By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 28, 2026
SOCDAALKA NOLOSHA
Nolosha adduunku waxa ay ka dhigan tahay walax qalaalixiye (train) saaran. Maalintaad dhalatay waxa aad la kulantay aabahaa iyo hooyadaa oo fuushan qalaalixiye xilli hore saqaafe soo bilaabay, isla kolkaana ku fool leh dhul dheer oo tahan ah iyo meel aan fogaanteeda la garanayn. Sidoo kale kolkaad dhalatay waxa aad rumaysnayd in waalidkaa weligood kula joogayaan oo aad kol kasta dhinacaaga ka dayeysid. Kolkay xilliyadu is guraan oo cisho ku dhaafto oo mid kale ku dhaafto waxaa qalaalixiyaha kula soo fuulaya dad kale oo noloshaada muhiim ah sida walaalahaa, hablahaa, wadeeyadaada (saaxiibadaa), carruurtaada, iyo wehelka noloshaada ee xaaskaaga, laakiin waxaa dhicidoonta in qaar ka mid ah meelaha qalaalixiyuhu is taagidoono in ay waalidkaa kaaga hadhaan oo aad nolosha iyo saqaafaha inta kaaga hadhsan keli ku ahaandoonto adiga iyo kooxihii dambe ee gadaal kaga soo biiray qalaalixiyaha. Kuwa kale qudhooda ee kuu muhiimka ah waxa ay qalaalixiyaha kaga hadhidoonaan meelaha kaladuwan ee uu is taagidoono iyaga oo ka tagidoono meelo ama fadhiyo weligeed bannaandoona. Sidoo kale qaar ka mid ah dadkaas way sii wadandoonaan saqaafahooda iyaga oo aan garanayn meesha ay kaga degidoonaan iyo xilliga ay ka degidoonaan ee ay kuraastooda bannayndoonaan. Inta lagu jiro socdaalka qalaalixiyaha waxa aad la kulmidoontaa nolol farxad leh, rayrayn leh, murugo leh, filashooyin san leh, wax aad u riyaaqdo leh, tiiraanyo leh, taws leh, waxaad tebayso leh, welwel leh, dabaaldeg leh, is nabadgelyey leh, dhadhab leh, riyooyin leh, hiigsi leh, himilo leh, iwm. Guusha nolosha iyo liibaanta aakhiro waxa ay ku jirtaa in aad xidhiidh wanaagsan la leedahay dhammaan dadka qalaalixiyaha kula saaran. Xidhiidhkaas oo lagaa rabo in aad qof kasta u la dhaqanto sida ugu wacan ee aad awooddo waayo qof kasta waxaa ka qarsoon oo uusan ogeyn xilliga uu qalaalixiyaha ka degidoono oo ay toogadiisii tahay. Qof kasta waa laga qariyey meesha uu qalaalixiyaha kaga degidoono iyo waqtiga uu ka degidoono. Sidaas awgeed waa in aad qof kasta u la dhaqanta oo u la noolaato sida ugu wacan. Inta aad qalaalixiyaha saaran tahay waa in aad beertaa nolol ku dhisan is jacayl, isu tudhis, naf isu hurid, run isu sheeg, is aaminid, isa saamax, calool fayoobi, iwm. In aad arrimahaas oo dhan samayso waa muhiim oo waa laga ma maarmaan waayo kolka ay timaado ee la gaadho xilligii aad qalaalixiyaha ka degan lahayd ee aad kursigaaga bannayn lahayd waxa ay keenaysaa in aad ka tagto xusuus ma hadho ah oo qurux badan oo ay ka faa'iidaystaan kuwa socdaalka sii wadandoona. Ogow taariikhdu waa marag magacyana way qoraysaa. Taariikh maamuus leh oo kaa hadha waa walaxda ugu muhiimsan ee qofku ka tago. Inta aad ku jirto socdaalka qalaalixiyaha waxaa la arkaa in dadka qaar muhiim kuu ahaayeen, laakiin ha halmaamin oo ha ilaawin in aad cid kasta oo socdaalka qalaalixiyaha kula saaran ku tidhaahdo waad mahadsan tihiin.
LIFE JOURNEY
At birth we boarded the train and met our parents, and we believe they will always travel by our side. As the time goes by, other people will board the train; and they will be significant i.e. our siblings, friends, children, and even the love of your life, however, at some station our parents will step down from the train, leaving us on this journey alone. Others will step down over time and leave a permanent vacuum. Some, however, will go so unnoticed that we don't realize they vacated their seats. This train ride will be full of joy, sorrow, fantasy, expectations, hellos, goodbyes, and farewells. Success consists of having a good relationship with all passengers requiring that we give the best of ourselves. The mystery to everyone is: We do not know at which station we ourselves will step down. So we must live in the best way, love, forgive, and offer the best of who we are. It is important to do this because when the time comes for us to step down and leave our seat empty, we should leave behind beautiful memories for those who will continue to travel on the train of life. Who has been the most important person with you on the train? No matter how big their role, remember to thank those who were with you on your journey.