+252 90 4048010


XOGTA KULLIYADDA WAXBARSHADA ILAYS – ILAYS ACADEMY COLLEGE

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxay ku dadaalaysaa tayeynta aqoonta waayo aqoontu waa raasamaalka ugu qaalisan ee qof yeelan karo. Aqoontu waxay kor u qaadaa tayada qofka. Aqoontu waxay kuu fududaysaa go’aanka aad qaadanayso. Aqoontu waxay ku bartaa meesha aad ka liidato. Aqoontu waxay ku siisaa saadaalin suuban. Aqoontu waxay kacaan cusub ka dhalisaa qofka noloshiisa. Aqoontu waxay horumarisaa noloshaada. Aqoontu waxay kuu bayaamisaa jidka toosan. Aqoontu waxay ku bartaa meesha u baahan in nolosha laga toosiyo. Aqoontu waxay kuu fududaysaa fahanka dunida. Aqoontu waa walax qaali ah. Aqoontu waa ilays iyo iftiin. Aqoontu waa hubka lagula dagaalamo nacabkaaga. Aqoontu waa xoog iyo dawlad. Aqoontu waa bardaanka nolosha. Aqoontu waxay fahan kaa sii saa seben tegey, mid weli soo socda iyo saaka waxa jooga.

Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa hogaanka ururada waxbarashadda ee Geyiga Soomaalida. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa saaxiibka dadweynaha ee maankooda iyo qalbigooda deggan. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waxay dadweynaha u ballanqaadaysaa in ay u huridoonto itaalkeeda waxbarasho si hagar la’aan ah oo tiro iyo tayo leh. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waxaa la aasaasay August 12, 2012. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa urur waxbarasho oo casri ah. Nidaamka waxbarashada ee Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa mid aad u qaabaysan oo la socda qaababka waxbarashada ee dunida ugu horumarsan. Nidaamkaas waxbarashada waxaa nasiib u yeeshay dadweynaha Soomaaliyeed. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waxay ardayda bartaa hal run ah oo haddii la fahmo xal u ah dhibaatooyinka degmadeena haysta, dhibaatooyinka ummaddeena haysta, iyo dhibaatooyinka dunida oo idil. Runtaasi waxay ku urursan tahay hal eray oo keliya. Eraygaasi waa “Waxbarasho”. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waxay rabtaa inay soo saarto dadka dunida ugu waxbarasho fiican. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waa midabka qurxinaya qalbiga. Midabkaas oo rasiin ah, isla markaana qaro weyn. Kuliyadda Waxbarashada Ilays waxay kuu diyaarisay aqoon iyo xirfad barasho aad si toos ah ugu shaqaysan kartid. Jaantuska soo socda wuxuu ku tusinayaa xilliyada socdaalka waxbarashada ee Kuliyadda Waxbarashada Ilays:


Aqoonsiga Jaamacadda Ummadda Ilays

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa ay aqoonsigeedii ugu horreeyey heshay Luulyo 10, 2014. Maalintaas laga soo bilaabo waxa ay ahayd jiritaan ay si rasmi ah u aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Wadaagga Soomaaliya (Somali Federal Government).

Adduunka aynu maanta ku nool nahay waxaa si kodhaysa u taagan ama ugu soo fool leh dhibaatooyin kakan kuwaas oo u baahan xalal ay gorfayntooda iyo go’aanqaadashadoodu adag yihiin. Dhibaatooyinkaas kakan oo xal loo helo waxa ay ku xidhan tahay in aad kulansato dad adag oo ku qalabaysan xirfadihii iyo aqoontii loo baahnaa si loo furdaamiyo. Annaga oo taas maanka ku hayna waxa ay Kulliyadda Waxbarashada Ilays leedahay xeeldasho durugsan (long term strategy) oo abuuraysa isla markaana dhiirigelinaysa in la soo saaro dad ku qalabaysa karti, xirfaddo, aqoon oo u babacdhigi kara kakanaanta iyo gedgedoonka waayaha ee carro-edeg.

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxay doonaysaa in ay maanka ardaydeeda ku shubto oo ku rarto aqoon iyada oo adeegsanaysa habab casri ah iyo gedo cusub. Kolkaad u baahan tahay in aad barato wax kugu cusub, tusaale ahaan, qoraalka Ingiriisida ama qoraalka Soomaaliga, waxa aad u baahan tahay in aad fadhiisato oo ka yare fekerto jiritaanka waxbarasho ee aqoon weyn oo wacan ku shubi kara maankaaga. Run ahaantii Kulliyadda Waxbarashada Ilays waa haqabtiraha riyadii iyo dhadhabkii noloshaada. Ujeedadayadu waa in aannu kaa dhigno qof murtiyoole ah oo ku qalabaysan xuuraan, xog, war, wacaal, dooc, aqoon, iyo murti.

Xuuraan - xuuraanku waa ururinta hore ee xogta. Kolka arrin dahsoon xog laga raadinayo wax baa la xuuraamaa si wax looga ogaado. Xog kasta waxa ay ka bilaabantaa xuuraan oo ah xog raadin.

Xog - xogtu waa gobol yar oo war qaarkiis ah isla markaana ujeeddo dhab ah oo la yaqaan iyo dhacdooyin jira ku saabsan! Xogtu waa baaqyo kooban oo marka ay badan yihiin war dhammaystiran noqda. Xogtu waa wax ogaan iyo in wax la is weydiiyo iyada oo la adeegsanayo: Maxay? Kuma? Xaggee? Sidee? Intee? Kolkee? Waayo? Xogtu waa walxo kala furfuran ama dhacdooyin aan nuxurkooda la kasayn oo aan wax xidhiidh ah ka dhexayn ilaa laga shaqeeyo oo la isla doonto.


War – warku waa xog ama xogo la ururiyey oo macno dhammaystiran samaynaya. Warku waa xogo la ururiyey, la falanqeeyey, la faaqidey, oo nuxukoodu is qabsaday kolkii la isla doontay.

Wacaal – wacaalku waa warar la ururiyey oo la falanqeeyey si xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinka loo fahmo! Wacaalku waxa uu soo bandhigaa xidhiidhka ka dhexeeya wararka. Sidoo kale waxa uu warar dheeraad ah kaa siiyaa macnaha iyo nuxurka wararku xambaarsan yihiin.

Dooc – warka iyo wacaalka intooda sugan ee la hubo waxaa la yidhaahdaa dooc. Reer miyigu waxa ay isku waraystaa maxaa dooc iyo dareen la hayaa.

Aqoon – aqoontu waa wacaallo ururay oo nuxurkooda si rasmi ah loo kasay oo loo daahfuray! Aqoontu waxa ay soo bandhigtaa xidhiidhka ka dhexeeya xogta, warka, wacaalka, iyo weliba kolka lagu daro waslado kale aqoon ah. Kolka intaasi is qabsato oo ay naqshad sameeyaan bay noqdaan aqoon buuxda.

Murti – murtidu waa kasmo iyo aqoon buuxda oo adduunka ama carro-edeg laga og yahay! Murtidu waa garasho suubban iyo xeerin ka curata naqshadaha kaladuwan ee aqoonta. Murtidu waa kasmada ama fahanka dhabta ah ee adduunka ama carro-edeg laga hayo. Murtidu waa hodantinimada horumarka.

Kolkaad qof murtiyoole ah tahay waxaa kuu fududaanaysa in aad adduunka si fudud u fahanto. Kol kasta oo kasmadaadu kororto waxaa suubbanaanaya go'aan qaadashadaada.
Kalbarashooyinka kaladuwan ee Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa ay fahan iyo kasmo fiican kaa siinayaan adduunka aynu ku nool nahay.


HIMILOOYINKA WAXBARASHADA EE KULLIYADDA WAXBARASHADA ILAYS

  • In aan kor u qaadno waxbarashada iyo tayeynteeda annaga oo ardayda wax ku barayna qalab iyo hab cusub. Isla kolkaana ardayda tusinayna sida waxbarashadu kor ugu qaado dhaqaalaha bulshada.
  • In aan horumarino hawl gudashada waxbarashada si aannu u xaqiijino in aannu himiladayadii gaadhney iyo in aannu qofkii la rabay bulshada u soo saarnay, isla kolkaana ardayga himiladiisu u noqon lahayd mid uu ku gaadho liibaan dhow iyo mid fog.
  • In aan tayeyno hannaanka waxbarashada ee Kulliyadda Waxbarashada Ilays, waayo waxa ay tayo la’aanta waxbarashadu sababtaa hoos u dhac ku yimaado garaadka Aadamaha iyo raasamaalka aqoonta.
  • In aan Kulliyadda Waxbarashada Ilays ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaanka waxbarasho ee dunida ugu horumarsan, isla kolkaana saamayn ku yeelano siyaasada waxbarashada, barnaamijyada waxbarashada, iyo arrimaha horumarinta bulshada.
  • In aan sida ugu fiican u adeegsano qalabka iyo agabka kale ee waxbarashada si aannu wax u barno bulshadeena ka qaday kanshada aqoonta.
  • In Kulliyadda Waxbarashada Ilays ka qaybqaato dibudhiska iyo soo noolaynta waxbarashada aasaasiga ah ee tayadeedu hoos u socoto. Isla kolkaana ka shaqayno jiritaanka, isku filaanshaha, iyo horumarinta waxbarashada Magaalada Lascanod.
  • Kulliyadda Waxbarashada Ilays waa jiritaan waxbarasho oo hamigiisa iyo aragtidiisu tahay in uu dhaqangeliyo isku xidhka bulshada, horumarta nolosha, abuurista xirfadaha, iyo barwaaqaynta dalkeena. Guddiyada dugsigu waxa ay rabaan in ay horumariyaan aragti isku mid ah, tub waxbarasho isku mid ah, lebis isku mid ah, waxbarasho isku xilli ah, fasax isku mid ah, iyo maamin isku mid ah.

UJEEDOOYINKA WAXBARASHADA EE SANNADAHA HORE

Ujeedooyinka Waxbarashada ee sannadaha hore waa in ilmuhu horumar ka sameeyaa xagga:

  1. qofnimada
  2. arrimaha bulshada.
  3. arrimaha deegaanka.
  4. adeegsiga iyo ku hadalka afka, qorista, akhrinta iyo higgaadinta weedhaha adag.
  5. xisaabta, fikirkeeda, adeegsigeeda iyo in uu ku fahmo nolosha dunida.
  6. aqoonta guud iyo fahanka dunida ku xeeran
  7. aqoonta sayniska iyo farsamada cusub.
  8. maskaxda, hal abuurka, maaminta, iyo wax ogaanshaha dunida ku xeeran.

KALBARASHOOYINKA KULLIYADDA WAXBARASHADA ILAYS

WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN:

  • Dugsiga Aasaasiga ee dadka waaweyn - 5aad ilaa 8aad oo aad dhiganayso dhammaan maaddooyinka dugsiga aasaasiga ee hoose dhexe.
  • Dugsiga Sare ee dadka waaweyn - 4 sanno oo aad dhiganayso dhammaan maaddooyinka dugsiga sare.

BARASHADA AFAFKA

  • Qoraalka afafka ee ardayda jaamacadaha, shaqaalaha arrimaha bulshada, iyo hodanlayaasha waxaa u diyaarsan barashada: Afka Ingiriisiga ee heerka 1, heerka 2, heerka 3, iyo heerka 4aad. Sidoo kale waxaa diyaar ah barashada qoraalka afka Soomaaliga, afka Carabi, iyo afka Shiinaha.

SHAHAADOOYINKA HEERKA 1AAD (DIPLOMA COURSES)

  • Maamulka, Maaraynta, iyo Ganacsiga (Management, administration, and business) - shahaadada 1aad (diploma) - hal sanno.
  • Maamulka Ganacsiyada yaryar (small business management) - shahaadada -hal sanno.
  • Hawlgelinta Maamulka iyo Dawinta Alaabooyinka (operation managent and logistics) - hal sanno.
  • Tababarka Barayaasha (teacher training certificate) - shahaadada 1aad - hal sanno.

TABANTAABINTA MAADDOOYINKA ARDAYDA DUGSIYADA SARE

  • Fisigis (physics), xisaab (maths), kimisteri (chemistry), baayoloji (biology), taariikh (history), juquraafi (geography), iyo af Soomaali.

Run ahaantii Kulliyadda Waxbarashada Ilays waa haqabtiraha riyadii iyo dhadhabkii noloshaada. Ujeedadayadu waa in aannu kaa dhigno qof murtiyoole ah oo ku qalabaysan xuuraan, xog, war, wacaal, dooc, aqoon, iyo murti.

Kolkaad qof murtiyoole ah tahay waxaa kuu fududaanaysa in aad adduunka si fudud u fahanto. Kol kasta oo kasmadaadu kororto waxaa suubbanaanaya go'aanqaadashadaada. Kalbarashooyinka kaladuwan ee Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa ay fahan iyo kasmo fiican kaa siinayaan adduunka aynu ku nool nahay.


Kulliyadda Waxbarashada Ilays – Qaybta Dugsiga Aasaasiga

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa uu manhajkeedu u qaybsan yahay saddex af oo kala ah: Soomaali, English iyo Carabi. Afka Soomaaliga waxaa ku baxa Maaddada Soomaaliga, Maaddada ICT, Maaddada Jimicsi iyo Ciyaarta (Physical Education), Maaddada Farshaxanimo (Arts), iyo Maaddada Cilmiga Bulshada (Tigaadda iyo Tagtada). Afka Carabiga waxaa ku baxa Maaddada Barbaarinta Islaamka iyo Maaddada Carabiga. Afka Ingiriisiga waxaa ku baxa Maaddada Xisaabta (Maths), Maaddada Fayadhawrka, Maaddada Ingiriisiga (English), Maaddada Sayniska, iyo Maaddada Cuntada (Food Science). Jadwalka soo socda ayaa kuu soo koobaya qaabka maaddooyinku u qaybsan yihiin:

Maaddada (Subject) Afka (language)
Soomaali Soomaali
Cilmiga Bulshada (Tigaadda iyo Tagtada) Soomaali
Xogdhawrka (ICT) Soomaali
Fayadhawrka (Being Healthy) Soomaali
Barbaarinta Islaamka Carabi
Carabi Carabi
English English
Mathematics English
Science English

Xagga sannadaha dugsigu waa afar sanno oo ka bilaabma heerka 2aad (grade 5), labada sanno ee hore waxaa la yidhaahdaa Dugsiga Hoose (junior School). Labada sanno ee ku xigtana waxaa la yidhaahdaa Dugsiga Dhexe (senior School). Xagga kooxaynta waxbarashada waxaa dugsigu loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah: qayb la yidhaado heerka labaad ee waxbarashada (HW2) oo ka kooban fasalka 5aad ilaa fasalka 6aad, iyo qayb la yidhaado heerka saddexaad ee waxbarashada (HW3) oo ka kooban fasalka 7aad ilaa fasalka 8aad. Jadwalka hoose ayaa si tifatiran kuugu qeexaya qaybahaas oo dhan.

Da’ada Sannadaha Dugsiga (School year age) Jaadka Dugsiga (School type) Sulooyinka -Sannadaha (Years)
12 – 14 + jir - Heerka 2aad – HW2 Dugsig Hoose (Junior School) 2 Sanno (Years)
14 – 16 + jir - Heerka 3aad – HW3 Dugsig Dhexe (Senior School) 2 Sanno (Years)

Xagga magacbixinta fasallada, Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa ay adeegsataa hannaan cusub oo la yidhaahdo HW oo u taagan ‘Heerka Waxbarashada’. Tusaale ahaan, kolka ardaygu yahay fasalka 5aad waxaa loo bixinayaa HW2 5A, HW2 5B, HW2 5C, iwm. Kolka ardaygu yahay fasalka 7aad waxaa loo bixinayaa HW3 7A, HW3 7B, HW3 7C, iwm

Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa ay ardayda todobaadkii bartaa 28 cashar oo xiisad kasta tahay 50 korasho (daqiiqo), casharradaas oo kala ah: 4 Ingiriisi ah, 4 Soomaali ah, 3 Cilmiga Bulshada ah, 4 Saynis ah, 1 Fayadhawr ah, 1 ICT, 5 Xisaab ah, 3 Barbaarinta Islaamka ah, iyo 3 Carabi ah.


Kulliyadda Waxbarashada Ilays – Qaybta Dugsiga Sare

Kulliyadda Waxbarashada Ilayd qaybta dugsiga sare waxa ay tubtiisu u qaybsan yahay saddex af oo kala ah: Soomaali, English iyo Carabi. Afka Soomaaliga waxaa ku baxa Maaddada Soomaaliga, Maaddada Juquraafiga (Tigaadda Dhulka), Maaddada Cuntada, Maaddada Maamulka Guriga, Fayadhawrka, iyo Maaddada taariikhda. Afka Carabiga waxaa ku baxa Maaddada Barbaarinta Islaamka, Maaddada Taariikhda Islaamka, iyo Maaddada Carabiga. Afka Ingiriisiga waxaa ku baxa Maaddada Xisaabta (Maths), Maaddada Ingiriisiga (English), Maaddooyinka Sayniska (Biology, Chemistry, and Physics), iyo Maaddada Xogdhawrka (ICT). Jadwalka soo socda ayaa kuu soo koobaya qaabka maaddooyinku u qaybsan yihiin:

Maaddada (Subject) Afka (language)
Soomaali Soomaali
Juquraafiga (Tigaadda Dhulka) Soomaali
Taariikh (Tagtada) Soomaali
Maamulka Guriga (MG) Soomaali
Cuntada (FoodTech) Soomaali
Barbaarinta Islaamka Carabi
Carabi Carabi
Taariikh Islaamka Carabi
Ganacsiga English
English English
Mathematics English
ICT Information Com. Tech English
Biology English
Chemistry English
Physics English

Xagga sannadaha dugsigu waa afar sanno oo ka bilaabma heerka 9aad (grade 9) fasalka sideed ka dib. Labada sanno ee hore waxaa la yidhaahdaa Dugsiga Dugsiga Dhallinyarada (juvenile School). Labada sanno ee dambena waxaa la yidhaahdaa Dugsiga Barbaarta (GCSE School). Xagga kooxaynta waxbarashada waxaa dugsigu loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah: qayb la yidhaado heerka afraad ee waxbarashada (HW 4aad) oo ka kooban fasalka 9aad ilaa fasalka 10aad, iyo qayb la yidhaahdo heerka shanaad ee waxbarashada(HW 5aad) oo ka kooban fasalka 11aad ilaa fasalka 12aad. Jadwalka hoose ayaa si tifatiran kuugu qeexaya qaybahaas oo dhan.

Da’ada Sannadaha Dugsiga (School year age) Jaadka Dugsiga (School type) Sulooyinka -Sannadaha (Years)
15 – 16 jir - Heerka 4aad – HW4 Dugsig Dhallinyarada (Juvenile School) 2 Sanno (Years)
17 – 18 jir - Heerka 5aad – HW5 Dugsiga Barbaarta (GCSE School) 2 Sanno (Years)

Xagga magacbixinta fasallada, Dugsiga Sare Ilays waa uu ka guurey hannaankii gaboobey ee foomiska. Dugsiga Sare Ilays waxa uu adeegsadaa hannaan cusub oo la yidhaahdo heerka waxbarashada (HW). Tusaale ahaan, kolka ardaygu yahay fasalka 9aad waxaa fasalkooda loo bixinayaa HW4 1A, HW4 1B, iwm. Sidoo kale kolka ardaygu yahay fasalka 10aad waxaa loo bixinayaa HW4 2A, HW4 2B, iwm. Kolka ardaygu yahay fasalka 11aad waxaa loo bixinayaa HW5 3A, HW5 3B, iwm. Kolka ardaygu yahay fasalka 12aad waxaa loo bixinayaa HW5 4A, HW5 4B, iwm.

Dugsiga Sare Ilays waxa uu ardayda todobaadkii baraa 28 cashar oo xiisad kasta tahay 50 korasho (daqiiqo), casharradaas oo kala ah: 3 Ingiriisi ah, 3 Soomaali ah, 2 Taariikh ah, 1 Juquraafi ah, 7 Saynis ah, 1 Fayadhawr ah oo sannadka 9aad soconaya, 1 Maamulka guriga ah oo hal sanno soconaya, 1 Cuntada ah oo hal sanno soconaya, 1 ICT, 4 Xisaab ah, 2 Barbaarinta Islaamka ah, 1 ganacsi ah, iyo 2 Carabi ah.


XILLIYADA WAXBARASHADA IYO FASAXYADA

Gooraha waxdhigashada Dugsiyada Ilays
Shintirsiga 1aad ee Dayrta 137 Cisho (term 1)
Shintirsiga 1aad ee waxbarashadu waxa uu bilaabmaa 1da Ogoosto sannad kasta
Shintirsiga 1aad ee waxbarashadu waxa uu dhammaadaa 15ka Diisembar sannad kasta
Shintirsiga 2aad ee Diraacda 137 Cisho (term 2)
Shintirsiga 2aad ee waxbarashadu waxa uu bilaabmaa 2da Janaayo sannad kasta
Shintirsiga 2aad ee waxbarashadu waxa uu dhammaadaa 15ka Juunyo sannad kasta
Gooraha fasaxyada Dugsiyada Ilays
Fasaxa yar: 15ka Diisambar ilaa 31ka Diisambar
Fasaxa weyn: 15ka Juunyo ilaa 31ka Luulyo
Fasaxa Ciidda Fitriga: 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda
Fasaxa Ciidda Udxada: 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda
Fasaxa Ramadaan: 21da ilaa 30ka Ramadaan
Fasaxyada Qaranka: Waa xilliyo kaladuwan

TAXANAHA MAADDOOYINKA MAHURAANKA AH IYO KUWA DOORASHADA LEH

  • Xisaab (Maths)
  • Xogdharaha (Computer – ICT)
  • Ingiriisi (English)
  • Saynis (Science)
  • Soomaali
  • Barbaarinta Islaamka (Islamic Study)
  • Carabi (Arabic)
  • Cilmiga Bulshada (History and Geography)
  • Jimicsi iyo Ciyaar (Physical Education)
  • Farshaxanimo (Arts)
  • Cuntada (Food Science)

GOLAHA TALADA GUUD EE KULLIYADDA WAXBARASHADA ILAYS

Kolkii dugsiga la furay 2025tii, waxa ay Dalladda Waxbarashada Ilays magacawday Golaha Guddoonka Dugsiyada Ilays oo ka kooban xubnaha soo socda:

  • Guddoomiye: Cabdiqaadir Warsame Muuse
  • Guddoomiye ku xigeen: Cismaan Axmed Xuseen
  • Xoghaye: Maryama Axmed Suleymaan
  • Diiwaanhaye: Nasra Xasan Maxamed
  • Arrimaha Manhajka: Cabdirashiid Axmed Maxamed
  • Agaasimaha Maamulka: Sahal Maxamuud Xasan
  • Xidhiidhka Bulshada: Cumar Xuseen Warsame
  • Arrimaha Dibedda: Axmed Xasan Cabdi
  • Xubin: Cabdixamiid Cali Ismaaciil

MAAMULKA KULLIYADDA WAXBARASHADA ILAYS

Maamulka Kulliyadda Waxbarashada Ilays waxa ay ka kooban yihiin xubnaha soo socda oo kala:

  • Ciise Cabdi Maxamed - Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada Ilays
  • Maxamuud Cabdiqani Axmed - Hormuud ku Xigeenka Kulliyadda Waxbarashada Ilays
  • Nasteexo Cabdirisaaq Salaad - Xoghaynta Kulliyadda Waxbarashada Ilays
  • Mukhtaar Maxamuud Maxamed - Madaxa Maaliyadda Kulliyadda Waxbarashada Ilays
  • Axmed Xasan Maxamuud Axmed - Madaxa Arrimaha Waxbarashada ee KWI
  • Maryan Maxamed Askar Ahmed - Madaxa Arrimaha Ardayda ee KWI
  • Cabdirashiid Faarax Cabdi Galaydh - Xubin
  • Safiya Cabdullaahi Aadam - Xubin
  • Maxamed Cabdi Jaamac - Xubin
  • Ciise Cabdullaahi Xuseen - Daryeelaha Kulliyadda Waxbarashada Ilays
  • Luul Jaamac Aadam - Daryeelka fayadhawrka

GUDDIDA WAALIDIINTA EE KULLIYADDA WAXBARASHADA ILAYS

Laga bilaabo xilliga kulliyadda la furayo oo ku aadan dhammaadkii July 2025ta, waxa ay Dalladda Waxbarashadda Ilays codsanaysaa in la helo guddi waalidiin ah oo la shaqayndoona maamulka kulliyadda. Shuruudda koowaad waa in ay dhammaantood yihiin waalidiin carruur u dhigato kulliyadda. Gudidaas waalidiinta ah waxaa ka mid ah:

  • Guddoomiye:
  • Guddoomiye ku xigeen:
  • Xubin:
  • Xubin:
  • Xubin:
  • Xubin:
  • Xubin:

HESHIISKA ARDAYGA – DUGSIGA - WAALIDKA

Wadashaqaynta dugsiga, waalidka, iyo ardaygu waxa ay sugtaa ama xaqiijisaa in ilmuhu horumar sameeyo oo ujeeddadii waxbarashada la gaadho.


DOORKA DUGSIGA

  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga siino waxbarasho uu ku niyadsan yahay oo ammaan iyo xasilooni ku jirto si aad ujeeddadiina u gaadhaan. Dugsigu waxa uu dagaal kula jiraa carruurta kuwa kale dabagala ee dilka, dagaalka, cayda, hanjabaada, iyo cago jugleynta ku haya.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga siino aqoon jaadad badan leh iyo waxbarasho uu waaya-aragnimo ka kororsado.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga kor u qaadno heerkiisa waxbarasho sida xisaabta, afafka, aqoonta sayniska, barbaarinta, iwm.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga siino fursad kasta oo waxbarasho oo dugsi horumarsan laga helo.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga ka ilaalino oo ka hortagno wax kasta oo basar xumo ah oo uu ka kasban karo dugsiga iyo agabka isgaadhsiinta.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ku wargeliyo waxbarashada ilmahaaga la barayo.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu kuugu yeedho shir waalid oo galbo la qorsheeyey ah.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ku wargeliyo horumarka ilmahaagu samaynayo.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu dhakhso kuula soo xidhiidho haddii arrin ku khusaysaa aloosanto.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ilamahaaga si joogto ah shaqo guri ugu soo diro.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ilmahaaga xuquuqdiisa ilaaliyo oo si joogta ah ula socdo.

DOORKA WAALIDKA

  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaaddo maalin kasta.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaado goortii loogu talagalay.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga isaga oo si fiican u soo seexday xalayto.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaaddo isaga oo soo quraacday.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaado isaga oo waxbarasho u diyaar ah.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu guriga yimaaddo goorta dugsiga laga soo fasaxo.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu guriga joogo goorta aannu ku ballanay in uu wax akhriyo.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu haysto agabka waxbarashada ee uu u baahan yahay.
  • Dadaalka dugsiga ugu jiro toosinta basarka ardayda waxa aan ku taageerayaa in aan ilmahayga ku tirtirsiiyo raacista, u hoggaansanka, iyo ilaalinta qawaaniinta, iyo xeerarka dugsiga.
  • Dadaalka dugsiga ugu jiro tayeynta waxbarashada waxa aan ku taageerayaa in aan ilmahayga tabantaabo dheeraad ah u fidiyo haddii ay casharadu ku adkaadaan.
  • Dadaalka dugsiga ugu jiro in uu dabargooyo dagaalka, cayda, baad ka qaadista, u hanjabida, qabyaalada, kooxaysiga, iwm waxa aan ku taageerayaa in aan is garabtaago.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan ka qaygalo kulamada dugsiga.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan ku dhiirigeliyo siduu u celin lahaa shaqada guriga ee loo soo diray.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan guriga uga sameeyo meel xasilloon oo uu wax ku akhristo ama shaqada guriga kaga shaqeeyo.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan dugsiga la soo xidhiidho haddii arrin degdeg ahi jirto.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan soo saxeexo oo soo celiyo wixii dhambaalo ah ee la ii soo gudbiyey sida ugu dhakhsaha badan.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan bixinayo sida ugu dhakhsaha badan haddii ilmahaygu jebiyo ama dhibaato kale u geysto agabka dugsiga.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan bixinayo lacagta ardayga laga rabo bil kasta bilowgeeda.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan bixinayo lacagta ardayga laga rabo sannadkiiba hal mar oo keliya oo ah waraaqaha imtixaanaadka iyo dhaajinta (copy) casharrada.

DOORKA ARDAYGA

  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dugsiga imaado maalin kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dugsiga ku imaado waqtiga oo buuro ah.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan habsankaygu ka dib dhicin 07:00 aroor kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan u lebisto qaabka dugsigu iga rabo in aan u lebisto.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan soo qaato agabka waxbarasho ee la iiga baahan yahay maalin kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan waxbarto aniga oo bixinaya dadaalka ugu badan kol kasta iyo meel kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan ixtiraamo qof kasta oo dugsiga jooga sida ardayda, shaqaalaha, waalidiinta, macalimiinta, iwm.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aanan ka qaybqaadan falal anshax xumo ah oo dugsiga xeerarkiisa ku lid ah sida dagaal, cay, hanjabaad, baad arday kale laga qaado, dabagal, dhego adayg, iwm.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan soo sheego haddii arday kale dabagal, baad, hanjabaad, iyo dagaal lagu sameeyo.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dhawro oo ilaaliyo hantida dugsiga sida kuraasta, miisaanta, xogdhawrayaasha, dhismaha, dhirta, iwm.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dhawro oo ilaaliyo xeerarka iyo hannaanka dugsiga u degan.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dugsiga maamulkiisa u soo gudbiyo waxyaalaha aan rabo ama welwelka igu haya.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan soo dhammaystiro oo soo celiyo sida ugu dhakhso badan shaqada guriga ee la ii diro.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan si wacan u soo seexdo oo aanan dugsiga iman aniga oo jidhkayga hurdo ku jirto, isla kolkaana aanan ku soo jeedin waxyaalaha dan seega ah sida baraha bulshada.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan naftayda waxbarasho iyo horumar ku jiheeyo.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in la i xidho 24 saacadood (amminood) haddii aan ka qaybqaato falal xunxun oo dugsiga xeerarkiisa iyo hannaankiisa ku lid ah.

Maamulaha Dalladda Waxbarashadda Ilays

Cabdisalaam Maxamed Xuseen Tebiye: +252 90 7995666