By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: July 19, 2025
DANTA DALKA IYO DADKA!
Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya waxaa la odhan jirey Maxamed Cabdullaahi Maxamed. Madaxweynihii 9aad waxaa lagu naanaysaa oo uu ku magac dheer yahay Farmaajo. Madaxweynuhu waxa uu ku dhashay Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho kolkii ay tagtadu ahayd Bishii Maajo 11, 1962dii. Madaxweynuhu hadda waa da' lixdanaad. Da'diisu waa xilliga loo yaqaan rag dhaqaaqiis oo ah xilliga ninku dhinac kasta ka dhammaystiran yahay hadalka, dooda, waaya-aragnimada, talo helka, iwm. Madaxweynaha deegaankiisa rasmiga ahi waa Muqdisho oo uu ilaa yaraantiisii ku soo barbaaray, in kasta oo uu mudadii burburka qaranka ku noolaa oo wax ka baranayey Dalka Maraykanka.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo adoogiis (waalidiintiis) waxa ay xubno firfircoon ka ahaayeen ururkii SYL (Somali Youth League). Xilligii 1970aadkii waxa uu aabbihii u shaqaynayey Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya. Nolosha reerkoodu waxa ay ahayd mid dhexdhexaad ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hooyadii la yidhaahdaa Maryama Xasan Barre. Madaxweynaha waxaa xaaskiisa la yidhaahdaa Zeynab Cabdi Macalim. Madaxweynuhu waxa uu dhalay afar carruur ah oo kala ah: Intisaar, Iimaan, Cabdullaahi, iyo Magan.
Maxamed waxa uu mudadii u dhexaysey 1985tii ilaa 1988dii dhiganayey dugsi hoy ah (boarding school) oo ku yaaley Magaalada Muqdisho. Kolkii uu dugsiga sare dhammeeyey waxa uu shaqo ka helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya. Maxamed waxa uu xoghaye ka noqday Safaarada Soomaaliya ee Maraykanka mudadii u dhexaysey 1989kii ilaa 1993dii. Maxamed waxa uu shahaadada heerka koowaad ee jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda Qaranka New York ee Magaalada Buffalo isaga oo bartay maaddada taariikhda (Bachelor's degree in History). Isla jaamacadaas qudheeda waxa uu ka qaatay shahaadada heerka labaad (Master's degree in Political Science) isaga oo bartay maaddada siyaasadda. Maxamed waxa uu ku qalin-abyey buug la yidhaahdo U.S. Strategic Interest in Somalia: From the Cold War Era to the War on Terror. Maxamed waxa uu hadda haystaa dhalasho Soomaali ah oo keliya. Kolkii Qarankii Soomaaliya burburay ee shaqadii uu safaaradda hayey is taagtey, waxa uu Maxamed degganaansho iyo dhalasho cusub ka helay Dalka Maraykanka. Kolkaas oo uu nolol cusub iyo halgan cusub bilaabay.
Intii uu Maraykanka joogey Maxamed waxa uu u shaqeeyey ururo badan oo dhibanayaasha dhibtooda ka dhiidhiya (human right organisations). Laga bilaabo 1994tii ilaa 1997 waxa uu Maxamed loo doortay in uu ka shaqeeyo Waaxda Guryaha iyo Guriyeynta ee Maamulka Dawladda Hoose ee Magaalada Buffalo. Halkaas oo Maxamed ahaa Madaxa Maaliyada ee Waaxda Guryaha iyo Guriyeynta. Sidoo kale Maxamed waxa uu ka shaqeeyey Waaxda Guryaha iyo Guriyeynta ee Maamulka Dawladda Hoose ee Magaalada Buffalo isaga oo maamule ka noqday barnaamijka dhimista (abatement program) guryaha mudadii u dhexaysey 1995tii ilaa 1999kii. Xilligii u dhexeeyey 2000 ilaa 2002dii waxa uu Maxamed xidhiidhiye (coordinator) ka ahaa Waaxda Ganacsiyada yaryar ee dadka laga tirada badan yahay (minority) ee Gobolka Erie (Erie County). Maxamed waxa uu si gaar ah uga shaqeeyey Qaybta Sinniinka Fursadaha Shaqada (Division of Equal Employment Opportunity). Laga soo bilaabo 2002dii ilaa kolkii loo magacaabay Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee dhammaadkii 2010kii, waxa uu ka shaqaynayey Wakaalada Sinniinka Fursadaha Shaqada (Commissioner for Equal Employment) ee Wasaaradda Gaadiidka ee Qaranka New York Magaalada Buffalo. Sidoo kale intii Maxamed ku jirey shaqooyinka aan ka soo sheekaynay, waxa uu hoggaaminta iyo xallinta muranka (leadership skills and conflict resolution) ka bartay kulliyada la yidhaahdo Erie Community College.
Xilligii loo doortay Raysalwasaaraha waxa ay dad badan lahaayeen dalka iyo dadka ma fahansana oo jagada loo magacaabay ka ma soo baxayo. Dhanka kale waxaa jirey dad badan oo iska jirayey in dalka loo helo siyaasi ruugcadaa ah oo dalka dhibaatada ka saara. Isla durbadiiba waxaa dad badan oo Soomaaliyeed u bidhaamay hoggaamiyanimada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrintaasi waa tan keentay in dad badan u baroorteen maalintii raysalwasaaraha laga qaaday. Xilligaas laga soo bilaabo dad badan oo indheergarad ah baa aad u danaynayey in Maxamed kol kursiga madaxweynanimada ku fadhiisto waayo waxa ay u arkayeen in uu yahay badbaadiyaha dalka. Allaahna waa ka dhigay oo waa tii uu mar kale ku soo noqday kursiga madaxtinimada oo aynu u jeeedney waxqabadkiisa iyo horumarka uu dalka gaadhsiiyey intii yarayd ee uu kursiga ku fadhiyey.
Kolkii Maxamed Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay raysalwasaaraha waxaa u hambalyeeyey dad badan oo daafaha adduunka joogey oo Soomaali u badan. Sidoo kale waxaa u hambalyeeyey Xoghayaha Guud ee Ururka Qaramada Midoobey iyo Guddoomiyaha Golaha Talada ee Ururka Midowga Afrika.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed waa danjire iyo siyaasi Soomaaliyeed (Somali diplomat and politician) oo ah madaxweynaha sagaalaad. Sidoo kale waxa uu ahaa Raysalwasaarihii Soomaaliya mudadii u dhexaysey Bishii Noofembar ee 2010 ilaa Bishii Juunyo ee 2011kii. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kolkii koowaad doorashada Madaxweynanimada isu soo sharraxay sannadkii 2012kii, laakiin ma helin tiro codad ah oo ku filan. Kolkii labaad waxa uu doorashada madaxtinimada Soomaaliya isu soo sharraxay 2016kii. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu doorashadii 2016ka oo dib ugu dhacday 2017ka waxa uu ku guulaystey 184 cod oo uu ka helay Golaha Dadweynaha (Somali Parliament). Kursiga Madaxweynanimada waxaa loo dhaariyey 8dii Febraayo 2017kii.
Doorashadiisii waxa ay keentay in Soomaalidu u dabaaldegto oo damaashaadkii ugu ballaadhnaa ee weligeed iyo waaqeed Soomaali samayso uu dhaco. Sidoo kale waxaa u hambalyeeyey boqolaal qof oo madaxda adduunka ah, iyaga oo u rajeeyey in uu xaaladda adag ee Soomaaliya ka saaridoono.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed waa hoggaamiye indheergarad ah, aragti siyaasadeed oo fadhida leh, hiigsi fog leh, waxa qofka Soomaaliyeed dhiba ka dhiidhiya, hawlkar ah, geesi ah, hadalkiisu ku dhicid leeyahay, hadalkiisu dheelitiran yahay, abaabule bulsho, hiddadhawre qaran, bulsho kiciye, deeqsi ah, leh saansaankii Boqorradii Buntiyiinta ee bulshadan hoggaamin jirey laga soo bilaabo Hangoollajiidjiid iyo Higlahadhsade, iwm. Kolkaad saansaankiisa u fiirsato Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u eg yahay nin aan eexda aqoon, qabyaaladda ku dhaqmin, dadku isugu mid yahay, midnimada Soomaalidu ka go'an tahay, quudhiwaa ahayn, dhabcaal ahayn, cid kasta samaha la jecel, biidhiqaate ahayn, xadtooyada aqoon, iwm. Madaxweynihii 9aad ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed waa badbaadiyaha Bulshada Soomaaliyeed. Maalintii madaxweynanimada loo magacaabay ee Bishii Febraayo sideedeedii 2017kii waxa ay Bulshada Soomaaliyeed joogeen heer quus ah oo dadku taagnaayeen gebi dheer oo haadaan daluun ah ka hooseyso oo qof kasta sugayey in dhakhso loogu daadandoono. Ugu horreyn waxaa dad badan oo taageerayaasha Farmaajo ah filanwaa ku noqotay in uu ku guulaystey madaxweynanimadii. Allaah (sw) waxa uu qadaray in muddo yar oo kooban ay filashadii bulshadu cirka isku shareertay oo wax kasta oo dawladnimo iyo ummadnimo lahayd soo noqotay. Guushii koowaad ee Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay ahayd in uu Golaha Dadweynaha (Golaha Shacabka) ka helay dad dhallinyaro u badan oo ka dhiidhiyey xaaladda dalku ku sugnaa. Guushii labaad ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ahayd in uu kursigii madaxtinimada ku guulaystey. Guushii saddexaad ee madaxweynuhu waxa ay ahayd in uu doortay Raysalwasaare la mabda' ah oo ka horreeya ama la mid ah dhan kasta. Guushii afraad ee madaxweynuhu waxa ay ahayd taageeradii dadweynaha Soomaaliyeed oo cirka isku shareertay gudaha iyo dibadaba. Iyada oo dadweynaha Soomaaliyeed ay u jeedaan duulduulk dhibcaha horumarka ee dawladdu samaynayso waxa aannu lahayn: Wadadii cadayd cagta saarayee, ku caguujiyoow caynaanka hay! hay! hay! Haddii Allaah idmo waxa aan qaybaha dambe maqaalkan kaga hadlidoonaa waxqabka dawladda laga soo bilaabo intii Madaxweyne Farmaajo hoggaanka qabtay.
Jidka ugu fudud ee hoggaamiye hawl kaga gungaadhi karo!
Hoggaamiyuhu waxa uu kartidiisa iyo awooddiisa u adeegsadaa in uu ku dhammaystiro hawl iyo qorshe bulshada u soo jiidaya dhur iyo dheef. Kolkaynu aqoonbaadhis ku samayno weydiinta odhanaysa: Jidkee baa ugu fudud oo hawl loo kacay looga gungaadhi karaa (the best way to get things done)? Weydiintaas warcelinteedu waxa ay ka kooban tahay erayo yar oo odhanaya: Hawl kasta inta laga ma maarmaanka ah si wacan u qabo! (Do the essential things well!). Kuwaasi waa erayo kooban oo ay fududahay in lagu dhawaaqo, laakiin ay adag tahay in la dhaqangeliyo. Hawl iyo qorshe waxaa sida ay yihiin u dhammaystiri kara qof hoggaamiye ah oo u heellan hawshaas iyo qorshahaas. Muddo sannad ah oo ka soo bilaabanta horraantii 2017kii ilaa dhammaadkii sannadkaas baan u kuurgelayey hawl abbaarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ugu dambayn waxaa ii soo baxay in uu yahay hoggaamiye rasmi ah waayo waxa uu hawl abbaarkiisu ku salaysan yahay hawl kasta si wacan u qabo inta laga ma maarmaanka ah.
Hawl kasta in si wacan loo qabto inta laga ma maarmaanka ah waxaa fulin kara qof maamule ah oo hawshiisa u tababaran ama hoggaamiye hawshiisa u heellan. Hawl kasta in si wacan loo qabto inta laga ma maarmaanka ah waxa ay xambaarsan tahay saddex nuxur oo laga ma maarmaan u ah hoggaamiyaha guushiisa dambe:
- Ahow hordege (be proactive)
- Yaree kakanaanta (reduce complexity)
- Hagaaji hawshaada (Seek Improvement)
Nuxurka 1aad ee Ahow hordege waxa uu hoggaamiyaha faraysaa in kolka arrin ififaalaheedu soo muuqdo in uu ka sii hordego oo qaabkii uu u xallin lahaa sii diyaarsado. Hoggaamiyuhu isaga oo adeegsanaya waaya-aragnimadiisa waxa uu waxyaalaha hadda soo socda ka dhex bidhaamin karaa sida arrimuhu noqon karaan aayaha dambe. Sidaas awgeed hoggaamiyuhu waa in uu wax gartaa kolka labo nin is eegto oo fahmaa hawsha ka soo socota. Kolkuu fahmo hawsha soo socota waa in uu xalkeeda iyo wixii uu samayn lahaa sii diyaarsadaa. Haadda duusha waxaa ugu fariidsan Tukaha. Soomaalidu waxa ay tebiyaan murti badan oo tukuhu leeyahay. Beri baa waxaa muran xooggan dhexmaray haadda waaweyn iyo haadda yaryar ka dib kolkii ay ku heshiinwaayeen gadhaabka. Haaddii waxa ay ku heshiiyeen in ay shiraan oo ka wadahadlaan sidii qadhaabka iyo oonta loo qaybsan lahaa. Kulankaas waxaa murtidiisii loo guuxey oo la arkay in ay tahay mid maangal ah taladii tukuhu soo jeediyey oo odhanaysey: Inta aan anigu u yarahay hilibka ha cunto, isla kolkaana inta aan ugu weynahay midhaha ha cunto sidaas buu isagu labadiiba kaga mid noqday. Sidoo kale waxaa tuke la weydiiyey goor ma ayaad garataa in dhagar lagu la maagan yahay, kolkaas buu yidhi waxa aan wax gartaa kolka labo nin is eegto. Sidoo kale waa in hoggaamiyaha garashadiisu dheer tahay oo dhugmadiisu durudgsan tahay si uu arrimaha furdaaminta u baahan furfurkooda u sii diyaarsado.
Nuxurka 2aad ee Yaree Kakanaanta waxa ay hoggaamiyaha faraysaa in kolka hawl adag haysato in uu kala fududeeyo oo kala foonguro. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa "addimo dhooqo kolba mid baa la saaraa" sidaas awgeed waxaa hoggaamiyaha looga baahan yahay in uu hawlaha kakan ee haysta kala fududeeyo oo sidii loo kala guri karo loo kala hormariyo. Hoggaamiyaha waxaa looga baahan yahay in uu hawlaha u kala hormariyo sida ay ugu kala habboon yihiin in loo fuliyo. Sida basashu lakabyo u tahay baa hawlaha iyo qorshayaasha kuu yaal kolba lakab la qaadaa. Hoggaamiyuhu waa in uu iska jiraa ceeryoonka iyo cidhiidhiga hawlaha si aan hawshu uga taf dheeraan oo arrimuhu faraha uga bixin. Hoggaamiyaha waa in kol kasta xirribtiisu ku salaysan tahay in uu arrimaha u kala horreysiiyo sida ay u kala mudan yihiin xaaladaha kolkaas jira.
Nuxurka 3aad ee Hagaaji Hawshaadaa waxa ay hoggaamiyaha faraysaa in uu kol kasta ka shaqeeyo sidii hoggaamintiisa, adeeggiisa, waxqabadkiisa, iyo hawlihiisu u noqon lahaayeen kuwo ka wanaagsan kuwii ka horreeyey ee uu dhammaystiray. Hoggaamiyaha waxaa laga rabaa in uu kol kasta ku fekero sidii hawl kasta oo uu hayo uga wacnaan lahayd kuwii ka horreeyey ee uu sameeyey.
Sidee baa hoggaamiyuhu saddexdaas nuxur ee aynu soo sheegnay ugu adeegsan karaa oo ugu dhaqangelin karaa dhacdooyinka nolosha, fursadaha soo mudhbaxa, fagaarayaasha siyaasadda, turunturooyinka adduunka, iyo kacdoonada nolosha? Hoggaamiyuhu waxa uu guushiisa iyo dheefta uu u soo jiidayo bulshadiisa ku gaadhi karaa in uu dhammaystiro hanashooyin badan iyo tallaabooyin kala dambeeya oo qorshe lagu dhammaystirayo. Guushu ma aha wax iska soo mudhbaxa (emerge) ee waa wax ku abuurma tallaabooyin isku xigxiga oo si tartiib ah looga midho dhaliyey. Sidaas awgeed hoggaamiyuhu waa uu u adeegsan karaa saddexda nuxurba dhacdooyinka nolosha, fursadaha soo mudhbaxa, fagaarayaasha siyaasadda, turunturooyinka adduunka, iyo kacdoonada nolosha.
Nuxurka 1aad ee ahow ka hordege waxa uu keenaa in uu kakanaanta yareeyo waayo waxyaalaha kakan ee la filayo in ay dhacaan baad xalkoodii sii diyaarsatay. Nuxurka 2aad ee kakanaanta yaree waxa uu keenaa in hawluhu sida ay u kala mudan yihiin loo kala fuliya oo waxa aad dhimaysaa culaabtii iyo adkaantii hawlaha badan ee ku horyaal. Hawlaha iyo qorshayaasha oo kakanaantooda la yareeyo waxa ay keentaa in hawluhu kuu dhawran yihiin oo kuu urursan yihiin oo aanay kaa taf dheeraan. Nuxurka 3aad ee hagaaji hawshaada waxa uu ku baraa sida ugu wacan ee hawlaha loo dhaqangeliyo iyo sida ugu wacan ee arrimaha is bedel loogu sameeyo ee loo horumariyo. Taas oo keenta in kol kasta shaqada aad qabato ka sii wacnaato kuwii ka horreeyey.
Muddadii aan u kuurgalayey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ii soo baxay in uu yahay hordege waayo arrin kasta oo dhacda ififaalaheedu waa uu ku baraarugsanaa oo waxa uu sii diyaarsaday xalkeeda oo ah siduu dhibteeda u yarayn lahaa isla kolkaana fursada dheefteeda u kordhin lahaa.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku dadaalaa in uu arrimaha dhacaya kakanaantooda yareeyo. Ugu horreyn madaxweynuhu waxa uu ka shaqaynayey oo ku dhex jirey xaalado adag sidaas awgeed kolka arrimuhu kakanaadaan waxa uu iskudayey in uu qabto inta awooddiisa ah. Arrimo badan oo dhacay intii uu madaxweynaha ahaa waxa uu ku xalliyey in uu qabto inta muhiimka ah ee laga ma maarmaanka ah.
Sidoo kale waxaa kuurgalkaygii ii bidhaamiyey in madaxweynuhu dadaal ballaadhan ugu jirey sidii uu u hagaajin lahaa hawlaha dawladda iyo adeegyada dadweynaha. Had iyo goor waxa ay dadweynuhu dareemayaan in horumar ballaadhan ka socda shaqooyinka dawladda.
Hoggaaminta iyo xaaladaha kakan ee nolosha
Xilligii ugu dambeeyey ee dabayaaqadii geylankii Daraawiishta, waxuu Sayid Maxamed Cabdallah Xasan u baahday rag ka taliya xaaladda adag ee soo food saartay. Kolkaas buu isugu yeedhahay Golihii Khusuusida oo ku yidhi ka taliya xaaladda adag ee innagu soo fool leh. Goortii la fadhiistay oo uu sharxay arrimaha taagan ee u baahan in laga taliyo ee laga wada hadlo. Sayidku waxa uu magacdhebey qaar ka mid ah ragga Khusuusida ah ee uu ku yaqaanay talo aqoonta. Nin raggii khusuusida ka mid ahaa buu ku yidhi hebelow tali maanta. Kolkaas buu yidhi Sayidii taliyey oo waxa aan ku taliyey: "Dad cadaabeed dal cadaabeed baa laga galaa!" Murtidaas oo macnaheedu yahay haddii dad adag oo ku dhibaya kula soo dersaan, waxaa lagaga gabadaa dhul adag oo dhibaya oo ay ku adag tahay in ay kula dagaalamaan. Taas oo u la jeedey in ay Nugaal Godan ka guuraan oo deegaan hawd oo ah dhul awdan si ay ugaga gabadaan cadowgooda. Taladaas baa la qaatay waana tan keentay in Daraawiish ka guurto Nugaal oo u guurto hawd iyo hundo oo ah qarar iyo kaymo jiq ah.
Sidoo kale waxaa jira murti odhanaysa "Xilli adag dad adag buu u baahan yahay!" Sidaas awgeed qofka hoggaamiyaha ahi waa in uu yahay qof adag xilliyada arrimuhu kakanaadaan ee talo ribbato. Taladu waxa ay ribbataa kolka xalka la garanwaayo oo meel loo dhaqaajiyo la waayo. Xaalada kakan waxa ay hoggaamiyaha soo food saartaa kolka ay jiraan is bedel laxaad leh oo ka dhacaya deegaanka ku xeeran, muran iyo murugo dhextaal qaybaha bulshada, is afgaranwaa daran oo bulshada ku habsadey, salag meeraaya, iwm. Hoggaamiyaha ku sugan xaalad kakan waxaa looga baahan yahay in uu leeyahay xaaladda adag xirribteeda ama xirfadeeda, in uu aad ugu heellan yahay hoggaamintiisa, iyo in uu yahay qof maandhiskiisu sarreeyo oo mabda' rumaysan (high level of moral and philospphical character).
Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa hoggaamiye ku sugan xaalad kakan oo libaax labadiisii dhegood loo dhiibey. Dalka waxaa loo dhiibey xilli ay ka laadlaadaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin: dagaalo sokeeye, faragelin shisheeye, dagaalyahanada Alshabaab, dhaqaalo xumo, nidaam xumo, xadtooyo, dad bahaloobey oo xafiisyadii dawladda ku habsadey, musuqmaasuq, iwm. Waxaa Allaah mahadii ah in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaarihiisa Xasan Cali Kheyre muddo yar oo kooban kaga soo hoydeen oo meel saareen arrimahaas aynu soo sheegnay badankooda. Waxqabadkooda dhabta ahina waxa uu ka marag furayaa in ay hoggamiyayaal dhab ah yihiin oo bulshada Soomaaliyeed u horseedi kara barwaaqo iyo badhaadhe.
Xaaladaha kakan sida dhulgariirka, dagaalada sokeeye, daadadka, duufaanada, kacdoonada bulshooyinka, iwm ma jiro qof maamule ah ama hoggaamiye ah oo ku tababaran kolka ay aloosmaan. Xilliyada jaadkaas ah waa kolka ay ugu badan tahay baahida hoggaamiyuhu, sidaas awgeed qofka hoggaamiyaha ah ee xilliyaadaas oo kale ka dabaasha ee xal waara keena waxaa la odhan karaa waa hoggaamiye dhab ah ama rasmi ah.
Xilliyada xaaladaha kakan kula soo gudboonaadaan way adag tahay in qorshe la habeeyey lagu socdo waayo waxyaalaha dhacayaa ma sugi karaan qorshe oo waxa ay ku imaanayaan kumaan kun weji oo ka duwan sidii wax loo qorsheeyey. Xaalad adag qorshe si wacan loo dhammaystiray lagaga ma bixi karo, laakiin waxaa lagaga bixi karaa fulin dhab ah, dhugmo dhab ah, hoggaamin dhab ah, heellanaan dhab ah, huritaan dhab ah, hawl dhab ah oo dardar leh, iskaashi dhab ah, dhiiranaan dhab ah, dhiirigelin dhab ah, iwm. Qorshe wacan (great plan) oo habaysan xal ka ma keeni karo arrin adag iyo xaalado kakan, laakiin waxaa xaalad adag lagaga bixi karaa in hawl kasta inta laga ma maarmaanka ah si wacan loo qabto oo loo helo hoggaamiye u heellan waxqabadkiisa iyo hawlkarnimadiisa oo si dhab ah u dardargelinaya hawlaha hor yaal.
Hoggaamiyaha ka bixi kara xaaladaha adag ee kakan waa in uu yahay mid la qabsan kara is bedellada kakan ee nolosha, waa in uu yahay mid si tayo leh wax u hoggaamin kara isaga oo gargaarsanaya kartidiisa iyo aqoontiisa, waa in uu yahay qof aan ka cabsanayn canaan ka timaada mid wax canaanta. Dhammaan tilmaamahaas aynu soo sheegnay waa uu lahaa Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kolkaad u fiirsato habdhaqankiisa maamul waxa aad arkaysaa in uu u diyaarsan yahay la qabsiga is bedellada dhacaya iyo xallintooda, sidoo kale waa nin aqoon ahaan iyo kartihaan ku qalabaysan aqoontii qof hoggaamiye ahi u baahnaa waayo waxa uu soo bartay taariikh (history) oo ah shahaadadiisa koowaad ee jaamacadda iyo shahaadadiisii labaad oo ahayd siyaasadda (political science). Ma jiro nin dhigiisa ah oo jagada madaxweynanimo ka qabtay Soomaaliya oo u dhigma. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu lahaa aqoontii qof hoggaamiye ah laga rabey in uu yeesho oo ah taariikh oo uu garanayo ama kasayo arrimaha carro-edeg iyo mid kastaa meeshay hadhsanaysey laga soo bilaabo Hangoollajiidjiid iyo Higlahadhsade. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha 9aad ku qalabaysnaa aqoonta siyaasada oo uu shahaadadii labaad ku sameeyey oo ah nin ku qalabaysan qaababka siyaasadaha casriga ah ee urur weyn lagu hoggaamin karo.
Ugu dambayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa nin ku dhicid leh oo fuliya go'aankiisa isaga oo aan ka cabsanayn mid wax canaanta canaantiisa. Si deggan oo aqoon ku qalabaysan tahay buu go'aankiisa ugu dhawaaqi jirey. Koley Soomaalidu waxba isu ma quudho oo xogta aan qorayo dad badan u ma qudhqudhsamidoonto, laakiin waxa aan leeyahay wax ha la isu qiro oo walaalkiin waxa uu mudan yahay siiya haddii kale wax walaal loo diidey wed baa leh. Dhaqanka Soomaalida waxaa la yaab leh in Soomaalidu ku maahmaahdo "Gaal dil gartiisana sii" oo macnaheedu yahay gaalka dil gartiisana si cadaalad ah ugu naq. Haddii ay sidaas tahay maxaa ay ku dhacday in innaga oo walaalo ah aynu wax isu quudhiweyno! Run ahaantii aniga oo eegaya aqoonta Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxauu mudnaa isaga oo aan doorasho gelin in jagada madaxweynanimada loo magacaabo, isla kolkaana waxa aan ka xumahay in ay la tartamaan dad aan u qalmin ama aan dhigiisa ahayn. Intii madaxweyne dalka soo martay ma ku jirin nin aqoonta Farmaajo oo kale leh. Farmaajo waa hadiyad Allaah inoo soo diray ee daaya oo wax la qabta oo ku soo celiya hoggaanka dalka haddii aynu doonayno horumad iyo in aynu dhigeena la beretano.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen