By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: July 24, 2025
DUUNYADA DULMAN
Qormadan waxa aynu ku ku daahfuraynaa xog ku saabsan duunyada dulman iyada oo looga gol leeyahay in aynu isku baraarujino daryeelka nolosha ee dadka iyo dunqaarada kaladuwan. Eebbe weyne (sw) waxa uu yidhi, "isu naxariista intiina dhulka joogta si aan cirka idinka naxariisto." In aynu hello tudhis iyo naxariis Eebbe waxa ay ku xidhan tahay in aynu isu naxariisano. Haddii aynu nahay Soomaalida waxa aynu u haysanaa in odhaahda isu naxariista ay ku eg tahay aadamaha oo keliya ama inta aad isku cidda tihiin oo keliya. Haseyeeshee waxa aad ogaataa in naxariista ay u baahan yihiin cid kasta sida: cayayaanka dhiblaawaha ah, dhirta, xoolaha, ugaadha, gabsasta dhiblaawaha ah, iyo habardugaaga aan dhiiftaada doonayn. Noole kasta waxa uu u baahan yahay:
biyo sida aad ugu baahan tahay
hawo sida aad ugu baahan tahay
hoy sida aad ugu baahan tahay
cunto sida aad ugu baahan tahay
tudhis sida aad ugu baahan tahay
ubad iyo carruur sida aad ugu baahan tahay
horumar iyo ladnaan sida aad ugu baahan tahay
Sidoo kale waxa uu noole kasta kahdaa ama neceb yahay wax kasta oo adiga ku dhibaya. Noole kasta waxa uu
neceb yahay nabarka lagu dhufto sida aad adiguba u neceb tahay.
ka xanuunsadaa waxyeellada loo geysto sida aad adiguba uga xanuunsato.
dhibbane u yahay daryeel la'aanta lagu sameeyo.
inkaaraa cid kasta oo dhibaato u geysata.
Sidaas awgeed waxa aynu qormadan kaga hadlaynaa waxyeellada aynu u geysano duunyada aynu dhaqano, dunqaarada kale, iyo dhibaatada aynu nafteena u geysano.
Waayahan dambe waxaa jira duunyo ama dabjoogta badan oo ku nool magaalooyinka, isla markaana aan ku haysan wax daryeel ama xannaano ah. Dabjoogta ku dulman magaalooyinka waxaa ka mid ah riyaha, idaha, lo'da, bisadaha, digaaga, iwm. Mararka qaarkood waxa aad arkaysaa lo' reero tirsadaan oo qashinqubka rabaasaysa oo derbiyada iyo jidadka baabuurta fadhida. Sidoo kale waxa aad arkaysaa digaag suuq weynaha yaacaaya oo aan hoy iyo hunguri haysan. Kolalka qaarkoodna waxaa dul mara baabuurta jidadka maraysa. Sidoo kale waxaa la mid ah bisadaha oo aad iyo aad ugu dayacan tuulooyinka iyo magaalooyinka. Bisadaha waxaa dayaca u dheer carruurta oo cadow u ah oo meeshii ay ku arkaan ku dila oo dhagax iyo halgaad ku tuuraya. Suuqyada magaalo kasta waxa aad ku arkaysaa riyo iyo ido yaacaaya oo quud doonaya oo naftii hayso gaajo darteed. Kolka ay iskudayaan in ay wax hadhaa ah ama lufluf ah ka baanjiyaan maqaaxiyaha iyo rugaha cuntada waxaa halgaad iyo dil la beegsada shaqaalaha maqaaxiyaha oo si tudhis la'aan ah u dila.
Sidoo kale waxaa isku dhiban haweenka khudradda iyo fawaakihda ka ganacsada iyo adhiga magaalada. Haddii isheedu wax yar sii jeensato waxa uu adhigu kala cararayaa xoogaagii ay ka ganacsanaysey. Halkaas oo ay adhigana ka soo gaadho dhibaato dil ah. Dayaca iyo baylahda xoolaha haysta awgeed waxa aad arkaysaa adhigii oo qaarkii ku dhalayaan derbiyada magaalada oo aan cid u daryeel qabtaa jirin. Dadweynaha iyo dawladaha hoose ee magaalooyinku waxa aad mooddaa in ay ka deman yihiin waxyaalaha xoolaha ku saabsan.
Xoolaheenu waa lafdhabarta dhaqaalahaeena iyo jiritaankeena. Iyaga waxa aynu ka helnaa dheef badan oo aan la koobi karin sida: caano, hilib, subag, maqaar, dhogor, iwm. Hubaal waxaa ah in jiritaankeenu halis ku jiro haddii aynaan xoolo haysan. Iyaga oo sidaas muhiim u ah ma mudan yihiin in aynu baylihino oo ay agteena antaweerayaan oo ku silcayaan. Xoolaheenu waa gumaradeena rasmiga ah sida uu sheegay nin gabyaa ah oo aan magaciisa la hayn. Ninkaasi waxa uu yidhi:
Geela iyo fardaha iyo lo'diyo gaabanow adhiga
Gargaaraha dameer iyo buquul gurada loo buuxshey
Gidigoodba xooluhu naftey raaxo geliyaane
Haddaan Eebbahay nagu galladin libin ma gaadhneene
Gasiinkaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e
Gacanteena midig weeye iyo gumaradeeniiye
Gabdho iyo rag hawsha u guntada yey gabaabsiyine
Jiilaal garwaaxsadey abaar galuhu duulaayo
Ninkii geel lahaa wuxuu dhamaa caanihii goraye
Gorof iyo sibraar buu sitaa garabka saaraaye
Ganuun buu carruurta u shubaa gooru doonaba e
Gablo iyo ciyaar buu kolkaas gegi butaystaaye
Gendi iyo gafane kaa cuniyo shilin gabaareya
Haddaan qodaxda laga goyn xanuun gaar ah baa heliye
Gu' hagaagey geeslaha dhashoo roob ku gobo' leeyey
Gadhoodhka iyo caanaha batee guriga yaalyaala
Gaarida lushaa haanta waa gacal ammaantaaye
Gasiinkaad cuntaba xoolaha meel ka soo gala e
Gacanteena midig weeye iyo gumaradeenniye
Gabdho iyo rag hawsha u guntada yey gabaabsiyine
Haddii ay marti soo gab tidhi goor dadkuba seexday
Wanan baa bir lagu gawracaa gaari karisaaye
Haddaan Eebbahay nagu galladin libin ma gaarneene
Gasiinkaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e
Gacanteena midig weeye iyo gumaradeeniiye
Gabdho iyo rag hawsha u guntada yey gabaabsiyine
Dameeruhu waxa ay ka mid yihiin duunyada dadku dheefsadaan ee aad iyo aadka u waxtarka badan. Dameeraha waxaa lagu qabsadaa dhammaan adeegyada yaryar ee dadku u bahaan yihiin sida: ku dhaansashada biyaha, ku guurista, ku rarashada alaabada, iyo fuuliinka gaar ahaan dadka waaweyn. Dameeruhu waa gaadiidka koowaad ee dadyowga ku dhaqan dhulka buuralayda ah. Iyaga ayaa ka wanaagsan awrta waayo awrtu meel walba ma marikaraan, laakiin dameeruhu waxa ay fanan karaan buuruha. Sidoo kale waxa aad loogu adeegsan karaa dhulka bananka ah. Magaalooyinka waxa aad ku arkaysaa dameerihii oo ku dayacan oo derbiyada fadhiya ama taagan jidka baabuurtu marayso. Sidoo kale waxa aad arkaysaa dameerihii oo la raray heeryo la'aan oo duudka ka mudhxay oo nabaro waaweyn ku yeeshay. Kolalka qaarkood waxa aad arkaysaa shimbiro ku xoonsan dameeraha dushooda oo nabarradii hilib ka cunaya. Inta badan waxa aad arkaysaa dameerkii oo hadba meel foodda gelinaaya si uu uga fakado shimbiraha cunaya. Mararka qaarkood waxa uu ku soo caraaraa meelaha dadku u badan yihiin dadkuna waa ay iska eryaan. Dameeruhu waxa ay ka mid yihiin oo safka hore kaga jiraan duunyada dulman.
Magaala kasta waxa ay leedahay waax u qaabilsan daryeelka duunyada ee miyi iyo magaalo. Jiritaanda u xil saaran wax ka qabshada duunyada dulman waxaa ka mid ah dawladaha hoose, Wasaaradda Xannaanada Xooolaha, iyo ururo kale. Haddaba waxa aan ognahay in waajibaadka shaqo ee dawladaha hoose ay ka mid tahay daryeelka duunyada dabjoogta ah iyo nadaafada magalaada, sidaas awgeed waxa ay ahayd in dawladaha hoose u sameeyaan daryeel duunyada ku nool ee ku dacayan magaalooyinka. Jiritaanada u xilsaaran hawlahaas waxaa ku waajib ah in ay diyaariyaan dhul iyo xeryo kaladuwan oo lagu xanaanaynayo riyaha, idaha, digaaga, dameeraha, iyo lo'da. Dhulkaas waa in loo bixiyaa aagga daryeelka duunyada ee magaalooyinka. Dhulkaas iyo xeryahaas oo lagu diyaarinayo wax kasta oo duunyadu u baahan tahay.
Bulshadu waxa ay u baahan tahay in xoolaha magaalooyinka hoganaya loo sameeyo daryeel dhammaystiran. Dawladaha hoose iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxaa looga baahan yahay in ay iska kaashadaan sidii xoolaha nolosheenu ku xidhan tahay loo daryeeli lahaa. Dawladaha hoose waa in ay la yimaadaa fulintii, sidoo kale waa in Wasaaradda Xanaanada Xooluhu la timaadaa shaqaalihii hawshan tababarka u lahaa ee xoolaha xanaanayn lahaa.
In la daryeeli waayo duunyada magaalooyinka ku nool waxa ay bilaabatay 1991, markii hannaankii dawliga ahaa burburay ee uu meesha ka baxday amarkii iyo kala dambeyntii. Arrintaasi waxa ay horseeday oo meesha ka saartay duunyadii dabjoogta ahayd ee ku noolayd magaalooyinka in ay weydo daryeel oo ay sabab u ahaayeen dadkii ka shaqayn jirey oo waxna dhinteen waxna dhoofeen iyo maamulladii dib ka abuurmay oo tamar iyo xirfad midna u hayn. Maansooyin badan baa laga tiriyey xoolaha ku dayacan magaalooynka Soomaaliyeed. Jiifto ku saabsan dameeraha waxaa tiriyey Abwaam Muxamed Yusuf oo yidhi.
Daabadkaa ubadkaa
U shaqeeya dadkaagee
Adiga oo darxumeeyey
Dilay aan ku lahayne
Diiday aan ku lahayne
Marna kaa dudahaynee
Shaqadaad u dirayso
Giriifi maayo daqiiqad
Dalabkaa amarkaagana
Degdeg buu u fushaa
Diihaal kaagama cawdo
Bukaan kuuma dan sheegtee
Dameerkaad raranaysaa
Dad maaha oo hadlimaayo
Dawlad kuu wici maayo
Bilays kuu dalban maayo
Denbi weeye ka daa
Dulmigaad ku falayso
Markay daabulka joogto
Alaab aad daldalyso
Waxa duudku karaayee
Dushiisu qaadi karayso
Dheeraad baad ku dartaaye
Deelqaaf weeye ogow.
Waxii aad sida dooni
Damiinow ku rarayso
Marka uu la dakaamo
Oo culays dirganwaayo
Qaaro uu la dayaamaad
Demiinow la dhacdaaye
Damiirkaagu xumaa!
Dameerkaad raranaysaa
Dad maaha oo hadli maayo
Dawlad kuu wici maayo
Bilays kuu dalban maayo
Denbi weeye ka daa
Dulmigaad ku falayso.
Jiiftadu waa ay dheer tahay ee ka dhammaystiro buugga Waayeel iyo Waano ee uu qoray Abwaam Muxamed Yusuf.
Gabay ku saabsan idaha oo uu tiriyey Bare Muxamed Cali Muxamed ka dib markuu arkay ido ku dayacan magaaladii uu ku noolaa:
Daylooy adoo dayrta dhalay oo derisna daaqaaya
Oo dayr dhalaykaagii dixidiyo dooxada dhex jooga
Wankaagi diraacdii dhashay oo doonida la saaray
Oo dalab dukaamada yimoo daasku wada buuxo
Digri culuma soo qaaday oo daaska soo hogatay
Daribtaada oo lagu casumay bay wada ducayaane
Duul diiqsan dubaaxugu waa u daarad gooniye
Beled aadistaadii haddii dayac ku daaduunshay
Dadkii dalaga kula dooni jirey beled ma joogaane
Dumarada halgaadiyo hurufaya baan daylo garanayne
Deegaan dawlad hooseey ahayd in ay daryeeshaa e
Dad kuu diirnaxaayiyo haddaad weyday ehel doocsan
Cid ku dilaysa mooyee haddii deero lagu raacshay
Ilaah baa daryeel laga helaa oo dayloo kuu maqane.
Sidoo kale Bare Muxamed Cali Muxamed markii uu arkay riyo iyo lo' ku dayacan magaalooyinka waxa uu yidhi:
Giiro waxay midhaaftaa geyiga geed midhooda ahe
Gadhoodhkeeda iyo dhayda baa laga hiraabtaaye
Gurbood koriso weeyaan riyuhu goor iyo ayaane
Goosheeda iyo qaydhabkeed baa beled la geeyaayee
Ha yeeshe magaala heshoo giiro gacal weyday
Duq magaalo baan kuu galladin guulse waad heline
Geeslahadu waa gooman tahay beledka joogtaaye
Giindho lo'dii baa gabran laamiyada qaybe
Galax laga durduurtaye ahayd guri Nugaaleede
Dhagax lagu gantaalayo iyo halgaad lagu gol tuureeyo
Gadiid maalin weyn baa lo'dii gaadhi marayaaye
Oo aan ruux gargaariyo lahayn gacal u deeqaya
Oo ay suuqa gaatamahayso dumarna guulaayo
Giindhooy Allaah leedahaye guuldaro ha sheegan
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen