+252 90 4048010

biography

WAAYIHII MUXAMED CABDULLA XALANE

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 20, 2025


Muxamed Cabdulla Xalane oo naanaystiisu ahayd Muxamed  Qase. Isagu waxa uu ku dhashay deegaanka Ceelqooxle markii taarikhdu ahayd 1939. Ceelqooxle waa deegaan daaqsimeed ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud. Ceelqoxle waxa uu Ceelbuur u jiraa 10 km oo kaga aaddan jihada waqooyi. Muxamed Cabdulla Xalane waxa uu ku dhintay Togga Wajaale markii ay taariikhdu ahayd 1964. Tog Wajaale waxa ay ka tirsan tahay degmada Gebiley ee Gobolka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

Cabdulla, aabbihiis, Xalane Dalab waxa uu ku dhashay miyiga Degmada Ceelbuur, isaga oo ka dhashay qoys reer guuraa ah oo maalqabeen miyi ah, isla kolkaana wax badan ka haystey meesiyada xoolaha ee adhi (riyo iyo ido), Ishin (geel iyo lo'), iyo gammaan (fardo iyo dameero). Cabdulla waxa uu nasiib u yeeshay in Aabbihiis oday Xalane Dalab geeyo dugsi Quraan oo beesha dhexdeeda ka jirey. Muddo aan sugnayn ka dibna waxaa la sheegay in uu oday Xalane u guuriyey wiilkiisii Cabdulla Xalane gabadh la odhan jireyn Qubato Xasan Barre oo iyana ka dhalatay qoys meesiyada  xoolaha Eebbe ku fanahsiiyey, isla markaana waxa uu xurmo ahaan uga bixiyey geel iyo adhi.  Qubato waxa ay Cabdulla Xalane u dhashay 5 gabadhood iyo laba wiil. Labada wiil waxaa ka mid ahaa Muxamed oo ahaa curadkii Cabdulla Xalane. Cabdulla Xalane waxa uu kale oo guursadey labo xaas oo kale. Xaaska labaad waxa ay u dhashay laba gabadhood iyo 4 wiil, meesha Xaaska saddexaadna u dhashay hal gabadh iyo 4 wiil. Oday Cabdulla Xalane Dalab waxa uu ifka aabbe ugu noqday 18 carruur ah oo kala ah 8 gabdhood iyo 10 wiil. Cabdulla Xalane waxa uu ahaa nin dad u dhexeeye ah. Ugu dambeyn waxa uu beeshiisa u noqday nabadoon, isaga oo ahaa nin dheer oo hongod leh oo lagu naanayso  Cabdulla Godgod. Cabdulla Godgod waxa uu ahaa nin gurigiisa lagu soo hirto oo ay ku soo tubadaan cid kasta oo martigelin doonaysa iyo cid kasta oo beesha uu ka dhashay ah. Cabdulla Godgod waxa uu ahaa nin dadka muransan ama dagaalsan u kala ergeeya. Ninka jaadkaas ah waxa ay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaamtaa dhexyaal. Dadkii yaqaaney waxa ay sheegeen in uu reerkiis ku furi jirey xero u dhow geed weyn oo hadh leh, maxaa yeelay, haddii uusan safar ku maqnayn waxaa caado u ahayd in uu hadhasdo geedka guriga u dhow halkaas ayaana dadka danta ka lihi ugu imaan jireen. Xaaska uu maalintaas geedkeeda hadhsado ayaa ragga u yimaada oday Cabdulla Godgod wax u keeni jirtey.

Muxamed, aabbihiis Cabdulla Xalane Dalab waxa uu ku daray dugsi Quraan degsiimadu lahayd markii uu meesi ku filan noqday. Dugsiga Quraanku waxa uu ahaa mid aroortii casharka laga qaato maadaama wiilashu xoolaha raacayaan. Muxamed waxa uu raaci jirey geela maadaama uu wiilasha oday Cabdulla ugu weynaa. Sidii caadadu ahaan jirtey geela waa la dheefsan jirey oo caanihiisa ayaa guryaha la geyn jirey oo qoys walba dhiil caanood ayaa golaha geela loo geyn jirey. Marka dhiisha la buuxiyo guryihii baa la geyn jirey oo lagu celin jirey. Muxamed oo geela ku maamuli jirey xerada iyo daaqsintaba, waxa uu marka hore caanaha ku shubi jirey dhiilaha ayooyinkiis, isla kolkaana waxa uu ugu dambeysiin jirey dhiisha laga keenay guriga hooyadiis. Haddii geelu caano yareeyo ama qaarkood nirguhu nuugaan, dhiisha hooyadiis ayaa la qadin jirey, sidoo kale hooyadii Qubato waa ay ku boogaadin jirtey wiilkeeda in uu sidaas sameeyo.

Xorriyad ayey Soomaaliya ka heshay gumeystayaashii reer Yurub. Calankii cirka u ekaa ee dhexda ku lahaa shanta xiddigood ee cad baa la sudhay gurigii gumeystuhu  uga talin jirey Soomaaliya ee Muqdisho markii ay taariikhdu ahayd 1dii Luulyo 1960. Soomaalida waxaa u bishay waa cusub iyo Dawlad Soomaaliyeed. Isla durbadiiba waxa ay Dawladdii Soomaaliya bilowday in ay qorato ciidamo dalka ka difaaca cadowga gudaha oo ah ciidanka nabadgelyada iyo ciidan dalka ka difaaca cadowga dibadda oo ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Muxamed Cabdulle Xalane oo 19 sanno jirsadey waxa uu go'aansaday in uu ku biiro ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Muxamed waxa uu ciidanka kaga biiray Degmada Ceelbuur. Halkaas oo dhallinyaradii reer Ceelbuur saf u soo galeen in ay ku biiraan Ciidanka Qaranka si loo xusho dhallinta buuxinaysa shuruudaha qaadashada ciidanka. Muxamed Cabdulla Xalane waxa uu ka mid noqday tiradii loo qaatay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.  Muxamed Cabdulla waxa uu tababar askarinimo ku qaatay xeradii tababarka ciidanka ee Gumeystihii Talyaaniga ee lagu magacaabi jirey Bootiko oo dhoweyd gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Magaalada Muqdisho dhankeeda galbeed. Markii tababarkii u dhammaaday waxa ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhoolatus ku mareen Magaalada Mugdisho iyaga oo ka soo dhaqaaqay xeradii ay tababarka ugu jireen oo gaardis ku  tageen gurigii Calanka Jamhuuriyaddu sudhnaa. Calankii ayey dejiyeen oo saareen. Waxyaalaha taariikhdu xusto waxaa ka mid ah in galabtaas dhammaan xaafadihii ay ciidanku gaardiska ku soo mareen ay ka soo raaceen bulshadii ku noolayd oo ay u badnaayeen haween iyo carruur kuwaas oo xusuusnaa askartii gumeysiga ee dhibaatayn jirtey. Isla kolkaana waxaa la sheegaa in calansaarkii dad badan khushuuq darteed ay la suuxeen oo Isbitaalka Martiini loo la cararay.

Muxamed Cabdulla waxa uu ka shaqa bilaabay Xarunta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Lamagalaay bilowgii 1961. Muxamed waxa uu guursadey gabadh la odhan jiray Isniino Raage Diini. Isniino waxa ay ku curatay gabadh loo bixiyey Fadumo Muxamed oo dhalatay dhammaadkii 1962. Ka dib markii uu arkay taliyihii ciidanku firfircoonida Muxamed Cabdulla waxa uu ku daray koox ciidan ah oo loo qaadayey tababar xirfadeed. Kooxdii uu ka midka ahaa Muxamed Cabdulla waxa ay xaruntoodii ku soo laabteen lix bilood ka dib oo ah bilowgii 1963 isaga oo hal dallacaad helay oo noqday Alife. Muxmaed Cabdulla ayaa loo bedelay Xafiiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee qaybta Waqooyi Galbeed, Hargeysa. Badhtamihii 1963dii, Muxamed waxa uu ka mid noqday ciidan fadhiggiisu ahaa Togwajaale oo ah soohdinta Soomaaliya iyo  Itoobiya. Togwajaale waa tog ay labaada dhinac ka fadhiyaan labada ilaalo ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidii caadadu ahayd waxa ay ciidan kasta calankooda ka taagaan dhinaca cadowgoodu ka jiro iyaga oo ka taagaya meel dheer oo ay ilaalinayaan koox ciidan ah oo feejigan. 

Febraayo 1964tii, ayaa ciidankii Itoobiya weerar cir iyo dhul ah ku soo qaadeen aggii hore ee ciidankii xoogga dalka Soomaaliya. Goob jooge dable Nuur waxa uu yidhi, weerarka waxa ay Amxaaradu nagu soo qaaday waqti maqrib ah. Ciidankii Soomaalida dib ayaa loo riixay oo waxa aan ku jirey dhufays aan ka ridayey hoobiye raacdo reeb ah. Aniga waxaa iga horreeyey oo keliya 4 askari oo calanka ilaalinaysey saddex dable iyo Alifle Xalane oo madax u ahaa. Saddexda askari waxaa waardiyaha calanka lahaa waqtigaas Dable Baarqab. Alifle Xalane ayaa amar bixiyey  oo yidhi, Baarqaboow calanku yaana gacanta cadawga gelin ee soo deji. Dable Baarqab oo degdegsan ayuu baynaadii la soo baxay isaga oo dhaawac ah oo labada qoob xabbadu uga taal. Calanku waxa uu sudhnaa meel sare oo ku soo dhacay meel u dhexaysa Xalane iyo cadowga. Taliye Xalane waxa uu labadii askari amar ku siiyey in ay qaadaan Dable Baarqab oo dhaawac ah iyada oo xabbadu sida roobka u hooreyso ayuu damcay in uu calanka soo qaado. Taliye Xalane xaggii calanka ayuu u garguurtey oo hoosta soo gashaday isaga oo u duuduuban. Intaas ka dib waxa uu la soo gurguurtey calankii. Cadowgiina waxa ay ku fureen Muxamed qoriga loo yaqaan Boobe oo halkaas ku dileen intii uusan soo gaadhin Ciidankii Soomaalida, balse waxa uu soo gaadhey indhaha hore ee ciidanka. Naftu waxa ay ka baxday isaga oo leh: "Cadowgu birlab kama samaysana, waar cadowgu bir ma ahee burburiya, ciidda iyo calanka Soomaaliyeed u diida."

Dhaawacii Dable Baarqab ayaa baabuur ciidanku lahaa loogu qaaday Hargeysa. Meydkii Muxamed Cabdulle Xalane aroortii markii waagu beryey ayaa la soo qaaday oo calankiina dhabta meydka ku jiro. Labadii askari ee ka hadhay, Muxamed Cabdulle Xalane maalin ayey ka dambeyeen oo dhaawacyo u dhinteen, laakiin waxaa nasiib darro in aan la helin magacyadoodii. Dagaalkaasi waxa uu socday saddex bilood oo ugu dambeyn guushii raacday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xaqiijiyey ujeeddadii loo asaasay. Cadowguna waxa ay ogaadeen tayada iyo dadnimada Soomaaliyeed. Markii hore waxa ay cadowgii u fekerayeen in Soomaalidu tahay dawlad curdin ah oo galabnimadaba lagu leefayo. War ay wax ku qaadan karaan ayey Ciidanka Itoobiya heleen. Waxyaalaha lagu xusuusan karo halyey Muxamed Cabdulla Xalane wax aka mid ah:

Muxamed waxa uu ciidankiisii ku soo simay calankii oo astaantii Qaranka Soomaaliya ah.

Maanta nin dhintay oo nool waa isaga iyo wixii la mid ah.

Muxamed waa nin lagu xasuusto Billad Dahab ah oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed siiyey isaga oo dhintay. 

Xiddigle Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinnimo ku qaatay. 

Waxaa loogu magac daray Xarunta Tababarka Xalane ee Muqdisho.                                                            

Sarkaal ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaliyeed oo u qaabilsanaa kormeerka goobaha dagaalku ka socdo gaar ahaan Gobolka Waqooyi Galbeed, ayaa soo maray askar godkii ay galeen sidii ay ugu jireen uu dagaalkii ugu dhammaaday. Saddex bilood baa korkooda ku go'day, waxa uu yidhi, anigu waxa aan shaahid u ahaa oo aan arkay askar dhallinyaro ah oo dhididkii ka baxayey dharkii ka googo'ay oo aan ugu tagey gododkii ay ku jireen. Isla markaana waxa ay cunayeen uu ahaa bariis gadhcadde ah oo keliya. Haddana u ma ay suuragelin cadowga dalka in uu cagta soo dhigo. Qof kasta in uu maqlay baan filayaa in askar dhaawac ah oo xabbadi ku taal qorigoodii qaateen oo ka baxeen isbitaalka iyaga oo leh kolleyba haddii aan dhimanayo aan goobta dagaalka ku dhinto. Weliba qaar ka mid ah askartaas waa joogaan maanta. Markii aan ugu tagey godadka oo aan ku idhi, waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa Qorraxda iyo dhaxanta? Waxa uu iigu jawaabey, waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo Qorraxda sharafkayga, dalkayga, iyo ammaankayga. Ma aannu xanuunsanayno ee adaa moodey in aannu xanuunsanayno, ha ka biqin meeshayda laga soo geli maayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan.

Halyey Muxmaed Cabdulla iyo xaqsiintii Qaranka Soomaaliyeed - Dhammaadkii dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964tii oo la isku farasaaray aaggaga kala ah: Togwajaale, Ina Guuxaa, Dabagorayaale, Feerfeer, Doolow, Xuddur, iyo aagga Beledweyne. Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu madax ka ahaa Sarreeye Guud Daa'uud markii uu helay xogihii kaladuwanaa ee ay soo gudbiyeen saraakiishii qaybaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa ay fiiro gaar ah siiyeen halyey Muxamed Cabdulla Xalane oo ku geeriyoodey goobta dagaalka ee Togwajaale. Sidaas awgeed waxa ay go'aansadeen in ay marxuum Muxamed Cabdulla Xalane war bixintiisa iyo xaquuqsiintiisa u gudbiyaan Madaxweynaha Dalka Mudane Aadam Cabdulla Cismaan. Halkaas oo ay u qoreen in la siiyo bilad geesinimo iyo dallacaad xidigle ah laguna mushahar siiyo reerkiisii. Madaxweyne Aadam waxa uu ku lifaaqay qoraal uu ku taageeraayo qoraalkii taliyaha Ciidanka Sarreeye Guud Daa'uud. Warbixintii Xalane waxaa la hor geeyey Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Soomaaliya, halkaas oo Sarreeye Guud Daa'uud iyo taliye ku xigeenkiisii Gaashaanle Sare Muxmaed Siyaad Bare ay hortegeen Golihii Shacabka si ay uga hor akhriyaan warbixintii ku saabsanayd marxuum Muxamed Cabdulla Xalane. Maalmo ka dib waxa uu Golaha Shacabku ansaxiyey in marxuumka la siiyo iyo bilad geeesinimo oo dahab ah iyo dallacaad xiddigle ah oo lagu mushahar siinayo reerkiisii.

Goob joogayaashii ayaa ii sheegay in billad geesinimo oo dahab ah lagu bixiyay xafladdii dabaaldegga 1dii Luulyo ee 1964kii. Xafladdaas waxaa lagu qabtay oo ka dhacday xeebta Liido. Billadda Dahabka ah waxaa bixiyay Madaxweyne Aadam Cabdulla Cismaan oo uu gadaal ka taagnaa Sarreeye Guud Daa'uud oo ahaa taliyihii 1aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya. Goob jooguhu waxa uu intaas ku daray in billadda lagu wareejiyey Muxamed aabahiis Cabdulla Xalane Dalab oo ahaa oday dheer oo maddow. Billada waxaa la socday shahaado sharaf geesinimo iyo darajada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo xiddigle ah. Billadda iyo shahaado sharafta waxaa lagu soo ridey saxan cad. Madaxweynuhu waxa uu gacantiisa bidix ku hayey saxankii isla markaana waxa uu midigta ku salaamay oday Cabdulla Xalane oo qaadanayey mushaharkii Muxamed Cabdulla Xalane. Sidoo kale waxaa la go'aamiyey in xiddigta Xalane la dallacayso mar kasta oo ay dallacaan xiddiglayaashii markaa joogay. Dallacaada xiddigluhuna ma ahayn mid fudud xilligaas. 

Madaxweyne Aadam Cadbulla ayaa yidhi, Alifle Xalane waxa uu ahaa geesi Soomaaliyeed isaga oo hadalkiisii ku soo gunnaanadey waa askarigii ugu horreeyey ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo billad geesinimo oo dahab ah la siiyo. Isla maalintaas waxaa kale oo jirey labo qof oo kale oo warfaafinta ka tirsanaa oo iyagana la siiyay billad dahab ah. Intaas ka dib dadkii kale ayaa la siiyay billado kale oo aan dahab ahayn, laakiin ma hayno magacyadoodii.

Halyey Muxamed Cabdulla Xalane iyo Xilligii Kacaanka - Dawladii Ciidanka Xoogga ahayd oo la magac baxday Dawladii Kacaanka, waxa ay dhalatay iyada oo Oday Cabdulla Xalane Dalab iyo gabadhii agoonta ahayd ee Fadumo Muxamed Cabdulla ay qaataan mushaharkii  marxuumka oo uu qaadi jirey Oday Cabdulla Xalane. Maalin ayaa Xafiiska Madaxweyne Siyaad Barre laga soo wacay Oday Cabdulla oo lagu yidhi wixii ka nool qaraabadii Muxamed Cabdulla keen xafiiska Madaxweyne Siyaad Bare shanta galabnimo. Oday Cabdulla ayaa ku warceliyey qofkii ka soo wacay xafiiska madaxweynaha oo ku yidhi, maanta maalinta ku saddex ah ayaan ku soo wacayaa saacadan oo kale oo qaraabadii baan isla doonayaa. Qofkii soo wacay waxa uu ugu jawaabay waa tahay adeer.

Oday Cabdulla ayaa wacay maalintii ballantu ahayd qofkii ka soo wacay xafiiska madaxweynaha oo ku yidhi, adeer dadkii waa diyaar. Qofkii ayaa ku warceliyey adeer i sug in yar, ka dibna qofkii waxa uu Oday Cabdulla u sheegay in baabuur loo soo dirayo afarta galabnimo. Oday Cabdulla waxa uu diyaariyey Fadumo Muxamed Cabdulla gabadhii marxuumku dhalay, Isniino Raage xaaskiisii, Cabdirahman Cabdulla oo marxuumka walaalkiis ah oo ay isku hooyo ahaayeen, iyo Oday Cabdulla Xalane oo hoggaaminayey. Qoyskii Muxamed Cabdulla Xalane waxa ay soo raaceen gaadhigii oo soo gaadheen Xoghayntii Xafiiska Madaxweynaha. Qoyskii Cabdulla waxaa loo gudbiyey Madaxweyne Siyaad iyo madax kale oo la joogtay. Nabdaadin iyo is gacanqaad ka dib waxa uu Madaxweyne Siyaad hadalkii ku furay soodhowaada reer Cabdulla Xalanow, isaga oo eegaaya raggii la fadhiyey oo yidhi, "aniga iyo raggan ila jooga waxa aannu wax ku nahay oo ku fadhinaa calankii wiilkiinu u dhintay." Madaxweyne Siyaad waxa uu qof qof u weydiiyey maxaad maanta ka codsanaysaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo wixii dawladdii hore idin qabatay? Dhammantood waxa ay isku raaceen dhul iyo guryo. Madaxweynihii waxa uu weydiiyey su'aal kale oo ahayd xaggee dhulka ka rabtaan? Waxa ay wada yidhaahdeen Xaafada Karaan. Madaxweynuhu waxa uu u yeedhay xoghayntiisii oo ku  yidhi qor qoraal ku saabsan qaraabadii halyey Muxamed Cabdulla Xalane in dawladda hoose uga cabbirto Xaafada Karaan dhul dhan 12 boos oo afar boos jid weyne saaran yihiin. Isla markaana waxaa wareejintooda iyo dhismahooda ka qayb qaadanaya dawladda hoose ee Gobolka Banaadir. Xoghaynta Madaxweynaha oo loogu yeedhayey Cali waxa uu Madaxweynuhu ku yidhi Caliyow todobaadka soo socda shaqadaada waxaa ka mid xaqiijinta dhulkaas reer Cabdulla. Madaxweynaha waxaa la fadhiyey agaasinkii maaliyadda u qaabilsanaa madaxatooyada waxa uu ku ballamiyey oday Cabdulla. Waxa ay xubnihii reer Cabdulla sheegeen in uu aad u tixgelin jirey Madaxweyne Siyaad Barre. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siyaad Barre soo saaray wareegto uu xeradii tababarta ee la odhan jirey Bootiko magacaas ka bedellayo oo loo bixinayo halyeygii Muxamed Cabdalla Xalane halkaas oo xeradii loo bixiyey Xerada Tababarka Xalane. Qoyskii Xalane waxa ay sheegeen in ay qaadanayeen mushaharkii halyeygii Muxamed Cabdulla Xalane ilaa ay dawladdii Soomaaliya burburtay oo amarkii iyo kala dambeyntiina la waayey. Sidoo kale waxa ay sheegeen in Fadumo Muxamed Cabdulla Xalane in ay dhimatay 2006 iyada oo sababsatay Ciidankii Itoobiya ee Muqdisho soo galay. 

Xogta iyo warka ku saabsan Muxamed Cabdalla Xalane waxa aan ka soo xiganey Farhan Cali Cabdulla Xalane oo uu adeer u ahaa.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen