabadgeliyaa adduun iyo aakhiraba. Sidoo kale waxaa Nebigeennii suubbanaa laga soo tebiyey in uu yidhi, "Habeenkii la dheelmiyey ee uu maray todobadda samo waxa uu sheegay in uu la kulmay niman iyo naago qaaqaawan oo meel foorno ah lagu shidayo oo qaylinaya. Kolkuu Malakul Jibriil warsaday waxa uu u sheegay in ay kuwaasi yihiin dadkii dhillaysan jirey kolkay adduunka joogeen."

Qarnigan iyo kii tageyba waxaa dunida ku soo batay cuduro aan la aqoon daawadoooda iyo walaxda keentay toona, tusaale ahaan cudurka AIDS-ka waxaa sababay  galmaboolida (zinada) oo dunida ku soo batay. Soomaalidu waxa erayga AIDs-ka ku tarjumeen in uu yahay "Aafada Idlaysay Dadka Sinaysta." Dhakhaatiir u dhalatay dalka Faransiiska ayaa sheegay in cudurka AIDS-ka afkooda lagu yidhaahdo  ZIDA oo la macno ah Zinada Diinta Islaamku sheegtay. Sidaa awgeed waxa ay dadkooda ku booriyaan in qof kasta lammaanihiis ku ekaato oo xad gudubka sharci darada ah la joojiyo. Guud ahaan dhibaatooyinka ugu daran ee laga dhexlo galmaboolida (zinada) waxaa ka mid ah ruuxa oo kasabkiisu yaraado, nuurka wejiga oo kaa luma, jidhka oo qaadha oo daciif noqda, itaal yari joogta ah, dabeecadaada oo noqota mid qalafsan, cadho aan kaa hadhay oo haliil ah, culays madaxa kaa fuula, dhalmada oo kaa guurta, fahmada oo kaa yaraata, il tawsiyeed, gabow jidhkaaga ka muuqda, aftahanimadaada oo gudha, xishood darro, xumaanta oo aan macno weyn kula lahayn, xaaraamta ama boolida caadi kula noqota, dhashaada oo kaa dhaxasha galmaboolida, cuduro badan oo ku taftaafa, iwm. 

galmaboolidu (zinada) waxa uu qofka ka xayuubiyaa sharafta iyo maamuuska uu bulshada ku dhex leeyahay. Beri baa waxaa jirey in gabadh ay hooyadeed weydiisatey in ay u fasaxdo galmaboolida (zinada). Hooyadii waxa ay gabadheedii ku tidhi waan ogolahay, laakiin shuruud ila gal oo waxa aan kaa codsado horta samee kolkaas ka dib waan kuu fasaxayaa. Gabadhii waxa ay tidhi waan fulinayaa wax kasta oo aad igu fasaxaysid galmaboolida. Hooyadii waxa ay gabadheedii ku tidhi orod oo guriga boqorka hortiisa soo mar, kolkaad meel irrida ku aaddan marayso isa suuxi oo dhulka isku dhufo. Maalintii hore boqorkii baa gargaar degdeg ah sameeyey oo u soo gurmadey gabadha suuxday oo meel fiican geeyey intay ka miyirsanaysey. Kolkii ay miyirsatey waxaa loo soo kaxeeyey gurigoodii. Maalin kale bay hooyadii ku tidhi orod oo guriga boqorka soo hor mar sidii oo kale yeel. Gabadhii waxa ay mar kale soo hormartay gurigii boqorka oo dulka isku dhufatay. Doorkan boqorkii uma iman, laakiin waxaa u soo gurmadey ninkii ilaalada boqorka haystey. Kolkii ay ladnaatayna waxaa loo soo waday gurigooda. Maalintii saddexaad baa hooyadii gabadheedii ku tidhi weli shuruuddii waxaa kaaga hadhay saddex jeer in aad sidii oo kale samayso. Maalintii saddexaad bay gabadhii sidii oo kale yeeshay oo guriga boqorka hortiisa isku tuurtay, laakiin doorkan waxaa u soo gurmadey nin ka mid askarta boqorka. Kolkay miyirsatayna waxa uu u soo kaxeeyey gurigoodii. Maalin afraadii bay gabadhii sidii hore oo kale bay yeeshay kolkan looma soo gurmane way garaaceen oo dileen oo waxa ay ku yidhaahdeen war naagta xunta nooga jiida meesha suuxdin bay nala barataye.

Ugu dambay hooyadii baa gabadheedii ku tidhi weli hal mar oo keliya baa kuu hadhsan, laakiin gabadhii way diidey in ay mar dambe meeshii ku noqoto, isla kolkaana way diidey in ay sheegto sababta, laakiin waxa ay ku adkaysatay in aannay mar dambe aadin meeshaas. Xogaysi dheer ka dib waxa ay gabadhii ogolaatay in ay hooyadeed u sheegto waxa dhacay oo sababay in ay diido meeshaas. Kolkaas bay hooyadeed ku tidhi gabadh yahay waan kuu fasaxay waxa aad iga codsatay, laakiin waxa aan kuu sheegayaa galmaboolidu (zinadu) qofka sharafta, maamuuska, xishoodka, iyo qofnimada ayuu ka xayuubiyaa. Sidaas awgeed kolkii aad arrintan samaysay waa laguu soo gurmaday, laakiin in yar ka dib si tartiib ah baa laguu nacay. galmaboolidu waa sidaas oo kale, kolka hore waa lagu soo dhoweynayaa laakiin in yar ka dib waxaa lagu odhanayaa waa dhilladii, walasaqadii, qabxadii, sharmuutadii, iwm. Haddii aad samayso qofnimadaadu way qiimo dhacaysaa, bulshada indhahooda waad ku shiiqaysaa, welwel iyo walbahaar baa kugu soo ururaya, gabadhnimadaadu way tageysaa. Haddii aad sidaas raali ku tahay orod oo samee. Gabadhii way is waansatey oo way ka noqotay go'aankeedii galmaboolida (zinada). Haddii qofku ku qanciwaayo wacyiga kore, waxa aan kuu sheegayaa war aad ku qancidoono. Warkaas oo ah gabaygan jacburka ah:

Faqri iyo cadaab wada socdaa foodda kuu sudhane

Fadhi tawsiyeed iyo hungaa foodda kuu sudhane

Foolxumo wejiga saaran iyo qoomamaa foodda kuu sudhane

Jabti faartay oo cudura iyo foolxumaa foodda kuu sudhane

Cudurraan fayo lahayn iyo fahmodarraa foodda kuu sudhane

Futo qaawis iyo ceeb wada socdaa foodda kuu sudhane

Fajac iyo inkaar wada socdaa foodda kuu sudhane

Foolwaa jihadu kaa luntiyo hadaf darraa foodda kuu sudhane

Fadhi kuududa iyo milgo darraa fooda kuu sudhane

Habaar iyo dhashoo faydantaa foodda kuu sudhane

Xikmad firidhtay oo gudha iyo foolxumaa foodda kuu sudhane

Fahankoo yaraadiyo cadho Allaah fooda kuu sudhane

Caarkoo gidaar lagu fadhaa foodda kuu sudhane

Bulshada oo fantadu wada xushaa fooda kuu sudhane

Ubadkoo fantada kaa dhaxlaa foodda kuu sudhane

Fagaarahoo lagaa caayo baa foodu kuu sudhane

Dhallinyarada oo kaa faanta baa fooda kuu sudhane

Shaydaankii kuu foodhyey baa fooda kuu sudhane

Calool fuurtey oo ilmo sidaa fooda kuu sudhane

Firigfirig sagaal gaadhay baa fooda kuu suudhane

Fekeriyo caloolyow xun fooda kuu sudhane

Gocashadi furaashkii sinada ayaa fooda kuu sudhane

Fooshiyo xanuun wada socdaa fooda kuu sudhane

Ilmahaad fantaysee dishaa fooda kuu sudhane

Faro dhiig leh oo kula socdaa fooda kuu sudhane

Mayeedhaanka fiiqdiisa oo yeedhaysaa fooda kuu sudhane

Fartoo lagugu fiiqo iyo fadeexad baa foodda kuu sudhane

Fadliga iyo barakada Alloo laga qadaa fooddu kuu sudhane

Naxariis fog iyo qalafsanaan baa foodda kuu sudhane

Fadhi oo facaa ka hadh ayaa foodda kuu sudhane

Qalinkood fogaysi kuudud baa fooda kuu sudhane

Firkoo kaa xumaadiyo qoomamaa fooda kuu sudhane

Fidno wade inaad noqotid baa foodda kuu sudhane

Dadka oo ku falanqeeya baa foodda kuu sudhane

Xaaraam jidhkoo lagu furfuro baa foodda kuu sudhane

Farakhaad dhashiyo farabax baa foodda kuu sudhane

Jahanamo fakanaysiyo aakhiraa foodda kuu sudhane

Kumanyaal fal oo wada xun fooda kuu sudhane

Ugu dambayn waxa aad qofyohow ogaataa in aad qof muslim ah tahay. Qofka muslimka ah ee dhabta ah waxaa lagu yaqaan in aan gefaf badan ka dhicin sida xanta, galmaboolida, xinka, iwm. Laakiin dadyowgii hore ee muslimiinta ahaa waxaa laga soo guuriyey in ay yidhaahdeen qofka muslimka ah ee dhabta ah lagu ma yaqaan in uu zino ama galmabooli ka dhaco. Sidoo kale waxaa Diinta Islaamka loo soo dejiyey in ay ilaaliso shan wax oo kala ah: qofka muslimka ah diintiisa, caqligiisa, sharaftiisa, maalkiisa, iyo dhiigiisa. Sidaas awgeed adiga oo Allaah ka cabsanaya, oo muslinimadaada ilaashanaya  waxa aad ogaataa in aad god yar gelidoonto oo lagu hor keenidoono wax kasta oo aad samaysay sidaas awgeed iska ilaali galmaboolida. 

DOOD: GALMABOOLIDA OO SOOHDINTIISII DURUGSADAY

Laga soo bilaabo 1887dii ilaa hadda waxaa dadka Soomaaliyeed ku dhacay dhaqan burbur laxaad leh, iyo afkii Soomaaliga oo qarka u saaran in uu tirtirmo. Arrimaha sababay dhibaatooyinkaas waa badan yihiin; laakiin waxa aan u aanayn karaa saddexda arrimood oo kala ah: Hoggaan xumo bulshada Soomaaliyeed ku dhacday, cadaadis shisheeye, iyo jahliga bulshada haysta. Burburkaas bulshada ku dhacay waxa uu sababay in xishoodkii lumo, in galmaboolidu faaro, in tayadii qofku hoos u dhacdo, iwm. Dhibaatooyinka soo ifbaxay arrinta ugu weyn ee aan ka dooddayno waxay tahay galmaboolidii oo soohdintiisa faafidda aad u durugsaday, in kasta oo dad badan qabaan in aan wax badan is bedellin.

Galmaboolidu waa denbi weyn oo qofku naftiisa iyo Allaah (sw) ka galo. Sidoo kale waa cudur weyn oo qofku naftiisa u soo jiidey, isla markaana aad iyo aad ugu dhex faafsan dunida maanta. In kasta oo saamaynta galmaboolidu aannay ciroole iyo carruurtoona dhaafin, haddana waxa ay si gaar ah u saamaysay dhanka dhallinyarada. Siyaalaha iyo waxyaalaha faafiya waxaa ka mid ah: is dhex galka ragga iyo dumar oo la caadiyeeyey, tebiyaha gacanta (mobile phone), Dhalada-aragafog (TV), Foolbuugga (facebook), madadaalooyinka (films) la soo rogto (download) gaar ahaan kuwa hororka ah iyo kuwa is orgaynta (sex films), iyo saaqida farriimaha (emails). In kasta oo dhammaan agabkaas iyo siyaalahaas oo dhan ka qaybqaataan haddana walaxda ugu weyn ee sababtay waa aalada tebiyaha gacanta (mobile phone) oo dhallinyaradu aad ugu xadhiidhaan. Aaladda tebiyuhu waxa ay sababtay in dhallinyaradu is kula dhacaan hadallo shukaansi ama ransi ah oo aannay is kula dhicin kolka ay is horjoogaan. 

Dadka qaar ka mid ah gaar ahaan dhallinyarada waxa ay qabaan in aan galmaboolidu aad u xooganayn oo sida loo buunbuuninayo aannu ahayn. Ugu horreyn waxa ay ku dooddayaan in galmaboolida hadda jira ka badnayn kii xilliyadii hore Soomaalidu samayn jirtey waayo tirada garacyada ee hadda dhasha kama badna kuwii xarumaha loo samayn jirey xilligii Kacaanka. Kolka labaad waxaa la adeegsadaa qaabab badan oo lagaga maarmo galmaboolida oo aan inta badan loo baahnayn in la isu tago waayo waxaa la arkaa in ay inta badan xoodaamin, salaax, iyo is nuugis hawlahooda ku dhammaystaan. Tan saddexaad galmaboolidu la arkee in uu aad ugu faafay meelo kooban sida magaalooyinka waaweyn, laakiin magaalooyinka yaryar, tuulooyinka, daabiyadaha, beeraleyda, iyo reer guuraaga aad ugu ma dhex faafsana waayo waxaa aad u soo ifbixilahaa garacyada dhalanaya oo aan badnayn. Tan afraad dhanka marriinka gabdhuhu hadda ayey ka dhar xidhasho wacan yihiin kolka loo eego gabdhihii hore ee garayska xidhan jirey ee jidhkooda qaar iska bannaanaan jirey. Intaas oo arrimood iyo kuwo kale oo badan waxa aannu ku doodaynaa in aan galmaboolidu ka badnayn kii hore u jirey, laakiin wuu ka yare cusub yahay oo ka qaabab duwan yahay.

Dadka qaar kale gaar ahaan dadka waawey waxa ay qabaan in galmaboolidu oodihii soo fujistay oo soohdintiisii aad u durugsaday, isla kolkaana ma dhaafin cirroole iyo caydiba. Ninkii maahmaahay isaga oo xilligan la amakaagsan waxa uu yidhi, "Saddex baan la yaabanahay shan jir deyn doon ah, shan iyo toban jir carmal ah, iyo shandhal guridiid ah." Ugu horreyn waxa aan ku dooddaynaa in galmaboolidu ka badan yahay kii hore ee bulshadu samayn jirtey waayo waxaa aad u yaraaday tirada kufsiga oo marag u ah in hadda gaabsiga si fudud loo helo. Kolka labaad tirada garacyadu way ka badan yihiin kuwii hore, laakiin waxaa laga yaabaa in aannay muuqan waayo dadka hadda joogaa waxa ay adeegsadaan habab badan oo arrimaha garaca lagu asturayo qaar way qaataan oo ilmaha gabadhoodu keentay qoyskaa lagu daraa, qaar way dilaan oo waad u jeeddaa intaas meelahaas ilmo la diley laga helayo, qaar waxa ay hordhigaan reerka gabadhoodu u sheegto in wiilkoodu rimiyey, qaar ilmihii oo nool baa meel iska dhigaan si dadyow kale u qaataan, qaar ilmaha ayey ka soo tuuraan oo waxa ay geeyaa isbitaalada waayo waxa aad arkaysaa gabdho yaryar oo intaas isbitaal loo wado. Sababahaas awgeed ma muuqanayso tirada garacyadu, laakiin dhab ahaan way ka badan yihiin wax hal xarun loo sameeyo ee waxa ay u baahan yihiin xarumo. Kolka saddexaad waxa aan ku dooddaynaa in galmaboolidu qaabab badan yahay oo haddii dadka dhallinyarada ahi u qaateen in galmaboolidu yahay kolka labada xubnood la is dhexgeliyo oo keliya. Galmaboolida waxaa ka mid ah hadalka, eegmada, salaaxidda, xoodaaminta, is nuugista, iwm. In galmaboolidu jaadad badan yahay waxaa inoo sheegay Nebigeenii suubbanaa Maxamed ina Cabdullaahi ina Cabdimudalib (scw). Tan afraad in kasta oo gabdhaha hadda joogaa ka yare asturan yihiin gabdhihii hore ee garayska iyo guntiinada xidhan jirey, laakiin waxa aad ogaataa asturaadu waa qalbiga. In kasta oo lagu kaladuwanaa xagga asturaada waxaa dhab ah in gabdhihii hore iyaga oo ay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre surwaal ku khasabtay ay xagga qalbiga ka asturaayeen kolka loo eego kuwa hadda jooga. Gabdhihii hore uma nuglayn ragga gaabsidoonka ah bal waxa qudha ee ninka ama wiilku kula dhacay waxa ay ahayd guur iyo arrimo la xidhiidha. Gabdhaha hadda jooga waxa ay ka arradan yihiin xagga qalbiga oo Allaah kama cabsadaan, ma xishoodaan, kolka nin ama wiil la hadlo way u nugul yihiin, xagga gaabsiga mayada ma yaqaaniin, ninka rag ugu qiimo badan hadduu guur iyo reer u soo bandhigo ma qiimayn karaan, kan rag ugu dibjirsan hadduu gaabsi u soo bandhigo way soo dhareerinayaan, xaaladaha ma qiimayn yaqaaniin waayo qalbigooda waa madhan yahay waxa keliya ee qalbigooda ku jira waa dhadhab nin, inta badan gabdhaha hadda joogga wanaaggu ma galo, waxbarashadu way ku adag tahay, kolkaad wax u sheegayso way ku dhaafsan yihiin, qofka wax u sheega waxa ay u yaqaaniin qof waalan oo badow ah, iwm. Tan shannaad in galmaboolidu kordho waxaa keenay hablaha hadda jooga oo aad u qurxin yaqaan jidhkooda, laakiin aan aqoon sida qalbigooda iyo garaadkooda loo qurxiyo. Sidaas awgeed oogada aad loo qurxiyey ee qalbiga ka dunsan waxa ay keentaa soo jiidasho badan iyo in gabdhaha la soo galaan galo. Tan lixaad annaga aragtiyada waxa ay nala tahay in gabdhuhu xijaabka iyo marriinka asturan u qaataan in ay ku qariyaan jidhkooda gabdhnimada ka luntay. Tan todobaad dhanka wiilasha waxaa aad u yaraaday kuwa guurdoonka ah taasina waa arrin tusinaysa in gaabsiga iyo galmaboolidu baddaas yihiin. Dhulka haddaad marto waxa aad arkaysaa wiilal dhallinyaro ah oo golongolay siday gabdhahaas baarka la kacay ugu qooqayeen oo aan wax ujeeddo ah lahayn mid adduun iyo mid aakhirotoona, guur iyo dhaqashana aan u jeedin oo wax ujeeddo ah lahayn oo beynigiiba ka lunsan yahay, isla kolkaana waxa keliya oo qalbigooda ku weyn oo u furan yahay dhadhabka naagaha. Tan sideedaad faafidda galmaboolida waxaa xoog uga qaybqaatay adeegsiga tebiyaha gacanta (mobile phone) iyo mareegta adduunka (Worldwide internet). Farsamada cusub waxa ay keentay in la isku la dhiirado erayada galmaboolida ee aan la is odhan karin kolka la is horjoogo. Taas oo sii dhashay in kooxo dhallinyaro ahi hal goob galmabooli ku wada sameeyaan iyaga oo isu jeeda oo laba kastaa hal qolka dhinac ka mid ah la isku fadho.

Ugu dambay dhaxalka iyo dhibaatada galmaboolida (zinada) waxaa lagu xusay ama lagu sheegay dhammaan kutubtii la soo dejiyey oo dhan. Isla markaana waxa ay dhammaantood xaaraamtinimeeyeen galmaboolida (zinada). Dhammaan diinihii Allaah (sw) samada ka soo dejiyey oo dhan waxa ay galmaboolida (zinada) ku xukumeen xukun isku mid ah. Galmaboolidu (zinadu) ma aha wax ku gaar labka ama dheddigoodka, laakiin waa fal labada jinsiba ka dhicikara wallow ay sheegaan  in uu labada jinsi ku kala xoog badan yahay. Galmaboolidu (zinada) waxa uu Quraanku ku sheegay hooyada xumaanta iyo fasahaadka qofka, qoyska, iyo bulshada. Allaah (sw) kolkuu tilmaamayey xumaanta iyo dhibaatada galmaboolidu a (zinada) leeyahay waxa uu yidhi, "War hooy dadow kuwii Allaah (sw) rumeeyeyoow zinada ha u dhowaanina waayo waa hooyada xumaanta oo dhan, isla markaasna waa jid la maro kan ugu xun." Sidoo kale waxa uu Allaah (sw) ku sheegay in ay zinadu tahay geeri iyo dil. Sidoo kale waxaa laga soo weriyey Imaamu Shaafici (rc) ama Zayid  Ali abii Daalib (rc) in midkood yidhi qofkii  ku dhillaysta (zinaysta) furaash qurux badan, isagana waxaa gabadhiisa, naagtiisa, walaashiis, ama hooyadiis looga dhillaystaa (zinaystaa)  gidaar cidla ah. Taas oo ah abaalmarinta xumaanta uu sameeyey iyo xumaanta ay leedahay galmaboolidu. Sidaas awgeed waxaa qof kasta oo muslinimo sheeganaya laga rabaa in uu ka fogaado galmaboolida (zinada) waayo waa fal la iskaga guddo dunida guudkeeda iyo aakhiraba.