+252 90 4048010

somali

SOOMAALIDU MA IS TAQAAN? QOFNIMADA SOOMAALIGA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 23, 2025


Ma laga yaabaa adiga oo bisad ah in aad libaax isu haysato. Mase laga yaabaa adiga oo libaax in aad bisad isu haysato. Qofka ama bulshada oo si wacan isu taqaan waa bilowga horumarka. In aad dadka kale arrimahooda qabsato oo farageliso waa ay fududahay, laakiin in aad naftaada hanato oo ka adkaato waxa ay u baahan tahay itaal xooggan iyo tamar badan. Hanashada naftaada waxaa laga yaabaa in ay qar iyo buur kaaga adag tahay, laakiin in aad dadka kale arrimahooda faraha la gasho waa ay kuu fududahay. Taasi waa dhixirka aadamaha. Tan kale qof kasta waxa uu aad u arkaa dhaliilaha dadka kale, laakiin tiisa ma arko. Soomaalidu waxa ay kaga maahmaahday, “Maroodigu takarta saaran ma arko ee waxa uu arkaa takarta kan kale saaran."

Haddii Allaah idmo waxa aynu maqaalkan kaga hadlaynaa Soomaalidu ma is taqaan. Bulshada oo fahanta waxa ay tahay waa horumarka dalka iyo dadka. Ugu horreyn kolka aynu leenahay Soomaalidu ma is taqaan waxa aynu u jeednaa saddex arrimood oo laga ma maarmaan u ah bulshada jiritaankeeda. Saddexdaas arrimood oo kala ah bulshada meel deggan oo qaran ah: 

1. sooyaalkeeda ma taqaan.

2. sokeeyahooda ma taqaan.

3. soohdintooda ma taqaan.

Saddexdaas arrimood haddii bulshada laga waayo siriq baa u qoolan. Tagtada carro-edeg dib u fiiriya bulshada intaas laga waayo waa la dhaxal wareejiyaa dhulkana waa laga qaadaa.

Soomaalida hadda joogta waxa aad moodda in demanaan badan ka muuqato kolka saddexdaas arrimood laga hadlayo. Arrimahaas waynu u soo noqonaynaa, laakiin bal aynu yare fiirino sida Soomaalidii hore isu taqaaney iyo tilmaamaha ay ka bixiyeen qaar ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed. Suugaanta waxa aynu ka helaynaa tilmaamo ay bixiyeen in badan oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed. Tilmaanta ugu muhiimsan ee Soomaalidu sida ay isu taqaan waxaa laga hayaa Cabdiqaadir Xirsi Yamyam oo yidhi.

Waqtiyda socdaalka ah

Ayaamaha silsilada ah 

Xilliyada bal suuree

Soo jire haddaad tahay

Sadarada dib ugu noqo

Soomaali waa kuma?

Sinnaantaan la magac ahay

San ku neefle ma ogoli

Inuu iga sarayn karo

Anna garasho sogordahan

Sooryo ruux uga ma dhigo

Soomaali baan ahay!

Ninna madax salaaxiyo

Ka ma yeelo seetada

Sasabada ma qaayibo

Sirta waxaan idhaahdaa

Saab aan biyaha celin

Soomaali baan ahay!

In kastoon sabool ahay

Haddana waan sarriigtaa

Sacabada ma hoorsado

Saaxiib nimaan nahay

Cadowgayga la ma simo

Soomaali baan ahay!

Socdaalkaygu waa meel

Sahaydaydu waa dacar

Soohdintaydu waa caan 

Seeftaydu waa cudur

Naftuna geedka iga sudhan

Soomaali baan ahay!

Nin isigay ma nabad galo

Nin i sugayna maba jiro

Libta weli ma siidayn

Gardarrada ma saacido

Nin xaq lehna cid la ma simo

Soomaali baan ahay!

Nabadaan u sahanshaa 

Colaadaan ka selelaa

Soomajeesto goobaha

Ninka nabarka soo sida

Gacantiisa ka ma sugo

Soomaali baan ahay!

Dabayshaan la socod ahay 

Salfudaydna u ma kaco

Waabey sunaan ahay

Marna samawadaan ahay

Samir baan hagoogtaa 

Soomaali baan ahay!

Ninkaan taydu soli karin

U ma yeelo suu rabo

Sida dunida qaarkeed

Sandullaynta ma ogoli

Ninna kabaha u ma sido

Soomaali baan ahay!

Ninka iga sed roonoow

Siintaada magaca leh

Ogow kaama sugayee

Hana odhan sasabo badow

Dareen seexda ma lihiye

Soomaali baan ahay!

Saan la kala jaraan ahay

Summadi ay ku wada taal

Rag baa beri i saanyadey

Anoo xoolo soofsada

Xil midnimo anaa sida

Soomaali baan ahay! 

Jiiftada Yamyam waa ay sheegaysaa saddexdii arrimood ee ahaa sooyaalka, soohdinta, iyo sokeeyaha. Bal hadda waxa aynu dhuganaynaa tilmaamaha ay bixiyeen qaar ka mid ah dadyowgii geyigeena soo booqday. Dadyowgii geyigeena soo booqday waxa ay sheegeen in Soomaalidu yihiin dad qab leh oo aad iyo aad u han weyn. Maamulayaashii Gumaysiga Ingiriisku waxa ay ka yaabeen iyaga oo dawlad weyn ah in ay cabsigelinwaayeen Soomaalida. 

Siyaalihii Soomaalidu u xaali jireen ee ay arrimahooda u furdaamin jireen waxa ay maamulayaashii Gumaysiga Talyaaniga iyo Ingiriiska kala mid dhigeen sidii ay u wada xaali jireen beeraleydii Ingiriiska iyo Iskotka. Sahamiyayaashii ugu horreeyey ee Soomaalida la kulmay waxa ay ku tilmaameen in Soomaalidu yihiin:

  • Dad raganimo leh, karti leh, awood badan oo hawsha loo diraa meel ku toos tahay.
  • Dad indhahoodu saafi yihiin oo dhaayahoodu dhugmo dheer yihiin. Isla kolkaana waxa ay u muuqdeen indho ku koray cunto caafimaad qabta oo aad iyo aad u fayow.
  • Dad aannay noloshooda tarraxin waxyaalaha tamarta lagu kiciyo sida bunka, shaaha, iyo maandooriyayaasha kale.
  • Dad aan sinaba loo barbardhigi karin Afrikada kale haddii ay tahay maskaxda, fahanka, geesinimada, deeqsinimada, iwm.
  • Dad wada geesiyiin ah oo aan ka baqay hub loo soo qaato iyo cagajugleyn toona.
  • Dad isu arka in ay cid kasta ka sarreeyaan oo aan dawladaha waaweyn ee Ingiriiska iyo kuwa kale waxba u ogeyn oo aannay agtooda waxba ka ahayn.

Guud ahaan waxa ay sahamiyayaal badan oo reer galbeed ahi isku raacsan yihiin in Soomaalidu leedahay tilmaamaha soo socda:

1. Ugu horrayn waxa ay yidhaahdeen Soomaalidu dhanka muuqaalka iyo jidhka waa dad dhaadheer oo dhuudhuuban, waa dad midab maarriin ah oo qurux badan, waa dad ay jidhkooda ka muuqato in ay cuneen oon nafaqo badan kolka la qiimeeyo ad-adayga jidhkooda, kartidooda, iyo dardargelinta hawlahooda, iwm.

2. Dhanka dhexgalka iyo la noolaanshaha waa dad martisoor wacan oo shisheeyaha soo dhoweeya, laakiin waa dad jiriido ah oo ay adag tahay in ay cid kale ku milmaan. Fursada qudha ee dhexdooda ka suurtagalka ah waa in aad ku dhex milanto oo u hoggaansanto sida ay iyagu doonayaan.

3. dhanka soohdinta kolka ugu horreysa ee ay arkaan qof soogalooti ah waxa ay weydiin jireen maxaa aad dhulkan ka soo doontay? Intee joogaysaa? Sababta ay weydiimahaas u warsanayaan waxa ay ahayd in cid kasta oo soogalooti ah la xidhiidhin jireen qoonsi dhuldoon ah. Weydiimahaas raggii la weydiiyey waxaa ka mid ahaa Richard Burton. Berigii Ingiriisku Berbera yimid baa Gumaysigii Ingiriisku codsi kulan ah u dirsaday nin Garaad ah oo duubabka Gobolada Waqooyi ka tirsan. Garaadkii waa uu aqbalay, laakiin aniga ayaa rag kuu soo diraya ku soo kaxeeya. Garaadku waxa uu raggiisii kula sii ballamay galab ka soo carraaba Berbera oo caawa oo dhan soo guuraysiiya si aannu dhulka u arag oo uga il buuxsan. Kolkii ay celinayeena fiid buu guura geliyey si aannu dhulka u arag.

4. Soomaalidu waxa ay ahaan jireen dad dhulkooda aad u yaqaan oo tigaadiisa iyo dheeftiisa la soo bixi yaqaan. Tusaale ahaan, qofka Soomaaliga ahi waxa uu ahaa mid yaqaan meel kasta oo biyo laga helo dhammaan Geyiga Soomaalida, meel kasta oo tigaad fiican leh, meel kasta oo midho leh, geed kasta oo dheef leh, meel kasta oo xabag leh, meel kasta oo qadhaab laga helayo, meel kasta oo malab laga helayo, iyo meel kasta oo adeegga noloshiisu u baahan tahay laga helo.

5. Dhanka sooyaalka iyo dhaqanka waxa ay ahaayeen dad dhaqankoodu u qaabeeyey wax kasta oo noloshoodu u baahan tahay, isla kolkaana ku kalsoon dhaqankooda. Tusaale ahaan, qof kasta oo Soomaali ahi waxa uu yaqaaney sida dhulkiisa dheefta ku jirta loola soo baxo. Gabadha Soomaaliyeed waxa uu dhaqankoodu u qaabeeyey in ay noqoto farsamayaqaanad taqaan wax kasta oo aqalk reerka looga baahan yahay. Gabadha Soomaaliyeed waxa ay awood u lahayd in ay samayso dhammaan weelka reerku u baahan yahay, gibilka aqalka, harrarada aqalka, gogosha aqalka, iyo dhammaan saabaanka reerku u baahan yahay.

6. Intii ay Islaamka qaateen Soomaalidu cidda keliya ee ay Soomaalidu sokeeye u taqaaney waa Carabta. Qofka Carabka ahi macno gaar ah ayuu u sameeyaa qofka Soomaaliga ah. Sahamiyayaashii reer galbeedku waa ay soo geli kariwaayeey Geyiga Soomaalida ilaa ay afka Carabiga soo barteen oo Carab iska soo dhigeen. Laakiin Carabtii hadda way is bedeshey oo tii la yaqaaney ma aha sidaas awgeed waa in aynu dib uga fekernaa waa ku ma sokeeyaheenu?

Qofnimada qofka Soomaaliga ah waxa ay ku sheegeen arrimo badan oo qaarkood is qaadanayaan qaar kalena is diidayaan oo aan meel wada geli karin. Tilmaamahaas waxaa ka mid ahaa:

  • Qofka Soomaaliga ah waxaa ka muuqanaysa fudayd iyo saldhigasho la'aan.
  • Qofka Soomaaliga ah waxaa ka muuqanaysa hadal yare taag taagan oo sidii dagaal oo kale la moodo.
  • Qofka Soomaaliga ah waxaa ka muuqanaysa in aannu maamin badan ku bixin aayaha dambe ee noloshiisa.
  • Qofka Soomaaliga ah waxaa ka muuqanaysa is amaanid xad dhaaf ah iyo sharaf weyni aannay aadamahaba jirin cid ka sharaf weyn.
  • Qofka Soomaaliga ah waxaa ka muuqanaysa tixgelin xumo iyo tadhah seetada goostay oo cidda la diidan yahay toos loo candhuufaynayo.
  • Qofka Soomaaliga ah waxaa ka muuqanaysa in uu isu arko qof dadka oo dhan ka sarreeya, isla kolkaana waxa uu rumaysnaa in aannay jirin cid wax u sheegi karta oo aan Soomaali ahayn waayo isaga uun baa isla toosan. 
  • Hanka qofka Soomaaliga ahi waxa uu ahaa cid la barbardhigo iskaba dhaafe ma aannay jirin cid ka wanaagsan. 
  • Iyada oo ay jireen waxyaalahaas aynu soo sheegnay oo dhan haddana waxaa qofka Soomaaliga ah caado iyo dhaqan u ahayd madaxbannaani, kelikelinimo, martigelin dhammaystiran, iyo wax tashiilid noloshiisa joogto u ahayd.
  • Halisi meel ay ka jirto ka ma gaban jirin xataa haddii lagu nafwaayayo.
  • Qofka Soomaaliga ahi waxa uu lahaan jirey geesinimo iyo ad-adkaan xad dhaaf ah oo aannay jirin cid la barbardhigi karo.
  • Qofka Soomaaliga ahi waxa uu ku noolaa oo hoy u ahaa dhul u dhexeeya lammadeegaan iyo kayn gaab qodaxley ah, isla kolkaana waxa uu aad u yaqaaney sida loo naas nuuga deegaankiisa haddii ay ahaan lahayd baad, biyo, ama qadhaab kale.
  • Soomaaligan geesiga ah, qabka weyn, dagaal yahanka ah ee tudhista daran waxa uu awoodey in uu sameeyo waxyaalo waaweyn oo gobanimo leh sida dhulkiisa oo uu u dhinto oo difaaco, sharaftiisa oo uu ilaaliyo oo aannu ogolaan jirin in ciddi le'eg lagu soo soohdin gudbo, iwm.
  • Qofka Soomaaliga ahi haddii uu go'ayo isaga oo dalkiisa ama sharaftiisa difaacaya waa uu iska ilaalin jirey in uu baroorto ama taaho kolka naftu ka sii baxayso. Isaga oo qoslaya oo og in uu sharaftiisa iyo dalkiisa ilaalinayey bay naftu ka bixi jirtey.
  • Qofka Soomaaliga ahi wax yar buu ka welweli jirey nabarrada jidhkiisa soo gaadhaya kol hadduu difaacayo sharaftiisa iyo dhulkiisa. Sidaas awgeed waa ay yarayd inta la arko qof Soomaali ah oo jidhkiisa nabarro ku ool.
  • Xagga muuqaalka iyo marriimashada waxa ay Soomaalida ku tilmaameen in ay yihiin dad yare qorqoran oo dhar xidhasho fiican. Qofka Soomaaliga ahi wax kasta oo uu marriinto waxa uu ku soo bixi jirey wax qurux badan oo ishu qabanayso.

Guud ahaan Soomaalidu waa dad aad iyo aad u dagaal yahaniin ah iyaga oo isticmaalaya tabo lagu hoogo. Hubka waxa ay qaadan jireen waran aad u afaysan, gaashaan mayal adag oo harag geri ama wiyil ka samaysan, billaawe ama golxob aad u af badan, iwm. Soomaalidu waxa ay jeclaan jireen dagaallada gacanta la isu la tago ee ka fool ka fool ah, laakiin haddii ay ka fursan weydo waxa ay qaadijireen weeraro guluf iyo gaade ah iyaga oo ku dagaallamaya kaymaha gaagaaban ee qodaxleyda ah.

Maamulayaashii gumaysigu waxa ay warkoodii iyo xogtii ay ururiyeen ku soo gebagebeeyeen haddii Soomaalida loo tixgeliyo sharaaradooda iyo arrimahooda, isla kolkaana tababar fiican la siiyo waxa ay noqon karaan dadka ugu fiican ee Afrika lala shaqaysan karo. In kasta oo qofka Soomaaliga ahi kolnaba ogolayn in lagu shaqaysto.

Qofka Soomaaliga ee maanta jooga waxaa laga rabaa in uu dib isu fiiriyo oo bal eego waxyaalaha ay tilmaamahaasi bixinayaan xaggee ama intee baa aad kaga sugan tahay. Arrinta ugu welwelka badan ee dadka Soomaaliyeed haysata waa dhulkooda iyo soohdintiisa ma yaqaaniin. Qofka dhallinyarada ah ee maanta nool waa laga yaabaa in uu wax kaaga sheego magaalada uu ku nool yahay gudaheeda iyo mid kale oo uu booqday, laakiin haddii aad wax ka weydiiso magaaladu uu ku nool yahay hareeraheeda haba sheegin in uu wax warcelin ah ku siiyo. Dhallinyarada jaadkaas ah kolka ay qabtaan hoggaanka dalka tolow maxaa dhicidoona?

Dawladihii dalkeena soo maray waxa ay ahayd in ay badhitaaraan oo tabantaabiyaan dhaqankaas jiriidada ah ee Soomaalidu lahaan jirtey, laakiin ma aannay ahay in ay dadka u fasaxaan jaandiyo iyo bir qalax bannaanka laga soo dhoofinayo.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen