+252 90 4048010

literature

MIISAANKA MURTIDA GABAYADA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Xilligii Dawladii Kacaanka waxaa Geyiga Soomaaliya ka dhacay tartamo badan oo suugaameed iyo dood aqooneed badan oo lagu eegayey siyaalaha ay gabyaayada iyo hooballadu u kala erayo culus yihiin, isla kolkaana u kala abbaari ogyihihiin hogta maansada iyo hawraarta hadalka. Maanso yahanadaas tartanka galay qaarba wax bay ku guulaysteen. Ismaaciil Mire Cilmi waxa ay gabayadiisu ku guulaysteen murtida gabayga. Kolkii dhan kasta loo dhigay saddex gabay oo gaagaaban oo Ismaaciil leeyahay waa la waayey gabay kale oo xagga murtida u dhigma. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa saddexdaas gabay. 

Ugu horayn waxa aan wax yar ka odhanaynaa Ismaaciil. Ismaaciil Mire Cilmi waxa uu ahaa abbaanduulihii ciidankii gumaysi diidka ee geylankii Daraawiishta. Ismaaciil waxa uu ku dhashay agagaarka Ceelka Laasadaar ee Deegaanka ka hooseeya Magaalada Widhwidh. Laasadaar imminka waa tuulo yar oo looga taliyo Degmadda Widhwidh. Ismaaciil waxa uu dhashay dhowr ka dib guga la baxay Gobaysane oo ay taariikhdiisa dhalashadu ku aaddan tahay 1872. Sidoo kale waxa uu geeriyoodey guga la baxay Siigacase 1950. Ismaaciil Mire waxa uu leeyahay tiro badan oo gabayo ah. Gabayada Ismaaciil waa wada gole ka fuul isugu jira gubaabo, dhiirigelin, dardaaran, tusaalayn, iwm. Saddexda gabay ee aynu ku soo qaadanayno qormadatan waxaa la kala yidhaahdaa: Tadhaha iyo Cidhibtiisa, Anagoo Taleex Naal, iyo Guuguule.

Tadhaha iyo Cidhibtiisa

Nin la odhan jiray Carab Dheere oo kibir dartiis tadhahay baa Gumaysigii Ingiriisku awood u siiyey in uu qaybo ka mid ah Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya maamulo. Gumaysigu waxa uu ninkaas siiyey awood badan oo ku yidhi wixii aad disho iyo wixii aad xidho midna laguu qabsanmaayo. Maalin maalmaha ka mid ah baa nin dhallinyaro ah oo deegaankii uu ka talinayey ah ku yidhi walaashaa i sii aan guursadee. Carab Dheere waxa uu askartiisii faray in ay wiilkaas dilaan. Kolkii la diley baa odayaashii wiilku ka dhashay u yimaadeen oo ku yidhaahdeen maxaad wiilka ku dishey? Carab Dheere waxa uu odayaashii ku yidhi aniga oo Carab Dheere ah oo xilligan jooga ninka walaashay i weydiistey berrina aniguu i guursanayaa.

Iyada oo arrintaasi taagan tahay oo ninkaas tadhahiisa dadku la yaaban yihiin baa Carab Dheere reerihii gabadh ka soo doonay oo yidhi waxa aan rabaa in la ii dhiso aqal aroos ah oo dhererkiisu la sinmo buurta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee ku taal Magaalada Lascanod. Iyada oo lagu jira qabanqaabadii arooskii Carab Dheere baa magaalada waxaa si dhuumasho ah ku soo galay Ismaaciil Mire oo ah hadhaagii Daraawiishta oo Ingiriisku raadinayey. Askartii Carab Dheere waxa ay gacanta ku dhigeen Ismaaciil Mire. Ismaaciil waxaa loo geeyey Carab Dheere kolkaas buu ku yidhi Ismaaciilow maanta gabay baa lagaa rabaa. Ismaaciil waxa uu ku yidhi hagaag waan gabyayaaye ma ii ballanqaadaysaa in aan la xidhayn isla kolkaana aan waxba la i yeelayn. Carab waxa uu ku yidhi waa kuu ballanqaaday in aan lagu xidhin waxna lagu yeelin.

Ismaaciil intuu kor u fiiriyey Carab Dheere oo kibirkiisa ka yaabay buu bilaabay gabay la yidhaahdo raggow Kibirka waa lagu kufaa. Ismaaciil waxa gabayga isugu keenay raggii ku tadhahay adduunka iyo mid kastaa xaalkuu ku dambeeyey.  

In kastuu kalaho ama kabtiya ama kur dheer fuula

Bad kalluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaaha

Kuligood adoomaha Rabboow qaybshey kimistiiye

Ninba kadabkii loo qoray Allaah wuu la kulansiine

Ninna inaan soo kororsanayn kaa ha la ogaado

Ninkii koob nimca ah fuuqsaday ee kadin irmaan maala

In karuurka uu qubo horreey kaafka ugu tiile

Kuligoodba Reer Hagar anaa kiinahaa dilaye

Kama' Sugulle waagii sidii kuray carruureede

Kas xumaa hodaye naagta way kala fogaayeene

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kuwuu Muxumud waal raray hadduu saanta ugu kaadsho

Kulcad uma dileenoo ciyoon koor ma geliyeene

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Lixda koose ee reer Caligere kaw iskaga siiyey

Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Keysaha adduun ina Amaan koos dhan buu helaye

Ragba keeno geli buu is yidhi waad u koraysaaye

Misna ka ma fileyn mana hadayn kii aarsaa'ilaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Af Xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye

Ka dambee Caluu yidhi intuu Kaaha guursadaye

Kii kalena kaal weyn u tumay karina waabay e

Kalluun shebeg u yaal buu ahaa kicina sheydaane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Ammuuraha ma kaadsado ninkay kedo shidaysaaye

Kalaankuu lahaa Ina Galaydh kahay gadaashiiye

Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuludiiye

Baallacad kelyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kelyo caano galeen baa ninkii kiciyey dheeraaye

Cartan dhuurta kooraha kolkuu kor ugu laalaayey

Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye

Misna kala qadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Anaa dunida keligeey leh buu Koofil eersadaye

Kashiisaba ma gelin wiilal baa keebka kuu qabane

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Kufri iyo Islaam loo colow keysihii hore e

Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye

Kumanyaal leg wada duub cad buu keenay Beerdhiga e

Waxse kadabkii go'ay kolkuu kaday raggiisiiye

Kabaalkiina wuxuu jabay kolkuu kariyey Reer Kheyre

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Nin kuwaas ka dhigan baan arkaa oo kadab u laabnayne

Karraysa intuu buuxsadey oo kaman wan weyn yeeshay

Ayuu duul karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye

Ka shib dhaha Islaamoow naftii kii ladnaa gadaye.

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Gabayga raggow kibirka waa lagu kufaa waxa uu kaalinta koowaad kaga jiraa gabayada Soomaalidu tirisay. Isaga oo ku mutaystay in uu ka kooban yahay toban iyo kow tuduc oo mid kasta xambaarsan yahay murti lagu quduro qaato oo dhowr buug oo kale laga qori karo. Ninkii Carab Dheere waxa uu geeriyoodey dhowr cisho ka dib kolkii Ismaaciil Mire gabaygaas tiriyey waayo tuduca ugu dambeeya ayuu ku guhaamey in Allaah dadka ka qabto.

Anagoo Taleex Naal

Ugu horrayn boqorkii muslimka ahaa ee Dalka Itoobiya qabsaday 1912kii ee Boqor Mililikh ka dambeeyey baa magaalo madax ka dhigtay Magaalada Harar. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu boqorkaas u diray ergo uu hoggaaminayo Khaliif Sheekh Cabdulle Xasan. Boqorkaasii waxa uu sannadkii 1913dii ergadaas soo siiyey in ka badan kun rati oo raashin, dhar, iyo hub isugu jara oo uu daraawiishta u soo diray. Awrtaasi kolkii ay maraysey Gobolka Doollo ee Soomaali Galbeed waxaa ku soo duuley Gumaysigii Ingiriiska oo furtay. Kolkii arrintaasi dhacday waxa ay Daraawiish u diyaargarowdey dagaal ay ku qaadayaan Gumaysiga Ingiriiska iyo dhulkii uu haystey. 

Ismaaciil Mire oo abbaanduule ka ahaa dagaalkaas baa tiriyey Gabayga Anagoo Taleex Naal. Kolkii dagaalkii dhacay oo Daraawiishi soo guulaysatey oo madaxdii ugu sarreysey Gumaysigii Ingiriiska la diley. Ciidankii Daraawiishtu waxa uu ku soo noqday Xaruntii Daraawiishta ee Taleex. Ismaaciil waxa uu ka waramayaa jihaadkii, isaga oo ka bilaabay diyaargarowgii, ambabixintii ciidanka, dhaxdintii jidka, dooyadii, weerarkii, dagaalkii, dilkii Koofil, gebo gebadii, iyo xoolihii saamiga uu ka helay. Ismaaciil Mire Allaah ha u tudhee waxaa hoodo loo siiyey warka askunkiisa iyo gebo gebayntiisa isagoo yidhi:

Anagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay

Toddobaatan boqol oo Darwiish togatey neef doora

Sayidkeenu tii uu na yidhi Torog ku heensaynnay

Shakadaha intuu noo tamilay noogu tacab qaybi

llaahay ha tabantaabiyee ducada noo tuumi 

Wareegada rag baa waxay tawali yaan wax kaa tagine

Anana tawlka qaalmaha nin iyo tulud u soo saaray

Sibraar caana geel loo tabcaday talax ku sii maalay

Tiirkii rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuulay

Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha raacnay

Habeenkii fardaha wow tudhnaye taag ku sii miranay

Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabey

Talaaduhu kolkii ay dheceen talaley oo reemay

Tixda gabayga goortaan akhriyey toose niman jiifey

Tiraabkaygu meeshuu ka baxay la isku soo tuumi

Salaaddii kolkii aan tukaney yaarka kaga taagney

Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryeynay

Intay timacad noo soo arkeen marada noo taage

Anaguna jihaad kama tagnee tiimbis ugu roorray

Sengeyaal tabaadiyo gool weerarka u tooxnay

Tiiraanya ololkii dhulkii Taani laga qaaday

Tollaala'ayda qayladu Berbera tahan la weydaari

Taambuuglayaashiyo kuway tebaysey soo gaadhe

Teysaha gugii oo hanqadhay tininigtii yeedhay

Tala xumada awrkuu u xidhay baqe taraarsiinnay

Gildhigaanka meeshuu turqaday lagu tunsii geela

Tirsan mayno uunkii tirmiyo tulushle Shaydaane

Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay galabtaase

Maadhiin turaabkaa ka badan tuurta kaga qaadnay

Tukihii intaan niman u wadhay tobanle soo qaatay

Gebo gebo u tooxnoo kufriga Maarre kaga teednay

Tafwareeman maynee intaan tubay ku aynshaadey

Galabtaa caraabada ku timi Turugga Buuhoodle

Habeenkaa ninkii tamar lahaa tarantaree gaadhka

Habeen kale taxaashay Nugaal godon u tuuryeynay

Habeen kalena tuuraha Cadduur toolin kaga maalay

Habeen kale Tagaabeeye iyo tu'inay Hoylaawe

Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay

Toban gool tabaadiga dhigiyo toban unuun gooyo

lyo toban tiftii hore rimoo taani lagu qooqshey

lyo toban abeer tawlahoo tikhinka qaalmooda

lyo toban irmaanoo nirgaha loo tukubinaayo

iyo toban kaleetoo aniga la igu taageeray

lyo taan eryoon jirey kolkay tubantehee Joogto

Been laguma tookhiyo afaan taabud noqoneyne

Intaas xarunta waa tubay xaq baa lagu tanaadaaye

Warka Tuurre waa laga hayaa tan iyo Iimeye

Waa Xamar taraaro ah oo misana taab ku sii daraye

Taltallaabadiisiyo kabtida tabo kolow dheere

Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye

Tuludna uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyade

Tafantoofka gaalkuu u diley waa tixgeliyaaye

Suldaan Ruunna loo tebi inuu tuuladii gubaye

Kolay toban riyo ah tahay adduun waydin tirayaaye

Tunka wuxuu ka soo qabanaya toobad diidyada e

Xaggee baa tuldaha loola kici Tuure naaxsadaye

Tima soohanlow Eebbahay kuma tabaaleeyo

Gabayga Anagoo Taleex Naal waxaa aad u la yaabay aqoonyahanada ciidanka ama xoogga ee Dalka Ingiriiska ka dib waxa ay u afnaqeen Afka Ingiriisiga oo loo doortay in uu ka mid noqdo aqoonta ciidamada la barayo ee Jaamacadda Sanhees ee Dalka Ingiriiska. Gabaygu waxa uu kaalinta koowaad ku galay isaga oo hal bog ku soo koobay xog dhammaystiran ee dagaal bil iyo dheeraad soconayey. Sidoo kale waxa uu yaab ku leeyahay xogta gabaygu waxa ay isugu xigtaa bilow ilaa dhammaad sidii ay u kala horreysey ee u dhacday.

Ardayda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka haysato habka qoraalka iyo hadalka loo dhiso waxaa habboon in ay wax bartaan Ismaaciil Mire qaabka uu wax isu saari jirey. Kolka Ismaaciil Mire sheeko furayo waxa uu u kala qaybin jirey gogoldhigga sheekada, ubucda sheekada, iyo gebogebada sheekada.

Guuguule

Nur ay dhacday abaar dheeraatay oo la mid ah abaar beri hore dhacday oo la odhan jirey Gaataama, baa Ismaaciill Mire arkay shimbir la yidhaahdo Guuguule oo ciyaya. Shimbirkaas waxaa ka cisiinayey dhibaatada haysata ee abaartu sababtay. Kolkuu Ismaaciil arkay shimbirkaas buu curiyey gabay xambaarsan murti badan oo uu ugu maan naqayo Guuguulaha.

Guuguulayahaw haddaad gugii u ooyayso.

haddaad moodday keligaa in uu gubayo jiilaalku.

Ama aad gabooyaha ku madhan gama' la diidayso.

Ama gocosho awgeed ilmadu kaaga gabaxlaysey

Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaadhsiiyo

Gartaa ma aha keligaa in aad gaar u cabataaye.

Giddigood addoomaha waxaa gaadhay nabar weyne.

Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale e.

Geelii adduunka u adkaa gobollo weydowye.

Golihii ka kici waa raggiii gaydho hayn jiraye.

Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye.

Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline.

Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne.

Gammaankii ka madhay dhoodi iyo galaxyadeediiye.

Gumburigii badh baa joogsadiyo goroyo cawshiiye.

Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye.

Waxuu gooni daaqii habsaday gubadadii hawde.

Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa hadhaye.

Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye.

Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene.

Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode.

Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye.

Oo gododka ka ma soo ciyaan gabanadiisiiye.

Hargihiisa nimankii gataa guuldaraw sidaye.

Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii madhaye.

Ahminkii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye.

Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye.

Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare.

Galowgiyo fiintii naf bay giida la hayaane.

Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye.

Garaad Faarax iyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye.

Cood ka ma gurxamo dooxadii garada fiicnayde.

Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane.

Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede.

Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye.

Gubniyaa hareeraha ka maray gaadhiyaal wada e.

Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye.

Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye.

Adigaaba lagu gaadayaa gooshkan dabadadeede.

Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin weydo.

Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye.

Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane.

Gabayga Guuguule waxa uu wax badan ka tilmaamayaa murti badan oo haddii gooni gooni loo qoro noqonaya buugaag badan. Taasina waa sababta gabaygu u noqday mid miisaan culus.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen