+252 90 4048010

story

JACAYLKII CAWRALA IYO CALIMAAX

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: May 31, 2025


SHEEKADII JACAYLKA EE CAWRALA IYO CALI MAAX 

Sheekada Cawrala iyo Calimaax waxa ay ka dhacday Geyiga Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Xiis ee ku taal Gacanka Cadmeed ee Gobolka Sanaag kolkii ay taariikhdu ahayd 1913dii ilaa 1922dii. Sheekadu waxa ay xambaarsan jacayl, siyaasad, sirdoon, aqoondaro, halgan daraawiisheed, iwm. Ugu horreyn waxa ay sheekadu ku bilatay Calimaax oo sirdoon ahaan loogu diray Dalka Yemen. Calimaax waxaa hawsha sirdoonka u diray hoggaamiyihii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdalla Xasan si uu xuuraan iyo xog uga soo ururiyo gumaystihii Ingiriiska ee haystey Soomaaliya iyo Yemen. Calimaax waxa uu tagey Cadan oo hawlihiisii sirdoonka soo dhammaystay. Xilli ka mid ah sannadkii 1913dii buu ka soo ambabaxay Magaalada Cadan isaga oo ku soo jeeda Magaalada Xiis. Calimaax waxa uu soo raacay doon yar oo kuwii shiraaca ku shaqayn jirey ah. Calimaax waxaa doonta la saarnaa dad koox ah oo ay ku jirtey gabadh dhallinyaro ah oo la dhjirey Cawrala. Kolkii ay badda dhex marayeen baa foore iyo dabaylo ku kaceen. Wax ay soo rafaadaan kolkii ay marayeen meel toban mayl u jira xeebta Soomaaliya ee Magaalada Xiis waxa la degtey doontii ay saaraayeen. Kolkii hore ee doonta la saaraa waxaa lagu sii ballamay in qof kasta oo dabaal yaqaan qof kale badbaadiyo. Calimaax waxa uu soo badbaadiyey Cawrala oo ahayd gabadhii dhallinyarada ahayd ee doonta la socotey. Kolkii Calimaax yimid Magaalada Xiis ee uu Cawrala soo badbaadiyey waxa uu durbadiiba u ambabaxay xaruntii Daraawiishta ee Taleex. Isla kolkaasna ma jirin wax xidhiidh gaar ah oo uu la sii sameeyey Cawrala. Sheekada Cawrala iyo Calimaax waxaa qoray asalkeedii hore qoraagii caanka ahaa ee la odhan jirey: Faarax Maxamed Jaamac cawl.

Calimaax waxa uu ahaa afartan jir xaas leh oo nin garaad fiican oo gabayaa ah. Sidoo kale waxa uu ahaa nin aan farta Carabiga akhriyin oo qorin. Arrintaas wax akhris la'aantuna waxa ay Calimaax geyaysiisey dhibaatooyin waaweyn oo gundhig u ah sheekadan. Calimaax isaga oo aan ogeyn waxaa jeclaatay gabadhii uu soo badbaadiyey ee Cawrala. Calimaax oo aan ogeyn waxa ay Cawrala u soo dirtay warqad Carabi ku qoran oo xambaarsan gabay jacayl ah. In kasta oo sheegada gundhigeedu yahay jacaylka Cawrala waxa uu nuxurkeedu xambaarsan yahay waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin: 

Sheekadu waxa ay tusaale dhab ah ka bixinaysaa dhibaatooyinka ay leedahay wax qoris iyo wax akhris la'aantu iyo waxyeelooyinka ay u geysato qofka iyo bulshooyinka. 

Qodobka labaad waxa ay sheekadu tusaale u tahay heerka ay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla kolkaana waxa ay muujinaysaa qaybtii ay qaadan jireen jacaylka, kaftanka, shukaansiga, iyo xodxodashada. 

Qodobka saddexaad waxa ay sheekadu daaha ka rogaysaa in qofka wadaniga ah ee dalkiisa jecel uu u dulqaato catawga, dhibaatooyinka, silica, iyo saxariirka uu kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobanimada dalkiisa. 

Qodobka afraad waxa ay sheekadu wax ka tusaalaynaysaa samafalka iyo sinnaanta faa'iidooyinka ay leedahay, isla kolkaana waxa ay tusaale ka bixinaysaa saymihii sinnaan la'aantii ee ka dhex aloosnaan jirey raggii iyo haweenkii hore. Sheekadu waxa ay sidoo kale wax ka tusaalaynaysaa taariikhdii, dhaqankii qotada dheeraa, iyo caadooyinkii bulshada Soomaaliyeed. 

Qodobka shanaad waxa ay sheekadu muujinaysaa deegaanka iyo taariikhda Gobolka Sanaag oo ah gobolkii ay ku dhasheen Cawrala iyo Calimaax, isla kolkaana waxa ay tusaale ka bixinaysaa faa'iidooyinka kalluun cunistu u leedahay dadka iyo sida nolosha magaaladu ugu tiirsan tahay miyiga.  

Qodobka lixaad waxa ay sheekadu tusaale ka bixinaysaa in haasaawaha, shukaansiga, muranka, iyo xodxodashadu abuuraan murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib, iyo maahmaahyo ay saldhig u yihiin af aqoonta iyo gujooyinka dareenka ee qofka dhibbanaha ah. Sidaas awgeed waxa ay sheekada Cawrala iyo Calimaax xambaarsan tahay murti, gabayo, heeso, maahmaahyo, iwm.

Cawrala Barre waxa ay ku dhalatay Magaalada Xiis kolkii ay taariikhdu ahayd 1893dii. Magaalada Xiis waxa ay ka tirsan tahay Gobolka Sanaag ee Geyiga Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay Xiis ku taal xeebta Gacanka Cadmeed. Cawrala waxa ay yaraanteedii joogi jirtey magaalada inta jiilaalka ah, hase ahaatee waxa ay nolosheeda rasmiga ahayd miyiga waayo aabbaheed baa xoolo dhaqato ahaa. 

Magaalada Xiis waxa ay ku hoos taal buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag. Silsilada buuraha ah ee qaybta Gobolka Bari ilaa Garacad ee Gobolka Mudug waxaa la yidhaahdaa Calmiskaad. Silsiladda buuraha ee ka bilaabanta waqooyigalbeed Ceerigaabo ilaa Gobolka Awdal waxaa la yidhaahdaa Golis. Haddii Gobolka Awdal xagga bogox loo sii dhaafo waxa ay buurahaasi sii dhereran yihiin ilaa Magaalada Harar ee Itoobiya. Buurta Surad oo joogeeda lagu qiyaaso 2,800 cagood (ft) waxa ay ku taal Magaalada Xiis agteeda. Surad waa buurta ugu dheer Geyiga Soomaalidu degto.  Buurta Surad waxa ay ka mid tahay buurihii caanka ahaa ee ilaa muddo dheer oo kumaan kun sannadood ah laga guran jirey moxorka, maydiga, falaxfalaxda, murkudda, iyo guud ahaan faleenka. 

Sida taariikhdu sheegayso waxa ay Xiis ka mid tahay meelihii Faraaciintu iman jireen ee ay dhirta udugga ee qaayaha weyn leh uga guri jireen ahraamtooda iyo guryahooda ay wax ku caabudi jireen. Faraaciintu waxa ay u bixiyaan dalkii Moxorka iyo Maydiga ama dalkii udugga oo ay haysatey Boqortooyadii Bunti. Buurta Surad waxa ay ka mid tahay meelaha Dalka Soomaaliya ugu roob badan ee ugu udugga badan. 

Dhirta laga helo Buuraha Calmadow waxaa ka mid ah: dhosoqa, xiiska, dayibka, mooliga, hareeriga, shoyga, iwm. Buurta Surad iyo Buuraha Calmadow ee la xidhiidha ma aha wax la tilmaami karo quruxdoodu iyo qaayahoodu. Xaaji Aadam Axmed Afqallooc waxa uu gabay ku tilmaamay Buuraha Calmadow iyo Ceerigaabo isaga oo yidhi:

Taariikhdu waynoo misbaax maanka caawiya e.

Adoo mala gudaayaad yiqiin marar ku gaadhaaye.

Dalkeena waxa ugu mudan Ceerigaab uguna muuq dheere.

Waa maakhir koostii la degay mar aan la koobayne.

Madxafkii dadkii hore dhigiyo madhaxi baa yaale.

Muuqooda qaar baa ahraam lagu maleeyaaye.

Madigaan qusuurtay dhisteen waa macruuf weliye.

Nimankii mar dhexe talinjirey ee maylinka afaystay.

Magaadle iyo reer Miisanleey midhadh ka joogaane.

Maydh laba kun oo sanno ka badan maray samaysnayde.

Iyadaa magaalo u ahayd Maakir oo idile.

Madoobe iyo Garruuraa lahaa madaxa Ceeldheere.

Arraweelo meeshay degtiyo Mulugi Geelweyte.

Iyo waxa manaasiir ku jira moodkii la halleeyey.

Maanlahiyo taalloyinkaad aqalo moodayso.

Meelihii kansiga lagu qarshay maan gedood tahaye. 

Maquure iyo Godqoranaa ninkii marayba yaabaye.

Maageerka wataa Daryale maagga la arkaaye.

Maqbarka Ciise Ceeleeye waa kaa maarka lehe.

Sheekh Samire marinkii Dibgax buu meel ku leeyahaye.

Jiidali maqaamkii Subeer baa u moosin ahe.

Muftaaxii karaamada kuwii midigta loo saaray.

Muftiyadii dadkaa degijiriyo madaxda Soomaale.

Waxna waa madheen qaarna waa kii muhaajiraye.

In yaroo markii soo hadhay baa haatan maamula e.

Mandarkiyo quruxdaad ladnaan ugu malaysaaye.

Manaakhiyo hawadaa waxay ka tahay mowjada Ciraaqe.

Dhamaan meeshanay degi jireen magaca Soomaale.

Waa meel malko ah oo biyo buur madowba leh.

Marmar weeye dhagaxeeda iyo muunad gooniya e.

Intaasoo mulkiya bay lahayd oo midho ka beermaane.

Markaad madaxa Suradeed tagtiyo meesha ugu taagan.

Badda waxa maraayoo dhan baa kuu muraayad ahe.

Madfaca laga ridaa wuxuu socdaa kuman masaafoode.

Milaterigu meeluu deguu muhiim ah weeyaane.

Maydhiyo Marsiyo Daallo waa lagu marqaamaayee.

Mayay baa ka da' goor ay tahay milayga jiilaale.

Daruurta oo minjaha soo rogtiyo waqayga maydhaaya.

Sida mawjadaha iyo doonyaha bay mar isu jiidhaane. 

Dhirtana qaarba midba leeyahay iyo man iyo awraaqe. 

Maawered in lagu daadiyey baad udugga mooddaaye. 

Min aroos sidaad soo gashay iyo mawledkii Nebiga. 

Miski baa ka ura kaynta iyo malafka geedaha e. 

Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaaddo.

Oo midabba kala goonniya oo caddad malyuun gaadha. 

Mawda iyo siyaaxa baad arday iyo macallin mooddaaye. 

Qoollay ku madadaalisiyo waa muraad badane. 

Goortuu gobyaan waa murdee goonni miranaayo. 

Uu gorod miyuusigga tumoo galow ku maaweesho. 

Oo marisku kuu soo warramo meesha waxa yaalla.

Aad raha madiixiisa iyo maqasho daawuuska. 

Adiga iyo naftaadaa murma oon doonin meel kale.

Maankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaale.

Jamhuuriyaddu meel shaabahdiyo ma leh mataalkeede.

Gabaygan waxa uu Xaaji Aaadam tiriyey xilligii Dawladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Ujeeddada gabaygu waxa ay ahayd in uu Maxamed Siyaad Barre u tilmaamo muhiimadda Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo iyo buuraheeda si horumarkii dalka ka socdey looga qayb geliyo.

Cawrala waxa ay yaraanteedii ku barbaartay dhulkaas buuraleyda ah. Iyadu waxa ay ku barbaartay dhulkaas dhirta badan, shimbiraha kala jaadjaadka leh, iyo dhulkaas quruxda badan ee gabaygaas lagu sifeeyey. Cawrala waxa ay ahayd oo ku tilmaanayd gabadh aan meel laga saluugo lahayn. Midabkeedu waxa uu ahaa maarriin dhalaal casaan raac ah. Jooggeedu waxa uu ahaa mid dhexdhexaad ah oo dhex yar oo dhuuban oo cududaha iyo kubabku buuxaan. Timaheedu waxa ay ahaayeen sayn yalax ah oo garbaha hoos uga deggey laba taako. Cawrala waxa ay lahayd labo indhood oo cadcad oo yaab iyo amakaag leh. Indhaha Cawrala wilkoodu waxa uu ahaa madow tiq ah oo ilxaydhku buuxo. Qofka eegaa waxa uu ku indho daraardari jirey indhaheeda galalacdooda. Sidoo kale waxa ay Cawrala lahayd suuniyo madow oo inta ay dherer ka qabaan ku soo aroora sanqaroorka salkiisa. Cawrala qosolkeedu waxa uu ahaa mid had iyo jeer dhool ka qosol ah oo dibnaheeda deebta ah aayar furta. Ilkaheedu waxa ay ahaayeen caddaan isku siman oo dhoolaheeda cadcad barbar ka muuqdaan kolka ay qososho. Gacmaheedu waxa ay ahaayeen kuwo garaaryo leh oo kolka ay ku laafyooto aannu jirin qof aadame ah oo la qaayo ah. Cawrala waxa ay luqunta ku lahayd cabaadhyo ku wareegsan sida jimjimaha oo ilaa afar meeris ah. Dhanka socodka waxa ay ku tilmaanayd hadalkii hoobalkii yidhi: “culays kuma dhaqaaqdo, mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way cidhibsataa. Dhanka da'da waxa ay ahayd gabadh gashaanti ah, laakiin waxa ay muuqatey 16 jir baxaye i arag ah. Dhab iyo dhibco kooban waxaa quruxdeeda lagu tilmaami karaa wax la ma arag iyo la ma maqal ah. Iyadu waxa ay ahayd gabadh tin iyo ciridh Eebbe weyne dhaliil ka dhawray oo hooyadeed la sawrac ah oo kolka cid kasta aragto u riyaaqdo. Dhar xidhashadeedu waxa ay ahayd mid ashqaraar leh oo ay si hab iyo hannaan luuli ah ugu xarragoota. 

Cawrala waxa ay in muddo dhowr sanno ah ku maqnayd Magaalada Cadan si ay Quraanka iyo af Carabiga u soo barato. Halkaas oo ay heer fiican ka gaadhey aqoonta Quraanka, akhrinta Carabiga, iyo wax qorista.  Cawrala waxaa la walaal ahaa wiil la odhan jirey Dalmar iyo laba gabdhood oo ay midna ka yarayd midna ka weyneyd. Hooyadeed iyo aabbedeedna waxa ay ku noolaayeen Magaalada Xiis iyo miyigeeda oo ah buuraha ka sarreeya. Aabbeheed Barre waxa uu had iyo jeer Cawrala ku faanin jirey uguna ducayn jirey baarrinimadeeda iyo dheganugaylkeeda in kasta oo ay ahayd qof go'aan adag. 

Sidoo kale waxa uu Calimaax la walaal ahaa hal wiil oo keliya iyo laba gabdhood. Calimaax waxa uu ku dhashay kuna barbaaray Magaalada Laasqoray oo Xiis xagga bari ka xigta oo jirta qiyaastii 152 km. Magaalada Laasqoray waxa ay sidoo kale ku hoos taal Buuraha Calmadow oo ay isku xidhiidhsan yihiin Surad iyo Daalo. Sidaas darteed xagga quruxda iyo dhirta waxa ay Laasqoray isku sansaan yihiin Buuraha Calmadow ee Xiis ku taal. Buuraha Laasqoray ku hoos taal ee Calmadow waxa ay oogada ilaa xeebta u kala baxaan dhowr jaad oo kala ah: Raacin, Arooro, Cayow, Jarcaleed, Madar, Ragar, Gadoob, iyo Macagta oo ah halka buuruhu ugu hoosaysa ee xeebta xigta. Dhulkaas ayuu Calimaax yaraantiisii ku soo barbaaray. Sidoo kale waxa uu la socon jirey bulsho fardooley ah oo uu sida muuqata ku hanaqaaday bulshaynta ragga, fardafuulka, iyo haasaawaha. Muddo ka dib kolkii uu gaashaanqaad noqday waxa uu galay badaha oo ku ilbaxay. Intii uu badaha ku jirey waxa uu bartay wadista  doonyahana iyo maraakiibta, iyo hannaanka loo maamulo oo uu heer sare ka gaadhey.

Kolkii uu badaha ka soo noqday waxa uu ku biiray halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. In kasta oo aannu qori karin oo akhrin karin af Carabiga, laakiin waxa uu ugu hadli jirey si codkarnimo leh. Sidoo kale waxa uu ahaa nin si wacan u fahma kolka lagu hadlayo afka Carabiga.

Sida muuqata waxa ay Cawrala iyo Calimaax ku soo wada kacaameen dhulkaas buuraleyda ah iyaga oo wax badan ka wadaaga fahanka nolosha iyo barbaarintii hore oo ay ka soo jeedaan bulsho isku dhaqan ah. Kulankii koowaad ee Cawrala iyo Calimaax waxa uu ahaa kolkii ay doon ka soo wada raaceen Magaalada Cadan. Calimaax oo dooyo Daraawiisheed ah tagey Cadan oo hawshiisii soo gutey iyo Cawrala oo ka soo xagaa baxday Magaalada Cadan. Doonta ay soo raaceen waxaa la odhan jirey SUBXAAN. Doontu waxa ay ka soo shiraacatay makhribkii marsada Cadan kolkii ay taariikhdu ahayd 25tii Maarso 1915tii. Doonta waxaa la socdey 15 rakaab ah oo 12 rag tahay iyo saddex haween ah. Sidoo kale waxaa doonta la socdey 20 badmaax oo doonta ka shaqaynayey. Sidii ay caadadu ahayd waxaa saddexdii haweenka ahaa loo gogley huuriga dushiisii oo halka ragga fadhiyeen saddex talloobo u jirtey. 

Habeenkaas hore waxaa jirey Dayax shan iyo tobnaad ah, sidoo kale waxaa cirka laga dareemayey cusayb oo daruuro waaweyn oo sida gudgudaha sansaankooda leh baa muuqanayey oo labadii shiraac ee doontu waa buuxeen. Sidaas awgeed doontu waa ay maraamaysnayd oo sii kordhinaysey maraamaynteeda kolka ay badweynta hore u sii gashaba. 

Kolkii ay abbaara todobadii habeenimo ahayd oo suqayariintii ay cashadii bixiyeen ayaa ninka la yidhaahdo Calimaax haasaawe bilaabay oo daandaansaday nin la odhan jirey Nuur Ciise oo rakaabka ka mid ahaa. Calimaax waxa uu ku yidhi: Nuuroow waa adiga wareeraye maxaa baddan baas ku soo mariyey? Maad reerkaagii iyo Guudmanaa iska joogtid oo saaqa iyo haameeshaadii boqolaalka ahayd ku maashid. Haddii aan adiga ahay badahan jaan ku ma soo galeen oo hadba intaan doonida jenbigeeda qabsado aa! aa! aa! ma idhaahdeen. Kulase yaabi maayoo waxaa dhibtaas ku soo mariyey arrad iyo gaajo ee maxaad Cadan sooryo ka soo heshay. Immisa mohoradood iyo iskujoog baad reerkii u siddaa waadigii wiilkii habarwadaaggaa dhalay wiilkiisii wiilkuu dhalay u tageye?

Odaygii Nuur waxa uu ku wareer gooyey hadalkii Calimaax oo yidhi: Caliyow miyaadan ogeyn in aad tahay mulxish reer magaala ah sidee baad nin reer miyi ah oo aniga oo kale ah wax uga sheegi kartaa! Miyaadse wiil yar oo gaashaanqaad ah oo miyi ku kacaamay fartiisa guddaa. Allaahayow yaa hayaan ama xoola hogo kaliil jooga oo ooman ku yidhaahda aroori ha la bartee miigganaantaada iyo adkaysan waxa aad leedahay. Halka aad reer miyiga gaajo iyo arrad ku caydayna waxa aan kaa idhi: Miyaadan ogeyn in magaalada xarragadeedu iyo wanaaggeedu yahay xoolaha iyo oonta miyiga ka imaanaya. Tan kale miyaadan maqal gabayga Sayidku tiriyey waadigii noo sheeganayey in aad darwiish tahaye.

Magaalada masruufkiyo dharka laga muraadeysto

Mushmushaaxa iyo biicu waa moodka soo dega e

Miyigaba haddii laga xidhaa mawdku ka adeegye. 

Naakhuudihii doonta oo la odhan jirey Shirdoon Sugulle ayaa haasaawihii isaga oo taageeraaya Nuur Ciise soo dhex galay oo yidhi: Caliyow maad iskadaysid Nuur iyo reer miyiga faallihiisa, sababtoo ah waxa aan qabaa in aadan Nuur hadal la ekaynayn oo uu gabayo iyo maahmaahyo kugu hafinayo.

Nin kale oo la odhan jirey Magan ayaa hadalkii qaatay oo yidhi: Nuur iyo Naakhuudow waxa aan idin leeyahay dad aan weligood is gaadhayn ha simina waayo ninka reer magaalaha ahi waxa uu ninka reer miyiga ah u jiraa inta cirka iyo dhulku isu jiraan ee ha is daalinina. Reer magaalaha runta ah inta badan waxa uu galaa dugsi oo ka bartaa Quraanka iyo diinka. Sidoo kale waxa uu kala yaqaan xaaraanta iyo xalaasha. Qofka reer magaalka ah waxaa sokeeye u ah ninka ay saaxiib yihiin. Waar miyaanu reer miyigu ahayn kuwa geela dhaca ee xalaasha iyo boolidu u kala soocnayn? Waar miyaanu reer miyigu ahayn kuwa hablaha kufsada kolka ay kanshe ka helaan? Waar miyaanu reer miyigu ahayn kuwa kolka ay arradaan dhuugu hugoodu ahaa?

Ragga rakaabka ah iyo meesha habluhu fadhiyeen wax yar oo la iska maqli karo ayey isu jireen oo intii haasaawuhu soconayey waxa ay habluhu dhegta ka maalayeen hadalkii raggu is dhaafsanayey. 

Cawrala iyo Calimaaxna waxa ay kolkol isku dhufanayeen indhaha. Kolka indhahoodu isku dhacaan waxa ay Cawrali u jeensanaysey hoos iyada oo muujinaysey xishood weyn. Sidoo kale waxa ay gacanteeda midig ku soo hullaabanaysey malkhabaddeedii milmilka iyo xariirta ahayd oo labada fool ku qabanaysey. 

Kol kale baa Calimaax hadalkii qaatay oo yidhi: sida muuqata waxa ay Nuur, naakhuudaha, iyo reer miyiga oo idil qabaan in reer magaalku waxba ka aqoon murtida iyo gabayga haba yaraatee oo ay af aqoontoodu hoosayso. Haddaba caawa iskeen siiya oo weedhaydan maqla. Calimaax waxa uu yidhi:

Wallee daacuflow reer miyaan doocna garanaynin 

Dab la shiday aroortii hadduu daamanka is dhaafsho 

Doqonniimo waa wuxuu cadkiis doc uga muujaaye

Haddii doog Allaah shubo oo duni barwaaqowdo

Oo doobi caanaha riyaha looga dalaf siiyo 

Oo rodol uu doondoon ku helay uga dambaysiiyo

Isagiyo duqdiisii kolkaas dawlad la is moodye

Damdamtiyo hangoolkii ma jiro oo diriri maayaane

Maantaas ninkii dan u lahow dayso hadalkaaga.

Calimaax oo aan laga fileyn in uu si degdeg ah tix gaaban ku tiriyo oo uu reer miyiga ku faallaynayo ayaa raggiina u sacabiyeen, sidoo kale waxa ay hablihii ku dhufteen mashxarad dhegaha dillaacisay dadkii doonida saaraa, isla kolkiiba waxa ay suqayariintii soo dejiyeen shaah loogu talagalay haasaawaha habeenkaas oo hayl, xawaash, iyo qorfe lagu daray si loogu hambalyeeyo Calimaax. Cawrala oo la dhacsanayd wacdaraha Calimaax dhigay waa ay is hayn weydey oo ku tidhi hablihii: hah! hah! afku kuma go'o oo caano geel lagu qabay Alla ninku gabayga heli ogaa, heedheh galabta kolkuu doonida soo fuulayey oo uu cagta soo saaray Calimaax isha ayaan geliyey in uu yahay diricdiric dhalay oo uu weli ku darsaday qurux iyo qiimo. Sidoo kale waxa ay raacisey hadalkeedii ahaa: ‘anigu reer miyiga iyo wixii la hal maala waa nebcahay, sababtoo ah hadda waxa uu aabbahay ii soo dhoofiyey in uu nin reer miyi ah oo geel badan leh oo walaashayna ka dhimatay oo wax allaale wax uu yaqaan aanay jirin in uu ii guuriyo. Weliba ninkaasi haba yaraatee ma yaqaan sida loo seexdo. Gabaygaas uu Calimaax caawa tiriyey ee damdamta iyo hangoolka ay la dhacaan ku sheegay waa uu i sii nacsiiyey reer miyi iyo wixii la hal maala.

Marwadii Saluugla baa ku tidhi: "Sow Cawralaay aabbahaa ku odhan maayo habaar iyo duco kala dooro haddii aad diiddo ninka aad sheegtay?"

Cawrali waxa ay ku warcelisey: "Haddii uu sidaas i yidhaahdo waxa aan dooranayaa habaarkiisa. Isla kolkaana waxa aan ka ducaysanayaa Allaah in uu habaarka adooga iga balfiyo waayo waxa uu igu dirqiyayaa wax aannu xaq iigu lahayn. Kolkaas haddii uu adoogay cirka soo gujiyo ka yeelimaayo nin aanan jeclaan oo aanan asluubtiisa iyo raganimadiisa ka baaraandegin. Anigu diyaar u ma ihi in aan nolol la wadaago ama oori u noqdo mid iigu yeedhaya naa yaa! naa yaa! Ama isaga oo magacayga ka hawoonaya igu yidhaahdo taanu wada joognaay, tii reerkaay, tii carruurta ii haysayeey, tii ii dhaxdayeey, iwm."

Marwadii Saluugla waxa ay Cawrala weydiisey: "Cawralaay waa maxay jacaylku oo wax ma iiga sheegi kartaa? Waayo anigu waxa aan ahay dumarkii hore oo hadba ninkii doona la siin jirey iyaga oo aan erayna la weydiin in ay raalli ka yihiin iyo in kale. Durbadiiba waxaa nala ku duugi jirey meher oo yarad nala ka qaadan jirey. Waxa aad ka soo qaaddaa anigaygan kula hadlaya waxa uu aabbahay i siiyey nin aniga oo toban iyo shan jir ah. Weliba waxaa la i siiyey nin badda jirey oo da'diisu lixdanka kor u dhaaftay oo aan hal fool ah lagu ogeyn. Timaha iyaga hadalkoodaba daayoo waxa ay ahaayeen cirro isu baxday. Dhanka socodka waxa uu ku tukubayey ul dheer. Tan keliya ee aabbahay u geysay in uu sidaas yeelo waxa ay ahayd lacag jacayl. Lacagtaas odaygu haystey ayaa sabab iigu noqotay in aan noqdo tii loogu heesay "garaad daraney gu' kaa tagey iyo ma soo noqon galab ku dhaaftaa." Kolkii aannu labo sannadood wada joogney iska daa dheef aan ka helo ama ninnimo aan ku qabo, waa uu indhabeelay oo dabkii ka kiciwaayey. Ugu dambay waxa uu bilaabay in geeddigiina la fuuliyo. In kasta oo aan haystey marriin iyo masruuf wacan waa ay ii dhadhamiwaayeen, kolkaas baan damcay in aan iska furo. Arrintaas iyada ah waxba iiga ma qabsoomin oo waan ka cararay odaygii. Ugu dambay waxa uu garsoorkii i qoray naakirad. Sida ay sheegaan wadaadadii hore waxa ay leeyihiin haddii naagtu ninkeeda ka dalbato in uu furo oo ka diido waxa ay Diinta Islaamku faraysaa in naagtaas naakirad la qoro oo aan nin kale guursan karin weligeed. Sidoo kale waxa ay wadaadadu leeyihiin ninku kolkuu doono iyo sidii uu u doono ayuu u furikaraa naagtiisa, laakiin naagtu haddii ay nacdo ninka dhibaato kasta ha ku qabtee ma iska furi karto. 

Marwo Saluugla waxa ay tidhi: Waa aan ogahay in Allaah caaddil yahay oo ragga iyo haweenkuba sagaal bilood ku dhasheen sidaas awgeed ila ma aha in Allaah xaggiisa ay ragga iyo haweenku u kala sokeeyaan, laakiin waxaa hubaal ah in raggu aqoontii iyo diintii ka bursadeen haweenka oo ay ku duudsiyeen wax badan oo haweenku xaq u lahaayeen. Sidaas awgeed waxa aan qabaa in dumarku diinta iyo aqoonta bartaan si ay ragga xuquuqdooda uga dhacsadaan. Anigu haddii aan wax aqoon lahaa maalintii dhoweyd ee garsooraha Xiis la i geeyey ee uu naakiradda i qoray, waxaa hubaal ahaan lahayd in aan iska dhicin lahaa oo garta ka helilahaa odaygii xumaa oo weliba xadhig qoorta u gelin lahaa. Haseahaayee waxaa iga hiiliyey laba hal, aqoontuu iga badiyey iyo lacagtiisii oo kolkii horeba i sababtay. Sida muuqatana gablan baan geeri ku sugayaa. Haddaba geelooyinoow hadalka waan ku dheeraadaye Cawralaay adaan kaa qabsadaye bal jacaylkaad sheegayso waxa uu dhadhamo wax nooga taabo. 

Intii aanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa waagii sagliyey oo wadaad doonida saarnaa aadaamay oo yidhi: "Allaahu Akbar allaahu Akbar." Kolkii aadaankii dhammaaday oo salaadii la tukadey oo waaga oogtiisii dilaacday baa Cawrali tidhi : "Sheekadaas jacaylka ah habeen dambe baan u dhiganaynaa, waayo waagii baa baryey hadda oo waxaa laga yaabaa in ay raggu innaga maqlaan."

In kasta oo maayadda baddu hinjinaysey doonta habeenkaas, hase ahaatee waxa ay baddu ahayd mid deggan oo dadku cawaynayeen ilaa waagu galalac ka yidhi. Haasaawihii iyo murankii dhex maray Calimaax iyo Nuur Ciise oo rag badan ka qayb qaateen, waxaa ugu dambeysey Calimaax oo gabay tiriyey oo dad badan u jiibiyeen oo jaanta u tumeen. 

Maalintii labaad oo bisha Maarso ahayd 26, waxa ay ahayd maalin milicdu aad u kulushahay oo hogo kaliileed ah, waana maalinta sida la og yahay gugu ka bilaabmo Geyiga Soomaalida. Kolkii loo adkaysanwaayey kulaylkii maalintaas waxaa guradii doonta loo dallaayadeeyey haweenkii oo hoos loo xidhay si aannay milicda ugu haraadin. Iyada oo ay Cawrali isha gelisey Calimaax kolkii ugu horreysey ee uu doonta cagta soo saaray, habeenkii xigayna hadalkiisii iyo haasaawihiisii macaanaa dhegta ka maashay, ayey maalin labaad aad uga il sugatay. Calimaax waxa uu ugu muuqdey in uu yahay nin da' dhexaad ah oo ilbaxnimo indhihiisa ka muuqato, lagana yaabo in uu afaf badan oo qalaad ku hadlo, haybad iyo luulina leeyahay. Sidoo kale waxa ay aragtay in midabkiisu casaan raac yahay oo sanqaroor dheer leeyahay, gadhkuna madow buuxa yahay oo uu hab wanaagsan u qorqoran yahay. 

In kasta oo aannu kicin waxa uu ula ekaa nin dheer oo laxaad leh. Sidoo kale waxa ay dareentay in uu Daraawiishta Ina Cabdalla Xasan ee Taleex degta ka mid ah. Calimaax waxaa gadaashiisa ku tiirsanaa hal sitaac, hal nadi, iyo qori maarre ah. Sidoo kale waxa ay balaf ku maqashey in dad lagu tuhunsan yahay in ay Daraawiish yihiin ay doonta saaran yihiin. 

Isla maalintaas kolkii ay barqadii ahayd ayaa naakhuudihii ku yidhi badmaaxyadii kale: "Waar maxaad inoo ugu jillaabiweydeen miyaydaan ogayn in Gacanka Cadmeed ay ku jiraan kalluunka adduunka ugu macaan uguna qaaya roon oo ah tebediinka oo hadda doonta hareeraheeda boodalaysanaya?" Kolkaas baa badmaaxyadii amarkii fuliyeen oo soo jillaabeen kalluun tebediin ah. Halkaas oo qadadii lagu bisleeyey tebediinkii oo habab badan loo sameeyey. Haddaba waxaa ayaandaro ahayd in kolkii qadadii la soo dhigay oo la faraxashay in odaygii Nuur Ciise afka iyo sanka mara ku duubay oo diidey qadadii kalluunka ahayd in uu afkiisa geliyo. Kolkaas baa Calimaax ku yidhi: "Nuurow ninkaan kalluunka ifka ku cunin aakhiraa afka loogu guraa bay Soomalidu tidhaahdaa ee maad cuntid caafimaad iyo nafaquu jidhkaaga tarayaaye." Odaygii Nuur Ciise oo arrintaas ka xun baa tiriyey gabaygan:

Dununucaaye kolkuu qaxwaha debinta saaraayo

Duuf lulaaye goortuu kalluun labada daan buuxsho

Deyn qaate meeshii nin raggi debec ka maalaayo 

Duryan xume markuu deego buu dunida hiifaaye 

Diintiyo wuxuu caayayaa daayinka Ilaahe 

Dacwad aan la garanayn iyo dafashya baas sheegte 

Dood iyo dagaal baa nin ragga lagu daryeelaaye 

Deeqdana haddii loogu ladho derejo weeyaane 

Wax dawdara magaaliyo ninkii degelkeed jooga.

Calimaax baa hadalkii qaatay kolkii Nuur dhammeeyey gabaygii oo yidhi: Nuurow la isku ma hayo in uu kalluunku xalaal yahay waayo waxaa la yidhi Nebigii baa seeftiisa ku gawracay xilligii uu noolaa. Sidoo kale waxaa intaas raaca in uu leeyahay faa'iidooyin badan oo nolosheena u fiican. Ugu horreyn kalluunku waa xoolo ama sahay aan loo kala xoog roonayn. Tan labaad waa xoolo aannu col iyo cadaawe kaa qaadi karin. Tan saddexaad waa xoolo aan oomin abaarina gelin. Tan afraad waa xoolo maalqabeenka iyo saboolku u siman yihiin, laakiin uu bursado hadba koodii tababar iyo xirfad u leh. Haddii aan Nuurow soo gebagebeeyo faa'iidooyinkiisa ugu waaweyn waa hanti uunka Allaah iyo sankuneefle oo dhan loo wada siman yahay oo la wadaago. Si aad Noorow u garato muhiimadda kalluunku leeyahay bal dhegayso tixdaydan gabayga ah:

Kalluunkeennu waa socoobaanka iyo sodon kun oo jaade

Seerseer macaanow tebediinku waa ugu sarreeyaaye 

Oo Sallalaahu nebigii ayaa seef ku gawracaye 

Saxal iyo abaar kuma kacdiyo samo kaliileede 

Ma saanyado col duulaa hadduu sabada kuu deexan 

Saxar cuduri saymaha adduun abid ma saysaansho 

Ninkiise saansaan yaqaan iyo badaha saamkooda 

Oo subaxdii horeetaba kacoo seebka taranteersha 

Waa sahay daleelaha u taal saacad dabadeede 

Nin saboola iyo maalqabeen baa sadho dhex taallaaye 

Waxse loo simay waa kalluun sebi uun baa mooge 

Waxa uu nafaqo siinayaa jiidh solmoo tageye 

Badda Seylac saaxiyo Berbera tan iyo Seyhaaba 

Waxaa sare iyo hoos ku jira waa sareedada e 

Soomaali baan garan intey silic ku noolayde. 

Kolkii Calimaax gabaygaas dhammeeyey ayaa Marwadii Saluugli ay Cawrala ku tidhi: Naa Cawralaay maxaa ay kula tahay waadigii had iyo jeer faallo ka bixin jiray haddii uu Calimaax eray yidhaahdee? Mase ku raacsan tahay waxa uu ka sheekaynayo ee kalluunka ku ammaanayo? Cawrala waxa ay kolkaas ku soo warcelisey: Waan ku raacsanahay in uu kalluunku leeyahay faa'iidooyin badan, laakiin aan dadkeenu ogayn sida Calimaax u sheegay. Cawrala oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tidhi: Saluuglaay waxaa dhicidoonta sida dunidu ku socoto oo dadka tiradiisu u kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa in ay cuntadu iyo xooluhu dadka ku yaraan doonaan oo kolkaas la isugu imaandoono kalluunka iyo waxyaalahaa badda ku hoos jira.

Kol kale waxa ay Cawrala tidhi: Anigu ma ihi mid Calimaax wax kasta iskaga raacaysa, laakiin waa nin waxgarad ah oo ka gar jooga ninka kalluunka diiday isla kolkaana aflagaaddo u geystey cuntadii xalaasha ahayd ee aynu cunayney.

Dharaartaas gelinkeedii dambe baddu waa yare kacsanayd oo hadba doonta hareeraheeda ayaa hirku tarshadda ku soo dhirbaaxayey, isla kolkaana waxa aad moodaysey in kol walba kolka ka dambeeysa karkeedu soo kordhayey cirkuna si dheeraad ah buu u cusbaa oo goortii gabbalkii dhacay ayaa daruuro waaweyn iyo dabaylo yalax qabow ahi dhanka bariga ka yimaadeen. Kolkii maqrib la tukadey ayaa Marwo Saluugli tidhi: Cawralaay waxba garanmaayo oo caawa haasaawihii ragga maqlimayno, iyada oo laga yaabo in ay sabab u tahay dabaysha xoogga leh iyo duufaanta dhacaysa. Waa adigii Cawralaay saaka salaaddii ku ballanqaaday in aad jacaylku waxa uu yahay nooga sheekayndoonto ee bal halkii ka sii wad.

Cawrala waxa ay tidhi: Waa tahay Saluuglaay i dhegaysta adiga iyo geelada kale aniga oo idiin horreysiinaya in aan hore jacayl ii qaban, hase ahaatee ilaa shalay galab waxa aan u maleeyey in uu isaga yahay baa i haleelay oo waa sida dacarta qadhaadhka ah oo misana dhabaqeeda sare macaan yahay. Kolkaad weydo waa hoog, ba', iyo leelleel oo qulub iyo qaracan laabtaada geliya oo aadan ka ledi karayn hurdo. Kolkaad heshid waa sida deeq hagar la'aaneed oo dhuuni aad u baahnayd oo dheef iyo dhaqaale kuu tara. 

Xagga kalena haddii aan ka laba rogo waa sida doogiyo xareediyo saxansaxada udugeed, haddii aan laguu ogayn waa geeri iyo cudur caato kuu dila. Haddaad heshid oo aad hanatid waa faraxii naftaadiyo raaxadii adduunyada. Saluuglaay miyaadan maqal maahmaahdan?

Afar waa mugdi

Afarna waa u maarodhaamo

Afar baa ka macaan

Afarna waa u maso

Abaari waa mugdi

Cawsna waa u maarodhaamo

Doog baa ka macaan

Ninna waa u maso oo waa kii aan coodba lahayn

Colaadi waa mugdi

Ergana waa u maarodhaamo

Nabad baa ka macaan 

Ninna waa u maso oo waa ninkii ku dhintay

Habeen waa mugdi

Caddana waa u maarodhaamo

Maalin baa ka macaan

Ninna waa u maso oo waa ninkii indhoole ah

Hamadi waa mugdi

Guurna waa u maarodhaamo

Jacayl baa ka macaan

Ninna waa u maso waa caamadaan garanayn

Naakhuudihii iyo sareenjigii waxa ay amar buuxa ku bixiyeen in badmareenadii iyo wixii doonnida ku jira ay dhammaan heegan ahaadaan gaar ahaan raggii hawlaha gaarka ah ee doonta qaban jirey. Durbadiiba waxaa heegan la geliyey raggii biya dhuri jirey. Naakhuudaha waxa uu u muuqanayey in uu ahaa nin dhibaatooyin iyo danqaaro badan soo galay dhowr jeerna doonyo la degeen ama la sigteen. Sidaas darteed ma jirin wax argagaxa oo ay baddii kacday gelisay in kasta oo uu maleeyey ama hilaadiyey siday daruurtu cirka ku ahayd in aannay sagleela la'aan dhacayn.

Iyada oo rag iyo haween wixii doonnida ku jirey welwel iyo walaac ka gelisey sida ay baddu ahayd. Cirkuna waxa uu ka soo awdmey jiho walba. Kolkaas waxa ay Cawrali hablihii ku tidhi, hablow maxaa mid waliba ku dardaarmaysaa, waa intaas oo doonnidu degtaaye oo la arko in mid innaga mid ahi ay noolaato labana dhimato ama midina dhimataa labana badbaado.

Saluugla oo ahayd ruux waaya-arag ah waxa ay tidhi, hablaha aan weli guursan waxa aan ku dardaarmayaa laba hal ee iga gaadhsiiya.

1. Guunnimo waa geeri haween.

2. Guur odayna waa geesaas haween.

Gabadhii labaad ee Haweeya waxa ay tidhi, "naa anigu geesaas iyo meesaas waxba ka garan maayee, waxa aad hooyaday iga gaadhsiisaan haddii aan hafto oo baddu i liqdo in ay iga bixiso laba madaal oo sonkor ah iyo tan hadhuudha oo aan ka qardaystay haweeynayda la yidhaahdo Dhool Rooble oo Xiis deggen yaan aakhiro loxodka la igu gubine."

Cawrala waxa ay tidhi, "horta hablayahow laga ma yaabo in uu Eebbe caawa igu dilo doonnidan, sababtoo ah hooyaday oo xiddigo-tiriska aad u taqaan waxa ay ii sheegtay in aan dhashay markii ay soo baxeen xiddigaha la yidhaahdo Afagaallo, Soomaaliduna waxa ay ku tilmaantaa ilmaha xiddigtaas dhalashadiisu la kulanto in uu nasiib iyo hoodo badan yahay." "Tan labaad oo aannan Eebbe uga rajo xumayn waxa ay tahay, dee weli adduunka waxba kama dhadhamin macaan iyo qadhaadh midkii uu doono ha ahaadee, Allaahna taas waa igu ogyahay oo iigu naxariisanayaa." "Midda kale anigu dardaarmimaayo, waxa aanse soo jeedinayaa saddex talo ee bal iga dhegaysta."

"Tan ugu horreysa waxa ay tahay mid aan sheeko ku maqlay oo ah in dumarku is wada qabsadaan haddii ay dooniyi la degto oo markaas wada degaan oo aan waxba ka badbaadin. Haddaba, waxa aan soo jeedinayaa saddex hal in aynu samayno haddii aynu aragno in ay doonidu degayso. Tan ugu horreysa waa in aynu dharka badan oo aynu xidhanahay iska yaryarayno oo mid waliba la hadhaa diricay gashay tahay oo keliya, sababtoo ah dharku waa uu ina dabrayaa oo innagu dhegayaa." 

"Tan labaad waa in aynaan is qabsan oo is cuskan oo mid waliba nasiibsataa wixii Allaah la kulmiyo."

"Tan saddexaad waxa aan ku talinayaa marka aynu aragno in doonidu degayso, aynu ragga doonida saaran u baaqno oo nidhaahno hebelow i qabo oo i caawi."

Markii ay Cawrali dhammaysay ayaa gabadhii Haweeya tidhi, “Cawralaay ra'yi wanaagsan baad soo jeedisey waadna ku mahadsan tahay, laakiinse waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa: "Haddii aad dhimanayso dhareerka waa la iska duwaa." Bal horta dharka iska dhiga oo diric keliya la hadha kaa yeelimayno, waana mid adag in aannu is muldhino wax kasta oo dhaca.

Cawrala ayaa hadalkii ku noqotay oo tidhi, Waa runtaa Haweeyaay oo maahmaahdaasi waa mid jirta, haseyeeshee meesheedii ma aha oo waxaa kaaga habboonayd in aad tidhaahdo: "Dan iyo xarrago is weydey." Talooyinkaas Cawrali soo jeedisey Saluugli waa ay qaadatay oo u tabaabulshaysatay, laakiinse gabadhii labaad oo Haweeya ahayd u ma guuxin oo halkeedii bay iska balawaadhsatay oo sanduuqeedii dhabta ku qabsatay.

Markii ay saacaddu ahayd abbaara 11kii habeennimo ayaa fad birqamaya oo onkodaya xagga bari ka yimid oo barta saaray doonnidii, iyada oo baddii sidii iyo si ka daran u kacsan tahay. Waxaa doonida ku jirey oo rakaabkeeda ka mid ahaa wadaad caalim ahaa oo la odhan jirey Sheekh Araye Ceelaabe oo Magaalada Saylac ku dhashay isla markaana degganaa oo Magaalada Cadmeed socdaal gaaban ku tagey. Sheekh Araye Ceelaabe waxa uu ahaa sheekhii kashifay ninkii Dawladda Ingiriisku sahanka u soo dirsatay in uu u soo ilaaleeyo Dalka Soomaaliyeed markii ay qiyaastii taariikhdu ahayd 1854 ilaa 1860kii oo magaciisii runta ahi ahaa Richard Burton, Laakiinse isugu u sheegtay Sheekh Cabdalla dadkii Soomaaliyeed ee uu isu maldahayey si aannay u garan in uu yahay nin khaayin ah oo tuugo iyo dibindaabyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed la damacsan.

Ninkaas gaalka ah ee Ingiriiska ahaa waxa uu aad u bartay Diinta Islaamka iyo afka Carabiga oo aad iyo aad u yiqiiney. Mararka qaarkood waxa uu wax ka tujin jirey Magaalada Saylac masaajidadeeda oo waxa uu gashan jirey qamiiska dheer oo wadaaddadu gashadaan. Had iyo jeerna kama ag fogaan jirin meelaha culimadu iyo ardaydu fadhiistaan si aan loo garan ama lo dereemin hawlihiisa.

Haddaba waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid Sheekh Araye la kulmay ninkaas Ingiriiska ah oo meel bannaan ah u kor tagey oo kaadidii la sare joogsaday inta uu geed isku toosiyey. Markaas waxaa u muuqday Sheekh Araye in aannu xalaalsanayn ninkii sheekha loo haystay oo ay calaamaddii gaaladu ku taallo. Aminkiiba Sheekh Araye afkuu gacanta geliyey oo magaaladii oo dhan buu ogeysiiyey in ninkaas oo munaafaq ah magaalada joogo oo sheekh loo yaqaan. Kolkaas baa ninkii Ingiriiska ahaa laga cayrshey Magaalada Saylac ilaa uu ku galay Magaalada Harar oo iyana laga saaray sidii si le'eg. Sheekhaas caanka ah baa bilaabay aadaan iyo Quraan akhris uu Allaah ku baryayey in uu roobka, duufaanka, iyo badda kacsan ka joojiyo. In kasta oo sheekhii Quraan iyo aadaan iyo baryo Allaah isku daray, roobkii hanqadh iyo hillaac buu sii kordhiyey, baddiina mar walba marka ka dambeysey waa ay sii xumaanaysey oo waxba baryadiisii ma doorin.

Markii ay ammintu ahayd abbaara 11:30 habeennimo ayaa dakhalkii dhexda ka kala boodey oo guradii doonnida gab ku soo yidhi. Naakhuude Naallaye dakhalka soo jabiddiisii ka hor rajuu qabey, markii uu soo dhacay baa ay hareeraha ka yeedhay hayaay! Hayaay! Ciidamow! Ba'yeey! Kolkaas ayuu quustay oo ashahaadada cuskaday.

Haddaba sebi mooyee ruuxii innaba garaad lahaa waa ay u caddaatay in doonnidu degayso oo aannay ku sii jiri karin. Kolkaas waxa uu Calimaax la faqay Nuur Ciise oo ku yidhi, Nuurow bal warran, maxaadse filanaysaa illeen dabbaasha ma taqaanide? Markaas baa Nuur yidhi, "ar hayga tagin xaal waa xun yahaye." Calimaax baa markaas ugu jawaabey, Nuurow nasiibso wixii Ilaahay kuu qoray, waayo, saddexdaas dumarka ah baan midkood gacan siinayaa. Nuur baa hadalkii ku noqdoo yidhi, Calimaaxow ma qof dumar ah oo kontonley ah baad boqollahaygaas ka dooranaysaa, mase laga yaabaa Allaah waa qaadire in aan idiin ka horreeyo berriga adigiyo qofka dumarka ah oo aad qaadidoontid.

Calimaax baa jawaaboo yidhi, haddaad weli tahay waad naga horreynaysaa, laakiinse waxa aan ku xusuusinayaa Nuurow oo aadan iigu calool xumaan in haddii innaba Ilaahay kula kulmiyo rag iyo dumar dhibaataysan, sida tan caawa joogta, ay daw iyo waajib tahay in ugu horreynta iyaga gacan la siiyo markaas i sii sug waan kuu soo noqonayaaye. Halkaasaa Nuur Ciise bisinka cuskaday oo ashahaatey, Ilaahiisna badbaado ka baryey.

Kolkaas waxaa dhacday in miiraalihii roobku sii xoojiyey hillaacii, onkodkii, higtii, damtii, walaalacdii, iyo qararacdii. Biyihii cirku waxa ay si shalalax ugu soo shubmayaan doonniddii, isla kolkaana waxa ay baddii ka soo gelaysey hareeraha, gadaal, iyo horeba. Markaa bay doonnidii heehaabtay oo heelaheela dhexe sidii cayayaan dabayli siddo sabaysay. Ugu dambaystii dakhalkii soo kala jabay baarkiisii u sarreeyey uu hoos ugu libdhay baddii markay saacaddu ahayd 12:30 habeennimo oo ay xeebta Soomaaliyeed meesha ugu dhow u jirtey 10 km.

Sidii ay talada ku bixisay Cawrali waxa ay u baaqday Calimaax oo tidhi, Calimaaxow i qabo! Calimaaxoow i qabo! Calimaaxoow i qabo! Halkaas iyada oo baaxaadegaysa oo dhowr jeer liqday biyihii badda ayaa Calimaax oo ku soo tala galay baaqeedii maqlay oo sidaas ku garab galay. Rakaabkii kale iyo badmaaxyadiina waxa ay noqdeen wax dega, wax dabbaasha, iyo wax alwaax Ilaahay gacanta u geliyey oo ku dabbaashay ilaa berriga.

In kasta oo Calimaax u soo gurmaday Cawrala baaqeedii ahaa Calimaaxoow i qabo kuna soo talagalay in uu dumarka mid qaado oo uu markaa si degdeg ah u garab galay intii aannay aad u hafan oo degin, gartayna markuu gacanta qabtay oo garabkiisa bidix kor ugu taageeray in ay tahay ruux dumar ah, laakiin ma aannu kasin in tahay habar, murwo, iyo gabadh. Kolkii oogta waaberi soo baxday oo waagiina sagliyey bay Cawrali la hadashay iyada oo indhaheeda ilmo ka da'ayso. Cawrali waxa ay tidhi, Caliyow waad mahadsan tahay Ilaahayna ha kaa abaal mariyo waxa aad ii gashay in kasta oo aanan weli hubin in aynu badbaado tageyno. Cali baa markaas dib u jalleecay oo damcay in uu la hadlo nasiibdarro hir ayaa intay kor u qaadday hafisay oo afka u buuxisay hadalkiina ku celisay. Mar labaad ayuu misna u holladay in uu la hadlo waase u suura geliweydey oo hirarkii iyo maayadahii xooggoodii, iyo culayskii uu dusha ku siday dartood waa awoodiwaayey. Mar saddaxaadkii buu haleelay in uu yidhaahdo keliya, magacaaga ii sheeg markaasay tidhi, waxaa lay yidhaahdaa Cawrala Barre. Markaasuu isaga oo hadba hafanaaya hadalkana joojoojinaaya yidhi, Cawralaay waxba hay mahad naqin, waayo waa wax waajib ah in la gargaaro ruux Islaam ah oo Soomaali ah oo dhibaataysan. Waxaana jirtey intaan doonidu degin in aan saddexdiina hablood ka fekerayey sidii la idiin badbaadin lahaa. Markaan Caliyowda maqlayna degdeg baa xagga Allaah la iiga kaa soo diray in aadan kollayba ku dhiman doonidii markay degtey, inta ka dambeysa wax kasta aad mudatide.

In kasta oo ay dhacday wax la ma arag ah oo la ma maqal ah oo duufaan iyo roob habeenkii na la ku fanahsiiyey. Markii waagii soo beryayey cirkii waa kaadiyey oo nasiib wanaag baddiina waa degtey oo xawaal bay ku dhowaatey. Haddii kale u ma suuragasheen in uu Calimaax si dhib yar u la dabbaasho Cawrala oo muddo dheer dusha ku sido isaga oo aan daalin. Halkaas waxaa shaki la'aan dhici lahayd haddii aanay baddu karka joojin in ay wada dhiman lahaayeen ama uu keligiis dirqi kaga soo bixi lahaa marka uu Cawrala sidniinkeeda la kadeedmo.

Markii ay Cadceeddii soo baxday welise ay himhimow tahay ayaa Cawrali ku tidhi, Caliyow maxaa aad u malaynaysaa dadkii kale ee doonida innagu la jirey in ay ku sugan yihiin? Mase u malaynaysaa in ay Saluugla, gabadhii kale, iyo odaygii aad xifaaltameyseen ee Nuur Ciise Allaah saac u bixinaayo oo ka saaraayo doonidii? Eebbe waxa aan ka baryayaa in aannay Saluugli geeryoon maxaa yeelay gablan bay geeri badeed ku mudanaysaa oo waan u calaacalayaa iyada oo ifka ku luufluuftay in ay isla markaana geeri xun dhimato. Cali baa markaas ku yidhi, horta anigu mid baan hubaa in aan odaygii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise badbaadayn sababtoo ah markii ay doonidu degaysey ugu dambaystii sagxaddii buu fadhiyey oo jilbaxidhnaa, wuxuuna igu yidhi hadalkiisii u dambeeyey, œar hayga tagin nacasyahow xaal waa xun yahaye. Anna waxaan ku idhi i sii sug waan kuu soo noqonayaye. Haddee waxa aan u malaynayaa in uu aakhri igu sii sugaya illeen dabbaal ma aqoone. Cawralaay maantoo kalay kala hadhaan nin badmaaxa iyo reer miyi geel jire ahi.

Markii waagii aad u beryey ayaa waxaa hareerahoodii ka soo baxbaxayey hambabarooyin booddaalaysanaya. Nasiib wanaagse waxba Ilaahay kaga ma keenin in kasta oo mar midi sigtay oo Cali tuurta ku qaadday Cawralana barbar uga riddey. Markii ay ahayd barqa gaaban oo cirkii daruurtii ka yaryaraatay baddiina yar degtey ayaa hir madow oo dhereran uga muuqday xaggii ay u dabbaalanayeen. Muddo yar ka dib waxaa kor yimid Jaamanjoogtii iyo shimbirihii xeebta oo markaas himmad iyo niyadsan geliyey in ay u dhow yihiin berrigii Soomaaliyeed. Cali iyo Cawrala waxa ay meel cabbaar ka horreysey ku arkayeen wax madaxyo dad la moodo oo gedgedoonka hirarku muujinayey kolna qarinayey oo ay dhowr jeer ilbiriq ku arkeen. Madaxyadaasi waxa ay u ekaayeen kuwo qoryo ku jooga oo lagana yaabo in ay ahaayeen dadkii doonida kula jirey qaar ka mid ah.

Markaas baa Cawralaa weydiisey Calimaax oo ku tidhi, Caliyow ma laga yaabaa dadkaas innaga horreeya oo looxaanta waxa u eg ku jooga in uu ku jiro ninkii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise? Cali baa markaas waxa uu ugu jaawaabay Cawralaay kaasi innaga horreyn maayo, waayo dabbaasha ma aqoon sida uu igu yidhi. Calimaax waxa uu Cawrala dusha ku sidaba waxaa niyadsami gashay oo orodkii dabbaasha kordhiyey markii ay u muuqatay buurta Suradeed fiiqeeda dheer. Haddii ay soo dhowaadeen oo xeebtii u yimaaddeen in hal kiilomitir ah, ayaa Cawrali Calimaax ku tidhi “Calimaaxoow sida ii muuqata baddan badbaadaynu kaga baxaynaa, in yar baana inoo ka hadhay xeebtii, markaas laga ma yaabo in aynu dib isugu cidlaysanno oo hadal ku kala bogannee, waxa aan kuu sii sheegayaa in aad marti iigu tahay Magaalada Xiis ilaa intaad doontid. Calimaax baa markaas ku jawaabay, waa tahay Cawralaay haddaanay rag aan filayo oo Xaruntii Taleex ka yimid igu sugayn Magaalada Xiis, waa kaa guddoontay martiqaadkaas.

Cawralaa markaas tidhi, waxa aad Calimaaxow iiga warrantaa Darawiishta iyo waxa ay muhiwadoodu tahay, waayo sidaan doonida dusheedii ka maqlaayey haddana ii muuqata ka mid baa tahaye. Calimaax waxa uu ku yidhi, Daraawiishtu waa dawlad u dhalatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, muhiwadeeduna waa ilaalinta gobaninimada Soomaaliyeed iyo ilaalinta Diinta Islaamka oo Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Xabashiduba duullaan ku yihiin oo ay doonayaan in ay burburiyaan oo markaas inoo gumeystaan sidii gaalo madowda kale. Waxyaalaha kale ee war iyo wacaal waxa aan kuu dhammaystirayaa marka aynu magaalada tagno. Cawrala waxa ay markaas tidhi, “haddii muhiimadda Daraawiishtu sidaas tahay maad Calimaaxow i kaxaysid aan dagaalkaas gobannimadoonka ah ka qayb galee, kaana barbar dagaallamee, mise raggu waxa ay had iyo jeer jecel yihiin in aanay dumarku libinta gobannimada la qaybsan lana sinnaan oo ma oggolid?

Cali hadalkaas Cawrala uga ma jawaabin, sababtoo ah waxaa xeebtii oo in yar u jirtey saacaddu markii ay ahayd 5:20 casar liiqii uga muuqday Nuur Ciise oo amakaag geliyey siduu baddii uga soo baxay ugana soo dheereeyey. Waxaa kale oo xeebtii uga muuqday niman fardo wata oo uu u maleeyey Daraawiishtii sugaysey imaatinkiisa oo warkii degidda doonida loo sheegay soona birmaday si ay dadkii doonida ka soo caariyey wax uga soo guraan. Markii ay saacaddu ahayd 5:25 galabnimo waxaa ugu soo horreeyey Calimaax iyo Cawrala in ay gacanta soo qabtaan Nuur Ciise iyo marwadii Saluugla oo xeebta ku sugayey. Halkaasay dhar ay la sugaysey Saluugli' u gelisay amminkiiba Cawrala. Nasiib wanaag waxaa ahayd in wixii dad doonidii ka soo badbaado baxay ay ka soo baxeen intoodii badnayd meel magaalada Xiis u jirtey shan kiilamitir. Halkaas oo degdeg loogu gurmadey oo la geeyey Magaaladii Xiis. Cawrala iyo Calimaaxna waxaa la sii fanaysiiyey fardahay wateen nimankii Daraawiishta ahaa, waxaana ka soo baxay doonidii Cawrala iyo Calimaax, shiikh Araye Ceelabe, Nuur Ciise, Marwo Saluugla, iyo shan iyo toban badmareenadii ka mid ah, waxaana la waayey lix ruux oo ay ka mid tahay gabadhii saddexaad ee la odhan jirey Haweeya.

Habeenkaas waa la wada raxaabaysnaa lana gataatidhacay, ruux walbina derintii loo dhigay siduu ugu jiifsaday isma loodin, gaar ahaanna Cawrala iyo Saluugli ilaa ay afar iyo labaatan saacadood hurdeen madaxa kor u ma qaadin. Raggiise markii ay abbaara barqadii ahayd ayaa loo yimid oo afurkii aroornimo la siiyey isaga oo laga soo sameeyey gurigii Cawrala Barre ee aabbaheed iyo hooyadeedba joogeen.

Afurkii haddii afka la saaray oo nin iyo laba jeer la degey ayaa Nuur Ciise yidhi, Calimaaxow ma fileysey in aan baddii aad ogeyd siday ahayd, intaan nabad kaga soo baxo berriga kugu sii sugo aniga oo weliba dadkii doonnida qaar ka mid ah gacan siiyey? Maxaadse iigu digatey oo uga jeedday i sii sug markii aan ku idhi, "ar hayga tegin xaal waa xun yahaye." Midda kale weligaa ma maqashay naftaan Eebbahay dilin ma go'do? Markaas baa Cali yidhi, horta niman yahow waan ku gafey hadalkaas waxaana la yidhaahdaa Allaah eray gef ah waa kaa yeedhsiiyaa kugu mase dhaafo, mana moogi in uu Allaah karaan ku yahay naf dhimatay oo jiidhkeedii iyo jurmigeedii aboor cunay in uu soo nooleeyo, iskaba daa mid uu bad ka badbaadiyey. Haddaba waxa aad ii sheegtaa sida aad uga soo baxdeen?

Naakhuudihii baa yidhi, Caliyow iska jir ninka la yidhaahdo Nuur, waayo waa la weheliyaa, sababtoo ah, tiraba shan qof isagaa gacmaha intuu na qabtay na soo saaray looxan oo aan u maleeyey sagxaddii uu ku fadhiyey oo aan doonidii la degin oo isaga Eebbe u soo gooyey ugu horraystiiba. Nuur baa hadalkii qaatoo yidhi, horta anigu waa soomaa oo salaadaa, dhawrtadana ma dhaafo, eexdana ma aqaan, weligayna booli ma cunin, xaaraan kalena hadalkeedaba daayoo sadqa gawrac baan ahay, tuugana waxa ay ii ahayd maalintaan iskudayey in aan hooyaday ka xado timir kolay ku jirta oo yacayga saaran, taasna kuma liibaanin oo waxaan dabada soo qabsaday abeeso abguri ah oo goborta ku jirtey. Allaah waan ka mutaystay in uu ii miciino oo wanaag madhax iiga dhigo maalintii ay iigu xumayd, wixii rag hoogey dumarna leeleelay in uu sagxaddii aan ku fadhiyey ii fakiyo oo aanan baddii cagaha marna gelin.

Halkaas markii ay mareysey ayaa Sheekh Araye yidhi, Nuurow mar haddii ay runtaa tahay intaad sheegtay wallaad ku bannaan tahay nin karaama leh. Kolkuu dhammeeyey sheekhii hadalkii ayaa Calimaax kacay oo isla taagay nimankii Daraawiishta ahaa ee magaalada ku sugaayey si ay isu waraystaan. Waxa ayna ku biiriyeen in ay degdeg u baxaan sababtoo ahayd Xaruntii Taleex ayaa laga qabanqaabinayey duullaan lagu saarayey Gumeystihii Ingiriiska si looga kiciyo xeebahaas bari iyo Magaalada Cadan oo saldhig u ahayd. Calimaax waxa uu ahaa dooyo ama horseed loo diray in uu ogaado soona ilaaleeyo Ingiriisku meeluhuu ka fadhiyey Magaalada Cadan iyo agagaarkeeda, isla markaana war buuxa ka keeno Xeebaha Maakhir si waxa doonyo jooga Daraawiishtu ugu duusho marka ay qabsadaan xeebahaas si ay ugu gudbaan Magaalada Cadan oo halkaas loogu cidhib tiro Ingiriiska ciidamadiisii iyo saldhigyadiisa. In Sayidku dareen ka qabay Ingiriiska Cadan degganaa oo uu doonaayey in uu duullaan ku saaro waxaa u marag ah gabaygiisan hoos ku qoran ee uu ku yidhi:

Maandhow raggii Laxaj jiroo loodhadhaa yimide

Maadhow lix seben buu fadhiyey Laaso iyo Cayne

Maandhow loxoskii horay ii ekayd liinka gubiddiise.

Meeriska u horreeya waxaa ku magacaaban magaalada la yiraahdo LAXAJ. Haddaba magaaladaasi waa magaalooyinka Cadmeed oo u jirta 30 mayl Magaalada Cadan oo xagga waqooyi ka xigta. Sida taariikhdu sheegayso ciidamadii Ingiriiska ee Daraawiishtu la dagaallameysey Magaaladaas Laxaj iyo magaalada la yiraahdo Beer Axmed ayaa saldhigyo u ahaa. Sidaas awgeed baa Calimaax horseed ilaalo loogu diray in uu war tifaftiran uga keeno Taliskii Xarunta Daraawiishta si duullaan magaciisa qarsooni ahaa “Gacanka Cadmeed” xeeladdiisa iyo tabatabayntiisa loo dejiyo. Nimankaas Daraawiishta oo afar ahaa waxa ay iyaguna sii ilaaleeyeen oo tiradoodana qaateen doonyihii marsooyinka Xiis, Maydh, Laasqoray, Ceelayo, Qaw, iyo Boosaaso dhignaa.

Arrimahaas dartood ayey ka fursanwaa noqon weydey in Calimaax iyo jaallayaashiis degdeg u baxaan oo aadaan Taleex iyo Xaruntii Daraawiishta. Intaanay bixinse ayaa Calimaax ka codsaday in loo joogo ilaa fiidka inta uu arrimo hoos ahaan ah soo dhammaysanayo taasna way ka ogolaadeen nimankii kale. Haddii la casheeyey oo ay ahayd abaara siddeedii saac ayaa Calimaax aadey gurigii Cawrala Barre intuu sii waraystay halkuu ku yaal. Aqalka Cawrala Barre waxa uu magaalada kaga yiilley xagga bari oo xeebta raacsan, waxaa uuna ahaa cariish saddex qol ah berended weynna leh. Cali markuu albaabkii garaacay waxaa ka furtay Cawrala hooyadeed oo waxa uu ku yidhi, iska warrama, Cawralana iigga warran. Cawrala hooyadeed waxa ay ku jawaabtay, “waa nabdoon tahay, Cawralina hadda ayey soo baraarugtay. Cali baa yidhi, markaas waxaan is idhi Cawrala siday tahayna sii eeg siina nabadgelyee waayo caawaan baxayaa.

Cawrala hooyadeed baa markaas tidhi, ma ninkii la sheegayey oo badda ka soo saaray baad tahay, eeddo Ilaahay ha kaa abaalmariyo ee hore u soco waatan sariirta saarane. Cali baa markaas u galay Cawrala oo intuu barbar fadhiistay gacanta u dhiibey oo salaamay kuna yidhi, Cawrala iska warran, waxa aan kuugu imid in aan ku sii nabadgelyeeyo, waayo caawaan aniga iyo niman kale baxaynaa waxa aanuna ku simaynaa ilaa Taleex ee nabadgelyo ilaa intaynu dib u kulmayno haddii Allaah yidhaahdo. Cawralaa markaas tidhi, horta Ilaahay ha ku nabadgeeyo ilaa meeshaad u jeeddid, aniguse waxa aan jeclaa in aad ila joogtaa oo aan aad isu barannaa, martiqaadna kuu sameeyaa kuna abaalmariyaa. Haddiise ayan suuragelayn in aad negaatid, maxaa inoo ballan ah oo aan ku kala tageynaa. Cali waa aamusay oo waxa uu ballan ku qaado buu soo saari waayey. Iyadii baa haddaba tidhi, waxaa Caliyow inoo ballan ah markaad ka guuleystaan gaalada iyo dulliga aad la dagaalamaysaan laba hal. Tan ugu horreysa, waxaa inoo ballan ah inaynaan is illaawin oo uurka isku haynno. Tan labaad waxaa inoo ballan ah in aan aqal aroos sii aloosiyo oo maalintaa aynu guri galno. Cali wuxuu ku yidhi, waa tahay Cawralaay saasaa inoo ballan ah ee nabadgelyo raggii baa i sugayee. Cali halkaasuu ka baxay gurigii oo u tagey jaallayaashii. Saacad dabadeedna waxa ay ka guureeyeen magaaladii iyaga oo lug ah, waxa ayna fardihii oo loo mirsiinaayo ugu tageen buurta salkeedii oo saddex kiilo mitir u jirta.

Habeenkaas waxa ay guura ahaadaanba fardahana kadlaysiiyaan, waxaa waagu ugu beryey buuraha Karamaan, halkaasoo ay xakamihii kaga debciyeen fardihii. Maalintaasna waxa ay u hadhgaleen reero yaalley oo si wacan u sooryeeyey oo tulud geela u loogay. Duhurkii markii ay tukadeen ayey jarihii fardaha ku tageen oo waxa ay kaga raqlaysiiyaanba waxa ay la kulmeen raxan biciid ah iyo warriileyaal haldhaa daadihinaayo oo uu didibka ka darminaayo. Fardihii ayey cabbaar ku baacbaacsadeen biciidkii ilaa ay saryankii u weynaa ku xiijiyeen oo qabsadeen habeenkaana isagii bay sahay ka dhigteen inta holac lagu bisleeyey ilaa ay ku laqanyoodeen shishlaantiisii.

Habeenkii saddexaad ayey galeen xaruntii iyada oo markaas ay tahay habeenbadhkii oo ilaaladii mooyee cid kale aannay soo jeedin. Markaas baa raggii mid waliba fadhigii uu ka tirsanaa u hurda tagey golahoodii. Aroortii baa Calimaax jarmaaday isaga oo ku talagelaya in laga sugaayo war guud iyo war hoose oo ku saabsan dhulkii uu sahanka u tagey iyo wixii farriimo ahaa oo ay soo direen dadkii raacsanaa Daraawiishta. Lixdii aroornimaba waxa uu isa sii taagey irridkii Sayidka hase ahaatee waxaa uu Sayidkii soo fadhiistay sideed saacadood, halkaa soo uu amar ku bixiyey in aan Calimaax mooyee cid kale u soo geli karin. Cali baa hadalkiisii ku bilaabay Sayidii waad salaaman tahay saalaxiinta aabbeheedow. Waad salaaman tahay ee Cali soo fadhiis oo ii warran, baa Sayidkii yidhi. Cali baa markaas yidhi, Sayidii kuu warramay horta dooni baa ila degtey kase nabadgalay waxaana ii raacda in aan kuu sheego in aan Cadan tagey, meel la yidhaahdo Laxajna waa aan u dhaafay, Maakhirna waan soo waraystay sidii ballantu ahayd. Cadan iyo Laxaj waxa aan ku soo arkay gaasas badan oo askar Ingiriis ah, iyo guutooyin kale oo isugu jira askar madow iyo askarta timaha qadaadka ku leh ama aynu u naqaanno Qadaadweyn oo Hindiya ka yimid. Ciidamadaas oo dhan waxa aad moodaysey in loo soo qabanqaabinayey in ay ciyoon duullaan dalkeena iyo Daraawiish ugu soo baxayaan.

Sidoo kale waxa aan kaloo soo arkay oo aan la yaabay garanna waayey, wax cirka duulduulaayey oo gorgorkoo kale ahaa. Haddii aan aad u xansadayna waxaa la iigu sheegay magacooda dayuurado. Sayidkii baa markaas dooyadii iska furay intuu dareen galay oo yidhi, Cali maxaad u malaynaysaa in lagu isticmaali karo dayuuradaha aad sheegtay? Mase laga yaabaa in uu Ingiriis innaga la dagaalamo markaynu dhulkii kaga adkaannay kuna curyaaminey? Sideese baad u malaynaysaa in ay ugu dagaalami karaan dayuuradaha aad sheegtay? Waxa aan uga jeedaa maxay dayuuraduhu soo ridi karaan? Calimaax baa markaas jawaabay oo yidhi, sidaan warka ku helay, waxaa la yidhi bamam iyo rasaas bay ku soo ridaan dadka ay laynayaan. Waxa uu kale oo Calimaax warkiisii ku daray in diyaaradahaas laba nin kaxayso isaga oo midna yahay duuliyaha kan kalena yahay kan waxa ay ku dagaalamayso tuura.

Markii Calimaax warkiisii dhammeeyey waxaa lagu hambalyeeyey oo lagu gacan saaray hawlihii loo diray oo uu sida fiican u soo qabtay. Sidoo kale waxaa loogu abaalguday oo la siiyey gabadh uu dhalay nin Khusuusiidii ka mid ahaa oo isla markiiba loo dhisay. Isla kolkaana waxaa la siiyey hal senge oo baroor ahaa iyo kadin geela oo laga soo xaf gooyey reysinadii geelasha kadin ka mid ahaa. Waxaana dhacday in isla markiiba madaxtooyadii Daraawiishtu fadhi yeelatay, si ay xeeladihii iyo tabatabayntii duullimaadkii ay damacsanaayeen u dejiyaan, ugana gaashaantaan ciidamadii gumaystaha oo lagu soo sheegay Cadan iyo agagaarkeeda.

Iyada oo Cawrali isha gelisey Calimaax doornimadiisa ugu horreystii uu doonida cagta soo saaray markii ay marsada Cadmeed ka soo fuulayeen, haasaawihiisiina dhegta ka maashay habeenkii iyo maalintii u horreysey, isla markaana ay u raacdey mahad iyo abaalkay u haysey badbaadadii uu ka soo badbaadiyey baddii markii ay doonidii la degtay isaga oo qiyaastii dusha ku sidey todoba iyo toban saacaddood, ayaa jacayl ku abuurmay Cawrala oo mar alla markuu ka dhaqaaqay oo uu nabadgelyeeyey ay isla habeenkiiba ku selelaysey Calimaaxoow, Calimaaxoow intii ay sarriirtii ka soo dhacday!

Markii waagii beryey waxa la weydiiyey, maxaa kugu dhacay oo Calimaax ugu hadaaqaysey? Cawrala waxa ay tidhi, waxba kama ogayn, waayo ruuxna ma ogaan karo waxa uu isaga oo hurda oo sardho ku jira ku hadaaqaayo, waxaase laga yaabaa in uu afku iga xaday riyadaan ku riyoonaayey. Markii ay ahayd barqo gaaban waxaa u soo wareegtey Saluugla, iyada oo ay u suurageliweydey in ay hore ugu timaaddo, sababta oo ahayd daalkii ay soo daashey oo ay gataatidhacday oo soo toosiweydey.

Haddii in yar la wada fadhiyey aqalka ardaagiisa oo ay Cawrali ku dhalcaysaneysey ayaa Saluugli hadashay oo tidhi, Cawralaay waxa aan ka xumahay gabadhii doonida in kula jirtey oon soo nabadgelyo bixin. Cawralaa jawaabtoo tidhi, amba aad baan uga xumahay, waxaanse hubaa haddii ay saddexdaydii talo yeesho oo intay dharkay sidatey iska yaryarayso oo sidaan soo jeediyey raggii doonida innagu la jirey mid iska lusho ama qori cuskato waxaa laga yaabi lahaa in ay badbaadi lahayd. Saaxiibadeen sina ma yeelinoo waxa aan xusuusanahay markii ay doonidu sii degaysey, iyada oo sanduuqeedii dhabta ku haysata, markaas waxaaba laga yaabaa lexejeclo aawadeed in ay sanduuqii u quudhiweydey in ay iska sii dayso oo lafaheed u badbaadiso.

Saluuglaa markaas tidhi, mar haddii ay saas yeeshay suuncaaqibo malahayn oo waxba kuma wanaagsanayn, dardaarankeedina waxa aan u sheegay hooyadeed in ay deynkii ka bixiso. Midda kale waxa aan kuu sheegayaa ruuxii haddiisu gasho talada waa ka hanfafaa oo ma haleelo tan habboon sida ninkii gabyey yidhi:

Hadday sababi geli maanka waa la iska suurshaaye

Sarbeeb malag ah ayaa laga dhigaa saacaddad dhimane

Oo solinamaysid taladii Allaah seeg ku leeyahaye.

Midda kale Cawralaay waxa jirta in aan taladii Allaah gooyo in aan laga gudbi karin, oo anba haddaan Ilaahay gacanta ii gelin sagxaddii doonnida oo aannu i soo saarin odaygii reer miyiga ahaa, cidina aannay ka filayn in uu ka soo baxo ugu horreystii doonidii la ima arkeen. Goortay hadhimadii in yar ka hadhay ayey kala tageen iyaga oo ballamay in ay isu soo noqdaan fiidkii si ay u wada caweeyaan. Mase suuragelin in ay habeenkaas isu yimaaddaan iyada oo Saluugla qaraaba badani soo booqdeen oo ay markaas ka soo bixiweydey. Habeenkaas oo ahaa habeenkii ku saddex ahaa intii ay badda ka soo maqnaayeen. Cawrali hurdo ma ledin, waxaana hadba la hor keenayey doonidii iyo darbaddii heshay ee roobka, onkodka, iyo hillaac lahayd iyo doonnidii degtay oo ay ka soo dabbaasheen iyada iyo Calimaax. Habeenkii oo dhan waxa ay u ahayd riyo la hor keenayey aragtidii markii ay soo dabbaalanayeen iyada iyo Calimaax oo uu dhabarka ku sidey. Sidaas awgeed bay habeenkaas oo dhan u laba legdoonaysey oo hadba u dhinacyeynaysey ilaa waagii ku galalac yidhi, iyada oo aan laba indhood isu keenin.

Habeenkii dambe goor ay fiidkii tahay waxaa u timid Saluugla sidii ballanku ahayd. Markii la is bariidiyey ayey Cawrali soo jeedisey in ay is raacaan oo xeebta ku soo dabayshadaan, Saluuglina waa yeeshay oo markaas xeebtii baa la isu raacay, oo xagga xeebta bogox magaaladii looga baxay. Cabbaar markii la wada socdey oo dhowr jeerna badda cagaha la geliyey, ayey Cawrali burciid tuuran oo tamuux nadiif raaxale ah fadhiisatay, oo in yar dabadeed inta ay bari u jeensatay beerdhigaalaysay oo Saluuglaku tidhi, Saluuglay abbaaye waxa aan helay meel macaane kaalay barbarkayga fadhiiso. Saluuglaa intay barbar fadhiisatay Cawrala bay dhiidhiibsatay oo ku tidhi, Cawralaay maxaad baddan inoo ag fadhiisisey waayo waxa aan soo xusuusanayaa dhibaatadii innaga soo gaadhey. Cawralaa jawaabtoo tidhi, adiguna Saluuglaay waxaa laga yaabaa in aad badda araggeeda ka baqaysid aniguna waxa aan u imid in aan dhibaatadaan ka soo maray dib u soo xusuusto, sababtoo ah waxa ay sidii billad dahab ii muujinaysaa ninkii Calimaax ahaa ee hirarka aad arkaysid inta ay le'eg yihiin ila soo dul maaxay oo i nabad keenay.

Saluuglaa markaas tidhi, naa bal kaalaye! Heedhe ma jacaylkii aad ka sheekaynaysey habeenkaynu badda marayney ayaa ku haya, waxaanu waa yaabe. Waxa ay kolkaas ku jawaabtay Cawrali, naa waxba garan maayee, balse i maqal.

Baxsaneey habeennada indha baal ma saarinoo

Duni baadiweeyoo bilisina illowshaha

Waa u beer nugeyloo ba'a iyo badhaadhaha

Badhaadhahay xusaanee anse baal ka marayoo

Biimahaad ogayd iyo cirkoo biriq hillaaciyo

Bartii roobka duufaan biyihii shubmaayiyo

Dakhalkii bacramay baan ba'ayey ku selelaa

Bisin Alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo

Eebbe ima ballaysiin anoo baaxa degayoo

Bes ah oo hafanayoo bixi layd naftaydii

Baaqaan hayaay idhi sow Calibadmaaxoo

Berrigii imuu gayn baari iima qabanoo

Ogoow way badbaaddaa naftaan Qaaddir bixinayn

Waa baab jacayloo baarax uma ledaayoo

Baddaasaad arkaysoo buuraha la moodoo

Badraankii libaax iyo hambabarada booddiyo

Bahaluhu ka buuxaan way bilaha dayaxoo

Buruudkii Badmaaxiyo nuur layga biliyaa

Waa boog jacayloo bukaankii la yaab ma leh

Beerkiyo wadnaha iyo bogguu hoy ku leeyahay

Waa baab jacayloo billaawihii afaystoo

Bedekayga degayoo igu beeray boholyow

Waa baab jacayloo waxa ii bogsiina ah

Ama ii bushaara ah oo ii badhaadha ah

Ama ii barwaaqa ah baanashada haweenoo

Badmaaxaan hantayoo beri aannu kulanoo

Beryo samo ku waarraa.

Markii ay Cawrali dhammaysay maansadaas ayaa Saluugli intay labada dhafoor gacmaha saartay aamustay oo waxa ay ku hadasho garanweydey. Haddaba, cabbaar haddii ay aamusnayd ayey ku tidhi Cawrala, alleylehe waxaa aad sheegaysey baa Cawralaay ku hayee maxaa talo ah oo aan kula qabtaa?

Cawralaa markaas jawaabtay oo tidhi, waxa aan u malaynayaa in aadan waxa i haleelay waxba igala qaban karayn, laakiinse waxa aan kaa codsanayaa haddii aad geeladayda tahay in aannu xaalkaasi ku dhaafin oo cid kale gaadhin. Sida aad ogtahay dadka Soomaaliyeed ceeb iyo wax xun bay u yaqaaniin jacaylka, dabadeedna haddii ay i maqlaan waalidkay way i dayrinayaan. Midda kale sidaad ogtahay waan doonanahay markaas doonimaayo in uu arrinku iga dhicisoobo ilaa aan Calimaax arko oo wax meel isla dhigno, iyada oo sida muuqata ay dhib leedahay sida aannu isu helidoonno. Waxa aan isku hayaa in aan ka daba tago ilaa Xaruntii Taleex iyo in aan waraaq u diro. Saluuglaa hadalkii qaadatoo tidhi, horta sidaad sheegtay weeye Cawralaay dadkeennu jacaylka wax xun bay u yaqaanniin, waliba xagga dumarka iyada waaba dhimasho haddii lagu maqlo, markaas ha iga biqin in aan kaa xog warramo. Midda kale haddii aad ka dhabaysid in aad Taleex iyo halkuu joogay aaddid waan kuu wehel yeelayaaye ogow, anoo tala ahaan kuu soo jeedinaaya in aad horta waraaq u dirtid oo hadduu markaas soo jawaabana waa saan rabnay haddii uu soo jawaabi waayana aadno. Haddii ay habeenkii gelinkiisii dambe noqotay oo dayaxii baalka dhigay oo ay soo mugdiyowdey ayey labadoodii ka soo kaceen xeebtii oo soo aadeen magaaladii. Markii ay Cawrala gurigoodii gelaysay ayey ku tidhi Saluugla waxa aan xaalkaa ka yeelayno waan ka wada tashanaynaaye tu san. Saluuglaa tidhi, waa tahaye nooli kulantee, adaanna kaa war sugayaa.

Iyaga oo aan muddo dhawr maalmood ah kala war qaadan ayey Saluugli maalintii dambe u timid Cawrala, waxa ayna u sheegtay goor barqo ah in ay niman xaggaa iyo xaruntii aadayaa joogaan magaalada. Halkaasaa Cawrali degdeg inta ay qalinkii iyo waraaqdii isu qaadday iyada oo ku qoraysa af Carbeed hadalka intiisa kale, laakiinse ay gabayadu yihiin af Soomaali ay xarfo af Carabi ah ku qortay. Cawrala waxa ay tidhi, oo ka bilawday warqaddeedii:

Gacaliye Calimaax,

Calimaax sidii johoradeed yaanan kuu jamane

Jannadii sidaad tahay yaanan jawda kugu hayne

Dabadeed aan kala jiidannee mar ila soo joogso.

Calimaax waxa aad iga guddoontaa salaam kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go'day. Waxa aad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaam uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca in aan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiba jeexjeexay ilaa ay ugu dambaystii iga soo go'day in aan illawba ilaa kuu soo diro tan oo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay. Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaddanna waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxa aan garanwaayey oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu koow isu ahayd ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Ugu horreystii waxa aan jeclahay in aan kaa is xusuusiyo waa intaas oo aad i illawsantahaye in aan ahay gabadhaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan casar ka soo dhoofnay

Waxaan ahay middaad caawintood cudud ku taageertay

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Calimaaxow waxa aan ahay mid habeenkii koowaad ee ay doonidu guuraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa ee murtidana lahaa oo dhex marayey adiga iyo odaygii Nuur Ciise. Habeenkaas waxa aan si gaar ah u dhegaysanayey xifaaltankiinii ku saabsanaad habka iyo hannaanka ay reer miyigu kula dhaqmaan hablaha ay guursadaan iyo marwooyinka ay qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii lagu caweynaayey

Waxaan ahayd codkaad tidhi miduu cudur geyeysiiyey

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiigaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqadhka badnaa da'ay doonidiina degtey, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacan qabatay iyada oo baaxaadegaysa dhowr jeerna hafatay.

Baddoo caratay mayeygaad ogayd calool xumaantiisa

Waxaan ahay cadraddaad siddoo calaf u laabnaaye

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa. Biimadaad ka badbaadisay adiga oo dusha ku sidey muddo aan todoba iyo toban saacadood ka yarayn, adaanna ka daalin siditaankeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay in kasta oo hambabarooyinkii iyo libaaxii badeed ina sigeen dhowr jeer.

Waxaan ahay cirkoo hooray iyo caadka oo kale e

Waxaan ahay casaan raaca iyo midab casaawiira e

Waxaan ahay canabkii ka baxay Calihii doognaaye

Waxaan ahay carfoon iyo udgoon iyo cadarkii Baariye e

Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay haddii runta lagu arooro Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horreysay oo aad shaki la'aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer habeen iyo dharaar hurdo iyo soojeed kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood oon iyo anfaco diiddey.

Waxaan ahay midaan cunin cuntada calafka sooreede

Waxaan ahay mid cadanyootayoo cidihii dayrsheene

Waxaan ahay mid caynkaaga iyo caaqil mehershaaye

Ugu dambaystii waxa aan ku soo gebagebaynayaa warqaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxoow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, man galool uduggiisa lahaayow, waqayga Caleed iyo waadhida hawdow, waagoo beryaaya wejigiisa lahaayow, mayey hooray hanqadhkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo midabka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariiray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, in aadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoran yaraysan ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaadhaa aan aniguna raaxada adduun maqsuudee adiguna aad muudsatee macaankii iyo roonaantii ay marwo u roonaan jirtey mudanaheeda.

Casarkii haddaan weel la culay caano kugu siiyo

Cishihii haddaan sarar cusbo leh kugu cashaysiiyo

Oo waa caafimaad rage haddaan cagaha kuu duugo

Asaadan caloosha igu hayn Caliyow yeelkaada.

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyoon kaa helin in aad adigu wixii kalgacalkaagu i gaadhsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

Ogoobey haddan dayaxu jirin dirir ma nuureene

Ogoobey haddaan daaqu bixin duunyo ma foofteene

Ogoobey haddaad diiddo waan degel baxaayaaye

Oo hal iga dardaarana Calow debinta maan saaro

War diifta aan qabo hadday digasho ii raacdo

Waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deyneyde.

Waa Gacaladaa Cawrala Barre,

Oo deggan Magaalada Xiis Xarrago.

Haddaba, maalintii ay tageen Taleex maalintii ku xigtey markii ay abbaara tobankii arroornimo ahayd oo ay Jimce tahay ayaa ninkii warqadda sidey raadiyey Calimaax. Waxa uu doondoonaba waxa uu ka helay isaga oo madal lagu shiraayo dhex fadhiya oo shirka wax kaga jira. Shirwac wax kale ma yeeline shirkii buu dhex maaxay ilaa uu Calimaax warqaddii farta ka saaray sidii ballankii ay Cawrala isku ogaayeen ahayd.

Darxumo, waxa ay ahayd Calimaax sida wax loo akhriyo ama loo qoro midna ma aqoon, haddaba waxaa jirtey warqaddii in uu u dhiibey si uu ugu akhriyo ninkii barbarkiisa midig fadhiyey oo nasiib darro ahaa soddoggiisii cusbaa oo uu mudda yar horteed gabadha ka guursadey lana odhan jirey Sugulle.

Markii uu soddoggiis warqaddii jeexay oo uu weedhii u horreysey ee Calimaax sidii johoradeed yaanan ku jamane isha mariyey, buu mar labaadkiina ilaa erayadii u dambeeyey oo ahaa Cawrala Barre akhriyey. Kolkii ay u muuqatay in warqaddu ku saabsan tahay jacayl ka dhexeeya Calimaax iyo ruuxaas dumarka ah, ayaa hoosiis dhex maray warqaddii iyo indhihiisi oo uu mar saddexaadkii naxdin iyo yaxyax daraadood dib eray uga kicin waayey. Halkaas buu isaga oo didsan soddogii ugu celiyey warqaddii Calimaax iyada oo isku guda jirta. Calimaax waxa ay la noqotay in odaygii soddogiisa ahaa indhadareeyey oo uu sidaas awgeed warqaddii u akhriyiwaayey. Markaasuu intuu warqaddii ka qabtay soddogiis u dhiibay ninkii dhinaciisa bidix fadhiyey oo ayaandarro labaad ahaa seeddigii Wacays.

Wacays warqaddii buu intuu galka ka saaray oo kala bixiyey beeg isu hor qabtay, isaga oo xoogaa dareeni galay markii uu aabbihii wejigiisa eegayey dhididka saaran. Sidii si le'eg Wacays bilowgiiba waxa uu la kulmay wax aannu filayn oo aad uga yaabiyey, waana ka bogtay warqaddii isaga oo aan weli eray uga sheegin Calimaax. Calimaax baa haddaba, dareemay in ay warqadda wax walaac geliyey soddogiis iyo seeddigiis ku qoran yihiin oo lagu la dhiciwaayey ama laga la xishooday in loo sheego. Markaasuu ku yidhi, Wacays ii sheeg waxa warqadda ku qoran, yaase soo diray? Wacays baa markaas u jawaaboo ku yidhi, Calimaax waxa warqadda ku yaal iyo cidda soo dirtay midna halkan kuugu sheegimaayo Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa "shir loo ma wada uunsiyo" ee waa inoo markaynu shirka ka dareerno. Calimaax waa af gartay Wacays oo shirkii buu iska dhegaystey isaga oo walaacsan oo ka fekeraaya waxa warqadda ku qoran. Nasiib wanaag, in yar dabadeed ayaa shirkii ninkii guddoonshaha ka ahaa xidhay oo gartii dhammeeyey.

Sidii ballanku ahayd markii la dareeray ayaa Calimaax iyo Wacays is raaceen oo haddii in yar la wada socdey Calimaax yidhi, Wacays ina keen guriga aad warqadda iigu akhridide. Wacays baa markaas ku jawaabay, Caliyow tanu mid gurigaagan laguugu akhriyaayo ma ahee cidladaas inoo leexi. Cidladay u leexdeen ayaa Wacays warqaddii u akhriyey Calimaax.

Calimaax markuu tixdii u horraysey ee warqadda ku tiillay maqlay ayuu afka gacanta saaray oo hareerihiisii daydeyey in cid kale dhegeysanayso. Haddii uu amminkiiba gartay in waxa meesha ku yaal uu jacayl yahay asaanay ku habboonayn in seeddigiis u akhriyo, ayuu yidhi, bes! Wacaysow waa kaa dhan tahay. Wacays dheg u ma dhigine warqaddii buu ilaa dabo ilaa dacal akhriyey, markii uu dhammeeyeyna intuu galkeedii ku celiyey buu jeebka shaadhka ugu ridey oo ku yidhi, Calimaaxoow maanta ka dib waxaasoo kale xididka ha u la iman, haddii kale xaal gola joog ah baa ku qabanaya. Calimaax baa markaas yidhi, “hadduuba i hayaa oo ay tahay adigu aad joogtide in aan soddoggii xaal degdeg ah oo hoos ahaan ah siiyo. "Aday ku jirtaa" baa Wacays ku yidhi, waayo adoo kale wax loo ma sheego. Calimaax baa markaas yidhi, Wacaysow kugu ma raacsani in aan anoo kale wax loo sheegi karin, waayo waxaa ii muuqata in ay wax akhri iyo wax qoris la'aantu yihiin jaahilnimo weyn oo doqonnimo iyo dullinimo ku jirto. Waxaa kaloo ii muuqday maanta in ay jaahilnimadu tahay gudcur iyo mugdi kaa daaha ifka iyo adduunkaba, oo dullinimo kalena aanay jirin iyada ma ahee. Waxaa kale oo intaas ii raaca oo aan shaki ku jirin in nin kasta oo karti iyo raganimo u dhashay ay raganimadiisu dhalliilan tahay kalana dhantaalan tahay mar hadduu jaahil yahay, waxaana ii marag ah danqaarihii, ceebtii, iyo nacasnimadii maanta xididka hortiisa iga raacday. Waxaanna ku leeyahay Wacaysow ninkii waaya-arag ah wax baa laga la hadhaaye i maqal oo weedhaydan waanada ah ha sii deyn.

Wacaysow nimaan wax akhriyeyn waafi noqon waaye

Weeraartan madal loo fadhiyey wadhi ka raacdaaye

Warkiisiyo sirtiisoo dhan baa uunku weriyaaye

Sidayduu u wiiqmaa haddana sharaf ku waayaaye

Sidayduu waraabaha wahtami wax uga rooraayne

Sidayday wadartiyo yasaan xididka waayeele

Waanigaa waxaan warac ahaa wegetan liicaaya

Oo way iyo wayey wanigaa wahantan weydooday

Oo wax aqoon la'aantay gu wacan inaan wadeecoobo

Hadduu waagu nabad ii beryaan la i weldaamaynin

Eebbe waaxid weeyee haddaan wed iga soo gaadhin

Wawgiyo higgaaddaan ka baran berri wadaadkiye

Wallaahaan ku dhaartiyo Ilaahii Waaxidka ahaaye

Culimada wareegtaan ku odhan Weylun ii dhiga e

Wahsanmaayo jeeraan akhriyo weedh la soo diraye

Waxayse waanaday tahay haddaan waaya-aragoobey

Oo aan warqadihii jacayl weedh ka kicin waayey

Wax bartaay waxgarad baa adduun berri la weydiine.

Markii uu Calimaax dhammeeyey gabaygaas uu ku tusaalaynaayey seedigiis jaahilnimadu fool xumada iyo dullinimada ay dadka u leedahay oo ku ballanqaaday in uu arroortii waxbarasho bilaabayo, ayuu ku yidhi seeddigiis Wacaysow odaygii inta aanan isu iman xaal hoos ahaana iga sii gaadhsii.

Wacays baa markaas Calimaax ku yidhi, “waa tahaye illeen innaga waxba innooma kala qarsoonee oo rag isku ayni ah baynu nahaye maad xaalka iiga warrantid. Calimaax waxa uu ku jawaabay, waa runtaa Wacaysow Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa, nin qoyani biyo iskama dhawro, balse hadda waan siyaysanahaye mar kale haynoo ahaato oo ina keen hadhimo tagnee. Halkaasaa la is raacay iyaga oo aan ninna nin la hadlayn labadoodii ilaa ay tageen gurigii Calimaax oo halkaas lagu wada qadeeyey, isaga oo haasaawihii iyo hadalkii Calimaax aad ugu yaraaday.

Siduu Calimaax ku ballan qaaday in uu waxbarto oo aan warqad dambe loogu akhriyin ayuu markii waagii baryey macallimiintii dugsiyada xarunta u tagey oo inta loox la siiyey loo bilaabay alif, ba, ta, ja, xa, mudda yar dabadeedna waxa uu gaadhey heer fiican oo uu waraaqihiisa ku akhrisan karo.

Iyada oo Cawrali war iyo wacaaltoona ka weydey in Calimaax warqaddii gaadhey, haddii ay gaadhayna waxa ay gayeysiisey ama badday, ayey had iyo jeer nafteeda ku samirsiin jirtey in ay haddaanay maanta war ka helin, ay ka heli doonto berri ama saadambe ama saakuun. Nasiib darrase waxaa dhacday wax war ahi waa ka soo noqon waayey Calimaax, Cawralana jacaylkeedii qarsoodigii waa ka baxay oo dadkii magaalada degganaa oo dhan ayuu ku baahay ilaa labadeedii waalid iyo walaalaheedba ogaadeen.

Markii saas loo ogaaday ayaa maalintii dambe iyada oo ay la fadhiyaan walaalkeed Dalmar iyo hooyadeed waxaa u yeedhay aabbeheed oo ku yidhi, Cawralaay aabbe waa maxay waxa lagugu sheegsheegayaa miyaananse kuugu ducayn ninka la yidhaahdo Geelle oo laba boqol oo geela leh. Sidee baad jacayl iyo wax xille u la timaaddaa oo lagaaga maqlaa? Waxa aan ku leeyahay maanta ka dib waxaas iyo wax la mid ah yaanan kaa maqlin haddii kalese dayraad iga tahay ee ogow. Anigu waxa aan ahay nin xishoonaya oo aan oggolayn in markaan golayaasha tago in la igu yidhaahdo waa kii gabadhiisu ninka jeclaatay. Ugu dambaystii waxa aan ku leeyahay waa geeri baabi'inaysa gurigeenna, haddii waxaas dadku innagu maqlo ee iska jir maanta ka dib oo yaan lagaa maqal.

Haddii odaygii dhammeeyey hadalkiisii ayaa hooyadeed qaadatay hadalkii oo tidhi, heedhee, gabadhan Cawrala waan ka gablamay waana la innaga bedeshay oo iyadii ma aha waayo waa xishoon jirtey, balse maxaa annaga iyo jacayl isu kaaya keenay weligey waa kaas aabbahaaye ma odhan waan ku jeclahay. Anigu afkayga ma soo marin karo eraygaas baase, oo! oo! oo! waa waarey gabadhani wax bay la timid oo baddii baas baa laga soo raacay.

Markii ay labadii waalid dhammaysteen canaantoodii ayey isaga tageen Dalmar iyo Cawrala iyada oo ilmadu ka tililikh leedahay labada indhood. Walaalkeed Dalmar baa markaas ku yidhi, Cawralaay wax xun baad samaysey oo dhegtayadii baad dishey oo haddaadba nin aan dalka joogin oo meeshaas iyo Taleex jira u baaqday, haddaba waxa aan ku leeyahay miyaadan maqal in aabbeheen loogu ballanqaaday boqol geella oo baarqabkoodii ku doobinayo iyo wax alla waxa uu doono oo yarad ah.

Haddaba ha nacasoobin oo hanna jabin oo ha na waswaasin xoolahaas aannu qaarkood gabbaati u sii qaadannay kaliishii dhoweyd. Midse waan kuugu garaabayaa oo waxa ay tahay ninkii badda kaa soo saaray wax loo abaalgudo waa yahay, hase ahaatee ninka hadda Xarunta Taleex jiraa maxaa uu kaa ogyahay, iska illow oo danahaaga ka raac. Tan kale waxa aan maqlay in aad gabaydide bal anigana i maqal waxa aan kuu hayaa weedh ku odhanaysa:

Cawrala Barraay Calimaax calan laguu saarye

Wuxuu kaaga cararayba waa cabashadaadiiye

Cureejaa laguu dhigi lahaa kun iyo caycayne

Cood baa laguu dhaqi lahaa oo ma caddilaateene

Ciyaarbaa laguu tumi lahaa cis iyo maamuuse

Cawadaada eed waadigii been cawaansadaye.

Cawralaa markaas ku tidhi walaalkeed, horta Dalmaroow adigaa iiga dhow aabbe iyo hooyo oo aad moodda in aad in yar garasho u leedahay jacaylkan i haya, balse inta kaa dhimanna aan kaa dhaadhiciyee i dhegayso.

Dalmarow warkaagii              

Dabuubtaadi heesaha

I durtoo i damaqdoo

Doqoni sokeeyiyo                    

Dulmar hadala seegtoo

Dacalkiyo agteedaa                

Loo dalag dhigaayoo

Anse daaqsin geel baad         

Iigu dabartay maansada

Wuxuu hadal dux leeyahay     

Daliilkiisa sheegtaye

Bal wax kaa dahsoonaa          

Aan debinta saaree

Ha u qaadan deelqaaf

Waa doog jacayloo                 

waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo                

Waa walax dadyahanoo

Waa dabaylo gaaroo              

Anna ma doonan heedhee

Dar alluu ka yimiyoo               

Malag duulayaa siday

Isagaygu duraayoo                  

I dul keenay maandhow

Ma daw baa walaalow           

Inaad igu dagaashaa?

Duunyo layga doortaa             

Urug aan deddoodaa

Waa doog jacayloo                 

Waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo                

Waa wax dayahanoo

Waa dabaylo gaaroo              

Diirkiyo laftuu xulay

Beerkuu dalooshaday             

Feedhaha dareersani

Wey wada damqanayaan       

Darbaddiyo xanuunkaan

La daalaadhacayaa

Haddii deeq laguu dhigo         

Damcaddeed saluug tahay

In kastay dulbaaxiyo               

Darib saafi ay tahay

Ogoobay dul hoos                   

Uurka u ma degaysoo

Waa dacar qadhaadhoo               

Waa timirta Doocaan

Waa doog jacayloo                 

Waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo                

Waa walax dadyahanoo

Waa dabayla gaaroo              

Dawadiisa waayeye

Ma aroos daadduucaan          

Dullinimo u yeelaa?

Mise daad i qaadyey               

Duurgal baan ahaadaa?

Dugaaggaa habqamayiyo       

Deeradaan la derisaa

Ma duulaaye mariskaan        

I daadahee idhaahdaa?

Diirad buu wataayoo              

Dalkuu waayo tagey baan

Ii dawi idhaahdaa?

Daayinow Allahayow              

Adaa daa’imaayee

Inta dunida maanta ah           

Dabiibkay na kulansii.

Shimbirka Mariska la yidhaahdaa waa shimbirka dadka u horkaca meel uu malab ku soo arkay, ama meel libaax fadhiyo.