+252 90 4048010

taariikh

MILICSIGA NOLOSHII NEBI IBRAAHIIM [SCW]

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: July 05, 2026


MILICSIGA NOLOSHII NEBI IBRAAHIIM [SCW]


Muddo lagu qiyaasay dhowr kun oo sanno ka hor, waxaa magaalo la odhan jirey Uur ku noolaa wiil yar oo la odhan jirey Ibraahiim. Magaalada Uur waxa ay ku taaley dooxada webiga Furaat ee dalka Ciraaq, dadka degaanaa magaalada Uur, waxaa qoladooda la odhan jirey Sumeyriyiin. Waagii hore waxa ay dadka Uur caabudijireen Allaah (sw), laakiin waxa ay muddo ka dib ka leexdeen diintii saxda ahayd ee ay Allaah (sw) ku caabudi jireen. Sidaas darteed waxa ay bilaabeen in ay caabudaan sanamyo. Sanamyadu waa sawiro suuradda Aadamaha leh oo laga qoro dhirta, dhagxaanta caadiga ah, biraha, macaadinta, dhagxaanta qaaliga ah, ama dhoobada.

Ibraahiim isaga oo wiil yar ah, waxa uu fahmiwaayey sababta tolkii u caabudayaan sanamyada, gaar ahaan waxa uu Ibraahiim aad u la yaabanaa aabbihiis oo isagu ka mid ahaa ragga farshaxamiinta ah ee gacanta ku qora sanamyada. Ibraahiim waxa kale oo uu aad ula yaabay aabbihiis oo sanam gacanta ku qoray, oo haddana Ilaah la caabudo ka dhiganaya. Ibraahiim waxaa aabbihii lagu naanaysijirey Azara, laakiin waxaa magiciisa runta ah la odhan jirey Taarix ibnu Naaxuur. 

Ibraahiim waxa uu mar kasta ka soo horjeedey, in uu ku soo xidhmo tolkiis, marka ay caabudayaan sanamyada iyo xafladahooda diiniga ah. Sidaas awgeed waxa uu Ibraahiim xilliyada cibaadada aadi jirey magaalada oo meel cidla' ah fadhiisan jirey, isaga oo ka fekeraya samooyinka iyo uunka ku xeeran. Ibraahiim waxa uu hubey in waxa tolkii samaynayaan ay khaldan tahay, sidaas darteed waxa uu Ibraahiim keligii baadhi jirey dawga ama jidka runta ah.

Habeen caddo ah waxa uu Ibraahiim fadhiistay meel bannaan, isaga oo ku dhaygagsan Cirka. Ibraahiim waxa uu arkay xiddig qurux badan oo widhwidhaya, Ibraahiim waa yaabay, isaga oo leh alla xiddigu qurux badanaa! Ibraahiim waxa uu yidhi: Waxaa laga yaabaa in xiddigani yahay Allaah (sw) waayo waxa uu Ibraahiim raadinayey Allaha (sw) runta ah ee dunida iyo waxa ku dhex uuman abuuray, maamula, nooleeya, dila, isla markaana wax irsaaqa. Ibraahiim waxa uu habeenkii oo dhan fiirinayey xiddigii ilaa uu ciiray oo ka dhacay. Ibraahiim, isaga oo ka xun xiddiga dhacay ee uu Allaah (sw) u maleeyey waxa uu yidhi, "ingu ma jecli walxaha dhaca."

Ibraahiim waxa uu weedhaha kore uga jeedaa in haddii walaxdu dhacdo aannay noqon karin Allaha (sw) runta ah ee dunida iyo waxa ku dhex uuman abuuray, sidaas darteed waxa uu Ibraahiim qirtay in uu Allaah (sw) ku gaboodfalay oo gef sameeyey. Haseyeeshee waxaa is weydiin leh: Maxaa Ibraahiim ku igbaarey in uu Allaah (sw) ku sheego xiddig? Jawaabtu waxa ay tahay in uu Ibraahiim ka dhashay qolo haysato diin khuraafaad ah oo aan caabudin Allaha (sw) runta. Ibraahiim waxa ay qoladiisu haysan jireen waxyaalo ay ka soo gaadheen Diintii Nebi Nuux, laakiin waxa ay muddo ka bacdi ka leexdeen jidkii runta ahaa ee Diintii Nebi Nuux faraysey iyo kuwii ka dambeeyey ee Huud iyo Saalax. Sumeyriyiinta laftoodu waxa ay ka soo ka soo jeedaan Reer Samuud. Sidaas awgeed waxa uu Ibraahiim dhashay iyada oo dadkiisu aad u lunsan yihiin oo ay caabudaan sanamyo, arrintaas oo dhaxalsiisay in uu garanwaayo Allaha (sw) runta ah ee dunida uumay. Sidoo kale waxa uu Ibraahiim ahaa wiil yar oo aan cidi toosin, laakiin waxa uu Allaah (sw) ku abuuray ilhaamin suubban.

Habeen kale oo caddo ah waxa uu Ibraahiim Fadhiistay meel bannaan isaga oo ku dhaygagsan Cirka. Ibraahiim waxa uu arkay Dayaxii oo soo baxaya. Ibraahiim waa uu yaabay isaga oo leh alla Dayaxu weynaa oo iftiin badanaa! Ibraahiim waxa uu yidhi: Waxaa laga yaabaa in Dayaxani yahay Allaah (sw). Ibraahiim wuxuu habeenkii oo dhan sugayey dayaxii illaa uu ciiray oo ka dhacay. Ibraahiim, isaga oo ka xun Dayaxa dhacay ee uu Allaah (sw) u maleeyey waxa uu yidhi, "Haddii aan Allaah (sw) jidka runta ah igu hannuunin, waxaa dhab in aan ka mid noqonayo dadka lunsan ee jidka Allaah (sw) ka leexday."

Ibraahiim waxa uu maalin labaadii arkay Qorrax qurux badan oo aad u weyn oo ka soo baxaysa dhinaca bariga. Ibraahiim waxa uu go'aansaday in Qorraxdu tahay tan ugu weyn isla markaana ugu iftiinka badan waxa kownka jooga oo dhan. Markii ay Qorraxdii dhacday waxa uu Ibraahiim tolkii ku yidhi: Tolkayow waxa aan ka nadiif ahay shirkiga aad Allaah (sw) u samaynaysaan. Markii hore waxa uu Ibraahim u malaynaayey in Qorraxdu tahay Allaaha (sw) runta ah ee kownka (universe) uumay. Laakiin waxa uu Ibraahiim galay gefkii saddexaad ee uu Allaah (sw) u maleeyo wax aannu ahayn. Galabtii markii ay Qorraxdii dhacday waxa uu Ibraahiim garawsaday in Allaah (sw) yahay kan dunida ugu awoodda iyo cilmiga badan ee abuuray xiddigaha, Dayaxa, Qorraxda, dhulalka, cirarka, waxyaalaha ku dhex nool, waxyaalaha inta u dhexaysa ku nool iyo waxyaalaha carrada hoosteeda ku nool. Durbadiiba waxa uu Ibraahiim dareemay xasilooni iyo nabadgelyo; waayo waxa uu gartay Allaha (sw) runta ah ee kownka ka jira iyo waxa nolosha asalkeedu yahay. In Ibraahiim Allaah (sw) garto waxaa la odhan karaa waa ilhaamin xag Allaah (sw) ka timid.

Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu Ibraahiim Aabbihii iyo tolkii weydiiyey: Waa maxay waxa aad caabudaysaan? Aabbihii iyo tolkii waxa ay ugu jawaabeen: Waxa aannu caabudaynaa waa sanamyo? Ibraahiim waxa uu mar labaad aabbihii iyo tolkii weydiiyey: Marka aad tuugaysaan sanamyadiinu ma idin maqlaan? Wax ma idin yeeli karaan? wax dhib iyo dheef leh ma idiin tari karaan? Aabbihii iyo tolkii waxa ay ugu jawaabeen: Sanamyadu nama maqlaan, waxna nama yeelikaraan, dhib iyo dheefna midna kama helno; laakiin waxa aannu ka soo gaadhney aabbayaashayo oo sida aannu samaynayno samaynaya.

Ibraahiim waxa uu mar kale aabbihii iyo qolodiisa ku yidhi: Waxa aad caabudaysaan idinka iyo aabbayaashiinba waa cadowgayga, laakiin waxa aan  cadowgayga ahayn Allaha (sw) runta ee koownka uumay. Allaahaas (sw) oo ah kan i abuuray, jidka runta igu hannuuniyey, kan i quudiya, kan i waraabiya, kan i caafimaadiya marka aan jirrado, isla markaana aan xagiisa u noqondoono marka aan dhinto. Allaah (sw) waa kan dib ii soo noolaynaya mar labaad, isla markaana waxa aan Allaah (sw) ka rajaynayo in uu iga dhaafidoono denbiyadayda.

Dadkii degganaa magaalada Uur waxa ay u baxeen bannaanka magaalada iyaga oo gudanayo ciid ay u samaynayeen Ilaahyadooda. Ibraahim waxa uu cadho xoog leh u qabey sanamyada ay tolkii caabudayeen sidaas darteed waxa uu tolkiis u dabamaray meelihii ay sanamyadooda ku caabudi jireen. Ibraahiim waxa uu soo qaatay oo uu askaaxaha ka dhigay dhammaan wixii sanamyo yaaley, laakiin waxa uu dhaafay sanamkii ugu weynaa oo uu gudintii qarqarka u sudhay. Markii ay dadku magaalada ku soo noqdeen waxa ay arkeen waxa sanamyadoodii ku dhacay iyaga oo aad u la yaaban qofka sidan u galay sanamyadoodii waxa ay is weydiiyeen: Waa kuma midka sidan u galay sanamyadeenii? Qaar ka mid ahaa dadka ayaa waxa ay sheegeen in wiil yar oo la yidhaahdo Ibraahiim uu wax ka sheegi jirey sanamyada.

Duqeydii magaalada Uur waxa ay go'aan ku gaadheen in Ibraahiim la soo qabto oo dadka la soo hor taago. Markii Ibraahiim la soo taagey dadka hortiisa waxaa la weydiiyey: Adiga miyaa Ilaahyada burburiyey Ibraahiimow? Ibraahiim waxa uu ku jawaabey: Maya ee waxaa burburiyey kan sanamyadiina ugu weyn ee bal weydiiya haddii uu hadli karo. Dadkii way argagaxeen oo waxa ay ku jawaabaan ayey garanwaayeen markii Ibraahiim hadalkaas yidhi waayo waxa ay ogaayeen in aan sanamyadoodu hadli karin. Ibraahiim waxa uu tolkiis ugu warceliyey ma waxaad caabudaysaan wax aad gacantiina ku qorteen oo idinka iyo iyagaba Allaah (sw) abuuray? Ibraahiim isaga oo hadalkiisii wata waxa uu yidhi ma waxaad caabudaysaan wax aan dheef iyo dhib midna idiin lahayn. Ibraahiim isaga oo tolkii waaninaya waxa uu ku yidhi: In aad Allaah (sw) caabudaan oo waxyaalaha uu idinku waajibiyey aad raacdaan ayaa idiin kheyr badan haddii aad tihiin kuwo og. Haddii aydaan sidaas yeelin waxaad ogaataan in aan aakhiro wax nasiib ah idiin jirin.

Dadkii magaalada Uur waxa ay go'aan ku gaadheen in Ibraahiim la ciqaabo oo weliba la mariyo ciqaab jirta mida ugu xun. Ugu dambayn waxa ay dadkii magaalada Uur isku raaceen in Ibraahiim dab lagu gubo maalin madal ah oo boqorka iyo dadka oo dhammi joogaan. Meesha lagu gubayana waxaa loo qoondeeyey in ay noqoto faras magaalaha Uur. Markii muddo dheer la ururinayey xaabadii Ibraahiim lagu gubi lahaa waxaa Ibraahiim la fadhiiseyey badhtanka goobta lagu gubilahaa isaga oo xadhig ku xidhxidhan. Dhinac kasta waxaa Ibraahiim kaga meegaaraa ood dheer oo xaabo ah. Isla ammintaas waxa ay dadka magaalada Uur dhinac kasta lbraahiim kaga shideen dabkii si durbadiiba olol isu qabsado. Muddo yar ka dib waxaa cirka isku shareeray ololkii dabka, weliba waxaa la sheegaa in dambaabudhada ka soo duulaysey dabka ay gubaysey dadkii daawanayey gubista Ibraahiim oo hal kiilo mitir u jirey. Markii ay dadkii magaalada Uur u maleegeen Ibraahiim jartaas waxa uu Allaahna (sw) u maleegay in ay dibindaabyadoodu noqoto hal bacaad lagu lisay. Sidaas awgeed waxa uu Allaah (sw) amarsiiyey dabkii Ibraahiim lagu shidayey ka hor intii uusan hurin oo is qabsan. Allaah (sw) waxa uu dabka ku yidhi, "Dabyohow baraf noqo oo waxaad nabadgelisaa Ibraahiim." Dabkii waxa uu qaatay amarkii Allaah (sw) oo Ibraahiim waxba ma yeelin; waayo waxaa dabka abuuray Allaah (sw) oo uu ka amar qaataa.

Dadweynihii magaalada Uur waxa ay sugayeen ilaa dabkii ka gamaaray si ay indhahooda ugu arkaan waxa Ibraahiim ku dhacay. Markii dabkii gamaaray waxa ay arkeen Ibraahiim oo aan xagtini gaadhin oo fadhiya goobtii dabku ku gamaaray. Durbadiiba way yaaceen iyaga oo ka argagaxsan mucjisada dhacday. Weliba waxaa nolosha Ibraahiim ka sii daraa iyada oo goobtii dabka lagu shiday uu ramaas ka soo baxay.

Ibraahiim waxa uu weli isku dayeyaa in uu aabbihii iyo tolkii u nasteexeeyo si uu cadaabta uga badbaadiyo. Ibraahiim waxa uu aabbihii ku yidhi: Aabbow ha caabudin oo waqtigaaga iyo cimrigaaga ha ku lumin mid aan awood lahayn, aan wax arag, isla markaana aan wax maqal. Aabbow waxaan kuu sheegayaa in Allaah (sw) waxyi iyo cilmi igu soo dejiyey sidaas awgeed waxa aan aabbow kaa codsanayaa in aad i soo raacdo si aan jidka runta ah kuugu hoggaamiyo. Aabow ha u shaqayn shaydaan iyo ubadka Ibliis. Laakiin waxaa nasiibdarro ahayd in Ibraahiim aabbihii Azara aannu dheg u jalaqsiin nasteexada wiilkiisa. Azara waxa uu wiilkiisii Ibraahiim ugu hanjabey in uu dhagax ku dilidoono haddii uusan ka tanaasulin diidmada iyo ceebaynta uu ku dhaleecaynayo Ilaahyada magaalada Uur. Sidaas darteed waxa uu Azara wiilkiisii amray in uu magaalada ka tago isaga oo ku yidhi, "Iga tag oo meel dheer iga joogso." Ibraahiim waxa uu aabbihii ku yidhi waa hagaag, Allaahna (sw) waxa aan kaaga tuugayaa in uu naxariistiisa kaa waraabiyo, sidoo kale waxa aan Eebbe kaaga tuugaya in uu kuu denbi dhaafo waayo waxa aan hubaa in Allaah (sw) yahay kan sarreeya ee adoomihiisa u naxariista.

Ibraahiim isaga oo ka cagataalaynaya xukunka aabbihii gaadhey oo ah in uu dhagax ku dillidoono ama in uu deegaanka reer Sumeyr ka tago waxa uu u xidhxidhay safar dheer isaga oo u luuday dhanka galbeedka ee beesha reer Sumeyr. Bal hadda waxa aad suuraysaa dhibaatada kugu soo wajan adiga oo qof dhallinyaro ah oo aabbahaa ku yidhi dhagax baan kugu dillayaa ama guriga iiga tag. Ibraahiim sidaas ayuu aabbihii, tolkiis, iyo baradii uu yaqaaney kaga tagey isaga oo u sii jeeda deegaan aannu cid ka aqoon, laakiin waxa uu Ibraahiim mar kasta yaqiinsana in Allaah (sw) illaalindoono inta uu safarka ku jiro isaga oo dareensan in Allaah (sw) la jiro.

Socdaal dheer ka dib waxa ay Ibraahiim iyo haweenaydiisii 'Saara' ee la socotey ugu dambayntii soo gaadheen meel dhacda qooriga Badda Dhexe ee u dhexaysa Afrika, Aasiya iyo Yurub oo la yidhaahdo Siinaay. Xilligaas waxaa Siinaay ka talin jirey Boqortooyadii Masaarada ee Fircooniyiinta. Intaas ka dib waxa ay Ibraahiim iyo haweenaydiisii degeen meel ka mid ah dhulka Falastiin ee hadda ay ka dhisan tahay magaalada barakaysan ee Qudus. Ibraahiim iyo haweenaydiisii waxaa Allaah (sw) u barakeeyey meeshii ay degeen oo maamuus iyo sharaf ku haysteen. Nebi Ibraahiim iyo haweenaydiisu waxa ay rajaynayeen in Allaah (sw) ubad siindoono si Diinta Nebi Ibraahiim u sii socoto, laakiin waxa ay nasiibdarradu ahayd in aannay ubad helin ilaa iyo muddo dheer. Ibraahim isaga oo xaaladaas ku sugan waxa uu booqday dhulka Masaarida oo ay ka talinaysey Boqortooyadii Fircooniyiinta. Nebi Ibraahiim waxaa la socotey haweenaydiisa oo ahayd mid aad u qurux badan. Boqorkii Faraaciintu waxa uu damaaciyey xaaskii nebiga, laakiin mar kasta oo uu xaggeeda soo aado waxa uu la kulmayey mucjiso yaab iyo argagax gelisey.  Markii uu arrintaas meel uu ka dhaafo waayey waxa uu boqorkii Nebi Ibraahiim ugu abaalgudey in uu siiyo gabadh u shaqaysa oo magaceeda la odhan jirey Hagar. Maalin maalmaha ka mid ah waxa ay Ibraahiim u soo jeedisey haweenaydiisii Saara in uu guursado gabadhii u shaqaynaysey ee Hagar, si loo helo ilmo diinta sii wada. Ibraahiim waxa uu durbadiiba qaatay taladii Saara u soo bandhigtay. Ibraahiim waxa uu halkaas ku guursadey gabadhii ka dhalatay qoyska reer boqor ee Masaarida ee magaceeda la odhan jirey 'Hagar.' Hagar waxa ay muddo yar ka dib Ibraahiim u dhashay wiil yar oo la odhan jirey Ismaaciil. Sidoo kale waxaa nasiib wanaag ahayd in muddo ka dib uu Allaah (sw) Ibraahiim ugu bishaareeyey in haweenaydiisii hore ee Saara ay wiil kale u dhalidoonto.

Sheekooyinka filka weyn ee Quraanku waxa ay inoo soo tebinayaan in habeen habeenada ka mid ah ay Ibraahiim u soo hoydeen laba nin oo aannu garanayn. Ibraahiim si uu martidiisa u sooryeeyo waxa uu u qalay dibi shilis (buuran). Markii uu hilibkii soo kariyey waxa uu Ibraahiim u keenay martidiisii si ay u cunaan. Nimankii martida ahaa waxa ay Ibraahiim ugu jawaabeen annagu cuntada (hilibka) ma cuno. Ibraahiim inta uu ka baqay nimankii ayuu waxa uu weydiiyey oo maxaad tihiin. Nimankii waxa ay ugu jawaabeen waxa aannu nahay malaa'ik Allaah (sw) oo u socota in aannu hiirta berito soo halaagno reer Qowmu Luud iyo in aannu adiga ku soo gaadhsiino bishaaro aannu xagga Eebbe kaaga wadney. Bishaarada aannu kuu wadney waxa ay tahay in Allaah (sw) wiil ku siindoono. Wiilka waxa uu Allaah (sw) kaa siindoonaa haweenaydaadii hore ee Saara. Saara oo maqleysey sheekada dhex martay Nebi Ibraahiim iyo malaa'ikta intay soo oroday ayey waxay tidhi: Ma aniga oo gaboobey oo weliba madhalays ah ayaan wiil dhalayaa? Malaa'iktii waxa ay ugu jawaabeen haa sidaas ayaa Allaah (sw) xukumay; marka Allaah (sw) rabo in uu wax abuurana way u fududahay oo waxa uu keliya oo odhanayaa ahow! Xilligaas waxa uu Ibraahiim nin gaboobey. Haweenaydiisa Saarana waxa ay ahayd duq gabowdey. Ugu dambayn waxa ay Saara dhashay wiil yar oo la odhan jirey Isxaaq.

Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim u waxyoodey in uu labadiisa xaas kala raro oo Hagar iyo wiilkeeda u raro Jasiirada Carabta. Sidoo kale waxa uu Allaah (sw) ku amray in Saara iyo wiilkeeda uu u daayo magaalada Qudus. Ujeeddada Allaah (sw) ka lahaana waxa ay ahayd in duriyada labadaas wiil ay ka soo bixidoonaan nebiyo badan oo sii wadidoona Diintii Nebi Ibraahiim. Sidoo kale waxa uu qorshahaasi ka mid ahaa qayb muhiim ah oo Allaah (sw) ku sii qorsheynayey mustaqbalka iyo meesha Nebi Muxammad ka soo bixidoono.

Ibraahiim isaga oo fulinaya amarkii Allaah (sw) waxa uu raray Haajara iyo wiilkeedii Ismaaciil. Ibraahiim iyo reerkiisii waxa ay fooda saareen dhul ku aaddan dhanka bariga ee dhulka Falastiin ee ay ku noolaayeen, iyaga oo u sii jeeda dhul aannay aqoon. Markii ay maalmo badan sii socdeen waxa ay ugu dambayn soo gaadheen waadiga Baka; waadiga Baka waxaa mari jirey jidka safarada ka yimaada ama u socda Yaman iyo safarada ka yimaada ama u socda Shaam oo ah dhulka hadda loo yaqaan Suuriya, Libnaan, Joordan, iyo Falastiin. Waadiga Baka waa waadi oomane ah oo aan biyo lahayn; isla markaana waa dhul aan ku habboonayn in la dego. Ibraahiim waxa uu haweenaydiisii u sheegay in uu waadiga Baka kaga tagayo, isla markaana waxa ay Hagar weydiisey: ma amar Allaah (sw) ayaad fulinaysaa in aad halkan nagaga tagto? Ibraahiim waxa uu ugu warceliyey, "Haa oo Allaah (sw) ayaa i amray in aan halkan ku dejiyo adiga iyo wiilkaaga." Hagar waxa ay ku tidhi, "Waa hagaag koley Allaah (sw) nama dayacidoono," iyada oo ku qanacsan Allaah (sw) qaybtiisa uu adoomaha wax kasta u qaybiyey.

Galabtii Ibraahiim ka dheelmaday Hagar iyo Ismaaciil waxa ay haysteen sibraar biyo ah oo keliya sidaas awgeed waxaa nasiibdarro ahayd in biyihii ay durbadiiba ka dhammaadeen waayo waxa uu dhulku ahaa dhul kulul oo biyaha aad loo cabbo. Hagar waxa ay ka baqday in wiilka yari haraad uga dhinto, markaa waxa ay bilowday in ay bidhaamiso wax biyo ah iyo cid ka taageerta dhibaatada haysata. Hagar waxa ay aragtay dhalanteed ay meel bannaan Qorraxdu ku samaysay oo biyo la moodo. Hagar waxa ay ku oroday meeshii dhalanteedku uga muuqanayey, laakiin waxaa nasiibdarro ahayd in ay ku hungowdey oo waxba weydey markii ay meeshii tagtay. Hagar waxa ay haddana ku soo carrartay meeshii Ismaaciil joogay iyada oo ka cabsanaysey in wiilka yar madaxkuti ka cunto. Markii ay Hagar ku soo laabatay wiilkii yaraa waxa ay haddana mar labaad aragtay biyihii dhalanteedka ahaa oo meeshii ka muuqda. Hagar waxa ay mar kale ku oroday meeshii biyuhu uga muuqdeen, laakiin waxaa nasiibdarro ahayd in ay ku soo hungowdey mar labaad. Hagar waxa ay haddana ku carartay wiilkii yaraa ee Ismaaciil. Hagar waxa ay toddoba jeer marna ku orodaa meesha biyuhu uga muuqdeen; marna waxa ay ku orodaa meeshii ay wiilka yar kaga timid. Markii toddobaad ee ay ku soo laabatay Ismaaciil waxa ay la kulantay iyada oo biyo ka soo buurqadeen meeshii uu lugta ku xoqayey markii uu ooyayey. Meesha ay Hagar ordaysey waxa ay u dhexaysey labada buureed ee aynu hadda u naqaan Safa iyo Marwa. Biyaha ay lugta Ismaaciil qodayna waxa aynu maanta u naqaan biyaha Zamzamka ee Masaajidka Xaramka ku dhexyaal.

Maanta waxaa dadka muslimiinta ah ee Xajka gudanaya ku waajib ah in ay toddoba jeer ordaan banka yar ee u dhexeeya labada buureed ee Safa iyo Marwa. In kasta oo ay arrintaasi tahay cibaado Allaah (sw) innagku waajibey haddana waxa ay muujinaysaa falkii hooyadeen Hagar ay samaysay markii ay dhibaataysnayd. Biyaha barakaysan ee maanta Xaramka ku dhexyaal waa biyihii Zamzamka ee lugta Ismaaciil qoday markuu ooyayey.

Hagar iyo wiilkeedii waxa uu Allaah (sw) u barakeeyey waadigii Baka waayo waxa ay biyihii ka iibin jireen dadka safarada ah oo ku nasan jirey Baka iyo reer guuraagii deganaa agagaarka waadiga Baka. Waagii dambe waxa ay meeshii noqotay magaalada Maka ee barakaysan. Ibraahiim waxa uu xilliyada qaarkood soo booqan jirey haweenaydiisa iyo wiilkiisa Ismaaciil.

NINKII LA DOODAY IBRAAHIIM

Allaah (sw) Isaga oo inooga sheekaynaya doodii dhexmartay Ibraahiim iyo Namruud Binu Kuush Binu Xaam Binu Nuux, waxa uu Quraanka ku yidhi, "Maxaad warkiisa ka og tahay kii Ibraahiim kala dooday Rabigiis, ka dib markii Allaah (sw) boqortooyo ballaadhan u dhiibey. Bal waxa aad xusuusataa markii Ibraahiim ku yidhi, Allaah (sw) waa kan wax nooleeya waxna dila. Markaas waxa uu Namruud yidhi, aniguba wax waa nooleeyaa waxna waa dilaa! Ibraahiim waxa uu ugu jawaabey, haddii Rabinimada aad sheeganaysaa ay run tahay waxa uu Allaah (sw) Qorraxda ka soo bixiyaa dhinaca bariga, adigu waxa aad ka soo celisaa dhinaca galbeedka (bogox). Markaa waxaa wareer ku dhacay gaalkii Ilaahnimada sheeganayey."

Culumada taariikhda waxa ay weriyaan in Namruud ahaa boqorkii u talin jirey wixii boqortooyooyin ka jirey Afrika iyo Aasiya xilligii Nebi Ibraahiim la soo diray. Ubucda boqortooyadiisu waxa ay fadhidey Shaam ilaa Baabil. Namruud waxa uu ahaa nin Ilaahnimo sheegtay oo kibrey. Ibraahiim iyo Namruudna waxa ay doodoodu dhacday markii Ibraahiim ka soo baxay dabkii lagu gubey isaga oo nabadqaba. Namruud waxa uu kale oo ka mid yahay afarta nin ee midba mar dunida oo idil ka taliyey. Afarta nin ee dunida ka taliyey waa labo mu'miniin ah iyo labo gaal. Labada mu'muniinta ahi waa Dulqarneyn iyo Nebi Suleymaan. Labada gaalna waa Namruud iyo Bukhtunasar. Boqortooyada Namruud waxa ay dunida guudkeeda ku waartay in ka badan afar boqol oo sanno.

Markii uu Ibraahiim ka soo baxay dhismihii dabka waxa uu dariiqa saxda ah ugu yeedhay Namruud, iyo in uu rumeeyo Allaaha (sw) isaga iyo dunida ku weegaaran abuuray. Namruud isaga oo diidan in uu qiro wax Allaah (sw) la yidhaahdo, waxa uu sheegtay in uu isagu yahay Allaaha (sw) xaqa ah ee ka jira dunida. Ibraahiim waxa uu ku yidhi, adigu ma tihid Allaah (sw), laakiin waxaa Allaaha (sw) xaqa ah lagu qeexi karaa in uu yahay kan wax nooleeya oo waxna dila. Namruud wuxuu yidhi: Aniguba wax baan noolayn karaa, waxna waa dili karaa. Namruud intuu labo nin u yeedhay ayuu midna diley midna siidaayey. Maalintaas waxa uu Ibraahiim Allaah (sw) weydiistey in uu tusiyo, sida Allaah (sw) u nooleeyo wax dhintay. Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim ugu war celiyey: Miyaadan i aamminsanayn! Ibraahiim waxa uu ugu jawaabey waan ku aamminsanahay, laakiin waxaa weydiintaas kuu warsaday in qalbigaygu ku xasilo. Allaah (sw) waxa uu Nebi Ibraahiim faray in uu soo qabto afar shimbirood oo hilibkooda iyo baalashooda qurbo; intaas ka bacdi waxa aad hilbihii oo isku qasan u qaybisaa afar qaybood. Qayb kasta waxa aad saartaa buur, ka dibna ugu yeedh idanka Allaah (sw) waxa ay kuu imaanayaan iyaga oo rooraya. Halkaas oo Ibraahiim indhihiisa ku arkay iyada oo xubin waliba qabsanayso xubinteedii. Si Ibraahiim u buriyo doodiisa beenta ah waxa uu gaalkii Namruud ku yidhi: Haddii aad tahay Ilaah waxa uu Allaah (sw) Qorraxda ka soo bixiyaa bari, bal adigu waxaad ka soo celisaa galbeed. Gaalkii Namruud waxa uu la wareeray awood darraantiisa iyo fashilaada ku dhacday Ilaahnimadii uu sheeganayey.

Dad badan oo dhegaysanayey doodii Ibraahiim iyo Namruud, waxaa u caddaatay in Namruud aannu ahayn Allaaha (sw) runta ah ee kownka uumay. Si Namruud ugu aarguto falka Ibraahiim ku sameeyey, waxa uu u soo diray farriin isaga oo ugu yeedhaya in uu rumeeyo Ilaahnimada Namruud. Nebi Ibraahiim waa diidey arrintaas. Haddana waxa uu mar labaad u soo diray farriintii oo kale, laakiin waxa uu Ibraahiim ugu warceliyey sidii tii hore oo kale. Mar saddexaad ayuu Namruud soo diray farriin saddexaad oo kuwii hore la mid ah. Ibraahiim waxa uu ku adkaystay diidmadiisii. Maalintii afraad waxa uu Namruud soo ururiyey ciidan badan, si Ibraahiim loo soo qabto. Markii ciidaankii u soo ambabaxeen in ay Ibraahiim soo qabtaan, waxa uu Allaah (sw) u soo diray walaxda ugu taagta darran ciidamada Allaah (sw) oo ah kaneeco. Ciidamadii Namruud oo dhan waxaa cunay kaneecadii, sidoo kale waxaa Namruud sanka ka gashay midh kaneeco ah. Keenacadaasi waxa ay sannado ku noolayd madaxa Namruud iyada oo nool. Namruud waxaa laga la quustay dhakhtar kasta si kaneecadaas looga soo bixiyo, laakiin waa lagu guuldaraystay. Namruud waxaa madaxiisa lala dhici jirey budhadh si kaneecadu uga soo dhacdo. Ugu dambayn waxaa aad u bararay madaxii, sidaas awgeed waxa uu go'aan ku gaadhey in madaxa laga gooyo oo mid dahab ah loogu bedello. Intaas ka dibna waa uu dhintay isaga oo ay fashilantay Ilaahnimadii uu sheeganayey.

Soomaalida oo lagu yaqaan murti badan waxaa arrinta Namruud ka gabyey nin Soomaaliyeed oo yidhi, "Gaalkii sarkhaamee Allaaha (sw) saatirka ah sheegtay. Kaneecaa sanka u gashay oo laga sancaynwaaye."

SHEEKADII QAWRACA ISMAACIIL

Allaah (sw) waxa uu Quraanka inoogu sheegay in Ibraahiim yidhi, "Waxaan u aadayaa xagga Rabigay si uu ii hannuuniyo." Sidoo kale waxa uu Ibraahiim Allaah (sw) weydiistey in uu u hibeeyo ilmo suubban. Allaah (sw) Isaga oo ducadiisii ka aqbalay waxa uu Ibraahiim ugu bishaareeyey wiil dulbadan. Wiilka Ibraahiim loogu bishaareeyey waxa uu ahaa Ismaaciil. Markii wiilkii korriin gaadhey waxa uu Ibraahiim riyo ku arkay iyada oo la leeyahay wiilkaaga gawrac. Ibraahiim in uu arrintaas fuliyo waa uu iska indhatiray, laakiin waxaa habeen kasta ku soo noqnoqonaysey riyadii ahayd in uu wiilkiisa gawraco. Ibraahiim isaga oo yaqiinsan in riyada nebiyadu run tahay waxa uu wiilkiisii Ismaaciil u sheegay in uu riyo ku arkay iyada oo la  farayo in uu Ismaaciil gawraco. Ismaaciil isaga oo u baarinimo falaya aabbihiis waxa uu ugu warceliyey, Aabbe samee waxa lagu farayo, haddii Allaah (sw) idmo waxa aad iga helidoontaa dulqaad badane. Markii ay labadoodiiba u hoggaansameen riyadii Rabi uu Nebi Ibraahiim tusiyey waxa uu Ibraahiim afaystay mindidii uu Ismaaciil ku gawrici lahaa. Ismaaciilna isaga oo u hoggaansan waxa aabbihii la faray waxa uu u jiifsaday dhinaca si loo qawraco. Markii uu Ibraahiim mindidii ku qabtay wiilkiisii Ismaaciil waxaa ku dhawaaqay malag sida wan buuran oo ku bedelley meeshii Ismaaciil jiifey. Sidaas awgeed waxa ay mindidii afka badnayd ku dhacday wankii malagu sidey oo la jiifiyey meeshii Ismaaciil jiifey. Ismaaciil waxaa meesha ka qaaday malagii wanka sidey. 

Allaah (sw) isaga oo Ibraahiim ku ammaanaya falkii fiicnaa ee uu sameeyey waxa uu ku yidhi, "Waxa aad ka run sheegtay riyadii, Aniguna sidaas ayaa u abbaalmariyaa kuwa wanaaga sameeya." Allaah (sw) waxaa kale oo Ibraahiim ku yidhi, "Waxaan kugu imtixaanay belaayo weyn, laakiin waxa aan dhibaatadaas kaaga furanay gawrac weyn oo aan uga tagnay kuwa dambe." Culumada taariikhdu waxa ay sheegaan in wankii Ismaaciil lagu furtay laga soo qaaday Jannada, weliba waxa ay sheegaan in wankaas afartan sannadood Jannada la daajinayey si uu u naaxo.

Maanta waxa aynu ognahay in maalinta tobnaad ee gudashada Xajka la qalo neef adhi ah oo dadka Xajka gudanaya ku waajib ah, kuwa aan Xajka gudanayna lagu adkeeyey in ay neefkaas qalaan. Qawricista neefku waa arrin fil weyn oo ka soo jeeda sunnadii Nebi Ibraahiim iyo Nebi Ismaaciil. In neef adhi ah la qalo waa cibaado Allaah (sw) dartii loola jeedo, laakiin waxaa kale oo ay tusinaysaa taariikhda filka weyn ee diinteena iyo cibaadooyinka oo ay samayn jireen Ibraahiim iyo Ismaaciil. 

Ibraahiim waxaa lagu imtixaanay arrin la yaab badan waayo waxaa lagu jirrabay in uu wiilkiisa gawraco, isaga oo aan carruur kale lahayn, isla markaana da'diisu weynaatey. Bal waxa aad ka soo qaadaa in adiga oo da'daas ah oo carruur wiil keliya ka leh in lagugu jirrabay arrinta Ibraahiim oo kale. Sidee ayey arrintu kugu noqon lahayd haddii lagu faro in aad wiilkaaga gawracdo. Qof kasta oo innaga mid ah way ku adkaan lahayd in uu fuliyo arrintaas, laakiin waxa ay Ibraahiim iyo Ismaaciil u hoggaansameen arrinta Allaah (sw) faray iyaga oo daacad u ah.

In Ibraahiim wiil keliya lahaa xilliga uu Ismaaciil qawracayey waxaa inoo caddaynaya Quraanka oo inoo sheegaya in xilliga loogu bishaareeyey dhalashada Isxaaq ay ka dambeysey xilligii gawricista Ismaaciil. Sheekada gawracu waxa ay Quraanka kaga soo aroortay aayadaha 99 ilaa 113 ee Suurada Saafaat.

IMTIXAANISTII NEBI IBRAAHIIM

Xadiis laga soo guuriyey Rasuulkeena waxaa ku sugnaatay in dadku u kala imtixaan badan yihiin siday Allaah (sw) ugu kala dhow yihiin. Sidaas awgeed waxaa dhab ah, in rusushu ugu imtixaan badan yihiin. Hadda waxa aan boggaga hore kaga soo sheekaynay, waxyaalo badan oo Nebi Ibraahiim lagu imtixaanay. Nebi Ibraahiim waxaa lagu imtixaanay in uu isaga oo yar ay aabbihii iyo tolkii dayriyeen oo uu ka qaxo dhulkii uu ku dhashay. Ibraahiim isaga oo yar baa dab lagu gubey oo Allaah (sw) ka badbaadiyey. Ibraahiim waxa uu Allaah (sw) ku imtixaanay in wiilkii keliya ee uu haystey gawraco. Markii uu Ibraahiim ka soo dhalaalay waajibaadkaas oo dhan waxaa Allaah (sw) ku yidhi, "Allaahaa (sw) u hoggaansan." Ibraahiimna waxa uu ku warceliyey, "Waxa aan u hoggaansamayaa Allaaha (sw) caalamka oo dhan abuuray."

Haddii Allaah (sw) idmo waxa aan mar kale soo dareerinayaa waxyaalo kale oo Nebi Ibraahim lagu Imtixaanay. Allaah (sw) si uu u jirrabo in Ibraahiim u qalmo iimaamnimada ummadda waxaa lagu imtixaanay arrimo la xidhiidha dhinaca caqiidada (waxa uu rumaysan yahay) iyo anshaxa. Arrimaha caqiidada iyo anshaxa la xidhiidha waxaa ka mid ahaa xiddigii, Dayaxii, Qorraxdii uu Allaah (sw) moodey si loo garansiiyo Allaah (sw), iyo toban arrimood oo kale oo la faray in uu fuliyo si ay iimaamnimadiisu u dhammaystiranto. Tobanka arrimoodna ee Ibraahiim la faray waxaa ka mid ahaa: gudniinka, gaabinta shaarubaha iyo dhaafidda gadhka, luqluqashada, sandaarsiga, caddayga (rumayga), gaabinta cidiyaha, xiirista bisqanta (timaha hoose), rifida timaha kilkilada, iyo istijada. Ibraahiim isaga oo arrimahaas oo dhan fuliyey waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee:

guda naftiisa iyo carruurtiisa

cidiyaha gaabintooda jideeyey

shaarubada gaabiya

habka boosaha jideeyey

seef ku dagaalama

cadayga jideeyey

istijada jideeyey

surwaal labista

isticmaala in minbarka lagu khudbadeeya

isticmaala usha minbarka

jideeyey jarista timaha hoose

rifa timaha kilkilada

Allaah (sw) dartii u hijrooda (qaxa)

gadhka la baxa

Markii uu Ibraahiim ka gudbey dhammaan imtixaanadaas oo idil, waxa uu Allaah (sw) u doortay in uu ummadda muslimiinta u noqdo iimaam lagu daydo. Allaahna (sw) waxa uu Quraanka ku yidhi, "Ibraahiimow waxa aan iimaam kaaga dhigayaa dadka oo dhan." Ibraahiim waxa uu markaa Allaah (sw) weydiiyey, "Iimaamnimadu ma tahay mid waaraysa oo gaadhaysa filalka dambe ee duriyadayda." Allaah (sw) waxa uu ugu warceliyey, "Iimaamnimadaada ma ugu ballanqaadayo kuwa daalimiinta ah ee duriyadaada ka dhalandoona." Hadalkaas oo macnahiisu yahay in aan Allaah (sw) ka yeelidoonin kuwa daalimiinta ah ee duriyada Nebi Ibraahiim iimaam lagu daydo.

Iimaamnimada Nebi Ibraahiim waxaa u daliil ah, in qolo kasta ay maanta sheegato in Nebi Ibraahiim iyaga ahaa. Tusaale ahaan, Yuhuudu waxa ay sheegataa in Nebi Ibraahiim Yuhuud ahaa, Sidoo kale waxa ay Masiixiyiintu sheegtaan in Nebi Ibraahiim Masiixi ahaa. Laakiin waxaa beentooda burinaya warka uu Allaah (sw) Quraanka inoogu sheegay oo odhanaya, "In Ibraahiim aannu ahayn Yuhuud iyo Masiixitoona, laakiin waxa uu Ibraahiim ahaa nin muslim ah oo ka soo leexday dhammaan diimaha beenta ah oo dhan." Cidda ugu dhow in ay ku abtirsato Ibraahiim waa cida la timaada Sunnadii Nebi Ibraahiim, isla markaana ka diin yeelata waxyaalihii Nebi Ibraahiim ka diin yeeshay. Kuwee baa maanta ugu dhow oo fuliya Sunnadii Nebi Ibraahiim? warcelinta oo kooban waxaa ugu dhow muslimiinta waayo waxa ay fuliyaan dhammaan Sunnadii Nebi Ibraahiim. Sidoo kale waxa uu Allaah (sw) Quraanka inoogu sheegay in erayga muslim uu dadka muslimiinta ah uu bixiyey Nebi Ibraahiim.

DHISIDII GURIGII ALLAAH (SW) EE HORREEYEY

Guriga Allaah (sw) ee horreeyey waxaa la yidhaahdaa masjidka xurmada leh ee ku yaal magaalada barakaysan ee Maka. Guriga Allaah (sw) ee horreeyey waxaa ku dhexyaal dhagaxa madow ee lagu magacaabo Kacbada. Guud ahaan waxaa guriga Allaah (sw) ee horreeyey loogu yeedhaa 'Kacbada.' Seeska Kacbada waxaa jeexay oo horey cilmigiisa ugu qadarey Allaah (sw), laakiin waxaa dhagixii ugu horreeyey ee derbiga Kacbada taagey Nebi Ibraahiim iyo Nebi Ismaaciil.

Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim iyo Ismaaciil ku hannuuniyey meesha Kacbada laga dhisayo, kacbadaas oo Allaah (sw) ugu talagalay in Isaga lagu caabudo oo aan loogu shirki samayn. Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim faray in uu Kacbada u nadiifiyo kuwa ku negaanaya ee ku cibaadaysanaya. Sidoo kale waxaa Ibraahiim la faray in uu dadka ogeysiiyo Xajka, iyaga oo ka imaanaya jihooyin fog. Allaah (sw) waxa uu Quraanka inoogu sheegay in Kacbadu tahay gurigii ugu horreeyey ee loo sameeyey in ay dadku Allaah (sw) ku caabudaan. Gurigaas oo ku yaal waadiga barakaysan ee Baka, waxa uu hannuun u yahay caalamiinta oo dhan. Guriga Allaah (sw) waxaa dhexdiisa ahaaday mucjisooyin, waayo waxaa ku dhexyaal 'Maqaamkii Ibraahiim.' Maqaamka Ibraahiim waa meeshii uu ooli jirey dhagixii uu Ibraahiim fuuli jirey markii uu Kacbada Allaah (sw) dhisayey. Allaahna (sw) waxa uu dadka muslimiinta ah ku waajibiyey in ay Maqaamkii Ibraahiim ka yeeshaan meel ay ku tukadaan. Qofka soo gala guriga Allaah (sw) waxaa ammaan u ah naftiisa, xoolihiisa, iyo sharaftiisa. Allaah (sw) waxa uu gurigiisa ka yeelay mid ay dadku u soo boholyoobaan, waayo waxa uu Allaah (sw) qalbiyada dadka jeclaysiiyey Kacbada.

Allaah (sw) waxa uu Kacbadiisa ka yeelay xuddunta dunida oo idil, sidoo kale waxa ay Kacbadu u dhigantaa guriga Allaah (sw) ee Beytu Almacmuur oo ku yaal cirka 1aad. Cir kastana waxaa ku yaal guri ay malaa'iktu Allaah (sw) ku caabudo. Guriga Beytu Almacmuur waa guri barakaysan oo ay ka xajido malaa'ikta Allaah (sw). Beytu Almacmuur waxaa maalin kasta dawaafa toddobaatan kun oo malag, isla markaana aan weligood ku soo noqon.

Kacbadu in ay ku taal xuddunta dunida waxaa u daliil ah Quraanka oo Maka ugu yeedha 'Umulquraa.' Kacbaduna waxa ay ku taal Maka. Erayga Umulquraa waxa uu afka Soomaaliga la macno yahay 'hooyadii magaalooyinka oo idil.' Sidoo kale waxa ay aayada 30aad ee Suurada Anbiyaa inoo sheegaysaa in abuuristii cirarka iyo dhulalku ay ka bilaabantay walax ishaysata, ka bacdi waxa uu Allaah (sw) qarxiyey walaxdaas si uu u abuuro toddobada cir iyo toddobada dhul ee aynu rumaysanahay. Markaa waxa ay culumada tafsiirku sheegaan in meeshii ugu horreysey ee dhulka aynu ku nool nahay samaysantay in ay ahayd goobta ay ku taal magaalada barakaysan ee Maka. Sidaas darteed ayaa Allaah (sw) ugu magacaabay hooyadii magaalooyinka. Meel ku aaddan Kacbada dusheeda oo ah cirka sare, waxaa ku yaal guriga barakaysan ee Beytu Almacmuur. Markii ay taagayeen kaabadaha kacbada, waxa ay Ibraahiim iyo Ismaaciil ku ducaysanayeen ducooyinka soo socda:

"Allaahayow waxa aad naga aqbashaa niyada suubban ee aannu kuula nimid, Adiga ayaa ah kan maqalka iyo cilmiga badane."

"Allaahayow waxa aad naga yeeshaa muslimiin Adiga kuu hoggaansan, sidoo kale waxa aad Allaahayow duriyadayada ka yeeshaa ummad muslim ah oo Adiga kuu hoggaansan. Allaahayow waxa aad duriyadayada tusisaa cibaadooyinkayaga; Allaahayow naga toobad aqbal, Adiga ayaa ah kan toobad dhaafka badane."

"Allaahayow waxa aad dhulkan ka yeeshaa mid aammin ah, Allaahayow waxa aad qofka Adiga iyo Qiyaamaha rumeeya ee ku nool dhulka xurmada leh ku quudisaa midho oo idil."

"Allaahayow waxa aad duriyadayada ka soo bixisaa rasuul iyaga ka dhashay oo ku dul akhriya aayadahaaga, isla markaana bara kitaabka iyo xikmada."

Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim iyo Ismaaciil ka aqbalay dhammaan ducooyinkaas oo idil. Allaah (sw) waxa uu dhulka barakaysan ee Maka ka yeelay dhul aammin ah, waayo waxaa cad in Maka aan weligeed la gumaysan, isla markaana waxaa dhab ah in cid kasta oo la maagta waxyeelo in ay iyadu jabto. Allaah (sw) waxa uu duriyadii Nebi Ismaaciil ku waajibiyey in ay sameeyaan dhammaan cibaadaadkii ay samayn jireen aabbayaashood, taas oo macnaheedu yahay in Allaah (sw) duriyadoodii uu tusiyey cibaadaadkii Ibraahiim iyo Ismaaciil. Allaah (sw) waxa uu duriyadii Nebi Ismaaciil ka soo dhex saaray rasuulkeena Muxammad, arrintaas oo ah in la aqbalay ducadii Nebi Ibraahiim iyo Nebi Ismaaciil. Allaah (sw) waxa uu Nebi Muxammad ku soo afjaray soo diristii rususha iyo nebiyada; Muxammad ka dib ma jiro rasuul iyo nebi dambe oo la soo dirayaa. Allaah (sw) waxa uu Diinta Nebi Muxammad ka yeelay diintii ugu dambeysey diimaha oo dhan. Diinta Nebi Muxammad waa diin caalami ah oo ka dhexaysa dadka oo dhan iyo kubadda koownka oo idil. Dhulka barakaysan ee magaalada Maka, waxa uu ku yaal waadi engegan, buuraley ah oo aan xoolo ku noolaan karin, dhir yar oo aan beero ku habboonayn, biyo yar oo oomane ah, laakiin waxaa maanta la og yahay in magaalada Maka laga helo dhammaan noocyada dhirta ee la quuto iyo dhammaan dheefta xoolaha ka timaada ee xalaasha ah. Ugu dambayn waxaa dadka ku abtirsada Nebi Ibraahiim ee sunnadiisii raaca la yidhaahdaa Muslimiin.

Markii ay Ibraahiim iyo Ismaaciil damceen in ay dhisaan guriga Allaah (sw), ma aannay garanayn meesha seesku noqondoono, sidaas awgeed waxa uu Allaah (sw) u soo diray dabayl laba garab leh oo magaceeda la yidhaahdo 'Khajuuj' Dabayshaasi waxa ay faadhfaadhay seeskii Allaah (sw) ugu talagalay in Kacbada laga dhiso. Ibraahiim iyo Ismaaciilna waxa ay sii qodeen seeskii masaajidka. Markii ay taageen rukumadii iyo gidaarkii masaajidka, waxa uu Ibraahiim wiilkiisii ku yidhi, Aabbe waxa aad ii doontaa dhagax wanaagsan oo aan dhigo halkaas. Ismaaciil waxa uu aabbihii ku yidhi, Aabbe waan daalanahay haseyeeshee waa dadaalayaa. Ismaaciil waa uu baxay isaga oo holinayaa in uu keeno dhagax qurux badan. Ismaaciil oo raadinaya dhagax qurux badan, baa Malagii Jibriil u yimid Nebi Ibraahim isaga oo sida dhagaxa maanta Kacbada yaal ee madow. Dhagaxa Kacbada waxa uu waagaa midabkiisu u ekaa macdanta dheemanta ee cad (white diamond), laakiin waxaa madoobeeyey denbiyada dadka. Dhagaxa Kacbada waxaa Jannada ka soo qaatay Nebi Aadam, markii isaga iyo Xaawo Jannada laga soo saaray. Markii uu Ismaaciil keenay dhagaxii uu doonay, isla markaana arkay dhagaxa quruxda badan ee hortii la keenay, waxa uu aabbihii Ibraahiim weydiiyey, "Aabbe yaa kuu keenay dhagaxa quruxda badan." Ibraahiim waxa uu ugu jawaabey mid kaa firfircoon, isaga oo u jeeda Jibriil. 

RAADKII IBRAAHIIM KA TAGEY

Nebiyadii kutubta lagu soo dejiyey Ibraahiim ka dib, waxa ay dhammaantood ahaayeen carruurtii Nebi Ibraahiim iyo ubadkii ay sii dhaleen. Halkaas waxaa laga odorosi karaa saamaynta uu Ibraahiim ku leeyahay bulshooyinka dunida oo idil. Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim ka yeelay iimaamka Nebiyada, iimaamka shuhadada, iimaamka sidiiqiinta, iimaamka culumada, iimaamka dadka kheyrka badan, iwm.

Xadiis saxeex ah oo Rasuulkeena laga soo weriyey waxaa lagu sheegay in uu khalqiga ama uunka Allaah (sw) uu ugu kheyr badan yahay Nebi Ibraahiim marka laga reebo Nebi Muxammad. Sidoo kale waxaa xadiis saxeex ah lagu weriyey in Nebigu uu Xasan iyo Xuseen ku yidhi, "Aabbihiin Ibraahiim waxa uu Ismaaciil iyo Isxaaq ugu ducayn jirey, "waxa aan Shaydaanka, cudurka wareega, iyo isha idinka magangelinayaa kelmadaha Allaah (sw) ee dhammayska tiran." Qof kasta oo maanta u ducaynaya carruurtiisa waxa uu ku ducaystaa ducadii Nebi Ibraahiim.

Yuhuudu waxa ay ku doodaan in Ibraahiim Yuhuudi ahaa, sidoo kale waxa ay Nasaaradu ku doodaa in Ibraahiim Nasaara ahaa. Laakiin waxaa beentooda buriyey Allaah (sw) oo yidhi, "Haddii aad tihiin Yuhuud iyo Nasaara maxaad arrimaha Ibraahiim ugu doodaysaan, idinkoo og in Towraat iyo Injiilba la soo dejiyey Nebi Ibraahiim gadaashii." Allaah (sw) oo ceebayna doodooda waa xuu Yuhuud iyo Nasaara ku yidhi, "War maxaad ugu doodaysaan wax aydaan cilmi u lahayn." Allaah (sw) waxa uu leeyahay Ibraahiim ma ahayn Yuhuudi iyo Nasraanitoona, laakiin waxa uu Ibraahiim ahaa nin muslim ah oo ka soo leexday dhammaan diinaha beenta ah oo dhan. Ibraahiimna waxaa ugu dhow kii isaga jidkiisii raaca, Nebi Muxammad iyo kuwa mu'miniinta ah. Mana jiro qof jidkii Ibraahiim nacayaa ilaa mid naftiisa hoojiyey mooyee, waayo waxa uu ahaa rasuul uu Allaah (sw) dunida u doortay, aakhirana waxa uu ka mid yahay kuwa wanaagsan. Ibraahiim waxa uu la dardaarmay carruurtiisii isaga oo ku yidhi, "Allaah (sw) waxa uu idiin doortay diinta ee ha dhimanina idinka oo muslimiin ah mooyee."

Allaah (sw) oo u waramaya Nebi Muxammad iyo ummadda muslimiinta ah, waxa uu yidhi, "Ibraahiim waxa uu ahaa nin ummaddeed oo lagu daydo, Ibraahiim waxa uu ahaa mid Allaah (sw) adeecsan oo ka soo leexday dhammaan diinaha baadilka ah oo dhan, isaga oo aan ka mid ahayn mushrikiinta. Ibraahiim waxa uu ahaa mid ku shukriya nicmada Allaah (sw), la doortay, oo uu Allaah (sw) ku hannuuniyey jidka toosan. Intaas ka dib waxa aanu u waxyooney adiga Muxammad ah ee waxa aad raacdaa diintii Nebi Ibraahiim ee toosnayd."

Allaah (sw) waxa uu addoomihiisa ku ammaanay in uu dadka ugu wanaagsan yahay kan u muslima Allaah (sw) dartii ee raaca diintii Nebi Ibraahiim. Allaah (sw) waxa uu Ibraahiim uu Quraanka ku xusay shan iyo sodon goobood. Shan iyo toban goobood waxa ay ku jiraan suurada Albaqra. Nebi Ibraahiim waxa uu ka mid yahay shanta nebi ee la isku yidhaahdo 'Uulul-Cazmi' oo kala ah: Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, iyo Muxammad. Erayga Uulul-Cazmi waxa uu afka Soomaaliga la macno yahay 'ballan adag ama go'aan adag.' Maalinta Qiyaamaha waxaa dadka la soo tubayaa 'Maxsharka' iyaga oo qaawan, cagacad oo buuryaqab ah qofka ugu horreeya ee dhar la siinayaa waa Nebi Ibraahiim.

Ugu dambayn waxa uu qof kasta oo muslim ahi maalintii shan jeer xusaa Nebi Ibraahiim, waayo waxaa Ataxiyaadka shanta salaadood ku jira u ducaynta Nebi Ibraahiim iyo ehelkiisii.

GUNAANADKA TAGTADII NEBI IBRAAHIIM IYO NEBI ISMAACIIL

Sheekada Nebi Ibraahiim iyo Nebi Ismaaciil waxa ay meel ka soo gelaysaa taariikhda Soomaalida. Maadaama ay Soomaalidu Buntiyiin yihiin waxa aynu og nahay sidoo kale in Boqortooyadii Faraaciintu Buntiyiin ahayd. Sidoo kale waxa aynu og nahay in Nebi Ismaaciil hooyadii Hagar ay ahayd oo ka soo jeedey Boqortooyadii Faraaciinta ee Reer Bunti. Sidoo kale waxaa hubaal ah oo la og yahay in aynu Boqortooyadii Faraaciinta wadaagney afka aynu ku hadallo, dhaqanka sooyaalka ee aynu haysano, muuqaalka guud, iyo hiddaha dhalashada ee xididka dhalmada (DNA).

Sidaas awgeed Nebi Ismaaciil hooyadii waxa ay sidataa magac af Soomaali ah oo ah 'Hagar.' Wiilkeedana waxa ay u bixisay magac Soomaali ah oo ah is + ma + ciile oo ugu dambayn noqday Ismaaciil. Sidoo kale waxa ay ceelka ay heleen ee Xaramka ku yaal u bixisay magac Soomaali ah oo ah Samsam. Ceelka Samsamka magaciisu waa eray Soomaali ah oo la macno ah 'sam' waayo markii ay biyo aad u badan ka soo burqadeen waxa ay Hagar laba jeer tidhi, "sam sam" si biyuhu isu dhimaan. Erayadaas Hagar tidhi baa magaca Samsam ka soo jeedaa.

Nebi Ismaaciil hooyadii waxa ay kutubta Masiixiyiintu qorayaan in la odhan jirey Hagar oo ah eray Soomaali fas ah. Qaybo ka mid ah tolal Soomaalida baa magacaas oo kale hadda sita oo loogu yeedhaa. Kutubta Islaamka iyo kutubta Carabtu waxa ay magaca Nebi Ismaaciil hooyadii u qoraan 'Haajara,' laakiin Hagar baa fas ah. Sidoo kale waxa ay dadku xidhaan labo go' oo cadcad marka ay xajiyayaan. Labaas go' ee cadcad waa kuwii dhaqanka inoo ahaa ee dadka Buntiyiinta. Cidda keliya ee labadaas go' ee cadcad dhaqan u yihiin waa Soomaalida. Sidaas awgeed waxaa halkaas ka cad in aynu leenahay dhammaan dhaqanka Xaramka yaal. Meelaha la ordo ee Safa iyo Marwa waa meelihii ay oroday Hagar markii ay wiilkeeda biyaha u doonaysey.

Nebi Ismaaciil waxaa afka Soomaaliga baray hooyadiis Hagar. Isirka ka soo jeeda Nebi Ismaaciil waxaa la yidhaahdaa Carabta la carabeeyey. Sidaas awgeed haddii aynu Soomali nahay waxa aynu reer abti u nahay Nebi Ismaaciil iyo Nebi Maxamed labadoodaba waayo waa dhashii iyo durayadii hooyo Hagar.

Other Articles