XOGTA KULLIYADDA WAXBARSHADA ILAYS – ILAYS ACADEMY COLLEGE

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxay ku dadaalaysaa tayeynta aqoonta waayo aqoontu waa raasamaalka ugu qaalisan ee qof yeelan karo. Aqoontu waxay kor u qaadaa tayada qofka. Aqoontu waxay kuu fududaysaa go'aanka aad qaadanayso. Aqoontu waxay ku bartaa meesha aad ka liidato. Aqoontu waxay ku siisaa saadaalin suuban. Aqoontu waxay kacaan cusub ka dhalisaa qofka noloshiisa. Aqoontu waxay horumarisaa noloshaada.

Kuliyadda Waxbarashada Ilays waxaa la aasaasay August 12, 2012. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa urur waxbarasho oo casri ah. Nidaamka waxbarashada ee Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa mid aad u qaabaysan oo la socda qaababka waxbarashada ee dunida ugu horumarsan.

Run ahaantii Kulliyadda Waxbarashada Ilays waa haqabtiraha riyadii iyo dhadhabkii noloshaada. Ujeedadayadu waa in aannu kaa dhigno qof murtiyoole ah oo ku qalabaysan xuuraan, xog, war, wacaal, dooc, aqoon, iyo murti.

Himilooyinka Waxbarashada

  • In aan kor u qaadno waxbarashada iyo tayeynteeda annaga oo ardayda wax ku barayna qalab iyo hab cusub.
  • In aan horumarino hawl gudashada waxbarashada si aannu u xaqiijino in aannu himiladayadii gaadhney.
  • In aan tayeyno hannaanka waxbarashada ee Kulliyadda Waxbarashada Ilays.
  • In aan Kulliyadda Waxbarashada Ilays ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaanka waxbarasho ee dunida ugu horumarsan.
  • In aan sida ugu fiican u adeegsano qalabka iyo agabka kale ee waxbarashada.
  • In Kulliyadda Waxbarashada Ilays ka qaybqaato dibudhiska iyo soo noolaynta waxbarashada aasaasiga ah.

Kalbarashooyinka Kulliyadda Waxbarashada Ilays

Waxbarashada Dadka Waaweyn

  • Dugsiga Aasaasiga ee dadka waaweyn - 5aad ilaa 8aad oo aad dhiganayso dhammaan maaddooyinka dugsiga aasaasiga.
  • Dugsiga Sare ee dadka waaweyn - 4 sanno oo aad dhiganayso dhammaan maaddooyinka dugsiga sare.

Barashada Afafka

  • Afka Ingiriisiga ee heerka 1, heerka 2, heerka 3, iyo heerka 4aad. Sidoo kale waxaa diyaar ah barashada qoraalka afka Soomaaliga, afka Carabi, iyo afka Shiinaha.

Shahaadooyinka Heerka 1aad (Diploma Courses)

  • Maamulka, Maaraynta, iyo Ganacsiga - shahaadada 1aad (diploma) - hal sanno.
  • Maamulka Ganacsiyada yaryar - shahaadada - hal sanno.
  • Hawlgelinta Maamulka iyo Dawinta Alaabooyinka - hal sanno.
  • Tababarka Barayaasha - shahaadada 1aad - hal sanno.

Tabantaabinta Maaddooyinka Ardayda Dugsiyada Sare

  • Fisigis (physics), xisaab (maths), kimisteri (chemistry), baayoloji (biology), taariikh (history), juquraafi (geography), iyo af Soomaali.

Qaybta Dugsiga Aasaasiga

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa uu manhajkeedu u qaybsan yahay saddex af oo kala ah: Soomaali, English iyo Carabi.

Maaddada (Subject)Afka (language)
SoomaaliSoomaali
Cilmiga BulshadaSoomaali
Xogdhawrka (ICT)Soomaali
FayadhawrkaSoomaali
Barbaarinta IslaamkaCarabi
CarabiCarabi
EnglishEnglish
MathematicsEnglish
ScienceEnglish

Qaybta Dugsiga Sare

Maaddada (Subject)Afka (language)
SoomaaliSoomaali
JuquraafigaSoomaali
TaariikhSoomaali
Maamulka GurigaSoomaali
CuntadaSoomaali
Barbaarinta IslaamkaCarabi
CarabiCarabi
Taariikh IslaamkaCarabi
GanacsigaEnglish
EnglishEnglish
MathematicsEnglish
ICTEnglish
BiologyEnglish
ChemistryEnglish
PhysicsEnglish

Xilliyo Waxbarashada iyo Fasaxyada

Gooraha waxdhigashada Dugsiyada Ilays
Xilliga 1aad ee waxbarashadu waxa uu bilaabmaa1da Ogoosto sannad kasta
Dhammaadka Xilliga 1aad15ka Diisembar sannad kasta
Xilliga 2aad ee waxbarashadu waxa uu bilaabmaa2da Janaayo sannad kasta
Dhammaadka Xilliga 2aad15ka Juunyo sannad kasta
Gooraha fasaxyada Dugsiyada Ilays
Fasaxa yar:15ka Diisambar ilaa 31ka Diisambar
Fasaxa weyn:15ka Juunyo ilaa 31ka Luulyo
Fasaxa Ciidda Fitriga:2 Cisho ka dib maalinta Ciidda
Fasaxa Ciidda Udxada:2 Cisho ka dib maalinta Ciidda
Fasaxa Ramadaan:21da ilaa 30ka Ramadaan