+252 90 4048010

kalbarashooyinka

Haddii aad ku qanacday kalbarashooyinka Ilays oo ku nooshahay Soomaaliya, Keenya, Itoobiya, iyo Jabuuti waxa aad lacagta ku soo diraysaa +252 90 4048010 - Sahal ama +252 63 8769322 - Zaad ama +252 61 9307539 – EVC. Tebiyaha EVC ee Hormuud waxaa ku qoran Cabdisalaam Maxamed Xuseen, laakiin Sahalka iyo Zaadka waxaa ku qoran Dalladda Waxbarashada Ilays.

Haddii aad ku nooshahay dalalka kale ee carro-edeg waxa aad adeegsataa Xawaaladaha Soomaalida sida: Taaj, Amal, ama Tawakal si lacagtu toos ugu soo dhacdo tebiyayaasha Dalladda Waxbarashada Ilays ee +252 90 4048010 - Sahal ama +252 63 8769322 – Zaad ama +252 61 9307539 – EVC. Lacagta aad soo dirayso waxa aad ku soo qortaa Dalladda Waxbarashada Ilays oo uu ka masuul yahay Cabdisalaam Maxamed Xuseen oo tirsiga tebiyihiisa gaarka ah uu yahay +252 90 7995666 ama +252 63 4498258. Kolka aannu hello farriinta lacagta aad soo dirtay iyo saaqida farriintaada (email address) waxa aannu kuu soo diraynaa magacfuraha (username) iyo erayfuraha (password) si aad u daawato casharrada duuban isla markaa u soo rogoto (download) casharrada qoraalka ah ee aad codsatay/codsanayso.

•Dooro kalbarashada – Select the course
•Kaydso kalbarashada aad xulatay - Save your selection of course
•Ku bixi lacagta Sahal, Zaad, EVC, iyo Xawaaladaha Soomaalida – Pay to Sahal, Zaad, EVC, and Somali remittance such as Amal, Taaj, or Tawakal.
•Noo soo dir saaqidaada farriimaha iyo caddaynta lacagbixinta - Send us your email and the copy of your payment.
•Waxa aannu kuu soo diraynaa magacfuraha (username) iyo erayfuraha (password) si aad u daawato casharrada duuban isla markaa u soo rogoto (download) casharrada qoraalka ah - we send you username and password to watch videos and download the written material.

Marka aad hesho magacfuraha (username) iyo erayfuraha (password) waxa aad gelaysaa oo gujisaa barta ARDAY ee mareegta Ilays oo aad ka sii gelayso KOONTADA GAL (account login) si aad u daawato casharradaada isla markaana u rogato casharrada qoraalka ah.

kalbarashooyinka