+252 90 4048010

biography

WAAYIHII MADAXWEYNIHII 1AAD EE SOOMAALIYA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 23, 2025


Aadam Cabdulle Cismaan (Aadam Cadde) waa madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelato intii u dhexaysey 1960-1967dii. Madaxweyne Aadam Cabdulle waxaa uu ku dhashey sannadkii 1908dii Magaalada Beledweyne ee isku xidha gobollada dhexe iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya. Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Aadam Cabdulle waxa uu Bishii Juunyo 8deedii sannadkii 2007dii ku geeriyoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweyne Aadam Cabdulle waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho 11kii Bishii Juunyo isla sannadkaas. Geeridiisa ka dibna waxaa looga magacdaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho "Gegida Caalamiga ah ee Aadam Cabdulle Cismaan." 

Madaxweyne Aadam Cabdulle waxa uu waxbarashadiisii dugsiga Qur'aanka, dugsiga hoose dhexe, iyo waxbarasho sare ku qaatay Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Aadam Cabdulle waxa uu wax weyn ka bartay maamulka iyo dawladnimada. Madaxweyne Aadam Cabdulle waxa uu sameeyey dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin Xisbigii SYL bishii Febraayo sannadkii 1944tii. Sannadkii 1946dii waxa uu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, sidoo kale waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbiga ee Degmada Beledweyne.

Sannadkii 1951dii waxa uu noqday maamulihii Gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxa uga ahaa xisbigii SYL ilaa laga soo gaadhey sannadkii 1953dii. Sannadkii 1953dii waxaa Gumaysigii Talyaanigu u xushay in uu noqdo ku xigeenka maamul hoosaadkii Soomaalida, sidoo kale waxaa 1954tii loo doortay guddoomiyihii xisbiga SYL ilaa laga soo gaadhey Bishii Febraayo 1956dii. Sannadkii 1956dii waxaa golihii lagu magacaabi jirey Golaha Soohdimaha (Territorial Council) lagu bedelley Golaha Talada Dadweynaha (Somali Legislative Assembly), halkaas waxa uu kol kale Talyaanigu gacan ku siiyey in uu noqdo xubin ka mid ah golahaas. Xilligaas waxaa Mudane Aadam Cabdulle Cismaan laga soo doortay Magaalada Beledweyne. Doorashadaas ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Golaha Talada Dadweynaha (Somali Legislative Assembly). Bishii Maarso ee sannadkii 1958dii waxaa loo doortay kol kale xilka ugu sarreeya ee xisbigii SYL iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Golaha Talada Dadweynaha (Somali Legislative Assembly), xilkaana waxa uu hayay ilaa 1dii Bishii Luuliyo sannadkii 1960kii.

Sannadkii 1959kii waxaa doorashooyinkii guud oo dalka ka dhacayna loo doortay kol kale xubin iyo in uu noqdo guddoomiyaha golaha xeer dejinta Koofurta Soomaaliya. Xilkaas waxa uu hayey ilaa golihii xeer dejinta noqdo Golihii Garsoorka (Constituent Assembly). Xilalkaas iyo shaqooyinkaasi waxa ay u fududeeyeen in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib kolkii ay midoobeen labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur oo ay sidaas ku samaysantay Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii Luuliyo sannadkii 1960kii.

Golihii Dadweynaha ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelato 1 Luulyo 1960kii waxaa guddoomiye ka ahaa Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf oo ku dhawaaqay Midnimadda labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur, iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla kolkaana waxa ay madaxweyne u doorteen Mudane Aadam Cabdulle Cismaan in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweynaha ku meel gaadhka ah, sannad ka dibna waxaa loo doortey in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya muddo lix sanno ah. Mudane Aadam Cabdulle Cismaan waxa uu dalka madaxweyne ka ahaa muddo todoba sanno ah.

Madaxweyne Aadam Cabdulle Cismaan waxa uu ku hadli jirey afafka Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, iyo Carabiga. Doorashadii dalka ka dhacay sannadkii 1967dii waa lagaga adkaaday, isla kolkaana waxa uu xilkii madaxweynanimada ku wareejiyey madaxweynihii ka dambeeyey ee Cabdirashiid Cali Sharmaake. Madaxweyne Aadam Cabdulle Cismaan waa ninka keliya ee Soomaali iyo Afrikada ugu horreeyey ee si sharaf leh xilka ku wareejiyey isaga oo adduunka idil kaga helay maamuus iyo tixgeliyo ilaa maanta.

Dadka soomaaliyeed ee siyaasada falanqeeya waxa ay is weydiiyaan ma soo maridoonaa Soomaaliya madaxweyne la mid ah Mudane Aadam Cabdulle Cismaan. Madaxda Soomaaliya ee burburkii qaranka ka dib talada dalka qabtay waa kuwa Soomaaliya soo geliyey ciidamadii weligood laga difaaci jirey Geyiga Soomaalida, kuwaas oo ahaa cadowgii geyigeena soo weeraray afar sanno ka dib kolkii aynu xornimada qaadanay. Weerarkaas oo dhacay sannadkii 1964tii waxaa Geyiga Soomaaliya ka difaacay madaxweynihii xilligaas ee Mudane Aadam Cabdulle Cismaan. Dadka yaqaaney waxa ay ku tilmaami jreen in uu ahaa nin dal jecel oo dadka iyo dalka dantooda wax kasta ka hor mariya. Madaxweyne Aadam Cabdulle waxaa uu ahaa nin aannay weligiis soo gelin raad ama wado tuhun oo wax is dabamarin ah ama musuqmaasuq ah. Dadkii ogaa waxa ay inoo sheegayaan in mudadii uu xilka hayey uu mushaarkiisii meel ku kaydiyey oo dibna ugu soo celiyey dawladda. Mushaharkaas waxaa lagu dhisay xarumaha dawladda ee Magaalada Afgooye. Madaxweyne Aadam Cabdulle waxaa uu aaminsanaa midnimo Soomaaliweyn Eebbe ha u naxariistee. 

Qore - Cabdisalam Maxamed Xuseen