By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: February 27, 2026
UGAADHA
âHiddaha iyo dhaqankiyo - Hawlaha dhulkaygaa - La ii saaray hibadee - Xil huwade had iyo jeer - Horusocod u baahane - Aniga iyo habeenkay - Hoodada ku kulane - Hilibkiisi buu cunay - Nin hagraday dhulkiisii.â
Barre Maxamed Jaamac Geylan waxa uu ku dhashay Jeexa Saxarlaâ ee u dhow Magaalada Taleex ee Gobol Sool taariikhdu kolkii ay ahayd 1950kii guâgii la odhan jirey Siigacase. Barre waxaa hooyadii la odhan jiray Xaawo Cawed Cali Haaruun. Isagu waxa uu Quraanka dhigashiida ka bilaabay Magaalada Lascanod. Quraanka waxa uu bilaabay isaga oo shan jir ah. Baraha Quraanka u dhigi jirey waxaa la odhan jirey Eebbe ha u tudhee Sheekh Cali Daad. Barre waxa uu bartay afka Carabiga intii uu Quraanka dhiganayey. Barashada afka Carabiga waxaa u dhigi jirey bare la odhan jirey Cali Macalin. Barre waxa uu xilligii Ololaha Horumarinta Afka Soomaaliga ee 1974 ilaa 1975tii bartay sida far Soomaaliga loo qoro. Isla xilligaas waxa uu dugsiga hoose dhexe ka bilaabay Magaalada Garoowe. Barre waxa uu waxbarashada aasaasiga ah ka gaadhay fasalka sideedaad. Barre waxa uu noqday bare dadka waaweyn wax u dhiga oo uu ku shaqaynayey muddo dhan saddex sannadood. Isaga oo jaadadka ugaadha inoo abla-ablaynaya waxa uu yidhi:
Ugaadha waxaa loo kala qaybiyaa labo jaad oo kala ah: ugaadh qardan oo waaweyn oo la yidhaahdo ISHIN iyo ugaadha yaryar oo la yidhaahdo YARIS. Ugaadha ishinka ah ee geyigeena laga yaqaan waxaa ka mid ah: gumburiga, biciidka, goodirka, gorayada, iwm. Ugaadha yarista ah waxaa ka mid ah: cawsha, deerada, garanuugta, sagaarada, iwm. Geyiga Soomaalida intaas baa loo yaqaan ugaadh.
Annaga oo soo xiganayna xogtii uu na siiyey Barre Maxamed, ugaadha ishinka waxaa geyigeena ugu muhiinsan inta aynu halkan hoose ku soo taxayno.
Gunburi â Gumburigu waa noole dameeraha u eg oo dherer iyo joog ahaan leâeg, laakiin ka yare shilis oo ka xoog badan. Geyiga Soomaalida waxaa laga helaa oo keliya Dooxada Nugaal. Gumburigu waxa uu xagga muuqaalka sidoo kale u eg yahay dameerfarrowga daliigaha leh, laakiin ma laha midabkiisa iyo daliigaha toona. Gumburigu waa ugaadh hilibka laga helo aad dheef badan yahay. Gumburiga waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Gumburiga wadarta ah ee wada socda waxaa la yidhaahdaa adan.
⢠Gumburiga labka ah waxaa la yidhaahdaa dagiig.
⢠Labka yar ee gumburiga waxaa la yidhaahdaa saaxuudh.
⢠Dhediga weyn ee gumburigu waxaa la yidhaahdaa faro.
⢠Dhediga yar ee gumburiga waxaa la yidhaahdaa sadcaashi.
Biciid â Biciidku waa noole ugaadh ah oo geeso fiiqan oo qumaati u baxay leh. Biciidku waxa uu u yara eg yahay loâda kolka la eego dhanka heemaalka iyo bacaraarka, laakiin waa uu ka laxaad weyn yahay. Biciidku waa ugaadh hilibka laga helo aad iyo aad u dheef badan yahay. Isagu waa noole aad u dheereeya. Soomaalidu waxa ay faras weydiiyeen wax lagugu eryo maxaad ugu neceb tahay. Faraskii waxa uu yidhi, saddex baan ugu nebcahay in la igu eryo: kuddo cawleed, kadle biciid, iyo kabti deero. Googaalaysigii carruurta waxaa ka mid ahaa: Abtigay warmo dheere wabax taraar oo ay u jeedaan biciidka. Biciidka waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Biciidka wadarta ah ee wada socda waxaa la yidhaahdaa yahaab.
⢠Biciidka labkiisa weyn waxaa la yidhaahdaa saryan.
⢠Biciidka labkiisa yar waxaa la yidhaahdaa booldhay.
⢠Biciidka dhedigiisa weyn waxaa la yidhaahdaa gosol.
Goroyo â Gorayadu waa ugaadh la isku qabto in ay shimbir tahay iyo in kale waayo wax kasta oo shimbir leedahay waa ay leedahay kolka laga reebo haadista ama duulista. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: âGoroyo la hubsayoo haad bay noqotay.â Gorayadu waa ugaadh laga helo hilib aad u nafaqo badan. Gorayada waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Goroyada labkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa haldhaa.
⢠Goroyada labkeeda yar ee kelida ah waxaa la yidhaahdaa camadhle.
⢠Koox camadhlayaal ah oo wada socda waxaa la yidhaahdaa warriile.
⢠Goroyada dhedigoodkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa goroyacawl.
⢠Goroyada ukunta ah ee dhasha ah waxaa la yidhaahdaa halgarac.
⢠Goroyadu meesha ay ilmaha dhigtaan waxaa la yidhaahdaa goof.
⢠Socodka gorayada waxaa la yidhaahdaa daldhoon. Sidii ay Cambaro tidhi: Gorayada daldhoonaysiyo suunaarigii guba.
⢠Codka gorayada waxaa la yidhaahdaa haalib.
⢠Koox gorayooyin ah oo wada socda ama raxan ah waxaa la yidhaahdaa baalakoone ama gawar.

Goodir - Goodirka waa ugaadh lafo qardan oo biciidka u soo yare eg. Goodirku waxa uu leeyahay geeso marmaroorsan. Summadda Ciidanka Nabadgelyada ee Soomaaliya waa goodir. Isagu waa ugaadh hilib macaan sida kan geela oo kale. Goodirku waxa uu u yare eg yahay riyaha marka laga eego foolka, bacaraarka, iyo heemaalka. Goodirka waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Goodirka wadar ahaan u wada socda waxaa la yidhaahdaa urur.
⢠Goodirka labkiisa weyn waxaa la yidhaahdaa daraad ama labaqolle.
⢠Goodirka dhedigiisa waxaa la yidhaahdaa adeeryo, gaadeero, ama Caarrey.
⢠Goodirka yaryar ee dhedigoodka ah waxaa la yidhaahdaa sawaro ama dhedigo
⢠Goodirka yaryar ee laboodka ah waxaa la yidhaahdaa ishin.
⢠Kolka uu labalabo u wada socdo waxaa la yidhaahdaa neehi.
⢠Kolka uu saddexsaddex u wada socdo waxaa la yidhaahdaa saalax.

Aniga oo soo xiganaya xogtii Barre Maxamed, ugaadha yarista ah waxaa geyigeena ugu muhiimsan inta aan hoos ku soo taxayo.
Cawl â Cawshu waa jaad ka mid ah ugaadha yarista ah. Iyada waxaa lagu tiriyaa noolaha miyirlaawaha ah ee wax odorosa. Cawshu waa noole garaad sare leh oo wax odorosa. Xilliyada roobabku curanayaan cawsha waxaa u sahan taga laboodka cawsha ugu weyn ee la yidhaahdo jaxaadh. Kolka uu soo helo dhul doog iyo barwaaqo ah waxa uu geeska soo daraa carradii rayska lahayd ee uu soo arkay kolkaas buu dib ugu soo noqdaa goosinkii uu u sahan tagey. Kolka uu soo noqdo si uu wax ugu sheego waa uu is tusaa goosinkii oo dib u jeestaa kolkaas bay ka dabo dillaantaa. Cawshu waxa ay roobabka bilowgooda fahantaa meesha barwaaqadu u badan tahay sannadkaas. Cawsha waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Cawsha badan ee wadarta ah waxaa la yidhaahdaa goosin.
⢠Cawsha labkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa jaxaadh.
⢠Cawsha labkeeda yar waxaa la yidhaahdaa caalcadde.
⢠Cawsha dheddig ee weyn waxaa la yidhaahdaa masaal.
⢠Koox cawl ah oo wada socda ama raxan ah waxaa la yidhaahdaa golabeed.
Garanuug â Garanuugtu waa jaad ka mid ah ugaadha yarista ah. Iyada ayaa ugu joog dheer ugaadha yarista ah. Sidoo kale waa ugaadh laga helo Geyiga Soomaalida oo keliya. Aqoonbaadhis badan oo la sameeyey waxa ay sheegaysaa in aan laga helin meel kale oo carro-edeg ah. Garanuugta waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Garanuugo wadar ah ama xayn ah wada socda waxaa la yidhaahdaa dan ama geediyeyn.
⢠Garanuugta labkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa liig afartunle.
⢠Garanuugta labkeeda yar waxaa la yidhaahdaa liig tundheere.
⢠Garanuugta dhedigoodka weyn waxaa la yidhaahdaa tingaa.
⢠Garanuugta dhedigoodka yar waxaa la yidhaahdaa xayboob ama warrad.
Deero - Deero waa jaad ka mid ah ugaadha yarista ah. Iyadu waa jaadka ugu badan ee laga helo geyigeena. Guud ahaan dheefta laga helo hilibka ugaadha yarista ah ma buura kolka loo barbardhigo kuwa qardan. Deerada waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Deerooyinka wadarta ah ama xaynta ah ee wada socda waxaa la yidhaahdaa adaf ama abaasa.
⢠Deerada labkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa deer ama jaxuur.
⢠Deerada labkeeda yar waxaa la yidhaahdaa afardhegood.
⢠Deerada dheddigoodka weyn waxaa la yidhaahdaa dheddigo.
⢠Deerada dheddigoodka yar waxaa la yidhaahdaa dhaacdhaac.
Sagaaro - Sagaaradu waa habardugaaga ugu yar ugaadha duurjoogta ah. Sagaaradu waxa ay ka tirsan tahay bahda cawsha sida deerada, garanuugta, cawsha, biciidka, geriga, goodirka, iwm. Sagaaradu waa dugaag dhiblaawe ah, laakiin dadku aad u dhibaan. Kolalka qaarkood waxa aad arkaysaa sagaaro si ciyaar iyo dheeldheel ah loo diley. In kasta oo sagaaradu ugaadha ka mid tahay haddana aad loo ma ugaadhsado, waayo oon weyn oo la hungureeyo ma leh. Soomaalidu iyaga oo sagaarada yaraanteeda tilmaamaya waxa ay yidhaahdaa âsaguaro labo tun oo la kala qalo ma leh.â Qoyska sagaaradu waxa uu ka kooban yahay atoor, yac, jiis, iyo biiq. Atoorku waa odayga qoyska. Yacdu waa naagta qoyska. Jiisku waa ilmaha lab ee qoyska. Biiquna waa ilmaha dheddig ee qoyska. Sigaarada waxaa loo abla-ableeyaa saddex nooc oo kala ah: Golcas, Guuyo, iyo Qusley.
⢠Sagaarada wadar ahaan ama xayn u wada socota waxaa la yidhaahdaa idifley.
⢠Sagaarada labkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa atoor.
⢠Sagaarada dheddigoodkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa yac.
⢠Sagaarada dhasheeda yaryar ee labka ah waxaa la yidhaahdaa jiis.
⢠Sagaarada dhasheeda yaryar ee dheddigga ah waxaa la yidhaahdaa biiq.

Jaadadkaas ugaadha ah ee aynu soo sheegnay waa kuwa uga caansan ee ugaadha rasmiga ah loo yaqaan Geyiga Soomaalida, laakiin waxaa jira duurjoog badan oo ugaadh ah oo aanay Soomaalidu ugaadhsan sida geriga, maroodiga, wiyisha, dameerfarowga, kashiitada, bakaylaha, bacayrta, dibtaagta, iwm.
Qaybtii labaad ee casharkii ugaadha, waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaybo ka mid ah ugaadha qardan, haseyeeshee aannay Soomaalidu u tixgelin in ay ugaadha ka mid yihiin. Qaybahaas waxaa ka mid ah: maroodiga, geriga, wiyisha, iwm.
Maroodi - Maroodigu waa habardugaag ugaadh ah oo aad u laxaad weyn. Maroodigu waxa uu isu haystaa in uu yahay boqorka habardugaaga, laakiin waa boqorka ugaadha ee ma aha boqorka habardugaaga. Maroodigu waxa uu ka tirsan yahay bahda laxaadka weynta ee naasleyda ah sida wiyisha, jeerta, iwm. Maroodigu waa noole dhir ku nool ah, isla kolkaana waa dilaa carashadiisu daran tahay oo haddii la cariyo dhibaato badan geysan kara. Maroodigu waxa uu leeyahay gacan dheer oo gafuurka hore ka lusha iyo labo fool oo waaweyn oo gacanka labadiisa dhinac ka taagan. Maroodiga waxaa lagu xantaa xoogaa isla weyni ah iyo doqoniimo. Maahmaahyaha tilmaamaya maroodiga doqonimadiisa waxaa ka mid ah: âMaroodigu takarta saaran ma arkee waxa uu arkaa tan kan kale saaran.â Maroodiga waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Maroodiga wadar ahaan u wada socda waxaa la yidhaahdaa raxan.
⢠Maroodiga labkiisa weyn waxaa la yidhaahdaa arbe
⢠Maroodiga labkiisa yar waxaa la yidhaahdaa goso
⢠Maroodiga dhedigiisa weyn waxaa la yidhaahdaa saweer ama boor.
⢠Maroodiga dhedigiisa yar waxaa la yidhaahdaa qalanjo.
⢠Maroodiga dhashiisa yaryar waxaa la yidhaahdaa uurfanays.
⢠Kolka arbuhu raxanta ka baydho ee uu keli soconayo waxaa la yidhaahdaa gaaroodi.

Geri - Geri waa habardugaaga ugu joogga dheer ugaadha. Gerigu waxa uu ka tirsan yahay bahda cawsha sida deerada, garanuugta, cawsha, biciidka, sagaarada, goodirka, iwm. Gerigu waxa uu inta badan ku nool yahay dhulka kaymaha ah ee u dhexeeya labada kulaale. Gerigu ma aha dugaag dilaa ah oo noolaha kale dhibaato u geysta. Gerigu waa noole qurux badan oo aragtidiisa la xiiseeyo. Geriga waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Geriga wadar ahaan u wada socda waxaa la yidhaahdaa raxan.
⢠Geriga labkiisa weyn waxaa la yidhaahdaa siig.
⢠Geriga dheddigiisa weyn waxaa la yidhaahdaa beyre.
⢠Geriga labkiisa yar waxaa la yidhaahdaa baarle.
⢠Geriga dhedigiisa yar waxaa la yidhaahdaa baarley.
⢠Geriga dhashiisa yaryar waxaa la yidhaahdaa biqlaale.
Wiyil - Wiyil waa habardugaag aad u qaro weyn oo miisaankeeda lagu qiyaaso 800 kg ilaa 1,350 kg. Jooggeeda sare waxaa lagu qiyaasaa saddex ilaa afar mitir. Wiyishu waxa ay leedahay gees dheer oo cabbirkiisa lagu qiyaaso mitir badhkii. Daâdeeda waxa ay gaadhaa 30 sanno ilaa 40 sanno. Wiyishu waxa ay ku noolaan jirtey Geyiga Soomaaliya, laakiin hadda waa ay ka dabargoâday. Xawaaraha wiyishu waxa uu gaadhaa ilaa 50 km saacaddii. Wiyishu waa noole dilaa ah oo cidda aanay rabin ku soo haliisha. Laboodka wiyishu waxa uu u nool yahay keli iyo gooni socod, laakiin dheddigoodka wiyishu waxa ay u wada socdaan raxan ahaan. Wiyishu waa caws iyo biyo ku nool. Wiyisha waxaa loo abla-ableeyaa siyaalaha soo socda:
⢠Wiyisha wadar ahaan u wada socda waxaa la yidhaahdaa raxan.
⢠Wiyisha labkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa wiyil.
⢠Wiyisha dheddigoodkeeda weyn waxaa la yidhaahdaa haaribo.
⢠Wiyisha labkeeda yar waxaa la yidhaahdaa gaani.
⢠Wiyisha dhedigoodkeeda yar waxaa la yidhaahdaa uurey.
⢠Wiyisha dhasheeda yaryar waxaa la yidhaahdaa cagabaruur.

Dhammaan ugaadhaas aynu soo sheegnay waa ay ka dabargoâday Geyiga Soomaalida ilaa wax aad u yar mooyee. Ugaadha badankeedu waxa ay u qaxday Keenya, laakiin haddii aynu la nimaadno daryeelka ugaadhu u baahan tahay oo ah in loo sameeyo dhul ay ku soo hirato waynu soo celin karnaa.
Sidoo kale waxaa jira dugaag meelo ka mid ah carro-edeg ugaadh looga yaqaan, laakiin Soomaalida ugu ma jirto jaadadka ugaadha sida: masacagaleyda, kashiitada, raha, halaqa, dindiinka, iwm.
Heesaha Ugaadha
Heesaha ugaadha waxaa loo yaqaan maanyo. Ugaadhsaduhu kolka uu dabinka dhigto waxa uu ku heesaa: âMaanyooy manka u kaalay yaan maqashu kaa gurane.â Manku waa ubaxa geed qodxeedka sida qudhaca, bicilka, iwm. Ubaxa geed quwaaxa waxaa la yidhaahdaa ruqur sida xagarka, qadhoonta, iwm. Ubaxa dhirta geedmidhoodka ah waxaa la yidhaahdaa xay sida toonka, mudhcanyada, yicibta, iwm. Ubaxa geedcawsaadka sida duurka, dureemada, iwm waxaa la yidhaahdaa cobol. Dhirta geedmadowga ah waxaa ubaxooda la yidhaahdaa door. Haddii Allaah idmo waxa aynu halkan hoose ku soo taxaynaa dhowr heesood oo ku saabsan ugaadha:
Heesta maanyada ee goroyada:
Yalax yalax u rooryoow
Yal roobaad buu ka rooraayaa.
Heesta labaad ee goroyada:
Tuur cayooy
Tallaabadu tig dheeraa
Dafle doogga diidyoow
Darfaha ha iska meeroo
Heesta maanyada ee gunburiga:
Dhaadaneey dhebed qale ku dhiillee
Deggeneey kuma dilaan deero gaadyadu
Laba rundood iyo rakaab weyne
Taallo qubaneey waa tol noolays.
Heesta maanyada ee biciidka:
Suuniyo madooboow
Hoggaankiisu waa sabeen
Samoow sool jiraa
Yeeshu waa laba sabeenood
Salansal weedhoow
Sacaygiiyoow ku mee.
Heesta maanyada ee garanuugta:
Subaxba sadar bay martaa
Saaka waa sadarkayaga
Waa sin talalaxeey tingaa
Heesta labaad ee garanuugta:
Quluboow waa qaalin liigeey
Ma qayladii buu qarka u baxay
Barre Maxamed Jaamac Geylan waxa uu qaar ka mid ah heesihii maanyada u bedeley gabay isaga oo yidhi:
Allahayoow sodcaal baan ahay soo ugaadh tageye.
Saryan iyo haldhaa bay ahayd socotadaydiiye.
Saryankiise saankii helay oo suumankii dhilaye.
Sacabada Alloow iigu laab seedo goray maanta.