By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: July 21, 2025
XARFAHA LABADHACA
Afafka adduunku dhammaantood waxa ay leeyihiin erayo dhawaaqoodu culus yahay oo keena in xarfaha qaarkood carrabka lagu adkeeyo. Sida Afafka kale waxa uu afka Soomaaligu leeyahay xarfo u baahan in carrabka lagu adkeeyo kolka erayga lagu dhawaaqayo ama la qorayo. Xarfaha u baahan in carrabka lagu adkeeyo waxaa la yidhaahdaa xarfaha labadhaca ama juuqyada labadhaca. Inta badan afka Soomaaliga aad loo ma sugin xarfaha labadhaca in kasta oo Gudidii Horumarinta Afka Soomaaliga ee 1972dii ay sheegeen in ay jiraan todoba xaraf oo had iyo goor keena in ay labadhacaan. Todobadaas xaraf oo ku urursan weedhaha "ma nala garaad baa," laakiin weli waxaa muuqata in loo baahan yahay aqoonbaadhis cusub si loo sugo xarfaha u baahan in ay labadhacaan. Sidoo kale haddii aad loogu talaxtago oo la kordhiyo xarfaha labadhaca waxa ay keenaysaa kakanaanta afka hooyo. Kolka laga hadlayo xarfaha labadhaca waxaa keliya oo loo jeedaa shibbanayaasha.
GAAGAALAYAASHU MA NALA GARAAD BAA.
Xarfaha labadhaca waxa ay ku yimaadaan saddex siyood oo kala ah:
Eray asal ahaan u baahan in uu wato xaraf labadhaca, tusaale ahaan dallad, ammaan, gallad, arrin, Eebbe, rabbi, Barre, sinnaan, berri, Allaah, gammaan, deggan, innaga, tallaabo, abbaan, hannaan, ballan, darro, sallo, heello, hidde, caddo, gardarro, karraysin, kabbo, bannaan, marriin, rimman, farriin, barroosin, saddex, harraad, harrar, xabbad, higgaad, wallac, irrid, iwm.
Eray labo dhac u baahda kolka ay la xidhiidhsamaan lifaaq ama xarfo kordhinaya salka erayga ama baarka erayga, tusaale ahaan mugga, eegga, hadda, buugga, aagga, ragga, dalladda, caddaaladda, wasaaradda, badda, cidda, hogga, nuqullo, caddaan, saaxiibbo, aqallo, irridda, iwm.
Sidoo kale waxaa jira erayo u baahan in ay labadhacaan kolka ay weedh gaar ah ku jiraan oo dhawaaqa iyo lifaaqyadu sababaan in ay labadhacaan iyo in kale, laakiin kolal kale oo badanna aan u baahan xaraf labadhaca, tusaale ahaan: boqoraddu, boqarradu, mooddaa, moodayey, horee, horree, indhohabeeno, habeenno badan, geeddi, geedi, ujeeddo, ujeedada, xaaladda, xaaladaha, iwm.
Guud ahaan waxaa xarfaha labadhaca lagu gartaa in carrabku gariir yar sameeyo kolka erayga lagu dhawaaqayo. Dhibaatooyinka haysta qoraalka afka Soomaaliga way badan yihiin. Qofkii joogey ee wax ku soo bartay xilligii afka Soomaaliga la qoray waxa uu arkayaa waxyaalo badan oo amakaag leh. Waxyaalahaas waxaa ka mid ah:
Xarfaha labadhaca oo xeerkoodii lagu tuntay: Juuqyada labadhaca ee xeerkoodii lagu tuntay waxa ay leeyihiin saamayn ballaadhan oo aan la fududaysan karin, tusaale ahaan: Erayada boqoraddu iyo boqorradu waa laba eray oo kala macno ah kolka weedh la geliyo. Boqaraddu waxa ay la hadashay dadweynaha - waxaa loo jeedaa haweeney boqorad ah oo dadka la hadashay. Boqorradu waxa ay la hadleen dadweynaha - waxaa loo jeedaa rag badan oo boqorro ah oo dadka la hadlay. Labada eray waxa ay ku kaladuwan yihiin oo keliya xarafka 'r' iyo 'd' oo labadhacay. Bal u fiirso weedhaha: Dilka Soomaalida loo geysanayo waxa aad yare mooddaa in uu sannadkan carcartiisa qabo. Haddii erayga mooddaa laga tago labadhaca 'd' waxa ay keenaysaa in la qoonsado qofka qoray weedhaha oo la is weydiiyo yaa qoray? Sidoo kale isla erayga qudhiisii oo weedh kale ku jira bal u fiirso: Waxa aan moodayaa midhihii jannada iyaduna ma oga! Weedhahaas waxaa yidhi hoobalkii Cabdi Baadil, laakiin haddii erayga moodayaa lagu daro 'd' kale oo ay labadhacdo waxaa ka dhalanaya in macnaha weedhu lumo ama yare adkaado. Bal u fiirso weedhaha: "Sureer waxa ay leedahay indhohabeeno." Sidoo kale waxaa heestii Afrikaay Hurudooy ku jirta "Habeenno badan baan hurudooy." Intaasi waa tusaalayaal yar oo ku dareensiinaya muhimadda ay leeyiin xarfaha labadhaca.
GEFAFKA AFKA
Maadaama aannu afka Soomaaligu lahayn cid si gaar ah ugu xilsaaran oo ilaalisa saxnimadiisa iyo gefafka laga gelayo, waxa dadweynaha ka dhaca gefaf waaweyn oo dhaawac weyn ku ah afka Soomaaliga. Gefafkaas waxaa ka mid ah kuwa aynu hoos ku tilmaamidoono.
Xarafka 'e' oo dhawaaqiisii afka ka sii baxayo: Adeegsiga shaqalka 'e' waxa aad mooddaa in shaqalka 'a' qaadanayo meeshii shaqalka 'e' geli jirey iyo meeshii shaqalka 'a' geli jirtey labadaba. Dadka wax qora waxa aad ku arkaysaa iyaga oo qoraya:
dhagayso meeshii ahayd in ay qoraan dhegayso
wayn meeshii ahayd in ay qoraan weyn
gali meeshii ahayd in ay qoraan geli
maalgalin meeshii ahayd in ay qoraan maalgelin
wali meeshii ahayd in ay qoraan weli
dayn meeshii ahayd in ay qoraan deyn
bari meeshii ahayd in ay qoraan berri
bari meeshii ahayd in ay qoraan beri
dagan meeshii ahayd in ay qoraan deggan
gayi meeshii ahayd in ay qoraan geyi
dagto meeshii ahayd in ay qoraan degto
daris meeshii ahayd in ay qoraan deris
kaliya meeshii ahayd in ay qoraan keliya
nabi meeshii ahayd in ay qoraan nebi
kadis meeshii ahayd in ay qoraan kedis, iwm.
Eray si loo yaqaaney oo si kale loo yaqaan: waayahan dambe waxaa aad u soo kordhayey erayo macno loo yaqaaney oo hadda macno cusub qaatay, meeshoodii baa eray cusub galay oo way baxeen, tusaale ahaan:
Erayga shiid ama shiidshiid waxaa afka hore ee Soomaaliga loo yaqaan dhagax tuurka ama dhagaxa qudhiisa, laakiin imminka waxa uu erayga shiid qaatay meeshii erayga budo, iyo faqiir ama sabool.
Erayga taatir waxa uu imminka qaatay meeshii erayga tirtir, erayga tirtir waxa uu imminka qaatay meeshii erayga qoosh ama cajiin.
Erayga qarar ama qadhadh waxaa afka hore ee Soomaaliga loo yaqaan midho aan bislaan oo gahaydh ah, laakiin imminka waxaa qaatay meeshiisii erayga qaarac.
Erayga biif waxa uu meeshiisii ku haystaa erayga been, laakiin waxaa asalkiisii hore loo yaqaaney midabka caddaanka ah.
Erayga dooryaan ama doorshaan waxaa afka hore ee Soomaaliga loo yaqaan duqsiga waaweyn ee neefka bakhtiga ah ku soo urura, laakiin waxa uu hadda macnihiisii hore ku darsaday oo uu meeshii ka qaaday erayga gooryaan.
Dhawaaqii erayada oo dadka iskaga gedmadey: Bulshada maanta joogta haddii aad u fiirsato waxa ay si gef ah ugu dhawaaqayaan erayada badankooda, bal u fiirso tusaalayaasha soo socda:
Dhawaaqa asalka ah | Dhawaaqa cusub |
qubays | qubees |
dhalo | dalo |
uskag | ustag |
guddoomiye | gaddoomiye |
laad | laag |
gogol | godol |
garoon | karoon |
marqaan | mirqaan |
digir | gidir |
Erayada kale ee magac cusub loo bixiyey waxaa ka mid ah: erayga tarandac waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan daacdaac. Erayga mindi waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan midi. Erayga Khamiis waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan Qamiis. Erayga xusuus waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan xasuus. Erayga illo waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan gasho. Erayga jirikaan waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan kirijaan. Erayga dukaan waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan tukaan. Erayga iska hubi waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan iska ifi. Erayga sii xoor waxa ay dadka hadda joogaa yidhaahdaan sii tuur. Sidoo kale waxaa jira erayo badan oo had iyo goor dhawaaqoodu jabayo.
Qofka wax qoraya waxaa looga baahan yahay in uu iska hubiyo qoraalkiisa, isla kolkaana waa in uu kala soocaa afka rasmiga ah ee qoraal geli kara ama farriin lagu gudbin karo iyo afka seyladda (afka suuqa) yaal ee gefafku ka buuxaan. Sida afafka kale waa la ogol yahay in afku xuubsiibto oo erayo badan ku soo biiraan kuwo kalena macno cusub sameeyaan, laakiin waxa aan la ogolayn in si dardar leh afka loo dooriyo.
Magacyadii oo saldhigii ka lumay: Dhanka magacyada dhigaalkooda waxa aad arkaysaa in dadka wax qora gurac weyn kaga jiro oo qof kasta sida uu doonayo wax u qoro. Run ahaantii kolka magaca la qorayo waxaa waajib in aan asalka dhawaaqa la doorin. Dad badan oo wax qora waxa ay dooriyaan qaabka magacyada loo qorayo iyada oo uga jeeda in dadka qalaad loo fududeeyo akhrintooda. Waxyaalaha gefka ah ee qoraalka afkeena soo galay waxaa ka mid ah in magac kasta la iskudayo in loo helo qaab afka Ingiriisi ah iyo qaab afka Soomaali ah. Arrintaasi waxa ay kharaab gelinaysaa hannaankeena qoraalka magacyada sidaas awgeed waa in aynu yeelanaa hab saldhigay oo magacyada loo qoro. Haddii aan wax yar iska tusaalayno dhibaatada ka taagan magacyada waxaa ka mid ah: Dadka qaar kolka ay qorayaan Cabdullaahi waxa ay u qoraan dhowr siyood oo kala duwan sida: Cabdillaahi, Cabdilaahi, Cabdulaahi, Cabdulahi, Cabdilahi, Abdullahi, Abdilahi, Abdillahi, Abdulahi, iwm. Haddii adduunkii saaqid (electronic) noqday waxaa loo baahan yahay in xeer laga yeesho magacyada oo hal si oo keliya loo qori karo magac kasta. Haddii aan taas la helin waxa aynu isku wareerinaynaa mashiinada xogdhawrayaasha (computers).
Dadka oo aannay u kala soocnay erayga doolka ah iyo kan asalka ah: Afka Soomaaliga waxaa dulmaray oo jiidhay ilbaxnimooyin waaweyn sida ilbaxnimada Islaamka iyo ilbaxnimada reer galbeedka, haseyeeshee waxa uu afkeenu ku guulaystey in uu xajisto jiritaankiisa. Si haddaba loo helo qoraallo tarraxla' oo Soomaali ah, dhallinyarada ama dadka wax qora waa in ay kasaan erayada doolka ah iyo kuwa asalka ah. Dadka dhallinyarada ah waxaa looga baahan yahay in ay u hiilayaan afkooda iyada oo la helayo eray Soomaali ah waa in aannay qorin eray dool ah oo afaf kale ka yimid. Tusaale ahaan adiga oo heli kara:
adoo ha qorin waalid.
af ha qorin luuqad.
afnaqe ha qorin turjumaan.
ammin ha qorin saacad.
aqoon ha qorin cilmi.
irrid ha qorin ganjeelo.
burukeed ha qorin doolshe.
Dadka wax qora waxa aannu leenahay liibaane iska hubiya erayga aad qoraysaan oo afka u hiiliya ileen waa tii la yidhi geed kaa dheeri ku ma dhaxan tiree.
Afguriyaha oo aan la fahansanayn: Afguriyuhu waa labo jaad oo kala ah afguriyo gobol iyo afguriyo bulsho. Afguri gobol waa kala jiidanka dhawaaqa iyo qoraalka erayada ee u dhexeeya gobollada. Afguri bulsho waa kala jiidanka dhawaaqa iyo qoraalka erayada ee u dhexeeya bulshooyinka isku afka ah oo taranka dadku keenay in hadalka ama adeegsiga erayada kala durug ku dhaco. In hadalku afguriyo leeyahay waxa ay tilmaamaysaa hodantinimada afka, laakiin Soomaalidu waa ay isku xaraabeeyaan ama waxa ay ka dhigaan kala maadsi gobolgobol ah oo la isu jareexeeyo. Awoodda afguriyaha waxaa ka mid ah in qaar ka mid ah erayada oo si goob looga yaqaan ay ka weecdaan goob kale. Inta badan dhawaaq gobol laga yaqaan waxa uu ka yara weecdaa dhawaaq gobol kale laga yaqaan. Sidoo kale waxaa jira erayo isku dhawaaq iyo dhigaal ah oo macno kaladuwan loo yaqaan, ama qaar ka mid ah erayada baa gobol kasta si kaladuwan u horumaray. Bal tusaalayaasha soo socda dheeho:
Afguriyaha geyigeena ee gobollada waxaa ka mid ah erayo lagu kaladuwan yahay dhawaaqa iyo dhigaalka juuqyada 'dh' iyo 'r' sida: odhan, oran, yidhi, yiri, tidhi, tiri, xoodhay, xoortay, tuudhay, tuurtay, jidha, jira, xidhiidh, xiriir, adhi, ari, gabadh, gabar, aqri, akhri, kharash, qarash, jidh, jir, iwm.
Afguriyaha geyigeena ee gobollada waxaa kale oo ka mid ah in dhawaaqa iyo dhigaalka shibbanuhu ka guuro meeshuu erayga ku lahaa ama juuq kale ka qaada sida: waxyaalo, waxyaabo, socdaal, sodcaal, dawaco, dacawo, eray, erey, dhabxanag, dhalxanag, dhamxanag, dhanxanag, howl, hawl, siyaalo, siyaabo, ramag, ramad, laxaad, lixaad, labo, lammo, iwm.
Afguriyaha geyigeena ee gobollada waxaa kale oo ka mid ah in hal wax loo kala yaqaan erayo kaladuwan sida: udo, xaar, saxaro - bisad, mukulaal, yaanyuur - gaal, geel - caanaqub, dhiddo, yaadado, kashiito - dabagaalle, tukulush, soongur - hadal dee, hadal hee - doodi, xoodaami - qof, naag - iwm.
Afguriyaha geyigeena ee gobollada waxaa kale oo ka mid ah in hal eray oo isku dhigaal iyo dhawaaq ah loo kala yaqaan macnayaal kaladuwan sida: erayga 'cid' waxaa gobollada qaarkood looga yaqaan in uu la macno yahay 'xoolo', sidoo kale isla erayga qudhiisa waxaa gobollo kale looga yaqaan in uu la macno yahay 'dad.' Erayga 'shinni' waxaa gobolada qaarkood looga yaqaan in uu la macno yahay abuurka beeraha lagu rido, sidoo kale isla erayga qudhiisa waxaa gobollo kale looga yaqaan in uu la macno yahay cayayaanka malabka sameeya. Erayga 'qaran' waxaa gobollada qaarkood looga yaqaan in uu la macno yahay 'balka beeraha ka soo go'a ee xoolaha la siiyo, sidoo kale isla erayga qudhiisa waxaa gobollo kale looga yaqaan in uu la macno yahay dad calan iyo soohdin leh, iwm.
Afguriyuhu waa qayb ballaadhan oo afafka adduunka oo idil lagu yaqaan. Afka waxa ay ku kordhiyaan hodantinimo iyo baac dheeri. Innagu waxa aynu in badan ku mashquulaa dhaleecaynta afguriyaha ee gobollada, laakiin waxaa fiican in afguriyaha la daayo oo loo arko horumar iyo hodantininmo af.
Erayo u baahan in dhawaaqooda la isku raaco: Afka Soomaaliga waxaa ka buuxa erayo badan oo u baahan in dhigaalkooda iyo dhawaaqooda soohdin loo kala sameeyo. Tusaalayaasha soo socda bal dheeho:
Dhowr oo la macno ah tiro xoogaa ah: dhowr wiil, dhowr gabdhood, dhowr maalmood, dhowr reer, dhowr guri, iwm.
Dhawr oo la macno ah ilaali ama sug: waxa aan yare dhawrayaa walaalkay, saddex cisho ayaan dhawrayey. Erayga dhawr ama dhawrto waxa kale oo uu la macno yahay sadaqo oo macnaheedu yahay tii ku ilaalinaysey.
Xoor oo la macno ah bahal yar oo dabacaddeeyaha u eg: Xoorku waxa uu jabsadaa shinnida. Xoor waxa ay kale oo la macno tahay tuur. Waryaa dhagaxa iska xoor. Maxaad alaabada u xoortay. Xoor waxaa gobollada qaarkood looga yaqaan xumbada ka sarraysa caanaha kolka la soo liso. Gobollada qaarkoodna waxa ay ugu dhawaaqaan xoodh oo la macno ah xumbada ka sarraysa caanaha kolkaas la soo lisay. Hasha waxa aannu ka milaalnay hadhuubgaal xoodhku in badan ka sarreeyo.
Gar oo la macno ah garsoorid ama arrin naqsi: Shalay waxa aannu gallay gar adag. Gar waxa ay kale oo la macno tahay daantaas ama dhanka kale: Xoolihii way gar gudbeen oo waxa ay u tallaabeen daantaas. Gar waxa ay kale oo la macno tahay dhuunta wadnaha ee kolna is xidha kolna is furta. Sidoo kale waxaa gar loo yaqaan xadhiga xoolaha lagu hoggaamiyo. Gobollada qaar waxa ay kale oo gar u yaqaaniin fayga qalka hoose ee foolka qofka iyo timaha ka soo baxa. Gobollo kalena waxa ay ugu dhawaaqaan gadh oo la macno ah fayga qalka hoose ee afka iyo timaha ka soo baxa: Axmed waa uu gadh dheer yahay. Cali waa gadh maleyti. Arrintaasi waxa ay culays gelinaysaa adeegsiga erayga gar oo awal hore aad u macnayaal badnaa.
Erayga duul kol waxa uu la macno yahay dad, kolna ciidankii oo dagaal qaaday, kol kalena waxa uu la macno yahay shimbirihii oo haadey. Eraygan gobolladu waxa ay u yaqaaniin si isku mid ah, laakiin waxa uu u baahan yahay in dhawaaqiisa soohdin loo kala sameeyo. Tusaale ahaa: Ciidan waxa uu duuley shalay. Shimbirkii waxa uu duuley hadda. Halkaas duul aan la garanayn baa jooga.
Dhawaaqyada 'dh' iyo 'r' oo lagu kaladuwan yahay: Sida aynu og nahay bulshada Soomaaliyeed waxa ay ku kala tagsan yihiin adeegsiga juuqa 'dh' iyo adeegsiga juuqa 'r', isla kolkaana waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha lagu kala maadsado ee kaftan iyo jareexayntu ka curtaan. Dad badan baa is weydiiya kee baa adeegsigiisu fas yahay? Labaduba waa fas waayo adduunka oo idil bay ka jirtaa jiidanka dhawaaqa iyo qoraalka kolka bulshooyinku deegaan ahaan kala durkaan. Laakiin haddii aynu soo qaadano qolyaha taageera juuqa 'dh' waxa ay leeyihiin xilligii dawladihii 1960aadkii ilaa 1990aadkii waxaa na la ku gorfeeyey in juuqa 'dh' laga fasan yahay. Qolyaha juuqa 'dh' waxa ay leeyihiin garsoorkaasi sax ma aha waayo waxa aannu u aragnaa in uu yahay mid xoog lagu marsaday ee aannu ahayn mid aqoon lagu saleeyey. Ugu horreyn afguriyaha waa in la isku tixgeliyaa oo xaraabada laga daayaa. Afguriyaha kala kaanka ah ha loo arko in ay yihiin hodantinimada afkeena. Sidoo kale waxa aannu haynaa meelo badan oo adeegsiga juuqa 'dh' kaga horumarsan yahay adeegsiga juuqa 'r'. Tusaale ahaan, kolka erayada kelida ah wadar laga dhigayo sida gabadh oo noqota gabdho, laakiin qolyaha juuqa 'r' waxa ay odhanayaan gabadh kolka ay keli tahay, laakiin kolka ay wadar noqoto waxa ay odhanayaan gabdho. Haddii kolkii hore ee kelida juuqa 'dh' la diidey maxaa kolka wadarta loogu soo noqday 'dh'. Tusaalayaasha in eray kelinimadiisa 'dh' la diido oo wadartiisa 'dh' lagu soo noqdo way badan yihiin.
Arrinta labaad ee qolyaha juuqa 'dh' ku doodayaan waxa ay tahay tarminta erayada oo dhabo kala qabsanaysa, tusaale ahaan, erayga xoor waxa ay qolyaha juuqa 'r' u yaqaaniin labo macno oo aan wax lagu kala saaro lahayn. Kol waxa ay u yaqaaniin bahal yar oo shinnida jabsada oo dabacaddeeyaha oo kale ah, kolna waxa ay u yaqaaniin caanaha xoolaha xumbada ka saraysa. Qolyaha juuqa 'dh' waa isku mid xagga macnaha, laakiin way u kaladuwan xagga qoraalka oo mid waxa ay odhanayaan 'xoor' oo bahalka ah, midna waxa ay odhanayaan 'xoodh' oo xumda caanaha ah. Sidoo kale waxa uu erayga 'xoor' la macno yahay wax tuuris oo waa fal ama ficil, laakiin kuwii 'r'du hadda waxa ay odhanayaan 'xoodh' ama 'xoodhay'. Afka Soomaaliga waxaa laga helayaa erayo badan oo xagga qoraalka iyo xagga macnaha soohdin kala qaadanaya kolka la adeegsado juuqa 'dh' sida gadh, gar. Sidaas awgeed way wacan tahay in la dhawro dhawaaqa afguriyaha. Jaantuska soo socda waxa uu ku tusinayaa erayo badan oo soohdin kala yeelanaya haddii la adeegsado juuqa 'dh', laakiin ku dhacaya eray kale haddii la adeegsado juuqa 'r'.
ERAYADA 'DH' | ERAYADA 'R' | ISKU DHACA ERAYADA KALE |
jiidh | jiir | waxa ay isku dhacayaan erayga ee erayga jiir oo xayawaan ah. |
xoodh | xoor | waxa ay isku dhacayaan erayga xoor oo la macno ah tuur ama xayawaan. |
jidh | jir | waxa ay isku dhacayaan erayga jir oo roob habeenimo ah ama jiritaan. |
gadh | gar | waxa ay isku dhacayaa eraygii gar ee garsoorka. |
weedh | weer | waxa ay isku dhacayaan erayga weer oo bahal cuna xoolaha ah. |
gaadh | gaari | waxa ay isku dhacayaan erayga gaari oo ah haweeynada maamulka wacan |
baadh | baar | waxa ay isku dhacayaan erayga baar oo ah geedka baarkiisa |
badh | bar | waxa ay isku dhacayaan erayga bar oo dhibic la macno ah. |
badhi | bari | waxa ay isku dhacayaan erayga bari oo jiho ah |
Kolka aqoonbaadhis badan la sameeyey waxa dhab ah in ay soo baxeen erayo badan oo lagu qoro juuqa 'dh' haddii loo qoro juuqa 'r' in macnuhu lumayo oo qolyaha adeegsatada juuqa 'dh' aannay fahmayn.
Erayada Milgadoodii Luntay oo Milgo kale Qaatay: Afka Soomaaliga waxaa ka buuxa erayo asalkoodii hore macno samayn jirey oo hadda macno kale qaatay sida erayga shiid oo asalkiisii hore ahaa dhagax hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah dhagax tuur ama faqiir, erayga dhaq oo asalkiisii hore ahaa shaqo hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah qaab nololeed sida dhaqan, erayga milgo oo asalkiisii hore ahaa macne hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah xishood, erayga gaal oo asalkiisii hore ahaa geel hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah qofka gaalka ah ee aan muslimka ahayn, erayga dheel oo asalkiisii hore ahaa qoyaan hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah ciyaar ama dibadyaal, erayga dharab oo asalkiisii hore ahaa sayax hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah qoyaan, erayga sayax oo asalkiisii hore ahaa Carabi hadda waxa uu qaatay macno cusub oo ah dharab, iwm.
Xeerka erayada labo dhaca: Inta badan waxa aad afka Soomaaliga ku arkaysaa xarfo labadhaca, laakiin waxaa sidoo kale jira erayo labadhaca oo aan wax xeer ah ka dejisneyn. Kolkaas waxaa is weydiin leh ma sidii hal eray baa loo qorayaa mise labo eray oo kala baxsan baa loo qorayaa. Kolkii aan aqoonbaadhis badan samaynay waxa aannu soo helay in Gudidii Af Soomaaliga ee 1972dii ay dejiyeen hannaan loo qoro. Gudidu waxa ay go'aamiyeen in dhammaan erayada labadhaca la isku ladho kolka la qorayo sida: xun xun waxaa loo qorayaa xunxun, yar yar waxaa loo qorayaa yaryar, mar mar waxaa loo qorayaa marmar, kol kol waxaa loo qorayaa kolal, dheer dheer waxaa loo qorayaa dhaadheer, koox koox waxaa loo qorayaa kooxkoox, hurin hurin waxaa loo qorayaa hurinhurin, iwm. Haddii aad si dhab ah ugu fiirsato dhawaaqaaga erayadaas waxa aad arkaysaa in dululaatidii u dhexayso ka baxayso kolka lagu dhawaaqayo sida xun xun = xunxun, yar yar = yaryar, deg deg = degdeg, iwm.
Gefafka dhawaaqa iyo qoraalka: Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed waxa ay dhibaato ka haysataa in ay isa solansiiyaan waxa ay dhahayaan ee ku dhawaaqayaan iyo waxa ay dhigayaan. Dad badan oo warbaahinta adeegsada waxa ay ku dhawaaqaan deg deg, laakiin waxa ay dhigaan dag dag, waxa ay ku dhawaaqaan keli, laakiin waxa ay dhigayaan kali; waxa ay ku dhawaaqaan dhegayso, laakiin waxa ay dhigaan dhagayso; waxa ay ku dhawaaqaan weli, laakiin waxa ay dhigaan wali oo wax waalan ah; iwm. Sidaas awgeed waxaa muhiim ah in qofka qoraaga ah ama wariyaha ah ee fagaarayaasha dadweynaha wax ka odhanaya in uu ka fiirsado waxa uu dhigayo iyo waxa uu dhahayo.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen