Dalladda Waxbarashada Ilays

Ayo

Ku soodhowow Dalladda Waxbarashada Ilays

Jiritaanka Dalladda Waxbarashada Ilays waxa uu u adeegaa dhammaan arrimaha waxbarashada ee Soomaalida gaar ahaan aagga SSC Khaatumo ee Sool, Sanaag iyo Cayn waxa ayna ujeeddadiisu tahay in la daryeelo, oo kor loo qaado, oo la dayactiro, oo la tayeeyo dhammaan arrimaha ku taxaluqa baraha, dugsiga, iyo ardayga. Isla markaana la soo diyaariyo dhammaan agabka waxbarashada iyo manhijka ay u baahan yihiin. Guud ahaan waxa ay Dalladdu ku hawlan tahay adeegga waxbarashada, horumarka arrimaha bulshada, iyo arrimaha noolaynta iyo ilaalinta deegaanka.

Hadda Diiwaangal
15+ Years experience
4K+ Students
About Ilays
Certified Quality Education

Hannaanka waxbarashada Ilays waxa uu mudnaanta iyo hortebintaba siinayaa

  • Waxbarashada Asaasiga (Primary Education)
  • Waxbarashada Dugsiga Sare (Secondary Education)
  • Farsamada Gacanta (Vocational Training)
  • Waxbarashada Dadka Waaweyn (Adult Education)
  • Waxbarashada Jaamacadeed (Higher Education)
  • Printing material

Himilooyinka Dalladda Waxbarashada Ilays waxaa ka mid ah in aan

  • Kor u qaadno waxbarashada oo tayeyno annaga oo dadka wax ku barayna qalab iyo hab cusub.
  • Isla markaana dadweynaha tusinayna sida waxbarashadu kor ugu qaado dhaqaalaha bulshada.
  • Horumarino hawlgudashada jiritaanada waxbarashada si ay u xaqiijiyaan in ay himiladoodii gaadheen iyo in ay qofkii la rabay bulshada u soo saareen, isla markaana himiladoodu u noqon lahayd mid lagu gaadho liibaan dhow iyo mid fog.
  • Hannaanka waxbarashada Ilays waayo waxa ay tayo la’aanta waxbarashadu sababtaa hoosudhac ku yimaado garaadka aadamaha iyo raasamaalka aqoonta.
  • Jiritaanada waxbarashada ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaan waxbarasho oo cusub, isla markaana saamayn ku yeelano siyaasada waxbarashada, tabaabulshayaasha waxbarashada iyo arrimaha horumarinta bulshada.
  • Midayno aragtida waxbarashada ee dugsiyada iyo jaamacadaha si loo helo manhaj isku mid ah, lebis isku mid ah, waxbarasho isku xilli ah, fasax isku mid ah, iyo fikir isku mid ah.
Kalbarasho

Kalbarashooyinkii ugu dambeeyey

3942
Diiwaangelinta ardayda
20
Tirada kalbarashooyinka la abuuray
4750
Qalin-abyidda ardayda
85
Barayaasha
Maqaallo

Maqaalladii ugu dambeeyey