+252 90 4048010

arts

XORRIYO NIN GEYAA HA GUURSADO!

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 01, 2025


Muddo hadda laga joogo in ku dhow qarni badhkii oo Soomaalidu ahayd qaran xooggan oo sharaf iyo haybad ku dhex leh bulshooyinka dunida ayuu abwaan Soomaaliyeed oo la odhan jirey Maxamuud Cabdullaahi Sangub curiyey maadeys aad u soo ifbaxay. Abwaanku waxa uu maadeyskiisa magac uga dhigay Xorriyo Nin Geyaa Ha Guursado, Kolka la soo gaabiyo waxa uu maadeysku ku caan baxay magaca Xorriyo. Xorriyo waa magacii gabadha maadeyska jilaysey. Magaca buuxa ee Xorriyo Nin Geyaa ha Guursado waxaa ku jira duurxul iyo sarbeeb qota dheer. Duurxulku waxa uu ka mid yahay farsamooyinka lagu qurxiyo hal-abuurka suugaanta. Xorriyo waxa ay safka hore ka gashay dhowrka ugu caansan maadeysyadii soo maray golaha suugaanta ee Soomaalida. 

Laakiin waxaa is weydiin leh maxaa ay ahaayeen sababaha keenay in ay sidaas u soo ifbaxdo? Maxa uu ka hadlayaa maadeysku? Habkee buu u soo bandhigayaa waxa uu ka hadlayo? Waa maxay suugaanbilayaasha ama farsamooyinka suugaaneed ee uu adeegsaday curiyuhu? Sidee bay u saamaysay geeddigelinta tagtada Soomaalida? Maxaa lagu bogaadin karaa? Maxaase lagu dhaliili karaa? Maxaa Xorriyo la falanqeeyo laga dheeganayaa? Waa maxay casharka aynu ka baranaynaa? Ubucda qoraalka soo socda waxa aan ku falanqaynaynaa oo faaqididoonaa weydiimahaas warcelintooda. 

Xorriyo waa magac sarbeeb ahaan loo adeegsanayo. Sarbeebtu guud ahaan waa farsamo ay si joogta ah u adeegsadaan hal-abuurayaasha suugaanta ee dunida oo dhan. Soomaalidu waxa ay ka mid tahay dadyowga adduunka ugu horreeya adeegsiga sarbeebta iyo sogordaha. Dadka Soomaaliyeed waxa ay aad ugu indho furan yihiin adeegsiga iyo fasiraadda sarbeebta suugaanaysan. Kolalka qaarkood meel aan sarbeebi ku jirin bay dadku sarbeeb ahaan u fasirtaan si ay ugu duwaan macnaha ay doonayaan ama meesha ay iyagu jecel yihiin. Soomaalidu waxa ay taas ka yidhaahdeen "farta iyo meesha bugtaa is og." Shaqo suugaaneedda qiimaha leh waxaa astaameheeda ka mid ah in ay dadka siiso fursad ay kaga sii shaqaysiiyaan maskaxdooda iyo mala-awaalkooda. 

Siyaalaha kaladuwan ee suugaanyahanadu sarbeebta u adeegsadaan oo ay bulsho weyntu la taqaan, waxaa ka mid ah in dalka iyo qaranimadiisa lagu qofeeyo ama lagu maldaho gabadh aad u qiima badan oo la wada jecel yahay. Maadeyska Xorriyo waxa uu raacayaa wadadaas la isla yaqaaney. Xorriyo waxa ay u taagan tahay Geyiga Soomaalida, inta la safanna waa dadweynaha Soomaaliyeed iyo samataliska guud. Dhambaalka maadeysku sido waxa ay murtidiisa ku urursan tahay magaca abwaanku maadeyska u bixiyey: Xorriyo nin Geyaa ha Guursado! Riwaayadu waxa ay sarbeebaysaa ama si aan toos ahayn u sawiraysaa dal kadeedan oo cadow afaafta u yaal, dal afduuban oo dadkii ku habboonaa aanay ka talinayn, dal hoggaankiisii xumo taliye xoogey, dal dadkii samataliska ahaa laga horreynayo, dal xumaantii faartay oo samihii shiiqay, laakiin xorriyo nin Geyaa goor ma ayuu dhalan? Maadeysku waxa uu sawirrayaa qaar xumatalis ah iyo qaar samatalis ah, iyada oo xumataliyaha loo sarbeeyo dhibaatooyinka uu abuuray iyo sida saxda ah ee loo baahan yahay in la yeelo. Maadeysku waxa uu dood gaamurtey oo adkaatay ka dhextuurayaa labadaas kooxood. 

Xilliga uu Maxamuud Cabdullaahi Sangub Xorriyo ku sawirrayey dalkiisa oo kadeedan waxa ay ahayd 1980aadkii. Goortu waxa ay ahayd xilli Soomaalidu ahaayeen dal dhisan oo hanaqaad ah, qaran dawlad leh oo dadyowga adduunku maamuusaan. Walow ay jireen dhaliilo lagu diidanaa dawladdii dalka maamulaysey, laakiin kolka la is barbardhigo xaaladdii dalku berigaas ku sugnaa iyo waxyaalihii ka dambeeyey ee dhacay waxa uu qofku is odhan karaa tolow abwaanku ma waxa uu saadaalinayey waxyaalihii ka dambeeyey ee dhacay. Mise waxa uu sii odorosayey cidhib xumada arrimaha maantaa taagnaa ay ku yeelandoonaan aayaha dambe ee Bulshada Soomaaliyeed. Mise waxa uu ka hadlayey tagto hore u dhacday? Abwaanku ma waxa uu ka hadlayey taariikh hore oo dadkuu xasuusinayey in taariikhdaasi jirto si loogu baraarugo waxyaalo dareenkiisu saadaalinayey oo ah waxa maanta taagan ee dadka Soomaaliyeed is weydiinayaan? Tolow goormuu soo bixidoonaa hoggaamiye u qalma in uu caynaanka u qabto bulshada Soomaaliyeed? Hoggaamiye xumadu waxa ay Soomaalida ka reebtay asaagood. 

Haddii Allaah idmo waxa aan maadeyska ku soo bandhigidoonaa is weydiin xanuun badan ku haysa xubin kasta oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, taas oo uu abwaanka Maadeyska Xorriyo hore ugu soo bandhigay. Maadeyska Xorriyo waxa uu ina xasuusinayaa hungada maanta laga faro madhan yahay aragtidii dalnimada iyo xorriyadii haybadda qaranimo lahayd. Hungonimadaas cidla la taagan yahay waxaa ka sii daran sida ay maalinba maalinta ka dambeysa cirka ugu sii laalmayso. Isla kolkaana  ma muuqdo is xilqaan bulsho oo midaysan oo ugu maqan hawlgal la taaban karo oo bulshada burburtay dib loogu soo celin karo. Imminka waxa aad moodaa in dalku u gacan galay cadow dahsoon oo aan dadka u wada muuqan oo awood u leh in uu dhiciseeyo hawlgal kasta oo lagu badbaadinayo bulshada Soomaaliyeed. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu garan karaa inta jeer ee la iskudayey in bulshada Soomaaliyeed la badbaadiyo, laakiin lagu guuldarraystay.  In Maadeyska Xorriyo oo kale ah ardayga ama bulshada la soo bandhigo waxa uu leeyahay ujeedooyin badan oo muhiim ah. Ujeedooyinkaas oo lagu soo ururin karo qodobada soo socda:  

1 In dhallinyarada sawir laga siiyo oo la xasuusiyo heerka fikirka, dalnimada, hoggaan xumadii bulshada soo martay, iyo sida ay u ekaayeen maadeysyadii berisamaadka ee arrimaha dadka dhibya lagu xusay.

2 In dhallinyarada la tusiyo heerka suugaanta iyo aftahanimada ee bulshadu soo martay si loo badbaadiyo dabargo' hiddaha sare ee bulshadu lahaan jirtey. Dhab ahaan waxa aynu odhan karnaa Soomaalidu waa dadyowga adduunka kuwa ugu horumarsan suugaanta iyo hadalka sarbeebaysan sidaas awgeed waa in dhallinyaradu fahantaa ilaalinta horumarkaas ilbaxnimo ee bulshadu leedahay.

3 In dhallinyaradu helaan kayd xogeed oo gananka dambe ka faa'iidaystaan si ay u fahmaan halgan nololeedkii bulshadu soo martay.

4 In dhallinyaradu fahmaan adeegsiga sarbeebta iyo sogordaha hadalka si loo tilmaamo dhibaato kolkaas taagan oo xal u baahan. Horumarka afka waxaa ka mid ah in sarbeeb maansaysan dhaliilaha lagu sheego iyada oo aan qofna dadnimadiisa meel lagaga dhacayn.

5 Maadeyska Xorriyo Nin Geyaa ha Guursado waxa uu bixinayaa oo siinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed tusaale cad oo ku saabsan qaabka hal-abuurka suugaanta si ay uga faa'iidaystaan tan iyaga ku duugan oo u baahan in ay hesho hage ama ku dayasho cid kale. 

6 In dadka la xasuusiyo kaalintii muhiimka ahayd ee hoobalnimada iyo suugaantu lahayd si bulshada loogu baraarujiyo qaabkay uga digi jireen falalka hadda taagan ee bulshada cidhib xun ku reebi kara. 

Maadeyska Xorriyo waxa uu soo ifbaxay horraantii 1980naadkii. Maadeysku waxa uu ahaa kii ugu magac dheeraa maadeysyadii sannadahaas soo baxay. Maadeyska waxaa soo bandhigay Kooxdii Hooballada Waaberi oo kolkaas ahayd hormuudka Hiddaha iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Maadeyska waxaa isugu tagey dhowr iyo labaatan jilaa oo wada caan ah. Hooballada daadihinayey Maadeyska Xorriyo waxaa daliigta hore kaga jirey Saado Cali Warsame  oo jilaysey magaca Xorriyo, Faynuus Shiikh Daahir oo jilaysey magaca Gardarro, Maxamed Axmed Kuluc oo jilayey magaca Gama'diid, Cabdi Cali Baacalwaan oo jilayey magaca Sulub, Xaawo Xaaji oo jilaysey magaca Saxarla, Saalax Qaasim Naaji oo jilayey magaca Samawade, Maxamed Cumar Huryo oo jilayey magaca Afdhabaandhab, Faarax Guuleed oo jilayey magaca Sibragooye, Cumar Rooraaye oo jilayey magaca Horseed, iyo curiyaha maadeyska Sangub oo qudhiisu jilitaanka qayb libaax ka qaatay. 

Halkii ugu horreysey ee maadeyska lagu soo bandhigay waxa ay ahayd Magaalada Boorame oo saddex habeen lagu celceliyey. Kolkii labaad waxaa ku xigtey Gabiley, kolkii saddexaad waxa ay barroosinka dhigatay Magaalada Hargeysa. Halkaas oo lagu celcelnayey ilaa 15 habeen codsiga dadweynaha awgiis. Intaa ka dib waxa uu maadeysku u ambabaxday gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed. Magaalooyinka laga dhigay waxaa ka mid ahaa dhammaan kuwa laamiga dheer ku teedsanaa ilaa ay Muqdisho ka tagtay sida Burco, Lascanod, Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusamarreeb, Beledweyne ilaa Buulabarde. Halkaas kolkay maraysey oo ay ku soo aaddan tahay Magaalada Jawhar waxaa ka hor yimid ciidan loo soo diray in ay joojiyaan maadeyska. Muddadii maadeysku soo socdey magaalooyinkii laga soo dhigay waxa uu la kulmay soodhoweyn xad dhaaf ah. Dadku waxa ay u xiiseeyeen si aan caadi ahayn. Halkii ay tagtaba waxa ay ugu tageysey bulshadii oo heegan u ah, qof kastaana sii diyaarsaday giraan iyo rikoodh uu ku duubto. Maadeysku waxa uu noqday waxlada keliya ee afka lagu wada hayo. Isla kolkaana waxaa laga sameeyey tilmaan iyo tafsiir badan oo kaladuwan. Waxyaalaha lagu tilmaamay waxaa ka mid ahaa  "Maadeys Kacaan Diid ah." Arrintaas ayaa keentay in ciidan laga hor keeno oo dhexda lagu joojiyo. Hooballadii wadey maadeyska waxa ay ciidankii Jawhar ka soo gelbiyey toos u geeyeen Xaruntii Ciidamada Cirka ee Soomaaliyeed oo la odhan jirey Afisyoone. Halkaas oo kol kale maadeyskii lagu dhigay oo uu daawaday Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo masuuliyiintii ka hooseysey. Curiyaha maadeysku waxa uu sheegay in uu madaxweynuhu maadeyska fasaxay, haseyeeshee waxaa jirey masuuliyiin kale ku adkaysteen inaan maadeyska kol dambe la dhigi karin. Sangub laftiisa waxaa looga yeedhay Xarunta Nabadsugidda isaga oo xabsiguri lagu xukumay, haseyeeshee waxaa xadhigaas diidey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Arrintu si kastaba ha ahaatee Xorriyo dib dambe looma soo bandhigin. Dadka ugu badan ee ay gaadhey waxa ay ku gaadhey giraamihii daawadayaashu ku qabteen kolkii gobolada laga dhigayey oo ay meel walba ku faaftay. Giraamahaasi waxa ay ku faafeen dhammaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Joojintii la joojiyey iyo kacaandiidkii lagu tilmaamay ayaa waxa ay abuureen xiise hor leh oo qof kastaa jeclaystay in uu mar uun dhegaysto. Kolkaas waxa uu maadeyskii noqday walaxda ugu qaalisan oo hadiyad la isugu diro dhammaan dadkii joogey dalka dibaddiisa. Xorriyo waxaa lagu tilmaami karaa maadeyskii giraan yar lagu tebiyo kii ugu faafidda badnaa, isla kolkaana ugu caansanaa. Soomaalida magaalagalka ah ma filayo in uu ku jiro qof goortaas qaangaadh ahaa oo aan maadeyskaas magaciisa maqal. 

Caanbaxaas aad u sarreeya ee maadeysku helay waxaa taageeray xilliga ay ku soo beegantay oo ahaa xilli uu si weyn u xoogsanayey dareenkii mucaaradnimada ee lagaga soo horjeedey maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Maadeysku waxa uu ku aaddanaa xilligii ay si weyn dadku u xiiseeyey suugaantii ka horjeedey taliskii jirey. Maadeyska Xorriyo waxa uu si toos ah oo badheedh ah irridda ugu furay tixdii Miinleyda ee Khaliif Shiikh Maxamuud iyo silsiladdii ka dhalatay ee Hurgumo. Sidoo kale waxa uu Maadeyska Xorriyo dhalay silsiladdii Deelley ee iyaduna sida weyn u caanbaxday. Xilliga maadeysku waxa uu la kulmay bilowgii jabhadaha hubaysan iyo hadaaqa mucaaradnimada ee lala wada badheedhayey. 

Kolka si kooban loo tibaaxo waxaa jirey labo arrimood oo keenay in Maadeyska Xorriyo bulshada dhexdeeda ka soo caanbaxo. Arrinta hore waa joojintii dawladdu joojisey. Arrinta labaadna waxa ay ahayd macnihii siyaasadeed ee dadweynuhu u fasirtay. Halkaas waxaa ka muuqata in ujeeddaddii laga lahaa joojinta maadeyska in ay cayn wareegtay oo ay isu rogtay dhanka kale. Sidoo kale waxaa jirtey arrin saddexayn karta oo aan labada hore ka durugsanayn oo ahayd mowduuca maadeyska oo dacal ka xadanteeyey dareen dadweynaha ku jirey. Sidaas awgeed waxaa laga dhigtay fursad la iskaga neefiyo naqaskii dhaliilaha ahaa ee xukunka jira loo qabey oo in badan dadka lagu cabudhinayey. 

Taxanaha dhacdooyinka maadeyska waxaa saldhig u ah colaad ka dhex oogan laba dhinac oo is haya. Labada dhinac mid waxa uu jilayaa dhibwadeen ama samadiid, kan kale waxa uu jilayaa xumadiid ama samatalin. Qolada samadiidka ah waxaa mayalka u haya habar la yidhaahdo Gardarro (Faynuus Shiikh Daahir) iyo afar wiil oo ay dhashay. Qolada samatalinta ah waxaa hormuud u ah gabadh lagu magacaabo Xorriyo (Saado Cali Warsame) iyo qaraabadeeda. 

Sheekada Maadeysku waxa ay ku furmaysaa Gardarro iyo wiilasheeda oo ka shiraya qorshohooda mustaqbalka. Habartii Gardarro iyo wiilasheedii waxa ay isu sheegayaan in ay ku yaraatay goobtii ay degganaayeen iyo in aanay ku fillayn waxyaalihii ay haysteen. Sidaa awgeed waxa ay isla qireen in ay u baahan yihiin dhul cusub oo ay isku fidiyaan. Gardarro iyo wiilasheeda waxa ay go'aansadeen in ay u guuraan meel ay ku tilmaameen Geeska Madow. Gardarro waxa ay wiilasheeda ku guubaabinaysa in ay dunida qasaan, dadka isku diraan oo xoog u sheegtaan oo ay dumarka la qabo soo dhacaan. Xorriyo oo aan waxba galabsan ayaa qorshahaas lagu fulinayaa. Xorriyo waa la soo dhacay, isla durbadiiba waxaa khasab ku guursadey afar nin oo walaalo ah. Dadkii ay ka dhalatay Xorriyo ayaa falkaas xun ka gigishey. Labadii dhinac ee maadeyska ayaa dagaal afka ah foodda is daray. Qoladii gabadha boobtay waxa ay ku dadaalayaan in ay kala xadaan oo qaar laaluush ku iibsadaan qoladii gabadha dhashay. Col uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo Afdhabaandhab (Huryo) oo bilowgii hore ee dacwada la wajahayey qolada gabadha boobtay ayaa kolka wax la siiyo si dadban u taageeraya raggii gabadha ka xooggey. Isla kolkaana waxa uu isku dayayaa in uu qaboojiyo oo hubka ka dhigo kooxda kale ee xanaaqsan. Afdhabaandhab baa hadlaya oo waxa uu yidhi: 

Inantii rag baa qaba

Aannay cidina rogi karin 

War maxaa idin dhibaya! Cagadhigta! 

Kooxdii uu hoggaaminayey warkaas ma qaadanoo ma gelin. Isla kolkaana  waxa ay ku goohayaan aargoosi. Sulub (Bacalwaan) oo afkooda ku hadlaya kooxdii Afdhabaandhab hoggaaminayey waxa uu yidhi: 

Annagoon raalli ka ahayn 

Ninka dagey rugteenii 

Ruqiyana ku guursaday 

Dumaal uu rag leeyahay 

Gardarrada ku raadsaday 

Haddaan laysla ruux bixin 

Midkeen rubadda laga jarin 

Raganimo maxay tahay 

Loollanku waa uu sii kululaaday kolkii ay toos isu wajaheen labadii hooyo ee Saxarla' oo Xorriyo dhashay iyo Gardarro oo ah habartii kibirka iyo xoog sheegadka abbaanduulaha ka ahayd. 

Saxarla' oo la hadlaysa habartii Gardarro waxa ay ku tidhi: 

Gardarro aan lala dhuuman 

Oo aan lala soo gabbanayn iyo 

Gef ma qaadan karaayoo 

Anigu waan ka gubtaa. 

. . . . . . . . 

Intaan dhiig gobo'laynin 

Ma geydaan gabadhaydee 

Gogoshiina ka qaata! 

Gardarro oo kibir iyo isla weyni ka muuqato oo isu qoslaysa waxa ay tidhi: 

Gulufkiyo colaaddaan 

Waaqay garabka siiyaa 

Gefka waan ku naaxaa 

Garowshiinyo ma ogoli

Gardarrada sideedaba 

Anigaa go' u xidha. 

Gabadh aan nin kale qabin 

Wiilkay ma guursado

Kaagu geela in uu jiro 

Kayga iyo gabadhuna 

Guriga ay dhex joogaan 

Ayey talo ku go'an tahay

Gaabisaye maxaad qaban? 

Gurxantaye maxaad tari? 

Gardarro waxa ay goodigaas iyo gacan sarrayntaas ku hanjabaysey muddo dheer oo aan yarayn. In badan bay iyada iyo wiilasheedu ku amar ku taaglaynayeen Xorriyo iyo inta la halmaasha. Xorriyo qolodoodu waxa ay muddo dheer ku jireen kala daadsanaan iyo waxqabad xumo. Dumarka ayaa ragga ka firfircoon oo mar walba guubaabo iyo canaan la duljooga sida ay Haweeya (Hoobaan) ku leedahay raggoodii: 

Naa waa kanoo rag ma haynnee 

Hawshii aannu lahayn iyo 

Ubadkii ha hayeene 

Halgan aynnu bilowno! 

Saxarla' oo si xun uga qalbi jabsan waxqabad la'aanta raggooda waa tan gabadheeda Xorriyo ku tidhi: Hooyo rag ma lihid laakiin Rabbi baadse leedahay! Hayeeshee raggii wax la kala xado oo ay iska habacsanaadaanba waxa ay ugu dambayntii awood u yeelanayaan in ay si wacan isu abaabulaan oo hawlgal weyn ku tallaabsadaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Gardarro oo Xorriyo u goodiyeysa la hareeraynayaa. Gardarro waxa ay ku argagaxaysaa gurdan iyo sawaxan iyo guluf hubkiisu u dhan yahay oo geesigii hoggaaminayey kaga dul geeraarayo: 

Waxay mala sawaashoo, 

Sahankeedu baaqoo 

Salbacaad ku oontoo 

Sabigeedu ooyaba 

Saakiyo nasiibkeed 

Soo gaadhey guushii

Waqtigii ku sugi jirey 

Inuu saaka kaa dhacay 

Sansaankaad ka garataa 

Suxulkiyo lugta is xiga 

In lagaa sifeeyaa 

Taladu ay ku sugan tahay

Intaas kolka uu yidhaahdo waxa uu amar ku bixinayaa in Gardarro lug iyo gacan is xiga laga jebiyo. Qacdii jebinta iyo baroorteedii baa cirka isku shareertay oo wiilasheedii u habar wacatay. Wiilashii way soo gurmadeen laakiin waxba uma qaban karaan. Halkaas baa iyagiina lagu hareereeyey oo iyaga oo maxaabiis ah la taxaabay. Xorriyo iyo qolodoodii oo wajigooda rayrayn ka muuqato ayaa ka dul mashxaraday dhacdadaas guusha leh. Raggii dumarku dhaliili jireyna waxa ay heleen isku kalsooni ay ku dhiirradaan hadalka iyo haasaawaha oo ay hortagaan gabdhihii eedaynta iyo canaanta la dul joogi jirey. Geesiyaashii la dhaliili jirey oo hadlaya waxa ay gabdhihii dhaliilijirey ku yidhaahdeen: 

Sida dhool guyoo da'ay 

Ama dhayda caanaha 

Hablyohow dhalaalee 

Dhabannada qurxoonow 

Sidii hore ma dhaannaa? 

Gabdhihii oo la hadlaya raggay guubaabin jireen waxa ay yidhaahdeen: 

Maantiyo dharaartii 

wax weyn baw dhexeeya

Hayeeshee dhallaankii 

Dhiishu uma ay buuxsamin 

Ma dhergine ogsoonow 

Geesiyaashii la dhaliili jirey oo hadlaya waxa ay gabdhihii dhaliilijirey ku yidhaahdeen:  

Saar lugeed ma dheellaa 

Dhaantana ma tumannaa 

Dhafandhaafka sheekada 

Maysu soo dhawaannaa? 

Dhiidhiga ma barannaa? 

Dhuumashada ma deynaa? 

Gabdhihii oo la hadlaya raggay guubaabin jireen waxa ay yidhaahdeen 

Horta dhudi ma joogtaa? 

Sidigtii ma dhaqan tahay? 

Dhool ma soo xerayseen? 

Dheeho dhays ma leedahay?

Dheeg ma soo ormaysaa

Dhaameel ma keenteen? 

Dhiilkii ma loo culay?

Shantii halaad ee ay weydiineysey bay midba mar u yeeraysaa: Dhudi! Dhudi! Dheeg! Dheeg! Dhaameel! Dhaameel! Dheeho! Dheeho! Dhool! Dhool! 

Geesiyaashii la dhaliili jirey oo hadlaya waxa ay gabdhii ku yidhaahdeen laba ayaa la helayaa oo soo baxaya, saddexna waa la waayayaa. Kolkaas bay gabdhuhu ragga ku odhanaysaa: 

War inta dheehi maqan tahay 

Dhudi ay dibbood tahay 

Dheeg aan la soo hoyn 

Dhawaaqaaga sheekadu 

Nooma dhaadhacaysee 

Waa inoo dharaar kale 

Maadeyska qaybta koowaad waxaa lagu gunaanadayaa muuqaal qurux badan oo ay gabdhihii soo halgamay si wacan u marriiman yihiin oo ay masraxa ka dhex nuurayaan, iyo Saalax Qaasim oo u qaadaya heesta caanka ah ee halkudheggeedu yahay Gobsanaa Hablahayagu. 

Kolka guudka loo dabo 

Timaha gedefta loo xidho

Tirsadaan gu qaangaadh 

Geyaankoodu soo baxo 

Ee geedka loo tago 

wadahadasho guurtidu

Gacan qaadku uu dhaco 

Laga keeno guunyada

Gabladiyo ciyaaraha 

La gingino arooskii

Waa gaari nolol wacan 

Lagu so gardaadshee 

Gobsanaa hablahayagu

Xubno wada garaarale 

Itaal gobol laxaadale 

Timaha goray haldhaaga 

Afmadow gundhig u yahay 

Iimaan gun iyo baar 

Ku manaystay Guulluhu

Gubanimo asiilaya

Hidde guri tilmaameed

Xishood aan gaboobay 

Qurux aan gedoomayan

Maarriin casaan gala

Waa midab u gaaree

Gobsanaa habalahayagu

Suugaanyahanda Soomaalida waxaa lagu yaqaan in ay dalka iyo qaranimadiisa ku qofeeyaan ama ku maldahaan gabadh aad u qiima badan. Caadadaas waxaa xoojiyey cabbudhintii aragtida xorta ah ee hal-abuurayaasha. Dawladihii soo maray geyigeena iyo gumaysigii reer galbeedku waxa ay cabsigelin jireen hooballada, gabyaayada, iyo maanso yahanada si aanay tilmaan u siin dadweynaha iyo waxa dhabta ah ama runta ah. Maadaama sidaas loo bartay daawadayaasha maadeysku way fahmayeen in ay Xorriyo sidaas u taagan tahay oo metelayso dalka iyo xornimadiisa. Daawadayaashu waxa ay si fudud u fahmayaan qolada Xorriyo afduubtay in loola jeedo cadow dalka dadkiisii ka xoogaya oo muquuninaya Xorriyo, isla kolkaana ku kacaya falal xunxun oo ka xaaraan ah sida afarta nin ee Xorriyo khasabka ku guursadey. Sidoo kale waxa ay daawadayaashu fahmayaan qolada ka horjeedda ee Xorriyo u hiillinaysa in ay u taagan tahay dadweynaha Soomaaliyeed. Intaas fahankeedu waa uu fudud yahay. Hayeeshe waxaa jirta mid aan fahankeedu fududayn oo fasiraadeeda muran ka taagan yahay ilaa iyo maalintii Xorriyo soo ifbaxday. 

Gabadha Xorriyo ah iyo eheladeeda iyaga doodi kama taagna, laakiin waxaa la isku diiddan yahay Gardarro iyo wiilasheeda cidda loola jeedo. Dadka qaar waxa ay leeyihiin waa gumeystayaashii Soomaalida xoogga ku qabsaday oo midba cad goostay. Dadka qaar kalena waxa ay u fasirteen askartii dalka xoogga ku qabsatay iyo kelitaliskii ku amar ku taaglaynayey. Tan dambe ayaa loo batay. Bulshaweyntu dhankaas bay maadeyska la aaddey. Arrintaas oo keentay in dawladdu joojiso daawashadeeda oo dadweynuhu giraamaha ku boobaan oo xogta Xorriyo duubaan. Taas oo ah sababta ay u caanbaxday. Labada fasiraadood tee baa dhab ah? Weydiintaas waxaa la weydiiyey curiyaha maadeyska. Jaalle Sangub waxa uu si cad ugu soo warceliyey tan hore ayaa sax ah. Isla kolkaana waxa uu ku adkaystay in maadeysku ka hadlayo tagto hore oo ah taariikhdii gumeysiga shisheeye geyigeena soo galay iyo siduu u boobay xornimadii Soomaaliya. Hayeeshee cidi dheg uma jalaqsiin warcelinta abwaanku bixiyey. 

Dawladdii jirtey iyo dadweynuhu waxa ay labadooduba ku adkaysteen fasiraadda labaad. Taas oo ah sababta dawladdu ugu adkaysatay joojintii Xorriyo. Weydiintii iyo kol kale labada fasiraadood tee baa dhab ah? Kol haddii warcelintii curiyaha lagu qanciwaayey oo loo qaatay in uu runta ka cabsaday. Weydiinta aynu weydiino maadeyska laftiisa. Kolka aynu maadeyska falanqayno oo kor iyo hoos u fiirino, isla kolkaana shishe iyo sokoba u fiirino waxaa soo baxaysa warcelinta dhabta ah oo noqonaysa sida soo socta: 

Gardarro iyo colkeedu way noqon karaan labada qolo ee loo kala qaatay. Taasi waa astaan lagu yaqaan suugaanta hanaqaadka ah in ay yeelato mug ay ku qaadi karto macnayaal kaladuwan. Arrintaas kolka aynu ka gudubno waxa uu curiyaha maadeysku ku adkaysanayaa in dhankiisa warcelinta uu bixiyey aanay ahayn mid ay cabsiyi ka keentay. Taas ayaa ah midda dhabta ah ee la qaadanayo. Gardarro iyo afarteeda wiil waxa uu la beegsanayey afartii gumeyste ee Soomaalida u heshiiyey iyo shantii qaybood ee bulshada loo kala qaybiyey. Gardarro waxa ay u taagnayd gumeysiga guud ahaan. Afarteeda wiil ee uu hormuudka u ahaa Sibragooye (Faarax Guuleed) oo loola jeedey Ingiriiska waxa ay kala metalayeen Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, iyo Itoobiya. Dhank kale waxa ay dadweynuhu Gardarro iyo afarteeda wiil u fasirteen Maxamed Siyaad Barre iyo afartiisii kaaliye ee ku weheliyey hoggaankii ugu sarreeyey Dawladdii Kacaanka. Maxaa caddaynaya in shantaas Sangub u jeedey oo aannu u jeedin shanta loo qaatay? Maadeysku waxa uu ina siinayaa tusaalayaal badan oo caddaynaya ujeedada curiyaha. Bal aan isla eegno qaar ka mid ah: 

Kow, shirka maadeysku ku furmayo ee Gardarro iyo wiilasheedu ku tashanayaan iyo erayada ay isticmaalayaan waxa ay caddaynayaan in loola jeedo shirkii caanka ahaa ee dalalka Yurub ay Berlin ku yeesheen 1884tii. Halkaas oo ay ku go'aansadeen in ay Afrika kala qaybsadaan ka dib kolkii ay is tusiyeen in aanay ku fillayn qaaradooda yar ee barwaaqadeedii gabaabsiga tahay. 

Sibragooye waxa uu yidhi: 

Hooyaday gacaloy 

Hadal aannu gorfaynay

Baa go'aankiisu ahaa 

In geedkaan hadhsanayno 

Gaasirmeen midhihiisii 

Guntiisiina yaraatay 

Ee meesha aynu u guuri 

Ee gogosha aad dhiganayso 

Aduun baa garanaaya. 

Gardarro waxa ay tidhi: 

Hooyo geeska madow baa 

Lagu sheegay gayaan iyo 

Gabdho aad u wanaagsane 

Waa in aynu u guurroo 

Gogosha aan fidsannaayoo 

Ka gufeyno danteenna. 

Laba, kolka Baacalwaan leeyahay, "annagoon raalli ka ahayn, ninka dagey rugteennii, ruqiyana ku guursaday" way muuqataa in laga hadlayo nin shisheeye ah oo soo degay dad kale dhulkood waxoodii boobay. Afarta nin ee u heshiiyey gabadha aan waxba galabsan iyadana waa la fahmi karaa in loola jeedo afartii gumayste ee Geyiga Soomaalida u heshiiyey. 

Kolka ay Xorriyo leedahay: 

Maantiyo dharaartii 

Wax weyn baw dhexeeya

Hayeeshee dhallaankii 

Dhiishu u ma ay buuxsamin 

Ma dhergine ogsoonow 

Waa la fahmi karaa in macnuhu yahay xorreynta Geyiga Soomaaliyeed, tallaabo wanaagsan ayaa hore loo qaaday maadaama qaybihii shanta ahaa laba la xorreeyey, haseyeeshee guushu waa qabyo ilaa saddexda kalena la xorreeyo. Dooddaas habluhu waxa ay si buuxda daaha uga rogaysaan kolka dambe ee ay ragga ugu soo warcelinayaan: 

Inta Dheeho maqan tahay 

Dhudi ay dibbood tahay 

Dheeg aan la soo hoyn 

Dhawaaqaaga sheekadu 

Nooma dhaadhacaysee 

Waa innoo dharaar kale. 

Gunaanadka dambe ee sheekada maadeyska waxaa loo sii qaawinayaa si aan loo baahnayn, kolka ay gabadhu u yeedhyeedhayso shantii halaad ee laba soo baxayso saddexdii kalena la waayayo. Halkaas waxaa la is weydiin karaa sababta tirada maqan saddex looga dhigay, maadaama waqtiga maadeyska la dhigayo oo ahaa 1980kii ay Jabuuti xor ahayd. Haseyeeshee curiyuhu waxa uu sheegay waqtigii uu maadeyska diyaariyey in ay ahayd 1971dii balse dhigisteeda dib loo dhigay ilaa 1980kii oo ku beegnayd toban guuradii kacaankii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 

Dhanka kale haddaan u rogno fasiraadda labaad oo ah Gardarro iyo wiilasheeda in loola jeedey Maxamed Siyaad iyo Golihiisii Sare ee Kacaanka, iyada qudheeda waxaa maadeyska laga helayaa meelo markhaati looga dhigan karo. Maadeyska way ku jiraan meelo loo fasiran karo cidda farta lagu fiiqayaa in ay tahay madaxdii kolkaas haysey hoggaanka dalka. 

Tusaale ahaan, qolada loo xoog sheegtay kolkay tilmaamayaan gaboodfalka iyo dhibaatada taagan, waxa ay is weydaarsanayaan haasaawaha soo socda ee lagu sarbeebay warqadaha turubka: 

Sideedlaha sagaallaha hadhiin saaniga u ridayo 

Raanida sabooshee lixluhu sabansabaynaayo 

. . . . . . . . . . . . . . . . . . . 

Ishaan saxarka laga bixin karayn lagana saaraynin 

Salaad aan niya ahayn gacmaha la isa saaraayo 

Siyaasada ninkii qori leh uun saaran guradiisa 

Siday noqon Rabbaa oge Allow Sahal amuuraha

Erayada tilmaamaya nin aan shalay waxba ahayn oo maanta dadkii ka awood badnaan jirey ku amar ku taaglaynaya, waxaa sheegaya erayada siddeedlaha sagaallaha hadhiin saaniga u ridayo. Sidoo kale waxaa jira erayo muujinaya munaafaqnimada iyo labo wejiilanimada oo ah Salaad aan niya ahayn gacmaha la isa saaraayo, iyo erayo kale oo tilmaamaya xukunka ninkii qori haystay maroorsaday sida Siyaasada ninkii qori leh uun saaran guradiisa. Intaas oo dhan iyo in kaloo badan oo lagu sarbeebayo murti koob kooban, waxaa loo fasiran karaa duurxul oo lagu far fiiqayo xukunkii askarta ee qoriga caaraddiisa ku yimid kuna dhisnaa. Haddii fasiraaddaas la qaato waxa ay u muuqanaysaa in labada dhinac ee is hayaa yihiin taliskii jirey iyo dadweynaha. 

Dhowr arrimood ayaa keenay in ay fasiraaddani ka xoog badato tii uu ku talagalay abwaanka maadeyska sameeyey. Tan koowaad waa dhaqanka sarbeebdoonka ee ay leeyihiin suugaan jeclayaasha Soomaaliyeed. Sidii aan hore u soo sheegay waxaa goor walba suugaanta laga daydayaa ujeeddo dahsoon oo loo duurxulayo cid kale. Tan labaad, maadeysku waxa uu ku soo beegmay xilli diidmada xukunkii jirey ay ku xoogganayd dareenka dadweynaha, isla kolkaana loo oommanaa suugaan la jaanqaadda dareenkaas mucaaradnimo ah. Waa tii ay Soomaalidu hore ugu maahmaahday "farta iyo meesha bugtaa is og." Soomaalidii 1980aadkii iyo meeshii bugtey ma ahayn gumeysigii hore, balse waxa ay ahayd xukunkii xilligaas taagnaa oo dadku ku dhaliilayey kelitalisnimo iyo musuqmaasuq. Meeshaas bugtey ayaa lala doontay fartii maadeyska, isla kolkaana si weyn bay u taabatay. 

Taabashadaas iyo tafsiirka noocan ah waxaa taageeray maadeyska oo sidii aan hore u sheegnay ku dhisnaa sarbeeb iyo tixo maldahan oo sida mergiga u jiidmaya kolba dhankii loo weeciyo. Dadka qudhoodu xaq bay u leeyihiin in ay suugaanta u fasirtaan kolba siday iyaga ugu dhadhanto. 

Xorriyo iyo curiyaheeda waxaa jira laba qolo oo kolka aan loo fiirsan la moodayo in ay wax u dhimayeen, hayeeshee aan wax u dhimin balse wax weyn u taray, iyaga oo aan ku talagelin. Waa dawladdii maadeyska joojisey iyo dadweynihii ka weeciyey ujeeddadii abwaanku ugu talagalay. Labaduba waxa ay sababeen in ay Xorriyo noqoto maadeys taariikhda galay, dadka saamayn weyn ku reebay, isla kolkaana degdeg u caan baxay. Abwaanku waxa uu ku ammaanan yahay awoodda uu u yeeshay falkinta maadeys abuuri kara aragtiyo kaladuwan; maadeys u adeegi kara himilooyin ka sii qota dheer kuwii loogu tala galay. 

Suugaanta taabbagalka ah waxaa lagu yaqaan in ay yeelato moolal iyo baacyo aan u wada muuqan dadka iyo hal-abuuraha curiyey ilaa falanqaynteedu ku baraarujiso. Shaqada suugaantu waa walax nool oo isugu rakiban si aan fududayn, kolka la falanqaynayana laga ma ambaqaado waxa curiyuhu ka sheego ee waxaa laga ambaqaadaa waxa ay iyadu sheegayso ee laga fahmo iyo dareenka ay dadka ku dhaliso. 

Dhanka farshaxanimada iyo farsamooyinka ee uu curiyuhuu u adeegsado falkinta maadeysyadiisa way badan yihiin. Golaha ciyaartu sidiisaba waa murti iyo muuqaal. Maadeyska dhammayska ah waxa uu ka dhashaa is buuxinta labadaas dhinac oo si wacan la isugu dhafay. Murtidu waa nuxurka afka ama erayada ay ku wada hadlayaan dadka maadeysku ku socdo. Muuqaalkuna waa waxyaalaha ay qabanayso isha daawadayaashu ee kaabaya waxa lagu hadlayo. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa matalayaasha, dharka ay xidhan yihiin, muujinta dareenkooda, goobta wax lagu jilayo iyo agabka yaalla, muuqaallada xagga dambe, adeegsiga iftiiminta iwm. Waxaa sii kaaba muusigga iyo shanqadhaha kale ee ku dhacaya dhegta daawadayasha. Heerka saamaynta maadeysku ku yeelato dareenka daawadayaasha waxa ay ku xidhan tahay kolba hannaanka loo dhiso ee la isuguna dhafo, intaas aan soo sheegnay iyo erayada lagu hadlayo. Maadeysku waa in uu noqdaa hannaan dadka illowsiiya in ay maadeys daawanayaan, hannaan midab rogga maanka daawadayaasha oo gaadhsiiya in ay is moodsiiyaan waxa hortooda ka muuqdaa in ay yihiin wax dhab ahaan u dhacaya. 

Golaha Suugaanta Soomaalidu guud ahaan waa ka sabool adeegsiga muuqaalka. Inta badan waxa ay xoogga saaraan dhinaca murtida ama waxa lagu hadlayo. Meelaha muhiimka ah tix ayey ku tebiyaan sida hees ama haasaawe tixaysan. Sababta ay xoogga u saarayaan xagga hadalka waxaa loo aanayn karaa bulshadeena oo inta badan ka soo jeedda dhaqan reerguuraa ah oo dhegmaal ah. Suugaanta muuqaalka waxaa hore ugu maray bulshooyinka deggan ama ka soo jeeda deegaan aan laga guurin sida beeraleyda. Soomaalidu waxa ay caan ku tahay oo hodantinimo heer sare ah ka gaadheen waxa loo yaqaan suugaanta erayga, suugaantaas oo ay hormuud u tahay tixdu ama maansada jaadadkeeda kaladuwan. Suugaantaas waxaa kaloo ka mid ah tiraabta murtiyaysan, maahmaahda, iyo heesaha hiddaha oo qudhoodu ku abtirsada maansaynta. 

Hal-abuurka suugaantu waa hormuudka hodaneeya afmaalnimada. Maxamuud Cabdullaahi Sangub waxa uu tusaale hormuud u yahay dadkii hore iyo aftahanimadooda. Hal-abuurka suugaanta waxa uu ku leeyahay hibo aan caadi ahayn, suugaanta muuqaalkase Soomaali buu ka yahay. Dhab ahaan maadeysyadii Xorriyo ka horreeyey sida Qabrigii Jacaylka waxa ay qayb weyn ku lahaayeen adeegsiga muuqaalka kolka loo eego golaha Soomaalida ee xilligaas jirey. Haseyeeshee Xorriyo dadaal badan ma uu gelin dhanka muuqaal adeegsiga. Curiyuhu waxa uu awoodda dul dhigay dhanka murtida, xardhidda erayada, iyo murtiyeynta weedhaha. Dhankaas murtida waxaa la odhan karaa wacdaro ayuu ka muujiyey farshaxanimadiisa. 

Suugaan bilayaasha Sangub adeegsanayo waxaa si weyn uga muuqda raadkii ay ku reebtay baradii bulsho ee uu ku soo barbaaray, deegaankii miyiga ee hodanka ku ahaa murtida iyo maansada, geeluna ka ahaa hantida ugu qaalisan. Haasaawaha riwaayaddu waa wada murti iyo maanso. Humaagyada suugaantu bixinayso waxa ay ku wada aroorayaan geel iyo nolol miyi. Shanta halaad ee loo bixinayo magacyadii geela Soomaalida ee Dheeg, Dhaameel, iwm waa dhulka Soomaalida ee maqan oo laga dhigayo geel la dhacay oo ay tahay in la soo dhiciyo. Maadeyska waxaa ka buuxa erayada astaanta u ah afka reerguuraaga oo ay ka mid yihiin degel, sidigta, dhiilkii ma loo culay, gudcurkana caddaa xigi, iyo geedigan ujeedada leh ee raadka loo gadayo. Erayga geeddi aad ayuu ugu soo noqnoqonayaa haasaawaha maadeyska. 

Farsamooyinka kale ee curiyuhu adeegsanayo ee ka soo jeedaa sooyaalkii hore Soomaalida waxaa ka mid ah sarbeebta, kajanka, googaaleysiga, faalka, xidigiska, shaxda, turubka, halxidhaalaha, ciyaaraha dhaqanka, tixaynta, iyo sogordaha hadalka. Intaas oo idil si taako taako ah bay ugu taxan yihiin Maadeyska Xorriyo. Giddigood waxa ay ka mid yihiin xeeladaha Sangub maadeyskiisa ku jeclaysiiyey dadkii ay gaadhey. Sooyaalka la isla yaqaan ee lagu shubto fikrado cusub waa jidka ugu dhow ee suugaanluhu u maro hanashada maskaxda iyo maanka dadweynaha. Faa'iidooyinka laga helayo sooyaalkii hore ee Soomaalida kolka boodhka laga tumo ama la soo faago ee lagu dhex sooho suugaan cusub, waxa ay noqonaysaa soo noolayn iyo dhawris ilaalisa dhaqankii hore oo kaydsama. 

Sangub waxa uu ku guulaystay in uu dhex muquuro moolka baaca dheer ee dhaqanka Soomaalida. In uu ka dhex jillaabto kaydkaas is biirsaday ka ab iyo ka awoowe. Hodantinimada halkaas ceegaagta ayuu awood u yeeshay in uu kala soo dhex baxo suugaanbilayaal uu ku dhiso bilicda maadeyskiisa. Sangub ma dhaafin shimbiraha laga faashado cidooda iyo cid booqashadooda sida galowga, guuguulaha iyo gallaydhka. Hadaladii maadeyska ku jirey ee uu shimbiraha ku xusay waxaa ka mid ahaa: Guuguulaa xalaytoole garabka iga dhirbaaxay, taariikhahan gabaabsiyey qarnigan galowgu yeedhaayo,  ma garateen? 

Xagga adeegsiga sarbeebta waxa uu Maadeyska Xorriyo salka ku hayaa habdhaqan suugaaneed oo joogtoobay ilaa tan iyo bilowgii gumaystayaashu bilaabeen in ay cabudhiyaan abwaaniinta iyo hooballada. Laga soo bilaabo xilligaas waxa ay sarbeebtu noqotay summad lagu yaqaan suugaanta xambaarsan dhambaal siyaasadeed oo loola jeedo maamul wax cabudhiya. Maadaama ay abwaaniinteenu soo mareen cabudhin badan waxa ay ka caadayeesheen in ay wax kasta ku soo gudbiyaan sarbeeb waayo abwaaniintu xor u ma ahayn in ay fikirkooda si qayaxan u cabbiraan. Sangub waxa uu ku khasbanaa in uu ku maldaho sarbeeb iyo duurxul. Dhinac kale sarbeebtu waa aalad waxtar u leh basrinta hadalka iyo suugaanta. Sarbeebtu waxa ay ka mid tahay xawaashka udgiya dhadhanka hal-abuurka, laakiin waa haddii loo adeegsado si qurxoon oo aan lahayn qallafsanaan lagu wareero. Sarbeebtu waxa ay muhiim u tahay mowduucyada culus sida siyaasadda iyo falsafadda. Sidoo kale waxa ay siisaa dhadhan lagu liqo oo lagu illaawo culayskii la dhibsanlahaa haddii si qayaxan oo mutuxan loo sheego. Dhanka kale waxa ay waxtar u leedahay garaad tabanbaasta ama ka fekersiinta daawadayaasha ama dhegaysteyaasha. 

Dhaqan suugaaneed kasta sida maadeys, riwaayad, gabay, sheeko, iwm waxa uu leeyahay labo dhinac oo lagu qiimeeyo. Labadaas dhinac oo kala ah fikrad iyo farsamo. Farsamadu waa yeelka ama agabka jilayaashu adeegsanayaan si ay fikradooda u geliyaan maanka iyo maskaxda dadka dhegaytayaasha ah. Fikraduhu way kala dhumuc weyn yihiin, farsamooyinkana waa la kala qurxin og yahay. Faallada Maadeyska Xorriyo waxa aynu ku dersaynaa labada dhinac ee farsamada iyo fikrada maadeysku soo gudbinayo. 

Maadeyska Xorriyo waxaa lagu tilmaami karaa maadeys ujeeddo leh, waa maadeys dhambaal sida, waa maadeys taariikheed, waa maadeys siyaasadeed. Sheekadeeda waxaa saldhig u ah loollan ka dhexeeya laba dhinac oo is haya sidii aan horrey u xusnay. Labada dhinac waxa ay ku kala abtirsadaan dhibwadeen iyo xumadiid. Qotodheeri ahaan, fikradda maadeyska udubdhexaadka u ah waxa ay salka ku haysaa loollanka soojireenka ah ee kol kasta iyo meel kasta ka dhex oogan samaha iyo xumaha, ama sharka iyo kheyrka. Tan iyo waagii aadamahu bilaabay curinta maadeysyada waxaa udubdhexaadka labo dhinac oo isku lid ah. Tusaale ahaan, haddii aynu dib u milicsano ilbaxnimooyinkii hore ee Buntiyiinta, Fircooniyiinta, Kanacaaniyiinta, Namruudiyiinta, iwm waxa aynu ka dhex helaynaa in dhammaan curinta maadeysyadu had iyo goor ka curato labo dhinac oo is haya. Ka soo bilow Giriiggii hore oo ah qolada aan lagu haysan aabbanimada hoobalnimada maanta lagu dhaqmo. Giriigu waa jid bixiyayaashii laga soo gaadhey abuulka golayaasha hooballada iyo jilaanimada. Riwaayadohoodii ugu horreeyey waxa ay ku bilaabeen loollan ay dhex dhigi jireen wixii ay iyagu u yiqiinneen ilaaha roobka iyo kan abaarta. Labo dhinac oo kasta waxa uu kan hore u taagan yahay samaha kan labaadna xumaha. Loollanka labo dhinac oo kasta waxa ay dibirta iyo diingaraarada hore ku dhacdaa samadoonka kolkaas bay daawadayaashu murugoodaan waayo waxaa laga adkaaday samihii. Kolkaas baa samadiidku qooqaa oo dadku fishaan hoog iyo haydaaro. Ka dib baa samadoonku intuu ka faa'iidaysto dhibtii loo geystey dib u soo miiraabaa oo afka ciidda u daraa samadiidka oo daawadayaasha kaga farxiyaa. 

Guud ahaan waxa uu Maadeyska Xorriyo ka afnaqayaa aragti ku dhisan loollanka xumaha iyo samaha, laakiin kolka hoos loo soo dego ma adka in la fahmo dulucda maadeysku. Dulucda Maadeysku waa arrin siyaasadeed oo lagu maldahayo suugaan bilayaal toolmoon. Suugaan bilayaasha sarbeebtoodu way weyn tahay. Jilayaasha maadeysku ku socdo iyo hadallada ay is weydaarsanayaan labaduba waa ay sarbeeban yihiin ama haddii si kale loo yidhaahdo waxaa ku dahsoon wax ka duwan waxa dusha ka muuqda.

Dawladihii Soomaaliyeed ee gumeysiga dhaxlay, gaar ahaan dawladdii xoogga dalka ee ugu goorta dheerayd, waxa ay joogteeyeen cabbudhintii fikirka xorta ah ee laga dhaxlay gumeysigii reer galbeedka. Sidaas awgeed waxa ay suugaanleyduna dhankooda  joogteeyeen adeegsigii sarbeebta, sogordaha hadalka, iyo xeelado kale oo ay ka mid yihiin duurxulku. Sidaa bay ku noqotay hannaan ku xididaystey maskaxda hal-abuurka. Sidoo kale waxa ay ku daabacantay dookha dadweynaha ee dhadhansiga suugaanta. Tusaale ahaan maanta waxa uu qof kasta oo caadi ah erayga maandeeq u fahmayaa in loola jeedo dal ama calan kolka uu ku arko hees, tix, ama maadeys. Sidoo kale waxa uu qof kastaa fahmayaa kolka abwaanka ama hoobalku uu qaranimada ama gobanimada dalka ku qofeeyo gabadh qiima badan. 

Kolka la soo koobo Xorriyo waxa ay ahayd maadeys hanaqaad ah. Dhinacyada uu curiyuhu hibada weyn ka muujiyey waxaa ka mid ah hannaanka uu u dhisay haasaawaha maadeyska. Afka suugaanaysan iyo odhaahaha koob kooban ee ay labo lisayeen jilayaasha maadeysku ee ay sidii kubbad oo kale isu dhiib dhiibayeen. Sangub waxa uu hufay hadalkii badnaa ee lagu harraadi jirey. Sidoo kale waxaa bogaadin mudan sida curiyuhu u soo miirtay macne casri ah oo uu ugu xambaariyey sooyaalkii bulshadda iyo suugaanta ku daabacan dubaaqa dadweynaha. Sidoo kale waxaa hoosta ka xarriiqid mudan xilka daljirista ah ama wadaninimada ah ee uu dhabarka u ritey xilli ay caado noqotay in gololooyinka maadeysyadu caashaq uun ku meeraysto. Xilliga Xorriyo soo ifbaxday waxaa caado ahayd in cabsi badan laga qabey maadeysyada cabbiraya arrimaha xasaasiga ah oo lugta la geli jirey siyaasada iyo maamulka dawladda. 

Sidoo kale waxaa bogaadin mudan adeegsiga hadalka koob kooban iyo sarbeebta oo labaduba fursad siinayey fasiraadda dadweynaha iyo ka fekersiinta bulshada. Waa arrin fiican in abwaanku aannu dadkiisa ka dhigin damiin far waaweyn wax loogu dhigo, laakiin waa in uu fursad u siiyaa fahankooda. In kasta oo hadda laga tagey caadadii ahayd cuslaynta suugaanta iyo caadsaarka hadalka ee laga badbadiyey, waxa uu Maadeyska Xorriyo soo bandhigay in uu isku ladho dhaqan hore iyo xaaladda taagan. 

Haddii aynu dhanka kale u rogno dhinacyada badan oo uu ka dhisnaa Maadeyskii Xorriyo macneheedu ma aha in uu ahaa biyo kama dhibcaan aan dhaliil lahayn. Ma dhici karto in wax dhaliil ah laga waayo shaqo suugaaneed aadame soo bandhigay. Dulduleellada Xorriyo waa kuwo idil ahaan ka dhalanaya awoodda la wada dul dhigay dhanka hadalka oo waxaa ka mid ah: 

Muujin la'aanta dabciga iyo dareenka hoose ee qof kasta oo ka mid ah jilayaasha maadeyska. Maadeyska Xorriyo waxa uu xoogga saaray oo keliya waxa qofku ku hadlayo. Maadeyska waxaa laga illaawey in sawir cad laga bixiyo dabciga u gaarka ah jile kasta iyo sida dareenkiisu isu bedellayo. Walow furitaanka hore ee maadeyska uu Maxamuud Duwane inoo sheegay magaca qof kastaa ku jilayo ma jirto qof loogu yeedhay magaciisii jilitaanka. 

Habka iyo qaabka la isu sudhayo falalka iska daba dhacaya ee maadeysku ma laha diirrimaad iyo xiisagelin u dhiganta dhumucda uu leeyahay fikradda maadeysku ku dhisan yahay. Dhinaca xumadiidka ee Xorriyo iyo qoyskeeda si bay u taag daran yihiin oo firfircooni ma laha ilaa ay si kedis ah qolada kale u xidhxidhaan. Sidoo kale waxaa la moodaa in ay jiraan muuqaallo laga boodey oo maadeysku u dhutinayey. Tusaale ahaan waxaa jira geesi ama halyey kol kasta la soo hadal qaadayo sida: Dumaasha geesi baa iska leh oo aan weligii daalayn, iyo gabadhaan aad arkayso oo geesigii qabey aqalka geesta ka taagan yahay oo gaalleeftiisa afaystay. Sidaas uun baa loo hadal hayaa geesigaas, haseyeeshee kolna u ma soo bixin qof ahaan oo maadeyska ka ma muuqan. Haddii silsiladda maadeyska lagu dari lahaa dhacdooyin ina tusaya geesigaas oo loollan kula jira Gardarro iyo dhibwadeenkeeda, waxa uu heli lahaa diirrimaad intaas ka badan. 

Gaboodfalka iyo gardarrada ay ka gilgilanayaan qoyska Xorriyo waxaa la moodaa in ay ku kooban tahay gabadha afarta nin wada guursadeen, laakiin waxa ay ahayd in xumaanta weyn ee laga dhiidhiyey ay u muuqato dhaca iyo afduubka loogu xoog sheegtay gabadha. Guurka iyo afarta nin waa xumaan labaad oo ay dhashay tan hore. Macnaha dalka xoogga lagu khasbaday ayaa ah hooyada xumo falka iyo sida xun ee loogu takrifalay ubadkii hooyadaasi dhashay. Halka lagu heesayo gabadhayada afar nin inay guursadaan diidney waa sax, hayeeshee waxay ahayd in ay ka horreyso gabadhayada in la xoogo diidnay! 

Dhaliilahaas caadiga ah kolka dhinac la iska dhigo, shaki ku ma jiro Xorriyo in ay tahay shaqo suugaaneed aad u qiimo badan, isla kolkaana mudan qaddarin iyo bogaadin xagga qaabka iyo nuxurkaba. Nuxur ahaan wax kasta oo uu curiyuhu ujeedey waxa uu ku guuleystey in uu fikraddii uu qabey cabbiro oo suurtagal ka dhigo. Waxaanse shaki ku jirin in Xorriyo daaha ka rogtey dood bulshada qaayo weyn u leh. Xorriyo waxa ay ku guulaysatay dhaqaajinta dareenka dadweynaha. Maxaa yeelay waxa ay xoqday boog xanuun ku haysey xiska bulshaweynta. Waa arrintaas tan keentay in uu dadku laabta ku qaato ama ka xiisa goynwaayaan. 

Dib u eegista Xorriyo waxa ay nagu dhalinaysaa gocashooyin dhowr ah. Tan koowaad waxa ay ina xasuusinaysaa saamaynta maadeysyadu heerka ay gaadheen iyo qiimihii ay u lahaayeen Soomaalidii magaalowdey burburka ka hor. Tan labaad waxa aan gocanaynaa sidii ay Soomaalidu u jeclayd suugaanta iyo sidii ay uga dhigan jireen toosh ay isku tusaan dhibaatooyinka halista ah kuna tilmaansadaan wadada horumarka. Tan saddexaad waxa aan ka murugoonaynnaa halka ay maanta taal walaxdii qiimahaas lahayd iyo darxumada ay ku sugan yihiin hooballadii Soomaaliyeed. Tan afraad waxa uu magaca maadeysku ina xasuusinayaa sida weli loo la'yahay Xorriyo nin geya, taas oo looga jeedo hoggaamiye ducaysan oo dalka dhibaatada ka saara. Haddii uu Sangub Xorriyo ku sawiray taariikhdii gumaysiga oo ay Soomaalidii joogtey 1980aadkii u fasirteen in ay ka hadlayso wixii xilligaas taagnaa, sidii si le'eg bay Soomaalida imminka joogtaana waxa ay u fasiran kartaa xaaladda uu maanta dalkeenu ku sugan yahay. Soomaaliya waa dal ay xaaraam ku qabsadeen, burburiyeen, welina u afduuban dagaal oogayaal marba midab la soo baxaya, cadow shisheeye ah oo aan la wada arkikarinna si dahsoon isugu dhiibayo dab ay ku gubaan dalkooda iyo dadkooda. 

Dadku waxa ay is weydiinayaan waa maxay inkaarta garbaduubta ee geyaanka Xorriyo! Maxaa ay u awoodi la'yihiin in ay Xorriyo waraabaha ka ridaan? Warcelintu waxa ay tahay dadku way dayaysan yihiin, way dawakhsan yihiin, dawgii baa laga habaabiyey. Waxa ay arkikari la'yihiin halka sartu ka qudhmayso, halka laga soo galay iyo cadowga daaqadda ka soo dusay ee ceelka ay ka cabbayaan isha ka sumaynaya oo cindigoodana ku beeraya canaanta oo dhan in ay iyagu leeyihiin, cudurka ku haya haddaadan fahmin daawadiisa ma heli kartid. Hayeeshee way iman doontaa maalin cudurka la fahmo, Xorriyo loo ciidmo caafimaadna la gaadho. Maalinta ay dhabowdo sadaasha Sulub ee Baacalwaan ku heesayo: Wallee Xorriyaay xaq baa imanoo, xalaal meherkaagu wuu noqon hooooooooy!! Siday u il xun tahay uma Allaah  la'! 

Maadeyska Xorriyo waxaa falanqayntiisa soo bandhigay Maxamed D. Afrax oo ku soo qoray Wardheer News kolkay taariikhdu ahayd June 5, 2010. Maqaalka waxaa dib u habayn ku sameeyey Cabdisalaam Maxamed Xuseen iyada oo ay ujeedadu ahayd in falanqaynta Xorriyo laga dhigo qaab manhaj oo dugsiyada sare lagu dhigan karo kolkay tagtadu ahayd December 30, 2013.