+252 90 4048010

biography

HALDOORKA SOOMAALIDA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 04, 2025


Tagtadu waa marag magacyana way qoraysaa. Halkan waxa aynu ku soo qaadaynaa haldoorka Soomaalida. Haldoor waxaa looga jeedaa dadka Soomaaliyeed ee waxqabadkoodu saamaynta ku leeyahay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Haldoornimadu waxa ay noqon kartaa qof hadal murti leh kaga qaybqaatay arrimaha bulshada iyo guud ahaan horumarinta dalka. Sidoo kale waxa ay haldoornimadu noqon karaa qof hawl uu qabtay ay bulshada wax weyn tartay. Haldoorku waa addin ku saamaynle iyo af ku saamaynle. Dadka haldoorka ah ee saamayntoodu ka muuqato dhammaan geyiga Soomaalida waxaa ka mid ah:

Sheekh Yuusuf Alkowneyn

Axmed Ibraahim Qaasim - Axmed Gurey

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Aadam Cabdullah Cismaan

Cabdirashiid Cali Sharmarke

Maxamed Siyaad Barre

Cabdullaahi Suldaan Timacadde

Ismaaciil Mire Cilmi

Nuur Warsame Yoonis - Gambool 

Xaaji Aadam Axmed Xasan - Afqalooc

Maxamed Ibraahiim Warsame - Hadraawi

Cabdiqaadir Xirsi Nuur - Yamyam

Xasan Sheekh Muumin Gorod

Maxamed Cali Kaariye

Cabdullaahi Axmed Cusmaan - Dhoodaan

Maxamuud Cabdullaahi Ciise - Sangub

Saadi Cali Warsame

Xaliimo Khaliif Magool

Axmed Suleymaan Tubeec

Maxamed Gacal Xaayow

Hibo Maxamed Hudoon

Maryam Mursal

Cabdi Bille Cabdi

Cali Afyare Aw Cilmi

Muxamed Cabdulla Xalane

Cali Khaliif Galaydh

Haldoorada halkan ku taxan iyo kuwo kale oo hadda taxanaha ka maqan waa dad halyeyo ah oo dhammaantood wadanimadu ka gashay dhuuxa iyo lafaha. Qof kasta oo haldooradaas ka mid ah waxa uu leeyahay wax ay bulshadu ku xusuusato.

Haldoorka bulshadu waa dadka indheergaradka ah ee Eebbe weyne ugu bantookhay diricnimo iyo halyeynimo. Cabdullaahi Dhoodaan oo tilmaamaya haldoorka bulshada waxa uu yiri: 

"Dhimir iyo garaad way qabaan fiiro dhumuc weyne..

Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan waad dhaygagiye." 

Bulshada Soomaalida waxaa ka buuxa dad badan oo haldoor ah oo ay ku yaabgelinayaan murtida ka soo maaxanaysa. Dadkaasi waxa ay mudan yihiin in aynu wax ka ogaano waayahoodii si aynu uga qaadano ku dayasho habboon oo aynu u adeegsano nolosheena iyo carruurteena. 

Soomaalidu waxay tiraahdaa: "Gorgor haad ka weyn," sidoo kale haldoorka bulshadu dad kale ka weyn. Dadka haldoorka ahi waa daw yaqaanayaal, abaabulayaal bulsho, dhiirigeliyayaal dad, koox agaasimayaal, yool dheerayaal, iwm. Haldoorku waa dad u heellan in ay bulshada u horseedaan barwaaqo iyo badhaadhe. Haldoorku waa maamul toosiyayaal oo fahma dhaliilaha madaxda bulshada hagaysa. Haldoorku naftooda ku ma raaxaysato in ay madax yihiin oo jago ama kursi ku fadhiyaan. Haldoorku waxa ay ku raaxaystaa in ay bulshada u horseedaan barwaaqo iyo badhaadhe.

Haldoorku waa kuwa sababa in bulshooyinka adduunku kala horumaraan. Haldoorku waa kuwa gaadhsiisey meesha adduunku cusub marayo ee ilbaxnimada reer galbeedku hoggaanka u hayso. Sidaynu ogsoonahay xoolaha la ma hoggaamiyee waa la kaxeeyaa ama gadaal baa laga riixaa si ay u socdaan, laakiin waxaa la hoggaamiyaa dad. Dadku waa noole Eebbe siiyey caqli, garasho, maskax, iyo awood isla kolkaana ku abuuray doonis iyo in uu aadamuhu jecel yahay waxa wanaagsan. Sidaas darteed bulsho kasta oo rabta in ay gaadho wanaag iyo horumar waxaa la ma huraan ah in ay hesho dad haldoor ah oo leh tilmaamihii hoggaaminta kuwaas oo bulshada u horseedi kara barwaaqo iyo badhaadhe. Haddii la waayo dadkaas haldoorka ah waxa ay bulshadaasi noqonaysaa mid gablantay oo ka lunta jidkii ay qaadi lahayd. Haldoornimada iyo hoggaamintu waa tan diinta Islaamka gaadhsiisey halka ay maanta joogto, haldoornimadu waa tan   sababtay in reer galbeedku inoo taliyaan, iwm. Kolka la waayo haldoor aqoon iyo xirfado ku qalabaysan waxa ay bulshadu mudataa duli iyo darxumo. Haldoor la'aantu waa tan sababta in bulshooyin badan dumaan oo taariikhdoodu tirtiranto. Haldoornimadu ma aha wax cidla iska   taalla ama bakhtiyaanasiib lagu helo, mana aha wax qofka la iska siiyo, mana aha wax qofku khasab ku maquunsado, mana aha ku qabso ku qadi mayside, isla markaana ma aha wax la iska noqdo. Haldoornimadu waa tayo qofnimo, aqoon, karti, iyo xirfado is biirsaday. Haldoornimadu waa diricnimo Allaah bixiyo, barasho, xirfado, iyo aqoon la kasbado. Haldoorku waa qof dalkiisa jecel oo midh xumaan ah u quudhin. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, "Dal jacayl waa dadnimada ka badh." Dalkaaga oo aad jeceshay waa tilmaamaha wacan ee lagu garto qofka dunta wanaagsan ee dadnimadu ku jirto ee haldoorka ah. Qofka dalkiisa iyo ciidiisa jecel ma aha dhuuniqaate iyo dabadhilif. Qofka dalkiisa iyo ciidiisa jecel u ma quudho dalkiisa wax xun.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen