By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 04, 2025
Cali Aw Cilmi waxa uu ku magac dheeraa Cali Afyare. Isagu waxa uu ku dhashay miyiga Qardho kolkii ay taariikhdu ahayd 1927. Cali waxa uu ku geeryooday Xamar 1987.
Cali Afyre waxa uu yaraantiisii ku barbaaray miyiga deegaanka Degmada Qardho. Aabbihiis waxa uu ahaa nin wadaad ah oo la odhan jiray Aw Cilmi. Aabbihiis waxa uu ahaa nin arrimaha bulshada aad u kala furdaamiya. Aw Cilmi waxa uu ka mid ahaa dadka deegaanka miyiga ee meesiyada xoolaha dhaqda, isla markaana hanti badan ku lahaa magaalada. Aw Cilmi waxaa uu dhalay ubad badan oo tiradoodu dhan tahay todoba wiil iyo 12 gabdhood. Oday Cilmi waxa uu caan ku ahaa martisoorka iyada oo dadka baahan soo tamadin jireen. Socotada soo wajahda degsiimada uu oday Cilmi ka mid yahay waxa ay u hoyan jireen gurigiisa iyaga oo hubo in baahida haysaa ka hadhayso.
Cali Afyare markii uu gaadhey da'da toban sanno, waxa uu aabbihiis ku daray geelisii horweynka iyo gaanaha ahaa. Taas oo ay caado ahayd bulshada reer miyiga ah in wiilasha guriga hooyadood laga kaxeeyo oo geela lagu daro. Reer miyigu waxa ay rumaysan yihiin in wiilku noqonayo mid karti iyo bulsho la dhaqan leh kolka uu geeljire noqdo. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa: "Ardaa bulsho iyo googol colaadeed baa la isku bartaa." Wiilku haddii uu iska joogo guriga hooyadii ma helayo ad-adayga iyo ragganimada uu u baahan yahay. Cali Afyare waxa uu ku noolaa xaaladaas ilaa uu ka gaadhey 20 sanno jir. Cali Afyare waxaa la sheegay in uu ahaa gabyaa laga soo bilaabo xilligii geeljiranimada ilaa geeridiisii. Sidoo kale waxaa la sheegaa in uu murtida ka dhaxlay dhinaca aabbihiis oo xataa qaar ka mid ah walaalihiis ay gabyi jireen. Cali Afyare waxa uu fanka iyo suugaanta ku biiray markii da'diisu ahayd 20 sanno jir ka dib markuu Xamar tagey. Cali Afyare waxa uu ka mid noqday dhallinyaradii iyo hooballadii ururkii xornimodoonka ahaa ee SYL halkaas oo uu gabayo iyo dabuubgelin joogto ah ka soo jeedin jirey isaga oo ku nuuxnuuxsanaya arrimihii xorriyaddoonka gaar ahaan maalmaha kulamada dhallinyarada. Intaa ka dib waxa uu ku biiray kooxdii fanka qaranka ee markii dambe loo bixiyey Hooballada Waaberi oo fadhigoodu ahaa Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.
Cali Afyare waxa uu wax qorista iyo wax akhrista ka bilaabay Xarunta SYL ee Xamar. Isagu waxa uu ka faa'iidaystey barnaamij waxbarasho oo dhallinyarada ururka looga furay Xarunta SYL ee Muqdisho kaas oo xambaarsanaa in dhallinyarada la baro wax qoris iyo wax akhris afafka Carabiga iyo Talyaaniga. Sidoo kale waxaa dhallinyarada SYL lagu xidhi jirey in kuwa aan higgaada Quraanka ay aadaan dugsi Quraan.
Cali Afyare waxa uu qayb wax ku ool ah ka qaatay halgankii xorriyaddoonka isaga oo kaga qayb qaatay gabayo uu ku dhiirigelinayo dhallinyarada iyo taageerayaasha ururka SYL. Sidoo kale waxa uu door shariif ah ka qaatay nidaamkii kacaanka ee dalka maamulaayey 1969 ilaa 1991. Waxyaalaha laga xuso gobolkii uu ku dhashay waxaa ka mid ahaa kolkii mashruucii dawladda Shiinuhu bixisay ee ahaa wadada isku xidha meel Beledweyne u dhow oo la yidaahdo Jawiil ilaa Burco, ayaa Cali Cilmi jeclaystay in jidkaas laamiga ah la gaadhsiiyo Magalaada Boosaaso si dadka Bari noloshu ugu fududaato. Kolkaas gabay uu tiriyey oo ujeeddadiisu ahayd horumarinta arrimaha bulshada ayuu ku daray tuduc ahaa: "Shiinuhu gargaarkay baxsheen waw gudboonahaye. Boosaaso gaadhsiiya waa gelin karaysaane. Gefse haddaan ku kacay musaamax baa golaha weydiistay." Cali oo ka cudurdaartay in uu qaab qabiil u leexday oo ka baqaya in la xidho ayuu cafis weydiistay Golihii Sare ee Kacaanka.
Marka aynu taariikhda dib u milicsano Cali Afyare waxaa muuqata in laga soo bilaabo 1947 ilaa geeridiis 1987 uu halgamaa ahaa. Ugu horreyn waxa uu ahaa halgamaa ka dhex muuqda ururkii SYL ilaa xorriyadii 1960kii. Mar kalena waxa ay taariikhdu xusaysaa in uu kaalin mug leh ka qaatay dawladdii dadweynuhu doortay ee 1960aadkii. Murtidii iyo maansooyinkii Cali Afyare waxaa laga helayaa gabayo uu dawlada ugu tilmaamaayey in ay wadada horumarinta raacdo oo caddaalada u hiiliso. Sidoo kale waxa uu Dawladii Kacaanka ahayd ugu hiiliyey gabayo badan oo uu tiriyey kuwaas oo dhammaantood ku saabsanaa horumarinta iyo dhiirigelinta dawladda iyo dadweynaha. La ma tirokoobi karo gabayada uu curiyey Cali Cilmi Afyare.
Sidii aynu soo sheegnay waxa uu Cali Afyare tiriyey gabayo badan. Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa gabay ujeeddadiisu tahay in Dal Soomaaliya la yidhaahdo oo dadka Soomaaliyeed oo idil ka dhexeeya la helo. Cali Afyare waxa uu sii tilmaamayaa darxumada Soomaalidu mudandoonto maalintii dabka iyo hubka la isugu dhiibo oo la isku diro taas oo dhacday gabayga ka dib. Cali Afyare waxa uu gabaygiisii GOBANIMO ku yidhi:
Ragga daawadiis waa in uu kala dambeeyaaye.
Oo darajo weyn loo qiraa kan ugu doorroone.
Gabayguna duq buu leeyihiyo oday la duubtaaye.
Dalanbaabi loogu ma dhiciyo dood yar baan idhiye.
Doqonniino waa hadalka oo kaa dabayshadaye.
Da`dii Raage iyo Qowdhan baa diiradow sidaye.
Dadka haatan jooga ee sidii dumar u sheekeeye.
Daruur curatay daad soo rogmaday diilalyada roobka.
Dooxooyin buuxiyo xareed lagu dekaynaayo.
Diibkiyo cagaarkiyo dhulkoo dooggu ku ekaaday.
Dararta iyo caanaha kol baa laga durduurtaaye.
Anna gabayga deeqdiisa waan soo diyaafadine.
Aarkuba wuxuu duurka iyo dibadda meerraaba.
Dibjiryadiyo gaajada wuxuu doc isku tuurraaba.
Duub meela iyo kayn wuxuu deero ka eryaaba.
Dagantida mar uun buu helaa duunyo baadiya e.
Dulka fuulka booddada hadduu duubiyada saaro.
Daribta iyo jiidhkiyo markuu hilibka diiraayo.
Dibintiyo ilkaha dhiiggu waa inuu ka daataaye.
Dugaagga iyo haadkuba ka carar gool hadduu dilo e.
Sida danabka yeedhiyo hillaac diilintu isdhaaftay.
Dinaahyada codkiyo goortaan dogobka noolleeyo.
Diindiinyadu khalqiga waa inay dhab uga duushaaye.
Damiin iyo nin kii jilicsan baan hadalku deeqayne.
Taariikhda goortii ladayo amase diiwaanka.
Daliilkaan idiin qoray ka badan duurka geedaha e.
Dahabka iyo luul igala weyn kaan daldalayaaye.
Nin dundumo wacdiyey waa daleel inuu ku daalaaye.
Damqanmayso Soomaalidaan diiri leeyahaye.
Dubaaqa iyo laabtiyo dheguhu u ma daloolaane.
Sayidkiiba damac dawladnimo loona dacarreeye.
Wax dhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada e.
Dabkuu shidayay waagii haddaan duulna ka habaabin.
Dalkan aynu leenahay waaqiis la ma dullaalene.
Duhur lagu ma toogteen kuwii diirka ii xigaye.
Dubaaqooyinkii lagu dhuftiyo dakharki loo geystey.
Doc ka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayey.
Soomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye.
Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiise.
Goortuu dan gabay waysagii sii dabayshadaye.
Nimankii dayacan dawladnimo ku ma dekeeyaane.
Dulibay mutaan iyo nin kale inuu dumaalaaye.
Daldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsadaye.
Diihaalka bixi waayey iyo diifta nagu raagtay.
Dirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda loo tuurro.
Oo daacad loo wada socdoo lagu dekaynaayo.
Gobanimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye.
Dayaxaa cirkiyo reerahaas degaya guudkeena.
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootay.
Dadku waxay ku gaareen aqoon durugtay weeyaane
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane.
Durdurka iyo webiyada oo wada dareeraaya.
Dibadaad ka baridaan waxaad daanka gelisaane.
Daartii guduudnayn raggaan ugu daryeelayney
Dibutaatigii eednay iyo doorashadi jaane.
Dib noo celiye tobankii sannoo ay dalacayeene.
Daraawiishta iyo ciidankii dumiye oo tuure.
Duco tan ugu weyn iyo salaan baan u dirayaaye.
Waa kaa dalayskii ifkiyo nuurki daahiraye.
Digniinse waxaan u idhi hadal yaroon ugu dambeysiiyey.
Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye.
Dusha waxaad ku qaadeen culays deyn ka xoog badane.
Dariiqaad fashaan baa hadhow la isku daadihine.
Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane.
Dulaal baa arlada meerayiyo daalin weyraxaye.
Deriskiyo shisheeyuhuba way soo dirsanayaane.
Darxumadeenu waa maalintii la isku keendiro e.
Nin darmaan la tagey raacdo waa dabagalaysaaye.
Doqontii dhegweyn baan ogayn dabinka hoosyaale
Dareen baa ku jira meel galbeed daabku leeyahaye.
Diyaar waxaad u noqotaan inaad daafacdaan cadowga.
Cali Cilmi Afyare waa haldoor weyn oo Soomaaliyeed si aynu u garano doorka ay maansooyinkiisu ku leeyihiin nolosheena. Cali Afyare waa haldoor weyn oo maansooyin badan tiriyey isaga oo tilmaamaya dawga saxda. Isagu waxa uu ahaa abaabulaha iyo hagaha bulshada ku toosiya jidka toosan. Isagu waxa uu tiriyey gabayo badan oo guubaabo ah xilligii xornimada ka hor iyo xilligii xornimo ka dib.
Qore - Ustaad Cabdisalaam Maxamed Xuseen