By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 04, 2025
Abwaan Cadheys Ciise Kaarshe waxa uu ku dhashay deegaan labaatan adhifoof galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Abwaanku waxa uu dhashay kolkay taariikhdu ahayd 1883dii. Abwaan Cadheys Ciise Kaarshe waxa uu geeriyoodey kolkay taariikhdu ahayd bishii Juunyo lixdeedii 1972dii. Geerida abwaanku waxa ay ku aadanayd maalin Arbaco ah. Sababta waxaa la sheegaa in xanuunka wadne ku soo boodku haleelay oo uu u geeriyoodey. Abwaan Cadheys Ciise Kaarshe waxa uu geeriyoodey isaga oo 89 gu jira.
Abwaan Cadheys Ciise Kaarshe waxaa la dhashay laba wiil oo uu aabbahiis dhalay, laakiin tirakoob sax ah ka ma hayno inta hablo la dhalatay. Sidoo kale ma hayno hooyadiis magaceedii. Abwaanku waxa uu ifka kaga tagey qoys ka kooban afar wiil, gabadh, iyo hooyadood. Yaraantiisii waxa abwaanku ku soo barbaaray nolosha miyiga oo ahayd xooladhaqato iyo beerafalasho. Aftahanimada Allaah diricnimada u siiyey ka sokow waxa uu abwaanku ku barbaaray xirfadda reerkooda ee dhaqato falasho. Sidoo kale waxa uu miyiga ku bartay Diinta Islaamka sida Quraanka. Sidaas darteed waxaa la sheegaa in uu Quraanka oo idil dusha ka hayey.
Mudadii uu miyiga ku noolaa waxa uu ahaa nin ku caan baxay maansooyinka gole ka fuulka ah sida saarka. Kolka uu meerinayo saarka waxa uu lahaa durbaan yar oo loo tumo iyo dhowr hablood oo ka daba jiibiya. Intii uu miyiga joogey waxa uu ku caan baxay aftahanimada golayaasha garta, tartanka maansooyinka oo aan agtiisa qori laga jabsan jirin, iyo helista hadalka oo Allaah diricnimo u siiyey. Abwaan Cadheys Ciise Kaarshe waxa uu ku soo biiray Hooballada Waaberi sannadkii 1960kii. Abwaanku waxa uu ahaa nin ay abwaaniintu tirsadaan kolka maadeysyada waaweyn iyo xusaska yaabka leh ay jiraan waayo waxaa lagu yaqiiney in uu yahay nin diyaarsan oo wacdaro dhigi kara kolka la isugu yimaado fagaarayaasha. Maansooyinkiisu waxa ay dadka ku abuuri jireen qiiro dalnimo jacayl ah. Allaah ha u naxariistee abwaanku waxaa uu ifka kaga tagey kayd weyn oo maansooyin ah oo had iyo goor laga siidaayo Codka Idaacadda Qaranka ee Muqdisho. Arrintaas oo ka dhigaysa in abwaankii Cadheys Ciise nool yahay.
Cadheys Ciise Kaarshe waxa uu ahaa nin ay jeclaayeen dhammaan dadkii ay isku deegaanka ahaayeen. Abwaanku waxa uu ahaa nin tabantaabiya dadka taagta yar ee tabaalaha adduun haystaan. Abwaanku waxa uu ahaa nin ay had iyo goor qiiro dalnimo jacay ku jirtey. Haddii u dhabagasho nuxurka saararkiisa waxa aad arkaysaa in dhammaantood ay ku dheehan tahay qiiro dalnimo jacayl. Abwaanku waxa uu ahaa nin afgaaban oo aad iyo aad u basar wanaagsan. Sidoo kale waxa uu ahaa nin hadalkiisa oo dhan tix iyo tiraab midkuu doonaba ha ahaadee mid murti ka buuxdo. Dhanka marriimashad dharka waxa uu ahaa nin xarago badan oo xidha hadba dharka deegaanka kan ugu wacan. Sidoo kale waxaa lagu aqoon jirey dhar maydhan, oogo madhayn, iyo uskag la'aan. Dhanka socodka waxa uu ahaa nin tallaabadiisu deggan tahay isla kolkaana dheeraynaya. Abwaanka waxa uu ahaa dadka dhaqanka Soomaalida jecel ee ku adag ilaalintiisa iyo dhawristiisa. Sidoo kale waxa uu aad u ilaalin jirey arrimaha diinta.
Abwaanka Cadhays Ciise Kaarshe waa maansayahan ku maansooda saarka. Abwaanku waxa uu tiriyey saarar badan oo ay ka mid yihiin:
Dharaaraha ku ma jirtoo
Waa maantaan dhalanayoo
Gumaysi iyo gobonimo
Ma laba la is garab dhigaa
Dhulkeenu waa magool
Mirey geeduhu dhaleen
Wan iyo waraabe, iwm.
Inta badan waxa ay saararka Cadhays Ciise Kaarshe ka hadlaan dalnimo jacaylka, maandhiska, horumarka, gumaysi diidka, dhaqanka suubban, iwm. Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa saar la yidhaahdo Gumaysi iyo gobanimo.
Ga' gabay baa laga galaa
Gawaan waa lagu kufaa
Gabiib waa la cuskadaa
Goow waa laga dhaadhacaa
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Kol waa gaajo iyo dhereg
Kol waa guul iyo guhaad
Kol waa roob soo gudciya
Abaar xooluhu go'een
Waa yoom labadiisa gelin
Adduun geeri iyo nolol
Mid uun baa kula gudbane
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Geddeed baan soo maroo
Maantana gaashaandhig iyo
Gaadiid baanu leenahayo
Gembiga waan geli karnaa
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Gaadada wiil taagayoo
Korkiisii giijiyiyo
Gurgurtaa kaare iyo
Kumaandood gaadh-hayiyo
Daraawiish gaardidiyo
Kolkii aan geeshka dayo
Galiilyaa iga kacdee
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Hub aad kuu gubahayiyo
Gantaalaan yeelanoo
Haddii meel lagu gacshaa
Kor iyo hoos lama gafnee
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Calooshii gocan jirtiyo
Guhaaddii laga baxyoo
Galladi noo soo gashaye
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Nin goomoonaan jiraba
Garaadkiisuu hadloo
Gees buu gaawe u cugtaye
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Gurrac iyo gacanbidixayn
Af-xumaddii goor walbiyo
Ganaaxii la ma arkee
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Gamboonaantii horiyo
Godkii laga soo baxyoo
Gudcurkii ku ma jirnee
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Mudanayaal geesiyoo
Kursiga loo doortay iyo
Gudoonshe Mineestariyo
Madaxweyne guud
Garsooraan yeelanaye
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Xornimadaa gaamurtiyo
Luulyow gaawdeeda iyo
Gegida loo soo baxahayiyo
Garwaaqsiga maalintiyo
Ganuuniga dhacahayana - kanooni
Waa guul noo soo gashaye
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Waaggii gaaladdu fadhidey
Garaada haddii la xulo
Kor keenii loo dhigaa
Isbatoore gaasiriyo
Gablow la ma dhaafi jirin - Kablow
Maantana geeddanaan watiyo
Taneeti is giija iyo
Mijir gaafmeera iyo
Kabtankii iyo kormeer
Garoon xaasaw leh baa
Garbaha loo suubsadaye
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Xafiis aad soo gashoo
Nin gacalkaa ihi fadhiyo
Dantaada uu kuu gudiyo
Afkiisaba kaan la garan
Haloo fiirsho gadaal
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Arday kumanyaal ahoo
Galaas wada dhaatayoo
Tacliintoodii gutoo
Kooris qaar galahayana
Haloo fiirsho gadaal
Gumaysi iyo gobanimadu
Ma labo lays garab dhigaa?
Ma labo lays garab dhigaa? [Maya]
Ga'dii kale waxaan lahaa [Hee]
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen