By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: February 01, 2026
ASTAYNTA AFKA IYO XEERARKA FAR WAAWEYNEYSIINTA
Astaynta Afka: Meesha ugu habboon ee ay tahay in laga bilaabo barashada qoraalka xirfadaysan waa astaynta afka (punctuation) iyo xeerarka far waaweyneysiinta (capitalisation). Iyagu waxa ay qurxiyaan qoraalka oo u yeelaan muunad iyo soo jiidasho gaar ah. Sidoo kale waxa ay abuuraan in akhristuhu u riyaaqo qoraalka si wacan loogu dhammaystiray astaynta iyo far waaweyneysiinta.
Astaynta afka Soomaaligu waa Summadaha Astaamaynta erayada, jaaqyada (phrases,) weedhaha, iyo dhammaan astaamaha fududaynaya fahan wax kasta oo la qoray. Summadaha astaamaynta afka waxaa ka mid ah: joogsi (.), hakad (,), summadda weydiinta (?), sumadda yaabka (!), kolmobadh (;), kolmo (:), hakadkore ('), summadda hadalka (" "), summadda dabarka (-). Summad kasta waxa ay gashaa oo qoraalada ku leedahay meel ku habboon.
Dhig joogsi (.) haddii weedhuhu yahay hadal togan ama taban oo aan weydiin iyo amar ahayn, tusaale ahaan: Anigu waxa aan ahay bare. Cali waxa uu u dhoofay dibedda. Hodan waa gabadh dheer. Geela sidkiisu waa 380 cisho.
Dhig summadda weydiinta (?) haddii hadalku yahay weydiin, tusaale ahaan: Maxaad ka shaqaysaa? Adigu intee jir baad tahay? Sureer ma aragtay? Soomaaliya dhul intee le'eg bay ku fadhidaa? Sayid Maxamed goor muu dhashay? Ma taqaan macnaha erayga tuduc?
Dhig sumadda yaabka (!) haddii hadalku yahay amar ama hadal dareen sare leh tusaale ahaan: Bahalka iska jir! Allaah hoogayga! Allaah rayrayn weynaa! Allaah yaab badanaa! Tuugga qabo! Allaah bishaaradayda! Ba'ay! Hoogey! Is taag! Joogso!
Dhig hakad (,) kolkaad qorayso erayo taxane ah, barta labo weedhood oo fudud iskaga xidhmaan, erayada nabdaadinta, erayada gunaanadka dhambaalka, lacagta kunka gaadhaa, bisha iyo taariikhda, iyo gadaasha falkaab gooreedka dhaca bilowga weedhayaasha, tusaale ahaan:
Axmed waxa uu doonayaa in uu jaamacad galo, laakiin isagu waxa uu ka welwelsan yahay sabbaarta carruurtiisa.
Anigu waxaan rabaa in aan waxbarto, in kasta oo adoogay jecel yahay in aan shaqaysto.
Maryama waxa ay soo gadatay kabo, goorayso, go, sariir, iyo buste.
Ugu horreyn, Warsame waxa uu iibsadey shaati wacan, laakiin durbadiiba waa uu ka yaraaday. Kolkii labaad, isagu waxa uu iibsadey shaati adag in kasta oo uu ku faraxsanaa. Kolkii saddexaad, isagu waxa uu iibsadey funaanad le'eg.
Dhig kolmobadh (;) dhexda weedhaha kolka aad dhisayso weedho kakan oo aad isku xidhayso jaaq iyo weedho fudud. Tusaale ahaan:
In kasta oo hadalku murti ku fadhiyey; dadku way ka dhego adaygeen in ay dhegaha u raariciyaan.
Si ciidinku u guulaysto; taladu waxa ay ahayd in la is maqlo.
Kolka geelu dayr dhalo ee dararo; nirguhu way ku daabtaan.
Dhig kolmo (:) kolkaad rabto in aad soo taxdo waxyaalo taxane ah sida: dhacdooyin, magacyo, tilmaamo, falal, iwm. Tusaale ahaan:
Guriyaga waxaa ka dareera xoolo badan oo ay ka mid yihiin: geel, lo', adhi, iyo gammaan.
Anigu waxaan la noolahay dad badan oo kala ah: nin waalan, naag doqon ah, nin jirran, saddex sawaab, iyo mid maandooriyaha ka caagan.
Arroortii waxaa sameeyaa dhowr arrimood oo kala ah: waan qubaystaa, waan tukadaa, waa jarraysimaystaa, waan ordaa, oo xaaskaygaan tabantaabiyaa.
Dhig hakadkore (') kolka eraygu yeesho saddex shaqal ama afar shaqal oo isku xigsada sida: faa'iido, la'aan, go'aan, iwm. Sidoo kale waxaa hakadkore loo adeegsadaa labo eray oo la isku ladhayo oo ay cuslaatay in ay si caadiya isu qabsadaan sida isle'eg, da'ay, gam'ay, iwm.
Dhig summadda hadalka ('' '') erayada aad toos uga soo qaadatay cid kale! Tusaale ahaan, haddii aad doonayso in aad qoraalkaaga ku qurxiso murti ama hadal cid kale leedahay waxaa waajib ah in aad adeegsato summadda hadalka ('' ''). Summadda hadalka waxaa loo adeegsadaa gabayada, hadalka caadiga ah, heesaha, maahmaahyada, iwm. Tusaale ahaan, abbuunduulihii waxa uu yidhi: ''Anigu waxa aan gelayaa dagaalka!'' Ninkii runlowga ahaa waxa uu yidhi: ''Warka la sheegay waa dhab!'' Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: ''Geed buuxiso gole ma buuxiso!'' Abwaankii gabyey waxa uu yidhi: ''Dhallaan iyo adiga oo reer weyn dhaaxa la ma laayo. Haddana kaan dhawaaqaaga maqal loo ma wada dhaafo. Dhallinyarada kii kula cimri ah laga ma dheeraado. Haddana wiil dhabbada seegan oo dhoohan la ma raaco.'' Summadda hadalku waa yeel (tool) la adeegsado kolka ay qoraalkaaga soo dhex galaan hadal ama murti cid kale leedahay.
Dhig summadda dabarka (-) kolka aad qorayso magacyada isku ladhan, iyo erayada dhaadheer ee qoraalkoodu kaa galay warqadda girgirkeeda sida: Aamina-luul, Caasha-hodan, Maxamed-mahad, Axmed-weli, Ali-barre, iwm. Summadda dabarka waxaa loo adeegsadaa meelo aad u badan oo ay ka mid yihiin kuwa aynu kor ku xusnay, haseyeeshee waxa aad xog badan oo ku saabsan summadda dabarka ka helaysaa qaybta gefafka afka ee qaybaha dambe ee casharada.
Xeerarka Far Waaweyneysiinta: Qoraalku waa jaad ka mid ah hababka farriimaha la isugu gudbiyo. Qoristuna waxa ay leedahay hannaan la raaco si farriintaadu u noqoto mid la fahmo. Haddii aan qoraalkaaga la fahmin farriintaadiina ma gudbin, waayo dadkaad u dirtay ma fahmin. Sidaas awgeed hannaanka qoraalku waxa uu leeyahay xeerar negi oo la raaco si farriimaha laysu gudbinayo loo fahmo. Waxyaalaha ka qaybqaata in farriimahaaga la fahmo waxaa ka mid ah Summadaha Astaamaynta iyo Xeerarka Far Waaweyneysiinta.
Tusaale: Weedhayaasha soo socda waxaa laga saaray far waaweyneysiintii
agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda waxa uu barayaasha soomaaliga iyo barbaarinta islaamka farayaa in ay tababar macalinimo oo degdeg ah ka qaybqaataan.
roobkii muqdisho ka da'ay shalay waxa uu dhibaato u geystey shirkadda hormuud, wasaaradda maaliyadda, iyo dugsiga sare ee macalim jaamac.
ciidanka nabadgelyada muqdisho waxa ay shalay qabqabteen tuugo agaasiman oo ku urursan guri warta nabadda ku yaal.
Dhammaan weedhayaashaas kore waxaa ka maqan erayadii u baahnaa in la waaweyneysiiyo. Kolka dib loo saxo waxa ay noqonayaan sida soo socota:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda waxa uu barayaasha Soomaaliga iyo barbaarinta Islaamka farayaa in ay tababar macalinimo oo degdeg ah ka qaybqaataan.
Roobkii Muqdisho ka da'ay shalay waxa uu dhibaato u geystey Shirkadda Hormuud, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Dugsiga Sare ee Macalim Jaamac.
Ciidanka Nabadgelyada Muqdisho waxa ay shalay qabqabteen tuugo agaasiman oo ku urursan guri Warta Nabadda ku yaal.
Jaantuska soo socda waxa uu ku tusinayaa sida farta loo waaweyneysiiyo, iyada oo la raacayo xeerarka soo socota:
XEERARKA FAR WAAWEYNEYSIINTA
1. Weynee xarafka weedhuhu ka bilaabmo. Magacayga waxaa la yidhaahdaa Cusmaan Cali.
2. Weynee magacuyaalka Allaah loola jeedo. Allaah waa tudhis badan yahay, Isagaa tudhistiisa lagu joogaa oo lagu nool yahay.
3. Weynee magacyada dadka ee gaarka ah iyo magac maamuuskooda.
Laakiin haddii aannu magac maamuusku wadan magac la ma weyneysiiyo, tusaale ahaan:
Isagu waa boqor.
Ma la kulantay ustaadkii xisaabta?
Iyadu waa marwo.
Isagu waa mudane wacan.
Fiiro gaar ah: Magac maamuuseed waa la weyneysiinayaa haddii ay la xidhiidhsanto tilmaan gaar ah ama meel la garanayo oo dadku wada yaqaanaan ama magac la garanayo. Tusaale ahaan:
Boqor Fahad
Garaad Biddewaaq
Ustaad Xuseen
Madaxweyne Mahatiyaar
Jaalle Warsame
Marwo Xaliimo
Mudane Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu hadhimo maamuus u sameeyey Boqorka Dalka Sucuudiga.
Erayada madaweynaha iyo boqorka waa la weyneysiinayaa waayo waxaa la xxidhiidhsamay meelo la garanayo sida: Soomaaliya iyo Sucuudiga oo dalal la garanayo ah.
4. Weynee erayada qaranimada, afafka, diinaha, iyo koox tiro yar.
Fiiro gaar ah: Ha weyneysiin maaddooyinka dugsiga, laakiin haddii uu la socdo eray tilmaamayaa diin, qaranimo, ama af weyneysii eraygaas oo keliya. Shiinays, Ingiriis, Soomaali, Isbaanish, Aasiyaan, Faarisi, Carabi, Islaam, Masiixi, Budhiisme, iwm. tusaale ahaan:
saynis, taariikh, juquraafi, taariikhda Ruushka, Soomaali, taariikhda Soomaalida, xisaab, iwm.
5. Weynee erayada tilmaamaya meel gaar ah oo khariidada laga raadin karo. Harada Fiktooriya, Banaadir, Cidhifka Waqooyi, Koonfur Ameerica, Masjidka Xaramka, Masjidka Nebiga, iwm.
6. Weynee magacyada dhismayaasha caanka ah, wadooyinka caanka ah, iyo buundooyinka caanka ah. Buundada Liiqliiqato, Qalcada Taleex, Taallada Sayidka, Duska Tabca, Gurigaga Cad ee Maraykanka, Duska Yurub, iwm.
7. Weynee magacyada shirkadaha, dugsiyada, ururada, macaahida, jiritaanada madadaalada, jaamacadaha, iwm sida: Jaamacada Ummadda Soomaaliya, Jiritaanka Ciyaaraha Qaranka, Wakaaladda Dhismaha Qaranka, iyo Codbaahiyaha Qaranka.
8. Weynee magacyada bilaha, maalmaha, iyo magacyada ciidaha sida: Isniin, Janaayo, Ciidda Fitriga, Ramadaan, Sabuux, Gasayar, Talaado, iwm.
Laakiin ha weyneyn magacyada nuraha ama xilliyada: gu, dayr, diraac, iyo xagaa
9. Weynee magaca tilmaamaya beyni tigaadeed (geographical area) oo gaar ah sida: Bariga Dhexe, Waqooyiga Soomaaliya, Koonfur-Bari Aasiya, Bariga Yurub, Afrikada Waqooyi, Waqooyiga Ciraaq, iwm
Laakiin ha weyneyn magacyada beyniyada ama jihooyinka: bari, galbeed (bogox), waqooyi, iyo koonfur. .
10. Weynee magac maamuuska dhiganaha (book), Majaladaha, wargeysyada, filimada, sheekooyinka taxanaha ee TViga iyo maamuuska tuduca aad qorayso sida: Diiwaanka Gabayada Sayidka, Majalada Hormuudka Aqoonta, Wargeyska Sancasool, Sheekadii Araweelo, Cigaal Shiidaad, Sheehada Dhegdheer, iwm.
11. Weynee magacyada la soo gaabiyey sida: WWHT, SIH, BDS, WMS, UN, IEA, IBM, NYC, USA, VW, TV, UK, iwm.
Fiiro gaar ah 1: Magacyada la soo gaabiyey kolka aad qorayso iyaga oo dhammaystiran, waxa aad keliya oo waaweyneysiisaa eray kasta juuqa ama xarafka ugu horreeya.
Fiiro gaar ah 2: Maamuusyada la soo gaabiyey waxaa keliya oo la weyneysiiyaa juuqa ama xarafka ugu horreeya oo keliya, Tusaale: Br., Ust., Mac., Jle, iwm.
12. Weynee juuqa ama xarafka ugu horreeya erayada nabdaadinta iyo kuwa warqaddaha lagu soo afjaro. Asalaamu Caleykum!
Ma Cawo Barideen!
Nabad Ma Sheegteen!
Waad Mahadsan Tahay!