By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: July 24, 2025
GARASHADA SUUBBAN
Marka dadku halmaamaan adeegsiga afkooda waxaa ka dhasha in erayada qaarkood si gedmasho ah ama khaldan loo adeegsado. Dood dhex martay barayaal manhaj qorayey baa ku dooday in ujeeddada casharka lagu bilaabo in ardaygu fahmo nuxurka casharaka iyo waxqabadyada oo ka shaqeeyo. Qaar ka mid ah barayaashii baa ku dooday in aan ujeeddada casharka loo adeegsan karin erayga fahan, hase yeeshee ay ka habboon tahay in la adeegsado erayga garto. Kolkii la weydiiyey maxaa ku diidan tihiin erayga fahmo? Waxa ay ku yidhaahdeen erayga fahan waa uu ka xeel dheer yahay erayga garasho oo loo ma adeegsan karo ujeeddada casharka. Halkaas waxa aynu ka arkaynaa in barayaashaa ay ka maqan tahay aqoonta afka hooyo. Sidaas awgeed waxa aynu wax weyn ka iftiiminaynaa erayga garasho.
Erayga fahan waa eray Carabi ah oo la macno ah kas ama kasmo oo Soomaali asal ah. Sidoo kale waxa uu erayga garasho afka Carabiga ku noqonayaa fiqi ama faqiihnimo. Nebigeena korkiisa naxariis ha ahaatee waxaa laga soo tebiyey in uu yidhi: "Qofkii Allaah kheyr la doono waxa uu garansiiyaa Diinta Islaamka." Halkaas waxa aynu ka kasaynaa in garashadu ka xeel dheer tahay fahanka. Garashadu waa xilkasnimo. Garashadu waa qofka ama bulshada oo garata sida ififaalaha carro-edeg u socdaan. Tusaale ahaan, cashar laguu dhigay in uu kaa dhaadhaco waa fahan, laakiin in aad wax dadka dhibaya jidka ka leexiso ama ka qaado waa garasho. In aad xoolaha sida loo dhaqo taqaan waa fahan iyo xirfad, laakiin in aad neefka jirradu soo hayso ogaato waa garasho. Cudur in uu ku hayo waa fahan, laakiin in aad ogaato jaadka cudurka ku haya iyo meesha rasmiga ah ee lagaa hayo waa garasho. War laguu sheegay in aad ujeeddadiisa wax ka ogaato waa fahan, laakiin in aad qofka dareenkiisa hoose ogaato waa garasho. Wax muuqda waa la fahmaa, laakiin waxa dahsoon waa la gartaa. Intaasi waa tusaalayaal kala saaraya labada eray ee garasho iyo fahan.
Bulshooyinka adduunku waa ay ku kaladuwan yihiin garashada. Garashada waxaa alkuma oo qaabeeya deegaanka qofku ku nool yahay iyo saamaynta ka imaanaysa deegaamada ku xeeran ee ay xidhiidhka iyo falgalka leeyihiin. Garasho kasta waxa ay ku salaysan tahay deegaan, diin, dhaqan, iyo caadooyin gaar ah. Deeganka guud ee Geyiga Soomaalida waxa uu si toos ah iyo si dadbanba u qaabeeyey garasho wadareedka bulshada. Haddii Eebbe idmo waxa aynu isha marindoonaa raadka muuqda ee deegaankeenu kaga tagey ama ku reebay garashada iyo garaadka hadda jira ee dheefta iyo dhalliilaha badan.
Ugu horreyn Soomaalidu waa xoolo dhaqato ku nool dhul aan biyo badan lahayn oo baadkiisuna xigo lammadegaan. Lammadegaan xigeenkaasi waxa uu qaabeeyey qaab dhismeedka qofka Soomaaliga ah, dhixirkiisa (dabeecaddiisa), iyo garashadiisa. Biyo yaraantu waxa ay ka dhigtay dhaqaalihiisa mid ku tiirsan xoolaha nool, gaar ahaan kuwa aan nugulka ahayn ee geela iyo idaha. Saamaynta xoolo dhaqashadu waxa ay ka dheeraysay beeraha iyo waxsoosaarka dhulka, iyo weliba xoolaha nugulka ah sida loââ¬â¢da oo laga helo deegaano gaar ah oo biyo joogto ah laga heli karo. Sidoo kale waxa uu dhulka lammadegaan xigeenka ahi qaabeeyey jidhka qofka oo ka dhigay mid dhuuban, fudud, socod sakatiya leh, isla markaana ay u fududahay geeddiga iyo guurguurku. Habdhaqanka jaadkaas ahi waxa uu qofka Soomaaliyeed ka dhigay mid kaadsigiisu yar yahay oo aan dulqaad lahayn. Sidoo kale waxa uu lammadegaanku qaabeeyey ama abuuray habdhaqan sal fudayd iyo negaansho laââ¬â¢aan ah. Inta badan qofka Soomaaliga ahi waa qof jidh fudud oo geeddigu u fudud yahay.
Inta badan waxa uu qofka Soomaaliga ahi u banbaxaa ama goob joog u yahay haliso badan oo uu ka filanayo deegaankiisa sida: geela oo laga qaado, naftiisa oo la soo weeraro, dugaag horor ah oo meel kaga soo baxa, xoolaha oo ka luma, iwm. Kuwaas oo dhammaantood uga baahan falcelin degdeg ah oo aan hubsiimo iyo kaadsi waqti badan lagu lumin karin. Isla markaana waxa uu ku qasban yahay in uu halisaha si kakan uga warceliyo. Dhammaan waxyaalahaas oo dhan waxa ay qaabeeyaan garashada qofka Soomaaliga ah.
Ilmaha Soomaaliga ah waxa uu sidoo kale ku dhalan jirey dhul aannay ka madhnayn haliso badan oo aqalka ama buul cawska ku weheliya sida: cayayaanka iyo halaqa. Halisaha ilmaha yar u banbaxi jirey ama inta uu nool yahay la kulmi jirey waxaa ka mid ah: jinac qaniina, dibqallooc qaniina, wiriiri qaniina, buuryogoys qaniinta, abeeso cunta, masas cuna, iwm. Kuwaas oo dareenkiisa u xanuujin jirey si aannu filanayn. Had iyo goor waxa uu ilmaha yar ku baraarugsanaan jirey filashada xanuunka iyo ka falcelin degdeg ah. Sidoo kale waxaa ilmaha yar lagu carbin jirey habdhaqanka guud ee bulshada kaas oo inta badan ku salaysnaa salfudayd, kaadsi la'aan, sakati, iyo falcelin degdeg ah.
Sidaas awgeed waxa uu deegaanku ka dhigay dad leh habdhaqan socod oo geeddi joogto ah iyo guurguur ku jira. Taasi waa arrinta keentay in ay dhul ballaadhan isku fidiyaan iyaga oo aan tiro ahaan badnayn. Deegaanku waxa uu kale oo qaabeeyey garashada Soomaalida oo geela ugu dhejiyey qiimo aad u weyn sidaas darteed waxa uu geelu u taagan yahay astaanta qiimaha ee wax kasta. Geelu waxa uu daboolaa dhammaan baahiyaha aasaasiga ah. Caanaha geela waxa ay ka helaan dhammaan nafaqada jidhku u baahan yahay, ad-adayg, iyo ragannimo. Ragannimada oo ahayd cududda bulsho ee u diyaarsan halisaha mar kasta la filanayo iyo hiilka tolka oo gar iyo gardarro kii uu doonaba ha ahaadee waxa ay ku noolaayeen oo jiscin iyo sahay ka dhigan jireen geela. Mar haddii ay tahay in degdeg loo falceliyo oo aan waqti loo hayn gar eegis iyo kulan lagu gar naqsado waxa uu geelu ahaa kan ay saabaanka iyo salabka ku qaataan, kan ay maalaan, kan ay qashaan, kan ay ragannimadooda ku muujiyaan, kan ay ka guursadaan, iwm. Sidoo kale waxa ay halisaha badan ee qofka Soomaaliga ahi la nool yahay ku dirqiyeen in tolku yahay garab aannu dhayalsan karin oo jiritaankiisu ku xidhan yahay.
Deegaanka Soomaalidu waxa uu qofka Soomaaliga ah u qaabeeyey in uu noqdo mid dirir joogto ah ku jira, dilku u fudud yahay, gacantiisu aannay wax badan ka dambeyn hadalkiisa, salfudayd, iyo kaadsi la'aan. Deegaanka Soomaalidu waxa uu jilicsanaanta iyo debecsanaanta ku macneeyey liidnimo. Sidaas darteed waxa uu deegaanka Soomaalidu ku macneeyey dumarka iyo wadaaddada wax liita. Deegaanka ay halisaha badan ka soo butaacayaan waxa uu baray muhiimadda isku tiirsanaanta intii isku dan ah oo aan waxba kala hagranayn. Taas oo habdhaqanka qofka Soomaaliga ah ka dhigtay mid had iyo goor nafta u hura jaalkiisa iyo cid kasta oo ay isku dan yihiin. Habdhaqanka Soomaalidu waxa uu mudnaanta siiyaa ragga, isla kolkaana waxa uu meel hoose dhigaa haweenka, wadaadada, iyo dadka la haybsooco. Iyagu waxa ay ku suntanaayeen astaamaha aan deegaanka ku habboonayn ee debecsanaanta iyo hagrashada halisaha u baahan muruq iyo cartan lagaga hortago. Sidaas bay ku abuurantay garasho wadareed ku salaysan dhaqan iyo caadooyin ka soo maaxdey deegaanka oo lagu soo noolaan jirey oo weli ah isha ay ka soo burqanayaan in badan oo ka mid ah garashadeenna maanta.
Tusaalayaashu waxa ay soo bandhigeen kala duwanaanshaha erayada fahan iyo garasho. Haddii Allaah idmo waxa aynu soo qaadanaynaa caddaymo taageeraya oo dhaqan iyo suugaan ah. Ugu horrayn waxa Soomaalidu ku maahmaahdaa: "Tol waxaa la isugu yahay nin gooman garashadiis iyo nin gefsan qabashadiis." Maxamed Ibraahim Hadraawi oo gabay tiriyey waxa uu yidhi:
Garashadu hadday ruux la tahay suu u garanaayo
Garaadkiisu suu qabo haddii loola garanwaayo
Gardaruu u qaataa ninkii yidhi garaadkiise
Xaajadu kolkay goboââ¬â¢da iyo gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu gole ka fuulaaye.
Soomaali oo dhan waxa ay fahansan yihiin dhibaatooyinka qabiilka iyo qabyaalada leeyihiin, laakiin waxa ay garan la'yihiin sidii ay isaga daynlahaayeen. Biyaha fadarada ah ee lagu daadiyo guryaha hortooda waxa aynu fahansan nahay in ay xun yihiin, laakiin waxa ay garanweyney sidii looga daynlahaa. Arrimaha Soomaalida oo dhan waxaa ka maqan garasho. Garashadu waa fahanka qofka oo horumar sameeya. Garashadu waa aqoon durugsan, dareen hoose, xirfad tisqaaday, iwm.
Soomaalidii hore waxa ay odhan jireen nolosha qofku ama bulshadu u baahan tahay waa shan qaybood oo kala ah: garasho suubban, geyi hanti ah, garsoor aan eex lahayn, guur habboon, iyo guuyo qiimo leh.
Garasho: Garasho suubban waxaa la yidhaahdaa kolka qofku ama bulshadu kulansato maan fayow, murti taabaqaaday, iyo buuni aqooneed. Soomaalidii hore kolkii ay gar naqaan iyaga oo adeegsanaya maankooda iyo murtidooda, laakiin ay filayaan in buuni aqooneed ka dhimman tahay waxa ay ku maahmaahi jireen: "Allahayow aqoon la'aan hana cadaabin, gar eexana ha nooga tegin."Â
Geyi: Geyigu waa dhulka hantida ah ee bulsho lihi ka taliso. Qarnigii 19aad kolkii gumaystayaashu damceen in ay Geyiga Soomaalida soo degaan, waxa ay badda dhexdeeda kaga saxeexeen dhowr arrimood oo ay ka mid ahaayeen: In aan dumarkiinu geyigayaga ku dhali karin, in aad ogaataan in aydaan geyiga lahayn, in hantida aad ka dhistaan adinku lahayn, in aydaan dhaqankiina geyigayaga ku faafin karin, in aydaan dhaqankayaga iyo diintayada faragelin, iwm.
Garsoor: Garsoor aan eex lahayn waxaa asal u ah in la helo maamul garsoor suubban oo dhibbanaha iyo eedaysanaha eex la'aan ugu garqaada. Dhaqanka Soomaalida waxa aad ka helaysaa murti badan oo muujinaysa muhiimadda garsoorku lahaa, tusaale ahaan, gartu haddii ay Qorraxooto guurtiday hadhsataa, haddii ay harraadana maragay ka cabtaa, haddii ay daashana runtay ku nasataa. Garsoorka wanaagsan warkiisu meel dheer buu ku dhacaa sida garsoorihii Ina Sanweyne, garsoorka xuna ma guulaysto.
Guur: Guur habboon waxa ay Soomaalidu u taqaaney guurkoo hiddaraac ah. Hiddaraac waxaa looga jeedaa in gabadha lagu guursado aqoon loo leeyahay hooyadeed iyo reerkooda. Guur hagaagey waxa ay Soomaalidu kaga maahmaahday: Nin maalin ma gaadhid, ninna weligaa ma gaadhid, ninna sannad ma gaadhid, ninka kaa gaadiid fiican ama kaa faras dheereeya maalin ma gaadhid. Ninka kaa qorshe fiican ama sannadkaa xoolihiisu daaqeen meel ka fiican meesha xoolahaagu daaqeen sannad ma gaadhid. Ninka kaa naag fiicana weligaa ma gaadhid.
Guuyo: Guuyo waxaa la isku yidhaahdaa saddexda meesi ee Soomaalidu dhaqato oo kala ah: ishin, adhi, iyo gammaan. Tacabkooda iyo haysashadooduna waxa ay lahayd hilin loo maro oo lagu yeesho. Dhaqanka Soomaalida ku ma jirin in qofku guuyo yeesho isaga oo tacab u soo marin. Sidoo kale waxaa dhaqanka Soomaalida ka reebanaa in guuyada jid booli ah lagu hanto. Xoolaha in jid weecsan lagu helo waxa ay soo bilaabantay intii gumaysigu Soomaalida soo dhexgalay. Guuyada Soomaalida waxaa ugu qiimo badnaa fardaha, waxaa ku xigey geela, iyo lo'da. Guuyada oo jid weecsan lagu kasbado waxa ay soo bilaabantay kolkii dhaqankii burburay, isla kolkaana qabyaaladii miciin noqotay.
Laga soo bilaabo ilaa xilligii gumaysigu soo galeen dalkeena oo dhaqan burburku bilaabmay ilaa hadda, waxa ay shanta qodob ee nolosha bulshadu u baahan tahay soo mareen afar heer oo kala ah:
Garashada iyo gumeysiga ka hor: Garasho suubban oo dhaqankeena iyo diinteena ku salaysan ayaa la raaci jirey. Geyigeena waxaa ka talin jirey nin leh iyo guurti bulsho oo gar eexana la ma naqi jirin. Guurkuna waxa uu ahaa hiddoraac. Guuyada waxaa ugu qiimo badnaa faraska.
Garashada iyo xilligii gumaysig: Garasho suubban oo la gumaysto ayaa la raaci jirey. Geyigeenana waxaa ka talin jirey nimaan lahayn. Gar eexo oo la isku la yaabo baa kowsatey. Guurkii waxa uu noqday in qurux la isku raaco. Guuyadiina waxaa ugu qiimo batay geela.
Garashada iyo Xilligii gumaysigu baxay iyo dawladihii Soomaalida ee ka dambeeyey: Bulsho garasho fiican oo ay hoggaaminayeen siyaasiyiin mabda' reer galbeed iyo garasho dool ah xambaarsan. Geyiga oo xor ahaa, laakiin dhaqanka iyo hannaanka dawladdu dool ahaayeen. Gar eexoo iyo laaluush la isku raacay. Guurkii oo afgarasho keliya noqday. Guuyadii oo dameerku ugu fiicnaaday maxaa yeelay faras warkiis waa laga baxay, geelna wiilashii ilaalin jirey magaalo ayey galeen, dameer ayaa gaadhi magaalo noqday (gaadhidameer) oo biyihii lagu dhaansaday magaalo iyo miyi.
Garashada iyo Xilligii qaranjabka Soomaaliya: Garasho fiican waa la diidey oo waa la kasiwaayey. Geyigii oo kii lahaa iyo mid aan lahaynba la boobay. Gartii oo la diidey in loo fadhiisto. Geyaankii oo is diidey, guurkii oo yaraaday, galmoboolidii oo badatay, iyo guuyadii oo warqadi ugu qiimo badan tahay. Warqaddu waa lacagta.
Dhammaan arrimaha Soomaalida waxaa ka maqan garasho suubban. Tolalku garasho suubban ma leh, oday dhaqameedku garasho suubban ma leh, wadaadku garasho suubban ma leh, aqoonyahanku garasho suubban ma leh, siyaasigu garasho suubban ma leh, baruhu garasho suubban ma leh, ardaydu garasho suubban ma leh, aabbuhu garasho suubban ma leh, hooyadu garasho suubban ma leh, dhallinyaradau garasho suubban ma leh, iwm. Waxaa hubaal ah in aynu nahay bulsho duntey oo garashadii ka luntay. Garashada luntay waa tii saxda ahayd.
Maxamed Ibraahim Hadraawi oo la hadlaya gabadh uu ku metalayo gabdhaha Soomaalida waxa uu yidhi:
Garashadu Sahraay ruuxa
Sed u gaar ah weeyaane
Hadduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluugeedu.
Abwaanku waxa uu ka hadlayaa haddii qofka Allaah siiyo garasho suubban qurux ma leh diidmadeedu. Abwaanku waxa uu leeyahay ma jirto wax Eebbe bixiyo oo garasho ka qaalisan ama ka qurux badan. Dadka Soomaaliyeed waxa aan Allaah uga tuugayaa in uu siiyo garasho suubban si ay dhibaatada uga baxaan, laakiin ogow hal booli ah nirig bannaan ma dhasho. Garasho suubban oo bannaan ama xalaal ah waxa ay ku timaaddaa booli ka fogow.