+252 90 4048010

family

GUURSO INTAADAN GARAADSAN

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: July 05, 2025


SIRTA DOORASHADA LAMMAANAHA  

"Guurku marka hore waa sino dhuuban yahay, haseyeeshee marka dambe waa sino ballaadhan yahay."

"Guurku waa saddex jaad oo kala ah: Badhi badhi ku dhufo, badhi dab ku dhufo, dab dab ku dhufo."

DULUCDA GUUD EE QORMADA

Faa'iidooyinka galmada xalaasha ah waxaa ka mid ah in ay: 

wadnaha ka fayoobaysiiso cudurro badan. 

hoosudhac ku keento cadaadiska dhiigga.

yarayso dhammaan xanuunada jidhka oo jebiso xumadda. 

maskaxdu degto oo xasillooni dareento.

muruqyada gumaarka iyo miskuhu si wacan u shaqeeyaan

kordhiso xidhiidhka labada is qabta. 

kordhiso difaaca jidhka.

kordhiso caafimaadka qofka.

tahay jimicsi la ciyaarayo.

qofka siiso hurdo macaan. 

jebiso wax kasta oo diiqad ah.

yarayso cudurrada gasarka (cancer)

Guurku waa hannaan fil weyn oo lagu ilaaliyo jiritaanka bulsho kasta si aanay u dabargo'in. Guurku waxa uu ku salaysan yahay arrimo ballaadhan oo culus haddii aan lagu dhiiran xilli hore oo qofka noloshiisa ka mid  ah. Haddii aad dib u dhigto maalinba maalinta ka dambaysa waa uu kugu sii adkaanayaa! Qormadan aqoonbaadhista ah waxa aynu kaga hadlidoonaa in aynu warcelin u hello weydiimaha soo socda:

Waa maxay guurku? Maxaa uu yahay guur habboon? 

Maxaa dhaqankii hore ee Soomaalida ninku ku xulan jirey gabadha? Maxaa ay gabadhu ku xulan jirey ninka? Maxaa hadda la isku xushaa? Maxaa uu yahay halka wax ee aan raggu ugu dulqaadan karin dumarka?

Maxaa looga jeedaa maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa "guurku waa saddex jaad oo kala ah: Badhi badhi ku dhufo, badhi dab ku dhufo, dab dab ku dhufo."

Maxaa looga jeedaa maahmaahyada Soomaaliyeed ee odhanaysa "raad toosan raad leexsan baa reerka uga roon." "Marka hore guurku waa sino dhuuban yahay, haseyeeshee marka dambe waa sino ballaadhan yahay." "Guurku waa god madow gacan geli." "Guurkaaga awr dhaan ahna waa lagu beegaa." "Guur badani gablan kaama biiyo." "Nimaan guursani gogol fiican kuma seexdo." "Guur iyo geeddiba sahan bay ku fiican yihiin." "Nin guursadey xuunshana xoolo  waa uu moodaa." "Wax qof ku talo xumaado guurkaa ugu wacan." iyo "Belo guur ama guursay ku tidhaahdaa."

Qof aadame ahi rag ha ahaado ama dumar ha ahaado adduunka ma ku soo kordhin karaa wax qof ka ka qiimo badan ama ka qaalisan?

XULASHADA LAMMAANAHA

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaaha (sw) xaqa ah ee cirarka, iyo dhulalka udub la'aanta taagey, isla markaana abuuray waxa ku dhex nool, iyo inta u dhexaysaba. Naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Rasuulkeenii suubbanaa ee Muxammad Binu Cabdullaahi Binu Cabdulmudalib Binu Haashim kaas oo jidka xaqa ah innagu hanuuniyey, isla markaana aan cid kale xaq lagu raaci karin isaga iyo wixii jidkiisa raacay mooyee.
Casharkani waxa uu daaweynayaa oo talo ka bixinayaa sirta doorashada lammaanaha. Casharku waxa uu ka sheekaynayaa qaabka doorashada ee labada is guursanaya sida labada is qabaa u wada dhaqmayaan iyo sida ay arrimaha qoyska u daryeeli lahaayeen. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa walax lagu talo xumaysto guurkaa ugu dheef badan. Guurku diintaada waa u gargaaraa, shaydaankana waa uu gablamiyaa oo hoojiyaa, isla markaana waa gaashaan adag oo cadowga Allaah laga galo, sidoo kale waxaa ku tarma ummadda Islaamka si ay u la tartanto ummadaha kale.  
Allaah waxa uu Quraanka ku leeyahay: "U guuriya xaaslaawayaasha idinka mid ka ah iyo addoomihiina kuwooda wanaagsan rag iyo dumarba. Haddii ay sabool yihiinna Allaah ayaa deeqdiisa ku hodminaya, Allaahna waa kii deeqdiisu badan tahay oo cid kasta duruufteeda ka warqaba. Rasuulkeena waxaa laga weriyey in uu yidhi: Is guursada oo tarma, ummadaha ayaan idinkuu faanayaa maalinta Qiyaamaha. Cumar Binu Khataab waxa uu odhan jirey: Waa xaan u guursadaa si aan wiil u helo, Ibnu Mascuudna waxa uu odhan jiray: Haddii cumrigeyga toban beri oo keli ah ka hadhsanaan lahayd waxa aan jeclaan lahaa in aan guursado, si aanan Allaah u hor tegin aniga oo doob ah. Mucaad Ibnu Jabal baa daacuun kaga dhacay laba xaas oo ka dilay, markaasuu odhan jirey: War ii guuriya, ma jecli in aan Allaah la kulmo aniga oo doob ah.  
Qofka aan guursan karin sabab kastaba ha kaliiftee, waxaa habboon in uu is ilaaliyo inta uu faraj kheyr qaba uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay: "Ha dhawrsadeen kuwaan awood guur heli karin inta uu Allaah deeqdiisa kaga hodminayo. Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka (scw) ka weriyey in uu yidhi: Ninkii awoodi kara ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool, ibtana waa u gaashaan. Qofkaan awoodi karin ha soomo, soonkaas baa dareenka ka jarayee."  
UJEEDDOOYINKA GUURKA 
Guurku waxa uu leeyahay shan ujeeddo oo kala ah: 
1. Ubad kaa hadha: Faa'iidooyinka guurka tan ugu horreysa waa sidii lagu heli lahaa ubad, si aan tafiirta dadku u dabar go'in. Ubad dhalista lafteedu waa in ay yeelataa afar ujeeddo oo kala ha: 
In aad ku doonto raalligelinta Eebbe maadaama aad gacan ka geysanayso sidii ay tafiirta dadku u sii socon lahayd. 
In aad ku doonto raalligelinta Rasuulka (scw) kol haddaad ugu kaalmaynayso sidii uu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa. 
In Eebbe ku siiyo ubad kheyr qaba oo kuu soo duceeya kolkaad dhimato. 
In aad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro. 
2. Dhufays aad ka gasho Shaydaanka: Guurku waxa uu kaa oodaa meelaha shaydaanku kaa soo gelayo. Qofku hadduusan Allaah ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn oo guur xalaal ah helin sidii uu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay waayo waxaa hor kacaya rabitaankiisa naftiisa. 
3. Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda: Marka qofku guursado waxaa ka hadha waxyaalo badan oo welwel iyo walbahaar ku hayey. 
4. Guurku waa iskaashi: Guurka waxaa ka aloosma iskaashi nololeed, shaqo iyo dhaqaalaha oo kuu kordha. Odayga reerkana waxa ay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Allaah ku caabudo. Nebigeena (scw) waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: Midkiin ha yeesho qalbi Allaah ku mahadin og, carrab Allaah xusid badan iyo haweeney mu'minad suubban ah oo aakhiradaada kuugu kaalmeysa. Guurku ma aha oo keliya in adduunka lagu raaxaysto, carruur lagu dhalo, balse yoolka ugu muhiimsani waa in aad hesho waqti iyo jawi Allaah lugu caabudo. 
CAQABADAHA GUURKA 
Turunturooyinka guurka is hortaaga waa ay badan yihiin, weliba xilliga hadda lagu jiro waa ay ka sii badan yihiin. Turunturooyinkaa waagii hore iyo kuwa hadda waa ay kaladuwan yihiin. Waagii hore waxyaalaha is hortaagi jirey guurka waxaa ugu badnaa gabdhaha oo yaraa iyo saboolnimo. Turubturooyinka ugu badan hadda waxaa ka mid ah: 
Dhaqaale xumo ama saboolnimo: Dhaqaale xumadu waa dhibaatada ugu weyn ee hortaagan in dad badani guur xalaal ah samaynwaayaan sida ninka oo aan awoodin in uu bixiyo kharashka gurigalka sida marriinka gabadha, gabbaatiga, kharashka gogosha, Rabbibariga, madadaalada arooska, iyo masruufka reerka.
Dhillaysiga: Caqabadaha guurka waxaa maanta ugu daran qofka oo dhallinyaranimadiisa ku baydha jidadka zinada, macsida, ama dhillaysiga. Haddii ay macsida iyo dhillaysigu fududaadaan waxaa yaraanaysa in qofka ay ka timaado rabis guur waayo waxa uu helayaa jidad kale oo uu shahwadiisa ku guto. Baabka macsida iyo dhillaysiga waxa ay sababaan ku mamid xun waayo haddii qofka dhallinyarada ahi barto xoodaaminta ama salaaxista boqolaal qof oo kale waxaa hadhow adkaanaysa in hal lammaane oo keliya qanciyo. Qofka macsida bartaa ma daayo xitaa haddii uu guri yeesho oo waa ay adag tahay in uu ka soo fuqdo asxaabteedii hore. Sidoo kale dhillaysigu jaadkii uu doonaba ha noqdee waxa uu baabi'iyaa quruxda gabdhaha iyo mustaqbalkooda dambe. Sidoo kale waxa uu sababaa in dhallinyaro badan guumaysoobaan oo guur la'aan iyo ubad la'aan ku dhacda. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa gabadhu in ay ubad dhasho oo dad carro-edeg ku yeelato aad bay qiimo weyn u leedahay marka loo eego ragga. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa waxaa jira saddex abaarood oo kala ah: Abaar geel oo ah ilko la'aan, abaar rag oo ah arrin la'aan, iyo abaar haween oo ah ubad la'aan. Dhibaatooyinka macsida iyo galmaboolidu keenaan si aad u fahanto bal akhri aqoonbaadhistan ay samaysay Wakaaladda Wararka ee Dalka Ruushka: Warbixntu waxa ay sheegaysaa boqolkiiba inta gabdhaha dalalka Carabta aan la guursan ee guumaysooba. Guur la'aantaas waxaa loo aanayn karaa dhillaysiga oo fudud iyo shuruudaha gabadha oo batay. Sidaas awgeed maxa ay gabdhaha Soomaaliyeed sugayaan aayaha soo socda? Sida ay u eg tahay waynu ka darraandoonaa Carabaha.
Da'da: Qofka dhallinyarada ah waxaa u fiican in uu yaraanta ku guursado waayo hawl badan oo dib uga dhici lahayd baa u soo horumaraysa. Masuuliyada iyo maamulka qoysku waa hawl adag. Hawsha adag waxa ay ku fiican tahay in ay kuu soo hormarto si markaad weynaato uga raaxaysato hawlo badan oo kugu baaqan lahayd. Tan kale dadkaagii baa dhakhso u ciidaminaya oo adduunkaad door muhiim ah ku yeelaynaysaa. Mar kasta oo aad guurkaaga dib u dhigto waxaa kugu sii adkaanaya go'aan qaadashada in aad guursato waayo mar kasta oo da' kuu siyaado waxaa kugu badanaya talo ruugista iyo in aan go'aanku hore kaaga soo dhicin. Markaad dhallinyarada tahay waxaa kugu badan ku dhiirashada go'aan qaadashada, laakiin markaad weynaato waxaa badanaya wax u fiirsigaaga. Sidaas awgeed waxaa dhici karta in qof kasta oo aad guur ugu hawooto kun dhaliilood kaaga soo baxaan oo aad halkaas ku guur beesho. Bal u fiirso guur la'aanta haysata gabdhaha Carbeed.   
Xil ka cabsasho: Rag badan baa u adkaysanwaaya gudashada xaqa ee dumarkoodu ku leeyihiin, waayo waxa ay dulqaad u yeelan waayeen masuuliyada culayskeeda. Nebigeena (scw) waxaa laga weriyey in uu yidhi: Qofka waxaa denbi ugu filan in uu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda. Sidoo kale waxaa laga weriyey in ninka ka carara ciyaalkiisa uu la mid yahay nin Allaah ka cararay oo kale, isla markaana laga ma aqbalo Salaadda iyo Soomka toona. Allaah waxa uu Quraanka ku yidhi: Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan. Sidaas baa la inoo amray in aynu xaasaskeena ka ilaalino naar, sidaynu nafteena uga ilaalinayno. Halkaas waxa aynu ka garan karnaa in kolka ninku guursado ay labanlaabmayso masuuliyaddii saarayd, isla markaana laba nafood masuuliyadooda qaadayo. Haddii ninku markii hore la cadilaa masuuliyada hal naf waxaa adkaanaysa in uu laba nafood masuuliyadooda qaado. 
Cibaado hallayn: Dhibaatooyinka ka dhasha guurka waxaa ka mid ah isagoo kugu dhaliya hami adduunyo iyo in aad meherad ka dhigato ubad iyo maal ururin. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa nin haween bartay waa ay ku adag tahay in uu waqti u helo cibaado Allaah. Hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in guntiga dhiisha la iskaga dhigo oo labada daarood la isku wado. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa ka adkayn oo xaaraanta ka dhawrsan karin. Cidda keliya ee guur la'aantu u roon tahay waa qofka naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara xaaraan kaga timaada aragiisa iyo ibtiisa. 
WAA MAXAY GUURKU?
Wiil baa aabbihiis u soo bandhigay in uu guurdoon yahay. Odaygii waxa uu ku yidhi waa hagaage maandhe marka hore i soo tus gabadha aad guursanayso. Wiilkiina waa ka yeelay arrintaas. Maalin dambe baa wiilkii la yimid gabadh dheer oo cajabgelisey. Wiilkii waxa uu adoogiis ku yidhi aabbe waa tan gabadhaan soo doortay. Odaygii waxa uu wiilkii ku yidhi maandhe bal horta dhagaxaas ii soo qaad. Dhagaxu waxa uu ahaa mid culus, wiilkii waa uu iskudayey laakiin waa u suurtoobi weydey in uu soo qaado. Intii wiilku ku mashquulsanaa dhagaxa baa odaygii gabadhii weydiiyey ma ninkaas itaalka yar ee dhagaxaas qaadi kariwaayey baad guursanaysaa. Gabadhii waxa ay ku jawaabtey haba yaraate maya.
Mar kale baa wiilkii la yimid gabadh dheer oo cajabgelisey. Wiilkii waxa uu adoogiis ku yidhi aabbe waa tan gabadhaan soo doortay. Odaygii waxa uu mar kale wiilkii ku yidhi maandhe bal in aad dhagaxii ii soo qaad iskuday. Dhagaxu waxa uu ahaa mid culus, wiilkii waa uu iskudayey laakiin waa u suurtoobi weydey in uu soo qaado. Intii wiilku ku mashquulsanaa dhagaxa baa odaygii gabadhii weydiiyey ma ninkaas itaalka yar ee dhagaxaas qaadi kariwaayey baad guursanaysaa. Gabadhii waxa ay ku jawaabtey haba yaraate maya.
Mar 3aad baa wiilkii la yimid gabadh dheer oo cajabgelisey. Wiilkii waxa uu adoogiis ku yidhi aabbe waa tan kale baan soo doortay. Odaygii waxa uu mar 3aad wiilkii ku yidhi maandhe bal in aad dhagaxii ii soo qaad iskuday. Dhagaxu waxa uu ahaa mid culus, wiilkii waa uu iskudayey laakiin waa u suurtoobi weydey in uu soo qaado. Intii wiilku ku mashquulsanaa dhagaxa baa odaygii gabadhii weydiiyey ma ninkaas itaalka yar ee dhagaxaas qaadi kariwaayey baad guursanaysaa. Gabadhii waxa ay ku jawaabtey haba yaraate maya.
Mar 4aad baa wiilkii la yimid gabadh dheer oo cajabgelisey. Wiilkii waxa uu adoogiis ku yidhi aabbe waa tan kale baan soo doortay. Odaygii waxa uu mar 4aad wiilkii ku yidhi maandhe bal in aad dhagaxii ii soo qaad iskuday. Dhagaxu waxa uu ahaa mid culus, wiilkii waa uu iskudayey laakiin waa u suurtoobi weydey in uu soo qaado. Intii wiilku ku mashquulsanaa dhagaxa baa odaygii gabadhii weydiiyey ma ninkaas itaalka yar ee dhagaxaas qaadi kariwaayey baad guursanaysaa. Gabadhii waxa ay ku jawaabtey haba yaraate maya.
Mar 5aad baa wiilkii la yimid gabadh dheer oo cajabgelisey, laakiin xaga quruxda gabdhihii hore ka hoosaysa. Wiilkii waxa uu adoogiis ku yidhi aabbe tan kale baan soo doortay. Odaygii waxa uu mar 5aad wiilkii ku yidhi maandhe bal in aad dhagaxii ii soo qaado iskuday. Dhagaxu waxa uu ahaa mid culus, wiilkii waa uu iskudayey laakiin waa u suurtoobi weydey in uu soo qaado. Gabadhii waxa ay aragtay in aan wiilku dhagaxa qaadi karin intay u tagtay bay la soo qaaday oo odaygii la soo hordhigay. Odaygii gabadhii waxba ma weydiin, laakiin waxa uu wiilkiisii ku yidhi waa tan gabadhaan kula rabey waayo noloshu waa iskaashi. Gabdhihii hore oo dhan kuma caawin laakiin gabadhani way kuu soo gurmatey markay aragtay in aadan qaadi karin. Aabbe waxaan kuu sheegayaa in jiilaalka iyo ninku legdamaan, laakiin waxaa adkaada ka naagtu raacdo. Naago waa iskaashi iyo baabah, haddii naagta iskaashi laga waayo naag ma aha.
Soomaalida waxaa murtideeda ka mid ah in ay yidhaahdaan: Nin maalin ma gaadhid, ninna weligaa ma gaadhid, ninna sannad ma gaadhid. Ninka kaa gaadiid fiican, ama kaa faras dheereeya maalin ma gaadhid. Ninka kaa qorshe fiican, ama sannadkaa xoolihiisu daaqeen meel ka fiican meesha xoolahaagu daaqeen sannad ma gaadhid. Ninka kaa naag fiicana weligaa ma gaadhid.
GACAL XULASHO 
Gacal doorashadu waxa ay ka mid tahay go'aamada adduunka ugu kakan ee qof aadame ah soo wajaha. Qofka guurdoonka ahi rag iyo dumar midkii uu doonaba ha ahaadee, waxa uu rabaa quruxdii Nebi Yuusuf, maalkii Nebi Suleiman, murtidii Luqmaan, dulqaadkii Daawuud, xooggii Nebi Muuse, xishoodkii Cusmaan Binu Cafaan, geesinimadii Khaalid binu Waliid, hadal yaridii Ibnu Cabaas, Cilmigii Iimaamu Bukhaari, iwm.
Doorashada lammaanaha ee dhaqamada iyo diinuhu waa ay kaladuwan yihiin oo qolo kasta dhan bay wax ka eegtaa. Innagu haddii aynu nahay Soomaalida oo muslim nahay waxa aynu doorashada lammaanaha ku salaynaynaa mabaadida Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Ugu horrayn waxa aynu eegaynaa mabaadida Islaamka ee gacal doorashada, ka dib waxa aan u gudbaynaa dhaqanka Soomaalida.
Innaga oo soo xiganayna Diinta Islaamka waxa ay doorashada gacalku u sugnaatay ninka, laakiin gabadhu waxa ay xaq u leedahay in ay yeesho ama diido. Isla markaana waxa ay xaq u leedahay in ay ka hesho ama qanciyo ninka guur u soo bandhiga. Diinta Islaamku waxa ay muslimiinta baraysaa in haweenayda lagu guursado afar waxyaalood oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal, iyo diin. Haddii aynu mid mid u faaqidno oo u falanqayno waxa aynu helaynaa war iyo wacaalka soo socda: 
Qurux: Quruxdu waa dabinka ugu horreeya ee dumarku ragga u daadiyaan, laakiin haddii aan diin iyo akhlaaq la socon lama dugsan karo. Qurux aan seeto diin iyo dhaqan lahayn waxa ay luminaysaa wax badan. Quruxdu waa wax da' ku xidhan oo aan qofka ku daahin. Quruxda gabdhuhu waa inta ay dhallinyarada yihiin, laakiin cishada da' u kordhaba waa dheehoo way dhacaysaa. Qurux keligeed ah waa bal cagaaran oo Qorrax galabeed hayso ama doog barqadii Qorraxdu hayso. Quruxda hadda joogta waa mid la sameeyo oo dhalanteed ah oo ka dhigan dharka qofku sito ayaa dhalaalinaya, laakiin haddii qofkaasi dhabbo oolilahaa dhurwaa ma cuneen.
Qoys sharaf leh: Waa arrin muhiim ah in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado. Rasuulka (scw) waxaa laga weriyey in uu yidhi: "Xawadiina u doorto qoys sharaf leh iyo hiddaraac la yaqaan waayo cirqiga nasabku waa uu dusaa." Xadiiska oo macnahiisu yahay in dadnimo wanaagu tahay walax la iska dhaxlo, sidaas awgeed iska hubiya qofka aad guursanaysaan ama u guurinaysaan in uu qoys wanaagsan ka dhashay. Hase yeeshee  gabadh qoys sharaf leh ka dhalatay lagu ma nasto oo lagu ma nagaado haddii aanay diin lahayn. Arrintaas waxa ay Soomaalidii hore kaga maahmaaheen: "Kor u guur oo kor u guurso kor bay dhashaa, laakiin hoos u guur oo hoos u guurso hoos bay dhashaa."
Maal: Ninkii gabadh maalkeeda oo qudha u guursada ma doonayo gabadhee maalkeeda ayuu doonayaa, iyada qudheedu waxa ay u aragtaa nin ay iibsatay oo kale. Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan: Ninka guursanaya waxaa u wanaagsan in uu gabadha uu guursanayo saddex arrimood dheer yahay: nasabka, duunyada, iyo da'da si aanay u yasin. Gabadhana waxaa u fiican in ay ninka guursanaya saddex arrimood dheer tahay: dulqaad, edeb, iyo qurux si aannu u yasin. Maal la isku guursado oo aan diin iyo dhaqan suuban lahayn lagu ma nasto oo lagu ma negaado. 
Diin: Rasuulka (scw) waxaa laga weriyey: Gabdhaha waxaa lagu guursadaa afar arrimood oo kala ah: maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda, iyo diinteeda. Weliba waxa uu Nebigu (scw) ku daray duco odhanaysa "gaadh midda diinta leh gacmaha ciid gashee." Gabadha diinta leh waa tan garanaysa sida ay u gudan lahayd xaqa ninkeedu ku leeyahay, sida ay u dhawri lahayd sirta gurigeeda, sida ay u ilaalin lahayd xoolaha reerkeeda, sida ay u ilaalin lahayd nafteeda, sida ay isaga ilaalin lahayd masayrka, iyo sida ay u barbaarin lahayd carruurteeda.  
Maadaama ay adag tahay in la helo gabadh afarta sifo ee kore isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro gabadh diin leh, haddii ay qurux iyo qoys wanaag ku darsatana waa Allaah mahadii. Haddii maal u dheer yahayna waa Allaah (sw) fadligiis.  
Si kastaba arrimuhu ha ahaadeene waxa aad mooddaa in dabeecadda raggu tahay in ay gabadha bilicdeeda iyo muuqaalka jidhkeeda ku dabagalaan, inta aanay u daadegin diinteeda iyo dhixirkeeda. Laakiin waa jid halis ah in gabadha qurux oo keliya lagu raaco waayo ma aha in quruxdu hoosaasiso arrimo badan oo u baahan in la iska fiiriyo. Nin la yidhaahdo Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magacdheeraa Aw Yuusuf-barre, waxa uu tiriyey gabay la yidhaahdo GUUR AAN KA LA'AADO xilli lagu qiyaasay  sannadkii 1922kii. Aw Yuusuf Barre waxa uu gabayga kula hadlayey labo barbaar oo ay mid ilma adeer ahaayeen midna uu adeer u ahaa. Labadaas barbaar waxaa la kala odhan jirey Xasan Cabdi Cali (Gurey) iyo Cali Xasan Ibraahim (Daroor) In kastoo gabaygu xilli horre ahaa,  waxaa la xaqiijiyey markii ay taariikhdu ahayd 2002dii in Gurey iyo Daroorba noolaayeen iyaga oo da'a ah. Guray iyo Daroor waxa ay ahaayeen barbaaro guurdoon ah, sidaas awgeed waxa uu abwaanku tusaalaynayaa sifooyinka gabadhaha guurka ku habboon iyo kuwa aan ku habboonayn in ay kala aqoonsadaan. Abwaanku waxa uu yidhi: 
Gurey iyo Daroorow arrini waygu gebileeye  
Wax i galayba waan uun galgalan gu iyo jiilaale 
Galbi  dhabadka waxa iigu wacan hal igu gaadhnaaye  
Garanna weyde meeshuu qalbigu iga gufaacoone 
Goodigayga caawaba maqloo geliya laabtiina 
Oo wada guntada xaajadaa odaygu soo guurshey 
Gaashgaashka waa lagu lumaa gole ka fuulka ahe 
Ha gudoonsan waa kii caqligu gaanka  ku ahaaye 
Guri bilan ninkii doonayee nacaya goonbaarta 
Ee guur ujeedoow i maqal waan ku garansiine 
Guduud looma raacoo haween gobolba waa cayne 
Bidhaan gebi ka laalaada waa lagu gulaalmaaye 
Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel uun baa go'ane 
Gaboodleyda gaashidu ku taal labada goonyoodba 
Ee maradu geyngeyman tahay guur aan ka la'aado 
Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan gaadha fidineynin 
Ganuunka iyo xeedhyaha middaan goor walbaba dhiibin 
Gadh caddaayadii reer tolkey taan u gogol haynin 
Ee geedka laga naadinayn guur aan ka la'aado 
Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha geela laga reebay 
Gurijoogta xoolaha midaan goosanka u diidin 
Ee garanin soo dheelan ee guriga uun joogta 
Gudbantaan halkayguba galayn guur aan ka la'aado 
Allow Garawo  giirkiyo afkiyo ganafka uun taagi 
Oo qoolka  uun kula galdi'i  magac waxay gaadho 
Gandihii  miduu wada nacee gacalka fiigaysay 
Gool boodadeed laga samray oo goysay ubadkeeda 
Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka la'aado 
Geediga hayaanka ah midaan gaadhin weligeedba 
Ee gabanta loo sido sidii Goodir noo curatay 
Waa geeri naagtaan ritiga kuu gadh qabanayne 
Reerkoo gawaan degay dadkoo gibiladii waabtay 
Anoo galangalciyo oon la tuban furayna gaadiidka 
Geedaha haddii lala dhexgalo gudimo oodeedda 
Galoon  badhaxa uma dhaamin karo geedatadan jaane 
Gooni iyo cidlay igu wadaa goob aan yuurure e 
Gosha laga cabsoodiyo xidhkay gooshu ka adeegi 
Gaade iyo intay bahal isiin guur aan ka la'aado 
Midda gaaban ee garabka iyo guudku wada joogo 
Ee socodka uma gaatisee giririflaynaysa 
Ee gura ma laacdee ritiga juu ku ganacgoysa 
Janbal gibin oon golos  ahayn guur aan ka la'aado 
Carmal jeer hortay guursatoo geeda soo shidatay 
Oo iga gu' weyn oo taqaan gaadmo iyo dhuudmo 
Waxay gogosha ii saxartirtoo illaxidh goysaaba 
Dhowr habeen markii lala galmoo gaax la kala maalo 
Gadaal bay la soo bixi dabbaradii hor ugu gaadhnaaye 
Intay galab i aynabi lahayd guur aan ka la'aado 
Middaan cawska soo guran aqoon garab ku boodhleyda 
Gelgelin jiifta bacadkaas galgalan gu' iyo jiilaalba 
Oo golaha qoyskiyo ninkaba leexadu is goysay 
Ee giiryar  baa cunay i odhan guur aan ka la'aado 
Galbashadiyo dharaartii middaan gaadhka iga haynin 
Ee garanin goortiyo wakhtiga aan gefayn reerka 
Ee guurahaygana milshiyin  aar gudaan ahaye 
Anoo lugo gororay taagnidii gogosha oo laaban 
Intaan ciil la gaw odhan lahaa gaada  iga haysa 
Ama goor xun daydayan lahaa guur aan ka la'aado 
Maradaan u gaday khaylidaan gugakan soo iibshay 
Garbasaar haddaan ugu dariyo boqoro giirgiiran 
Wax ma xidhato ganaca uun banayn guur aan ka la'aado 
Galoolka iyo cawskay badhkood gunta ka gooyaane 
Garba duubantaan laga dayeyn gale  in ay laabto 
Waxay hooyadeed garab degtoo la i gargaaraaba 
Mar haddaan ka guuroo haddana biidna garan weydo 
Gabbaad kob aan lahayn kuma gam ee guur aan ka la'aado 
Dumaal gaban leh gaayaa tufley waa mas geed galaye 
Haddaan wiilka guulguulo way igu guhaadoone 
Waa gool dhashii haysatee guur aan ka la'aado 
Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo yara dul goohaaya 
Golostay ujeedeen hadday guluca  soo saarto 
Waxay guuntu boodoo ciyaar dabo gablaysaaba 
Goobtii midii lagula hadhay geedka dhiniciisa 
Garacleyda geelada irmaan guur aan ka la'aado 
Gool weyn middii loo qaliyo gogol la soo dhoobay 
Gab hadday tidhaahdoo martidu igu dul gowdiido 
Weelkeedu tuu gorof yahoo laguba gaadhaynin 
Nin guraar minkii loo dhigeey gobi la yaabtaaye 
Intaan ciil la gaw odhan lahaa guur aan ka la'aado 
Talaabada midaan gaw ka siin goortay soconayso 
Oon gola baxayn oon xarago gacanta saydhaynin 
Een dumarka gaasirin giddigii guur aan ka la'aado 
Allow gaaridii loo xishiyo gabadha loo aayo 
Raaliyo garaad badan midaan iga guhaadaynin 
Adaan gacanta kuu hoorsadaye ha i gefsiin caawa. 
Aw Yuusuf Barre waxa uu sifeeyey waxyaalaha haweenka xunxun lagu garan karo, laakiin ma sheegin sifooyinka lagu garan karo haweenka wanaagsan. In kasta oo uu meerisyada ugu dambeeya ku xusay gabadha guurka mudan in ay tahay tan garashada dheer. Taas macnaheedu waxa weeye in gabadha wanaagsan ay tahay tan aan sifooyinkaas lahayn.  
Gabaygii GUURAAN KA LA'AADO ee Aw Yuusuf Barre tiriyey hal qarni ka hor waxaa ka jawaab celisey Xalwo Bulxan Cali markii ay taariikhdu ahayd dhammaadkii 2010. Aw Yuusuf Barre ujeedada gabaygiisu waxa ay ahayd in uu rag guurdoon ah oo xigtadiisa ah la taliyo, laakiin waxa ay Xalwo haweenkii ugu fasirtay in Aw Yuusuf haweenka si ulakac u caayayey. Arrintaasina waxa ay sababi kartaa in dagaal aan lagu kala adkaan weligii aloosnaado. Waa kan gabaygii Xalwo Bulxan Cali: 
Indhoweydba murtidii igu geyfanayd waanigaan geline
Waa tii aan geesmaray naxwihii Guulle ii qoraye
Maantana wax baa igu gujaye ma anan goobeene
Ruuxna gaar u may aha murtidu waa qofkii garane
Gabdhihii la caayee xumaha gurada loo saaray
Haddii aan gar eexaad la naqin waa gef hadalkaasi
Idinkuba wax baad geleleftaan kala guraysaane
Maxaa libin ku geeraarka iyo guusha idin siiyay
Guyaal iyo guyaal badan haddii na lagu soo guuray
Goor iyo ayaanaba haddaan ciil la galawlaynay
Cadho gaamurtaan wadaqabnaa gebi ahaanteene
Gacan bidix ayaad nagu waddeen tan iyo goortaase
Haddii ay gadoodaan habluhu lama guhaadsheene
Gabayaal inay noo kaceen geliya laabtiina
Aqoonyahanno gaamuray oo murtida wada gorfaynaaya
Inay maanta wada geyfanyiin geliya laabtiina
Markiise aan garaadsaday iyo haddoo garashaday buuxdo
Raggu waxay abiid guranayeen godob xumaanteene
Garaadli'i ma haysee gabdhaha waayahaa gabaye
Guriga iyo intaan ubadka iyo fool la gubanaynay
Nagu gaade gabayada xunoo gubaya jiidhkeene
Gefkaad naga gasheen inuu ciqaab idin geyeysiiyo
Rabina idin gargaarin oo nabsigu idinku soo guuro
Guyaal baan sugaynoo waqtigi waa la soo galaye
Guryihiyo haddaad naga jafteen ubad gardaadsiinta
Aan googaalaysanee inan ragow goobta noo fidiya
Guushuna kuway raacdo aan wada guddoonsiino
Afartaas gorfeeyaye mid kale aan giraangiriyo
Geydhiyo ufada soo dhacdiyo yaare aan geliyo
Gucumaale aar iyo sidii goosha aan u reemo
Aan guulguulo afarey guntaha guushu waa aniye
Gosha aan la baxo kaan naxwaha garan ujeedkiisa
Xaajadana aan soo gambiyey way gun weyn tahaye
Aw Yuusuf gabayguu tirshiyo gedihi uu sheegay
Yamyam wuxuu ka gaaftee uu yidhi guur aan ka la'aado
Aniguba geddaas oo kalaan qayb ka gaabsadaye
Nama wada geyaan nimanku oo qaar ayaa gudhane
Kuwaan gogosha loo dhigayn aan goynka higgaadsho
Dabaguraha gooraha xun jecel gabadh ardaa jiifta
Gaatamaha tuugada u guda goor dhexiyo leylka
Gaajoonahaas aan dhergeyn guur aan ka la'aado
Midka giniga haystee ku xidha jeebka gudihiisa
Ee aan garanin reerkaaga geli Guulle wuxuu keenay
Intii aan galluubnaan lahaa rafaad guur aan ka la'aado
Marti geydhe dhaxanliyo ku timid guure iyo dheelmad
Gogolka aan u soo qaadinoon sooryo gelinaynin
Intii gacalki uu hiifilaa guur aan ka la'aado
Midkaan geedka laga naadin oo goobta laga sheegin
Oon tirada soo gelin kolley saami waa gabaye
Intuu aniga ii guuxilahaa guur aan ka la'aado
Midkaan gacalka garan oo wanaag gacan u qaadaynin
Ilmadowda gaajoon midkaan gelin qada ah siinin
Intuu guriga ii ooyililaa guur aan ka la'aado
Midka gada dharkiisoo rahmada waa gu' baaqsadaye
Intuu qaad ku soo gadan lahaa go'a sariirtayda
Imageyo nin qaawane midkaa guur aan ka la'aado
Kaan garan salaadiyo waqtiga Guulle faral yeelay
Googoyska cibaadada gefaye geesta uga leexday
aan masaajid soo gelin waqiis guur aan ka la'aado
Midka guurka diidoo macsida abidki goobaaya
aan garan samaantee xumaha daba guclaynaaya
Saaniga ilaahay ka go'ay guur aan ka la'aado
Midka diinta garanaaya ee gooyey dhaqankeeda
Shareecada midkaas garab maree gaalo badaraacay
Garaad xumaa u geysoo dulliga guur aan ka la'aado
Caasi ganaya hooyadi intuu gumuc u soo qaato
Ama cay ku gaacinahayoo nabar ku guulaaya
Gayaan kuma haboonee midkaas guur aan ka la'aado
Garruun xaasidnimo loo tabcoo garasho hoos oolin
Gafuur jabin midkaas ila rabee gacalo ii haynin
Intuu iila gaatami lahaa ul weyn guur aan ka la'aado
Xilagube gasiin iyo aan bixin maro isgaadhsiisan
Guudkana islaam uga egoo gogosha ii jiifa
Intii goorxun aan ooyilaa guur aan ka la'aado
Guulihii abuurtiyo nebiga cay ka geyfaynin
Gaboodfalaha diintii gudbaye dhaar aan kala goynin
Gaalkaas ilaahay ka go'ay guur aan ka la'aado
Gaarida wanaaga leh midkaan garan abaalkeeda
Gafuur buure aan ruuxna garan wuxuu gollaynaayo
Gujeeyaha gunuusee guryama guur aan ka la'aado
Kii aan kungowskaba gelayn oo ilmaha gelina haynaynin
oo aan garawshiyo lahayn saacidee gabadha
gacan kaan isiinayn bugtada guur aan ka la'aado
Waalidkay midkaan gobonimiyo sharaf ka goobaynin
Guuleed walaalkay ninkaan gaar u magacaabin
Ee xididka gooyee aan rabin guur aan ka la'aado
Gebagebo dagaal iyo markii cadaw la guulaayo
Gantaalaha marka laysku rido ee geesi diriraayo
Giiryaalaha gadaashayda maray guur aan ka la'aado
Midka Garawadii oo dhashay iyo Goodir daba jooga
Galaxeeda caanaha midkaan goomanaha siinin
Bakhayl gurigii looma soo hoydee guur aan ka la'aado
Mooryaanka gaajoon ee wadada tuugada u gelaya
Googarada dumarkiyo midkaan garana dhaafeynin
Jidgooyaha Islaamkii gambiyey guur aan ka la'aado
Qabqablaha gumaadee shacbiga dhiigiis gadanaaya
Oo aan dawlad gaamurtiyo jeclayn calan shangeesood ah
Ee gaarka keligii nolol u raba guur aan ka la'aado
Balwadu kay gagabisee fadhiya cooshka laga guurey
Qaadka iyo garaabada midkaas guranayee jiifa
Ee qiimihii nolosha gabay guur aan ka la'aado
Hinaasaha guryama ee shakigu gebigi buuxdhaafshey
Gurigayga kii soo ag mara duullan ka hor geyska
Guufanayska waardiyaha gala guur aan ka la'aado
Guur badane gabadhuu arkaba meher la gaadaaya
Xannaanada gurboodkana dayaca gurina aan joogin
Gododlaha cidlada iiga guday guur aan ka la'aado
Midka deriska guulguula oo gawnaxyada buura
Intuu gaarka joogana Cambaro gaabsatee cararto
Xaawaleyda kaagaba warama guur aan ka la'aado
Allow deeqsi geesiya halyey diinta garanaaya
Garaad badane gobanimiyo sharaf looga gogol yeelay
Adaan gacanta kuu hoorsadee calafku iigeeyo
Gabay kuma idlayn karo raggaan gacalo loo hayne
Damiirkiise gade baa jiriyo ceebta gurigeede
Dumarow garwaaqsada raggii laga gol roonaaye.
Run ahaantii waxa ay Xalwo tirisay gabay aad u qiimo badan oo si fiican u tilmaamaya ceebaha ragga iyo dhaliilahooda, isla markaana waa arrin meesha ku jirta in haweenku wax ka og yihiin ragga dhaliilahooda si ay isaga ilaaliyaan ninka xun ee hadhow leeleelindoona.
Sheekh Al-Nafsaawi oo noolaa qarniyadii dhexe wuxuu buuggiisii Al-Rowdul-Caadir Fii Nus-Hatil-Khaadir ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinaba guursigeeda loo dayn. Haddaba sifooyinkii uu sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kale oo meelo kale laga soo xigtey waxa ay yihiin sida soo socota: Gabadha guurkeeda habboon yahay waa gabadha jidhkeedu buuxo, joogeedu sarreeyo,  hilibkeedu isku siman yahay, foolkeedu qorqoran, timaheedu dheer yihiin, timaheedu madow yihiin, indhaheedu sidii ilays la shiday oo kale yihiin, dhabanadeedu shuban yihiin, sanqaroorkeedu qoran yahay, suuniyaheedu ballaadhan yihiin, suuniyaheedu madow yihiin, afkeedu yar yahay, ciridkeedu madow yahay ama casaan quruxsan yahay, ilkaheedu aleel la qoray oo isku siman yihiin, ilkaheedu cad yihiin, bishmaheedu (dibnaheedu) qaro yar yihiin, qoorteedu dheer tahay, cabbaadhyo leh, cududeedu buuran tahay, gacmaheedu garaaro leeyihiin, naasaheedu toobin yihiin, dhexdeedu dhuuban tahay, caloosheedu godan tahay, kubabkeedu buuxaan, cagaheedu raysmagaadho leeyihiin, iyo cidhbaheedu jilicsan yihiin. 
Socodku waxa uu ka mid yahay meelaha dadka laga sifeeyo. Tusaale ahaan Allaah (sw) markuu sifaynayey adoomaha saalixiinta ah waxa uu yidhi: Adoomaha wanaagsan waa kuwa dhulka ku dul socda iyaga oo deggan, haddii qof jaahil ahi la hadlo waxa ay ku yidhaahdaan nabadgelyo. Gabadha wanaagsan waxaa socodkeeda sifeeyey nin abwaan ah oo Soomaaliyeed, isaga oo yidhi: "Culays kuma dhaqaaqdoo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way cidhibsataa." U malaynmaayo in sifada abwaanka mid ka fiican la keeni karo, laakiin albaabku waa furan yahay. Sifooyinka kale ee socodka gabdhaha wanaagsan lagu ammaani karo waxaa ka mid ah laafyaha, dhufsiino u socodka, iyo ilaalinta meesha ay cagta dhigayso. Socodka gabadhu waa in aannu noqon mid walamwalam ah oo isla wareeg ah oo aannay sal muggii u fadhiisan karin. Gabadha waa in uu socodka wareega ahi ku yar yahay. 
Hadalka qudhiisu waxa uu ka mid yahay meelaha qofka wanaagiisa laga sifeeyo. Markii Luqmaan la hadlayey wiilkiisu waxa uu ku yidhi: Wiilkaygiiyow codkaaga hoos u dhig waayo codadka la kahdo waxaa ka mid ah in qofku u qayliya sida dameeraha oo kale. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa labo aamuskay ku fiican yihiin: Gabadhaha iyo ergada. Hadal yaridu waa astaanta xishoodka, dhaqanka wanaagsan, akhlaaqda, iyo Allaah ka cabsiga. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa "Qof aamusan murti ma sedo." Sidaas awgeed waxaa gabadha wanaagsan lagu yaqaan hadal yari, hannaan u socod, hawlkarnimo, iyo hagrasho la'aan. Gabadha wanaagsan waa in ay hadal yar tahay, cod macaan tahay, qosol yar tahay, afgaaban oo edeb badan, isla markaana waa in aannay ka hadlin wax aan dani ugu jirin. 
Ragga iyo dumarku way ku kaladuwan yihiin sifooyinka la isku doorto xilliga guurka. Nebigeenu (scw) waxa uu yidhi: Haweenayda waxaa lagu guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda. Arrintaas waxaa laga fahmayaa in maalka iyo quruxdu yihiin boqolkiiba konton 50%. Qiimaynta ninka guurdoonka ahi way ka duwan tahay tan haweenka. Diinta Islaamku waxa ay ninka guurdoonka ah ku xidhay laba shuruudood oo kala ah in ninku leeyahay diin iyo dabeecad. Nebigeenu waxa uu yidhi: Haddii uu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale waxaa dhulka ka dhacaysa macsi iyo dhibaato. Xadiisku ma soo hadal qaadin in qurux iyo maal ninka looga baahan yahay. Ninka waxaa qurux ugu filan ragganimadiisa kol haddii uu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli badan, oo karti leeyahay wax qurux ah oo dumar ku raaco u ma hadhsana. 
Arrinta doorashada lammaanaha waxaa ugu horreysa diinta iyo dabeecadda labada qof in qiimayn rasmi ah lagu sameeyo. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la tixgeliyo da'da iyo kufka ama ayniga labada qof. Nebigeena (scw) waxaa Faadumo Bintu Rasuul weydiistey Abuu Bakar. Isla muddo yar ka bacdi waxaa weydiistey Cumar. Labadoodaba waxa uu nebigu (scw) u sheegay in gabadhu da'yar tahay. Laakiin kolkii Cali soo doonay durbadiiba waa uu siiyey. Culimadu waxa ay arrintaas ku fasireen in Rasuulku (scw) doonayey in uu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da' dhow yihiin. Xilligaas waxa ay Faadumo jirtey shan iyo toban sanno, iyo shan bilood. Sidoo kale waxa uu Cali jirey kow iyo labaatan sanno, iyo afar bilood. Arrinta guurka ee Nebigeena (scw) iyo Caa'isha lagu ma dherersan karo waayo waxa uu Nebigeenu (scw) ahaa qof khaas ah oo ay arrimihiisa barako iyo dhawris Allaah (sw) wehelisey. Sidoo kale waxa uu Nebigeenu la ragganimo ahaa 40 nin oo Asxaabtiisii ah, laakiin waa curfi jira in gabadhu guursato nin aad ugu weyn; sababtuna waxa ay noqon kartaa labo arrimood oo kala ah in gabadha nolol xumo hayso oo ay is leedahay aad dhibaatada kaga baxdi, iyo in ay xikmad kale uga dan leedahay, sida hooyadii gabadheeda la dardaarantay ee ku tidhi: markaad guur damacdo ama rag ku shukaansadaan waxa aad iska ilaaliso noocyada ragga ee kala ah: geediga ka gaabshe, gebi hadheeye, iyo gadaal ka guuxe. Geedi ka gaabshe waa nin gaboobey oo reerkii gaadhiwaayey, gebi hadheeye waa nin aan indhaha si fiican waxba uga arkayn oo himbiriirsanaya, gadaal ka guuxena waa nin weyn oo haybta dadka aad u kala yaqaan oo markuu wax ku weydiiyo meel dambe ka reemaya si uu kuu soo saaro. Gabadhii oo dardaarankaas qabta baa waxa ay la kulantay oday malaaq ah oo geedigii gaadhiwaayey. Odaygii waxa uu gabadhii weydiiyey: Goorma ayey reeruhu halkan mareen. Gabadhii waxa ay odaygii ku tidhi mar hore ayey gudbeen, laakiin waad gaadhaysaa haddii aad labo laabato, isla markaa labo hore u dhigto. Isha iyo adinka hore u dhig, isla markaana tusbaxa iyo tafta laab. Odaygii boqol jirka ahaa waxa uu la yaabay gabadha xikmadeeda, isla markaana waa uu jeclaaday gabadhii. Odaygii waxa uu gabadhii ku yidhi heedhe tumaad ahayd. Gabadhii waxa ay ku tidhi waxaan ahay ina hebel, intuu gadaal ka guuxey oo u abtiriyey buu gartay. Kolkuu reerihii u tegey buu ku yidhi gabadh baan soo arkooday ee ha la ii guuriyo. Gabadhii baa loo tagey oo lagu yidhi odayga ma guursanaysaa? Gabadhii waxa ay tidhi haa haddii uu shuruud ila gelayo isaga keligii. Odaygii boqol jirka ahaa iyo gabadhii shuruudii waa ay ku heshiiyeen oo sidaas bay isku guursadeen.
Waxaa la weriyey in gabadhii la weydiiyey maxaad odayga ku heshiiseen. Gabadhii waxay tidhi odayga waxaanu ku heshiiney in aanu wax ii soo doonan ilaa aan u sheego in aan diyaar ahay intay doontaba ha qaadatee. Gabadhii waxa ay odaygii ku bilowday in ay baanato oo cuntooyin nafaqo leh siiso. Mar kasta oo odaygu kortago waxa ay soo eegi jirtey meesha uu ku kaajo. Goortii ay ogaatey in kaadidiisu xumbaysay oo dhulka jebinayso kolkuu ku taleejiyo bay isu ogolaatay. Sidaas bay gabadhii ku uuraysatay oo wiil ku dhashay. Waxaa la weriyaa in gabadha ujeedadeedu ahayd in ay odayga hal wiil oo beesha u taliya kala hadho, isla markaana xoolihiisa wax ka dhaxasho. Ujeedadaas iyo kuwo kale oo la mid ah way dhici kartaa in ay gabadhu oday u guursato. Sidoo kale xaaladaha adag ee rag la'aanta iyo guur la'aanta ah, waxa ay gabdhaha ku khasbi karaan in ay guursadaan rag ka waaweyn si ay ugu nabadgalaan dhillaysi, guur la'aan, mustaqbal xumo,  iyo in ay guumaysoobaan. Sidoo kale in gabdhuhu guursadaan nin ka weyn ama oday waxaa u sabab noqon kara iyaga oo ka koriimo horreeya wiilasha ay isku ayniga yihiin. Gabdhuhu u ma haystaan rag wiilasha ay isku jiilka yihiin ama qof iyada masuul ka noqon kara.
Xog dhaqameedka gabowdey waxa ay sheegaysaa war iyo wacaal badan oo sheegaya qaabka doorashada lammaanaha. Beri baa la sheegay in gabadhi ay weydiisay gabadh kale maxaad nin ku dooran lahayd? Gabadhii su'aasha la weydiiyey waxa ay tidhi: nin ragga waxaan ku dooran lahaa in uu yahay gadh caddaale, guuyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, gadhoodh ma daadshe, gaawe carafle, gaadhi farasle, gaadhka haye, deris gargaare, iwm. Gabadhii su'aasha ka jawaabtey waxa ay weydiintii ku celisey gabadhii markii hore wax weydiisey oo ku tidhi adigu maxaad ku dooran lahayd? Markaas waxa ay ku jawaabtey: nin ragga waxa aan ku dooran lahaa in uu yahay gadh madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulkule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaara jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam'i waaye imw. Faallada gabdhuhu waxa ay tusinaysaa in doorashada gabdhuhu kaladuwan tahay, waayo gabadha hore waxa ay dooratay nin ka weyn oo gefkeeda u dulqaadanaya, isla markaana guuyo badan leh. Gabadha dambena waxa ay dooratay nin dhallinyaro ah oo gilgila.
Sida ninku u jecel yahay in uu guursado gabadh da'yar, qurux badan, caqli badan, dhawrsan, isla markaana jecel bay gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da'yar ama aan wax badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli badan, ragannimo badan, dhawrsan, deeqsi ah oo iyada uun ku kooban. Laakiin waxaa hubaal ah in ragga iyo gabdhuhu ku kaladuwan yihiin xagga doorashada lammaanaha; weliba waxaa jirta in gabdhaha laftigoodu ku kaladuwan yihiin. 
Xog dhaqameedku waxa ay werinaysaa in nin gaaban oo fool xun qabay gabadh qurux badan. Maalin buu u soo galay iyada oo si fiican isu qurxisay, markaas buu isha la raacay oo ku dhaygagay oo awoodiwaayey in uu ka jeesto. Markay aragtay sida uu u eegayo bay tidhi: Maxaa kugu dhacay? Markaas buu ku yidhi quruxdaadaan la ashqaraaray. Markaas bay ku tidhi: Bishaarayso in aan aniga iyo adiguba Janno geleyno. Markaas buu weydiiyey: warkaas xagee baad ka ogaatay? Gabadhii waxa ay tidhi aniga oo kale baa lagu siiyey markaas baad shukriday, aniguna waxaan ku sabray in aan kula noolaado. Sidaas awgeed qofka shukriya iyo kan sabra waa ehlu janno bay hadalkii ku soo afjartay. 
Xog dhaqameedku waxa ay kale oo werinaysaa in nin faras fuushan ay ka hor timid gabadh aad u qurux badan. Markaas buu ku yidhi: Ninka ku qaba Eebbe ha kuu barakeeyo isu kay sheeg. Markaas bay ku tidhi: maad iska kay dhaaftid wax aadan jeclayn baa igu yaalle. Markaas buu ku yidhi: maxaa kugu yaal? Gabadhii waxa ay ku tidhi: madaxa ayaan cirro ku ku leeyahay. Intaas markii uu maqlay buu iska dhaqaaqay. Gabadhii way joojisey iyada oo timaheedii hagoogta ka qaaday. Mise waa timo madow oo wax lagu metalo aan la arag. Markaas bay ku tidhi wallaahi in aanan weli labaatan jir gaadhin hase yeeshee waxaa madaxaaga iiga muuqatay cirro, sidaas awgeed waxaan rabey in aan ku tusiyo in aan aniguba nacayo waxaad igu nacayso. 
Doorashada lammaanaha waxaa kale oo lama huraan ah in ay labada qof dhexdooda ka jirto jacayl iyo is rabid. Laakiin looma baahna in arrimaha jacaylka la buunbuuniyo oo asaas khayaali ah lagu dhiso. Jacaylku waa in uu ahaado waddaxaadhe loo maro ujeeddo weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Jacaylka asaaskiisu yahay khayaali waxa uu qofka ka indhosaabaa in uu qofka kale si xaqiiq ah u barto. Liibaane iska hubi qofka aad la noolaanayso, ma aha mid sahlan barashada qofku. Qofka waxaa lagu baran karaa adiga oo jid la mara, jabad la dega, ama jidiin idin dhexmaro. Iska hubi in gabadha aad guursanayso tahay gashaanti diin leh, dabeecad leh, naagnimadeedu ku qancisay, garaynaysa basar guri oo reerkeeda agaasiman karta, isla markaana garanaysa rag waxa u roon, iyo waxa ka reebban. Sidoo kale waa in gabadhu iska hubisaa cidda ay nolosha la qaybsanayso. Waqtiyadan dambe waxa ay in badan oo is guursanaysa isku doortaan muuqaalka dusha sida: midabka jidhka, timaha, socodka, iwm. Dhallinyarada is guursanaysa ma eegaan sifooyinka diinta, dabeecada, iwm ee nolosha qoyska u horseedi kara farxad, rayrayn, raaxo, jiritaan waara, iyo murugo la'aan. Haddii doorashada lammaanaha lagu saleeyo muuqaalka iyo quruxda, waxa aad ogaataa in quruxdu duusho oo ay tahay wax waqti iyo dhallinyaranimo ku xidhan tahay. Marka aad gabadha ku doorato quruxdeeda oo keliya ee bilicdu ka duusho marka ay labo dhal noqoto soo nici maysid. Sidoo kale haddii ay gabadhu ninka ku raacdo quruxda iyo haybada oo keliya, laakiin hadhow markaad labo dhal noqoto oo uu masruuf kuu keeniwaayo oo noloshu kugu adkaato sow is ciilkaabiyimaysid. Doorashada muuqaalka iyo quruxdu waxa ay kuu qiimaysaa qofka dushiisa kore, laakiin waxba kaagama sheegto gudihiisa iyo dabeecadiisa hoose. Qofka waa in aad qiimaysaa dusha iyo gudahaba. Tusaale ahaan waxaa la sheegay in gabadhi ku fekeri jirtey in ay hesho wiil dheer oo jidhkiisu dhisan yahay, qurux badan, hodan ah oo xoolo badan leh, iwm. Gabadhii waxa ay heshay wiilkii ay ku riyoon jirtey oo ay rajaynaysey in uu noqondoono wehelkeeda adduunyada, isaga qudhiisu waxa uu ku doortay sifooyinkii ay ku dooratay kuwo la mid ah. Kolkii ay aqalgaleen oo ay ayaamihii hore kala bogteen sifooyinkiisii dusha kore ee ay ubaahnaayeen in ay helaan, laakiin gabadhii waxa ay ninkeedii ka weydey sifooyinkiisii hoose iyo dadnimadiisii gudaha ee ay filaysey in uu leeyahay. Markaas waxaa bilaabtay in ay dareento dhibaatooyin aanay hore ugu xisaabtamin, iyo in aysan ku qanacsanayn lammaanaheeda. Haddaba kolkaad dooranayso qofka kula wadaagaya nolosha, waa in aad ka eegto oo qiimayso gudihiisa iyo dushiisa labadaba si aannu kuugu noqon afku malable, uur ku miinshaarle. 
Inta aannu jacayl ku beerqaadin, waxaa loo baahan yahay in aad ogaato ruuxa aad laabtada iyo qalbigaaga u furayso. Aad uga feker qofka noqondoono lammaanahaaga, waayo waa qofaad wada gelaysaan socdaal nololeed oo la rabo in uu waaro ilaa ay geeri idin kala geyso. Maskaxda waxa aad ku haysaa in doorashadaadu tahay mid sababi karta imtixaan dheer oo noloshaadu gasho ama barwaaqo iyo badhaadhe. Sidaas awgeed waxaa lagaa rabaa in aad maankaaga, maskaxdaada, xeeshaada, iyo xirribtaada aad isugu geyso doorashada lammaanaha. Markaad dhallinyar tahay waxaa kugu waajib ah in aad dadka waaweyn taladooda dhegaysato waayo iyagaa dadka kaaga aqoon roon. 
Sidoo kale qofka aad dooranayso waxa aad iska hubisaa in uu saddex summadood midkood leeyahay ama kuligoodba. 
Lammaanahaaga waxa aad ka hubisaa in reerkooda ama qoyskooda lagu aqoon jirey xanuunka waalida, waayo waa xanuun la iska dhaxlo oo hiddaysi ah. 
Sidoo kale waxa aad lammaanahaaga ka hubisaa in reerkooda ama qoyskooda lagu aqoon jirey xanuunada kale ee la iska dhaxlo sida: qaaxada, waalida, jabtida, judaanka, Aafada Idlaysay Dadka Sinaysta (AIDS), iwm. 
Marka saddexaad waxa aad lammaanahaaga ka hubisaa in reerkooda ama qoyskooda lagu aqoon jirey dhillaysiga ama yihiin qoys macsi badan. 
Saddexdaas summadood qofkii laga helo lammaane nolosha kula qaybsada laga ma dhigto rag iyo dumar midkii uu doonaba ha noqdee. Liibaane yaanay ku dagin muuqaalka guud ee qofku leeyahay. 
Dhaqankii hore ee Soomaalidu waxa uu tilmaamayaa in aan la guursan noocyada gabdhaha ee soo socda: 
Fool kore madow
Fanax hoosaley
Faradaanyaleey
Shan u yar
Ayeeyo korisey iyo 
Naag dhega-adayg lagu xanto. 
Fool kore madow waa naagta foosha xun, fanax hoosaleey waa naagta dhillada ah ee cid kastaa iska fadhato oo xaga hoose ka furan, faradaanyaley waa naagta ay ku wareegsan yihiin dad badan oo xun ama ka dhalatay qoys dad xun, shan u yar waa gabadha la dhalatay afar gabdhood oo ka waaweyn oo hawsha guriga kaga gudbanaa, sidaas awgeed waxaa lagu dhaliilayaa in aanay basar guri waxba ka aqoon. Naagta wax maqalka daran ee dhegaha adag waxa ay Soomaalidu weriyaan sheeko ku saabsan afar naagood oo la furay in ay heermeen iyaga oo niman raadinaya. Goortay dhul fog tageen bay la kulmeen nin guurdoon ah oo xoolo badan haysta. Markaas buu ku yidhi bal warama xagee ka timaadeen? Xageese u socotaan? Naagihii waxa ay ninkii ku yidhaahdeen waxa aannu nahay naago la soo furay. Sidaas awgeed waxa aannu ka nimo reerihii na soo furay. Isla markaana waxa aannu u soconey in aannu helno cid na guursata iyo fursado baanu baadhayney. Ninkii waxa uu ku yidhi aniguba guurdoon baan ahay ii sheega waxyaalihii la idinku soo furay. Naagtii 1aad waxa ay tidhi aniga hunguri xumo ayaa la igu soo furay. Naagtii 2aadna waxa ay tidhi aniga gogoldhaaf ayaa la igu soo furay. Naagtii 3aad waxa ay tidhi aniga xoolahunno ayaa la igu soo furay. Naagtii 4aad waxa ay tidhi aniga dhega-adayg iyo taladiid ayaa la igu soo furay. Ninkii waxa uu go’aan ku gaadhey in uu guursado naagtii gogoldhaafka taqaaney, naagtii xoolahunnada ahayd, iyo naagtii hunguriga badnayd. Naagtii hunguriga badnayd waxa uu ku yidhi xoolahaas cun oo ka dhereg, isla markaana dhaqo oo wax ka dhigo. Naagtii gogoldhaafka taqaaneyna waxa uu ku yidhi iga qabso reerkaas dhan ee dhigaysan oo hawshaada ka adkow. Sidaasna waxa uu u yeelay in uu hawl adduun ku mashquuliyo oo arrimaha gogoldhaafka waqti u weydo. Naagtii xoolahunnada ahayd waxa uu ku yidhi riyahaas iyo idahaas adaan ku siiyey ee xannaanayso, haddaad dhaqaalaysanweydo xoolo dambe ku siinmaayo oo gaajo ayaad u dhiman doontaa ee ogow. Haweenaydii dhegaha adkayd waxa uu ku yidhi adiga meel kuuma hayo ee iska tag, waayo naag dhega-adag cidi ma maamuli karto. Naagtii hunguriga badnayd makii ay dheregtey way iska daysey hunguri xumadii, naagtii gogoldhaafida taqaaneyna wakhti bay weydey ay rag kula kulanto. Naagtii xoolahunnada ahaydna lexojeclo ayaa ku dhalatay oo xoolihii la siiyey bay si fiican u xannaaanaysatay. Halkaas waxa aynu ka fahmaynaa in naagaha waxyaalo badan loogu dulqaadan karo, laakiin dhega-adayg waa iskaga fogow waayo dhega-adayg waa reer iyo bulsho burburiye.
Oday dhaqanka haweenka aad u yaqaan baa wiilkiisii ku yidhi aabbow marka aad guur maagto ila tasho naagaha hadda jooga ayaan talo kaa siinayaaye.  Maalin dambe baa wiilkii u yimid adoogiis oo ku yidhi aabbow in aan guursado baan doonayaa. Odaygii waxa uu willkiisii ku yidhi maandho haweenka hadda jooga waa dhowr nooc oo kala ah:
Ildheer: Waa gabadha indhaheedu la socdaa ama la raacda dhaldhalaalka iyo dheeha adduunka ee ku maqan wixii cusub ee soo baxa sida dharka, saabaanka guriga la dhigto iyo wax kasta oo lagu xaragoodo ee suuqa ku soo kordha ama ay ku aragto gabdho kale. Isla markaana waxa ay ninkeeda ku bilowda haddaadan ii soo iibin walaxdaas ima jeclid ee i fur oo warqadayda i sii. Haweenayda noocaas ah ma tixgeliso xaalada dhaqaalaha ee reerka iyo sida ay arrimuhu mudnaanta u kala leeyihiin. 
Dhegdheer: Waa gabadha dhegteedu la socoto xanta ninkeeda iyo socodkiisa. Gabadha noocaas ah waxa ay reerkeeda ku burburisaa waxa ay soo maqashay oo keliya iyada oo aan hubsan warka dhabnimadiisa. Ninkeeda waxa ay ku tidhaahdaa waan maqlay in aad heblaayo la socoto, waan ogahay in aad heblaayo xidhiidh la leedahay, waan la socdaa meelaha aad beryahan ku wareegaalaysato. Gabdhaha noocaas ah waa kuwo aan waxba hubsan oo dhegta u raariciya kutirakukeenka. 
Carrabdheer: Waa haweenta qaylada badan ee aannu ka nabadgelayn ninkeedu, carruurteedu, deriskeedu, cirroolaha, caydiga, iwm. Haweenayda noocaas ah waxa ay ninkeeda ku gaaddaa gogosha iyo xilliyada nasashada oo waxa ay ku furtaa dood, dacwo, iyo jamasho aan dhammaaneyn. Gabadha noocaas ah waxa ay dhaadhi ku tahay cayda, aflagaadada, xanta, si xun wax u sheega, diradiraha, qaylada, iyo kicinta dhibaatooyinka. Carrabdheertu waxa ay reerka badaa qaxar iyo qoon joogto ah.
Gacandheer: Waa gabadha dagaalka badan ee had iyo goor u taagan dareen dagaal. Astaamaha lagu yaqaan gabdhaha noocaas ah waxaa ka mid ah in mar kasta maradu dhexda uga xidhan tahay, isla markaana garruun ama hub kale wadato oo gaadmo badan tahay. Gacandheertu waxa ay caan ku tahay hurinta dagaalka, duufsashada gabdhaha kale, isla markaana waxaa wejigeeda ku xardhan dakharo, xagtimo, iyo nabaro dad ay dhibtay gaadhsiiyeen. Gacandheerta waxaa aad looga yaqaan xafiisyada booliiska iyo maxkamadaha.
Lugdheer: Waa gabadha suuraafta ah ee warwareega badan taas oo ay dhif tahay in aqalkeeda laga helo. Marka ninkeedu yimaado waxa uu la kulmaa qafil weyn oo maar ah. Caruurteedu waxa ay odayga u sheegaan in hooyo ku maqan tahay aroos, meher, qaraabo salaam, tacsi maalintii 14aad loo fadhiyo, iwm. 
Joogdheer: Waa gabadha quruxda badan ee ragga sida birlabta u soo jiita ee is lulida iyo laafyaha badan. Gabdhaha noocaas ah waxa ay inta badan waqtigooda ku lumiyaan i arkaay, isla markaana waxa ay inta badan ku mashquulsan yihiin wareega wadooyinka si loo arko. Joogdheer waa gabadh dhammaystiran xagga quruxda iyo muuqaalka, laakiin waqti badan ma geliso arrimaha gurigeeda, carruurteeda, ninkeeda, nadaafada, iyo fayodhawrka guriga. Gabdhaha noocaas ah markaad guryahooda tagto waxa aad ku arkaysaa cuntadii ay karinaysey tuunjigii ilmuhu ku xaaray oo is ag yaal. Inta badan waxa aad gabdhaha noocaas kala kulmaysaa dhiiqo, dhiriq, iyo dhusuq is dhexyaal oo waxa ay u badan yihiin areebooyin. Xog dhaqameedka iyo warka Soomaalidu hayso waxa ay sheegayaan in baalinimadu ku badan tahay gabdhaha quruxda badan.
Garaaddheer: Waa gabadha maanku buuxo ee wax garadka ah. Gabadha marwada ah ee haween laga togto. Garaaddheer waa tan ugu qiimaha badan haweenka, laakiin waxaa laga yaabaa in aannay muuqaal ahaan qurux badnayn amaba ay fool xun tahay. Gabadhu marka ay garaaddheer tahay waxa ay leedahay qurux dahsoon oo ay ku dheehan tahay caqli badan, cuddoon, edeb, sarriigasho, xishood, dulqaad, qadarin, iyo iyada oo si fiican u taqaan qof kasta waxa uu ka mudan yahay. Gurigeeda markaad soo gasho waa uu udgoon badan yahay, waa uu wada goglan yahay, waa uu nadaafad badan yahay, carruurteedu way qurux badan yihiin, arrimaheedoo dhan way u agaasiman yihiin. Ninkeedu markuu suuqa u soo baxo ragga waa laga dhex gartaa waayo ninka naag fiican weligaa ma gaadhid.
Soomaalidu waxa ay dhanka quruxda yidhaahdaan, gabadhu waa in ay leedahay 28 sifo oo qurux ah. Gabadhu waa in ay:  
afar u dheer tahay: labada gacmood, timaha, iyo qoorta. 
labo u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda. 
afar u dhumuc leedahay: labada kub iyo labada cududdood.  
afar u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab. 
afar u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada suuniyood. 
afar deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada Naas caaradooda. 
labo u shuban tahay: labada dhaban. 
hal u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.  
hal u qoran tahay: waa sanka. 
leedahay labo sifo oo dheguhu ku raaxaystaan: qosolka iyo codka.
Nin dhaqanyaqaan ah oo la odhan jirey Jaamac Nuur Axmed baa la weydiiyey Jaamacow qurux gabdhood ka waran? Jaamac waxa uu yidhi murtida soo socota: Qurux gabdhood haddii aad i weydiiseen waa saddex ha u caddaato: Midibka, indhaha, iyo ilkaha! Saddexna ha u madoobaato: Timaha, indhaha wiilkooda, iyo cirridka! Saddexna ha u yaryaraato: dhexda, naasaha, iyo cidhbaha! Saddexna ha u dheeraato: lafta, sanka, iyo timaha! Quruxdaas xagee bay ka soo gelayaan dumarka gaagaaban ee hadda jooga oo dhammaantood garabka iyo guudku wada joogo.
Sida la wada ogsoon yahay waxa ay aadamuhu leeyihiin dabeecado kaladuwan oo ay ka kasbadeen deegaanka ay ku nool yihiin iyo dhalashada abkooda ama hiddahooda. Kolka la leeyahay jaadadka ragga ma jirto tilmaan sugan oo fadhida oo laga bixin karo, laakiin waxaa lagu siin karaa tilmaamo badan oo dad kaladuwan ururiyeen. Ninku waxa uu yeelan karaa dhowr tilmaamood oo ragga lagu sheegay. Sidaas awgeed ha u qaadan in waxa laguu sheegayaa yihiin wax saldhigay oo fadhiya. 
Sidaas awgeed waxaa ragga loo kala qaybiyaa ilaa dhowr jaad oo kaladuwan. Innaga oo aan ku talaxtagey kala qaybinta ragga waxa aan halkan si gaar ah ugu xusaynaa jaadadka ragga. Qormada waxa ay ujeeddadeedu tahay in gabdhaha laga caawiyo in ay fahmaan noocyada ragga si aanay go'aan khaldan ugu dhicin. Raggu jaadkuu doonaba ha ahaadee dhallinyaro iyo ciroolaba waxa ay dadka aragtidoodu u kala qaybisay dhowr jaad oo kala ah:
Matoshe: waa ma shaqayste aan hawl ogolayn. Matosha waa ma horreeye, waa aqoon ma barte, waa xirfad ma barte, waa ma hagaaje, iwm. Matoshuhu waa qofka meel iska cuskuga.
Matashade: waa qof aan qorshe lahayn, qof aan beyni haysan, waa qof aan ujeeddo dheer lahayn, waa qof aragti gaaban, waa aqoon yare, waa qof qaab nololeedku ka lunsan yahay, waa talo ma keene, iwm.
Matashiishe: waa ma kaydsade, waa wax dhigte, waa qorshe maalinle, waa ma horumariye, waa baatule, waa calooshiisa la ciyaare, iwm.
Tusmayste: waa talo ma raace, waa tusmayste, waa tiisu la toosnaate, waa tu kale ma sholdho'ayste, waa cid lama tashade, waa talo ma qaate, iwm.  
Tibeeye: waa nin gacanta ka hadla oo aan aqoonin sida afka looga bogto oo loo sheegto waxa aad damacsan tahay, usha iyo budhka ayaa ka soo horreeya. Tibeeye waa budh la yuurur naagaha garaaca oo hangoolku u diyaarsan yahay. 
Godadle: waa ninka naago guursiga badan ee taranraadshaha ah. Waa furriin badane, waa shabeel naagood, waa nin naaguhu jecel yihiin, waa afmaal haweenka ka adag oo wado raacsiiya oo naag uu u kuududsaday kaskeeda waa uu bedelaa. Godadluhu waxa uu daneeyaa carruurta dhalmadooda, laakiin dhaqashadooda ma daneeyo. Godadluhu waxa uu jecel yahay in uu tii kacdaba halabsado oo wax ka dhalo. Godadlaha waxa uu xiisihiisu ku dhammaadaa in yar.
Tarantareeye: waa ninka had iyo goor naago ag jooga badan ee hinaasiga ah ee intaas baadha cid naagtiisa ama gabdhihiisa la soo xidhiidhay. Tarantareeyuhu waa uu shaki badan yahay oo had iyo jeer dhegtiisu dareen bay qabtaa.
Qorqode: waa ninka cuntada ku xun ee dumarka ku dila cunto na sii isla kolkaasna xaaduqa ah ee cid kasta wax kaga dhabcaala ama u diida. Qorqode dheriga agtiisa laga ma waayo.
Xillo Xoog Moode: waa ninka naagta uu uureeyey xoog moode ee hawsha ku dayaca. Ninka aan naagtiisa u tudhin.
Taakuleeye: waa ninka bulshadiisa, reerkiisa, iyo gaar ahaan xaaskiisa taageera ee aan hawsha ku dayacin. Taakuleeye waa ninka hawl ogaadka ah. Waa ninka reerkiisa u naag ah, tolkiisna u nacas ah, isla kolkaasna shisheeyaha u nacab ah.
Xoog ku Nin: waa ninka reerkiisa iyo ehelkiisa kula nool xoog xoog ee qaab nololeedku ka khaldan yahay. Xoog ku ninku waxa uu dhibta ugu badan u geystaa xaaskiisa iyo carruurtiisa.
Qabiil ku Nin: waa ninka qabiilkiisa ku faana ee aan isagu lahayn karti u gaar ah, had iyo jeerna ka hadla qabiilka. Ninkaasi waxa uu ninnimadiisa ka raadiyaa ku faanista qabiilkiisa. Inta badanna waxa la isku maandhaafaa sheekada qabiil oo uu qabiilkiisana ammaano kuwa kalena uu hoos u dhigo.
Mansab ku Nin: Waa ninka nasiib u helay in uu Allaah mansab gaadhsiiyo, haseyeeshee ku gaboodfalay, kuna dhaqmay eex, iyo caddaalad darro. Ninkaasi mustaqalkiisu waxa uu ku dambeeyaa gooni iyo cidla. Ubadkiisuna waxa ay bulshada kala kulmaan sharaf la'aan iyo karaamo la'aan. Markaasay dadku ku yidhaahdaan waxa ku dhacday cuquubadii uu aabbahood dadka ka galay.
Qoodho ku nin: waa ninka xubinta taranka aan u meel dayin ee shabeel naagoodka ah. Waa ninka guurka iyo galmada badan ee bulshada uu la nool yahay ku caanka ah. Qoodho kun nin iin ragganimo ma leh, isla kolkaasna waa nooc godadlaha ka mid ah. Qoodho ku ninku ubad iyo oori midna u ma roona. Kolba naagta uu la joogo ayaa uu isu macaaniyaa oo isaga dhigaa geesi halyey ah oo cirka iyo dhulka kala haya. 
Khiyaamo ku nin: waa ninka aynu u naqaan siyaasi xariif ah oo waranwaryo badan iyo kala dillaalka dadweynaha. Had iyo goor wuxuu ka ag dhow yahay cidda xukunka haysata. Dadku waxa ay u yaqaaniin beenaale, basaas, iyo wax la mid ah. Danta reerkiisana waxa uu ka door bidaa ta siyaasadda. Markaasay carruurta iyo xaaskuba ka hoos baxaan oo waraabe u gacan galaan.
Magac ku nin: waa ninka magac ku faanka ah ee mar kasta la soo booda miyaanad magacayga aqoon? Miyaanad i garanayn in aan ina hebel ahay? Waa qof ninnimadiisa ka raadiya magaca waalidkii ama ehelkiisa. Kibir iyo is qaad qaadka ayaana ku badan, waanu dareen badan yahay, had iyo goorna waxa uu tirsadaa gef in laga galay.
Arrin yaqaan: Waa ninka marka arrin la leeyahay loo yeedho ee talo laga raadsado. Ninkaasi waxa uu nin ku yahay marka ay arrini jirto. Waxaana uu yidhi waxa la ii baahdaa maalinta dhibi jirto.
Qalin ku nin: waa ninka waxbartay ee ka faa'iideystey aqoontii uu bartay, fariidnimo kale ma leh haddii aannu wax baran.
Qasnaji: waa ninka dadku u yaqaanaan bakhaylka ee wixiisa ilaashada, maalintay dhibaato dhacdana waa lagu cararaa wax hel iyo wax waaba. Maalintaasi ayaa ay xaaskiisuna u qirtaa taladii uu xoolaha ku ururin jirey.
Aqoonbaadhis lagu sameeyey gabdhaha iyo xogaysi lala yeeshay in ka badan  200 oo nin waxa ay badankoodu isku raaceen in midabka haweenka loogu jecel yahay kan maarriinka ah. Xog dhaqameedka gabowdey waxa aynu ka helaynaa in Soomaalidu odhan jirtey qofka midabka cas waa uu madax adag yahay, go'aan qaadasho dhow yahay, dhega-adag yahay, waalid caasinimo badan yahay, naxariis daran yahay, talo diidmo badan yahay, isla markaana hoggaaminta ma ogola. Qofka maarriinka ahi waa uu naxariis badan yahay, dheganugul yahay, wada tashi badan yahay, u tudhus badan yahay, wadashaqaynta ku fiican yahay, in la hoggaamiyo ogol, go'aan qaadashada u korta (suga) ilaa ay ka bislaanayso, iwm. Qofka madow waxa uu la mid yahay qofka maarriinka ah marka laga reebo xagga go'aan qaadashada oo uu aad ugu liito waayo qofka madow go'aan qaadashadu hore uga ma soo go'do. Guud ahaan gabdhuhu waa saddex midab midkood: careef, maarriin, iyo madow. Midab kasta wanaag iyo dhaliil buu leeyahay. Midabka careefku waa midab soo jiidasho badan oo il qabad leh, isla markaana waa dabinka koowaad ee qofka guurdoonka ahi ku dhaco. Gabdhaha iyo wiilasha careefka ah waxaa ku badan isha ku dhacaysa sidaas awgeed waxa ay qabaan xanuuno badan oo kaga imaanaya xagga isha aadamaha, sixirka, iyo jinka. Xanuunadaas oo gabadha u keeno dhibaatooyin badan oo ay ugu weyn tahay dhalmo la'aan iyo reerka oo u saldhigiwaaya. Beri baa waxaa meel tuulo ah ku noolaa gabadh qurux badan oo nin kasta fiirsado, maalintii dambe baa la yidhi hebla waa lala baxay! Nin ka mid ah raggii tuulada baa yidhi maxa uu la tagey il buu la tageye. Sidoo kale waxa ay xog aannu ururinay tusinaysaa in gabdhaha careefka ahi ugu fursad badan yihiin rag la kulan gabdhaha kale haddii ay tahay haasaawaha, xoodaaminta, guurka, dhillaysiga, iwm. Arrimahaas iyo kuwo kale waxa ay sababaan in gabdhaha careefka ahi ka xishood yar yihiin, ka dhiiran yihiin, ka hamad yar yihiin, ka dhiig qabow yihiin, ka rabis yar yihiin gabdhaha kale. Maadaama gabdhaha careefka ah ay yihiin kuwo aad loo raadinayo xagga fayadhawrka way ka liitaan gabdhaha kale. Dhanka dhaqanka waxa aynu helaynaa war iyo wacaal badan oo tilmaamaya in naagaha baalida ama basariga ahi u badan yihiin naagaha careefka ah. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa, saddex way ku hoddaa bakhayl sheeko macaan, bur meel xun ku yaal, iyo baali jaah wanaagsan. Bakhayl sheeko macaan waa uu ku hoddaa waayo sidii uu sheeko macaan kuugu wado buu hadhow cawadaranta ku odhanayaa nabadgelyo. Bur meel xun ku yaalna waa uu ku hoddaa oo marka neefku doono in uu soo goosto buu haadaanta ka sokaysa ku dhacaa. Baali jaah wanaagsan habeenkii baad ku tashanaysaa in aad furto laakiin markaad aroortii wejigeeda quruxda badan aragto baad odhanaysaa war naagtu qurux badanaa iska dayso.
Gabdhaha maarriinka ah iyo gabdhaha madow waa la isku ladhaa, in kasta oo gabdhaha maarriinka ah ka fursado badan yihiin gabdhaha madow. Haween dhaadhiyiinta (khubarada) ku talaxtegey xogta haweenka, waxa ay sheegayaan in gabdhaha maarriinka ahi yihiin doorashada koowaad ama xulka haweenka. Raggaasi waxa ay sheegayaan in gabadha maarriinka ahi ka maamul wacan tahay midabada kale. Waxyaalaha ay ku amaanaana waxaa ka mid ah dheganuglaan, jacayl waara, maamul wanaag guri, carruur nidaamsan, rabitaan sare, dhiig kulayl sare, gaarinimo, danaynta daryeelka ninkeeda, nadaafad sare, iyo gogoldhaaf la'aan. Gabadha maarriinka ahi waxa ay tartan kula jirtaa  gabadha careefka ah sidaas awgeed marka gabadha careefka ahi marba nin laacayso iyadu waxa ay isku daydaa in ay soo bandhigto bar kasta oo wanaag haween ah si raggu ugu soo joogsado. Sidaas darteed waxa ay kasbataa wanaag iyo ammaan badan. Gabadha madow waxa ay la mid tahay gabadha maarriinka ah, laakiin way ka fursado yar tahay oo waxa ay u qaadataa in aan ciddina danaynayn, sidaas awgeed waxaa ka dhaca gefaf iyo in ay u debecsanaato ragga gaabsi doonka ah oo waxa ay is dhigtaa meelo xun.
Kuma doodayno in gabdhaha careefka ahi wada xun yihiin, isla markaana kuma doodayo in gabdhaha maarriinka ah iyo kuwa madow ka fiican yihiin kuwa careefka ah, laakiin waxa aan ku doodayaa in arrimuhu u badan yihiin sida aan faalada kore ku sheegnay. La arkee gabadh careef ah oo aan naag ka fiicani jirin, isla markaana la arkee gabadh maarriin ah ama madow ah oo aan naag ka xuni jirin. Dadku boqolkiiba boqol meel isuma raacaan, laakiin waa sida arrimuhu u badan yihiin.
Cudurku markuu halis ama safmar yahay oo aannu cidna dhaafayn waxa ay Soomaalidu ugu yeedhaan "alhuumo." Waxyaalaha hadda soo baxay ee dhallinyaradu is mariyaan ee la isku caddeeyo, waxa aynu ku qeexi karnaa alhuumo. Dadka is mariya badankoodu ma dareensana dhibaatooyinkeeda, laakiin ninkii maahmaahay waxa uu yidhi, "Naasnaasi wallee mar dambaad garan." Dhibaatooyinkeeda waxaa ka mid ah: qofka is mariya waxaa ka dhinta difaaca maqaarka ama dubka sare ee jidhka, gabdhaha is mariya way dhicin badan tahay, qofka is mariya waxaa ka soo ontora sunuuf qadhmuun, qofka is mariya dabka iyo cunto karinta uma adkaysan karo, isla markaana waxa ay sababaan xanuuno badan oo halis ah. Warkaasi waa waxyaalaha dhabta ah ee laga ogaadey ama arkay dadka is mariya xaydh doofaarka. Anigu waxa aan soo jeedinayaa in gabdhaha is mariya xaydh doofaarka laga cararo oo aan la guursan waayo way soo ontorayaan. Meel Yurub ka mid ah baa waxaa ka dhacay arrin dhakhtaradii ka wareerisey. Arrintuna waxa ay ahayd in labo gabdhood oo Soomaaliyeed is dagaaleen. Labada gabdhood mid baa xaydh doofaarka marsan jirtey muddo toban sano ah, midna ma aannay marsan jirin. Gabadhii xaydh doofaarka marsan jirtey baa laga xangaruuftey wejiga sare ee sanka korkiisa. Dhakhtaradii dalkaas joogey oo dhan baa isugu yimid in ay nabarkaas daaweeyaan, laakiin way ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan. Gabadhaas waxaa dhibaatadaas intaa le'eg u soo jiidey xaydh doofaarkii ay marsan jirtey. 
Markii aan aqoonbaadhistan qorayney waxa aannu waraysanay nin Soomaali ah oo noo sheegay in uu arkay gabadh madow oo ka shaqaysa dukaan lagu gado dhammaan waxyaalaha la isku caddeeyo ee xaydh doofaarka. Gabadhii waxa aan ku idhi adigu haddii aad gadayso maxaa aad isu caddayn weydey. Gabadhii waxa ay iigu jawaabtey oo anigu ma jidhkayga iyo naftayda baan nacay. Bal hadalkaas miisaankiisa iyo qaayihiisa u fiirsada. Caafimaadkaaga, fayoobaantaada, iyo quruxdaada berri waxa ay ku xidhan tahay sida aad maanta noloshaada u daryeesho.
Weli innaga oo wadna qaabka doorashada lammaanaha, waxa ay sheekooyinka dhaqanku inoo sheegayaan in uu jirey nin dhallinyaro ah oo wax xoolo ah hal geel ah ka leh. Wiilkii waxa uu  la kulmay gabadh qurux badan oo ay ku heshiiyeen in ay is guursadaan. Sidaas awgeed waxa uu gabadhii yarad uga bixiyey hashii qudha ahayd ee uu xoolo ka lahaa. Nin saaxiibkiis ah baa warsaday sababta uu u bixiyey hashii qudha ahayd ee uu xoolo ka lahaa. Wiilkii waxa uu ku jawaabey nin arkay labo kor u jeeda (naasa haween) ka sabir afar hoos u Jeeda (naaso geel).
Waa baa waxaa jirey saddex barbaar oo hal gabadh soo wada doonay isku mar. Reerkii gabadha dhalay waxa ay barbaartii ku yidhaahdeen annaga way nagu adag tahay in aannu idin kala saarno, laakiin ninkii gabadha la siin lahaa iyadaa dooranaysa; sidaas darteed waxa aan idinka codsanaynaa in aad gabadha u tagtaan oo mid kasta oo idinka mid ah hal eray, weedh, ama odhaah qudha ku yidhaahdo gabadha. Saddexdii barbaar oo wada socda baa gabadhii u tagey, mid kastana waxa uu yidhi hal odhaah oo qudha:
Barbaarkii 1aad waxa uu yidhi, "Damal baa la hadhsadaa."
Barbaarkii 2aad waxa uu yidhi, "Tigaadiyaa laac leh (Tigaadiyadaa laacda)."
Barbaarkii 3aad waxa uu yidhi, "Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, warna meel dheer buu ku dhacaa."
Markii barbaar kasta weedhiisii ridey baa lagu yidhi halkaas fadhiista, aannu weydiino tafsiirka weedhihiina. Gabadhii waxa ay tidhi:
Barbaarka 1aad muruq iyo xoog buu sheegtay
Barbaarka 2aad xoolo iyo adduun buu sheegtay
Barbaarka 3aad magac iyo maamuus buu sheegtay
Gabadhii baa la weydiiyey barbaarkee baad dooranaysaa? Gabadhii waxa ay tidhi ninka magaca iyo maamuuska sheegtay baan doortay. Nimankii baa loo yeedhay oo loo sheegay tafsiirka gabadhu ka bixisay weedhahoodii, isla markaana waxaa gabadhii laga codsaday in ay hortooda ku doorato ninkay rabto. Halkaas bay gabadhii ku sheegtay ninkay rabto.
Wiil baa aabihiis ka warsaday saddex arrimood oo kala ah: Ugu horayn igama dhaqasho fiicnid oo xoolaha anaa kaaga xanaano badan, haddana adaa iga xoolo fiican ee maxa ay ku dhacday? Arrinta 2aad dadku taladaada way maqlaan, taladaydase cidi ma maqasho? Arrinta 3aad haweenkaygu ka qurux badan kuwaaga, haddana adigaa iga carruur qurux badan oo iga carruur fiican?
Tan hore adigu markaad arragto roob meel fog ka da'aya durbadiiba waad u guurtaa, adiga oo aan sahansan. Laakiin anigu waan sahamiyaa markaan ogaado in meeshu xoolaha uga roon tahay meesha ay hadda joogaan baan soo raraa anniga oo rogrogey talada iyo tigaada.
Tan 2aad adigu waxa aad taladaada bixisaa adiga oo aan cidi ku weydiisan, laakiin annigu waxaan talada bixiyaa marka loo baahan yahay ee la iigu yimaado, aniga oo dhinac kasta ka rogey yaan si quman u taliyaa.
Tan 3aad adigu haweenka waxa aad ku guursataa ama ku xulataa quruxda. Aniguse haweenka waxa aan ku xushaa garashada, qiimiga, iyo naagnimada.
Haddii aynu falanqayno gabadha guursata nin ka weyn iyo ninka guursada naag ka weyn, waxa aynu helaynaa xog badan oo tusinaysa in ay arrintaasi tahay wax caadiya marka la eego dhaqamo badan iyo diino badan oo adduunka ka jira. Sidoo kale waxa ay xogtu tusinaysaa in ay gabadha u fiican tahay guursiga nin ka weyn waayo waxa ay ka helaysaa waxyaalo badan oo aanay ninka dhallinyarada ah ka helayn sida: in uu arrimaheeda u dulqaato, jacaylka ninka weyn oo ka waarid badan kan ninka dhallinta yar, u roonaan xagga daryeelka nafteeda, u roonaan xagga daryeelka gurigeeda, nolol aan qaylo iyo qaxar lahayn, wax jamashadeeda oo uu u debecsan yahay, isla markaana xagga raganimada iyo ninimadu waa iska caadi haddii aannu yaraantiisii is boobin. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, "Naago nin dhali kara ayaa dhaqan kara." Haweenku waa feedh qaloocan oo la rabo in qalooca lagu haysto. Walax qaloocansan qof xirrib iyo waaya-aragnimo leh baa maamuli kara, sidaas awgeed ninka weyni waa uga debecsanaan badan yahay arrimaha maarayntooda. Sidoo kale waxa ay xogtu tusinaysaa in ninku guursado naag ka weyn ay yar tahay in kasta oo Nebigeenu (scw) jideeyey arrintaas oo uu guursadey Khadiija Bintu Khuweylad oo in badan ka weyneyd. Guud ahaan waxaa la isku raacsan yahay in aan qofna jeclayn in uu guursado qof ka weyn, laakiin duruufaha jira awgeed haddana waa wax caadi ah, in kasta oo gabdhuhu ka badsadaan ragga. 
Guurku waa fursad dahabiya oo noloshaada soo marta, sidaas awgeed marka qof guurdoon ahi kuu soo bandhigo fursad waa in aad si dhakhso ah oo cuddoon go'aan u gaadhaa. Qofka kuu soo bandhigay guurka waa in aad ku miisaantaa waxyaalihii aynu ka soo sheekaynay. Waxa aan aqoonbaadhis ku samaynay meelo ka mid ah geyiga Soomaalida annaga oo eegayney dhakhsaha go'aan qaadashada, siday gabdhuhu u kala waaqicisan yihiin, iyo sida ay fursadaha uga faa'iidaystaan marka qof guurdoon ahi qof kale u soo bandhigo fursad guur. Ugu horreyn waxa aannu xogaysi badan la yeelanay dhanka nimanka siyaalaha ay ugu faa'iidaystaan haddii gabadh u soo bandhigto guur xalaal ah. Nimanka badankoodu waxa ay noo sheegeen in badanaaba gabdhaha dibadda ka yimaada bandhigooda la aqbalo hadal iyo ka fiirsasho la'aan. Gabdhaha dalka joogaa waxaa bandhigooda la aqbalaa gabadhii lacag haysata ee iyadu is dhisaysa, iyo gabadhii qurux badan oo dhawrsoonaan badan lagu og yahay. Gabdhaha kuwaas ka soo hadhay bandhigooda ciddi sidaas uma tixgeliso. Dhammaan ragga aannu ka waraysanay ee meelahaas kaladuwan joogey waxa ay isku raacsanaayeen aragtidaas kore. Nimanka waxa aan weydiiyey meelahee baa bandhiga gabdhuhu ku badan yahay? Raggii aan waraysanay waxa ay noo sheegeen in bandhiga gabdhuhu aad ugu badan yahay magaalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Boosaaso, Muqdisho, iyo Burco. Nimankaasi waxa ay noo sheegeen in gabdhaha magaalooyinka waaweyn ka ilbaxsan yihiin, ka waaqicisan yihiin oo xaaladda waqtiga la socdaan, ka xog og yihiin oo xaalada ragga la socdaan, sidaas darteed way ku dhiiran yihiin in ay guur kuu soo bandhigaan. Gabdhaha ku nool meelaha magaalooyinka waaweyn ka durugsan way ku adag tahay in ay kuu soo bandhigaan guur, sidoo kale waxaaba ku adag in ay go'aan gaadhaan haddaad adigu guur u soo bandhigto. Gabdhaha ku nool magaalooyinka waaweyn waxa ay garawsan yihiin xaaladda rag yaraanta ee dagaaladu sababeen, dhibaatooyinka qaadku ku hayo raganimada ragga, shaqo la'aanta ragga haysata, iwm sidaas awgeed in badan kuma qaadato in ay ku siiyaan go'aan cuddoon. Xogta ay hayaan awgeed waxa ay u qaabaysan yihiin in ay si fudud u faaqidaan ama falanqeeyaan warka ka soo gaadhaya ninka guurdoonka ah. In badan oo ka mid ah gabdhaha ku nool meelaha degmooyinka yaryar iyo tuulooyinka, waxaa ka xumaada guurka waayo waaqiciyiin ma aha oo xog ay ku go'aan qaataan ma yaqaaniin, isla markaana waxaa marin habaabiya talooyinka gabdhaha iyo haweenka kale oo xasad ku jiro si aanay wanaag u gaadhin. Markuu gabadha soo doono nin wanaagsan, waxa ay badanaa gabdhaha saaxiibbadaheed ahi kula taliyaan in ay diido iyaga oo ka xasadaya wanaaga ninkaas. Dhan kale haddii nin xun soo doono way kula taliyaan si ay booraan ugaga talaabsadaan.
Gabdho badan oo aannu waraysanay waxaa nooga soo baxay xog la mid ah warkii nimanku sheegeen ee ahayd in gabdhaha ku nool magaalooyinka waaweyn garawsan yihiin xaalada rag yaraanta ee dagaaladu sababeen, dhibaatooyinka qaadku ku hayo raganimada ragga, shaqo la'aanta ragga haysata, iwm sidaas awgeed in badan kuma qaadato in ay ku siiyaan go'aan cuddoon. Xagga soo dhoweynta iyo sheekada la iska guro waxaa ku fiican gabdhaha ku nool magaalooyinka waaweyn. Gabdhuhu waxa ay u kala haasaawe iyo soodhoweyn fiicnaayeen sida ay magaalooyinkani u kala horreeyaan Burco ayaa kow ah, Hargeysa ayaa labo ah, Boosaaso ayaa saddex ah, iyo Muqdisho oo afar ah. Magaalooyinka kale waxaa gabdhaha jooga laga dareemayaa jaguugnimo iyo in aanay xaaladaha waaqiciga ah ee jira la socon. Gabdhahaasi waxa ay u baahan yihiin in hadda looga bilaabo "maqaleey warlaay ma laguu waramay waxa jira arlada."  
Duruufaha sii adkaanaya ee rag yarida, gabdhaha guurdoonka ah oo ragga ka badan, tartanka seyladda guurdoonka oo sii adagkaanaya, dhaqaalo xumada, dhillaysiga oo sii kordhaya, dhibaatooyinka daroogadu ku hayso ragga oo sii kordhaysa, iwm waxa ay keeni karaan in aan la is guursan. Weliba arrimaha sii xumaanaya waxa ay aad ugu daran yihiin dhanka haweenka waayo doorashadooda iyo fursadahoodu way sii adkaanaysaa. Laakiin ragga waxaa u furmaya albaabo badan oo kala doorasho ah. Sidaas awgeed gabdhuhu waa in ay ku baraarugsan yihiin xaaladda waaqiciga ah ee jirta, ha ogaadeen markay hal fursad oo ay nin kula sheekaystaan helaan in ninku helayo in ka badan 100 fursadood oo kale oo uu gabdho shukaansi kula jiro. Gabadha guur xalaal ah doonaysa waa in ay leedahay xirrib iyo tab ay markiiba ku garato ninka wanaagsan ee soo abbaaray, waa in ay leedahay go'aan qaadasho degdeg ah, waa in ay leedahay dad u daacad ah oo ay la tashato, waa in ay leedahay tabtii ay ku hanan lahayd ninkaas iyada oo soo bandhigaysa wanaageeda iyo dabinkii uu ku dhici lahaa, iwm. Gabdhuhu waxa ay u kala fursad badan doonaan sida ay arrimahaas ugu kala fiican yihiin. Ha noqon gabadh duruufi hayso oo go'aankeeda tuurta iyada oo aan miisaamin, ha noqon badwiyad ladan oo badownimadeedu xidhxidhay, ha noqon ilbaxnimo dhaaf adduunyada dhaldhalaalkeeda ku hafatay, laakiin ahow ilbaxad aqoon leh oo arrimaha si dheelitiran u miisaami karta. Cidda ugu horreysa ee aad la tashanaysaa ha noqoto waalidkaa iyo walaalahaa kuwa talo qabeenka ah.        
Gabdhaha waxa aannu kula talinaynaa in ay fursadaha guursashada ku beegaan xilliga da'doodu tahay 20 jir ilaa 25 jir. Sidaasna waxa aan u leeyahay annaga oo soo xiganayna murti Soomaaliyeed oo odhanaysa gabdhuhu waa saddex nooc oo kala ah: "Baxaye i arag, Bislaadaye i cun, iyo Bakhtiyaye i jiid." Soomaalidu waxa ay murtida "Baxaye i arag" uga jeedaan markay gabadhu 10 jir ilaa 18 jir tahay. Xilligaas waa markay gabdhuhu ugu caqliga xun yihiin oo miisaanka noloshu uma fadhiyo, waa markay ugu dhillaysiga badan yihiin waayo tabaha raggu ku dagayo uma babacdhigi karaan, isla markaana ma dareensana dhibaatooyinka dhillaysigu leeyahay. Xilliga ku xiga waxa ay Soomaalidu u taqaan "Bislaadaye i cun," waa xilliga gabadhu ku jirto 18 jir illaa 25 jir. Xilligaas waxa ay gabdhuhu u bisil yihiin guur, waa xilliga ugaxdooda ugu taran badan tahay, waa xilliga ay ugu dhalmo badan yihiin, waa xilliga ay ugu qab weyn yihiin, isla markaana waa xilliga inta badan taladu seegto. Xilliga ku xiga waxa ay Soomaalidu u taqaan, "Bakhtiyaye i jiid." Kani waa xilliga gabdhuhu yihiin 25 jir ilaa 30 jir. Haddii gabadhuhu xilligan soo gaadhaan nasiib iyo calaf bay leeyihiin, laakiin ragga guurdoonka ahi sidaas uma dhaadaan. Markay gabadhu halkaas soo gaadho iyada oo aan la guursan, waxa ay raggu sheegaan dhaliilo badan oo ay ka mid yihiin: in ay dhilanimo iyo hebednimo ku og yihiin, in ay basar xumo ku og yihiin, in ay baalinimo ku og yihiin, in ay dhega-adayg ku og yihiin, in ay caqli yaraan ku og yihiin, in ay tahay gabadh garaad badan oo rag oo dhan ka oo'ay, iwm. Koley haddii gabadhu xilligaas guur la'aan ku soo gaadhey dhaliil bay u sameeyaan xitaa haddii ay gabadh fiican tahay. Xilliga bakhtiyaye i jiid waa xilliga gabdhaha loogu yeedho in ay guumayso noqdeen. Xilliga hadda lagu jiro waxaa jira oo buuxa gabdho badan oo waayey ama ka quustay nin ay isu quudhaan oo ay guursadaan waayo xaaladdo badan oo ku taxaluqa ragga waa ay lunsan yihiin. 
Sidoo kale waxa uu cilmiga saynisku sheegayaa in xilliga ugaxda gabdhuhu ugu fiican tahay oo ugu ugubsan tahay ay tahay 15 jir ilaa 30 jir. Xilligaas haddii ay dhaafaan waxa ay xubintooda taranku ku jirtaa qirinqiir iyo gaabis. 
AQOONBAADHISTA GUURKA GABDHAHA
Gabadha Dheer: Ninkii dad yaqaanka ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu yidhi: Dherer iyo qurux waa ay wada socdaan. Gaabni iyo foolxumana waa ay wada socdaan. Qof dheer la ma odhan kara waa foolxun yahay. Aqoonbaadhis aannu ku samaynay gabdhaha waxa ay na tusinaysaa in gabadha dheer ka dhaqan fiican tahay gabadha gaaban. Kolkii aannu is barbardhignay gabdho badan waxaa noo soo baxay in gabdhaha dhaadheer ka xishood badan yihiin kuwa gaagaaban, ka rag xidhiidh yar yihiin kuwa gaagaaban, isla kolkaasna ka dhawrsoon yihiin kuwa gaagaaban. Gabdhaha dhaadheer ma badna xidhiidhka bulsho ee ay leeyihiin. Xagga daacadnimada waalidka way ku fiican yihiin oo badankoodu waa gabdho adoogood aad u jecel yahay. Gabdhaha dhaadheer waa ay ka guur iyo nin jecel yihiin kuwa gaagaaban. Gabdhaha dhaadheer waa ay ka dulqaad badan yihiin gabdhaha gaagaaban. Gabdhaha dhaadheer waa ay ka reer dhaqasho wacan yihiin kuwa gaagaaban. Gabdhaha dhaadheer waa ay ka rag soo jiidasho yar yihiin kuwa gaagaaban. Gabdhaha dhaadheer xagga garaadka waa celcelis, laakiin kuwa wax bartay ee dugsiyada sare ka baxay aad buu garaadkoodu u sarreeyaa. Gabdhaha dhaadheer waxaa laga helaa kuwo doqomo ah oo garaadkoodu hooseeyo. Gabdhaha dhaadheer way ka taran badan yihiin gabdhaha gaagaaban. Kolka gabdhaha dhaadheer foolanayaan way ka muruqyo adag yihiin oo ilmaha kolkiiba way soo tuuraan kolka la barbardhigo gabdhaha gaagaaban. Xagga galmada iyo raaxada waxaa aad ugu fiican gabdhaha dhaadheer ee dhuudhuuban. Xagga carruur korinta iyo ilmo jacaylka waxaa aad ugu fiican gabdhaha dhaadheer.
Gabadha gaaban: Ninkii dad yaqaanka ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu yidhi: Gaabni iyo fool xumana way wada socdaa. Dherer iyo qurux way wada socdaan. Qof gaaban la ma odhan kara waa uu qurux badan yahay. Ugu horreyn xagga dhaqan sooyaalka ah wax badan oo wanaag ah ku ma xusin gabdhaha gaagaaban. Gabaygii Aw Yuusuf Barre ee magaciisu ahaa Guur aan ka la'aado waxaa ku jirtey: "Midda gaaban ee garabka iyo guudku wada joogo. Ee socodka uma gaatisee giririflaynaysa. Ee gura ma laacdee ritiga juu ku ganacgoysa. Janbal gibin oon golos ahayn guur aan ka laÃ'aado." Aqoonbaadhis aannu ku samaynay waxa ay na tusinaysaa in gabadha gaaban ka dhaqan xun tahay gabadha dheer. Kolkii aannu is barbardhignay gabdho badan waxaa noo soo baxay in gabdhaha gaagaaban ka xishood yar yihiin kuwa dhaadheer, ka badsadaan xidhiidhka ragga, isla kolkaana ka dhawrsooni yar yihiin kuwa dhaadheer. Gabdhaha gaagaaban waxa ay leeyihiin xidhiidh bulsho oo ballaadhan. Xagga daacadnimada waalidka waa lagaga fiican yahay oo badankoodu waa gabdho adoogood neceb yahay. Gabdhaha gaagaaban waa ay ka shukaansi badan yihiin kuwa dhaadheer. Gabdhaha gaagaaban ee hadda jooga guurka ma jecla waayo waxa ay haystaan rag badan oo gaabsidoon ah oo ay xidhiidh fiican la leeyihiin. Gabdhaha gaagaaban ninka qaba aad u ma jecla. Gabdhaha gaagaaban waa ay ka dulqaad yar yihiin gabdhaha dhaadheer. Gabdhaha gaagaaban way ka reer dhaqasho xun yihiin kuwa dhaadheer. Gabdhaha gaagaaban waa ay ka rag soo jiidasho badan yihiin kuwa dhaadheer. Gabdhaha gaagaaban garaadkoodu aad buu u sarreeyaa, weliba kuwa wax bartay ee dugsiyada sare ka baxay aad buu garaadkoodu u sarreeyaa oo aftahamiin u yihiin. Gabdhaha gaagaaban laga ma helo kuwo doqomo ah oo garaadkoodu aad u hooseeyo. Gabdhaha gaagaaban waxaa ka taran badan kuwa dhaadheer. Kolka gabdhaha gaagaaban foolanayaan way ka muruqyo jilicsan yihiin oo ilmuhu kolkiiba ma soo baxo kolka la barbardhigo gabdhaha dhaadheer. Inta badan gabdhaha gaagaaban ilmaha waa lagu soo qalaa ama waa ay umulraacaan. Xagga galmada iyo raaxada waxaa ka fiican gabdhaha dhaadheer. Xagga carruur korinta iyo ilmo jacaylka waxaa kaga fiican gabdhaha dhaadheer.
Gabadha Iinta leh: Iin waxaa looga jeedaa in ay gabadhu leedahay wax laxaadkeeda ama quruxdeeda dhaawacaya, laakiin aanay wax weyn u noqonay ama iska hortaagay in ay reer maamulato. Ragga haween yaqaanka ah waxa ay yidhaahdaan gabadha iinta leh guurkeeda feker badan la ma geliyo oo waa la dedejiyaa. Sababo badan bay sheegaan in gabadhaasi ku fiican tahay. Ugu horreyn gabadha iinta leh ma qab weyna oo waxa ay isu aragtaa qof iinteeda dad badan kaga baydhayaan sidaas awgeed way ka qanaaco wacan tahay kuwa laxaadkoodu u dhammaystiran yahay. Kolka labaad ishu ku ma dhacdo oo wax ka barako badan. Soomaalidu waxa ay yidhaahdaa gabadha iinta leh wax ka wiilal dhal badan lama arag. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu yidhaahdaan ajar badan baa laga helaa guursiga gabadha iinta leh.
Gabadha Wahsata: Wahsigu waa wax ka dhasha xirfad yarida waayo qofka xirfadda yar waa uu ka cagataaleeyaa hawsha uusan garanayn. Sidaas awgeed gabdhaha hadda jooga waa ay ka wahsi badan yihiin gabdhihii hore ee Geeska Afrika. Sababta ugu weyn ee keentay in ay wahsadaan waa xirfad yarida iyo fahanka nolosha adduunka oo aad iyo aad u hoosaya. Gabdhihii hore ee Soomaalidu waxa ay ahaayeen ku aad u fahansan deegaankooda iyo nolosha ku xeeran, isla markaana waxa ay muhindisiin wax kasta ka qabsan kara dhulkooda. Hooyooyinkii hore waxa ay gabdhaha siin jireen tababar heersare ah, laakiin kuwa hadda jooga waxaa dhalay hooyooyin iyaga qudhoodo biid ah oo aan nolosha wax badan ka fahansanayn. Gabadha wahsiga badan waxaa lagu gartaa in ay kubabka iyo labada canqaw ka bararto.
Qabka Gabdhaha: Qabku waa isla weyni iyo tadhah oo gabadha ku igbaara in aannay si wacan u qiimayn karin xaaladaha ku xeeran ama ay ku sugan tahay, isla kolkaana aannay ka faa'iidaysan karin fursadaha hor yaal. Qabka iyo codkarnimada gabdhuhu waxa ay ugu dambayn dumiyaan noloshooda iyo gurigooda.
Hanka Gabdhaha: Hanku waa qof leh hiigsi iyo himilo durugsan oo ujeeddooyinkiisu cad yihiin oo doonistiisu u kala qorshaysan tahay, isla kolkaana qiimayn karta xaaladaha uu ku sugan yahay iyo kanshooyinka hor yaal. Haseyeeshee, sax ma aha in hankaagu kaa indhasaabo ujeeddo guur oo aad hanan kartid. Dadka kartida iyo xirfadaha leh waxa ay awood u leeyihiin in ay isku wadaan hawlo badan iyaga oo aan ka baydhayn himiladoodii. Dhallinyaro badan oo maanta joogta gaar ahaan gabdhaha waxa ay ku odhanayaan ma guursanayo ilaa aan jaamacad dhammeeyo oo shaqo helo. Arrintaasi waxa ay muujinaysaa taabgaabnida gabdhaha Soomaaliyeed in ay wax badan hoos uga dhaceen heerkii gabdhihii hore ee Geeska Afrika. In aadan dhowr hawlood isku wadi karin waa arrin muujinaysa xirfad yari, wahsi, taabgaabni, iyo caanyanimo. Sisdaas darteed waa in la guursadaa iyada oo jaamacadaha la wado. 
Xigto iyo Xigaal: Dan isku wadka labada reer ee mid ay u dhaxday midna u dhalatay waa arrin muhiim ah iyada oo aan midna la duminay ama la iska hor keenayn. Inta badan muranka labada is qaba waxa uu u badan yahay dhaqaale iyo danta labada reer. Inta badan waxaa jirta in ninku ku mashquulsan yahay shaqo iyo baylahtirka nolosha reerka sidaas awgeed waxaa xilkaas iska leh gabadha in ay labada reer isku wado.
AQOONBAADHISTA KU SAABSAN GUURKA WIILASHA
Aqoonbaadhis baannu ku samaynay tiro gaadhaysa 100 oo wiilal ah oo da'doodu u dhexayso 20 jir ilaa 30 oo aan weligood guursan. Wiilashaas waxa aannu weydiiney weydiimaha soo socda iyo weliba kuwo aan meesha ku qornayn:
Intee jir tahay?
Weligaa ma guursatey? 
Haddii aadan guursan niyadda ma ku haysaa in aad guursato?
Ma jiraa wax qorshe ah oo kuu dejisan xilliga aad doonayso in aad guursato?
Carruur intee le'eg baad doonaysaa in aad dhasho?
Haasaawaha ma taqaan iyo sida gabdhaha loo xodxodto?
Maxaad ku xulataa gabdhaha oo tixgelin rasmi ah siisaa?
Midabada haweenka kee baad ugu jeceshahay?
Maxaa ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee guurka kaa haysta?
Is caddaynta dhallinyarada gaar ahaan gabdhaha maxaad ka aaminsan tahay?
Ugu horreyn waa ay ka wada jawaabeen weydiimihii aannu warsanay. Tiro gaadhaysa boqolkiiba 60% waxa ay sheegeen in ay jecel yihiin in ay guursadaan, laakiin ay ka hor taagan yihiin arrimo badan oo guurkooda caqabad ku ah. Arrimaha ay sheegeen waxaa ka mid ahaa: 
Dhaqaalaha reerka lagu dhisayo oo aad iyo aad u qaali ah. 
Hebednimada dumarka iyo dhilaysiga wiilasha oo batay awgeed waxa ay caqabad ku yihiin guurka wiilasha waayo waxa ay wiilasha ka lumiyeen kalsoonidii iyo ciddii ay guursan lahaayeen ee nolol rasmi ah la wadaagi lahaayeen. Wiilasha dhilaysta waxa ay badankoodu aaminsan yihiin in gabdhaha oo dhan wada macsileey yihiin waayo iyaga ayaa sameeya.
Qodbasirtii iyo dhilaysigii oo aad iyo aad u fudud awgeed waxa ay hawada ka saareen guurkii iyo danayntiisii iyaga oo  dhallinyarada badankooda ka teeday ama ka leexiyey rabistii guurka. 
Dhallinyaradii aannu xogaysanay waxa ay sheegeen in dumarka la shukaansanayo ay hal ujeeddo oo keliya leeyihiin. Ujeeddadaas oo ah lacag iyo ka adeeggo. Dumarku uma jeedaan dhaqasho qoys, laakiin dhuuniga iyo dhaqaalaha ay helayaan baa muhiim u ah oo wax kasta uga qaalisan.
Is caddayntii dumarka oo noqotay labo reer oo la masruufayo. Macnaheedu waxa weeye haddii aad guursato naag is caddaysa waxa aad masruufaysaa labo qoys. 
Shukaansiga badan oo jihadii iyo doorashadii ka lumiyey dhallinyarada sidaas awgeed waxa ay ku wareersan yihiin sidii ay wax u kala dooran lahaayeen.
Sidoo kale waxa ay boqolkiiba 40% yidhaahdeen waannu guursan lahayn, laakiin ciddii aannu ku kalsoonaan lahayn ma hayno oo baadhasho ayaannu muddo dheer ku jirnaa.
Dhallinyaradii aannu waraysanay markii ay ka jawaabayeen weydiintii ahayd: Midabada haweenka kee baad ugu jeceshahay? Boqolkiiba 80% dhallinyaradii aannu waraysanay waxa ay yidhaahdeen waxa aannu jecelnahay oo guursan lahayn gabadh midabkeedu asal yahay oo aan is caddayn haddii ay madow tahay, careef tahay, ama maarriin tahay.
Dhallinyaradii aannu waraysanay markii ay ka jawaabayeen weydiintii ahayd: Is caddaynta dhallinyarada gaar ahaan gabdhaha maxaad ka aaminsan tahay? Boqolkiiba 40% dhallinyaradii aannu waraysanay waxa ay yidhaahdeen gabdhaha is caddeeya guurba u ma doonano ee gaabsi baannu u doonanaa. Sidoo kale waxa ay boqolkiiba 20% yidhaahdeen is caddayntu waa qurux iyo wax iska caadi ah oo waa guursanaynaa. Sidoo kale waxa ay boqolkiiba 40% yidhaahdeen is caddayntu waa wax xun oo qudhun ah mana guursanayno.
HALISAHA IS CADDAYNTA EE DHALLINYARADA

Gabadh aqoonyahanad ah oo Soomaaliyeed oo ka shaqaysa jaamacadaha Maraykanka waxa aannu aqoonbaadhisteeda ka soo xiganey, "wax kasta oo la isku caddeeyo waxaa ku jira saddex waxyaalood oo sun ah, isla markaana halis gelin kara qofka isticmaalaya iyo inta guriga kula nool. Curiyayaasha sunta ah ee ku jira waxyaalaha la isku caddeeyo waxaa ka mid ah: 
Meerkori (Mecury)
Haaydarojinoon (Hydrochinon)
Tobical istiirooydhis (topical Steriods)
Marka guriga lagu isticmaal waxyaalaha la isku caddeeyo oo curiyaha Meerkorigu ku jiro, waxa ay ku faaftaa guriga oo dhan, waxa ay gashaa cabbitaanada iyo cuntooyinka, waxa ay dhaawacdaa dareenqaadayaasha dadka guriga ku nool, waxa ay carruurta ka dhaawacdaa maqalka, hadalka, iyo korriinka garashada iyo fahanka, iwm. Sidoo kale waxa uu Meerkorigu qofka ka dhaawacaa maskaxda iyo kelyaha. Carruurta waxa ay si gaar ah uga dhaawacdaa maskaxda iyo aroorayaasha.
Tobical istiirooydhis waxaa dadka loogu qoraa daawo ahaan, laakiin marka ay qofka jidhkiisa ka badato waxa ay isku bedeshaa sun dhibaatooyin waaweyn dadka u geysata. 
Curiyaha Haaydarojinoon waxa ay sababtaa in lakabka maqaarka ee sare dhaawac weyn gaadho oo aannu qofku u adkaysan karin Qorraxda, dabka, kulaylka, iwm. Sidoo kale waxa ay sababtaa in jidhku dhiig rooro oo uu yeesho barabaro guduudan. Ugu dambayn waxa ay sababtaa in qofka maqaarka kore dhinto oo ay cudurro badan taftaafaan, isla markaana waxa uu khalkhal weyn gelayaa dheecaamada hoormooniska ee falgallada jidhkeena maamula.
Gabadhaas aqoonyahanada ahi waxa ay sheegtay in aannay jirin wax la isku caddeeyo oo wanaagsan oo lagu badbaadayo ama aan saamayn lahayn. Dadka qaar baa aaminsan in waxyaalaha la isku caddeeyo qaar ka mid ah ay ka samaysan yihiin waxyaalo dabiici ah, laakiin arrintaas waxba ka ma jiraan. Sidoo kale waxa ay gabadhaasi baadhitaan ku samaysay waxyaalo la isku caddeeyo oo ay ka gadatay Xamar. Kolkii ay baadhitaan ku samaysay waxa ay ka heshay saddexdii curiye ee hore iyo curiye kale oo la yidhaahdo Liid (Lead) oo halis ah.
Dhakhaatiirta  iyo warar kale oo ku firirsan baraha bulshada iyo mareegta waxa ay sheegaysaa in dadka is caddeeya uu ku dhaco cudurka afka qalaad loogu yeedho Kashin (Cushing disease). Waxyaalaha cudurkaasi sababo waxaa ka mid ah:
Miisaan weyn oo qofka ka fuula laabta, sidoo kale waxa uu yeeshaa gacmo iyo lugo dhuudhuuban oo rifan iyo lisan ku dhacay. 
Miisaan baruur ah oo qofka ka fuula wejiga.
Tuur baruur ah oo qofka ka fuusha garbaha, qadaadka, iyo garbaha dhexdooda. Sidoo kale waxaa faaxda ubucda waayo waxa uu qofku yeelanayaa kaman baruur badan ka fuushan tahay iyo xalus xad dhaafa ah.
Midabo basali ah iyo kuwo guduudan oo gaashooyin iyo diilimo ah oo qofka kaga samaysma caloosha, bowdyaha, miskaha, naasaha, iyo kilkilooyinka.  
Qofka oo yeesha maqaar jilicsan oo wax kasta u nugul oo si fudud dhaawac u gaadhi karo. 
Nabarrada kugu dhaca oo aan hore u bogsoon. 
Finan ka soo yaaca qofka jidhkiisa gaar ahaan wejiga.
Qofka oo yeesh timo adag oo madow oo ka soo yaaca wejigiisa iyo jidhkiisa intiisa kale. 
Haweenka oo caado wareer ku dhaco, isla markaana ay is taagto haweenka qaarkood. 
Qofka oo hamadda galmadu ka yaraato iyo xubnaha taranka oo iska gamaara.
Qofka oo ay ugubnimada iyo in uu wax dhalo ay ka daciifto.
Qofka oo isku arka daal joogto ah iyo wahsi xad dhaaf ah.
Qofka oo muruqyadu daciifaan oo tamardhiga.
Qofka oo ay ka muuqato qamandhaco (depression), tiiraanyo (anxiety), iyo xajiin (irritability) joogto ah.
Qofka oo ay ku adkaato in uu xukumo dareenkiisa jibbada (emotions that are hard to control)
Qofka waxa uu dhaawac weyn ka gaadhaa wax xusuusashada.
Qofka waxaa ka qasanta hurdada.
Cadaadiska dhiigga oo had iyo goor meel sare gaadha.
Madax-xanuun joogto ah.
Caabuq badan oo qofka taftaafa.
Lafo jilayc iyo jabid badan oo aan qofku wax yar u adkaysan karin.
Dhammaan dadka is caddeeya waxaa hubaal ah in uu ku dhacayo cudurka Kashinku oo ay ka muuqanayaan calaamadihiisu. Sidaas awgeed waxa uu qofku u ekaanaya sida ka muuqata sawirka kore ee aynu bogga hore ku soo dhaafnay. 
Intii aannu aqoonbaadhista samaynayney waxyaalaha aannu ogaaney waxaa ka mid ah in is caddaynta iyo gaabsidoonka gabdhuhu xidhiidh toos ah leeyihiin. Taas oo macnaheedu yahay haddii aad aragto gabdho is caddeeyey waxa ay qaar ka mid ah ku foogan yihiin diilimaha gaabsidoonka ama galmaboolida. Sidoo kale waxaa gabdho badan ku igbaara in ay is caddeeyaan gabdhaha kale oo caaya haddii ay is caddaynwaayaan. Hadda waxaa Allaah mahadii ah in dumar badan soo fahmayaan dhibaatooyinka is caddaynta.
Gunta iyo gunaanadka warka ku saabsan is caddaynta waa taban (negative) yahay. Dhammaan raggii aannu waraysanay waxa ay ku leeyihiin qof dumar ah oo is caddaysay waa ay adag tahay in nolol rasmi ah lala wadaago. Rag badan waxa ay rumaysan yihiin in dumarka is caddeeya ay gaabsidoon yihiin oo keliya, laakiin aannay u jeedin guur habboon iyo guridhis. Qaar kale oo ragga ka mid ah waxa ay aaminsan yihiin in dumarka is caddeeya ay sumaysan yihiin oo aan loo dhowaan karin.
TALAGELYADA MAAMULKA GURIGA
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, "Guurku marka hore waa sino dhuuban yahay, haseyeeshee marka dambe waa sal ballaadhan yahay." Inta aan la is guursan waxaa fiican in waxyaalo badan oo imaan kara loo tooghayo. Ugu horreyn labada is guursanaya ee aan hore u soo marin nolol qoys waa in ay qaataan kalbarashooyin (courses) ku saabsan maamulka guriga si ay ugu baraarugsanaadaan hawlaha imaan kara iyo loollanka nolosha. Kalbarashooyinka maamulka guriga waxaa lagu bartaa:
hawlaha maamulka guriga ee nadaafadda guriga, daryeelka dhismaha aad deggan tahay, cunto karinta, barbaarinta carruurta, nafaqaynta carruurta, nadaafadda carruurta, iyo beekhaaminta sabaarta ama masruufka.
wax kala qorshaynta, mudnaan kala siinta arrimaha qoyska, xallinta is maandhaafka lammaanaha, maaraynta loollanka soo mudhbaxa, xallinta dhibaatooyinka, iwm.
daryeelka iyo xanaanada gaarka ah ee hooyada uurka leh iyo la socodka ilma laga bilaabo caloolgalka ilaa uu sannad ka gaadhayo.
Dhanka Diinta Islaamka waxaa muhiim ah in labada is guursanaya ay si fiican u ollogaan xuquuqda qof kasta leeyahay iyo tan ay isku leeyihiin si loo yareeyo muranka iyo isku gaboodfalka. 
Si gaar ah waxa aannu gabdhaha ugu la talinaynaa in aanay guursan haddii aanay diyaar u ahayn in ay u babacdhigaan hawsha guriga, carruur korinta, masuuliyadda adag ee gurigu u baahan yahay, iyo haddii aannay aqoon waxyaalaha ku taxaluqa maamulka guriga. Guri fayow iyo guur caafimaadqaba waxa ay u baahan yihiin dad soo diyaargaroobey oo gartooda soo naqday. Haddii intaas la waayo waxa uu jiritaanka qoysku ku dambaynayaa luufluuf iyo leelleel, muran iyo is maandhaaf, silic iyo saxariir, lur iyo laandeyr, hoog iyo halaag, hungo iyo hadhuub madhan, ciil iyo catow, huruuf iyo haaraan, dhibane iyo dhaqaaqe, dhayal iyo dheeldheel, iwm.
FARQIGA GUURKA EE DADKII HORE IYO KUWA MAANTA
Inta aynaan ka hadal farqiga u dhexeeya guurkii hore iyo kan dambe waxaa muhiim ah in aynu wax ka sheegno farqiga qofnimada ee dadkii hore iyo kuwa maanta. Marka si rasmi ah loo qiimaynayo in qofka aadamaha ahi yahay mid dhan kasta ka dhammaystiran waxaa laga eegaa shan arrimood oo kala ah: 
intee bay gaadhsiisan tahay xidhiidhka uu Allaah la leeyahay.
intee bay gaadhsiisan tahay ku dheganaanta dhaqankiisa iyo horumarinta afkiisa.
intee bay gaadhsiisan yihiin xirfadaha maamulka iyo maaraynta naftiisa.
intee bay gaadhsiisan yihiin xirfadaha macaamilka iyo dad la dhaqanka.
intee bay gaadhsiisan yihiin xirfadaha farsamada ee uu yaqaan.
Guusha la baadigoobayo waxaa aasaas iyo saldhig u ah shantaas qodob ee aynu soo sheegnay. Tagtada aadamaha lagu ma hayo qof shantaas buuxiyey oo guuldaraystay.
Intee bay gaadhsiisan tahay ku xidhnaanta Allaah? xidhiidhka Allaah (sw) iyo xuskiisu waa arrimaha ugu muhiimsan qofka aadamaha ah noloshiisa. Abuurta Allaah iyo jiritaankiisa waxaa ka mid in aan aadamaha qalbigeenu noolaan karin nolol faalalisan, isla markaanu aannu helaynin xasilooni iyo nabadgelyo rasmi ah ilaa in uu ku xidhan yahay Allaah mooyee. Tan labaad xaaladaha adduunku waa kuwo kakan oo had iyo goor dhibaatooyin ka soo butaacayaan sidaas awgeed adduunyadu kuu fududaanmayso haddii aan Allaah kuu fududayn. Allaah ayaa Quraanka ku sheegay in qof kasta oo ka jeesta xidhiidhka Allaah iyo xuskiisa uu ku noolaanayo nolol cidhiidhi ah, isla markaana waxaa aakhiro la soo taagayaa isaga oo indhala'. Dadka qaar baa ku cawda in ay had iyo goor Allaah baryayaan, isla markaana dhibaatadii iska dul taagan tahay oo aan laga dulqaadin. Allaah cid kasta waa uu ka aqbalaa ducadiisa iyo xuskiisa ilaa marka laga reebo qof ay ka khaldan tahay sida Allaah loo caabudayo oo loo xusayo mooyee. Allaah (sw) waxa uu Aadamaha u abuurtay in ay Isaga ku caabudaadaan dunida guudkeeda. Allaah (sw) waxa uu qorsheeyey wax kasta oo addoomihiisu samaynayaan inay Isaga ku adeecaan. Sida uu Allaah (sw) ku caddeeyey aayadda Quraanka ah: "Uma abuurin Aadamaha iyo Jinka wax kale, laakiin waxa aan u abuurtay in ay Aniga i caabudaan oo keliya (51:56)." Erayga cibaado waxa uu la macno yahay wax kasta oo Allaah (sw) jecel yahay, isla markaana uu ka raali yahay. Sidaas darteed wax kasta oo aad samayso waa cibaado haddii loo la jeedo Allaah (sw) dartii. Cibaadadu waa dawga lagu gaadho guul adduunyo iyo liibaan aakhiro. Cibaadada qofka Muslimka ah laga rabo waxaa loo kala qaybiyaa shan qaybood oo kala ah:
Cibaado ku taxaluqda iimaanka iyo waxyaalaha aad rumaysan tahay sida Tiirarka Iimaanka.
Cibaado ku taxaluqda qowlka iyo wayaalaha qofku ku hadlayo ama ku dhawaaqayo sida ku dhawaaqista Shahaadada, akhrinta Quraanka, iwm.
Cibaado ku taxaluqda in xubnaha jidhka laga sameeyo sida Salaadda, Soonka, Xajka, iwm.
Cibaado ku taxaluqda in maalka wax laga bixiyo sida sadaqada, dhawrtada, iyo Zakada.
Cibaado ku taxaluqda in laga tago sida cunista xaaraanta ama boolida oo laga dheeraado.
Cibaadada Allaah (sw) loo samaynayo lama aqbalo haddii aan laga helin laba shardi oo kala ah:
Cibaado kasta oo la samaynayo waa in ay tahay mid loo la jeeddo Allaah dartiis.
Sidoo kale waa in cibaado kasta oo la samaynayo solansan tahay ama waafaqsan tahay hanuunkii iyo diintii Nebi Maxamed lagu soo dejiyey. Cibaadada iyo xuska Allaah ee aad samaynayso waa in ay waafaqsan yihiin sidii Nebi Maxamed (scw) yidhi u sameeya haddii kale la ma aqbalayo.
Sidaas darteed waa in qof kasta iska saxaa sida Allaah loo caabudayo, loo xusayo, loo baryayo, iwm haddii kale waxa aad dhaaminaysaa weel madhan oo hoosta ka daloola.
Intee bay gaadhsiisan tahay ku dheganaanta dhaqankiisa iyo horumarinta afkiisa - horumarku waxa uu ka bilaabmaa ilaalinta dhaqankaaga iyo kobcinta afkaaga. Bulsho kasta oo adduunka soo martay waxa ay horumarisay qaabab nololeedyo kuwa ka dambeeyaa ka dhimbiilqaataan si ay iyaguna goortooda nolosha u horumariyaan. Sidaas awgeed dhaqanku waa sooyaal qaab nololeed oo bulsho horumarisay, isla markaana ay kuwa ka dambeeya ka dhimbiilqaataan. Dhaqanka bulshada hore wuxuu faa’iideeyaa in la helo qaabab nolosha horumarkeedu ka curto, iyo iyada oo bulshadu ka hesho dabar iyo silsilad dadka hab dhaqankooda ilaaliya. Afku waxa uu keenaa in la fahmo maarooyinka nolosha oo wax kasta ama aragti kasta oo aqoon ah fahankeedu fududaado. Arrintaasi waa sababta bulshooyinka adduunku ugu dhegan yihiin dhaqankooda iyo afkooda. Afku waa kaydiyaha dhaqanka, aftahanimada, iyo murtida. Dhaqankuna waa qaab nololeedyo bulsho soo hormarisay oo markaad wax horumarinayso wax laga sii bartiireeyo. Af iyo dhaqan qaabaysan haddii ay qofka ka maqan yihiin waxaa caqabadi haysataa horumarka noloshiisa. Haddii aad dib u milicsato bulshooyinka adduunka ee ilbaxnimooyinka lahaa iyo kuwa hadda hoggaaminaya waxa aad arkaysaa in horumarkooda uu riixayey dhaqan iyo af ay dadyowga kale dheeraayeen. Dhaqanku waa in uu basar diineed leeyahay, bulshadu waxa ay samaysaa horumar togan inta dhaqankeedu basar diineed leeyahay, laakiin kolka basarka wanaagsan ka lumo waa ay burburtaa. Taasina waa arrin muujinaysa in dhanka bulshooyinku ka jabaan tahay heerka basarka oo hoosudhaca ku yimaaddo. Horumarku waxa uu ka bilaabmaa ilaalinta dhaqankaaga iyo kobcinta afkaaga waayo wax kasta waxaa lagu fahmaa afka. Nebi Aadam si uu adduunka u la qabsado kolkii ugu horreysey waxaa la baray magacyada wax kasta oo adduunka ka jira. Ilmaha yar waxaa ugu horreyn la baraa afkiisa hooyo iyo dhaqanka suubban ee bulshadiisa si uu u la jaanqaado bulshada u uku dhex korayo.
Intee bay gaadhsiisan yihiin xirfadaha maamulka iyo maaraynta naftiisa (intrapersonal skills) xirfadaha maamulka ee qofka looga baahan yahay in naftiisa ku qalabaysan tahay waxaa ka mid ah: inta dareenkiisu ku baraarugsan yahay naftiisa iyo xaaladaha ay ku sugan tahay (emotional self-awareness), inta ay sax tahay qiimaynta uu ku samayn karo naftiisa iyo xaaladaha ku wareegsan (accurate self-assessment), inta naftiisu isku kalsoon tahay (self-confidence), inta naftiisu dhawrsoon tahay ama arrimihiisu u ilaashan yihiin (self-control), inta uu daacad la isku halayn karo yahay (trustworthiness), inta ay naftiisu hawlkar tahay oo uu doonaya in uu wax kasta si sax ah u fuliyo (conscientiousness), inta naftiisu u jabsan tahay in uu la jaanqaado gedgedoonka waayaha (adaptability), inta uu dadaal ku bixinayo ka gungaadhka arrimihiisa mustaqbalka (achievement orientation), iyo inta uu yahay abaabule wax curiya oo hal-abuur leh (initiative). Haddii aynu yare faahfaahino qodobadaas waxa ay noqonayaan:
Inta dareenkiisu ku baraarugsan yahay naftiisa iyo xaaladaha ay ku sugan tahay (emotional self-awareness), waxa ay tibaaxaysaa in qofka aadamaha ah kartidiisu akhrin karto oo fahmi karto oo si wacan u garwaaqsan karto jibbooyinkiisa iyo saamaynta ay ku keeni karaan hawlgudashadiisa, xidhiidhkiisa, iyo guud ahaan sharaftiisa. Gunta iyo gunaanadku waxa uu yahay in qofku dhawri karo oo ilaalin karo jibbooyinkiisa xunxun ee keeni kara saamayn taban.
Inta ay sax tahay qiimaynta uu ku samayn karo naftiisa iyo xaaladaha ku wareegsan (accurate self-assessment), waxa ay tibaaxaysaa in qofka aadamaha ahi si dhab ah u qiimayn karo waxyaalaha ay naftiisu ku fiican tahay ee ay karti iyo awood u leedahay, isla sidoo kale waa in qofka aadamaha ahi si wacan u qiimayn karaa meelaha ay ku liidato ee kartidiisu ka gaasirantay. Gunta iyo gunaanadku waxa uu yahay in qofku fahansan yahay waxyaalaha uu ku fiican yahay si ay isu la jaanqaadaan meelaha uu ku fiican yahay iyo yoolalkiisu.
Inta naftiisu isku kalsoon tahay (self-confidence), waxa ay tibaaxaysaa in qofka aadamaha ahi ku qalabaysan yahay dareen adag oo togan oo isku kalsoon. Qof isku kalsoon waa qof han leh oo naftiisu heersare ugu qiimaysan tahay.  Gunta iyo gunaanadku waxa uu yahay in qofka naftiisu ugu qiimaysan tahay heersare oo isku kalsoon yahay.
Inta naftiisu ilaalin karto ama dhawri karto (self-control) oo ay leedahay karti iyo awood ay ku damin karto ama ku cabudhin karto jibbooyinka halista ah ee sababi kara burbur  laxaad leh iyo in ay cid kale dhibaato kula soo haliisho. Qofka aadamaha ahi waa uu maamulan yahay haddii uu ilaalin karo oo cabudhin karo gujooyinka iyo qiirada dhiiggiisu kicinayo marka dareen adag yimaaddo.
Inta uu daacad la isku halayn karo yahay (trustworthiness) oo qofka wejigiisu soo bandhigayo daacadnimo iyo mabaadi aan isla bedellayn kanshada, xaaladaha, iyo saamaynta cid kale. Qofku waa in uusan noqon dhowr wejiilo marba meesha uu joogo iyo xaaladda uu ku sugan yahay la gedgedooma oo aan lahayn wax xeerin ah iyo qiyam uu ilaalinayo. Qofka aadamaha ahi waa uu maamulan yahay haddii naftiisu daacad abaabulan tahay.
Inta naftiisu hawlkar tahay oo uu doonaya in uu wax kasta si sax ah u fuliyo ama u qabto (conscientiousness) isaga oo karti iyo awood u leh in uu naftiisa iyo masuuliyadihiisa si fiican u maamulo. Sidoo kale Allaah waa uu jecel yahay qofka hawsha loo diro u qabta sida ugu saxsan ee sugan.
Inta naftiisu u jabsan tahay in uu la jaanqaado gedgedoonka waayaha (adaptability) isaga oo ku qalabaysan xirfaddo u fududaynaya hagaajinta iyo la jaanqaadka xaaladaha isbedellaya si uu uga guulaysto caqabadaha iyo turunturooyinka nolosha. 
Inta uu dadaal ku bixinayo ka gungaadhka arrimihiisa mustaqbalka (achievement orientation) isaga oo ay riixayso beegaal uu naftiisa u dejiyey si uu uga gungaadho guusha uu hiigsanayo aayatiinka dambe.
Inta uu yahay abaabule hordege ah oo u tooghaya waxyaalaha mustaqbalka dhacaya (initiative) oo u diyaarsan in uu fursadaha ka faa'iidaysto. Abaabule hordege ahi waa qofka u tooghaya waxyaalaha imandoona oo ka sii hordega.
Intee bay gaadhsiisan yihiin xirfadaha macaamilka iyo dad la dhaqanka (interpersonal skills) xirfadaha macaamilka iyo dad la dhaqanka ee looga baahan yahay in qofka naftiisa ku qalabaysan tahay waxaa ka mid ah: inta qofku awood u leeyahay in uu fahmo dareenka dadka kale oo uu la wadaago dareenkiisa (empathy), inta qofku awood u leeyahay in uu fahmo baahida loo qabo jiritaanada ama ururada (organizational awareness), inta qofku garowsan yahay haqabtirka baahida macaamiishiisa (service orientation), inta qofku awood u leeyahay in uu qaado xil hoggaamineed (visionary leadership), inta qofku awood u leeyahay in uu saameeyo doonistiisa oo wax cid kale ku dirqin karo (influence), inta qofku u nugul yahay in uu ka qaybqaato horumarinta dadka kale (developing others), inta qofku xirfad u leeyahay hannaanka isgaadhsiinta ee wax dhegaysiga iyo gudbinta farriin toolmoon (communication skills), inta qofku awood u leeyahay in uu soo dhamballo fikrado cusub isla markaana hoggaamin karo  dadka oo isbedel cusub horseed ka noqon karo (change catalyst), inta qofku awood u leeyahay in uu dejiyo oo xalliyo muranka iyo ismaandhaafka (conflict management), inta qofku awood u leeyahay in uu samaysto xidhiidh ballaadhan oo si toos ah u la shaqaynaya (building bonds), iyo inta qofku awood u leeyahay in uu dad kale iskaashi iyo wadashaqayn la samayn karo oo hawl la wadaagi karo (teamwork and collaboration). Haddii aynu yare faahfaahino qodobadaas waxa ay noqonayaan:
Inta qofku awood u leeyahay in uu fahmo dareenka dadka kale oo uu la wadaago dareenkiisa (empathy)? Qofku waa in uu leeyahay xirfad iyo garasho uu ku dareemi karo dadka kale jibbooyinkooda, isla markaana garawsan karaa aragtidooda iyo dhaadashooyinkooda oo uu si dhiifoon uga qaybqaato danaha khuseeya dadka kale iyo waxyaalaha ay danaynayaan. 
Inta qofku awood u leeyahay in uu fahmo baahida loo qabo jiritaanada ama ururada (organizational awareness)? Qofku waa in uu leeyahay karti uu ku garan karo muhiimadda ururada iyo jiritaanadu u leeyihiin horumarka bulshada, isla markaana ay la’aantood bulshadu mudan karto dhibaatooyin waaweyn. Ururada iyo jiritaanadu waxa ay kulmiyaan maanka, muruqa, iyo maalka si qorshe weyn guul looga gaadho. 
Inta qofku garawsan yahay haqabtirka baahida macaamiishiisa (service orientation) qofku waa in uu karti iyo awood u leeyahay garashada waxyaalaha macaamiishiisu u baahan yihiin si uu uga guulaysto cid kasta oo macaamiishiisa danaynaya.
Inta qofku awood u leeyahay in uu qaado xil hoggaamineed (visionary leadership) qofku waa in uu leeyahay hiigsi iyo himilo uu bulsho ku hoggaamin karo oo ku dirqin karo aragtiyihiisa aqooneed. 
Inta qofku awood u leeyahay in doonistiisa saamayso bulshada oo cid kale ku dirqin karo doonistiisa togan (influence) qofku waa in uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay saamayn badan oo togan, isla markaana waa in uu adeegsan karaa tabo badan oo uu dadka ku dirqin karo saamayntiisa togan. 
Inta qofku u nugul yahay in uu ka qaybqaato horumarinta dadka kale (developing others) qofku waa in uu u darban yahay ka qaybqaadashada horumarinta bulshada gaar ahaan kuwa tabaalaysan ee waayuhu luufluufiyeen. Tabantaabintu waxa ay noqon kartaa talasiin, hagis, quudin, falcelin, iyo u diirnax. 
Inta qofku xirfad u leeyahay hannaanka isgaadhsiinta ee wax dhegaysiga iyo gudbinta farriin toolmoon (communication skills) qofku waa in uu xirfad u leeyahay wax dhegaysiga, fagaare ka hadalka, ogoleysiinta, qancinta, iyo in uu diri karo farriin si wacan loogu riyaaqo.
Inta qofku awood u leeyahay in uu soo dhamballo fikrado cusub isla markaana hoggaamin karo  dadka oo isbedel cusub horseed ka noqon karo (change catalyst) qofku waa in uu si xeel dheer u curin karaa fikrado cusub, isla markaana waa in uu dadka u hoggaamin karaa jiho cusub oo uu isagu horseed ka yahay. 
Inta qofku awood u leeyahay in uu dejiyo oo xalliyo muranka iyo ismaandhaafka (conflict management) qofku waa in uu karti u leeyahay daminta muranka iyo colaadaha, isla markaana waa in uu soo dhiraandhirin karaa xal waara oo lagu nasto.
Inta qofku awood u leeyahay in uu samaysto xidhiidh ballaadhan oo si toos ah u la shaqaynaya (building bonds) qofku waa in uu beeri karaa xidhiidh ballaadhan oo uu la leeyahay qaybaha bulshada, isla markaana waa in uu karti iyo awood u leeyahay in uu dhawro oo ilaaliyo xidhiidhkaas.
Inta qofku awood u leeyahay in uu dad kale iskaashi iyo wadashaqayn la samayn karo oo hawl la wadaagi karo (teamwork and collaboration) qofku waa in uu u darban yahay iskaashi uu la yeelanayo cid kasta oo wadashaqayn ka dhexayso, isla kolkaana waa in uu dhisi karaa kooxo fayow oo wadashaqaynaya. 
 Sawirkani waxaa uu soo koobayaa xirfadaha maamulka naftiisa iyo xirfadaha macaamilka dadka. Haddii ay qofka horumarsan yihiin xirfadihiisa maamulka iyo maaraynta naftiisu, waxa uu noqdaa qof naftiisu baraarugsan tahay oo jibbooyinkiisa halista ah ilaalin kara in aannu cidna kula haliilin, isla markaana waxa uu yeeshaa habdhaqan maamulan oo arrimihiisa iyo qorshayaashiisu urursan yihiin oo hawlgudashadiisa shaqo aad iyo aad u sarrayso.
Haddii ay qofka horumarsan yihiin xirfadihiisa macaamilka iyo dad la dhaqanku, waxa uu noqonayaa qof si weyn ugu baraarugsan arrimaha bulshada oo muhiimad gaar ah siiya, sidoo kale waxa uu noqonayaa qof xidhiidh maamulan oo fiican la leh bulshadiisa, isla kolkaana waxa uu abuurayaa habdhaqanno bulsho oo hawlgudashadoodu wanaagsan tahay.
Labada xirfadood ee aynu ka soo hadalay ee xirfadaha maamulka iyo maaraynta nafta, iyo xirfadaha macaamilka iyo dad la dhaqanka waxaa kale oo la yidhaahdaa xirfadaha nolosha (life skills). Sidaas awgeed waa in barashadooda iyo horumarintoodu la jaanqaadaan qofka korriinkiisa.
Intee bay gaadhsiisan yihiin xirfadaha farsamada ee uu yaqaan (technical skills): xirfadaha farsamada ee ka qaybqaata dhammaystirka qofnimada, waxaa ka mid ah dhammaan aqoonta kaladuwan ee qofku ku barto jaamacaddaha, dugsiyada sare, ama dugsiyada farsamada gacanta sida: xiasabaadka (accounting), muhindisnimada (engineering), baranimada (pedagogy), aqoonta bulshada (sociology), cilminafsiga (psychology), sayniska (science), aqoonta dhaqanka iyo hiddaha (anthropology), aqoonta caafimaadka (medicine), tagtada (history), tigaadda iyo bulshada (geography), farsamada gacanta, iwm. Si qofku u noqdo mid dhammaystiran waa in uu yaqaan ugu yaraan hal xirfad ama ka badan oo uu ku shaqaysto si uu uga xorroobo gacan hoorsiga cid kale.
Qofka Allaah ku xidhan, dhaqankiisa iyo afkiisuna horumarsan yihiin, xirfadihiisa maamulka iyo maaraynta naftiisuna heersare yihiin, xirfadihiisa macaamilka iyo dad la dhaqankuna wanaagsan yihiin, isla markaana xirfadihiisa farsamo ee uu yaqaan aad u sarreeyaan, waa qof dhammaystiran. Tilmaamaha lagu yaqaan waxaa ka mid ah: cibaado badan, Allaah xuskiisa oo carrabkiisa ka qoyan, hawlkarnimo, shaqo u darbanaan, wahsi la'aan, baraarugsanaan dhan kasta ah, xeerin dhaqan, adeegsanaya afkiisa, oo hansare leh. Soomaalidii hore waxa ay wiilka laga waayo tilmaamahaas kolka uu 12 sanno gaadho ka soo qaadi jireen qof nool, laakiin geeri horteed dhintay. Ninkii arrintaas ka gabyey waxa uu yidhi, "Wiil 12 jirey hadduu lali ahaan waayo. Marti leyl habeen timid hadduu luun ka rogiwaayo. Raganimo luddiis ku ma jirtee liicyaye ogaada."
Gunta iyo gunaanadka warku waxaa uu yahay farqiga u dhexeeya dadka is guursanaya ee hadda nool iyo dadkii hore. Ugu horreyn, haddii labada qof ee is guursanaya ay yihiin kuwii hore amaba kuwan dambe oo ay ku qalabaysan yihiin arrimaha aynu kor kaga soo hadalay, waxaa hubaal in qoyskaasi tisqaadayo oo uu noqonayo qoys badhaadhay oo ladnaan buuxda iyo liibaan ku nool. Haddii ay is guursadaan labo qof oo aannay isu dheelitirayn heerka qofnimadooda iyo xirfadaha nolosha, waxaa hubaal ah in ay jirayaan waxyaalo badan oo qoysaska dhisan ka dhex jira maanta. Guud ahaan waxa ay dadkii hore ku fiicnaayeen ku xidhnaanta Allaah, dhaqanka, afka, xirfadaha nolosha, iyo xirfadaha farsamada. Sidoo kale waxa ay dadka hadda joogaa ku liitaan oo xitaa aannay ogeyn in ay ka maqan yihiin dhaqanka, afka, xirfadaha nolosha, iyo xirfadaha farsamada. Dadka hadda jooga waa ay ku xidhan yihiin Allaah, haseyeeshee boolida ka ma sarriigtaan oo xumaha iska ma reebaan. Dadka hadda jooga waxa ay ku liitaan xirfadaha nolosha, farsamooyinka nolosha, dhaqanka, afka, isla markaana ku ma fiicna waxyaalaha milladu farayso ama ka reebayso.
Sawirka ku dheggan bogga aynu soo dhaafnay waxa uu marag u yahay dadkii hore iyo qaabkii ay u noolaayeey. Ninka qoraalka sameeyey oo la odhan jirey Lord Macaulay markii ay taariikhdu ahayd Febraayo 2, 1835tii, waxa uu khudbad ka hor jeediyey Golaha Dadweynaha ee Dalka Ingiriiska isaga oo yidhi, waxa aan ku dhex socdaalay Qaaradda Afrika waxa ay dherer iyo ballac leedahay weli ma arag qof tuug ah, qof tuugsanaya, qof diinlaawe ah, qof sabool ah, iwm. Dadka aan arkay waxa ay ahaayeen kuwo milladoodu aad u sarrayso oo aynu ka qaadan karo beegaal ama cabbir ku dayasho mudan.
TILMAAMAHA GABADHA FIICAN IYO NINKA WACAN
Qaybtan gunaanadka ah waxa aynu ku soo ururinaynaa xulashada gabadha wanaagsan iyo wiilasha wacan. Marka aynu isku daro dhaqankii sooyaalka ahaa iyo xaaladaha hadda taagan waxa ay raggu ku xushaan gabdhaha arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
Garasho dheeri waa asalka xulashooyinka oo dhan. Haddii gabadhu garasho dheer tahay waa dhabeel maamul iyo maarayn wacan, waa gaari nolosheeda oo dhan maydhan tahay oo nadiif ah, waa gef yaro oo ka adag afkeeda iyo addinkeeda, waa xishood badan aan hadal ka dhacdhacin, waa fool furan soodhoweynta ku fiican, waa ixtiraam badan dadka oo dhan qadarisa, waa calool xaadhan aan dadka caloosha waxba ugu qaban, iwm. Intaas oo tilmaamood gabadha yeelatay waa qof diinta ku fiican oo ku dhaqanta xeerarka Allaah, xeerarka bulshada, iyo xeerarka dawladda.
Xulashada gabdhaha ee dhanka quruxda waxa aynu ku soo koobaynaa odhaahdii laga soo minguuriyey dhaqanyaqaankii Jaamac Nuur Axmed ee odhanaysey: Qurux gabdhood waa saddex ha u caddaato: Midibka, indhaha, iyo ilkaha! Saddexna ha u madoobaato: Timaha, indhaha wiilkooda, iyo cirridka! Saddexna ha u yaryaraato: dhexda, naasaha, iyo cidhbaha! Saddexna ha u dheeraato: lafta, sanka, iyo timaha! Ragga hadda jooga ee dhallinyarada ahi waxa ay inta badan gabdhaha ku doortaan muuqaalka oo keliya.
Xulashada jidhka iyo muuqaalka waxa ay ragga badankoodu jecel yihiin gabdhaha dhaadheer ee aan wax is marin oo midabkoodu asalka yahay. Rag badan oo aannu waraysanay waxa ay aad ugu shakisan yihiin gabdhaha midabka careefka ah ama casaanka Soomaalidu u taqaan, laakiin waxa ay aad ugu kalsoon yihiin midabka maarriinka ah iyo midabka madow. 
Marka aynu isku daro dhaqankii sooyaalka ahaa iyo xaaladaha hadda taagan waxa ay gabdhuhu ku xushaan ragga arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
Xulashada koowaad ee gabdhuhu ragga ku doortaan waa magaca. Haddii ninku uu magac iyo sumcad ku leeyahay bulshada dhexdeeda da'duu doono ha ahaadee ma diidaan. Gabadh baa rag la kala dooransiiyey markaas bay tidhi: ninka magaca leh baan doortay xoolo waayimaayee. Sidoo kale gabadhii hooyadeed la dardaarantay ee ku tidhi saddex jaad oo ragga ah ha guursan, waxa ay guursatey ninkii laga la dardaarmayey iyada oo ku raacday magaciisa iyo in ay kala hadho boqorkii isaga bedeli lahaa.
Haweenka badankooda wax macno ah u ma samayso quruxda raggu, laakiin waxa ay ka fiiriyaan oo tixgeliyaan dhanka raganimada, awoodda, dhaqashada, iwm. Dhanka muuqaalka waxa ay jecel yihiin ninka muruqyadiisu dhisan yihiin.
Sidoo kale waxa ay gabdhaha hadda joogaa xoogga saaraan dhanka dhaqaalaha iyo maxaa uu haystaa. Arrintaas oo aad mooddo mid aan reer ku dhismayn, laakiin u eg ka adeeggasho iyo mid duminaysa aayatiinka dambe.
Annaga oo intaas ku soo gunaanadaya mowduucii sirta doorashada lammaanaha, waxa aan soo jeedinayaa in doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka, isla markaana lagu darsado waxyaalaha maangalka ah ee hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Ugu dambayn waxaa ugu fiican in wax lagu doorto macaamulka qofka ee ku qanciya iyo diintiisa, laakiin doorashada quruxdu ma waarto. Muqaalka jidhka la iskuma doorto ee waxaa la isku doortaa qofnimada (personality) iyo garashada suubban ee qofku leeyahay.
WAXYAALAHA GUURKA YARAYNAYA WAAGA CUSUB
Waxyaalaha sababi kara in guurku yaraado hadda waa ay badan yihiin iyaga oo ku imaanaya weji badan oo aad u kaladuwan. Haddii aynu soo qaadano qaar ka mid ah waxaa ka mid ah:
Gaabsiga oo badan iyo helistiisa oo fudud waxa ay sababtay in guurku yaraado. Sidoo kale waxaa adag shuruudaha guurka oo ragaadka iyo gaarowga kor u sii eryey. Isla markaana waxaa qaali ah dhismaha reerka sida saabaanka guriga, damaashaadka, sooryada, iwm. Sidoo kale waxyaalaha guurka yareeya waxaa ka mid ah guurkii oo qaali ah iyo shuruudaha ku xidhan oo badan, isla markaana waxaa jaban ama bilaash ah gaabsigii sidaas awgeed qofkii aan Allaah ka cabsanayn waxa uu iska dhex muquurayaa galmaboolida.
Dhallinyaro u badan gabdhaha waxa ay xambaarsan yihiin fikirkii reer galbeedka ee ahaa in aan waxba la dhalin iyaga oo rumaysan in ay waqti badan dhallinyaro ahaan karaan, aaminsan in carruurtu tahay wax hawl badan, isla markaana aan la guursan karin ilaa qofku yeesho hanti badan. Arrimahaas oo iimaan xumo ah isla markaana garabmarsan Quraanka iyo Sunnada Nebiga (scw). Qofka reer galbeedka ah maxaa ku kaliifey in uusan guursan oo carruur danayn? Qofka reer galbeedka ahi waxa uu haystaa dawlad daryeelaysa arrimihiisa oo dhan ilaa uu ka dhimanayo sidaas awgeed waxa uu qofka reer galbeedka ahi is tusiyey in aannu u baahnayn carruur iyo hawshooda kol haddii uu haysto dawlad daryeelaysa. Marka loo kuurgalo dhankeena carruurtu waa dawladda hawlgabkaaga sidaas awgeed haddii aadan carruur tabcan yaa ku daryeelaya marka aad gabowdo ee hawlgab noqoto.
Dhallinyarada hadda joogta oo wahsi badan isla markaana itaal yar waxa ay neceb yihiin korinta carruurta iyo hawsha guriga. Wahsiga badan iyo itaal yarida waxaa sababaya cuntada ay cunayaan oo aan nafaqo ku filan ku jirin, xubnahooda oo aan u tababarayn shaqo badan iyo hawlkarnimo, iyo horusocodka siyaasadda dalka oo ay ka quusteen.
Isku dhoorgoosiga gabdhaha iyo xasaradaha ka dhex jira haweenka waxa ay ka qaybqaataan in is guursigu yaraado. Gabdho badan oo guursan lahaa baa ka cabsanaya in ay wadeeyadeedu gawdhiyaan haddii ay si fudud u guursato oo danteeda raacato.
Warbaahinta iyo baraha bulshadu waxa ay ka mid yihiin waxyaalaha qoysaska dumiya. Dhallinyaro badan waxa ay leeyihiin waa iska guursan lahayne, laakiin waxa aannu ka cabsanaynaa in shaashadaha na la ku wiirsado marka mid lammaanaha ka mid ah xanaaqo ileen horrey bay Soomaalidu u tidhi: "Carrab iyo labo daan baa isugu dhow oo waa ay is qaniinaan." Inta badan waxa aynu aragnaa qoys burburay oo midkood ama labadooduba ay taagan yihiin warbaahinta iyo baraha bulshada iyaga oo ka sheekaynayaa sirtoodii iyo arrimihii qoyska ka dhex jirey. Arrintaas oo guurdoon badan ku abuurtay cabsi iyo dhiirasho la'aan in ay guursadaan. Sidoo kale waxaa dhallinyaro badan guurka u diidey warbaahinta iyo baraha bulshada oo ay si xad dhaaf ah ugu foogan yihiin iyaga oo muddo dheer isku halmaama nolosha dhalanteedka iyo khiyaaliga ku dhisan ee ay dhex mushaaxayaan. Warbaahinta iyo baraha bulshada oo la adeegsado waxa ay abuurtay cabsi badan oo la xidhiidha in la is guursado. Dhallinyarada iyo dadka guurdoonka ah waxa ay qaar ka mid ahi ku odhanayaan in guursado waxaa iga hortaagan cabsi aan ka qabo baraha bulshada. Sida hadda lagu yaqaan baraha bulshada waxa aynu aragnaa qoysas badan oo murankoodii iyo sirtoodii ku daadsan tahay baraha bulshada. Sidaas awgeed waxa uu qof kasta oo guurdoon ah ku odhanayaa waxa aan ka cabsanayaa in baraha bulshada la igaga sheekaysto haddii aan isku xanaaqno xaaskayga ama ninkayga.
Rag badan oo guurdoon ah waxa ay ka cabsadaan guurka waayo waxaa waayahan dambe batay cabashada haweenka ee ku taxaluqda sabaarta guriga iyo cabasho kale oo ku taxaluqda gogosha oo waagii hore laga sarriigan jirey in laga hadlo oo ay tahay in la dedo xogta iyo xuuraanka ku taxaluqa arrimaha hoose. Sidoo kale waxyaalaha guurka yareeya waxaa ka mid ah cabsida raggu ka qabaan in ay dabooliwaayaan baahida xaaskooda waayo waxa ay raggu in badan arkayaan dumar ka cabanaya raggooda gaar ahaan dhanka sabaarta iyo weliba dhankii berigii hore laga xishoon jirey in afka la soo mariyo ee la xidhiidhey gogasha. Ninkii heesay waxa uu yidhi, "Sidii dumar xishoodoo. Hadalkii la dedi jirey. Ha igu odhan dib dabadeed."
ERAYADA GUURKA IYO XIDIDTINIMADA
Gabbaati waa xoolaha ugu horreeya ee la bixiyo kolka gabadh loo geedfadhiisto.
Sooryo waa abaabulka iyo martigelinta ay sameeyaan reerka gabadha laga doonay.
Yarad waa xoolaha la siiyo reerka gabadha laga guursadey.
Dhibaad waa xoolaha gabadhu kala timaado reerkooda.
Kaalo waa xoolaha nin guursadey tolkiis siiyo.
Gaafo waa xoolaha ninka guursadey qoyskiisu siiyo.
Yabadh waa xoolaha dib loogu soo celiyo ninka guursadey marka uu gabbaatiga ama yaradka bixiyo. 
Dumaal waa haweenayda ninku ka dhintay ee uu guursado nin wax u ah carruurta ninka dhintay.
Xigsiisin waa haweenayda la siiyo ninkii ay ka dhimatay walaasheed si carruurtii walaasheed hooyo ugu noqoto.
Godobreeb waa colaad dabadeed gabadha la bixiyo si heshiiska nabaddu u taabagalo.
Seedi waa ninku haweenayda uu guursadey walaalkeed.
Sodog waa ninku haweenayda uu guursadey aabaheed.
Eeddo waa aabbahaa walaashiis.
Aaye / aayo waa haweenayda ama naagta aabbahaa  qabo ee aan ahayn hooyadaa.
Habaryar waa hooyadaa walaasheed.
Hooyawadaag waa carruurta kala aabbaha ah, laakiin isku hooyada ah.
Habarwadaag waa carruurta ay dhaleen labo dumar ah oo walaalo ah.
Adeer waa aabahaa walaalkii.
Abti waa hooyadaa walaalkeed.
Inanlayaal waa ninka guursadey ee la deggan reerkii uu gabadha ka guursadey.
Sodoh waa ninku haweenayda uu guursadey hooyadeed.
Dumaashi waa walaalkaa haweenayda uu qabo.
Ooriyawalaal waa labada nin ee qaba labo gabdhood oo walaalo ah.
Godadle waa waa ninka naago guursiga badan.
Goobaare waa ninka guursadey ee hadda naag qaba.
Karinle waa ninka soo guursadey ee aan hadda waxba qabin.
Xilagube waa ninka u daran haweenka ee silciya.
Xilabilaal waa ninka guurka iyo furriinka badan ee shabeel naagoodka ah.
Xilabile waa ninka haweenka u wacan ee dhaqaaleeya.
Garoob waa haweenayda soo guursatey ee hadda aan cidi qabin.
Doob waa ninka aan weli guursan ee guurdoonka ah.
Guumays waa gabadha guur la'aanta ku weynaatey.
Guumays waa ninka guur la'aanta ku weynaadey.
Ina-adeer waa ilmaha adeerkaa dhalay
Ilma-abti waa ilmaha abtigaa dhalay.
Ilma-eeddo waa carruurta eedadaa dhashay.
Minweyn waa haweenayda ugu horreysa ee ninku guursado.
Minyaro waa haweenayda labaad ee ninku guursado.
Magmagato waa haweenayda saddexaad ee ninku guursado.
Meelmadayato waa haweenayda afraad ee ninku guursado.
Ab waa meesha aad ka soo jeeddo ee aabbahaa iyo hooyadaa ka soo jeedaa.
Isir waa dhashaada iyo tarantooda dambe iyo wixii ay dhalaan.
Hu waa marriin, lebis, dhar, wax la xirto.
Hoy waa meel loo hoydo sida aqal, guri, god, iwm.
Dhabeel waa haweenayda gaarida ah ee maamulka wanaagsan. 
Dhusuq waa uskaga iyo geyngeynka ee areebada ama baalinimada.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen