+252 90 4048010

literature

WAA MAXAY SUUGAAN?

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 20, 2025


Suugaantu waa kaydka dhaqanka ee uu madhxiyey af ay tisqaaday tixdiisa iyo tiraabtiisu. Kaydka dhaqanku waxa uu noqon karaa af ay hodan tahay tixdiisa iyo tiraabtiisu oo horumariyey sooyaal qaab nololeed oo banqay ah. Sooyaalka qaab nololeed waxaa ka mid: dhar xidhashada, cunto karinta, aqallo dhisashada, beero falashada, xoolo dhaqashada, hannaanka waxbarashada, sida Allaah (sw) loogu xidhan yahay, siyaalaha bulshadu isu daaweyso, hannaanka isgaadhsiinta, gaadiidka, aqoon madhxinta, habraaca guurka, tabantaabinta saboolka, dhawrto bixinta, qiimaha bulshadu siiso waalidka, hannaanka garsoorka, hannaanka maaweelada, iyo madadaalada, tixgelinta haweenka, nidaamka hoggaankooda, iwm. Ugu horreyn waxa aynu dhuganeynaa siyaalaha kaladuwan ee erayga suugaan u adeegsan jirtey bulshadii hore ee Soomaaliyeed. Maanta waxaa jirta in erayo badan loo adeegsado si gurucan oo ka weecsan sidii faska ahayd. Erayga suugaan waxa uu ka mid yahay erayada lagu jaahwareeray oo dad badan garan la' yihiin macnahiisa rasmiga ah. Haddii Allaah idmo waxa aynu ku qayaxaynaa bogoga soo socda.

Kol aynu doonayno in aynu qeexno erayga suugaan waa in aynu dhuganaa sooyaalkii hore ee Soomaalida iyo waxyaalaha ay u yaqaaniin suugaan. Sidoo kale waxa aynu eegaynaa qeexitaankii Xafiiskii Manaahijta ee xilligii Farta Soomaaliga la qoray. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aynu dhugano maxaa ay ku qeexeen qaamuusyada afka Soomaaliga ee hore iyo kuwa hadda jira. Ugu dambayn waxa aynu soo gunaanadaynaa macnaha cusub oo kulansanaya dhammaan macnayaashii hore oo idil.

Qeexidda  Erayga  Suugaan 

Beeraleyda - Beeralaydu waxa ay erayga suugaan u yaqaaniin kolka badarka la sikilo ee la tumo waxaa loo kala saaraa buunshe, jidhiidh, iyo budo. Inta budada ah ama dhuuxa beerka hoose ah bay u yaqaaniin suugaan. Sidoo kale waxa ay beeraleydu u yaqaaniin kolka beertu baxdo oo ay gaadho xilligii midho gurashada ee ay ugu bilicda san tahay bay yidhaahdaan: Beerta waa ay u dhammaystiran tahay suugaantii. Kolka aynu dhuuxno macnaha rasmiga ah ee beeraleydu suugaanta u yaqaaniin waxa uu noqonayaa wax kasta inta ugu fiican ama kolka uu gaadho xilliga uu ugu fiican yahay ee ugu bilicda san yahay.

Xoolaleyda - Kolka xoolo dhaqatadu doonayso in ay sabo rogtaan waxa ay diraan qof sahamiye ah oo la yidhaahdo tigaad-dhagar. Tigaad-dhagarku waa nin wax badan ka yaqaan sabada, dhirta, xoolaha, carrada, moorada, maalinta, minguurada, iwm. Dhulka uu soo arko waxa uu u kala qaybiyaa meel junjunaaqsi leh iyo meel suugaan leh. Meesha junjunaaqsiga leh waa dhul xoogaa xooluhu ka daaqayaan, laakiin aan raandhiis dheer lahayn. Haddii tigaad-dhagarku yidhaahdo waxa aan soo arkay dhul suugaan leh, kolkan waxa uu u jeedaa dhul xooluhu cunto fiican oo raandhiis leh ka helayaan oo nurta kale lagu sugi karo. Meesha suugaanta leh waxa ay noqon kartaa meel nurtii doogga baxday oo aan la daaqin oo ay ku yaaliin dooggii oo caws noqday, xaabkii caleenta ee dhirta ka dhacay, dhimbiliishii geed qodxeedka ka dhacday sida qabcada, iyo xamashka hoose ee dhirta nagaadhka ah. Sidoo kale waxa meesha suugaanta leh noqon kartaa meel nur doog ah leh oo dhirtu wada magooshay oo xooluhu muddo dheer ka helayaan cunto ay ku noolaadaan. Kolka aynu dhuuxno macnaha rasmiga ah ee xoolo dhaqatadu u taqaan suugaanta waa meel jiilaal ah oo aan hore loo daaqin oo aad iyo aad u bilicsan ama meel doog ah oo aan hore loo daaqin oo aad iyo aad u bilicsan, isla kolkaana xooluhu ka helayaan cunto fiican ay nurta kale ku sugi karaan. 

Farshaxanleyda - Dadka farshaxamiinta ah ee qori jirey weelka sida: mooyaha, hadhuubka, dhiisha, koorta, fandhaalka, qudaha, bixiyaha, kalaxa, xurbiska, bakooradda, barkinka, haanta, gaawaha, kooraha, iwm waxa ay suugaan u adeegsan jireen in ay la macno tahay qurxinta iyo qaabaynta weelka ay qorayaan. Haddii aad u timaaddo nin mooye qoraya oo aad ku tidhaahdo iga iibi waxa uu ku odhanayaa xoogaa suugaamayn ah baa u hadhsan ee sug inta aan abyayo. Halkaas waxa aynu ka fahmaynaa in macnaha rasmiga ah ee ay suugaan u yaqaaniin tahay qurxinta, qaabaynta, iyo bilic samida agabka kaladuwan ee ay qorayaan. Suugaantu in ay dhir qoris iyo farshaxamaynta la macno tahay waxaa u marag ah hees Jaalle Xaryan loo tiriyey ee ahayd:

Xaryan Soohan ma fuulo

Sidka geel uma foofto

Baddana seeb  uma qaato

Dhirtaas buu sal jartaayoo

Suugaanta qorriinkiyo

Quraar weeye sedkiisuye

Sidaas ma og tihiin

Reer Magaalka - Kolkii ay Geyiga Soomaalida ka bilaabantay magaalayntu waxa ay dadkii Soomaaliyeed ee magaalooyinka soo galay erayga suugaan u bixiyeen maansooyinka kaladuwan, hawraaraha, maahmaahyada, iyo hadalada murtida ah. Kolka aad u fiirsato waxa aad arkaysaa in ay suugaan uga la jeedaan hadal lagu jalbeebto oo jiib iyo luuq qaabaysan leh oo hal xaraf ku socda sida: heesta, gabayga, jiiftada, guurowga, saarka, maahmaahda, iwm. Halkaas waxa aynu ka fahmaynaa in suugaantu la macno tahay hadalka inta ugu luuq iyo jiib fiican ee naftu u muhato. Sidoo kale waxa ay reer magaalku ku qeexaan in suugaantu tahay humaag maskaxeed ka soo maaxda maansayahaynka oo uu faallo iyo ififaallo kaga bixiyo halkudhega uu ka maansoonayo iyo adduunka innagu xeeran. 

Sooyaalka - Sidoo kale waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa: "Hilib sooryo ma aha, doqoni sokeeye ma aha, suugaan hadal ma aha." Haddii aynu sharraxaad ka bixino waxa aynu kasaynaa hilib keligiis la isku ma sooro oo martida kuu timid wax kale ayaa loogu daraa sida caano, shaah, iyo wixii kale ee loo heli karo. Doqon sokeeye ma aha waxaa looga jeedaa in qofka garaadkiisu ka hooseeyo dadka caadiga ah ay adag tahay in uu kula fahmo ama kula jaanqaado arrimaha badankooda haddii ay nabad tahay iyo haddii ay colaad tahayba. Sidaas awgeed waxa ay doqonta u yaqaaneen qof aan hiil iyo hootoona lahayn oo aan tiro lagu buuxsan. Suugaan hadal ma aha waxa ay ugu jeedaan suugaantu ma aha hadalka caadiga ah ee lagu sheekaysto, laakiin suugaantu waa hadalka lagu jalbeebto ee jiibta iyo luuqda leh sida gabayga. Hadalka caadiga ah ma leh jiib, laakiin waxa uu leeyahay luuq. Sidaas awgeed suugaantu ma aha hadalka caadiga ah ee lagu sheekaysto ee warka iyo wacaalka la isugu tebiyo. Halkaas waxa aynu fahmaynaa in suugaantu tahay hadalka intiisa macaan ee ugu nuxurka badan.

Erayifiyayaasha - Qaamuusyada afka Soomaaligu waxa ay ku qeexeen suugaan hadal tix ama tiraab ah oo murti huwan. Sidoo kale waxa ay ku qeexeen laan aqoonta ka mid ah oo la barto. Qaamuusyadu waxa ay kale oo ku qeexeen naq, doog, cosob, iwm.

Qeexiddii Xafiiska Manaahijta - Erayga suugaan waxa uu Xafiiskii Manaahijta ee Dawladdii Kacaanka ku qeexay in suugaantu tahay muraayadda laga daawado hiddaha iyo dhaqanka bulsho leedahay. Haddii aynu macnahaas qaadano waxa uu humaag ahaan noqonayaa sidan soo socota:

Macnaha erayga suugaan waxa uu soo yuurursaday in uu yahay hadal soohan oo isugu tidcan sida geediga oo jiib iyo luuq leh. Suugaanta waxaa maanta ka mid ah maansooyinka kaladuwan, maahmaahyada, iyo murtida qaabaysan. Sidoo kale suugaantu waa madhxiyaha aqoonta, xirfadaha, hal-aburka, curinta, fiirada, imw. Ugu dambayn suugaantu waa dhaqanka ka abuurmay tixda iyo tiraabta, xogta iyo xuuraanka, warka iyo wacaalka, dooca iyo dareenka, murtida iyo madadaalada, majaajilada, iyo maaweelada, iwm.

Macnaha Rasmiga ah ee Suugaan - Ugu dambayn waxa aynu suugaan ku qeexaynaa wax kasta oo si qurux badan oo farshaxamaysan loo qaabeeyey ama loo agaasimay. Tusaale ahaan, hadalka tixda ah ee si ficiin loogu jalbeebtay waa suugaan. Weelka si wacan loo qoray ee farshaxanimo fiican lagu xardhay waa suugaan. Meel daaq fiican oo laacaysa waa suugaan. Midhaha beeraha inta ugu fiican waa suugaan. Kolka beertu si fiican u baxdo ee ay laacayso waa suugaan. Wax kasta intiisa ugu fiican baa lagu qeexi karaa suugaan. 

TIX IYO TIRAAB

Sidii aynu qeexdimihii hore ku soo sheegnay waxaa macnaha cusub ee erayga suugaan laga fahmayaa in uu ka kooban tahay dhaqan iyo hadal. Imminka waxa aynu dhuganaynaa maxaa ay yihiin hadal iyo dhaqan.

Dhaqan: Dhaqanku waa qaab nololeed bulsho horumarisay. Bulsho kasta oo adduunka soo martay waxa ay horumarisay qaabab nololeedyo kuwa ka dambeeyana ka sii dhimbiilqaataan si ay iyaguna kolkooda nolosha ugu horumariyaan. Sidaas awgeed dhaqanku waa sooyaal qaab nololeed oo bulsho horumarisay, isla kolkaana ay kuwa ka dambeeya ka dhimbiilqaataan. Dhaqanka bulshada hore waxa uu faa'iideeyaa in la helo qaabab nolosha horumarkeedu ka curto iyo iyada oo bulshadu ka hesho dabar iyo silsilad dadka hab dhaqankooda ilaaliya. Inta badan waxa uu dhaqanku ka yimaadaa caadooyinka iyo hiddaha bulshadu leedahay. 

Caado: Caadadu waa hab ama aragti ama qaab nololeed ay koox wax wadaagta ama hawl wada haysa u shaqaysay oo ay dhibaatooyin ku xalliyeen. Caadadaas ama qaab nololeedkaas oo ay daawadayaasha bannaanka ka joogaa la qabsadeen, isla kolkaana kuwii curiyey ay abyeen si loogu tixgeliyo in ay ka mid noqoto dhaqanka bulshadaasi leedahay. 

Hidde: Hidduhu waa wax kasta oo qofku ka soo jiito ama ka soo dheegto abkii iyo awoowayaashii. Si kale haddii aynu u nidhaahno, hiddihu waa dirka iyo daabaanka qofku ka soo jeedo.

Hadal: Hadalku waxa uu ka kooban yahay tix iyo tiraab. Sidoo kale waxaa hadal lagu qeexi karaa codad ama dhawaaq isku dhisan oo macno faa'iido leh sameeya. Halkaas waxa aan ka fahmaynaa in cod walba iyo dhawaaq walba aan la odhan karin hadal sida: Cida xoolaha, dhawaaqa durbaanka, iyo sacabka dadka. Sidoo kale waxaa hadal lagu qeexi karaa in uu yahay erayada qayaxan oo aan taxnayn oo tiraab ah iyo erayada jiibta iyo luuqda leh ee tixda ah oo warka iyo wacaalkana la isugu tebiyo, isla kolkaana dooca iyo dareenka la isugu gudbiyo. Hadalku waxa uu u qaybsamaa tix iyo tiraab.

Tix: tixdu waa maansada iyo hawraarta afka Soomaaliga. Tixdu waa hadalka hannaanka iyo habdhaca leh ee jiibta iyo luuqda leh. Sidoo kale waxaa la odhan karaa tixdu waa hadalka soo jiidashada leh ee qofka dareenkiisa lagu bedello ha samaado ama ha xumaadee. Haddii qofku ku hadlayo hadal tiraab ah waxaa laga yaabaa in aadan sii raacraacin oo hawshii aad ku foognayd iska sii wadato, laakiin haddii qof dibnihiisa u kala furo odhaah tixeed way ku soo jiidanaysaa oo waxaa la arkaa in aad joojiso hawshii aad gacanta ku haysey si aad u dhuuxdo jiibta, habdhaca, iyo luuqda maansada la tirinayo. Tixdu waxa ay u qaybsantaa maanso iyo maahmaah.

Maanso: Maansadu waxa ay u kala baxdaa toban qaybood oo kala ah: gabay, hees, heello, jiifto, guurow, geeraar, saar, masafo, buraanbur, iyo weglo. tobankaas qaybood oo maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Maansada Soomaalidu waxa ay had iyo goor la qoob wadaagi jirtey ama la jaanqaadi jirtey heerarka nolosha, dhaqanka, xilliyada, ama  hadba wixii kale ee bulshada  guud ahaan ama gaar ahaan la soo gudboonaada. Taas oo macnaheedu yahay in tixda maansada ahi had iyo goor ka curato xaalad kolkaas aloosan ama taagan oo qofka maansoyahanka ahi irrid ama meel uu wax ka bilaabo uga furmi karto. Inta badan waxa ay maansada Soomaalidu wax ka tidhaahdaa waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin: cayda, ammaanta, digashada, faanka, diradiraha, guubaabada ama boorinta, calaacalka, waanada, guhaanka ama kuhaanka, murtida, halxidhaalaha, kaftanka, garnaqsiga, jacaylka, wanaagga, xumaanta, nabadda, colaadda, dalnimo jacaylka, dardaaranka, iyo cibaadada (Allaah ka cabsiga). Meelaha si gaarka ammaanta maansada loogu adeegsado waxaa ka mid ah: meeysiyada xoolaha ee Soomaalidu dhaqato sida: ishinka (geela iyo lo'da), adhiga (idaha iyo riyaha), iyo gammaanka (fardaha iyo dameeraha). Si kastaba ha ahaatee ammaanta geela, ammaanta gammaanka, iyo ammaanta gabdhuhu waxa ay ahaan jirtey meelaha maansada ugu badan laga tirin jirey. Kolkii gumeystayaashii reer galbeedku soo galeen dalkeena oo ay gacanta ku dhigeen Qaaradda Afrika, waxaa maansada Soomaalida ku soo biiray maansooyinka dalnimada iyo siyaasadda. 

Maahmaah (hawraar): Hawraartu waa maahmaahyada leh hannaan iyo habdhac jalbeebeed. Maahmaahyadu waxa ay dhaqanka Soomaalida u taagan yihiin dastuurka bulshada. Maahmaahyadu waa meelaha koowaad ee dulucda warka lagu toosiyo. Maahmaahyada waxaa loo adeegsadaa arrimaha aloosan ee la rabo in wax laga qabto. Kolka arrini aloosanto waxaa la raadiyaa wax hawraar ah oo ku soo aroortay.  

Tiraab: tiraabtu waa hadalka qayaxan ee aan jiibta iyo habdhaca lahayn ee warka iyo wacaalka la isugu tebiyo. Hadalka tiraabta ahi waxa uu ka mid yahay waxyaalaha Allaah uu aadamaha kaga soocay noolaha kale ee uu ku maamuusay. Bulshooyinka badan ee kala jaad jaadka ah oo carro-edeg ku nool waxa ay qolo kastaa isku fahmaan tiraabta afkeeda hooyo. Guud ahaan waxa ay tiraabtu u qaybsantaa saddex qaybood oo kala ah: murti, sheeko, iyo halal. 

Halal: Halalku waa hal-abuur, halxidhaale, halhays, halkudheg, hallabax, iyo  halqabsi. Halalka badankoodu waa erayo taxan oo jiib iyo luuq lahayn, meeris jabana yeelan kara oo warka iyo wacaalka la isugu tebiyo. Hal-abuurku waa curinta fikradaha qaaliga ah. 

Murti: Murtidu waa xog badan oo ururtay oo war iyo wacaal go'aan lagu qaadan karo noqotay. Warka iyo wacaalka badan waxa ay noqdaan dooc sugan. Kolka war badan oo dooc ah la helo waxaa la kasbadaa aqoon. Kolka aqoon badan la kasbado waxa ay noqotaa murti. 

Sheeko: Sheekadu waa qaabka warka iyo wacaalka la isugu tebiyo iyada oo ujeedadu tahay madadaalo, maaweelo, aftahanimo, iyo waxbarasho. Sheekooyinka waxaa loo qaybiyaa kuwo dhab ah iyo kuwo dhayal ah. Dadka dunida ku nool oo idil way jecel yihiin warinta sheekooyinka iyo heesaha ku saabsan noloshooda. Xilliyadii ka horreeyey helida farsamada wax qorista waxaa jirey sheekayahano iyo hooballo curiya sheekooyinka iyo heesaha. Dad kalena waxa ay kor ka qaban jireen sheekooyinka iyo heesaha si ay iyaguna kolkooda ugu sii tebiyaan dad kale. Sheeko xariirtu waxa ay leeyihiin faa'iidooyin badan oo kala ah:

Carruurta waxa ay ka bartaan afka hooyo.

Xogta carruurtu hayaan oo kororta.

Murtida carruurtu hayaan oo kororta.

Carruurtu waxa ay ku bartaan fadhiga iyo wax maqalka iyo wax dhegaysiga.

Carruurta  waxa ay ka bartaan hiddaha iyo dhaqanka dadkooda.

Carruurta  waxa ay ka bartaan hal-abuurka.

Carruurtu waxa ay ku bartaan in wax kor laga qabto.

Sheeko xariirta waxaa loo adeegsadaa in carruurta wax lagu baro.

Sheeko xariirtu waxa ay carruurta tusisaa qaab hawl loo maareeyey sidaas awgeed waxa ay ka faa'iidayaan siyaalaha wax loo maamulo, hoggaamiyo, ama agaasimo.

Sheeko xariirtu waa madhxiyaha xog dhaqameedka sida tagtada bulshada.

Sheeko xariirtu waxa ay tilmaan ka bixisaa cidda aynu nahay iyo meesha asalkeenu ka soo jeedo.

Guud ahaan waxa ay Soomaalidu ku hadlaan afka Soomaaliga oo ka kooban Tix iyo Tiraab kolka laga yimaado tiro afguriyo ah sida: Maay, Garre, Tuni, Baraawe, Jiido, iwm. Maadaama ay Soomaalidu u badatay dhinaca magaalka wixii ka dambeeyey imaatinkii gumaysiga ee dhulkeena, waxaa inta badan laga tagey tixihii cuslaa ee dadkeenu ku wada xidhiidhi jireen. Taasi waxa ay dhaxalsiisay in dadkii Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyaradu kala garanwaayaan jaadadka tixaha. Maanta dhallinyaro badan ma kala yaqaaniin in waxa la akhriyayo tix yihiin iyo in ay tiraab yihiin.

MAANSOOYINKA

Maansadu waa qayb ballaadhan oo ka mid ah hadalka tixda ah. Maansadu waa hadal tix ah oo si heer sare ah u agaasiman oo jiib iyo luuq leh oo jalbeeb toosan lagu fadhiisiyey. Jalbeebta maansadu waa in ay xaraf ku socotaa. Maansooyinku waxa ay u kala baxaan toban qaybood inta hadda la og yahay kuwaas oo kala ah: gabay, hees, jiifto, guurow, heello, geeraar, saar, masafo, buraanbur, iyo weglo. 

Gabayga - Gabaygu waa horyaalka maansada oo idil, isla kolkaana waa uu ugu hanaqaadsan yahay. Dadka maansada tiriya, gaar ahaan gabayga waa kala hadalla waaweyn yihiin ama hilinka maansada iyo hogta gabayga waa kala heli og yihiin, danta iyo ujeeddadana waa kala abbaari og yihiin. La arkee nin gabyaa ahi in uu meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas oo ay ka mid yihiin: ammaanta, cayda, faanka, digashada, diradiraha, calaacalka, guubaabada, waanada, guhaanka ama kuhaanka, iyo murtida.

In kasta oo aan afka Soomaaliga si dhab ah loo baadhin la ma oga taariikhdii maansada la bilaabay gaar ahaan gabayga. Haddaynu dhab ugu fiirsano waxaa hubaal ah in  dhismaha guud ee hadalka ama xeerka maansada loo mariyo ama habka iyo hannaanka gabaygu u dhisan yahay iyo sida qof kasta u yaqaan waddada loo maro ama sida deelqaafka iyo laaxinka looga ilaaliyo, waxa aad garan kartaa in uu fil weyn yahay oo taariikh dheer soo maray. Gabaygu waa erayo taxan oo jiib iyo luuq leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Gabaygu waa kan godadka maansada ugu meeriska dheer uguna quruxda badan. Inta badan waxaa ku maansooda dadka maansayahanka ah ee diricnimada gaarka Eebbe u siiyay. Dhererka iyo habdhaca codkiisa waxaa lagu saleeyaa erayga HOOYALAYEEY HOOYALAYEEY HOYALAYEEY HOOYE. Hooyal waa Waaq jinsiga Soomaalidu beri hore ka duraaman jireen. Kolka gabay kasta lagu bilaabayo hooyalayeey hooyalayeey hoyalayeey hooye waxa uu macnaheedu yahay in waaqaas la weyneysiinayo. Intii aynu Islaamka qaadanay waa la bedeley eraygaas oo waxaa loo akhriyaa Alla Hobalayeey Hobalayeey Heedhe.

Tusaale - Gabay 

Hooyalayeey hooyalayeey hoyalayeey hooye 

Awel maanso waa taan gudboo gudhiyey waagiiye

Waa taan galbeedkaas u diray guga hortiisiiye

Aan gaasheeyo tii xalay hurdada gama' ii diiday

Geeraarka - Geeraarku waa god ka mid ah godadka maansada kuwa ugu miisaanka weyn. Meeriska geeraarka ahi waxa uu si walba uga duwan yahay aadna uga yar yahay meeriska gabayga ah ee aynu soo aragnay. Geeraarku ma laha erayo soohan oo lagu bilaabo sida gabayga. 

Tusaale - Geeraar

Calankaanu sugaynayee

Sahankiisa ahaynoow

Saq dhexaannu ahayne

Kii soo saaray cadceeddoo 

Siigadii naga maydhaye

Sarreeyow ma nusqaamow

Aan siduuu yahay eegno e

Kaana siib kana saar

Masafada - Masafadu waa gabayga oo kale waxa ay gabayga kaga duwan tahay dhanka jiibta. Dadka maanso yaqaanka ahi waxa ay yidhaahdaan masafadu waa heerka labaad kolka laga yimaado gabayga. Adeegsiga masafadu aad iyo aad buu u yar yahay. Masafada waxaa aalaa adeegsan jirey wadaadada Soomaalida oo waayihii hore dadka diinta afka Soomaaliga ugu sharxi jirey. Tuduca masafadu waxa uu inta badan ku sargo'an yahay kan gabayga, laakiin waxa keliya oo ku kaladuwan yihiin habdhaca iyo jiibta loo meerinayo. 

Tusaale - Masafo

Dood waxa aan u leeyahay culimada dafaarka ah

Warmaan idinma doocine idinkaygu diimaye

Dalkaad iibsateen baa dacartaygu kiciyaye

Shan haloo idiin daran danigiin ka fiirsada

Mar waa inaad dayowdeen diirad haddaydin qabateen

Dadka aydin raacdeen isna waydin digagubi

Dillaalkii la siiyana duna ka ma heleysaan

Ninkii idiin darraabana ajri iyo ducuu heli

Dibna deeqa Eebbahay dibinta saari maysaan

Diin niman lahayni dameer caynsan weeye e

War maxaa dufulayahow cadaawa ugu daranteen?

Wanka doosha weyn iyo ma dagadaad u xilateen

Heesaha - Heestu waa tan ugu meeriska yar ee ugu fudud dhanka curinta maansooyinka. Heesuhu way badan yihiin oo waxa ay u sii kala baxaan dhowr qaybood oo mid walba miisaan gaar ah leedahay. Heesuhu waxa ay u kala baxaan labo qaybood oo kala ah: Hees hawleed, iyo hees ciyaareed. Hees hawleed waa heesaha hawsha lagu qabto, hawshaasi ha ahaato hawl xoolaad, farsamo, beereed, carruureed, iwm. Hees ciyaareeddu waa heesaha sacabka, jaanta, durbaanka, iyo shiribka loo garaaco oo looga jeedo farax, rayrayn, maaweelo, madaddaalo, iyo heesaha dalnimo jacaylka ah. Labadaas qaybood ee aynu soo sheegnay haddii la falanqeeyo mid kasta waxa ay noqonaysaa bad aan xeeb lahayn iyo berri aan lagaa soo hoyan karin, Taas oo macnaheedu yahay in heesaha Soomaalidu ka soo jeedaan ayna ku fadhiyaan dhaqan aad hodan u ah.

Hees ciyaareedku waxa ay u kala baxaan kuwo jiib iyo jaan leh iyo kuwo luuq iyo laxan leh. Heesaha jiibta iyo jaanta leh waxaa ka mid ah dhaantada, shiribka,  seylicida, bullada, beereyda, walasaqada, iwm. Ciyaaraha luuqda iyo laxanka leh waxaa ka mid ah: heesaha hooballadu qaadaan ee maadeysyada, xoolaha, shaqada, salsalka, beeraha, carruurta, iwm. Heesaha hooballadu qaadaan ee maadeysyadu waxa ay hees ciyaareedka kale kaga duwan yiniin durbaanka iyo muusikada. In kasta oo aad hadda mooddo in ciyaarihii oo dhan loo tumayo muusik. Hadda waxa aynu soo qaadanaynaa tusaalayaal badan oo ku saabsan qaybaha heesaha ee aynu kor ku soo xusnay.

Tusaale - Hees ciyaareed

Gorayadu ilmaheeda

Aroori bay dhigtaayo

Aboodigu ku laayaa

Shimbirtuna aroosay

Ilaxidhoo ammaana bay

Ubadkeeda seexisaa

Kala awran labaduye

Edebtiyo aqoontiyo 

Asluub bay isku dhaafeen

Caqligii wanaagsani

Itaal in uu ka roon yahay

Bal eegoo u fiirsada

Tusaale - Hees Hawleed - lo'da

Hadduu dabadiyo

Dambeedka cadyahay

Uu dar madhan galo

Raggii dirirsii

Oo is diligaadh

Tusaale - Hees Hawleed - salsalka kebedda

Geedba geedka u dheer, laga garaacyeey, galol mudhay mullaaxdiisey.

Meeshu waa hawdoo, hoyanba maynee, halihii wiil ma loo diraye?

Koronkoor cunni maynoo, kariba maynee, karuur geel a la hayaa.

Baarqab waa seedoo, sariba maynee, sagaal jir geel ma la hayaa.

Kebeddu nagu raagtoo, naggu rafaadee, raggana mawgu yeedhnaa?

Xaabsatooy kebedeey, xadhig ma reebaay, hadmaan kaa xilbeelaa?

Waxa aad iga xil beeshaa, xadhigga beeggiyo, maleeggood xaddiyataayey.

Heellada - Heelladu waa qayb ballaadhan oo ka mid ah heesaha, laakiin ay habdhaceeda iyo luuqadeeda ay ku lingaxan yihiin dareemo ruuxi ah oo kasha iyo laabta curiyaha xadantaynaya. Heelladu waxa ay leedahay luuqdeeda iyo jiibteeda u gaarka ah. Heelladu waa god mug weyn oo maansada heesaha lagu tiriyo.  

Tusaale - Heello

Haddaan jiq ka siiyo jiidaliyeeyeey

Xagee kufri joogsan doonaa

Libaax laba jeeni dhiig ku leh oo

Bad weyn ka jibaadayaan ahayeey

Buraanburka - Buraanburku waa mid ka mid ah badaha maansada ee la aqoonsan yahay. Buraanburku waxa uu ka ag dhow yahay gabayada jacburka oo kale waayo midkoodna ma laha xeerar sida maansada inteeda kale. Buraanburku waxa uu u gaar yahay haweenka, walow ay dhacdo in qaar ka mid ah haweenka ay gabyaa noqdaan, laakiin iyaga waxaa looga dambeeyaa xaga buraanburka. Buraanburka waxaa lagu yaqaan curin fudud iyo luuq gaar ah oo haweenka keligood yaqaaniin.

Tusaale - Buraanbur

Allaahayow boqorow baryadaada ha igu qadin 

Allow samadaada oo igu beeg ballaqan 

Allow awood buuxda oo aan baaqan lagu aqbalo 

Allow buuggaaga sharafta leh bog lagaga qoro 

Allow u bayaami sida waa baryiyo dharaar

Saarka - Saarku waa hees luuqdeedu silloon tahay, isla kolkaana leh jiib dabataal oo koox kale ku luuqaynayso. Saarku waxa uu leeyahay luuq iyo jiib dadka dhegaystayaasha ah aad u soo jiidata oo macaan. Saarku inta badan waxaa loo adeegsado oo wax ka sheegaa jaadadka kaladuwan ee nolosha sida arrimaha siyaasadda, arrimaha bulshada, diinta, dhaqaalaha, iwm. Ragga ugu caansan ee isticmaali jirey saarka waxaa ka mid ah Cadhays Ciise Kaarshe Allaah ha u naxariistee.

Tusaale - Saare

Siin looxaa lagu dhigaa

Meeris waa la akhriyaa

Socdaal waa loo kacaa

Sakada waa lala baxaa

San waa laga neefsadaa

Sariir waa lagu hurdaa

Sidii kale waxan lahaa.

Weglaha - Wegluhu waa maanso inta badan ay adeegsan jireen wadaadadu si ay dadka Diinta Islaamka u baraan. Inta badan waxa ay wegluhu ahaan jireen waxyaalo la xidhiidha caqiidada, barashada Quraanka, barashada higgaada, iwm. 

Tusaale - Weglo 

llaaheenii Jaliilka ahaa, sagaashan iyo sagaal sifaa u waajibtayoo 

In uu jiro baa u waajibtayoo, hadduusan jirin ma joogneen

Hadduu ina joojiyaad aragtaan, in uusan jirin ma suurowdoo

lnuu jiri jiraa u waajibtayoo, haddii kale yaa jirreysiiyoo

In uu jiridoonaa u waajibtayoo, haddii kale yeyna jaaseynoo

Jinni iyo insiba waa khillaafsan yahoo haddii kale waaba jeyshkoodoo

Jiiftada - Jiiftadu waa qayb kale oo ka mid ah qaybaha maansada. Jiiftadu waxa ay kaga duwan tahay maansooyiinka kale gaabnida meeriska iyo habdhaceeda oo kooban. Jiiftadu inta badan waa hees silloon oo aan lahayn luuqdii heesta. Sidoo kale waxaa jiiftada loo adeegsadaa afareyda la isku dhaafsado meelaha maadeysyada ah iyo fagaarayaasha kaftanka ee majaajilada. Sidoo kale waxa uu soo noqnoqodka xarfaha ay ku socotaa meeris kasta soo gala hal kol oo keliya. 

Tusaale - Jiifto 

Nin i sigay ma nabad galo

Nin i sugayna maba jiro

Libta weli ma sii dayn

Gardarrada ma saacido

Nin xaqlana cid lama simo

SOOMAALI BAAN AHAY

Nabaddaan u sahanshaa

Colaaddaan ka selelaa

Sooma jeesto goobaha

Ninka nabarka soo sida

Gacantiisa kama sugo

SOOMAALI BAAN AHAY

Guurowga - Guurowgu waa gabay caadiya kolka laga eego noqnoqodka xarafka uu ku socdo, meeriska dhererkiisa, iyo gabayga dhextaalkiisa. Guurowga iyo gabaygu waxa ay keliya oo ku kaladuwan yihiin luuqda lagu qaadayo iyo jiibta gaar ahaaneed ee uu leeyahay. Sidaas awgeed waxaa la odhan karaa guurowgu waa gabay caadiya, laakiin dhanka luuqda silloon. 

Tusaale - Guurow 

In kastoo falaar lay sawiray  way iska  feedh maraye

Fanka hoobalkiisii ma noqon  faansanaan jiraye

Cidna facalul kheyr u ma samayn ficilyo qawlkiiye

Intaan faraha ciidda u gashaday  faalkii maan dhigine

Firdi iima bixin fooxa waa lagu hagoogtaaye

Falagiyo xidigihii ma dhugan Fiidadowyadiye

Fiintina ma ciyin fooridina layma maqashiine

Aniga oo aleeshii firdhiyey sooma faalaline

Meeshay ku sii foorartee foodda loo geliyey

Mar haddaan farshaxankeedi jirin waa fashilantaaye.

HALALKA

Halalku waa qayb ballaadhan oo tiraabta ka mid ah isla kolkaana ku baaldarsan qaybo tixda ka mid ah sida gabayga, heesta, iyo geeraarka. Halalku waa hal-abuur, halxidhaale, halhays, halkudheg, hallabax, iyo halqabsi. Halalka badankoodu waa erayo taxan oo aan inta badan jiib iyo luuq lahayn, laakiin sidii hadal qayaxan oo kale ah oo la adeegsado in la isku kadeedo ama xujeeyo. Halalku waxa ay kolalka qaarkood ku baaldarsamaan qaybo ka mid ah tixda waayo waxaa jira hadal badan oo halal ah oo gabay ah, geeraar ah, hees ah, hawraar ah, iwm. Halalku waxa ay qayb ballaadhan ka yihiin tiraabta warka iyo wacaalka laysugu tebiyo.

Tusaalaha 1aad: Halhays

Taariikhdu waa marag magacyana way qoraysaa. 

Dareen maqan iyo damac shisheeye.

Tusaalaha 2aad: Gabay halkudheg ah

Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye 

Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye.

Tusaalaha 4aad: Halxidhaale

Waxa aad sheegtaa saddex aan saddex ka dhergin.

Tusaalaha 3aad: Gabay halkudheg ah

Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane

Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye 

Dadkuna moodi duul wada dhashay oo wax u dahsoonayne

Dilo ma laha aakhiro haddii loo kitaab dayeye.

Tusaalaha 5aad: Gabay halxidhaale ah

Wax hunguri ku cawraysan oo cir iyo diihaal leh

Oo aan cantuugana liqayn calafna doonaaya

Caynkaana anigaa arkee cara e yaa sheega?

Tusaalaha 6aad: Halxidhaale

Waxa aad sheegtaa is guduudis is garaaris aan la guursan.

Ceesaamo wada shoob cas oo lag iyo shii gaadhey

Oo sanno shawaalkeed rimoo shahar ku uuroobey

Aan naaso sheygood la arag wadana sheemaysan

Oo uurku wada shaabacoo dhereg ku sheekaystay

Maxamuud haddaad shicir taqaan sheeg haddaad garato.

Gud iyo yicib geydhiyo maraa geedo tiro gaadhey

Haddaad gabay nin shaacira ku tahay goynka ka higgaadi

Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshey

Oo ciidda loo dhigay afkii laga cashaynaayey

Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajabe sheega.

Shan kun oo nin oo wada shaxa oo shir iyo ceel jooga

Oo wada shuraako ah hadday naf u shaqaynayso

Asaan shaado xoolo ah lahayn wadana shoobaysa

Aan shabaabka iyo shiikha iyo sheybku kala soocmin

Wadane shiil madow ah oo aan casaan cidi ku sheegaynin

Maxamuud haddaad shicir taqaan sheeg haddaad garato.

MAAHMAAHYADA IYO MURTIDA

Maahmaahdu waa dastuurka rasmiga ah ee Soomaalidu wadaagto dhowr sababood awgeed. Ugu horreyn waxa ay Soomaalidu rumaysan tahay in maahmaah kasta  sheegayso wax run waayo waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa: "Soomaalidu been waa ay sheegtaa, laakiin been ma maahmaahdo." Sidoo kale waxa ay Soomaalidu rumaysan yihiin in maahmaahyadu yihiin wax Soomaalida ka dhexeeya oo aan la kala lahayn oo loo siman yahay. Ugu dambayn waxa ay Soomaalidu rumaysan yihiin in adeegsigoodu qurxiyo hadalka oo murti ku dheeho.

Maahmaahda iyo murtidu waa labo eray oo kala macno ah, laakiin isku baaldarsan oo dhinac iska soo gelaya. Maahmaahdu sidii aynu soo qeexnay waa qayb ka mid ah tixda oo maansada la siman. Sidoo kale waxaa jira in erayga maahmaah iyo erayga hawraar ay Soomaalida dhaqanyaqaanka ahi u yaqaaniin isku mid ama isku macno. Maahmaahda ama hawraarta waxaa lagu yaqaan in ay ku socdaan hal xaraf oo soo noqnoqonaya sida maansada badankeeda ugu socoto hal xaraf oo soo noqnoqonaya, tusaale ahaan, bal u fiirso kooxda maahmaahyada ah ee soo socda:

1. Aamusnaan waa ogolaansho badhkeed.

2. Aan dubano iyo aan karsano fuudkaa ku luma.

3. Bakhtiga ma cunee fuudkiisaan cabbaa.

4. Bannaankiisa mare maradiisa geed ma qabsado.

5. Baqal fardo la miratay in ay ka mid tahay bay is moodaa.

6. Baryo badan iyo bukaan badan waa la isku nacaa.

Labada maahmaahood ee ugu horreeya waxa ay ku socdaan xarafka shaqalka ee a e i o u mid uun ama iskudhafkooda. Maahmaahda ku xigtaa waxa ay ku socotaa xarafka c. Labada maahmaaood ee ku xiga waxa ay ku socdaan xarafka m. Maahmaahda ugu dambaysa waxa ay ku socotaa xarafka b.

Haddii maahmaahda meeriskeedu dheer yahay waxa uu xarafka ay ku socoto soo noqnoqdaa labo jeer, laakiin haddii maahmaahda meeriskeedu gaaban yahay waxa uu xarafka ay ku socotaa soo noqnoqdaa hal mar oo keliya.

In kasta oo aynu murtida ku soo qeexnay xog ururtay oo u kortay wacaal (macluumaad) go'aan lagu qaadan karo. Isla kolkaana waxa aynu soo sheegnay in war iyo wacaal badan noqdaan dooc oo ah wacaalka intiisa sugan ee xirfado laga baran karo. Dooca iyo xirfaduhu waxa ay u koraan aqoon sare oo nolosha lagu hago. Sidoo kale aqoonta badan waxa ay noqotaa murti ma dhaafaan ah oo ah halka aadamaha wax ogaanshihiisu ku aayoodo.

In kasta oo aannay suugaanta Soomaalidu si wacan u kala qeexin erayo badan oo macnayaal waaweyn ku fadhiya sida: Murti, hawraar, maahmaah, maanso, iwm. Kolka la eego qeexdimaha dadka dhaqanyaqaanka ah oo aan si aqoomaysan u qayaxnayn waxa ay muujinayaan kaladuwanaansho waaweyn oo u dhexeeya erayo badan oo ay muhiim tahay in aynu si dhab ah wax uga ogaano. Kolka tubta waxbarashadu qeexayso erayadaas iyo kuwo kale oo la mid ah waxaa lagu saleeyaa iskudhafka dhaqanka iyo aqoonta dhigeenu ururiyeen ee ay erayga dhigiisa ku qeexeen. Waxa aad soo raadisaa macnaha erayada soo socda sida ay u yaqaaniin dadka dhaqanyaqaanka ah ee Soomaaliyeed:

murti

tix

maahmaah

dhaqan

hawraar

caado

maanso

hidde

Dhanka dhaqanka iyo dadka dhaqanyaqaanka ah ee Soomaalida waxa ay murtida ku qeexaan labo siyood oo kala ah:

Wax kasta oo war iyo wacaal dhaxalgal ah soo gudbinayaan waxaa loo yaqaan murti. Sidaas awgeed dhammaan maansooyinka kaladuwan waxa ay soo gudbinayaan murti sida gabayga, geeraarka, heesta, guurowga, saarka, iwm. Maahmaahyadu waxa ay sidoo kale soo gudbinayaan murti. Hadallada kooban ee macnaha weyn ku fadhiyaa waxa ay soo gudbinayaan murti. Sidoo kale hadal badan oo taxan haddii uu xambaarsan yahay wax macno leh oo weyn waa murti, tusaale ahaa, ninkii aabbihiis farriinta dahsoon u diray ee nimanka u sii faray: aabbahay waxa aad ku tidhaahdaan shanta salaadood isku weyso ayaan ku tukudaa waa murti.

Soomaalidu waxa ay si gaar ah murti ugu yaqaaniin hadallada koob kooban ee macnaha weyn ku fadhiya sida: Adduun i khatal, Laga ma geyoon karo, Geyi iyo gabiir ma leh, Dhulow dhul, Waa dhako kale, Damal baa la hadhsadaa, Tigaadiyadaa laacda, Bakaylow niniyo bur, Naftaa iga hadhag leh, Rag garabkaagaa laga dayaa, Jiilaal waa ninkii haye, Nabadi waa dan, iwm.

Halkaas waxa aynu ka fahmaynaa in macnaha cusub ee murtida lagu qeexay iyo macnaha hore ee dhaqanka in aannay is diidayn haddii si toos ah loogu dhabagalo oo waxa ay ka dhigan tahay oodi i qaad iyo i jiid waa isla guryo geyn.

Ugu dambayn waxa aynu sharraxaadda kore ka fahaney in maahmaah kasta oo la soo meeriyo xambaarsan tahay murti dhaxalgal. Sidoo kale waxa aynu garanay in murtidu ka tirsan tahay hadalka tiraabta ah, laakiin ku baaldarsan tahay dhammaan qaybaha tixaha oo dhan.

Halkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa dhowr tusaale oo aynu ku sharraxayno qaar ka mid ah maahmaahyada kaladuwan. Haddii Allaah idmo waxa aynu soo qaadanaynaa maahmaahyada hal dhudleyda, labo dhudleyda, iyo saddex dhudleyda. 

1. Muruqa labo suule ninba si ku ah. Maahmaahdani waxa ay ku timid nin u soo hoydey reer sabool ah. Reerka wax la cuno ama la hungureeyo waxaa guriga u yaaley gomod geel oo ka hadhay hal ay dorraad reero qasheen oo ay xoogaa ciyi ah ka heleen. Gomodda ama cagta ballaadhan ee geelu waxa ay leedahay labo suul. Ninkii martida ahaa bay ku sooreen labadii suul ee gomodda. Maalin dambe baa ninkii martida ahaa heel shir ka sheegay in hebel ku martisooray muruqa labo suule ee gomodda. Ninkii loo soo hoydey waxa uu heelkii ka yidhi maahmaahdan ma hadhada noqotay ee "Muruqa labo suule ninba si ku ah." Taas oo uu uga jeedey aniga xaalkayga Allaah baa ogaa oo wax kaleba ma haysane.

2. Murti la'aan maanku waa xaalufaa. Maanka aadamuhu haddii aannu ka dhaansanayn xuuraan, xog, war, wacaal, dooc, dareen, iyo aqoon murti ma yeesho. Haddii murti laga waayana waa xaaluf aan waxba ka soo dhacay oo gudhan. Xaalufku waa meel gabaahiir ah oo aan dhir iyo dheeftoona lahayn. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa: "Murti la'aan maanku waa caabuqaa."

3. Xidigo sheeg cirka kaaga xeel dheer, xaryan wadowna bad kaaga xeel dheer. Qofka xidigaha wax ka yaqaan cirka iyo arrimihiisa waa uu kaaga aqoon badan yahay, sidoo kale qofka maraakiibta iyo doonyaha wadi yaqaan waa uu kaaga aqoon badan yahay badda iyo arrimaheeda. Xaryan waa magaca asalka ee Soomaalidu u taqaan doonta weyn ama markabka.

4. Xil la ma qaado oo xero shisheeye la ma geeyo. Haddii bulshadu xil iyo masuuliyad kuu dhiibato guri shisheeye lala ma aado. Cid kale ha u gacan gelin xilka lagugu og yahay haddii aadan hayn karin u soo celi bulshadii kuu dhiibatey.

5. Wii saguaro iyo way sokeeyo midna laga ma waaqsado. Sagaarada inkaarteeda laga ma kaco haddii la dilo. Kolka nabarka lagu dhufto bay tidhaahdaa wii. Sidoo kale colaada dadka sokeeyaha kuu ah sida Soomaalida lagu ma tiigaalo oo laga ma aarguto. Ugu dambayn adiga ayey inkaartu kugu soo noqonaysaa. Erayga way waa catow.

6. Labo labo lagu ma reebo: Gar hagar lagu ma reebo, saboolnimo saboolnimo lagu ma reebo. Gartu ku ma hadho in aad hagrato, laakiin gartu waxa ay ku hadhaa in si hagar la'aan ah loo naqo. Qofka saboolka ahi ma reebi karo saboolnimadiisa haddii uu xirfadaha iyo xoolaha sabool ka yahay.

7. Dadku waa saddex qof dhintay oo aan is ogeyn, qof dhaqday oo aan is ogeyn, iyo qof dhacmay oo aan is ogeyn. Qofka guur la'aan ku gaboobey waa qof dhintay oo aan is ogeyn. Qofka yaraanta ku guursada waa qof dhaqday oo aan is ogeyn. Qofka dhul shisheeye hanti geliya waa qof dhacan oo aan is ogeyn.

8. Waraabuhu waxa uu yidhaahdaa saddex cudur baan leeyahay oo midna waxba u ma noqdo: ci dheer baan leeyahay oo ku ma cunno waayo. curyaan baan ahay oo u ma carar daayo. calool xanuun baan leeyahay oo u ma cunno daayo. Waraabuhu isaga oo ci badan wax uu cuno ma waayo oo cidiisa laga ma dareen qaato. Waraabuhu waa uu dhutiyaa, laakiin haddana wax ka dheereeyaa ma jiraan. Waraabaha waxaa la sheegaa in calooshiisu aad u kulushahay. Haddii uu xaar kulul kugu dharaajiyo ama dhash kugu siiyo wey gubanaysaa meesha uu kaala haleelo. Kolka reer miyigu eryanayaan dhurwaaga way gudub ordaan ee ma dabo ordaan.

9. Saddex codkooday ciyaan saddexna way ka naxdaa. Shimbirta guumaysta codkeedaydaa cidaa, laakiin habar madi leh baa ka naxda waayo waxa ay Soomaalidu ka saadiyaan cida guumaysta geeri qof muhiim ah. Shimbirka dhawdhawle codkiisu ciyaa, laakiin nin ciidan daran baa ka naxa waayo waxaa cida shimbirkaas laga saadiyaa hayaan, geeddi dheer, iyo maalingaal. Shimbirka ciyoygu codkiisu ciyaa, laakiin nin gaadiid daran baa ka naxa waayo cida shimbirkaas laga saadiyaa abaar iyo oodolulul. Soomaalidu waxa ay ku heesaan, "ciyowgii habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu qabaa."

10. Rag saddex buu is dheer yahay wax tagey ka sabirkii, wax taagan wax ka qabashadeed, iyo wax soo socda saadaaladeed. Sidoo kale waxa uu Xaaji Aadam Afqalooc yidhi, "Seben tagey mid weli soo socdiyo saaka waxa joog. Saddexdaa xillaa xaal adduun laga sifeeyaaye."

Maansooyinka iyo maahmaahyadu waa kobciyaha garaadka iyo iloodinimada. Liibaane ka faraqabso oo kobci garaadkaaga si aad horumar weyn ugu tallaabsato.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen