By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: November 14, 2025
GABAYGA DHUGASHO
Gabayga Dhugasho waxaa tiriyey Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan. Haddii indheergarad Soomaaliyeed jiro waxa uu Dhoodaan ahaa ragga foolaadka ah ee Soomaalida ugu indheergaradsan. Dhoodaan waxa uu gabayga tiriyey 1972dii isaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho. Dhoodaan waxa uu la hadlayaa dadka Soomaaliyeed ee horumarka dalkeena dhibaatada ku haya sida xadtooyada hantida dadweynaha, booli cunista, shisheeye u dabadhilifaynta, aragti gaabnida, jahliga, iwm. Dadkaas xunxun ee horumarka bulshada hortaagan waxa uu Dhoodaan ku tilmaamay kuwo aan dhiman misana noolayn. Sidoo kale waxa uu Dhoodaan dhiirigelinayaa dadka dalkooda jecel oo horumarkiisa u heeganka ah.
Soomaalidaan dhiidhiyey ee dhaaxa maqashiiyey
Dhan kastaba ha joogtee dadkaan dhiirigelinayney
Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga wada dhalaalsiiyey
Runtii loo dhakaabiyo dadkaan dhaabadda u sheegnay
Dharaar iyo habeen qayladaan kor u dhawaaqayney
Ujeedada dhankii loo wataye la iska dhaadhiciyey
Inta dhinac marsani waa kuwaan garasho dheerayne
Caqligay ka dhaawacan yihiin waana shay dhab ahe
Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay dhuuni raacnimo e
Raggiise aabbayaasheen dhalay baa dhaafay hadal weyne
Maahmaahyaday noo dheheen midaan ka soo dheegtey
Intaad sacabadow dhigan lahayn nacab ku dhuudaaya
Si uu dhoomo inaad buuxsatoo dheregtey kuu moodo
Dhafoor xun iyo cadawgaagu yuu dhuubni kaa garane
Waxa loogu soo dhaashadaa dhuux sagaaro e
Markaad hadalku geestuu u dhacay sii dhadhamisaana
Dhudhunkeeda taa la ma lahayn dheef ka raadsade e
Macnuhu waa dhiggaa la ma baryee ceeb ka dhawrsade
Wanaagii dhulkiisana qofkii dhib iyo hawl mooda
Ee caloosha inuu dhaansadiyo dooni dhacadiidka
Oo ay waanadii dacar dhegweyn uga dhanaanaatay
Iyo dhuunta kii waxuu marshiyo lacagi dhaandhaantay
Oo sida dhurwaagii ka dhigan cunayey dhiigiisa
Labadaa dhamaasane qalbiga dhagaxa loo saaray
Waa dhego dameer oo kale wax isma dhaamaane
Iyagana khasaaraa ku dhici oo dhantaal badiye
Insha Allaahu kii xumo dhisaa waw dhutinayaaye
Kii dabin dhigaayaba isaga dhaadka ha u galo e
Aan ku dhaafo meeshaas dadkaan dhimana noolayne
Dhallinyarada Soomaaliyee calanka dhawraysa
Ee inuu dalkoodu u dhismiyo dhaqanka doonaysa
In kastoo dhallaan iyo gabow ciidda lagu dhaato
Oo dheeliga u diidnay oo xididka loo dhaabay
Dhaqdhaqaaqa meelaan casrigu weli ku dheerayne
Dhabbahaan marayniyo libtuna waysu dhowdahaye
Dhirtiyo dabayshiyo dhulkiyo dheefta iyo ciidda
Wax dalkeena lagu dheehayoo dheeriyaa badane
Markaadse aad u sii dheehatoo dhugato Soomaali
Dhimir iyo garaad waa qabnaa fiiro dhumuc weyne
Maskaxdaa dhan hadalkiina waa dhihi naqaanaaye
Oo qaarkeen murtiday soo dhuftaan waad la dhaygagiye
Dhaqso horumarkeeniina waw dhagagsanaynaaye
Isxilqaanka noo dhiman maxaan uga dhabcaalowney
Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo dhiibsanow muruqe
Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray lala dhamaayaaye
Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal laanta dhaladeeda
Ee uu mankuna dhaadan buu tacab dhitaystaaye
Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo malabkii dhuuqaaye
Haddaan eegno dhuunyaalihiyo anigan Dhoodaana
Banuu aadmigii aan u dhashaan yara ku dhaamaaye
Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo igaga dheereeye
Aboorkuna dhareer iyo wuxuu ciid isugu dhoobay
Ee uu dundumada uga dhigay ama u dheeraystay
Waa jinacuu dhiilada ka qabay inuu ka dhuuntaaye
Haddaan cadawga soo dheelmadka ah la iska dhooroofin
Dhexda maalintuu kaa galee dhagarna kuu geysto
Dhirif iyo ororod sida runta ah kaama dhiciyaane
Dhirbaaxadu intay kaa fogtee soo dhabbacanayso
La ma dhagabsadee waa inaad dhab u dareentaaye
Markaasaa dhengado loo gurtaa dhaax la diriraaye
Oo dhawrto la iskaga gudbaa dhacamo waaweyne
Geedaha dhafmaa lagu yidhaa waa iskudhoon kaniye
Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay shay dhegaatiya e
Mana dhalleecsan hadalkii anoon kaa dhubqaaliyine
Dhabqinamayso taan sheegayaa sida dhallaankiiye
Jaalkay dhegaystoow macnaha waan ku dhaadhicine
Cudurada wax dhaawaca jirrada lala dhukaamaayo
Ee sida dhimbiilaha dabka ah kaga dhagsiinaaya
Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran baalcaddii dhagaxa
Oo inuu dharkaaba furtiyo dooni dhaxalkaaga
Labadaa wixii kaa dhacshaa ma aha dheel dheele
Mid walba waa dagaal dhiif leh oo dhuubka loo darao e
Waxyaalahan dharaar nool idhaah taana maan dhuganno
Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan kuu dhildhilayaaye
Caanaha dharkaynkiyo haddaan dhirindhir soo hoorsho
Oo aan dhammaajiyo ku daro xabagta dhiigsaarka
Oon dhiil xareediyo intaan dheri ka soo buuxsho
Oo daboolka aan u dhuujiyoon dab u dhardhaarreeyo
Kolay boogta dhaymo u noqdaan la ma dhalliileene
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa u dhuganweyney?
Haddaanse laamo dhaadheer ka qotoo Dhuundhas xididkeeda
Oo xadhig dhan kaga soo xidhoon dhinac u laadlaadsho
Oo weel u hoos dhigo biyaha way dhibdhibicdaaye
Waxay dhibiq tiflaysaba qoryaha waxa ka soo dhiiqa
Haddaan weliba dheecaan Mawiyo Dhamstana u geeyo
Oo dhaal ku wada shiilo oon dholo ka soo buuxsho
Inay dhabarka daawo u noqdaan way u dhowdahaye
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa u dhuganweyney?
Markay Uneexo rays dhaadhidee dharabka doogowdo
Dhawr geed haddaan soo rujoon dhamac yar taabsiiyo
Markay dhuudhi roortee humrigu dhidid ka soo daayo
Dhudhun lagu maroojiyo intaan xoog isugu dhaabo
Dhaydaan ka tuujiyo waxaan dharaq ka soo miiro
Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo dhababo oo huursho
Oo Jinow dhanaan iyo haddana dhoon toboga keeno
Oo Dhamalwaqlaha u soo shitoo dhab u tumoo shiido
Oo tiina taa dhiil qarsha ah kula dhadoobeeyo
Dhuubaan kolkay soo baxdoo dhiincasuus noqoto
Qof Dhilmaayo soo tuurtay oo kaar u dhimanaayey
Haddaan xidid sintaa kaga dhufta oo dhash kaga siiyo
Dhaqso inuu bogsoodaaba way dhici karaysaaye
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa u dhuganweyney?
Dhafaruur Dhunkaal lagu qasiyo Dhayga badhidiisa
Dhiqle ma aanay reebteen waxbaba yey dhurwaa diline
Dhiidhiitiida ka ma liidateen laygu dhacayaaye
Ma dad dhoohan baan nahay maxaan taa u dhuganweyney?
ERAYADA ADAG EE GABAYGA
Dhiidhi - waa dhirif oo wax qofka ama dadku kacdoon ka sameeyaan oo ka xanaaqaan.
Dhaaxa - inta badan, aalaa.
Dhakaab - fadhi kadaloob ah ama kuudud ah.
Dharaar - maalin cad oo iftiin ah.
Dhaandhaan - waa tilmaan loo adeegsado qofka nacaska ah ama doqonka ah ee lab.
Dhuuniraac - Qof hunguri badan oo cunto jecel.
Dheego - Waa eray la macno ah akhri ama u fiirso
Dhuudaya - Dabin qorsoon oo laguu dhigay oo la yidhaahdo dabindhuud.
Dhoomo - Haamaha waaweyn ee biyaha laga dhaansado ama caanaha lagu shubto.
Dhudhun - Waa cabbir gacanta qaybteeda hore laga suxulka ilaa faraha.
Dhacadiid - Dhereg daraadeed kolka qofku dhabarka u seexdo
Dacar - Wax qadhaadh oo dhan waa dacar, sidoo kale waa geedka dacarta.
Dhamaasan - Maahsan oo aan waxba fahmayn.
Dhantaal - Wax kala dhacay oo dhowr qaybood u kala jabay.
Dhaad - Xidhig yar oo awrta labada addin hore lagaga xidho ama wax qofku go'aankiisa ku dabro ku beeg qaato.
Dhaato - Waa dhaad oo si kale loo qoray oo la macno ah wax qofku go'aankiisa ku dabro oo ugu qiyaas qaato.
Dhaab - Wax aasan oo hoos meel ugu jira
Lib - Waa eray kale oo la macno ah guul ama gallad.
Dheeh - Waa midabka sare ee weelka rinjiyeysan.
Dhimir - Waa maanka ama caqliga.
Dhumuc - Wax buur buuran oo qaro leh.
Dhagagsan - Waa orod is baacsi ah oo loo ordayo dhagag dhagag, sidoo kale waa eray la macno ah wax la sugi kari la' yahay.
Dhabcaal - Waa qof wax ma quudhaan ah oo bakhayl ah.
Dhurde - Waa cayayaan sameeya malabka ama miidda surta oo shinnida oo kale ah.
Dhiibsan - Wax giigtiran oo adag ama la kala jiidey sida muruq adag oo aan diismayn.
Miid - Waa malabka saafiga ah ee aad loo miiray.
Dhadhin - Waa ubax ama caleen biyo weydey oo soo qalalaysa.
Man - Waa ubaxa geed qodxeedka.
Ruqur - Waa ubaxa geed quwaaxa ama dhirta quwaaxa laga helo.
Xay - Waa ubaxa geed midhoodka aan qodaxda lahayn.
Cobol - Waa ubaxa geed cawsaadka.
Door âââ‰â¬Å Waa ubaxa geed madowga sida higlada, qalanqasha, iwm.
Dhaadan - Waa cokan ama yare dheregsan.
Dhito - Waa caanaha la dhigo si ay u dhanaanaadaan oo subag looga saaro ama bixiyo.
Dhuunyaale - Waa magac kale oo cayayaanka dhurduhu leeyahay.
Aboor - Waa cayayaanka dundumoouinka sameeya.
Jinac - Waa magac kale oo loo yaqaan wiriiriga waaweyn ama dhuxunkureebka waaweyn.
Dheelmad - Carraabo meel durugsan loo socdo.
Dhooroofin - Iska jir ama la soco inta aan wax dhicin.
Dhagar - Waa eray asal Soomaali ah oo la macno ah denbi.
Dhirif - Xanaaq ama dhiidhi.
Dhagabsi - Sugid ama dhawrid. Intaad meel iska fadhiisato wax sugto.
Dhengad - waa magac kale oo loo yaqaan ul.
Dhawrto - waa eray Soomaali asal ah oo la macno ah sadaqo.
Dhacan - waa oodaha waaweyn ee xoolaha afka laga saaro kolka la xereeyo.
Geedaha dhafan - waa dhirku baxda ooh al meel ku wada taal.
Iskudhoon - waa geed geed kale ka hoos baxay oo ay isku marmeen.
Dhig - wax meel ku kaydso, waxbaro, dhigta aqal Soomaaliga lagu dhiso.
Udub - waa qori dheer oo madaxa sare ku leh labo faraar oo aqal Soomaaliga lagu taago.
Dhegaati - waa xadhig yar oo afarta gees lagaga xidho walxaha laydiga ama afar geeska ah si loogu adeegsado kolka meel lagu xidhayo sida harrarada.
Dhalleecsan - waa dhalleecayn oo loo qoray tilmaan ahaan (adjective). Haddii qofku ku yidhaahdo ma dhalleecsan waa ma dhalleecayn.
Dhubqaali - waa kolka biyo maax ah oo fadhiya la dhex galo oo caraq laga dhigo.
Dhabqi - waa tarrax ama qas ama isku walaaq.
Jaalkay - waa la jirahayga ama wadeeygayga ama saaxiibkay.
Dhukaan - waa cudur geela ku dhaca oo hashu ama neefku maydhuufayo oo weyd aad ah noqonayo isla kolkaas gangan ku jabsan yahay.
Dhimbiilo - kolka dabka la shido dhuxusha dabka leh ee ololaysa baa dhimbiil la yidhaahdaa.
Dhuug - waa cayayaan xoolaha cuna oo soo baxa nuraha barwaaqada oo aan ogolayn in xooluhu doogga daaqaan.
dhiidhi - waa dhoobada qoyan ee gaadiidka ama xooluhu ku limadaan nuraha roobabka ama xilliyada roobabka.
Dhuudhi - Waa dareen jidhku sameeyo oo ah in wax xanuun kulul ku mudeen oo jidhkaaga dhex xulayo.
Roor - Waa wax meel isugu soo ururay sida qodax baa kor ii roortay. Daaco kulul baa dhuunta i rooraysa imw.
Hunri - Kulayl oomaaraya oo wejiga kaa leefaya.
Dhudhun - Cabbirka gacanta dhudhunkeeda lagu sameeyo. Gacanta inta u dhexaysa cududda iyo calaacasha.
Dhaabo - Aaso, dhulka hoos u geliyo ama meel hoose ku qariyo.
Dharaq - Kolka neefka la maalo ama la liso caanaha yar ee candhada neefka lagag tago si ubadku u jaqaan.
Kob - Waa eray la macno ah meel duur leh ama geedka duurku ku badan yahay. Kob waxaa kale oo la adeegsadaa halkan.
Dhababo - Daboolka u giijiyo oo huuriyo.
Jinow - Waa geed caleen dhanaan oo la cuno caleentiisa.
Dhoon Tobboga - Waa xabagta waaweyn ee cadaadda, qudhaca, maraaga, iwm.
Dhamalwaqle - Waa geed magaciis.
Dhiil Qarsha - Weel dhiil ah oo ka samaysan quraarad.
Dhadoob - Isku walaaqo oo isku qoosho, isku tarraxo.
Dhuubaan - Wax dhuubmay oo dhadhay oo isku dhegey.
Dhiincasuus - Waa midab dhiin ah oo yare casuus xiga.
Dhilmaayo - Magac kale oo loo yaqaan kaneecada.
Dhafaruur - Waa geed magaciis.
Dhunkaal - Waa geed magaciis.
Dhayga - Waa geed magaciis.
Dhiqle - Waa cayayaan qoryaha cuna oo dhirta dhuuxa hoose ka cuna.
Dhiidhiito - Waa sun xun oo dilaa ah oo xoolaha la mariyo si dulinka looga dilo, isla kolkaana beeraha ayaa lagu buufiyaa si cayayaanka looga dilo.