+252 90 4048010

biography

HORDHACA AQOON IYO AFGARAD

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 23, 2025


Maqaalkan waxa aynu ka hadlidoono riwaayad la yidhaahdo Aqoon iyo Afgarad oo la curiyey 1972dii. Riwaayaddu waxa ay xambaarsan tahay xog iyo war u baahan in mar kale dib loo sheego. Kooxdii xilligaas hormuudka ka ahayd carinta iyo baraarujinta maskaxda dadweynaha oo ku sugnayd Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, ayaa curiyey riwaayad wax weyn ka bedeshey habkii golayaasha tixda loo dhigi jirey. Riwaayadda waxa wada curiyey Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, Siciid Saalax Axmed, Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, iyo Muuse Cabdi Cilmi Gadhle Allaah ha u naxariistee. Curiyayaasha riwaayaddu waxa ay ahaayeen hooballadii ugu horreeyey ee aqoontoodu gaadhey heer jaamacadeed. Aqoontii ay ka heleen Kulliyadda Lafoole iyo aftahanimadoodu waxa ay dhaxalsiisay in ay ilaa maanta noqdaan horyaalka maansada iyo murtida Soomaaliyeed. Aqoon iyo Afgarad waxa ay ka curatay arrin indheergaradnimo ah oo ay hooballadaasi ka dhex arkeen hannaankii waxbarashada ee ka socdey Kulliyadda Waxbarashada Lafoole iyo tababaradii barayaasha la siinayey. Sidoo kale waxa ay curiyayaashu sheegeen in faafreeb xad dhaaf ah la mariyey oo culays badani ka qabsaday sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen dawladda in loo soo bandhigo dadweynaha. Riwaayaddu waxaa lagu furay erayada soo socda:

Alifkii khaldamaa,

Albaqruu ku dhibaaye

Sida ay iila eg tahay

Asaraarkan dhexdeenniyo

Taladaan abyiweyney

Waxa keenay ammuurta

Aqooni waa iska halkeeda

Afgarad baase la waayey.

Farriimaha is huwan ee riwaayaddu  sidey waa kuwo loo baahan yahay in kol kale dib loo sheego maanta. Farriinta koowaad waa midda ay curiyayaashu sheegeen ee ku saabsan is afgaranwaaga ka dhex taagnaa bulshada oo ay sababtiisu ahayd aqoonyahanadii dalka ku soo laabtay oo la yimid kaladuwanaansho af, afkaar, hab nololeed, iyo fikir dhaqandhaqaale oo ay ka soo rarteen dalalakii kaladuwanaa ee ay wax ku soo barteen. Arrinta ugu horreysa waxa ay ahayd in ay iyagu is afgartaan inta aannay qaranka wax u tarin. 

Riwaayaddu ma eedaynayso oo keliya dadka dibadaha wax ku soo bartay oo keliya ee Soomaalida ah, laakiin waxa ay eed u soo jeedinaysaa oo gujinaysaa dhammaan dadka Afrika wax u soo bartay oo dhan waayo waa ay ka sinnaayeen fikirka ay ku kaladuwan yihiin iyo waxbarashadooda oo ku salaysan deegaano kaladuwan. Sidoo kale waxa ay riwaayaddu taabanaysaa in gumaysigii baxay dalka kaga tagey maamulkiisa iyo dad uu sii tababartay si ay u sii wadaan fikirkiisii waayo iyaga laftooda waxa ka dhex taagnaa is afgaranwaa ay riwaayaddu ku sheegayso  dhaqankii Ingiriisku ka tagey iyo dhaqankii Talyaanigu ka tagey.

Riwaayaddu waxa ay ahayd mid afka Soomaaligu iskaga dhicinayey oo iskaga caabiyayey afafka kale ee loolanka kala dhexeeyo, iyo dhaqamada reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala jiidanayey hababka waxbarashada ee dalalkii ay gumaysan jireen, iyo Maraykanka oo kolkan ku cusbaa faragelinta. Sidoo kale waxaa habka waxbarashada ee Soomaaliya faragelin ba'an ku hayey Jaamacadda Carabta oo iyaguna doonayey in ay hantaan oo gacanta ku dhigaan manhajka waxbarashada.

Loollankaas bay indheergaradka riwaayaddu arkeen in ay meesha ka bixinayso Soomaalinimadii, dal jiristii, afkii, dhaqankii, midnimadii Bulshada Soomaaliyeed, iyo guud ahaan jiritaankii Soomaalida. Xilligaas oo ahaa goor dalku u baahnaa in la taabbageliyo midnimada bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaystirka hannaanka dawladnimo. Sidaas awgeed farriinta is afgaranwaaga ahayd ee riwaayaddu sidey waa ay ka garaad shisheysey aqoonyahanada wax ku soo baratay dibadaha oo mid kastaba la yimid dhaqanka dalkii uu wax ku soo bartay.

Farriinta labaad ee riwaayaddu soo gudbinayso waxa ay ahayd tan ka dhalatay saamayntii ay keeneen midhihii ama natiijadii isku soohnayd ee maansooyinka kaladuwan soo bandhigeen, gaar ahaan maansooyinka jiiftada ahaa ee loogu luuqeeyey hab heer sare ah oo bulshada dhexdeeda ku yeeshay saamayn ballaadhan. Riwaayaddu waxa ay kicisay muran iyo fikirado siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo salka ku hayey sidii loo afnaqay ama loo tafsiirtay natiijadii iyo weliba doodihii riwaayadaas ku jirey. Doodaha ka dhashay Aqoon iyo Afgarad waxa ugu caansaa silsiladdii Siinleyda oo ka bilaabantay warcelinihii uu Cabdiqays Aadan Xayd ka celiyey hees ka mid ah heesaha Aqoon iyo Afgarad oo Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi tiriyey.

Sidoo kale waxa aynu xusaynaa sida tirinta maansada ee xilligaas bilaabantay oo si gaar ah ugu qotontey godka jiiftada ay u saamaysay curinta maansada dhallinyarada oo ilaa maanta laga dhadhansan karo. Saamayntaas oo bedeshey filashadii soo jireenka ahayd ee odhanaysey in maanso qiime leh lagu sheegi karo gabayga oo keliya. 

Maanta oo laga joogo muddo in ka badan konton sanno waxaa hubaal ah in farriintii ay sidey Aqoon iyo Afgarad ay hadda taagan tahay. Weliba waxaa hadda sii xoogaystey kala tagsanaantii fikradaha ee bulshada Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in la daweeyo oo lagu baraarugsanaado.

DULUCDA AQOON IYO AGFGARAD

Sidii aynu soo sheegnay waxa uu magaca riwaayaddu ahaa Aqooni waa iska halkeedee, Afgarad baa ka horreeya haseyeeshee kolkii dib loo qoray si dugsiyada loogu dhigo, waxa loo soo gaabiyey oo ay ku caan noqotay Aqoon iyo Afgarad. Dulucda riwaayaddu waxa ay ku salaysan tahay in kolka hore la is afgarto. Farriinta riwaayaddu waxa ay odhanaysaa in afkaar iyo afaf aad u kaladuwan oo la isu la yimaado iyada oo aan la is fahmayn oo haddana la doonayo in qaran keliya la wada dhisto waa mid aan suurtagal ahayn. 

Fikradaha iyo afafka kala geddisan ee ay la soo laabteen aqoonyahanada Soomaaliyeed ka dib kolkii ay dalal dhowr ah oo Yurub u badan wax ku soo barteen. Riwaayaddu waxa ay tusinaysaa in waxbarashada ay soo barteen ahayd mid ku salaysan deegaan qalaad, manhajyo kaladuwan, cimilooyin kala geddisan. Arrintaasi waxa ay marag u tahay in Aqoon iyo Afgarad ay dhiirigelinayso deegaameynta Waxbarashada. Erayga furaha u ah riwaayada iyo farriinteeda hore waa deegaamaynta waxbarashada. 

Ubucda jiliddu waa reer sabool ah oo ka kooban aabbe (Raage), hooyo (Saaqa), gabadh (Dulmar) iyo wiil (Deyr) ay dhaleen. Intaas waxa soo raaca wiil yar oo gabadhu ku curatay oo la yidhaahdo Dibjir, iyo dhowr indheergarato ah (Ducaale, Dalmar, Deeqsi, iyo Caalin) oo dalka dibadiisa iyo gudihiisaba jooga. Wehel, Waaberi, iyo Warsame waa ardayda uu Caalin wax u dhigo. Dahsoon waa astaanta gobannimada. Daallin waa sarkaal dawladda ka tirsan. Suufi Bullaale waa wadaadxume saarka tuma, Haatuf iyo Durraana waa cod aan la arkayn cidda odhanaysa iyo Cawil oo reerka u maqan, sida ay u kala horreeyaan.

Sheekada qaybteeda hore waxa ay sheegaysaa darxumada ka muuqata astaanta gobannimada, iyo dayaca ku xeeran reerka oo weliba qoyska oo la caddeeyey in awooddooda dhaqaale curyaansan tahay, isla kolkaana heerka garaadkooduna aad u hooseeyo. Qaybtani waxa ay tusinaysaa daawadaha xilliga oo aad u xun oo xoolaha iyo beeruhu abaarsadeen iyo astaantii gobannimo oo curdindhadhtay oo indhala' oo cabanaysa. Astaantii gobannimo waxa ay ka murugaysan tahay in indha la'aantu ku timid intii gobannimada la helay. Intaas waxaa ku xigey indheergaradkii qoyska oo waxbarasho dibadda ugu maqnaa oo soo degaya, iyaga oo la yimid naanayso kaladuwan sida: Doktor, Dottore, Dituur, Ditoore; Brofasar, iwm. Kaladuwanaanshuhu ma aha naanaysaha oo keliya ee qaar waxa ay u fekerayaan si shuuciyadaysan, qaarna waxa ay u fekerayaan si hantigoosad ah, qaarna waxa ay u fekerayaan si musuqmaasuqsan, qaar kalena waxa ay u fekerayaan sidii loo doonilahaa xuquuqda aadamaha oo aan dastuurka dalka ku oollin. Fikradaha qaar waa ay iska hor imanayaan, qaarna isfahan la'aanta ba'an baa ka dhex jirtey oo dhanka afafka, deegaanka, cimilada, iyo dhalanka. Riwaayaddu waxa ay si qurux badan inoo hor keeneysaa is afgaranwaaga ka dhex jira indheergaradka iyo sida ay waxtar u la doonayaan bulshadooda isla markaana u afgaran la'yihiin bulshadooda. Is afagaranwaagu waxa uu sababay in Dahsoon indhaha loo jeexi kariwaayo oo ay dhakhtar fahma oo dhibaatadeeda afgarta weydey. Is afgaranwaagu waxa uu horseeday in Dahsoon silicdo oo iyada oo indha la' ay dayacnaani u raacdo in la furto oo la qaawiyo ilaa ay muraaradillaacdo oo dariishad dheer iska shalwiso.

Aqoon iyo Afgarad waxa ay si qurux badan inoo hor keeneysaa is afgaranwaaga ka dhex dhacay indheergaradka iyo dhibaatada ay u ku keeni karto gobanimada. Dhinaca kale waxa ay tusinaysaa in gobanimadu aannay rajo dhigin oo ay la taagan tahay guubaabin in dadku is bedellaan oo shaqaystaan oo la dagaalamaan xumaanta dhexdooda iyo yasidda ay qaybi qaybaha kale ku hayso. Si kastaba ha ahaatee, qofka daawada ama akhriya Aqoon iyo Afgarad toos uga ma dhadhansanayo farriinta siyaasadeed ee ay ku dhisan tahay ka dib kolkii la dhigay iyo sida heesaheeda uga afnaqayaan farriinta ay sido. Aqoon iyo Afgarad waxa ay sidey farriin siyaasadeed oo dahsoon taas oo sababtey in ay ibafur u noqoto silsiladdii Siinleydii. 

Bilowgaba Dahsoon oo gobanimada ah waa la sugayey kolkii la helayna waxa lagu soo dhoweeyey jiiftada soo socota iyada oo gumaysiga aad loo bayuuraynayo:

Awowgay kuwii siray

Kuwii sulubka nagu riday

Soofkiina naga dhacay

Nimankii sokeeyaha

Ka dhex riday saraayaha

Sixirkiyo dhurwaayada

Nimankii ku sara kacay

Seeftii gargaartaay

Sagal iyo hillaaceey

Seermawaydo hoortaay

Sida aad ogsoon tahay

Dadku waa ku sugayeen

Mudday kuu sabraayeen

Way ku saadinaayeen

Haddii saaka aad timid

Mindhaa saasi waa nabad

Haseyeeshee in aan xaalku isku sanbannaanayn gobanimadii waa ay dardaarwarisey iyada oo sheegtay in dadku shaqaystaan oo fadhiga ka kaceen, laakiin xaalku u eg yahay mid aan lagu farxin.

Kolna doox sunsumaaya

Samayn maayo aniguye

Nin seexdaa ma hodmaayo

In uu saami ritaana

Samaday u jirtaa

Isla durbadiiba waxa ay raacisay dhiillada soo socota iyo soof habow daran oo ay sameeyeen ciddii dalka lagu aaminay oo ku riddey dadweynihii jaahwareer iyo jihawaa.

Anna waan sasayaa

Sawir baan arkayaayoo

Ninkaad saaka dirteen baa

Intaa ii sanqanaaya

Sakataan ku jiraaye

Saanadiina afaystay

Durraan baan sugayaaye

Intaas ii sabir yeesha.

Dahsoon waxa ay kolkiiba abbaaraysaa difaaca garsoorka hablaha isla kolkaana waxa ay ceebaynaysaa bulshada weli ku dhaqmaysa in hablaha odayaal ka waaweyn oo aannay ka raalli ahayn lagu qasbo oo lagu daro inta xoolo laga qaato. Isla markaana la soo furo oo ay odaygii is afgaranwaayaan oo lagu caayo. Dahsoon waxa ay ku doodaysaa sida dumarku u yihiin lafdhabarta dhaqaalaha guriga iyo kan bulshada, waxaana ay ku soo afjaraysaa doodeedii iyada oo ragga hoos u gujinaysa:

Hadduu hawlkar yahay ruux

Waa loo hibeeyaa

Dalka horumarkiisiyo

Hirarkaa la sahansaday

Waa u heegan dumarkuye

Maxaad uga horjoogtaan

Dahsoon waxa ay dhegaysanaysaa muuqaallada dood kulul oo Raage iyo inantiisa Dulmar ka dhex socota ka dib kolkii la soo furey oo ay ku eedaynayso sababta uu dugsiga ugu diidey kolkii ay yarayd ee uu odayga ku daray oo ay leedahay haddii aan waxbaran lahaa maanta wax baan ku tari lahaa naftaada iyo taydaba. Raage waxa uu ku jawaabayey in uu danta reerka wadey kolkii aan ninka kugu qasbayey. 

Dahsoon doodaas iyo murugada guud ee taagan waxa ay ka qaaday indhabeel. Sida aynu hoos ku arkidoonno riwaayaddu waxa ay daaha ka rogaysaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo in la garowsado heerka ay dumarku kaga jiraan nolosha iyo in garsoor suubban loo sameeyo. Dhiirigelinta waxbarashada habluhu waa dagaalka ka dhexeeya qolada af Carabiga wax ku soo baratay ee Carabnimada u ololaynaya iyo qolada Laatiinka wax ku soo baray ee reer galbeednimada u ololaynaysa. 

Bullaale kolkuu soo xero gelinayo Saaqa iyo Dahsoon si ay ugu qancaan in uu daawadooda hayo waxa uu ku yidhi:

Waxaan ahay siridaari

Sheekhii seedaha weynee

Saancadaalaha meera

U sarreeya dhammaantood

Oo furihiisa sita

Xalay baan saqbadhkii

lnaad soo socotaan

La i sii siiyey warkiina

Sidii waa u iftiimay

Intaa waydin sugaayaye

Beledaan ku salaantay

Cirirkaydin salaamay

Hadda aan ka salgaadhnee

Magacaaga i sii.

In kasta oo la isla silcaayo riwaayaddu waxa ay ku dhammaanaysaa wanaag oo Dahsoon baa loo gurmanayaa oo indhaha loo daaweynayaa ilaa indhuhu u baxaan bulshada inteeda kale oo iska dhicinaysa indheergaradka la yimid fikradaha kaladuwan, isla kolkaana ku qasbaysa in ay deegaameeyaan aqoontooda oo ku saleeyaan xaaladda iyo hab nololeedka bulshadu leedahay. Haddii aad heesaha oo keliya u fiirsato oo aad ka dhex saarto arrimaha is afgaranwaaga guud, waxa kale oo ay riwaayaddu iftiiminaysaa in farriinta abwaannadu ay sidaas ka durugsan tahay oo xaalku intaas dhaafsiisan yahay iyo is afgaranwaaga afarta aqoonyahan ee afafka kala kaanka ku hadlaya.

Garashooyinka dibadda inooga yimid ee maaddiga ah iyo kuwa diiniga ah waxa ay ka masuul yihiin is afgaranwaaga ka dhex aloosan Geyiga Soomaalida kuwaas oo lagu qeexay riwaayadda Aqoon iyo Afgarad. Aqoonyahanadu waxa ay la kala yimiaadeen magacyo dhowr ah iyo kaladuwanaansho xagga kasmada ah oo badan. Dhinaca waxbarashada haddii la eego waxa aad la kulmaysaa dugsiyo aasaasi ah oo iyaga oo qiraya in ay waafaqsan yihiin manhajka waxbarasho ee qaranka, laakiin ku kala xidhan oo ka soo kala jeeda dalal kaladuwan. Dalalkaasi weliba fikir ahaan iyo ficil ahaanba qaar ayaa aad isaga soo horjeeda laftoodu. Taasi waxa ay muujinaysaa in aannay suurtagal ahayn in ay manhaj qaran wada waafaqsanaadaan dugsiyadaasi kol haddiiba ay ka soo kala jeedaan dalal fikirkoodu sidaa u kala fog yahay.

Maanta haddii aad u fiirsato waxa aad jidadka kula kulmaysaa dhallinyaro ku hadlaysa Ingiriisi, Carabi, Dhaj, Iswiidhish, Dheenish, Xabashi, Turki, iyo Talyaani oo laga yaabo in aan midkoodna kan kale fahmin, kuna hadli karin af Soomaaliga. Dhallinyaradaasi oo ku dhalatay dibadda oo xilliga xagaaga fasax ku yimaadda dalka ama reerahoodu ku soo celiyeen dalka si ay dhaqanka u bartaan. Kaladuwanaanshahoodu kuma eka oo keliya afafka ay ku hadlayaan ee dhibaatadu intaas waa ay ka durugsan tahay waayo dad ka yimid bulshooyin wax kasta ku kaladuwan. Dadkaas oo wada huwan marriin isku mid ah oo magaca Soomaaliya ah. 

Sidee bay isu afgaranayaan ileen midab keliya aadame lagu ma soo soocee? Sidee bay wax ugu soo kordhinayaan dalkooda? Sidee bay dhaqanka bulshada Soomaaliyeed isu la keenayaan ileen hadda waa ku martiye? Saluugsanaantu la saluugsan yahay is afagaranwaaga afafku waa ay ka sii durugsan tahay. Dhibaatada runta ahi waxa ay tahay waxyaalaha aqoonyahanada ay bulshadu ka filaysey iyo is afgaranwaaga dhexdooda ah oo wax filanwaa ah noqday. Wax yar taridda oo keliya ma aha waxyaalaha aqooonyahanada lagu diidan yahay ee waa musuqmaasuqa, qabyaaladda, iyo qaraabakiilka ay horseedka ka yihiin. 

Ugu dambayn kaladuwanaanshaha fikirku waxa uu ahaa loollan markii riwaayadda la curiyey taagnaa oo ku saabsanaa hantiwadaag (shuuciyadda) iyo hantigoosi. Riwaayaddu waxa ay inoo tibaaxaysaa in aan kaladuwanaanshaha fikir iyo af dal lagu dhaqan karan ilaa la mideeyo.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen