+252 90 4048010

biography

WAAYIHI XAAJI AADAM AFQALOOC IYO GABAYGIISII AMLAAK

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Xaaji Aadam Axmed Xasan oo ku magac dheeraa Afqalooc waxa uu ku dhashay miyiga Magaaladda Ceerigabo meesha loo yaqaano Haldhagan ee Toga Mirashi sannadkii 1850kii. Meesha la yidhaahdo Haldhagan waxa ay Magaalada Ceerigaabo u jirtaa 50 km. Isla kolkaana waxa ay ka xigtaa dhanka waqooyi bari. Abwaanku waxa uu noolaa in ku dhow qarni iyo badh. Xaaji Aadam Afqalooc Allaah ha u naxariiste waxa uu geeriyoodey 5tii July 1986.  Abwaanku waxa uu ku geeriyoodey Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag isaga oo 136 sanno jir ah.

Xaaji Aadam Axmed waxa uu ka dhashay qoys reer guura ah oo u kala guurguura Ceerigaabo barigeeda, dhulka gubanka ah, iyo Xeebaha Xiis iyo Maydh. Dhanka aabbaha waxa uu ahaa ilmihii sagaalaad ee aabbihii dhalo, dhanka hooyada waxa uu ahaa curadkii bahdooda. Xaaji Aadam Axmed waxaa hooyadii la odhan jirey Dahabo Dhunkaal Dhegayare. Hooyadii waxa ay ka soo jeedaa deegaan Jiidali oo Ceerigaabo bari ka xiga. Xaaji Aadam Axmed waxa uu aabbihii ahaa nin aftahan ah oo golajoog leh. Axmed Xasan waxa uu lagu yaqaaney laynta shabeellada iyo libaaxyada dadqaadka ah. Xaaji Aadam Axmed xilligii uu carruurta ahaa ma jeclayn in uu xoolaha raaco, laakiin waxa uu jeclaa in uu dadka waaweyn ag joogo oo warkooda iyo wacaalkooda dhuuxo si uu carro-edeg wax uga ogaado. Abwaanku waxa uu aad u jeclaa in uu carro-edeg war badan ka ogaado. Abwaanku intii uu yaraa waxaa soo maray dhibaatooyin badan, laakiin waxa uu ahaa nin hoodo iyo ayaan leh oo kol kasta Allaah baa ka samatabixin jirey.

Abwaanku waxa uu ahaa nin Allaah filweyni dheer siiyey, isla kolkaana intii uu noola waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan iyo turunturooyin badan oo ay ka mid ahaayeen qafaalasho, xadhig sannado badan ah, dibadjoog, iwm. Abwaanku waxa uu ahaa nin hoodo wanaagsan oo Allaah waa uu ka badbaadiyey oo ka samatabixiyey dhibaatooyinkaas iyo turunturooyinkaas.

Xaaji Aadam Axmed Afqalooc, isaga oo afar jir ah oo la jooga aabbihii iyo hooyadii baa libaax qaatay. Kolkii libaaxii la tagey meel cidla ciirsi la' ah buu iskaga tagey oo ma cunin. Labo maalmood ka dib kolkii uu halkaas yaaley isaga oo dhiig baxay waxaa heshay gabadh la joogtey adhi meesha ku soo foofay. Gabadhii baa caano siisay isaga oo jidiin dhuubmay oo caano ku urquuntay. Kolkii adhigu ka diday qofka yar ee meesha yaala bay Gabadhu ogaatey. Reerkii gabadha dhalay waxa ay wiilkii yaraa hayeen oo baananayeen saddex bilood. Intaas ka dib waxa ay reerkii wiilka helay ka baytiyeen shir beeluhu isugu yimaadeen. Halkaas baa Xaaji Aadam Axmed Afqalooc reerkoodii dib loogu soo celiyey isaga oo laga quustay. Abwaanka waxa uu afku qaloocday habeenkii libaaxu qaatay.

Kol kale isaga oo abwaanku sagaal jir ah oo adhi la jooga Xeebta Tuulada Maydh bay reerkoodu ku tiriyeen in uu geeriyoodey.  Abwaanku waxa uu loox weyn ka helay xeebta uu adhiga la joogey oo bilaabay in uu looxii u fuulo badda dhexdeeda oo ku ciyaaro, laakiin waxaa ayaandarro ahayd in hirkii baddu jiitey oo moolka iyo meel aannu ka soo noqon karin geeyey. Abwaanku waxa uu badda dhexdeeda ku dhaxay habeenno ka dibna waxaa helay saddex doonyood oo ay wateen dad Carab ah iyo dad Dankeli ah oo ah Suuriyiin, Canfar, iyo Suudaaniyiin. Doonyahaas oo Xeebaha Soomaaliya ka guranaya kalluun, luul, iyo waxyaalo kale baa helay Xaaji Aadam Axmed oo qaatay. Doonyahaasi waxa ay abwaanka haysteen muddo dhan 6 bilood oo ay ugu adeeganayeen sidii qof ay soo gateen oo addoon ah. Intaas ka dib waxa ay doonyihii yimaadeen tuulo la yidhaahdo Waqdara oo u dhexaysa Maydh iyo Laasqoray kolkii ay hawshoodii dhammaysteen si ay cunto iyo waxyaalo kale uga sii qaataan xeebta. Kolkii ay tuulada yimaaden waxaa la kulmay nin tuulada joogey oo reer Laasqoray ahaa oo lagu magacaabi jirey Cali Gaacir. Cali Gaacir waxa uu aqoonsaday in wiilka yari yahay Soomaali ka dibna intuu galka seefta kala baxay buu nimankii ku yidhi "haddii aydaan iska soo rogin wiilkan yar dhammaantiin dhegta ayaan dhiiga idiin daraya." Kolkii ay nimankii cabsadeen bay iska soo rogeen Xaaji Aadam Axmed Afqalooc. Cali Gaacir waxa uu Afqalooc u kaxaystay oo la tagey gurigiisii. Muddo ka dib waxaa Xaaji Aadam la kulmay habaryartiis oo ku soo baxday isaga oo carruur la ciyaaraya ka dibna way ku dul barooratay, laakiin Cali Gaacir oo ah ninkii doonta kala soo degey waa uu u diidey in ay ka xaysato. Cali Gaacir waxa uu Afqalooc habaryartiis u sheegay in aannay kaxaysanayn ilaa magtiisii la siiyo. Muran dheer ka dib waxa ay xeerbeegtidii dhulkaasi go'aamisey in Afqalooc lagu furto 10 Ishin ah. Sidaas buu kol kale reerkoodii iyo gurigii aabbihii iyo hooyadii ugu soo laabtay.

Abwaanku isaga oo afar iyo toban jir ah baa uu dibadda u dhoofay. Socdaalkii ugu horreeyey waxa uu doon ka raacay Xeebaha Gobolka Sanaag. Doontu waxa ay sidey adhi ahmin ah iyo dhuxul. Kolkii hore ee socdaalka baddu way deganayd, laakiin habeen badhkii bay kacday oo doontii iyo wixii saaraa oo dhan liqday ilaa dhowr qof oo Xaaji Aadam ku jiro mooyee. Dhowrkaas qof waxaa u soo gurmadey markab badda marayey oo isha ku dhuftay hafashada doonta.

Xaaji Aadam Afqalooc waxa uu ahaa dhulmareen booqday dalal badan oo carro-edeg ku yaala. Abwaanku waxa uu booqday dalalka Yemen, Suudan, Masar, Eritrea, Falastiin, Siiriya, Iiraan, Faransiiska, Hindiya, Edegbadeedyada Java, Indooniisiya, Bakistaan, iyo dalal kale oo badan. Abwaanku waxa uu dhulmareen ahaa mudadii u dhexaysey 1892 ilaa 1942. Abwaanku waxa uu dalka dib ugu soo laabatay sannadkii 1943dii.

Xaaji Aadam waxa uu aad u taageri jirey in qofku inta uu nool yahay dhulmar noqdo si ay dhaayo ugu kordhaan. Abwaanku waxa uu dadka ku guubaabin jirey in aannay meel iska fadhiyin oo ay socdaan si ay nolosha carro-edeg wax uga ogaadaan. Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa "Niman dhul marin dhaayo ma leh." Xaaji Aadam Afqalooc isaga oo suugaantiisa ku muujinaya in dadku socdaan oo fadhiga ka kacaan waxa uu gabay ku yidhi isaga oo dadka Soomaaliyeed la dardaarmaya:

Saboolnimada aabbaheed waa fadhiga ee aad u camal yeesha

Adigoon indho la'ayn wakhtiga meel ha ku idlaynin

Xaaji Aadam Axmed Xasan oo ku magac dheeraa Afqalooc, waxa uu ka mid ahaa halgamayaashi Geyiga Soomaalida. Afqalooc waxa uu ahaa raggii sida weyn ugu soo dagaalamay xorriyada dhulkeena, isla kolkaana sida weyn u la diriray gumaystayaasha. Abwaanku waxa uu naf iyo maalba u huray sidii Gumaystaha Ingiriiska Soomaaliya looga saari lahaa. Xaaji Aadam waxa uu ahaa halgamaa dhiig hure ah, waxa uu ahaa geesi aan gaban, waxa uu ahaa deeqsi aan tashiilan, waxa uu ahaa la hiigsade, waxa uu ahaa habeen dhalad,  waxa uu ahaa aftahan hibo Eebbe u siiyey suugaanta bulshadiisa, waxa uu ahaa abaabule bulsho, waxa uu ahaa dhiirigeliya dadka guubaabiya, waxa uu ahaa dhiidhiye xumaha ka sarriigta, iwm. Abwaanku waxa uu goobo badan kula dagaalamay Gumaystaha Ingirsiika. Abwaanku waxa uu kale oo ahaa bare diineed oo dabuubta diinta aad ugu dheer tahay. Abwaanku waxa uu barashada Diinta Islaamka u maray dhul badan. Sidoo kale waxa uu Diinta Islaamka baray dadyow badan iyo dhul badan oo Geyiga Soomaalida ka baxsan. Abwaanka waxaa sidoo kale oo lagu xasuustaa aftahanimadiisi iyo suugaantii dahabka ahayd ee afkiisa ka qubaneysey. Suugaantaas oo uu si hagar la'aan ah oo aan baaqasho lahayn ugu la dagaalamay gumaystayaasha.

Xilligii dagaalkii 2aad ee carro-edeg oo ku aaddan dabayaaqadii 1930aadkii ilaa 1945aadkii waxaa Berbera ka qaxay Hindidii iyo Carabtii ku noolayd ee ay gacanta ugu jireen halbawlayaasha dhaqaalaha iyo ganacsigu. Kolkii ay qaxeen waxaa ganacsigoodii iyo xoolihii ay ka qaxeen gacanta ku dhigay Soomaalidii u shaqayn jirtey iyo dadkii kale ee Berbera joogey. Sannadahaas ay maqnaayeen Gumaysiga Ingiriiska, Hindidii, iyo Carabtu waxaa ilbaxay oo ganacsigii bartay Soomaalidii Berbera joogtay oo weliba hanti badan yeeshay. Sidoo kale waxaa horumarkaas Soomaalidii Berbera samaysay ku liibaaney Soomaalidii kale ee miyiga iyo kuwii ka imaanayey deegaanada fogfog.  Kolkii dagaalkii gabaabsi noqday ama dhammaanayey waxa ay Hindidii iyo Carabtii ganacsatada ahayd bilaabeen in ay Berbera dib ugu soo noqdaan si ay hawlahoodii ganacsiga u sii wataan. In kasta oo xaaladdu ka duwan tahay sidii ay hore ugu barteen waayo waxaa hadda soo baxay Soomaali ganacsato ah oo la tartamaysa. Sidoo kale waxaa xilligaas Soomaalida dhexdeeda ka socdey guux iyo abaabul gobanimodoon, laakiin ganacsatadii Hindida iyo Carabta ahayd waxa ay ka horyimaadeen dhaqdhaqaaqii gobanimodoonka ahaa oo waxa ay si badheedh ah u la safteen Gumaysigii Ingiriiska. Hindida iyo Carabtu waxa ay ku doodayeen in ay gumaysiga wax weyn ku qabaan oo uu dantooda wado, laakiin Soomaali aannay dantooda wadin.

Xaaji Aadam Axmed Afqalooc oo kolkaas dibadaha ka soo laabtay waxa uu la yaabay sida Hindida tadhahdey iyo Carabta ganacsatada ah ay hore ugu hantiyeen Magaalada Berbera. Sidoo kale waxa uu aad iyo aad u la yaabay sida ay dadka Soomaalida u quudhsanayaan, u dulaynayaan, gumaysiga ugu adeegayaan, isla kolkaana aannay Soomaalida ugu arag wax jira. Abwaanku waxa uu arkay hantidii Soomaalida oo Hindi iyo Carab qaateen. Sidoo kale waxa uu arkay Soomaalidii oo cidla' taagan oo aan waxba haysan oo sabool ah oo iyaga guryaha uga shaqaynaya. Xaaji Aadam Axmed waxa uu bilaabay in uu dadka shiriyo, abaabulo, dareengeliyo, oo isku dubarido si ay dulliga iyo darxumada haysta isaga rogaan. Abwaanku waxa uu shir ballaadhan oo aad looga soo qaybgalay ku qabtay Xeebta Batalaale ee Magaalada Berbera dhankeeda waqooyi bari. Shirkaasn waxa uu Xaajigu ku sheegay in dhibaatada dhulkeena ka jirta ay innaga haysato saddex dhardhaar oo ay ku fadhido kuwaas oo kala ah: Dhardhaarka Gumaysiga Ingiriiska, dhardhaarka ganacsatada Hindida iyo Carabta, iyo dhardhaarka Soomaalida gumaysiga la socota. Abwaanku waxa uu dadkii shirka isugu yimid ku yidhi oo ku guubaabiyey maanta aynu dhardhaarka ganacsatada Hindida iyo Carabta qaadno si aannay kol labaad ugu xididaysan. Isaga oo dadkii shirka isugu yimid guubaabinaya waxa uu gabay ku yidhi:

Amlaak ku ma lahaan jirin Berbera idilka Soomaale

Nin abbaan ah mooyee mushteri la ma aqoonayne

Afar iyo shan Carab baa makaan aada ku lahaaye

Adeegay idiin diran jireen aqalaad fiiqdaane

Ardal Baaniyaal iyo Hinduu ubuxu saaraaye

Iyagaa asaasaye nin kale ku ma ilwaadnayne

Idinkoo afmeerkiyo ka yimid idhanka Gaaroodi

Oo soo arraday oo Berbera adhiyo geel keenay

Ahminkaaga goortaad gaddaad imato daaskooda

Haddaad tidhi ascaartiyo maryaha iibku waxuu joogo

Afku dhabasho mooyee weydiin ma ogolaanayne

Sida eyda iyo dawacaday idin eryaayeene

Areemaad iyo arjood xumaad ku ogolaydeene

Ihaano iyo quudhsaad qabteen edebtu diidaaye

Nimankii adduunkeena dhacay Idalji qoomkiisa

Iyo Carabta reer Shixir ah ee adhaxda gaagaaban

Itifaaqe sebenkaad hurdada ku ibtilowdeene

Wax akhbaarta laysugu diray oo ula ekoonaatay

Inaad ehel qubuur iyo tihiin aadmi meytiyahe

Ixsaan ka ma falayn xoolahay ururinaayeene

Raggii dahabka Allaah-ka-koodin jirey eegga waa foqore

In yar baa hadhaye laga kaxay aradka Soomaale

Laga iibsey daaraha waxay ku ismanaayeene

Ilma adeeradiin baa ku jira aqaladoodiiye

Aswaaqdii majuusigu fadhiyey eydi laga saarye

Laga eri arwaaxdii jinkiyo ubadkii shaydaane

Ma aqoonin diintee dibay ku acbudaayeene

Ashahaadey guriguu fadhiyey inankii Raamraame

Nimankii dabada ka arradnaa eel ku soo noqoye

Abdaasha iyo awliyada iyo ehel karaameedka

Abaa Qaasim nebiga amranee u ifa kownkoo dhan

Rasuulkuu ku aaminey sharciga qaadirka abuuray

Awqaadda kheyrka leh bilaha laysu soo ururo

Halkuu sanamku oollaayey baa lagu adeecaaye

Iqbaal iyo nasraynoo kacoo aayaddii rogaye

Ab kasta ha noqdee waa tujaar inamadiiniiye

Adduunkay heleen kala ma tagin aradka Soomaale

Ma inkirin ixsaankiiye sakay aad u bixiyeene

Agoonkiyo saboolkiiba way wada ikraameene

Ilaah beydkii iyo bay dhiseen waqaf Islaameede

Amuurtii qabiiliyo ninkii oday u soo sheegta

Awoow iyo walaal iyo xigtiyo waalid la adeeco

Asalkaba macruuf beri ahaa ama abaal raagey

Abti iyo qaraabo iyo xidid loogu imanaayo

Ninba waxuu alliifaba hadduu guriga soo aado

Kolkuu ololka gaajada ba'shiyo oonka iyo diifta

Anfaciyo dhar buu kala tagaa awr la buuxsado e

Ikhwo iyo shuraakaynu nahay ubad walaalo ah e

Afartaa Hindiyo Carabtu way idin ablacaayeene

Ahlan iyo tarxiib xeeladaad ku istareexdeene

Waxa uurka la idiin fahmaa waa addoonimo e

Axwaashiina oo idil horay ugu ilqaadeene

Aqoon ma laha nimankaa qabuur eegga laasimaye

Haddii aan wax laga iibsanayn wuu ordi lahaaye

Asbuuc keliya buu gadan lahaa agabka hoos yaalle

Ninkii oomay dhalanteed biyuu u ictiqaadaaye

Ilo iyo jidhaamay la tahay inuu arkaayaaye

Waxuu sii itaalaba hadduu addinka gaadhsiiyo

Uu ka cab yidhaah buu kulayl omos ah taabtaaye

Asafka iyo tiiraanyaduu kala uleeyaaye

Abeesada dusheedaad xariir Abuya mooddaaye

Ilkahaa belaayada watay kugu asiibtaaye

Ajnebigaa la mida maalintuu kaa il roon yahaye

Ma asturo umuur kugu dhacdiyo iinta kugu taalle

Amaah labo Rubooduu kufrigu kugu ag joojaaye

Aradkeena nimankii kharibey hay abla-ablayne

Afkii ribo yaqaan naarta waa lagu amsiiyaaye

Iimaanka beentiyo wallaha waad ku ababtaaye

Waa waxa quluubta engejaad hore u eedeene

Ma aqbalo anoo kale laqwiga aan abdo lahayne

Abkay nimaan ahayn iyo qariib hay amaanina e

Arbaciin sannaan meerayoo waan ogsoonahaye

Addin hadduu kudkude kaa cuniyo oofta iyo lowga

Awalkiisa waad sahashataa aayar xoqotaaye

Ayaamaha dambaad soo dhacdaa aramidiisiiye

Aw Baashta nimankaas ahoo aradka boobaayaa

Iclaan iyo kinaayaba u idhi inaad ogaataane

Haddayse laabtu idin awdan tahay hadalku waa uufe

Ahay way kolkaan idiin ansaxay waa aqoon li'iye

In afkaartu iga sheellan tahay waxa akiidkii ah

Arnab baan libaax moodey iyo aar habeen guda e

Ulo iyo qodxaan moodayaa awlax iyo seefe

Aawaydaan hayaa meel dadkii aakhirow kacaye

Arwaax maqan ajsaad khaliya baan u addimaayaaye

Aragaha dad beelaan dariiq u ifinaayaaye

Dhego awdmey baan maqal rabaa inay ajiibaane

Acmaa baan tiriigga u sidaa waanu arkayne

Indho bururay baan doonayaa inay islaaxaane

Dab baa olola xaabada haddii loo agaasimo e

Haddii aad afuuf tidhi ramaad waa amuur culuse

Bisaaskaad akhlaaqdiyo dabciga uga ekaateene

Iyagaa isku itaalahoo aaw ka yidhi meele

Itifaaq la'aan lagu ma helo lib iyo iimaane

Kol haddaad is wada iibisaan aaminkii dhimaye

Haddii aan odhaahdu faa'iido tarin aamuskaa wacane

Amaano Allaah meel eber ah baan ooha ka hayaaye

Milgada Gabayga

Soomaalida idilkeed xoolo badan ku ma lahaan jirin Berbera intii ka horreysey dagaalkii 2aad ee carro-edeg, laakiin waxaa ka hor joogi jirey rag abbaaniin ah oo bulshada hoggaamiya oo gumaysiga la shaqaysan jirey. Inta badan la ma aqoon mushteri oo ganacsi ah. Berbera waxaa fadhiyi jirey afar iyo shan Carab oo ganacsato ah iyo Hindi Baaniyaalo ah. Xilligaas Soomaalida magaalo joogga ah ee Berbera joogtey waxaa keliya oo loo dirsan jirey adeegga guryaha iyo aqallo fiiqitaanka. Abwaanku waxa uu tilmaamayaa in dadka magaaladu u shidan tahay ay ahaayeen Baaniyaaliin Hindi ah oo doqomo ah. Abwaaku waxa uu muujinayaa in aannay Soomaalidu waxba ka ahayn Berbera. Abwaanku waxa uu timaamayaa in Berbera ku ilwaadnayd Baaniyaalada Hindi ah.

Idinkoo ka yimid meesha ugu fog dohda Gaaroodi ama dhulka ay ku soo afmeeranto iyo dhinaca shishe ee idhanka Gaaroodi. Idhanka waxaa la yidhaahdaa girgirka weelka qabadaha ahi ka jeledmo ama meesha wax ku dhammaadaan. Kolkaad ka timaadaan idhanka Gaaroodi waxa aad tihiin dad soo arraday oo Berbera adhiyo geel keenay oo doonaya in ay gaddaan. Goorta aad gaddaan ahminkiina oo aad timaadaan dukaamadooda iyo daasaskooda haddii aad ku tidhaahdaan sinniinka maryuhu joogaan noo sheega afku dhabasho mooyee wax weydiin ma ogolaanayne. Sida eyda iyo dawacooyinka oo kale bay idin eryaan oo aad weliba ku ogolaydeen cayda iyo aflagaadada ay idiin raacinayaan ee areemaad iyo arjood. Areemaad iyo arjood waa labo eray oo Hindi ah oo cay ah.

Abwaanku, isaga oo, guubaabinaya dadka Soomaaliyeed waxa uu dareensiinayaa xaaladda ay ku sugan yihiin isaga oo ku yidhi: Ihaano iyo quudhsi baad ku qabtaan edebtu diidaaye oo basar xumo badan ku dheehan tahay. Basar xumadaas waxaa idinku samaynaya waa nimankii adduunkiina dhacay oo ay ka mid yihiin Idalji qoladiisu iyo Carabta reer Shixiri ee adhaxda gaagaaban. Hindida iyo Carabtu waxa ay idiin heshiiyeen kolkii aad hurdada ku ibtilowdeene ee aad seexateen. Haddana waxa ay wararka isugu diraan oo isu tebiyaan in aad ehlu qubuur tihiin iyo aadme nool nool oo meyti ah. Sidoo kale wax abaal ah inoogu ma hayaan xoolahaas ay dalkeena ka ururinayaan.

Abwaanka oo tilmaamaya xaalkii Hindida iyo Carabtu ku sugnaayeen ka hor dagaalkii 2aad ee carro-edeg kolkii ay Berbera ganacsigeeda gacanta ku hayeen. Abwaanku waxa uu yidhi raggii dahabka Allaah-ka-koodin jirey ee ganacsatada ahaa ee Hindida iyo Carabta ahaa eegga waa sabool oo in yar baa kaga hadhay xoolihii ay ku haysteen Geyiga Soomaalida. Sidoo kale raggoodii ganacsatada ahaa wax yar baa ka soo noqday intoodii kale waxa ay la qaxeen Gumaysigii Ingiriiska oo geeyey dalalkii ay kolkii hore ka yimaadeen. Raggaas Hindida ahaa iyo raggaas Carabta ahaa ee ganacsatada ahaa waxaa daarahoodii iyo ganacsigoodii qaatay oo u hadhay Soomaalidii la shaqaysanaysey. Iyaguna waxa ay u dhoofeen dalalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen. Hindidaas iyo Carabtaas waxaa aqaladooda ku jira ilmaadeeradiin iyo xigaalkiina. Inta yar ee ka soo hadhay Hindida iyo Carabtana waa in aynu cidhibta ku dhufanaa. 

Abwaanku waxa uu guubaabinayaa Soomaalida, isla kolkaana waxa uu u soohaya war uu ku muujinaya in Gumaysigii Ingiriiska iyo ganacsatadii soo guurtada ahayd laga adkaaday. Abwaanku waxa uu yidhi Seyladihii Ganacsiga Berbera ee eyda Majuusiyiintu wax ku gadan jireen laga saar oo laga eri arwaaxdoodii jinka iyo ubadkii shaydaane ee ay ku caabudi jireen. Dadkaas Hindida ahi waxa ay intii ka horreysey dagaalkii 2aad ee carro-edeg Berbera ku caabudi jireen dibi iyo lo'. Sidoo kale waxa uu abwaanku timaamayaa kolkii la qabtay inanka uu dhalay ninkii Majuusiga ahaa ee Raamraam in uu ashahaatey. Taas oo macnaheedu yahay in nimankii dabada ka arradnaan jirey eel ku noqday.

Abwaanka oo weli sii guubaabinaya Soomaalida waxa uu leeyahay Soomaalidii qabsatay ganacsigii Hindida iyo Carabta kolkii ay qaxeen dagaalkii 2aad ee adduunka wax weyn bay ina tareen. Waayo abdaasha, awliyada, ehel karaameedka, iyo Rasuulkeenii udgoonaa ee Abaa Qaasim ee kownka oo dhan u ifa oo Allaah ku aaminey sharciga, waxa ay bilaha laysu soo ururo oogaan kheyrka oo ay ku helaan barako iyo horumar badan. Karaamooyinka ay Soomaalida ganacsatada ahi gaadheenna waxaa ka mid ah meelihii sanamyadu oollaayeen bay ka dhigeen meelo Allaah lagu adeeco. Sidaas awgeed haddii aynu nahay Soomaalida waxaa inoo kacay aqbalaad iyo guul. Sidoo kale dadka inoo kacay ee hadda hawlaha ganacsiga inoo haya waxa ay noqdeen ganacsato waaweyn oo adduunka la tartamaya. Ganacsigooda koraya waxa ay ka kasbadeen ixsaankii oo aannay inkirin iyo sakadii oo ay iska bixiyeen. Ganacsatadaas Soomaaliyeed waxa ay sharfeen oo wax siiyeen agoontii iyo saboolkii. Sidoo kale waxa ay ka qaybqaateen dhisitaanka masaajidda iyo arrimaha waqafka ah.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee hadda inoo bedeshey kuwii Hindida iyo Carabta ahaa kolka ay u yimaadaan dad miyiga ka soo saqaafay oo u qabiil iyo oday sheegta ama u sheegta awoow, walaal, ama xigto, waxa ay u falaan macruufkii iyo samihii aynu lahaan jirey iyo abaalkeenii raagi jirey. Ganacsatadeenu waxa ay dadkeena u yimaadda ka haqabtiraan cuntada iyo meel ay u hoydaan. Intaas ka dib waxa ay u raraan awr dhar iyo raashin ah oo ay guryahooda la aadaan. Taas oo macnaheedu yahay haddii aynu Hindida iyo Carabta ganacsatada ah iska saaro oo aynu innagu qabsano ganacsiga dhulkeena, waxaa dheeftiisa qaadanaya dadkeena iyo dhulkeena, laakiin Hindida iyo Carabta xoolaheena urursanayaan waxa ay dheeftiisa u diraan dhulkooda.

Afartaa Hindida ah iyo Carabtu iyaga oo idin liqaayaane baad nabdaadintooda ahlan iyo soo dhoweyntooda marxaba ku istareexdeen oo aad u qaadateen wax macno leh iyo naxariis ay idiin hayaan, laakiin xagga hoose ee uurkooda waxa ay idinku xukumeen oo idinka rumaysan yihiin in aad adoomo tihiin. Arrimihiina oo idil horrey bay meel u saareen oo idinku xukumeen in aad dad dhintay oo kale tihiin oo aan carro-edeg waxba ka ogeyn. Hindidaas iyo Carabtaas waxaa u kala dhig ah qofka dhintay iyo idinka nool nool. Dadka Hindida ah ee lo'da tadcaarsanaya iyo Carabta xabaalaha tadcaarsanaysa ma la aqoon ee waxa ay heleen dad ka liita oo ay addoonsan karaan. Dhulkeena iyo Berbera wax badan ku ma negaan karaan haddii aydaan wax ka iibsanayn. Hal todobaad oo keliya haddii aad ka joojisaan wax gadashada waa ay sal ka kacayaan.

Abwaanku isaga oo tilmaamaya xumaanta iyo qudhunimada dadka Hindida ah iyo Carabta waxa uu ku metalay ninkii oomay ee dhalanteed biyo u qaatay oo ay ula ekaadeen ilo biyo ah iyo jidhaamo waaweyn, laakiin kolkii uu sii luuday oo uu gaadhey meeshii dhalanteedka oo uu ka cab is yidhi buu kulayl omos ah taabtay oo tiiraanyo darteed ka huleelay. Soomaaliduna waa sidaas oo kale waxa ay dad moodeen dugaag cunaya oo Hindi iyo Carab ah.

Abwaanku isaga oo kol kale tilmaamaya xumaanta iyo qudhunimada dadka Hindida ah iyo Carabta waxa uu yidhi abeesada dusheeda baa la moodaa maryaha xariirta ah ee loo yaqaan Abuya, laakiin haddii ay kuu af kala qaado waxa ay kugu dilaysaa waabeydeeda. Sidoo kale dadka shisheeyaha ah ee aad dabo abraaraysaan waa abeesadaas oo kale. Dadka shisheeyaha ahi maalinta ay kaa il roon yihiin ama kaa il helaan ma kuu asturayaan bayuur yar oo aad leedahay ama iin yar oo maalintaas kaa muuqata.

Abwaanku isaga oo og dadkii Soomaalida ee uu la hadlayey waxyaalaha ay dood ka keeni karaan waxa uu ku yidhi: Amaah labo Rubood ah buu kufrigu idinku ag joojaa, isla kolkaana aniga ha ii abla-ablaynina nimanka dhulkeena kharibey ee Gumaysiga Ingiriiska, Baaniyaalka Hindida, iyo Carabta Reer Shixir ee ku dabo lifaaqan. Rubaddu waa lacagta Dalka Hindiya laga isticmaalo. Abwaanka oo ka hortegaya hadalada ay ku hadlidoonaan kuwa Soomaalida ah ee gumaysiga la shaqaysta waxa uu yidhi: afkii ribada cuna naarta ayaa lagu amsiiyaa sidoo kale iimaanka beenta ah iyo walluhu waa waxyaalaha aad hore ugu ababtaan ee qalbiyadiina engejiyey oo aad hore u eedeen. Haddii aad hadhowba ammaanidoontaan gaalada waxa aan idiin sheegayaa anigu ma aqbalo laqwiga aan abdaha lahayn, isla kolkaana ma doonayo in aad ii ammaantaan abkay nimaan ahayn iyo dad qariib dhulkeena ku ah. Dhanka waaya-aragnimada in ka badan afartan sanno baan carro-edeg wareegayey oo wax kasta waan ogsoonahay sidaas awgeed waan ka da' weynahay nin hadal loo sogordoho ama loo duurxulo.

Abwaanku isaga oo kol kale tilmaamaya xumaanta iyo qudhunimada dadka Hindida ah iyo Carabta waxa uu yidhi addin hadduu kudkude kaa cuno ama oofta ama lowga kolka hore waad yare fudaydsataa oo aayar baad iska xoqotaa, laakiin ayaamaha dambe baad u soo dhacdaa aramidiisa. Sidaas oo kale haddii aad fududaysataan dhibaatada iyo xumaanta idinku socda hadhow baad u soo dhicidoontaan aramideeda.

Nimankaas aw baashta ah ee dhulkeena boobaayaa waxa aan kor iyo hoos, badheedh iyo si maldahaadba idiinku sheegay in aad iska qabataan. Aw baashtu waa dadka xunxun ee la yaso. Isaga oo abwaanku ka welwel qaba in aannay hadalkiisa dhegaysanayn buu ku yidhi waan ogahay haddii laabtu idin awdan tahay in hadalku uf yahay.

Isaga oo abwaanku guubaabinaya dadkii Soomaaliyeed ee Berbera joogey waxa uu yidhi ah iyo way in aan sidaas idiin la hadlo oo wax idin soo moodo waa ii aqoon yari waayo waxa ay ahayd in aan la hadlo dad wax fahmaya. Abwaanku waxa uu yidhi in fikirkaygu gefsan yahay oo arrimihu iga sheellan yihiin waxa aan ku garanayaa bakayle ayaan libaax iyo aar habeen gudaya moodayaa oo u arkaa. Sidoo kale ulo iyo qodxo dhuudhuuban baan moodaya loox weyn iyo seefo isaga oo abwaanku u jeeda dad aan waxba ahayn bay Soomaalidu ka baqayaan oo dhulkoodii boobaya oo sidii ay doonaan ka yeelaya. 

Abwaanka oo guubaabadiisa sii wata waxa uu yidhi aaway waxa aan ka leeyahay meel dadkii aakhirow kacaye, sidoo kale waxa aan la hadlayaa oo ku addimaayaa nafo maqan iyo jidhadh madhan oo aan ruuxba ku jirin. Dad aragabeelay baan iskudayayaa in aan jidka u iftiimiyo sidoo kale waxa aan doonayaa in aan wax maqashiiyo dad dheguhu awdmeen. Dad dulloobey oo la indho tiray baan baan tiriig u sidaa sidii ay wax u arkilahaayeen isla kolkaana waxa aan doonayaa in aan hagaajiyo oo wanaaga tusiyo indho bururay.

Abwaanka oo kol kale guubaabadiisa sii wata waxa uu yidhi dabku waa uu ololaa haddii xaabada loo agaasimo, laakiin haddii aad afuufto dab ramaad ah waa arrin culus oo aan suurtagal ahayn. Dadkii uu la hadlayey buu ku leeyahay ma dab ramaad ah baad tihiin oo aan kolnaba daarmayn.

Abwaanka oo dadkii la hadlaya waxa uu ku yidhi waxa aan filayaa in aad bisadaha uga eg tihiin dhanka akhlaaqda iyo dhaqanka waayo iyagaa isku itaal ah oo had iyo goor oow meel ka leh. Midnimo la'aan lagu ma helo lib iyo iimaan kol haddaad is wada iibiseen aaminkii dhimaye. Haddii aan odhaahdaydu waxba idin tarayn aamuska ayaa ka fiicane sidaas iyo ammaano Allaah mindhaa meel eber ah baan ooha leeyahaye.

Qore - Ustaad Cabdisalaam Maxamed Xuseen