+252 90 4048010

education

BARASHADA DOOD CUDDOON – BALANCED ARGUMENT

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: October 14, 2025

DOOD DHEELITIRAN - BALANCED ARGUMENT

Dood cuddoon waxa ay ku saabsan tahay bandhiga aragtiyaha kaladuwan ee dadka maankoodu kaladuwan yahay. Qof kasta waxa uu soo bandhigayaa dooddiisa, laakiin guddoonka waxaa looga tageyaa akhristayaasha iyo dhegaystayaasha. Si ay doodda cuddoon ee aad soo bandhigayso u noqoto mid tayo leh oo wacan, waxaa muhiim ah in ay ka kooban tahay dhowr waxyaalood oo aad dhegaystaha ama akhristaha ku dirqin kartid in uu warkaaga qaato ama aad isku aragti noqotaan. Inta aadan bilaabin doodda qoraalkeeda ama soo bandhigista aragtidaada iyo dooddaada waxaa muhiim ah in aad waqti ku lumiso wax kala qorshayn. Haddii Allaah idmo waxa aan tusaale u soo qaadanaynaa Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Midow ah iyo Maamul Gobolleedyo. Sidaas awgeed waxaa dooddan iskaga soo horjeeda dad diidan in Soomaaliya noqoto Dawlad Midow ah iyo Maamul Gobolleedyo, iyo kuwo ku dooddaysa in Maamul Gobolleedyada loo baahan yahay. 

Doodda Cuddoon waxa ay inta badan ku salaysan tahay dhowrka qodob ee soo socda :

Ugu horreyn waa in aad haysataa gololo dood ka curan karto. Gololada dooddu ka curan karto waa in ay leeyahay arrimo iska soo horjeeda oo mid kasta doonayso in kan kale la buriyo oo keedu ahaado. Gololooyinka dooddu ka curan karto waxaa ka mid ah oo ay noqon karaan:

  • Dhaqanka Soomaalidu waa uu tirtirmayaa iyo dhaqankii dib buu u soo noolaanayaa.
  • Soomaaliya way adag tahay in ay isu soo noqoto oo qarankeedii dib u qotomiso, iyo in kasta oo Soomaalida qarankeedii burburay wax yar baa ka hadhay intii ay isugu soo noqon lahayd.
  • Qaadku waa booli in la cuno isla kolkaana waa qof, qoys, iyo bulsho dumiye. Sidoo kale waxaa jira qolyo qaba in aannu booli ahayn ee yahay walax laga ganacsado oo aan dhibteedu buurayn.

Gololladu waa in aannay noqon oo keliya mid dood ka curan karto oo xiiso leh, laakiin waa in ay noqotaa mid xog ka abuurmi karto oo dooddu sii socon karto. 

Kolka aad qaabaynayso oo soo bandhigayso dooddaada waa in aad muujisaa waxyaalaha aad rumaysan tahay ee aad ku dooddayso, isla kolkaana waa in sharraxaadaada laga dareemo sida waxa aad rumaysan tahay u qaabeeyeen dooddaada iyo sida ay maangal u tahay.

Diyaarso inta barood ama dhibcood ee aad ku dooddayso. Dhibcaha aad ku doodayso waa in ay yihiin kuwo wiiqi kara doodda kan soo horjeedda.

Sidoo kale waxa aad diyaarisaa inta barood ama dhibcaha lidkaaga ah ee doodda kaa soo horjeedda adiga oo garsoor u samaynaya, isla kolkaana muujinaya liidnimada ku jirta ee lagu wiiqi karo.

Soo bandhig qodobada lagaga guulaysan karo doodda lidkaaga ah adiga oo muujinaya awoodda dooddaada iyo liidnimada iyo jilayca doodda kan kaa soo horjeedda. 

Awoodda dooddaada oo keliya ma soo bandhigi karto in aad doodda ku guulaysato, laakiin waa in aad dooddaada caddaymo taageeraya u raadisaa. Qodob kasta oo aad ku dooddayso waa in aad ku ladhaa caddayn taageeraysa. Qodobada taageeraya dooddaada waxa ay noqon karaan aragti aad qabto oo kula suubban, laakiin waxaa fiican in aad dooddaada taageero uga raadiso wax dhab ah oo aan cidna dafiri karin.

Ugu dambayn dooddu waa in ay maamuus leedahay (cinwaan).

Qoraalka doodda cuddoon waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah: arar, duluc, iyo gunaanad. Arartu waa dubka iyo diirka hilibka, dulucdu waa dhuuxa, caddiinka, iyo guduriga hilibka. Gunaanadku waa dheefta iyo abdaha hilibka. Inta badan qaybta koowaad waxa ay noqotaa hal tuduc. Qaybta labaad ee dulucdu waxa ay noqotaa hal tuduc iyo ka badan. Qaybta ugu dambaysa waxa ay inta badan noqotaa hal tuduc ama labo tuduc. Qaybta koowaad ee arartu waxa ay ka kooban tahay sharraxaad kooban oo gololada laga doodayo ku saabsan, iyo weedhaha rasmiga ah ee dooddu ku salaysan tahay, tusaale ahaan: 

"Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Dhexe oo Midow ah iyo Dawlad Gobolleedyo maadaama aannay bulshada ka dhex jirin wax kala duwaansho ah oo ku salaysan af, diin, dhaqan, hidde, dhul aad u kala durugsan, iyo wax dhul cidhiidhi ah."

Kolka aad ararta dhammayso waa in aad sharraxaad kooban ka bixisaa fikirka lagu muransan yahay. Ka dib soo bandhig doodda ay qabaan qolada aragtidaada lidkeeda ah. Liibaane soo bandhig doodda ugu culus ee ay cuskan karaan adiga oo u raacinaya aragtiyaha iyo waxyaalaha dhabta ah ee ay gargaarsan karaan. Intaas ka dib soo bandhig dooddaada rasmiga ah ee aad ku difaacayso aragtidaada adiga oo cuskanaya wax kasta oo ku taageeraya dhab iyo aragti aad qabto midka ay doontaba ha noqotee. Liibaane muuji oo ku tuuntuunso in aragtidaadu sax tahay, isla kolkaana caddee in ay ka sax san tahay qolada lidkaaga ah. Ugu dambayn gaar u soo dooro qodobada ugu adag dooddaada ee aad isku difaacayso.

Ugu dambayn waxa aad doodda ku soo afjartaa gunaanad si kooban u sheegaya waxyaalaha dooddaadu ku dhaadanayso ee dhabta iyo runta gundhiga u ah.

Kolka ardaygu diyaarinayo doodiisa cuddoon waxaa la farayaa in uu iska ilaaliyo waxyaalaha soo socda:

  • Iska jir in aad xoog u adeegsato dood ku salaysan dareenkaaga oo keliya.
  • Gunaanadka dooddaadu waa in uu ku salaysnaadaa arrimo maangal ah, laakiin iska jir gunaanad ku salaysan aragtidaada oo keliya.
  • Caddaymaha aad u keenayso dooddahaaga ha curin oo ha samayn, laakiin ha noqdeen kuwo marag geli kara.
  • Dooddaadu ha noqoto mid guud oo aan qofna si gaar ah u taabanayn.
  • Ugu dambayn si adag ugu diyaargarow sidii aad dooddaada u sutida ugu qaban lahayd.

Iminka waxa aynu soo qaadanaynaa labo doodood oo tan hore ku saabsan tahay Soomaaliya Ma Noqon Kartaa Dawlad Midow ah iyo Dawlad Gobolleedyo? Doodda waxaa iska soo horjeedda dad dawlad gobolleedyada u arka wax sax iyo dad ku doodaya in ay yihiin meel ka dhac ku yihiin Bulshada Soomaaliyeed. Soomaalidu waxa ay ku maahmaadaa: "Doqontu meel lagu xifaaltamay in lagu kala tageyo bay mooddaa." Doodani ma aha mid dhab, laakiin waa mid ujeedadeedu tahay in dhallinyarada la baro qaabka doodaha loo qoro. Kolka aynu ka gudubno doodda koowaad waxa aynu soo qaadanaynaa dood labaad oo ku saabsan Af Qalaad ma Noqon Karaa mid Bedela Afka Soomaaliga?

Tusaalaha 1aad ee Dood Cuddoon (Balanced argument): Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Dhexe oo Midow ah iyo Dawlad Gobolleedyo?

Tuduca 1aad: Arar

SOOMAALIYA MA NOQON KARTAA DAWLAD MIDOW AH?

Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Dhexe oo Midow ah iyo Dawlad Gobolleedyo maadaama aannay bulshada ka dhex jirin wax kaladuwaansho ah oo ku salaysan af, diin, dhaqan, hidde, dhul aad u kala durugsan, iyo dhul cidhiidhi daran ka jiro. Kol haddii ay meesha ka maqan yihiin waxyaalihii keeni karey in Dawlad Gobolleedyo la samaysto maxaa ay tahay baahida dirqinaysa in Dawlad Gobolleedyo la helo?

Tuduca 2aad: Duluc

Soomaalidu waa dad yar oo dhul ku filan haysta, isla kolkaana aannay jirin wax baahiya oo keenaysa in dalkooda loo qaybiyo dawlad gobolleedyo. Inta badan waxyaalaha ugu waaweyn ee keena in bulsho calan iyo soohdin wadaagta yeelato dawlad dhexe oo midow ah iyo dawlad gobolleedyo waxa ay noqon kartaa afka oo lagu kala tagsan yahay, diinaha oo lagu kaladuwan yahay, dalka oo aad u kala durugsan, dhulka oo ay kala dhantaaleen webiyo, buuro ama bad. Tusaale ahaan Itoobiya waxa ay haysataa dal ballaadhan iyo dadyow kala af, dhaqan, iyo diin ah. Hindiya, Canada, Maraykanka, Shiinaha, iwm dhammaantood waa dalal ay ka jiraan dhaqamo kala kaan ah, afaf kaladuwan, diino iska soo horjeeda, iyo dhul aad u kala durugsan. Hannaanka dawladda midowga Soomaaliya la ma garanayo waxa uu ka walax yahay iyo sida uu u shaqaynayo.

Tuduca 3aad: Duluc 

Dadka qaar baa qaba in dawlad gobolleedyadu yihiin wax sax oo lagu naalloon karo. Waxyaalaha ay cuskanayaan waxaa ka mid ah in dawlad gobolleedyadu ilaalinayaan kelitalisnimada dawladda dhexe ee midowga, awoodda dalka oo dheelitirmaysa, barwaaqada oo si sinnaan ah loo qaybsanayo, shaqo abuur fiican oo si siman loo qaybsanayo, iwm. Sidoo kale waxa ay ku doodayaan in dawlad gobolleed kasta si weyn ugu qayb qaadanayso gorfaynta iyo go'aamada waaweyn ee dalka la gaadhayo. Sidaas awgeed waxa ay leeyihiin dawlad gobolleedyadu waa wax sax ah.

Tuduca 4aad: Duluc

Maadaama aannay jirin waxyaalaha carro-edeg sababa in hal dal samaysto dawlad gobolleedyo miyaanu keenu ahayn qabiilkii iyo qabyaaladii oo shaati kale loo geliyey. Haddii aynu soo taxno waxyaalaha dhabta ah ee la arkay intii dawlad gobolleedyadu jireen waxaa ka mid ah in dawlad gobolleed kasta ay haystaan dhowrka reer ee lagu sheego in ay iyagu ugu laandheeraysan yihiin cid kalena ma haweysato jagooyinka sare ee dawlad gobolleedkaas. Dawlad gobolleed kasta saddex ama afar reer baa ku toogaysta oo isu banneeya. Bulshada inta kale waa halkiina iska jooga oo na dhegaysta weeye. Kolkaad timaado xafiisyada shaqada waxa aad meelaha qaarkood arkaysaa hal xafiis oo konton qof ka shaqayso oo intuba yihiin reeraha jagooyinka madaxtinimada ku toogaysta oo aan laangaab iyo lahaybsoocotoona ku jirin. Dhaqaalaha dawlad gobolleedka ka soo baxa, dhaqaalaha dawladda dhexe yimaadda, iyo dhaqaalaha hey'aduhu keenaan intaba waxaa badheedh iyo boob midkay doontaba ha noqotee cuna oo qaybsada reeraha dawlad gobolleedkaas ku toogaysta. Waxbarashada aqoondirsadka ee ay qaybiso Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Midowga Soomaaliya kolka ay gaadhaan dawlad gobolleedyada waxaa kala qaybsada reeraha meesha ku toogaysta. Kolka ay qaataan miidda iyo inta mac bay gufarka yidhaahdaan u qaybiya laangaabka iyo haweenka. Lahaybsooco la ma soo qaado oo iyaga warkooda la ma keeno aagga wax lagu gorfaynayo ama lagu kala goosanayo. Sidaas awgeed waxaa dawlad gobolleedyada ku dulman kumaan kun laangaab iyo kumaan kun la haybsooce oo aan wax garsoor suubban ah ku dhex lahayn dawlad gobolleedka ay ku nool yihiin. Kol haddii arrimuhu sidaas yihiin miyaanu ahayn dastuurka rasmiga ah ee ka dhex shaqaynaya dawlad gobolleedyada kii qabiilka iyo qabyaaladda ee ahaa: Ha noolaado qabiilku - haba sheegin sinnaanta. La haybsooco halkiisa - Laangaab ha iska joogo. Ha soo qaadin garsoorka - Haba sheegin haweenka. Haybtii tiro leh ee joogta - Hala dhegaysto warkooda.

Tuduca 5aad: Duluc

Tan kale waxyaalaha ay ku doodayaan dadka u ololeeya dawlad gobolleedyada oo ah in ay ilaalinayaan kelitalisnimada dawladda dhexe waa arrin u wada taal dadweynaha Soomaaliyeed ee ma aha wax u gaar ah dawlad gobolleed iyadaba hal reer baa ku amar ku taagleeyo. Sow innaga samaysanay labo gole dadweyne oo u taagan in ay ilaaliyaan soohdin durugsiga dawladda dhexe iyo xeer dejinta. Tan kale kelitalisnimadu waa hannaan maamul oo adduunka oo dhan ka soo horjeedo sidaas darteed suurtagal ma aha in uu dib u soo noqdo. Ma laga yaabaa in kelitalisnimadu ka jirto dawlad gobolleedyada. Tan kale ee odhanaysa dawlad gobolleedyadu waxa ay ka shaqeeyaan in barwaaqada si siman loo qaybsado waa arrin lagu qoslo waayo dhulkeena oo idil baa wada barwaaqo ah. Sidaas awgeed wax kelikeli loo yeesho waxaa ka barkhad badan wax wadar ahaan loo wada yeesho oo loo wada ilaashado. Barwaaqada dhulkeena taal waxa ay ku filan tahay dhowr kun oo ayni oo soo fool leh. Sidaas darteed waa wax cid kasta ka dhergeyso oo u baahan dawlad dhexe oo xoog badan oo inoo wada ilaalisa. Tan kale barwaaqo qaybsigu waa wax heshiis iyo xeer lagu dhigi karo ee ma aha wax dawlad gobolleed loo samaysto. Dhanka shaqo abuurka haddii aynu wada ilaashano dawladeena dhexe baa ku filan shaqo abuurka iyo in qof kasta nolol fiican helo. Sidoo kale waxa ay ku doodayaan in dawlad gobolleedyadu ka qayb qaataan gorfaynta iyo go'aamada dawladda dhexe, laakiin miyaanay arrintaasi ahayn tan aynu u samaysanay labada gole dadweyne ee Xamar fadhiya. Sidoo kale waxaa intaas ku filan guddoomiyayaasha gobol kasta u fadhiya dawladda dhexe iyo duqeyda magaalo kasta ee dadweynuhu doorteen. Shaqo meel kasta waa laga helayaa haddii dalku barwaaqo noqdo oo aynu si fiican oo wadajir ah u wada taageerno dawladdeena dhexe. Tan kale qofka oo Soomaaliya oo dhan shaqo ka heli kara maxaa ku koobay dhul gaar ah iyo dawlad gobolleed shaati qabiil gashan. Hawlaha ugu badan ee dawlad gobolleedyadu qabtaan waa dhuldurgsi xoog iyo xeel lagu riixayo tolalka taagta yar. Arrintaas waxaa u marag ah dhammaan wixii dagaalo sokeeye dhacay waxa ay ku salaysnaayeen dhuldurugsi. Dawlad gobolleedyada qaar bay adag tahay in la sugo soohdintooda oo dhul badan oo aannay lahayn iska sheeganaya oo aannay weliba gacanta ku hayn. Dawlad gobolleedyadu waa xarumo qabiil oo lagu duudsiyo tolalka laangaabka ah iyo dadka la haybsooco. Sidoo kale waa barta ay ka curato shaqooyin eex lagu bixiyo.

Tuduca 6aad: Gunaanad 

Dawladda dhexe iyo golayaasha dadweynaha ee heer qaran waxa ay ila tahay in dib u eegid lagu sameeyo hannaanka dawlad gobolleedyada waayo waa hab dadkii iyo dalkii kala xidhxidhaya oo turunturo weyn ku ah isu socodka dadweynaha, ganacsiga, horumarka, gaadiidka, iwm. Sidoo kale waa hannaan garsoorkooda lagu gaboodfalay dadka danyarta ah ee ku nool dawlad gobolleedyada.

Imminka waxa aad akhridaa oo u fiirsataa dooddii Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Midow ah iyo Maamul Gobolleedyo oo dhammaystiran oo is haysata.

Tusaalaha labaad ee Dood Cuddoon (Balanced argument): Af Qalaad ma Noqon Karaa mid Bedella Afka Soomaaliga?

Afka hooyo ee bulsho kasta oo meel deggan ku wada hadasho waa halbowlaha nolosha iyo horumarka. Soomaali badan baa rumaysan in afka Soomaaligu dhintay oo uu ka baxay kaalintii uu ku lahaa bulshada. Sidoo kale dad badan waxa ay qabaan in afka Soomaaligu hadda haysto fursad dahab ah oo uu aayaha dambe ku noqon karo afka carro-edeg ugu horumarsan. Dadka qaar ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wasaaradaha dawladda baa rumaysan in ay gef weyn ahayd in afka Soomaaliga la qoro.

Tuduca 1aad: Arar

AF QALAAD MA NOQON KARAA MID BEDELLA AFKA SOOMAALIGA?

Soomaali badan baa rumaysan in afka Soomaaligu dhintay oo uu ka baxay kaalintii uu ku lahaa bulshada. Sidoo kale oo dad badan waxa ay qabaan in afka Soomaaligu hadda haysto fursad dahab ah oo uu aayaha dambe ku noqon karo afka carro-edeg ugu horumarsan. Dadka qaar ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo wasaaradaha dawladda baa rumaysan in ay gef weyn ahayd in afka Soomaaliga la qoro.

Tuduca 2aad: Duluc

Sirta erayga iyo afku waa furaha carro-edeg. Afku waxa uu keenaa in la fahmo maarooyinka nolosha iyo aragtiyaha aqoonta oo fahankoodu fududaado. Bulshooyinka adduunku waxa ay aad  ugu dhegan yihiin ilaalinta iyo horumarinta afkooda waayo afku waa kaydiyaha dhaqanka, aqoonta, sirta bulshada, aftahanimada, murtida, iwm. Sirta ku jirta erayga iyo afka waa tan keenta in aynu fahano deegaanka aynu ku nool nahay iyo fahanka dhalanka dhulka. Noloshu waxa ay aad iyo aad ugu tiirsan tahay dhalanka dhulka sida dhirta, carrada, dhagaxa, buuraha, macdanta, webiyada, badaha, noolaha duurjoogta ah, iwm. Sidaas awgeed waxyaalahaas oo dhan waxa lagu fahmi karaa afka iyo adeegsiga erayada si loo horumariyo oo looga faa'iidaysto. Tusaale ahaan, haddii aad aqoonbaadhis samaynayso waxaa lagaaga baahan yahay in aad ku soo bandhigto af la kasi karo oo murti iyo macaan leh si loogu riyaaqo. Haddii aad dib u milicsato bulshooyinka adduunka ee ilbaxnimooyinka lahaa iyo kuwa hadda hoggaaminaya waxa aad arkaysaa in horumarkooda uu riixayey dhaqan iyo af ay dadyowga kale dheeraayeen ama dheer yihiin. haddii ay bulshada ka liidato horumarka dhaqanka iyo afka way adag tahay in ay ku tallaabsato horumar nololeed. Afkaaga oo horumarsan waxa uu keenaa in horumar laga sameeyo dhanka diinta, farsamada cusub, waxbarashada, beeraha, xoolaha, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, iwm.

Tuduca 3aad: Duluc

Iyada oo aynu dareenahay muhimada afku leeyahay waxaa jira dad xayn ah oo rumaysan in ay gef ahayd qorista afka Soomaaliga. Ugu horreyn waxa ay dadkaasi ku doodayaan in afka Soomaaligu ka dhacay kaalintii uu bulshada u buuxin jirey oo ay galeen afaf kale. Sidaas awgeed ay habboon tahay in aynu iska dhaafno oo baro afafka kale ee Ingiriisiga iyo Carabiga. Kolka labaad waxa ay ku doodayaan in aannu ka horumarsanayn ama la halmaamay eraybixintiisa oo aannu buuxin karin kaalinta loo adeegsado erayada Ingiriisiga ee farsamooyinka cusub iyo guud ahaan aqoonta cusub ee carro-edeg. Sidoo kale waxa ay kolka saddexaad ku doodaan in qoraalkiisu dheer yahay oo war yar kaa qaadanayo bogag badan. Kolka afraad waxa ay ku doodaan in afka Soomaaligu u badan yahay af miyi oo aannu magaalada waxba ka tarayn. Kolka shanaad waxa ay ku doodaan in afka Soomaaligu kooban yahay oo aannu buuxin karin ama lagu afniqi karin afafka kale. Kolka lixaad waxa ay rumaysan yihiin in afka Soomaaliga aan lagu baran karin aqoomaha kaladuwan iyaga oo tilmaamaya in dadkii Soomaalida ahaa ee dibadaha u dhoofay ay dhibaato ka qabsatay la qabsiga dalalkii ay tageen. Taas oo ay u aanaynayaan in ay wax ku soo barteen af Soomaali.

Annaga oo soo xiganayna dadka qaba in afka Soomaaligu ka dhacay kaalintii uu bulshada u buuxin jirey, waxa aan ugu horreyn leenahay haddii aad u qaadateen ama is moodsiiseen in afka Soomaaligu hawlgab noqday dib wax u maami oo doodaada soo tifqanyatiro. Afka Soomaaligu waa af ballaadhan, erayadiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba tix iyo tiraab, hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madaddaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shaxariir, qorriin iyo qunuhadal; gees loo dayaba waa af hodan ah, murti iyo macaana ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay. Eray walba oo erayadiisa ka mid ahi waxa uu leeyahay dhowr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhowr eray oo kale. Haddii aad ka gaabisay barashadiisa oo aadan kasay ma aha in aad bayuurayso ama ceebayso afka hooyo. Kolka labaad, waxaa aannu ku doodaynaa in eraybixinta afka Soomaaligu tahay mid hodan ah oo ay hubaal tahay in eray kasta oo Ingiriisi ama Carabi ah loo helayo ilaa saddex eray iyo ka badan oo jagadooda buuxin kara. Sidoo kale waxaa weli maanta jooga oo la helayaa dad badan oo aqoon durugsan u leh afka Soomaaliga. Kolka saddexaad, afka Soomaaligu waa af hodan ah oo qofka yaqaan uu qoraal murti badan xambaarsan ku soo koobi karo erayo kooban. Sidaas awgeed waxa aannu ku doodaynaa in uu yahay afka ugu qoraalada gaagaaban carro-edeg oo uu leeyahay erayo lagu soo koobi karo war iyo wacaal badan, laakiin waa qofkii aqoon u leh. Sidaas awgeed haddii aqoontaadu ka gaabisay afka ha ceebayn. Kolka afraad, afku ma kala laha miyi iyo magaalo, laakiin waxa ay ku xidhan tahay sida ay bulsho kasta afkeeda uga shaqayso oo kol kasta erayadiisa u adeeg geliso ama u cusboonaysiiyo. Dadka afka ku hadla bay ku xidhan tahay afka horumarintiisu. Sidaas awgeed haddii aynu ka gaabinay horumarinta afkeena isagu ceeb (bayuur) ma leh. Kolka shanaad, afka Soomaaligu ma aha af erayadiisu kooban yihiin, laakiin waxa uu sheeganaya fil weyni, hodantinimo eray, hodantinimo tix, hodantinimo murti, iwm. Sidoo kale waa af si mug weyn u buuxin kara horumarka afafka kale, horumarka farsamada cusub, iyo wax kasta oo loo baahdo. Kolka lixaad, afka Soomaaligu waa uu ku habboon yahay in lagu barto aqoomaha kale ee maaddiga ah. Arrintaas waxaa u marag ah dadka ugu firfircoon ama ugu waxgaradsan Geyiga Soomaalida waa dadkii af Soomaaliga wax ku bartay ee xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Bare. Dadkaasi waa kuwa dalku ka dhimanwaayey ee lacagaha xawaaladaha innagu hafiyey, waa dadka kolkii ay galbeedka tageeen afafkii kale si wacan u bartay, waa dadka horumarka farsamada cusub ee dalkeena hagaya, waa dadka siyaasadda ugu firfircoon oo ay ka go'an tahay in dalka dib loo dhiso. Ayniyadii gumaysiga waxbaray ama maamul u tababaray waa kuwa dalka qabyaaladda ku dumiyey, waa kuwa aan midhahoodii lahayn, waa kuwa dadka baday luufluufka iyo leeleelka. Kuwii carruurtooda afka qalaad wax ku barayey oo aan wax natiijo ah oo la taaban karo laga hayn. Kolka todobaad, afku waa walaxda lagu fahmo nuxurka aqoonta, laakiin dad badan baa u qaatay in aqoontu tahay af qalaad. Soomaalida ayaa hore murti ugu sheegtay oo tidhi: "Af qalaad aqoontu miyaa!" Laga soo bilaabo 1960 ilaa hadda waxaa dibadaha loo dirayey arday afaf qalaad wax ku baranaysey, laakiin la ma hayo aqoonyahanno soo celiyey natiijo la taaban karo ilaa wax yar mooyee.

Tuduca 5aad: Duluc

Afka Soomaaligu waa kan lagu adeegto maalin kasta ee aad doodaada iyo dantaada ku caddaysato. Sidaas awgeed ma sax baa adiga oo adeegsanaya in aad tidhaahdo waa af dhacay oo aan nolosha waxba ka tarayn. Qofku haddii uusan waxba ka sarriiganayn wixii uu doono waa iskaga hadli karaa. Aqoonbaadhis badan oo la sameeyey waxa ay sheegaysaa qofka afkiisa si wacan u yaqaan in uu afafka kalena si wacan u barto oo fahmo. Aqoonbaadhistaasi waxa ay sidoo kale sheegaysaa in carruurta yaryar aannay wax badan ka fahmin aqoonta loogu dhigo afafka kale. Taasna waxaa u marag ah xalaadda carruurteenu ku sugan tahay. Kolkii afaf kale wax loogu dhigay oo afkoodii la yasay bay cidla ku soo dhaceen. Maanta waxaa guryaha inoo hoganaya carruur badan oo hawl weyn innaga gaadhidoonto sidii aayatiin wacan loogu samayn lahaa. Murti badan oo tix iyo tiraab leh baa xusaysa muhimada afku leeyahay, tusaale ahaan, nin gabyey baa yidhi: "Afku waxa uu la xoog yahay magliga xawda kaa jara e." Sidoo kale maahmaahyada wax ka tilmaamaya muhimadda afka waxaa ka mid ah: "Geed kaa dheer ku ma dhaxantiro", oo macnaheedu yahay af aadan lahayn ku ma haqabbeeshid. "Afkaaga oo aadan ku cadgoosan waa cadow kugu yaal", oo macnaheedu yahay haddii aadan afkaaga si wacan ugu doodi karin oo dantaada ku gaadhi karin waa cadow kugu yaal. "Afkaaga oo aan hafar kaa rogin Allaah goo baa la yiraahdaa", oo macnaheedu yahay afka aad ku hadlayso oo aan been abuur kaa celin karin waxa uu ku habboon yahay in lagaa gooyo. Maahmaahda u dambaysa waxa ay tahay: "Afkaagu kun buu kaa celiyaa addinkaaguna hal buu kaa celiyaa", oo macnaheedu yahay inta afku kaa celiyo xoog iskaga ma celisid. Haddii aad garwaaqsatay doodayada ma is leedahay af kale ayaa inoo buuxin kara meesha afka Soomaaligu inoo ku jiro.

Tuduca 6aad: Gunaanad 

Ugu dambayn waxa aannu soo jeedinaynaa in aynu dib isugu noqono haddii aynu nahay bulshada Soomaaliyeed waayo dunida lagu ma arag, oo sheeko lagu ma maqal, oo shaahid lagu ma arag bulsho ku horumartay afaf kale oo loo soo dhoofiyey. Qofkuna waxa uu qiimo iyo qadarin ku leeyahay wixiisa ee qiimo ku ma yeesho walax dalal shisheeye laga soo dhoofiyey. Afka Soomaaliga waa af aad iyo aad u hodan ah haddii uu horumar sameeyana waxa uu saamayn ballaadhan ku yeelandoonaa afafka aynu bahwadaagta nahay ee Oromaha, Dankeliga, Saaxada, Siidaamaha, iwm oo dhammaantood ah afaf reer Xaam ah. Haddii aynu dadaalo oo afkeena u noqono waxa uu noqon karaa afka Geeska Afrika ugu horumarsan, isla kolkaana waxaa la helayaa dad badan oo doonaya in ay bartaan oo dhaqaale fiican laga samayn karo.

Kolkii hore waxa aynu soo aragnay dooddii tusaalaha oo kala qaybqaybsan, laakiin waxa aynu hadda hal meel isugu keenaynaa qaybihii tusaalaha:

Recent Articles