MAR HADDII LA II QORAY ANNIGAA MACALLIKIISIIYA af

MAR HADDII LA II QORAY ANNIGAA MACALLIKIISIIYA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen Last update: October 27, 2026

MAR HADDII LA II QORAY ANNIGAA MACALLIKIISIIYA

1974tii markii la dhammaystiray qoristii afka Soomaaliga waxa ay Wasaaradda Hiddaha, Dhaqanka, iyo Tacliinta Sare ku dhawaaqday ololihii horumarinta reer miyiga iyo qorista afka Soomaaliga iyada oo looga gol lahaa in dadku si dhakhso ah wax u bartaan waxna u qoraan. Isla durbadiiba waxaa la dhisay Madbacadii Qaranka si buug iyo dhambaallo badan loo daabaco.

Raggii hawshaas ka qaybqaatay waxaa ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee abwaankii weynaa ee Cabdiqaadir Xirsi Yamyam oo curiyey gabay uu kaga hadlayo hodantinimada afka hooyo iyo naxwaha af Soomaaliga. Gabaygaas oo idinku jalbeebindoona murti macaan badan ka buuxa.

Ma og tahay af Soomaaligii heerka uu marayo.

Meerisyada laguu qoro naxwaha mooska kaa celiya.

Magac muuqda meeleeye guud falalka maansheeya.

Weedhaha macnaha faafiya iyo hadal maqaam weyn leh.

Isku midab murtida la isku qoro mid iyo noociisa.

Codad afartan meelood ah oo laba mataanayso.

Oo toban dhawaaq lagu maldahay lagana maarmaayo.

Hamse qalinku kuu muujiyoo meel hakad ah saaran.

Maamuus tilmaamaha halkuu marayo loo eego.

Cayn magaca falkaab soo mudh baxay shaqalo miisaaman.

Shibbanaha aan kala maarminee meel u wada jeeda.

Ma weydiinna su'aal maro ku dedan moqor la soo nuugay.

Todobada mataanaha noqdiyo meeris labanlaabma.

Ma taqaan miyaad baratay weli mase laguu sheegay.

Ma og tahay layeelaha halkuu marayo xaalkiisu.

Fal lahaansho kuu muujiyoo keligii meel taagan.

Wadar murugsan qaar kaa maldahan oon midigtu garaynin.

meelaha xidhiidhiyuhu galo een kala maqnaan doonin.

Markuu qodob tusaale ah ka galo feedha midigaysa.

Mashxarad dhiilo hayaay soo midh baxay weerar laga maago.

Marna qayladhaan la yaabiyo faraxna meeshiisa.

Sanqadh aan midab raacsanayn oo gantaal muruqa.

Marka loo cuskanayiyo rabigay mahadnaqii siiya.

Marka teeb makiinadaha qoroo tii madbacadeena.

Ha moogaan midkaan soo wadee maanka ka xusuuso.

Hakad mudane joogsiga ku maran jiitin madax taala.

Marmaroorka qaansada dhigmaha xarafka kuu muuja.

Mudhii hadalka weeyee kolmaha meerisyada laaba.

Summadda jiid maqiiqanaha xidhan midab hadduu raaco.

Bil magaabo weedhaha muhiimeey midiba geestaalo.

Intaas oon kala maarminoo meel isugu keento.

Murti buuxda heesaha macaan mudan afkeenaa leh.

Murti ay maskaxi keentay oo lagu muraaqoodo.

Milic qariye roob maalin da'ay dhibic ku maanshaysay.

Subag miid ah dhuux mooye le'eg buur macdani jiifto.

Maahmaahyo lagu kaydiyiyo mudan afkeenaa leh.

Talo murugtay meel la isku jabay oo mixnadi taalo.

Nimaan male aqoon baa diloo marin abaalkeede.

Garta macallinkeed weeyoo mudan afkeenaa leh.

Man geed saaran ubax muuqda oo midho hareereeyey.

Waa madheedh bislaaday oo kaloo mudan afkeenaa leh.

Cod macaan sheekooyin milan mohasho haasaawe.

Abwaanadu siday noo marsheen mudan afkeenaa leh.

Madax dooday hadal lagu mergadey talo is maandhaaftay.

Mid uun baa macnaha soo ridoo lagu maqsuudaaye.

Muquunada raggii bixin jirey iyo mudan afkeenaa leh.

Aniguba markaan niyada muranta faaleeyay.

Maqal arag markaan ra'yiga marag u soo taagay.

Marna dhaafi waayoo aqoon lagama maarmaana.

Maalintii kacaanku u dhashiyo mudan afkeenaa leh.

Ergo mahadsan run sheeg la isku milay oo kartidii muujay.

Ma nastooyinkii soo furfuray ee guusha magaceena.

Ilaahii xaq maamuli jiraa marin abaalkoode.

Guddigii inoo maamustay iyo mudan afkeenaa leh.

Makaab taagan arar meel martiyo gabay la maamuuso.

Maya haa wax la isugu qabtiyo mahadho taariikha.

Aduun baa i maan garanayee mudan afkeenaa leh.

Aniga oo aan wada muujin madax ka koowgiisa.

Waxaan gabay miimka ka kaca ugu madiix reebay.

Faallada waxaan u la marmaray meelo kala jaada.

Yamyam baa midkaa yidhi hadaan uunka maqashiiyey.

Muraadkaan ka leeyahay nimaan garani waa mooge.

Mar haddii la ii qoray anaa macallinkiisiiya.