By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: July 24, 2025
ISKAAWAXUQABSO
Iskaawaxuqabso waa qorshe lagu qeexi karo maamin (fikir) suubban oo ku dhisan xorriyad, isku kalsooni, waddaniyad, hiigsi horumarineed, iskaashi bulsho, iyo iskutashi dal iyo dad. Iskaawaxuqabso waxaa aasaas u ah dad meel wada deggan si wadajir ah ku tashaday in ay noloshooda horumariyaan iyaga oo kulminaya muruqa, maanka, maalka, iyo maaminta si ay midhadhal fiican uga sameeyaan hantidooda iyo dhulkooda. Bulsho kasta oo dhaqangelinaysa hannaanka iskaa-wax-u-qabso waa in yihiin kuwo is maqlaya oo hoggaamiyahooda okoban. Sidoo kale waxa iskaawaxuqabso lagu sharxi karaa isugeynta iyo adeegsiga afarta 'm' oo kala ah maanka, muruqa, maalka, iyo maaminta. Himiladaas waxaa la gaari karaa kolka la helo bulsho ka caafimaadka qabta damiirka oo maskaxdoodu xorriyad haysato.
Dugsiga Hoose dhexe ee Cali Faahiye waxaa dhigta ardayda fasalka 1aad ilaa 8aad oo halhal fasal ah. Ardayda fasalka 6aad ee dugsigu waxa ay is weydiiyeen hagaajinta qolka ay wax ku bartaan ee fasalkooda. Kolkaas waxa ay koox arday ah u direen maamulihii dugsiga oo u sheegeen fekerkooda hagaajinta qolka ay wax ku bartaan. Maamulihii waxa uu boogaadiyey oo u sharraxay hannaanka iskaawaxuqabso ee iskutashiga. Ardaydii waxa ay qiimayeen kharashka ku bixi kara hagaajinta qolkooda iyaga oo la kulmay nin farsamayaqaan ah. Qiimayntii waxa ay noqotay xoogga ardayda oo shaqaale ka noqonaya dayactirka fasalka iyo xoogaa agab ah oo loo baahan yahay sida shamiito, rinji, hawlka farsamayaqaanka, iwm. Kolkii hawshii dhammaatay ayaa maamulihii iyo farsamayaqaankii u mahad celiyeen ardaydii. Sidoo kale waxa ay ardayda kale ku dhiirigeliyeen in ay ku daydaan fasalka lixaad oo kuwooda dayactiraan.
Madaxweynaha Ruushka Putin waxa uu yidhi Afrika waa xabaale ma xabaal baa la horumarin karaa. Isaga oo aragtidiisa ku salaynayey habdhaqanka madaxda iyo dadka Afrikaanka ah. Arrintaas waa in aynu beeninaa in aannay Afrika xabaal ahayn ee ay tahay hoyga hirashada ee aayaha dambe ee adduunka. Soomaalida waxa ay magac iyo dheg ku lahayd dadyowga Afrika, laakiin magacaas iyo dhegtaasi waa ay dhimatay kolkii aynu sida dugaaga is cunay sidaas awgeed waxa aynu magaceenii iyo dhegteenii dib u hanan karnaa innaga iskaawaxuqabso ku dhaqaaqna. Qorshaha iskaawaxuqabso waxa uu noqon karaa mid wax weyn ka bedela dheg xumadii dhulka inoo martay oo aynu dalkeena dib ugu dhisno intii aynu cid kale gacmaha hoos hoorsan lahayn. Qof kasta oo Soomaali ah yar iyo weyn, carruur iyo cirroole, mudane iyo marwo, bilis iyo baarre waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay hiil iyo hooba isla garab taagaan ka qayb qaadashada mashaariicda iskaawaxuqabso.
Tusaale ku dayasho leh waxa aynu ka soo qaadanaynaa kolkii dagaalkii 2aad ee carro-edeg dhammaaday oo ay tagtadu ahayd 1945tii, waxaa si xun loo wiiqay oo loo burburiyey Dalka Jarmalka. Nolosha dadka Jarmalka waxa ay gaadhey halkii ugu hooseyey, wax kasta ay hore u dhiseen waa uu burburay, wax kasta waxa uu ka hoos maray eber iyo waxba. Kolkaas maxaa dhacay? Dadka Jarmalku waa ay iskutashadeen oo waxa ay ku dhaqaaqeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda iyaga oo maalintii oo dhan qofku ku shaqaynayey rootiga uu cunayey oo keliya. Ugu dambayn waxa ay dalkooda soo gaadhsiiyeen in uu noqdo kan Yurub ugu horumarsan, ugu qurux badan, ugu waxsoosaar badan, isla kolkaana u han weyn dalkooda. Sidaas awgeed haddii aynu iskutashano oo dadaalno horumarka Jarmalka waa aynu gaadhi karnaa oo dhaafi karnaa.
Maanta sida aynu yeelo buu noqonayaa aayaneenu (who you are tomorrow begins with what you do today!) sidaas awgeed waa in aynu ka fekernaa sidii aynu u badbaadin lahayn aayaha dambe ee bulshadeena. Maanta waxa aynu u baahanahay in aynu ka korno nin jeclaysi, eex, biidhiqaatanimo, danaystanimo, iyo in aynu is dhigno meel aynaan mudnayn. Qof kasta ha ka fekero sidii uu dalka horumarkiisa gacan uga geysan lahaa. Liibaanee ka kora dan gaar ahaan jirista iyo hantida dadweynaha oo la hungureeyo. Maskaxdiina iyo maankiina geliya dan guud jirista, ilaalinta dalkeena, iyo horumarinta aayaheena.
Iskaawaxuqabso waxa aynu ku gaadhi karnaa hiigsigeena oo ah in aynu dalkeena ka dhigno mid carro-edeg ugu bilicsan oo ay ku wareegsan yihiin beero loo tixgeliyo in ay yihiin kuwa adduunka ugu quruxda badan oo ugu horumarsan. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa aynu ku hirgelin karnaa dhismayaasha adduunka ugu quruxda badan, wershadaha carro-edeg ugu horumarsan, jidadka adduunka ugu waaweyn, iwm. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa aynu ku curin karnaa rabadinaha jiifka ee adduunka ugu yaabka badan, rugaha cuntada ee adduunku ugu cunto macaan, mowlacyada carro-edeg ugu yaabka badan, iyo kumaan kun guryo la deggan yahay oo ku ashqaraargelinaya. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu astaan u noqon karaa horumarka dalkeena.
Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu noqon karaa astaan muujinaysa guul qaran oo tusinaysa horumarka bulshadu ku tallaabsanayso. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu noqon karaa tallaabo taariikhiya oo ka afnaqaysa meesha aynu hiigsanayno. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu noqon karaa gundhiga furaha dhaqaalaha ee bulshada Soomaaliyeed. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu noqon karaa summad u taagan han weynida bulshada Soomaaliyeed.
Haddii aynu doonayno in aynu noqono horyaalka siyaasadda adduunka, horyaalka magaca iyo dhegta adduunka, iyo horyaalka nabadda iyo wada noolaanshaha adduunka waa in aynu ku dhaqaaqnaa iskaawaxuqabso si aynu ugu tallaabsano horumar laxaad leh. Haddii aynu sidaas yeelno waxaa horumarkeena ka faa'iidaysandoona innaga iyo guud ahaanba dadyowga adduunka oo idil. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu kor u qaadayaa oo dedejinayaa horumarkeena iyo koboceena si aynu adduunka kale u soo jiidano oo uga faa'iidaysano. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu ka dhigan yahay adiga oo dhulkaaga iyo ciiddaada ku kaydsanaya kumaan kun lacag ah. Mashruuca iskaawaxuqabso waxa uu astaan iyo ku dayasho u noqondoonaa dadyow badan oo raadinaya sidii ay noloshooda u horumaran lahaayeen. Dadka aan weli ku baraarugsanayn mashruuca iskaawaxuqabso waxa aan leenahay hurdada ka kaca oo u guntada hagaajinta iyo horumarka dalkiina. Dad badan baa waxa ay qabaan in mashruuca iskaawaxuqabso hadimo badan yahay, laakiin waxa aan ugu maahmaahayaa, "haddii aad hadimo weyn u badheedhay macnaheedu ma aha in aad hadimooyinkii oo dhan aad u badheedhay." Taas oo macnaheedu yahay ku dhiirashada hadimadu way ka badbaado badan tahay in laga joogo oo aan lagu dhiiran. Sidaas awgeed iskuday oo tijaabi in aad ka qaybqaadato Mashruuca iskaawaxuqabso. Haddii aadan ku soo biirin karin xoog, maskax, iyo maan keen maal oo kaga qaybqaado.
Horumarka ku yimaada iskaawaxuqabso waxa uu farriin u dirayaa dadweynaha Soomaaliyeed iyo dadka kale ee adduunka oo idil. Dadweynaha Soomaaliya waxa uu u dirayaa farriin odhanaysa: ogaada in aynu wax badan oo wahsi innagaga jirey in aynu gaadhi karo, ogaada in aynu tartamo badan oo adduunka ah kaalinta koowaad geli karo, ogaada in aynu adduunka u soo bandhigi karo wax loo wada riyaaqi, iwm. Taariikhda adduunka iyo ilbaxnimooyinka adduunka ku ma nihin kuwo lala yaabo, isla kolkaana u ma dudayno oo digtooni badan ku luminmayno kuwa yasay isku kalsoonideena, kartideena, iyo dadnimadeena. Iskaawaxuqabso waxa uu dadweynaha adduunka u dirayaa farriin odhanaysa: Dalka Soomaaliya waxa uu saldhig adag oo weyn u noqondoonaa dhaqaalaha adduunka ee la socda oo ku baraarugsanaada.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen