+252 90 4048010

tradition

FAALKA IYO GUHAANKA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: July 12, 2026


Bulsho kasta oo adduunka soo martay xilli kasta iyo meel kasta waxa ay lahaayeen sheekooyin ku saabsan halgankii bulshada soo gashay ee ay ku soo qotomiyeen ummadnimadooda sida sheekooyin metelaya geesiyiintii, fulayadii, dadqalatooyinkii, boqoraddii, cirfiidyadii, iwm. Sheekooyinkaas badankoodu waxa ay muujinayaan halgankii adkaa ee bulshadu soo martay iyo qaabkii ay u noolayd. Maqaalkan waxa aynu maanta ku soo qaadanaynaa sheeko dhab ah oo dhacday xilli ku aaddan horraantii qarnigii 17aad oo ku aaddan mudada u dhexaysa 1800 ilaa 1850naadkii.  Sheekadan oo ka dhacday Dooxada Nugaaleed waxa ay sawir fiican ka bixinaysaa qaab nololeedkii xilligaas ay u noolayd bulshada Nugaaleed. Ugu horreyn waxa aan wax yar ka tibaaxayaa Dooxada Nugaaleed iyo waxa ay tahay.

Dooxada Nugaal waa dhul ballaadhan oo ka tirsan geyiga Soomaalida. Nugaal waa dooxo baaxad weyn oo ku fadhida shan gobol. Dooxada Nugaal waxaa lagu tibaaxi karaa meelaha ugu taariikhda weyn Geyiga Soomaaliya. Duufaankii Nebi Nuux hortii waxaa la filayaa in ay ahaan jirtey badyaro, laakiin is bedelkii duufaanka dartii waxa ay noqotay beri caadiya. Tigaad-dhagariintu waxa ay qabaan in maanta Nugaal laga helayo raad badan oo tusinaya in goobtu badyaro ahaan jirtey, sidoo kale waxa ay tigaad-dhagariintu qabaan in Nugaal leedahay summad kasta oo meel bad ah laga helo. Ilbaxnimadhaadhiyiinta badankoodu waxa ay qabaan in Nugaal tahay meel saldhig weyn u ahayd Ilbaxnimadii Buntiyiinta ee Soomaalidii hore sida dadkii Tiirriyiinta. Dooxada Nugaaleed waxaa guud ahaan loo qaybiyaa Nugaal Sare, Nugaal Godan, iyo Nugaal Gibin. Sidoo kale waxa ay dooxada Nugaaleed leedahay labo dar oo hareeraha ka kulaala oo kala ah Darka Hawdka oo waagii hore la odhan jirey Garcaanoodle iyo Darka Soolka oo waagii hore la odhan jirey Garbahalle. Guud ahaan waxaa labadaas dar lagu tiriyaa in ay Nugaal ka tirsan yihiin. Summadaha lagu yaqaan Dooxada Nugaaleed waxaa ka mid ah: Dhagaxa Didibka ah, biyaha wiyeerka ah, dhegedka Dhoodiyeed, ciidda dhanaanka ah, iyo dhir badan oo Nugaal u gaar ah. Dooxada Nugaaleed waxaa ku dhexyaal Gobolka Nugaal Sare (Sool) iyo Gobolka Nugaal Gibin (Garoowe). Dhanka bari waxaa kaga teedsan Gobolka Bari iyo dhulka Iyaxeed, dhanka Waqooyi iyo Waqooyi bari waxaa kaga dhegan Gobolka Sanaag iyo dhulka bannaan ee loo yaqaan Saraar, dhanka waqooyi galbeed waxa ay kaga fadhidaa Gobolka Togdheer, dhanka Galbeedna waxaa kaga dhegan dhulka Soomaali Galbeed ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan dhulalka loo yaqaan Dibirka Ceelcad, Doollo, iyo Ciidnacas. Dooxada Nugaaleed waa dhulkii Tiiriyiinta iyo Madanlaha oo ah quruumihii hore ee Soomaalidu ka soo jeedo. Dooxada Nugaaleed waxaa ku yaal Boholaha Xargega oo ah dhulkii ay deganaan jirtey dadqalatada caanka ah ee Dhegdheer muddo hadda laga qiyaasay 3500 oo sannadood. Dooxada Nugaal waa afartan iyo sideed Jeex. 16 Jeex waxa ay ku yaaliin Gobalka Nugaal. 32 Jeexna waxa ay ku yaaliin Gobolka Nugaal Godan iyo Nugaal Sare ee Sool. Jeexyadaas kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah: Baraaha, Garbodiir, Waadeere, Dhumay, Xalin, Qawlo, Guryosan, Nuguul, Jalabudo, Bahalehe, Kacayo, Maragmaal, Bixin, Wow, Shimbiraaley, Casuura, Tifafle, Abeesaley, Gambadhe, Mugweyne, Buurawadal, Jidbaale, Nuurdaaqo, Qudhacdheero, Sannirgood, iwm.

Ugu horreyn waxa aan rabaa in aan sawir kooban ka bixiyo qaabka geyigu ahaa iyo qaab nololeedka u gaarka ahaa Bulshada Nugaleed ee xilligaas noolayd. Guud ahaan geyigeenu xor buu ahaa oo waxaa ka talin jirey nin leh iyo guurti ummaddeed, dadkuna waxa ay raaci jireen garasho suubban oo dhaqankooda iyo diintooda ku salaysan, gar eexana la ma naqi jirin, guurkuna hiddoraac buu ahaa, guuyadana faraskaa ugu qiimo badnaa, geeluna waxa uu ahaa halbowlaha nolosha ka hadhag leedahay. Xilliga sheekadu dhacday waxa ay ku aaddan tahay 60 sanno ka dib kolkii geyigeena laga kiciyey Gaalla Madowdii Oromada ee geyigeena qabsatay Jihaadkii Axmed Gurey gadaashiis. Kolkii Imaaradii Adal ee Axmed Ibrahim Gurey hoggaamiyaha ka ahaa ka talinaysey Harar  oo magaalamadax ah, Geyiga Soomaalida, iyo Gobolka Shawa waxa ay ka cabsanayeen labo cadow oo kala ahaa Amxaarada iyo Oromo cawaan ah oo dhulkaas kaga soo sunsumaysey Koonfur galbeed. Intii Imaaradii Adal ku foogneyd la dagaalanka Amxaarada iyo fogeyntooda waxaa Soomaalida dhulkii miyiga ahaa oo dhan ka qabsaday Oromo cawaan ah. Jaadka Oromadan oo la odhan jirey Booran, Aalo, iyo Caruusa waxa ay daaqsin ahaan isugu fidiyeen Geyiga Soomaalida oo dhan ilaa laga gaadhayo xeebaha Badda Cas ee Jabbuuti iyo xeebaha badda Hindiya, laakiin muddo ka dib Soomaalidu way la dagaalantay oo dhulka way ka kiciyeen oo waxaa la gaadhsiiyey dhulka hadda Oromadu degto. Taariikhdani waxa ay dhacday intii u dhexaysey qarnigii 17aad ilaa qarnigii 18aad ee Miilaadiga. Hadhaagii ugu dambeeyey ee Oromada waxaa dhulkeena laga kiciyey horraantii qarnigii 18aad sida ku cad taariikhdii Garaad Wiilwaal.

Xilligu waxa uu ku aaddan yahay 200 oo sanno ka dib Jihaadkii Axmed Gurey, bulshada waxaa ka dhex jirey burbur diineed, farcanka qabiilka iyo qolonimada oo aad u xoogaysanayey, isbahaysiyadii Dirka iyo Daaroodka ee hore iyo isbahaysiyadii Hawiyaha iyo Raxanweynta ee dambe oo dadku u qaateen dhalasho iyo dhalmo oo qabiilnimadii sii adkaystay. Xilligu waa in yar ka dib goortii Gaallaha la kiciyey oo faanka iyo tookha lagu naalloonayey. Bulshadu waa fardooley oo jilib kasta waxa uu haystaa in ka badan kun nin oo fardaha leedo ku fuula. Xilligu waa xilliga Ismaaciil Mire ka tirinayo raggow kibirka waa lagu kufaa. Gabayga iyo curinta suugaantu way ka xoog badan yihiin hubka culus ee lagu dagaalamo. Goobtu waa Dooxada Nugaal Godan oo barwaaqadu sanka isku hayso, xoolana Allaah ku fanahsiiyey, isla kolkaana waxa keliya ee maanka suubban xeeriyaa yahay xoogga, fardaha, iyo ragga. Bulshada Nugaaleed waxa ay kale aad ugu faani jirtey Fardaha Suunaariga ah ama fardaha qoobyarta ah ee xijigoodu fadhiyi jirey Dooxada Nugaaleed. 

Iyada oo xaaladaas lagu sugan yahay, goobtuna Dooxada Nugaaleed tahay bay soo ifbaxaday sheekada Muuse Faarax Hayl. Muuse waxa uu ku dhashay Dooxada Nugaaleed muddo lagu qiyaasay qarnigii 17aad. Muuse waxa uu ahaa ragga taladhaadhiga ah ee kolka arrimuhu adkaadaan furdaamintooda la warsan jirey isaga oo ku soo dhex barbaaray bulshadaas wada halyeyga ah. Muuse waxa uu ahaa halyey iyo wiil horaad. Xilligiisii waxa uu ahaa hantiilayaasha xoolaha lagu fanahsiiyey ee tarandacay. Muuse waxa uu caan ku ahaa sida colaad loo abaabulo iyo nabad looga taliyo. Isagu waxa uu ahaa murtiyoole ay maansooyinka iyo hadalka sarbeebaysan afkiisa ka hoorayaan. Muuse waxa uu ahaa nin hanti badan ka haysta saddexda meesi ee Soomaalidu dhaqato sida: ishin (geel iyo lo'), gammaan (fardo iyo dameero), adhi (ido iyo riyo). Xogta Bulshada Nugaaleed kaydisay waxa ay soo tebinaysaa in xoolaha Muuse ay ka shaqaynayeen dad gaadhaya 350 qof oo ciidan ah. Sidoo kale waxa uu haystey la taliyayaal badan oo wax la maamula. Shaqaalihiisa iyo maamulayaashiisu isma aqoon, laakiin waxa ay isku garan jireen kolka Muuse la sheego. Waagii hore waxaa erayga shaqaale loo isticmaali jirey erayga ciidan. Muuse shaqaalihiisu waxa ay isku garan jireen ciidan baan Muuse Faarax u ahay. 

Iyada oo xaaladdu sidaas tahay waxaa Muuse soo foodsaartay colaad weyn oo geel badan laga dhacay. Geela dhicidiisa waxaa keenay colaad guud oo dhex martay Bulshada Nugaaleed iyo Bulshada Iyaxeed. Bulshada Iyaxeed waxa ay dhanka bariga ka xigtaa Bulshada Nugaaleed, isla kolkaana waxa uu deegaankoodu dhereran yahay laga bilaabo dhulka Iyax ilaa deexda Badda Hindiya. Ragga dhacay geela Muuse Faarax waxaa abbaanduule ka ahaa nin la odhan jirey Madaxgeelle. Madaxgeelle waxa uu kale oo ahaa beeldaajiyaha cidaha geela dhacay. Madaxgeelle waxa uu geelii la tagey deex oo ah dhulka u sii jeeda Badda Hindiya. Muuse oo keligiis ah baa ka dabatagey raggii geeliisa qaaday oo ugu tagey meel la yidhaahdo Noobir. Noobir waa kur yar oo uu deggan yahay beeldaajiyaha ninka geela soo dhacay oo uusan ka guurin. Muuse waxa uu saddex bilood oo is dabajoog ah ergo u dirsanayey beeldaajiyihii nimanka geeliisa soo dhacay, laakiin waa uu diidey in uu la kulmo. Ugu dambayn Kolkii saddex bilood dhammaatay buu aqbalay in uu la kulmo. Nasiib darro kulankii waxa uu ku dhammaaday diidmo iyo geel kuuma hayno. Saddexda bilood ee Muuse ergada ahaa waxa uu fadhiisan jirey dhagax salax ah oo Kurta Noobir dusheeda ku yaal, labada cidhbood salaxuu saari jirey, qoodhahana waa uu qaawin jirey, maalintii oo dhanna bacadkuu fadhiyi jirey. Muuse intii uu ergada ahaa waxaa meesha ku haysey habar sirqo ah oo dadka Madaxgeelle adoonsan jirey ah oo gabowdey. Habartu waxa ay ku dayacnayd buul yar reerka duleedkiisa ah oo kolba wax loogu geyn jirey. Habartu habeenkii bay waxyaalaha loo keeno Muuse wax uga geyn jirtey. Habarta iyo Muuse waxay ku heshiiyeen "i ogow waan ku ogaanayaaye" oo macnaheedu yahay haddii geelaygii la i siiyo wax baan ku siinayaa ee adiguna i ogow oo kol kasta dhagarta la ila maagan yahay ila soo socodsii.

Kolkii saddex bilood dhammaatay baa gabadh guumays ah oo Madaxgeelle dhalay adoogeed ku tidhi aabbow ninka ergada ah geeliisa sii ama dil. Madaxgeelle waxa uu gabadhii ku yidhi maxaad aragtay oo taladan ku keentay. Gabadhii waxa ay tidhi dhowr arrimood oo aan ninkaas ku arkay dartood siiya geeliisa ama dila. Ugu horreyn, maalintii oo dhan dhagax buu ku fadhiyaa oo waxa uu sheeganayaa in uu fardo fuulka adkaysi u leeyahay oo in badan koore ku fadhiyi karo. Kolka labaad, waxa uu sheeganayaa in uu kurtun Qorraxda uga adkaysi badan yahay. Kolka saddexaad, qoodha qaawintu waxa ay tusinaysaa in uu raganimo badan yahay isla kolkaana tol u hiilinaya leeyahay. Madaxgeelle waxa uu go'aamiyey in caawa la dilo. Habartii u soo warami jirtey Muuse baa soo gurguuratey oo u sheegtay in caawa la qorsheeyey dilkaaga oo lagugu soo maqan yahay. Muuse waa uu ka baxay meeshii lagu yiqiiney oo waxa uu galay guriga Beeldaajiyaha duleedkiisa meel aan laga filayn. Cawadaas waa uu badbaadey Muuse oo tiisii Allaah kama dhigin. Arroortii iyada oo la bariisanayo buu Muuse u yimid Madaxgeelle oo salaamay. Salaamad ka dib waxa uu warsaday oo weydiiyey saaka maxaa inoo ballan ah. Madaxgeelle waxa uu ku yidhi, waxaa inoo ballan ah oo aynu isku og nahay reerkaygu waxa uu labada dhinac ka degaa geedkaas xamudhka ah ee labada dugsi leh iyo kurtaas Noobir. Sidaas awgeed waxa aynu isku og nahay kurtaas Noobir iyo geedkaas xamudhka ah ee labada dugsi leh. Sidaas bay Muuse iyo Madaxgeelle ku kala tageen. 

Muuse waa uu ka tagey Madaxgeelle iyo dhulkii uu degganaa. Muuse waxa uu fooda saaray dhulkii uu ka yimid ee Dooxada Nugaaleed. Kolkii uu soo laabtay waxaa loo qabtay shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen nin karmeed, waxgarad, indheergarad, odayaal, iyo cid kasta oo lagu tuhmayey raganimo iyo iloodinimo. Kolkii talooyinkii la rogrogey waxaa Muuse lagu yidhi geelaagii ka sabir colaadana innaga dhaaf, isla kolkaana waxa aannu garanay in aad geelasha tolka mid kasta dhex tagto oo adigu ka togato hal la yidhaahdo cubtan oo aad adigu ka cubanaysid geel kasta. Muuse waxa uu ku warceliyey geelaygu ma hargaa mise calalo? Taas oo uu uga jeeday aniga sidii hargo oo kale geel la ii ururinmaayo. Ka dib waxaa lagu yidhi haddaba adigu tali haddii aad taladayadii diidey.  Muuse waxa uu yidhi geelaygu miyaanu dal yaqoon lahayn? Nin fadhiyey meesha baa yidhi, waa aniga oo magaciisa la odhan jirey Dabcasar. Kol kale waxa uu Muuse yidhi geelaygu miyaanu lahayn aw? Nin fadhiyey meesha baa yidhi waa aniga oo magaciisa la odhan jirey Fiqi Samatar. Kol saddexaadkiina waxa uu yidhi geelaygu miyaanu talaxume lahayn? Taas isagaa isaga jawaabey oo waxa uu yidhi talaxumuhu waa aniga.

Tolkii shirka fadhiyey waxa ay Muuse weydiiyeen haddaad colaad ina gelisey bal waxa aad ka warantaa meesha aad tagtay gaadiidka fardaha ee aynu haysanaa ma innaga soo celiyaan? Muuse waxa uu ku soo warceliyey way ina geyaan, laakiin innaga ma soo celiyaan. Nin fardadhaadhi ah oo goobta fadhiyey baa yidhi tan oo kale waxaa ina geeya oo innaga soo celiya sange qoodhogooyo ah iyo geenyo qodban. Sidaas awgeed waa in fadhi kasta oo fardo ah laga soo soocaa inta sange qoodhogooyo ah iyo geenyo qodban ku jirta. Go'aankaas iyo taladaas colaadeed baa la qaatay. 

Kolkii go'aankaas la guddoonsadey waxa uu Fiqi Samatar ciidankii baxayey amray in nin kasta ciid dhulka ka qaato oo koorihiisa iyo barta uu fadhiyo ku gunto oo badhida saaro. Fiqi Samatar oo adeegsanaya awoodda faalka iyo idhasarcaadka waxa uu dharaartii u ekaysiiyey habeen, hadh, iyo hoosiis. Ciidankiina waa dhaqaajiyey oo kolkii uu meel marayaba waxaa hojiya dalyaqaankii Dabcasar kolkaasuu ciida qaadaa oo yidhaahdaa meesha aynu maraynaa waa meel hebla. Wax la sii socda oo deex iyo bad loo sii jeedo, waxaa kaabiga loo yimid baddii coonkeeda iyo duqii Madaxgeelle rabadintiisii. Durbadiiba waxa uu hoggaankii ciidanku dirsaday dooyo isla kolkaana waxaa la deberey qaabkii loo dagaal geli lahaa berrito.

Isla habeenka ciidamadu dul joogaan Madaxgeelle waxaa shiray guurtidii beesha Madaxgeelle. Guurtidu waxa ay is weydiiyeen caawa Muuse Faarah iyo raggiisii ma ka baqnaa oo ma laga yaabaa in Muuse ciidan soo humo? Nin guurtidii ka mid ah baa ka jawaabey weydiintaas oo yidhi saddex arrimood oo kala ah: Falkii Fiqi Samatar, dal aqoontii Dabcasar, iyo talo xumadii Muuse Hayl dartood waa laga baqaa Muuse iyo raggiisii. Nin faaliye ah oo guurtida ku jirey baa faal dhigay. Faaliyihii waxa uu yidhi, caawa waan yaabanahay waayo nimankii ciidoodiina waa ay joogaan cunsurkoodiina waa ina hayaa. Sidaas iyo saadaal cabsi leh baa habeenkaas lagu kala seexday.

Goortii waagii baryey waxa ay ciidankii Muuse Hayl isku meegaareen Kurtii Noobir, isla kolkaana waxaa kurta dusheeda la saaray nin qaylo weyn. Ninka kurta dusheeda fuushan waxaa lagu la ballamay in uu qayliyo oo yidhaahdo, "waa wareey war guluf baa ina soogalay." Iyada oo awalba beeshu qoonsi colaadeed ku jirey, waxaa la isaga yimid hayiin iyo dayiin ilaa meel kasta oo qaylo dhallaantu gaadhey. Ciidanka Muuse Hayl waxaa u qorshaysan in ay qofkii soo gaadhaba qudha hor dhigaan. Muuse lasftiisii waxa uu ciidamadiisa kula dardaarmay in ay u qabtaan ninka laxaadka weyn oo madaxa weyn kolkuu soo gaadho. Ciidankii Muuse Hayl waxa ay bilaabeen in ay ciddii u timaadaba ee soo gaadhaba dhegta dhiiga u daraan. Laga bilaabo arroortii ilaa xigsiintii wixii goobta soo gaadha waa la gawracayey, laakiin goor ay hadhsookorkii tahay baa Madaxgeelle iyo lataliyihiisii is weydiiyeen war maxaa ay tahay qaylo dhallaanta socota iyo meesha aan cidba ka soo noqonayn. Madaxgeelle iyo lataliyihiisii waxa ay u kicitimeen dhankii Kurta Noobir, isla kolkiiba waxaa qabtay ciidan u diyaarsanaa oo sugayey. In yar ka dib waxaa Madaxgeelle loo geeyey Muuse Hayl iyo taliskiisii. Muuse waxa uu Madaxgeelle ku yidhi, tali maanta! Madaxgeelle waxa uu yidhi, taliyey oo maanta naftaa xoolo ah. Muuse waxa uu ugu warceliyey ku dilimaayo laakiin geel iyo fardo kaaga tagimaayo, sidoo kale maato iyo adhi kaa taabanmaayo. Qorshahaygu waxa weeye in aan maatada iyo adhiga kaaga dhex tago adiga oo aan rag, geel, iyo fardo haysan. Muuse waxa uu ku yidhi, Madaxgeelle la shaqee ciidanka oo soo ururi wixii geel iyo fardo degmada jooga. Intaas ka dib waxa ay bilaabeen in ay maalmo iyo habeenno badan soo ururiyaan wax allaale wixii geel iyo fardo joogey dhulka, isla kolkaana ay dilaan wax allaale wixii ay rag qabtaan. Sidaas baa Madaxgeelle lagu mooraduugey oo lagaga dhex yimid maatadii iyo adhigii isaga oo aan rag, fardo iyo geel haysan.

Kolkii Muuse Hayl iyo raggii la duuley Nugaal yimaadeen waxaa gabay faan ah tiriyey nin raggii Muuse Hayl ka mid ah oo la odhan jirey Siciid Qamax, isaga oo yidhi:

Shafka reer maguuraan ahaa talo ku shiidaaye

Waxaan ahay shamsada soo baxdiyo shaaca waaberiye

Gobonnimadu waxay noo shaftiri shaaca dirireede

Iidoorku waa midaan shidiyo midaan shideeyaaye

Shan haddaan ka dilo waa anoo neef shidho u qalaye  

Warsangelina ceelkuu ku shiro iiga kala sheexye

Naftana wuxuu ku sheel sheelayaa Calo shareeraaye

Majeerteena waan shubay sidii shulub karuurkeede

Bahgareen shallaytiyo kuwaan shiday raggoodiiye

Naftana waxay ku sheel sheelayaan shamal cidhiidhyoone

Inaan meelo dheer shiish u dhigay waa shaki la'aane

Waa loo shahiid Noobir inay shaxi ka jeexnayde

Badda shaqafka inaan soo darsaday uunku wada sheegye

Nuur Dhegey shalaa laga shirabay shagaxlihiisiiye 

Shay caan ah baan ahay sidii sharraxa Soonqaade

Shumxaddii ka soo rogey fadhidey shucubadii hawde

Ingiriisku nama shaabihiyo nimanka Shaam yaale

Turkigaan u shoolaye nin kale shuufey hadalkiise.

Gabaygani waa kan ugu da'da weyn maansooyinka Soomaalida hadda qoraal lagu hayo. Qiyaastii waxaa gabay la tiriyey dhammaadkii 1700 ama horraantii 1800.

Sannad ka dib waxaa soo duuley Beeshii Madaxgeelle oo diigaanyo ciidan ah iyo hub wadata oo soo degey meesha la yidhaahdo Xaysima. Beeshii Muuse Hayl oo kolkan taal dhanka Ceerigaabo iyo Xadeed uma aannay kala furin wax hadal ah. Muddo shan bilood ah kolkii ay fadhiyeen waxaa gabyey nin la odhan jirey Nuur Maxamed Dhegey oo beesha Madaxgeelle ahaa, isaga oo yidhi:

Gabaygoo shinkiisu galaa waa shiirihii malabe

Shuux rooba buu igu yahay iyo sharraxan eegaayo

Shukaantiisa wiilkii qabtoo sheegay baan ahaye

Shidadiisa waataan nacee yare shiraac bixiyey

Wuu igu shirabay waxaan ahaa kun iyo shiin waaye

Ma shaabahano xaaraanta iyo shayga baadilahe

Kablalaxa shafkiisaanu nahay iyo shawkadii boqore

Shanle qaadka dhow baad matagi shalaxlihisiiye

Buuraha Shogoxo xaabadaan shidi jiraa taale

Shax maxaad ka sheegtaa lafihi shuxay adaa yaale

Gobonnimadu waxay noo shaftiri shaaca diineede

Ma adigaa na sheel sheelin kara shib Allaah kaa yeelye. 

Horta gabaygu guhaan buu ahaa oo ninkani waa uu habaartamay, sidaas awgeed  Siciid Qamax gabaygaas ka dib wax hadal waa laga waayey. Labadii gabay baa loo geeyey Boqorkii Beesha Madaxgeelle kolkuu qiimeeyey waxa uu ninkii beeshooda ahaa ku yidhi gabayga waa lagaa helay waayo waad habaartantay. Ninku waa uu kuu faanay sidaas darteed waxa ay ahayd in aad faanka ku ekaato.

Beeshii Muuse Haylna way soo hub urursatay oo waxa ay aaggii Ciidankii Madaxgeelle soo dhoobeen ciidan camaaryaley ah oo rag, fardo, iyo hub aan caadi ahayn. Meesha la isku hor fadhiyaa waa Buuraha Shogoxo oo ah dhanka Soolka u jeeda ee dhulka Xaysimo ee Dooxada Nugaaleed. Kolkii labadii ciidan muddo is hor fadhiyeen baa la wada hadlay oo lagu heshiiyey in labada beelood la kala badbaadiyo. Ciidankii Madaxgeelle waxa ay ku adkaysteen in aannan wax heshiis ah gelayn ilaa aad kabaha afka noogu soo qaadaan. Ciidankii Muuse Hayl waxa ay yidhaahdeen haddii lagu kala badbaadayo waanu yeelaynaa, laakiin weligayo ma aannu samayne na tusiya sida afka loogu qaado. Nin ka mid ah madaxdii Ciidanka Madaxgeelle baa tusiyey sida kabaha afka loogu soo qaadayo. Ka dibna way ku soo qaadeen oo u keeneen. Sidaas baa labadii ciidan lagu kala badbaadiyey, isla kolkaana labadii kooxoodba kabihii afka ugu qaadeen. Sheekada waxa aynu ka fahaynaa awoodda faalka iyo guhaanka. Laakiin ogow faalku waa xaaraam dhanka Shareecada Islaamka.

Liibaane haddii aad wax xog, war, iyo wacaal dheeraad ah ka hayso Sheekada Muuse Hayl iyo Madaxgeelle naga la soo xidhiidh Whatsappka: +252 90 799 5666.


Other Articles