+252 90 4048010

education

WAXBARASHADA DUGSIYADA AASAASIGA IYO SARE

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Hannaanka waxbarashada ee ku salaysan 12ka sanno ee dugsiyada aasaasiga ilaa dugsiyada sare waxa uu geyigeena soo galay xilligii gumaysiga. Ujeeddadiisuna waxa ay ahayd in lagu dumiyo hannaankii waxbarashada ee Geyiga Soomaalida ka jirey iyo hannaankii guud ee caalamka Islaamka ka jirey iyo in aqoonta badankeeda daah la saaro. Aqoonyahannadii hore ee muslimiintu ma aannay ahayn kuwo garanwaayey in dadka dugsiyo 12 sanno ah loo furo, laakiin waxa ay arkeen in uu yahay hannaan dadka maankooda iyo maskaxdooda curyaaminaya oo aqoonta runta ah ka dedaya, isla kolkaana aannu xal u ahayn horumarka bulshooyinka carro-edeg. Sidoo kale waxa ay arkeen in uu yahay hannaan waxbarasho oo curyaaminaya carruurta diricyada ah (talented children) ee heeg dheer socon kara waqti yar oo kooban. Siyaalaha manhajka 12ka sanno u dedo aqoonta waxaa ka mid ah in:

  • arday kala heer iyo kala garasho ah baa da' lagu wada fadhiisinayaa oo kii demenaa iyo kii dirica ahaa hal fasal lagu wada xanibayaa oo ay halkaas ku hagaasaysaa maskaxdii dhiifoonayd ee wax badan qabsan kartey.
  • ardayda oo laga soo qaado in ay yihiin weel ama maskax madhan oo u baahan in laga dhaaminayo maaddooyin tiro badan oo aannay xiisaynayn ama aannay ka soo bixi karin.
  • Ardayda oo lagu jiheeyo halgan dhibco sare ah oo keliya, kuwaas oo lagu qiimaynayo imtixaan dhowr bog ku urursan oo aan ka afnaqayn waxqabadkiisii hore. 
  • Ardayga oo loo dhigo xero ama xayndaab ka qaadaya xorriyadiisa oo u diidaya in uu ka faa'iidaysto kartidiisa, diricnimadiisa, dhiifoonaantiisa, iyo karaankiisa. 
  • Ardayga oo la siiyo aqoonta inta dusha ah oo laga qariyo inta gunta ah, tusaale ahaan, ardaygii waxaa la barayaa oo la qaybsiinayaa xisaab, saynis, juqraafi, iwm; haseyeeshee loo sheegi maayo sida loogu adeegsanayo nolosha iyo sidii looga dhigi lahaa xirfad lagu shaqaysto.
  • Ardayga oo gebi ahaanba si toos ah looga qariyo aqoomaha waaweyn ee sida fudud uga qayb qaata fahanka dunida sida: aqoonta xiddigiska, aqoonta bahalo la hadalka, aqoonta dhirta, aqoonta falagga, aqoonta bulshada, aqoonta Allaah iyo jiritaankiisa, aqoonta diimaha, iwm.
  • ardayga oo laga xidho hannaankii hore ee Soomaalida iyo caalamka Islaamku wax ku baran jirey oo aan la siin kanshe kale oo uu ku baxnaanin karo kartidiisa iyo karaankiisa.
  • barayaashu u haystaan carruurta loogu keenayo dugsiga in ay yihiin weel madhan oo ay iyaga keliyi wax ku shubi karaan waayo waxaa waxbarashadii oo dhan loo afduubay manhaj ay dejiyeen dad kooban oo aan wada metali karin murtidii iyo aqoontii bulshadu haysatey. Sidoo kale waxaa dhici karta in manhajkaas xilli hore la dejiyey oo aannu la jaanqaadi karin nolosha hadda taagan iyo tan timaadada ah.
  • barayaasha lagu xusho inta shahaado ee ay haystaan, laakiin la ma eego kartidiisa, wax garadnimadiisa, waaya-aragnimadiisa, dhaqan aqoontiisa, dhiifoonaantiisa, karaankiisa, danaynta arrimaha bulshada, iwm.

Dhamman qodobadaas iyo kuwo kale oo aynaan xusin waxa ay turunturo ku yihiin ardayga waxbaranaya. Haddii aynu nahay Soomaalida waxa uu ahaa Maxamed Ibraahiim Warsame Hadraawi qofkii ugu horreeyey ee gartay xerada uu ina geliyey manhajka 12ka sanno ka dib markii uu Cadan ku soo dhammaystay dugsiga sare. Hadraawi waxa uu yidhi, kolkii aan ku soo noqday Geyiga Soomaalida baan damcay in aan adeegsado waxyaalihii aan soo bartay oo ka jawaabo weydiimaha badan ee igaga imaanaya bulshadayda si aan u xalliyo dhibaatooyinka aloosan. Kolkii aan is idhi warcelin ka raadi waxyaalihii aan soo bartay dibnahaygii waa ay aamuseen oo waa ay kariwaayeen in ay jawaab bixiyaan. Kolkaas waxa uu jiiftadiisii Dabahuwan ku yidhi:

Dugsiyadu waa dayeyn

Damiinnimaday dhigaan

Dartay u ma soo lug go'in

Duruustu falkay tiqiin

Diktoor cadoway sideen

Digrii nacabay sideen

xaq bay garba duubayeen

Diintay gibil saarayeen

waxay dedayeen amuur

dhibteedu dib iigu tiil

waxay doc faruurayeen

dadaal abid soo taxnaa.

Waagii hore intii aan Diinta Islaamku soo deggin waxa ay goobaha waxbarashadu ahaayeen meel lagu fekero, wax lagu maamiyo, oo wax la isku weydiiyo, isla markaasna lagu doodo. Dugsigii la odhan jirey Akaadeemiya ee ninkii Balaato (Plato), waxa uu ahaa dugsi uu ardaydiisa ku siiyo casharro nolosha waxtar weyn u lahaa sida: aqoonta siyaasadda, sayniska, xisaabta, talooyinka, xiddigiska, iyo waayo-aragnimadiisa. Xilligaas waxaa joogey oo ardaydiisa ka mid ahaa Aristotle. Aristotle qudhiisu waxa uu ahaa caqlimaalladii dunida soo maray kuwoodii ugu waaweynaa ee ugu saamaynta badnaa. Xilligaas ma jirin dugsi la isku qasbo, isla xisaabtan cabsigelin ku dheehan tahay, laylis guriga loo qaato, arday da'dooda lagu kala xulo, imtixaan diyaarsan oo ardayda lagu cabsi geliyo, iwm. Imtixaanku waxa uu waagaas ahaa ardayga waaya-aragnimadiisa. Dugsigu waxa uu ahaa goob maskaxda lagu shiillo, lagu doodo, sidoo kalena aqoon la is ku dhaafsado oo si fudud ardayda garaadkooda loo kobciyo.

Manhajkii waxbarshada ee caalamka Islaamku waxa uu ahaa mid ka xor ah dhammaan dhibaatooyinka uu keenay manhajkan dambe ee reer galbeedku u falkiyeen caalamkii ay gumaysanayeen. Manhajka Islaamku waxa uu ahaa mid xor ah oo soo saarayey dad hormuud iyo foolaad ah, hoggaamiyayaal adduunka wax weyn ku soo kordhiyey, isla markaana waxaa jirtey in ardayga iyo sheekhiisu lahaayeen falgal toos ah. Sidoo kale waxaa xeer ahayd in ardaygu socdaal waxbarasho u aado dalal badan si uu u soo barto dhaqamadooda, qaab nololeedkooda, xirfadaha waxsoosaarka ee kaladuwan, iyo aqoonta kale ee ardaygaas bulshadiisa ka maqan. Xilligaas waxaa hannaanka aqoonta loo hirgelin jirey toos u qabo oo fuli. Isla kolkaana waxaa xor ahaa in ardaygu sannado kooban ku barto aqoon iyo xirfaddo badan.

Ninkii la odhan jirey John Taylor Gatto, waxa uu ka mid ahaa dadkii sida weyn u diidanaa hannaanka dugsiyada qasabka ah, hase yeeshee waxa uu 30 sanno bare ka ahaa oo ka shaqaynayey hannaanka dugsiyada qasabka ah ee ku salaysan 12ka sanno. Markii uu ka fadhiistay shaqadii baranimada waxa uu sheegay in uu ka toobad keenay godobtii uu ka galay ardaydiisii. Sidoo kale waxa uu xusay oo sheegay in dugsiyada qasabka ah lagu barto oo laga la soo laabto saddex walxood oo kala ah: wax qorid (writing), wax akhrin (reading), iyo afarta xisaabfal (arithematic). John waxa uu sheegay oo intaas raaciyey in haddii si dhab ah loo hadlo waxaa saddexdaas walxood lagu baran karaa 21 cisho. Geyiga Soomaalida waxaa laga helayaa arday dugsi dhiganayey 12 sanno oo aan lahayn caado akhris iyo mid qoraaltoona oo aan xitaa awood u lahay in uu qorto arji lagu codsanayo shaqo ama warqadda waxbarashadiisa iyo waaya-aragnimadiisa (CV). Inta badan waxaa dhacda oo suurtagal ah in ardaygaasi dugsiga dhammeeyo isaga oo xisaabta neceb ama aan waxba ka garanayn. Run ahaantii waxa aynu odhan karnaa heerkaas in la gaadhsiiyo waa loo kasbay, oo ma aha wax la odhan karo isaga ayaa iskii u kasbaday. Sidoo kale waxaa jira oo ay tahay in tirada lagu daro saamaynaha badan ee ardayga kaga imaanaya baraha bulshada, barayaasha suuqa, indhowgaradnimada waalidka, iyo iskaashi la'aanta aabaha iyo hooyada.

Carro-edeg waxaa ka buuxa aqoonyahanno aan weligood iyo waaqood tagin dugsi 12 sanno ah oo haddana nolosha aadamaha wax badan ku soo kordhiyey. John Taylor Gatto waxa uu si weyn ugu soo horjeedey in la isku xidho guusha iyo dugsiga waayo waxaa jira boqolaal aan dugsiyada dhammaysan ama dhigan, laakiin nolosha heer sare ka gaadhey oo wax weyn soo kordhiyey. Tiro ma leh kuwa nolosha heer sare ka gaadhey oo iyagu naftooda wax taray iyo kuwa naftooda iyo dadka kaleba wax u taray oo aan weligood dugsi aadin ama aan dhammaysan. Robert Kiyosaki oo ah qoraa iyo ganacsade asiga oo ka digaya aadista dugsiyada waxa uu yidhi, "haddii aad doonayso nolol farxad iyo hodantinimo leh ha aadin dugsi," weliba intaas ku ma ekayn ee waxa uu qoray buug la yidhaahdo "If you want to be happy & rich don't go to school." Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame oo wax ka tilmaamaya hadimooyinka ay abuurtay iyo dhaxalka ay ka tagtay ilbaxnimada reer galbeedku waxa uu jiiftadiisii Dabahuwan ku yidhi:

Waxay dumiyeen aqoon

Ilaa dura soo taxnayd

Waxay damiyeen ilays

U daaran qof meel lahaa

Waxay kala daadiyeen

Daryeel isu dheellitiran

Naf daahira bay legdeen

Docdeeda xun dhiirriyeen

Dan bay canlabeebiyeen

Dawgeedu xidhiidhsanaa

Waxay iga soo duween

Jidkaan isku daawan jirey

Waxay dibad yaaliyeen

Nin tiisa u door ahaa

In loo daweray rabeen

Da'diisa nimaan baryeen

Waxay ka dhigeen dadkii

Af iyo labadiisa daan

Duugii ubadkay cuneen

Wixii jirey bay dubteen

Digsiyo madhan bay dhigeen

Halkii beri doobi yiil

Waxay dambas tuumiyeen

Rugtii digo loo yiqiin

Duxdii noloshay tireen

Waxay debciyeen naftii

Waxay dacwadheen hankii

Waxay isku soo dareen

Dadkii kala caagganaa

Intii gabadh diib lahayd

Daf iyo kaban baa la tagey

Dhulkii darrimaha lahaa

Deegaantiyo baadku yiil

Dabaylo cas baa ka kacay

Dorraatiyo guulihii

Dallaalimadii dhisnayd

Wixii dalag meersanaa

Daaduun qaxay baa ka hadhay

Wixii duluglaa ka nool

Dibnuhu dhubbad qaadayeen.

Nikola Tesla waxa uu ahaa nin noolaa qarnigii 19aad dhammaadkiisa ilaa qarnigii 20aad horraantiisa. Ninkaasi waxa uu ahaa arday meel walba u aadi jirey aqoon iyo xirfaddo kororsi, isla kolkaasna ma qaadan wax shahaado ah. Nikola Tesla waxa uu ahaa ninkii ku fekerey in qof kasta oo carro-edeg ku nool helo koronto bilaash iyada oo la sii dhex marinayo hirarka biyaha badda, webiyada, iyo harooyinka. Hankiisa iyo hiigsigiisu waxa uu ahaa in qof kasta koronto helo iyada oo aan fiilo ama xadhig la adeegsanayn. 

Haddii uu qofku doonayo in uu waxbarto oo hankiisa iyo yoolkiisa kaga dhabeeyo waa in uu isagu wax is baraa oo adeegsadaa goobaha ay ku diyaarsan yihiin aqoontu sida: mareegta, jiritaanada kaydiya xogaha, dhiganahayayaasha (library), iyo meel kasta oo aqoon lagu tuhmayo. Sida ugu wacan ee qofku wax isu bari karo waa baadhitaanka iyo baanjiga aqoonta meel kasta oo ay kula gasho. Hal sanno oo aad la timaaddo dadaal dhab ah waxa ay ka fiican tahay 12 sanno oo aad fasal soo fadhido. Barbaariyaha waxaa laga rabaa in uu ardayda ku dhiirigeliyo dedejinta hanashada aqoonta gaar ahaan dadka Eebbe siiyey diricnimada (talented people).

Arartaas dheer waxa aan u soo taxay in aan bare-ardayga dareensiiyo hannaanka waxdhigista iyo waxbarista ee bulshooyinka carro-edeg soo mareen iyo gefafka ka dhacay tagtada dunida oo dad badan luufluufisey horumarkoodii iyo noloshoodii. Adiga oo bare ah ka digtoonow haadaamaha qarsoon ee aad ku ridi karto ilmaha yar ee aad barbaarinayso. Liibaane waxa aad dhiirigelisaa in ardaygu wax is baro oo dadaal sameeyo. Ardayga bar in uu isagu hawl kasta iyo shaqo kasta qabsado oo dadaal sameeyo oo u sheeg in aannu horumar iyo hanasho aqooneed ku gaadhay wax yar oo macalim u dhigay. Waxbarashada iyo ardaynimadu waa halgan nololeed. Halgan nololeed waxa uu u baahan yahay in lala yimaaddo dadaal iyo dardar hawleed. Waqtigu waxa uu ka mid yahay barwaaqooyinka Eebbe innagu galladay kuwa ugu waaweyn oo haddii la baylihiyo aan laga soo kaban karin. Sidaas awgeed waa in ardaygu maamulaa waqtigiisa si uu u guulaysto. Guusha ardaygu waxa ay ku xidhan tahay waqtiga oo uu ilaaliyo, wax baadhista, wax u fiirsashada, iyo wax akhrinta. Waqtiga oo la ilaaliyo iyo wax akhrintu waa furaha lagu kasbado aqoonta, haddii aadan wax akhriyin way adag tahay in aad aqoonta iyo nolosha horumar ka samayso. Sida heerkaas lagu gaadhaana waxa ay u baahan tahay dadaal, baadhitaan, iyo dardar hawleed.

Gunta iyo gunaanadka waxa uu Dalka Ingiriisku leeyahay hannaan waxbarasho oo ogolaanaya in aan carruurta diricyada ah (talented children) lagu buquujin hannaanka waxdhigista ee 12ka sanno. Kolka ardaygu soo gaadho fasalka 6aad waxaa laga qaadaa imtixaan oo kuwa diricyada ah (talented children) loo diraa jaamacad. Mar kale haddii Dalka Ingiriiska ardaygu soo gaadho fasalka 9aad waxaa laga qaadaa imtixaan oo kuwa diricyada ah (talented students) loo diraa jaamacad. Kolka 3aad haddii ardaygu soo gaadho fasalka 11aad waxaa laga qaadaa imtixaan oo kuwa diricyada ah (talented students) loo diraa jaamacad. Sidaas darteed waxa aan soo jeedinayaa in jiritaanada waxbarashada iyo barayaashu ka shaqeeyaan sidii ardayga dirica ah loo tabantaabin lahaa oo muddo kooban aqoonta loogu dhammaystiri lahaa. Sidoo kale waxaa Wasaaradda Waxbarashada looga baahan yahay in ay sidaas fahmaan oo aannay noqon kuwo ku shaqeeya natiijada imtixaanka ee sanadlaha ah, ganacsade maaldoon ah oo manhajka soo daabacaya, iyo talabixinta maanka gumaystayaasha.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen