By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: July 08, 2025
HADDAAN GARTAY!
Calasow iyo Fiidow waxa ay ahaayeen xigto wadataal. Xaafadoodu waxa ay ku taal deegaanka shanta geed. Calasow aabbihii waa hawl wadeen urur weyn u shaqeeya. Calasow waxa uu reerkooda haystaa nolol ku filan. Aabbihii waa madaxa maaliyadda ee ururka. Lacagta bilaha ah waxaa u dheer dhowr lacagood oo uu gunno ahaan u helo. Nolol aad u wacan bay ku nool yihiin, halka Fiidow uu qoyskoodu yahay sabool aabbahood suuqa ka xamaasho oo noloshoodu tahay ma qadaan ma dhergaan.
Fiidow hooyadii waxa ay dubtaa muufo oo xoogaa lacag ah ka xoogsataa, in kasta oo waalidka Fiidow yihiin sabool haddana waa ay u hagar baxaan wiilkooda si uu aayatiin fiican u gaadho. Labada wiil waxa ay isla dhammeeyeen waxbarashada dugsiga hoose balse kolkii dugsiga dhexe fasalka 7aad ay marayeen waxaa is bedeley noloshii qoskii Calasow oo aabbihii xilkii laga qaaday oo shaqadii laga ruqseeyey ka dib kolkii ay ka soo baxday warqad wareegta ah oo shaqaale dhimis ah. Calasow waxa uu bilaabay in uu habeenkii aado goobaha lugu caweeyo, dharaartiina uu hurdo dugsigiina waa uu isaga hadhay. Calasow waxa uu ku biiray dhallinyarada maandooriyayaasha ka ganacsada ee cabba ama cuna. Muddo yar oo kooban waxa uu noqday nin caan ah oo ay wada barteen carruurta, haweenka, iyo dadka arrimaha bulshada ka shaqeeya. Muddo aan ka yarayn toban sanno ayuu ku dhex jirey maandooriyayaasha oo ay noloshiisu isugu jirtey kol la xidho iyo kol la iska soo daayo. Fiidow oo ahaa wadeeygiisa ahaa maxaa u qabsoomay mudadaas. Fiidow waxa uu dhammeeyey dugsiga dhexe fasalka sideedaad, ka dib waxa uu galay kuliyadda kalkaaliyayaasha caafimaadka. Kolkii uu soo dhammeeyey waxa ay is guursadeen gabadh ay kuliyadda isku barteen. Fiidow waxa u dhashay carruur badan.
Maalin maalmaha ka mid ah waxa ay Calasow u ahayd maalin la yaab leh. Maalintaasi habeenkii ka horreeyey ayaa sidii ay caadadiisu ahayd waxa uu ku soo dhafray balwadiisii maandooriyaha kolkii uu waagu baryey buu soo aaday gurigii hoygiis. Kolkii uu marayo aqalka Fiidow hortiisa ayuu iska dhaadhiciyey in kadinka gurigu yahay sarriirtiisii, ka dib wuu seexday, kolkii uu waagu u baryey qofkii ugu horreeyey ee guriga Fiidow ka soo baxa waxa ay ahayd gabadh uu dhalay oo u socoto dugsi Quraan. Kolkii ay aragtay Calasow oo dhulka jiifa ayey aqalkii ku soo laabatay oo u tagtay aabbaheed Fiidow oo ay u sheegtay xaaladda Calasow uu ku sugan yahay ka dib waa uu u yimid oo ka kiciyay gabadhiina waxa ay u keentay koombo biyo oo ku tidhi adeer hoo oo wejiga iska dhaq. Calasow waxa uu fiiriyey Fiidow oo daymo dhaygag ah ku fiiriyey. Calasow waxa Fiidow weydiiyey inantii yarayd yaa dhalay? Fiidow waxa uu ugu warceliyey waa gabadhaydii Faaya. Dhowr daqiiqo buu hoos eegay ka dib waa uu is taagay kolkaas buu Fiidow ku yidhi: War gacanta i qabo oo meel igee asaagay ma heerkan bay marayaa! Aniguana ma sidan baa gacanta la ii qaban. Waxa uu soo geliyey gudaha aqalka oo u keenay caday, macawis, iyo shaati. Kolkaas buu ku yidhi orodoo soo maydho intaas ka dib kolkii uu isa soo diyaariyey buu ku soo qaaday gaadhigiisii shaqada oo keenay goobta caafimaadka ee uu ka shaqaynayey. Calasow waxaa loo qoray daawo iyo nasasho.
Muddo kolkii uu nastay oo uu dawaadii qaatay ayaa la geeyay aqalkoodii, waxa uu arkay hooyadii oo ay ka muuqato busaarad. Kolkaas buu ku soo cararay labada dhaban ka dhunkaday. Hooyadii waxa ay u sheegtay in uu aabbihii muddo hore geeriyooday. Isla kolkaana ay ku nooshahay tabantaabada dadka wadataalka ah oo ay asigana wax ka siin jirtey. Calasow waxa uu bilaabay muddo yar ka dib in uu noqdo soore ka shaqeeya rug cunto. Calasow sannado ka dib waxa uu yeeshay carruur iyo reer, waxaa kale oo uu iskii u samaystay goob cuntada lagu sameeyo oo aad u dad badan.
Heesta sheekada waxaa tiriyey Maxamed Jaamac Joof oo jilaya qof nolosha ka dhacay oo khamri cabbidiis ku habsamay sida Calasow.
Anigoo han weynoo
Hebel lay yaqaanaa
Haaweyda raacee
Haradii iblayskaan
Anigaan harraad qabin
Ka hirqaday balaayee
Dadka hore u marayoow
Danihinna haybshoo
Khamri yaanu idin hodin
Dadka horey u marayoow
Danihinna haybshoo
Ka huleela shaygaa
AA AA AA AA AA AA
Sidi harag la qooyoo
Lagu huurshay meeloo
Hoodh laga sameeyaa
Hadalkaygu urayoo
Haasaawahaygii
Sanka layga helaayee
Dadka hore u marayoow
Danihinna haybshoo
Khamri yaanu idin hodin
Dadka horey u marayoow
Danihinna haybshoo
Ka huleela shaygaa
AA AA AA AA AA AA
Hadhimada ma cuno oo
Ma hiraabto fiidkoo
Hadi waayey soortee
Waaberiga hiirtaan
Halka lagu tilmaamaba
U hoggaan samaayee
Dadka hore u marayoow
Danihinna haybshoo
Khamri yaanu idin hodin
Dadka horey u marayoow
Danihinna haybshoo
Ka huleela shaygaa
AA AA AA AA AA AA
Anigaa hubsadayoo
Hordhacuu lahaa iyo
Hambadiisii laacee
Illeyn waan huleeloo
Hadba meelku dhacayoo
Xusuladu i hoolmeen
Dadka hore u marayoow
Danihinna haybshoo
Khamri yaanu idin hodin
Dadka horey u marayoow
Danihinna haybshoo
Ka huleela shaygaa
Maandooriye waxaa la yidhaahdaa walax kasta oo doorisa maanka, caqliga, dhimirka, xiska, miyirka, iyo maskaxda. Kolka qofku go'aan ku gaadho in uu maandooriye isticmaalo waxa uu ku dhaqaaqay fal masuuliyad darro ah oo naftiisa dhibaato u geysanaya. Dhibaatada maandooriyayaashu ku ma eka qofka isticmaalay oo keliya, laakiin waxa ay dhibaato ku tahay nolosha qoyska, jiritaanka bulshada, iyo dadka soo socda ee bulshada oo idil. Diinta Islaamka waxaa loo soo dejiyey in ay ilaaliso qofka muslimka ah diintiisa, caqligiisa, sharaftiisa, maalkiisa, iyo dhiigiisa. Maandooriyayaashu ma ilaaliyaan intaas aynu soo sheegnay. Jaadadka aynu ka hadlidoono waxaa ka mid ah: Qaadka, sigaarka, buuriga, khamriga, iyo xashiishadaha.
QAADKA
Waa maxay qaadku? Qaadku waa geed maanka dooriya oo caleemihiisa la calashado oo aan midho iyo ubax midna bixin. Qaadku waa daroogo sun ah oo ay ku jirto maadada khatarta ah oo la yidhaahdo Kaasinoon (cathinone) iyo mid kale oo ka khatar yar oo la yidhaahdo kasiin (Cathine). Maadadaas oo laga helo xashiishada magaceeda la yidhaahdo oobiyam (opium) oo ah nooca 2aad ee daroogada. Qaadku waa geed caafimaadka qofka u daran. Dhanka waxyeelada caqliga waxa uu u dhexeeyaa Kookeynta iyo Afyuunka. Dalka Ingiriisku waxa uu baadhay qaadka iyo waxyeeladiisa 1932dii, isla kolkaana waxaa u soo baxay in ay aad u sarrayso waxyeeladiisu. Sidoo kale waxaa qaadka aqoonbaadhis ku sameeyey in ka badan kun jaamacadood oo carro-edeg ku filiqsan, isla kolkaana waxa ay dhammaantood sheegayaan warar ku argagaxgelinaya. Dhammaan waxa ay jaamacadahaasi isku raaceen in qaadka laga helo in ka badan 40 curiyo ama walxood oo dhammaantood wada halis ah. Lama hayo hal jaamacad oo ku sheegtay wax wanaag ah ama dheef ah oo uu leeyahay. Qaadku waxa uu keenaa hurdo la'aan, lafdhabar xanuun, waali, isla kolkaana waxaa ku jirta walxo dheefshiidka iyo ilkaha waxyeela oo la yidhaahdo Taanin (tannin or tannic acid). Walaxdaasi waxa ay qofka ka xidhaa dheefshiidka oo cuntada ma qaadan karo, isla kolkaana waa aysiidh oo waxa ay burburisaa ilkaha. Taasi waa sababta qofka qaadka qaayiba ilkuhu uga dhacaan durbadiiba. Ugu dambayn waxa ay walaxda Taaninku sababtaa in qofka qaadka cuna ay ku dhaco cudurka loo yaqaan Bogcalooleed ama Ulcer.
Kolkii hore waxa ay jaamacadaha adduunka ee aqoonbaadhista samaynayey u malaynayeen in ay qaadka ku jirto oo ku badan tahay walaxda Kaasiinku (cathine). Kaasiinku waxa ay ku badan tahay caleemaha waaweyn iyo laamaha garaabada ah ee la xooro sidaas awgeed waxaa la is weydiiyey haddii sababta qaadka loo cunayaa ay tahay walaxda Kaasiin ee ku jirta maxaa intay ku badan tahay loo xooraa? Ka dib waxaa go'aan lagu gaadhay in baadhitaankii dib loogu celiyo. Kolkay ahayd 1975tii waxaa mar kale la sugay in qaadka rucubtiisa ama inta jilicsan ee baarkiisa ah ay ku jirto walax halis ah oo la yidhaahdo Kaasinoon (cathinone). Arrinta keentay in walaxdan helitaankeedu adkaado waxa ay ahayd iyada oo Kaasinoonka waaritaankeedu yar yahay. Kaasinoonku waxa ay jiri kartaa oo keliya in ka yar 48 amminood (hours), muddadaas ka dib waxa ay isu bedeshaa labada walxood ee kala ah Kaasiin iyo Nuurafadariin. Taasi waa sababta wax kasta oo qaadka la saaro loo ordisiiyaa si loola gaadho cidda cunaysa inta aan Kaasinoonku is bedelin. Bal u fiirso wax kasta oo qaadka la saaro waxaa loo caydhiyaa si aan caadi ahayn. Dhanka kimisteriga waxa uu qaabdhismeedkeedu yahay lidka ama rogaalka Amfitamiiniska.
Saamaynta Kaasinoonku waa labo jaad oo kala ah mid dhow iyo mid fog. Haddii aynu soo qaadano saamaynta dhow Maandooriyaha Kaasinoonku waxa ay keentaa in:
Xarunta Habka Aroorayaasha (Central Nervous System) oo is bedesha oo been sheegto. Ka dibna waxaa dheecaan soo daaya qanjidhka kelyaha ka sarreeya oo qofka ka dhiga sidii wax dagaal gelaya oo kale.
qofka wadna garaaciisu kordho.
qofka xididada dhiiggu ururaan oo isku rooraan.
qofka dhiiggiisu xinjir badan diyaariyo sidii wax dagaal gelaya.
qofka neefsashadiisu degdeg noqoto oo uu neef tuuro.
qofka heerkulka jidhkiisu kor u kaco.
qofka caadiska dhiigiisu kor u kaco.
qofku 30 daqiiqo ka dib galo xaalad marqaan oo uu naftiisa kula sheekaysanayo waxyaalo been ah iyo gololooyin aan suurtagal ahayn.
qofku yeesho dhaqanka dadka waalan waayo waxa aad arkaysaa dadka qayilaya oo qaar ka mid ahi cidiyaha fadhanayaan, qaar garaabada jejebiyaan, qaar findhicil ku waashaan, iyo qaar afka dhaqdhaqaajiya.
qofka jidhkiisa ay ka lunto dhawrsanaanta iyo isku dubaridnaanta. Mindhicirka iyo xiidmuhu way seexdaan, muruqyada jidhku waa ay iska debcaan, isla kolkaana waxaa ku bata calool is taaga iyo cudurka bawaasiirta.
qofka sonkorta ku jirta korodho sidaas awgeed waxa ay halis ku tahay dadka macaanka qaba. In kasta oo Soomaalidu rumaysan tahay in uu macaanka wax ka taro qofka waxa uu ku kiciyaa macaanka.
khalkhal ku yimaado diirnaxa qofka ama dunjigiisa oo waxaa is bedel ku dhacaa qofka cadhadiisa, rayrayntiisa, jacaylkiisa, jamashadiisa, deganaantiisa, haliilkiisa, muragadiisa, nacaybkiisa, cabbanaantiisa, nuglaantiisa, hankiisa, tudhistiisa, xis-hoodkiisa, hinaasinimadiisa, masayrkiisa, iwm.
Guud ahaan kolka qofku cuno qaadka waxa uu maraa saddex xaaladood oo kala ah: in uu 30ka daqiiqo ee ugu horreeya faraxsanaan iyo rayrayn ku jro, sagaashanka daqiiqo ee ku xiga waxa uu ku jiraa xilli hadal iyo sheeko badan, laakiin aannu faraxsanayn oo uu marqaansan yahay, intaas ka dib waxa uu galaa xaalad la moodo in uu dheelalaabo ku jiro. Xilliga dheelalaabada waxaa lagu gartaa aamus badan oo kolkuu qaadka ka kaco waxa uu ku waashaa findhicil iyo mee-lahaas oo uu iska taagtaagan yahay.
Kolka qofku yare hakiyo cunitaanka qaadka ama si xidhiidh ah u wado cunistiisa, waxaa ku dhaca wax la yidhaahdo dhegakoon (hallucination). Dhegakoonku waxa uu keenaa arrimaha soo socda:
Jidhka oo dubaaxiya
In uu dhiso qorshayaal waaweyn oo nafta lagu horumarinayo, laakiin been ah
In ay ku bataan riyada iyo qarowgu sida dubaabka.
In uu maqlo codad yaable ah oo aannu hore u maqli jirin
In buufis ku dhaco iyo qoonsi aad u xooggan.
Dhanka maandooriyayaasha kale qaadku waxa uu ku jiraa kiciyayaasha. Dadka qaadka cunaa waxa ay sheegaan in ay had iyo jeer raadiyaan waxa ay ku jebiyaan qaadka. Sidaas awgeed waxa ay cabbaan khamri si ay kicinta qaadka hoos ugu dhigaan waayo khamrigu waa jaadka maandooriyayaasha ee dejeyiyaashe. Si qofku u gaadho heerka marqaanka waxa uu u baahan yahay in kiilo kasta oo jidhkiisa ka mid ahi hesho 0.8 mg oo kaasinoon ah.
Qaadku waxa uu xambaaraa cudurada halista ah sida AIDSka (Aafada Idlays Dadka Sinaysnta), Corona Fayraska, Tiibayda, isla kolkaana hadda waa la horumariyey oo dalalka ka ganacsada waxa ay dhirta qaadka ku buufiyaan sunta cayayaanada lagu dilo si loo ilaaliyo caleenta quruxdeeda iyo fayoobaanteeda, laakiin waxaa ayaandarro ah in dadka qaadka cunaa ay ka qaataan suntii oo sideedii ah. Dhakhtaro badan oo adduunka ku filiqsan waxa ay sheegayaan in dad badan oo qaadka cuna laga helay sunta DDT oo qaadku u soo gudbiyey.
Abwaan Soomaaliyeed baa sheegay 14 timaamood oo qofka qaadka cunaa leeyahay isaga oo yidhi qofka qaadka cuna waxa uu:
1. dumarka kala mid yahay xanta iyo xaragada.
2. ragga kala mid yahay muuqaalka iyo magta.
3. u lo'da kala mid yahay tooraha iyo talo xumada.
4. geela kala mid yahay daaqa iyo dibooda.
5. daayeerka kala mid yahay fadhi xumada iyo findhicilka.
6. dameeraha kala mid yahay qaylada iyo qashin dugsiga.
7. gaalada kala mid yahay diin cayga iyo salaad la'aanta.
Abwaan Soomaaliyeed baa tiriyey jiiftada soo socota isaga oo qaadkii iska dhigaya. Abwaanka waxa uu yidhi:
Magacaygu waa qaad
Geed qadhaadh ayaan ahay
Qasaariyo dhib baan ahay
Ruux kastoo i qaata
Qoryahayga feentaa
Hurdadaan ka qaadaa
Qaadiraan ku reebaa
Fadhi qiimo daraniyo
Qorshe aan dhammaanayn
Qarow baan ku reebaa
Waxna uma qabsoomaan
Magacaygu waa qaad
Qalbi doorshe baan ahay
Maan qaade baan ahay
Belo qiimo daraniyo
Qudhun miidhan baan ahay
Kan i qaadayaa ba'ay
Kan loo qaado baa jabay
Kan wax ka qaadayaa lumay
Qasaariyo dhib mooyee
Qeyr igama helayaan
Qurunkayga ruux cuna
Qaadirkaan ku dhaartaye
Qandho waw dambaysaa
Qaadku waxa uu dilaa raganimada, qofnimada, damiirka, caafimaadka, waqtiga oo ilaa 10 saacadood kaa lumto, dhaqaalaha qoyska iyo bulshada oo duma, buufis, hurdo yari, iyo isla hadal. Sidoo kale waxa uu faafiyaa dhaqan xumadda. Sidaas awgeed Qaadku waa bulsho iyo dhaqan dumiyaha koowaad ee bulshada Soomaaliyeed.
SIGAARKA
Sigaarka iyo qaadku waa labo walaalo ah oo isku sidkan. Sigaarku waxa uu ka mid yahay waxyaalaha dadka hadda nool ay aad u isticmaalaan iyaga oo og waxyeelada uu u keenayo jidhkooda, naftooda, maalkooda iyo caafimaadkooda. Kolalka qaarkood waxaa baakadda sigaarku ku jiro lagu dul qoraa waxyaalaha uu sababo oo ay ka mid yihiin Kansarka ku dhaca beerka, sambabada, afka, kelyaha, dhuunta, kaadi-haysta, iwm. Cudurka ugu badan ee sigaarka iyo buurigu sababaan waa xanuunka ku dhaca sambabada. Sigaarku waxa uu ka kooban yahay 4,000 oo curiye ama maaddo oo dhibaato u keena qofka, qaar ka mid ah curiyayaashaas waxa ay sababaan xanuunka kaankarada (cancer). Sigaarku waxa uu dhib laxaad leh u geystaa beeralayda beerata midhaha cagaaran iyo fawaakihda, waayo haddii uu u soo dhawaado qof sigaarka dhuuqa waxa uu banmarinayaa dhirta midhaha cagaaran iyo fawaakihda.
Sigaarku waxa uu ka kooban yahay maddooyin badan oo ay ka mid yihiin Niikootiinka (nicotine), qiiq madow ee qofku nuugayo (tar), kaarboon Moono Oksaaydh (carbon monoxide), Niytarojiinka, Ogsejiinka, etc. Curiyaha Niikootiinku waa maandooriye la qaayibo (highly addictive drug) oo waxyeeladiisu degdeg tahay. Maandooriyahaasi waxa uu maskaxda ku gaadhaa ilbidhiqsi kolka la nuugo ka dib. Aqoonyahanada baadhitaanka badan ku sameeyey dhuuqista sigaarka waxa ay sheegeen in sigaarku ka daran yahay Heeroowiinka iyo Kookeynta xagga iska joojinta ka bacdi kolkaad muddo qaayibtey. Sayniska dugsiyada sare waxa ay qoraan dhibaatooyinka ay leeyihiin maadooyinka ku jira sigaarka:
Kaarboon Moonoo Oksaaydh (Carbon monoxide): Kaarboon Moonoo Oksaaydh waa hawo sun ah oo unugyada dhiiga cas ee ogsijiinta u qaybiya xub-naha jidhka bay u diida in ay hawada qaadaan oo geeyaan meeshii loogu taloga-lay.
Nikatiin (Nicotine): Niikotiin waa maaddo maandooriye ah oo la qaayibo, isla kol-kaana ay adag tahay in aad sigaarka dhuuqistiisa joojisid. Maadadaasi waxa ay kordhisaa wadne garaaca, isla kolkaana waxa ay dhuumaha dhiigu maro ee hal-bowlayaasha dhiiga ka dhigtaa cidhiidhi aan dhiigu ku socon karin xawaarihii loo baahnaa. Cidhiidhiga halbowlayaashuna waxa uu sababaa in cadaadiska dhiigu kordho taas oo sababi karta xanuunka wadane ku soo boodka (heart attack) iyo dhiig maskax ku furanka.
Qiiq Madow (Tar): Qiiqa madow waa maaddo ama walax qiiq madow ah oo ku dhegta dusha sare alafyuulada taas xanibta isu socodka hawada jidhka gelaysa iyo hawada gubatey ee ka soo baxaysa. Qiiqa madow waxaa kale oo ku dhex jirta walax kale oo la yidhaahdo: kaarsinojiinÃâà(carcinogen) taas oo sababta xanuunka kaankarada (cancer).
Sigaarka oo aynu ognahay dhibaatooyinkiisa waxa uu ka mid yahay walaxda ugu badan ee kuwa qaadka cunaa ay si xad dhaafa u isticmaalaan. Sigaarku waxa uu weliba sii kordhiyaa dhibaatooyinkii qaadku keeni jirey. Sigaarku waxa uu qayb ballaadhan ka yahay dhibaatooyinka caafimaad xumada ah ee maanta dunida ku habsadey.
Dhanka Islaamka sigaarku waa xaaraam. Aqoonyanada Islaamku waxa ay sheegeen in sigaarka leeyahay shan tilmaamood oo xunxun. Shantaas tilmaamood waxaa ka mid ah:
Cuntada kolka la cunayo bisinkaa loo qabtaa, laakiin sigaarka loo ma qabto
Cuntada midigtaa lagu cunaa, laakiin sigaarka bidixdaa lagu dhuuqaa ama nuugaa.
Cuntada hambadeeda waa xaaraam in lagu joogsado, laakiin gumudka sigaarka ka soo hadha waa lagu joogsadaa oo cagtaa lagu damiyaa.
Cuntada dheef iyo nafaqo baa laga helaa, laakiin sigaarka caafimaad daro iyo cudur baa laga helaa.
Cuntada musqulaha lagu ma cuno, laakiin sigaarka waxaa lagu dhuuqaa mus-qulaha dhexdooda.
Sigaarka dhibaatooyinkiisa waxaa kale oo ka mid ah in uu dadka ka jeediyo Quraanka iyo xusidda Allaah, waayo bushimihii Allaah lagu xusilahaa waxaa ka lusha sigaar sun ah. Dhibaatooyinkiisa waxaa kale oo ka mid ah in qofka sigaarka dhuuqa la kahdo oo aan lagu ag tukan karin, waayo waxaa ka sunuufaya ama ka ontoraya ur qadhmuun. Muslimiinta waxaa waajib ah in ay ku dhaqmaan waxa diintoodu farayso ee wanaagsan.
Dhanka caafimaadka sigaarku waxa uu kordhiyaa wadne garaaca, iyo kaankarada gaar ahaan kan ku dhaca sambabada, caloosha, wadanaha, iyo afka. Sidoo kale waxa uu leeyahay hiinraag iyo qufac joogto ah. Sigaar dhuuqistu waxa ay hoos u dhigtaa heerkulka jidhka. Isla kolkaana waxa uu la dagaalamaa hawada fiican ee naftu heli lahayd. Dhammaan qolalkii Ogsejiinta oo dhan waxaa gelaya Kaarboon Moono Oksaaydh (CO). Sanbabka waa xubin aad u jilicsan oo midabkeedu basali yahay. Sanbabka gudihiisu waxa uu ka samaysan yahay xuubab yaryar oo la yidhaahdo alafyuulo. Xuubabkaas waxa ay shaqadoodu tahay in ay jidhka qaybihiisa kaladuwan u gudbiyaan hawada sanka ka soo gelaysa, sidoo kale waxa ay soo tuuraan hawada jidhka ka imaanaysa ee gubatey. Xuubabkaasi waa kuwo si fudud ugu dhaawacmi kara qiiqa sigaarka. Haba yaraatee sigaarka wax dheef ahi kuma jirto. Sigaarka dhuuqistiisa waxaa lagu metali karaa is dil. Sidoo kale waxa uu kulaylka sigaarku dhaawac u geystaa dhuumaha hawadu marto oo dhan. Guud ahaan waxaa xanuunada sigaarku sababo lagu soo koobi karaa:
Xiiq (bronchitis) oo sababta in dhammaan dhuumaha hawada iyo alafyuuladu xidhmaan.
Dhiigxinjirow (thrombosis) oo sababa in dhiigaagu xinjir guntan noqdo.
Kalxidhan (angina) oo sababa in ay xidhmaan halbowlayaasha dhiiga qaada iyo laabta, arrintaas oo sababi karta cudurka wadne ku soo boodka (heart attack).
Qalal (strokes) oo sababa in dhiig maskaxda kaaga furmo, arrintaas oo sababta in maskaxdu shaqaynweydo.
Dheeha jidhka, ilkaha, iyo faraha oo isbedela. Qofka oo maqaarkiisa u ekaado qof gaboobey.
Dadka aan sigaarka dhuuqin laakiin had iyo goor ag jooga kuwa dhuuqa, waxaa ku dhaca cudurro badan oo ay ka mid yihiin: xajiin, madax-xanuun, qufac, dhuun xanuun, diidid, neefta qaadashadeeda oo dhibta, wahab, wajac, iyo juucjuuc.
MAANDOORIYAYAASHA KALE
Maandooriye waa walax bedesha habka iyo hannaanka ay u shaqeeyaan maankeena iyo jidhkeenu. Dhammaan maandooriyayaashu waxa ay jidhkeena iyo maskaxdeena u geystaan saamayn toos ah iyo mid dadban. Maandooriyayaasha waxaa loo kala saaraa saddex jaad, isticmaalkooduna waa kala waxyeelo badan yahay.
Maandooriye Daawo (medicinal drugs): waa maandooriye loo isticmaalo in dadka lagu daaweeyo kolka ay jirran yihiin. Qaar ka mid ah waxa ay leeyihiin saamayn daran, laakiin kol kasta waxa uu isticmaalkoodu u baahan yahay taxadar dheeraad ah. Qaar ka mid ah maandooriyayaasha daawo ahaan loo isticmaalo waxa ay u baahan yihiin in dhakhtar kuu qoro oo keliya, laakiin la ma ogala in aad isticmaasho haddii aan dhakhtar kuu qorin. Maandooriyayaasha jaadkan ahi waa bannaan yihiin oo cid xaaraamtinimaysay ma jirto. Jaadadkoodana waxaa ka mid ah:
Kaarjebis (Paracetamol): Kaarjebistu waxa ay qofka ka yaraysaa xumadda, laakiin haddii aad isticmaalkeeda badsato waxa ay dhaawac u geysataa beerka, isla markaana waa lagu maandoorsoomaa.
Dulindila (Antibiotic): Kolka dulinka jirrada keenay ka adkaado difaaca jidhkaaga baa qofka la siiyaa dulindilada si loo xoojiyo difaaca jidhka ee qofka jirran. Saa-maynteeda waxaa ka mid ah in dadka qaar ku xajiimoodaan, sidoo kale haddii aad badsato isticmaalkeeda waxa ay hawlgab ka dhigtaa difaaca jidhkaaga. Unugyada dhiiga cad ee difaaca jidhka baa hawlgab noqonaya.
Maandooriye Madadaalo (recreational drugs): waa maandooriye loo isticmaalo madadaalo ahaan, rayrayn, waqti lumin, iyo in aad caajiska, juucjuuca, iyo wahabka iska qaado. Dhammaan maandooriyayaasha loo isticmaalo madadaalada waxaa ku jira maaddada la yidhaahdo Kaafiin (caffeine). Maandooriyayaasha maaddada kaafiinka laga helo waxaa ka mid ah Shaaha iyo Bunka (coffee). Maandooriyayaasha jaadkan ahi waa bannaan yihiin oo cid xaaraamtinimaysay ma jirto. Isticmaalkooda badani waxa uu sababi karaa wadane xanuun, xab laabta iyo dhuunta ku urura oo fadhiista, iyo hurdo la'aan.
Maandooriyayaasha Halista ah (illegal drugs): waa maandooriye nafta halis gelin kara oo saamayntooda tooska ahi aad u sarayso. Qofka qaayiba ka ma fuqi karo haddii uu damco in uu iska joojiyo. Maandooriyayaasha halista ahi waxa ay burburiyaan nolosha qofka iyo qoyska. Haddii qofku qaayibo waxa uu keliya oo raadiyaa waa maandooriyayaasha, taas oo sababta xadtooyo, noloshaada oo aad maamuli kariweydo, iyo hoylaawenimo waayo kolkaad kirada guryaha bixinweydo waa lagaa saarayaa. Dhanka caafimaadka waxa ay keenaan cudurro badan oo geeri degdeg ah sababi kara. Maandooriyayaasha jaadkan ah waa xaaraam dhanka Islaamka iyo dhanka gaaladaba. Maandooriyayaasha halista ah waxaa loo qaybiyaa afar kooxood oo kala ah:
1. Kooxda 1aad: Jaadka koowaad ee ugu halisaysan waxaa ka mid ah heeroowiin (heroin), kookeeyn (cocaine), ektasii (ecstasy). Kooxda 1aad waxaa la isku yi-dhaahdaa xashiishad, isla kolkaana waxa ay sababaan maan gedmasho weyn, beerka oo kolba fad ku soo dhaco, maskaxdoo dilaanta, geeri degdeg ah, iyo in aad khayaali ku noolaato.
2. Kooxda 2aad: Jaadka labaad xagga halista waxaa ka mid ah amfetamiinada (amphetamines). Kooxda labaad waa jaad kale oo xashiishadaha ka mid ah, laakiin dhanka hawirrida nafta waxaa la odhan karaa wax yar bay ka agab sokeeyaan kooxda koowaad. Qofku kolkuu isticmaalo waxa uu dareemaa rayrayn, maan gedmasho, dhaqdhaqaaq badan, heer kulka jidhkoo kordha, jaynaf ama engeg, iyo waxyaalaha halista ah oo aannu ka cabsan.
3. Kooxda 3aad: Jaadka saddexaad xagga halista waxaa ka mid ah kaanabis (can-nabis). Kooxda saddexaad waa maandooriyayaal laga helo jaadadka cawska, isla kolkaana waxa ay sababaan dhammaan xanuunada sigaarku keeno ay ka mid yihi-in: Xiiq (bronchitis), Dhiigxinjirow (thrombosis), Kalxidhan (angina), xanuunka wadane ku soo boodka (heart attack), qalal (strokes), dheeha jidhka, ilkaha iyo faraha oo isbedela, xajiin, madax-xanuun, qufac, dhuun xanuun, diidid, neefta qaadashadeeda oo ku dhibta, juucjuuc, iyo xusuusta oo aad siidayso.
4. Kooxda 4aad: Jaadka afraad xagga halista waxaa ka mid ah nikotiin (nicotine). Jaadka afraad waa maandooriye laga helo khamrada. Qofka qaayiba kama fuqi karo, isla kolaana waxaa dilaama oo khalkal gala maanka iyo habka dhiig wareega ee jidhka. Sidaas darteed waxa aad aragtaa qofka khamrada cabba oo dhacdhacaya. Dhanka caafimaadka waxa ay qofka berinsada u sababtaa maan gedmasho weyn, beerka oo marba fad soo dhaco, maskaxdoo dilaanta, iyo geeri degdeg ah.
Dhammaan maandooriyayaashu waxay burburiyaan nolosha qofka, qoyska iyo bulshada; waayo qofka qaayiba waxa uu ka dhacayaa dawga nolosha oo dhan. Haddii qofku dawga seego waxaa lumaysa in uusan masuuliyad qaadi karin. Qofku waxa uu noqonayaa xubin bulshada ka mid ah oo fantowdey ama xumaatay.
Qore - Cabsisalam Maxamed Xuseen