Jiritaanka Dalladda Waxbarashada Ilays waxa uu u adeegaa dhammaan arrimaha waxbarashada ee Soomaalida gaar ahaan aagga SSC Khaatumo ee Sool, Sanaag iyo Cayn waxa ayna ujeeddadiisu tahay in la daryeelo, oo kor loo qaado, oo la dayactiro, oo la tayeeyo dhammaan arrimaha ku taxaluqa baraha, dugsiga, iyo ardayga. Isla markaana la soo diyaariyo dhammaan agabka waxbarashada iyo manhijka ay u baahan yihiin. Guud ahaan waxa ay Dalladdu ku hawlan tahay adeegga waxbarashada, horumarka arrimaha bulshada, iyo arrimaha noolaynta iyo ilaalinta deegaanka.
Hannaanka waxbarashada Ilays waa mid u qaabaysan hab cusub ah oo la socda qaababka waxbarashada ee dunida ugu horumarsan. Hannaankaas oo ay nasiib u yeesheen dadweynaha Sool, Sanaag, iyo Cayn, waxa uu u qaybsan yahay sida soo socota:
Dalladda Waxbarashada Ilays waxa ay xagga imtixaanaadka iyo Manhajka wada shaqeeyaan Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya. Dalladda Waxbarashada Ilays waxa ay ku dadaalaysaa tayeynta aqoonta waayo aqoontu waa raasamaalka ugu qaalisan ee qof yeelan karo. Aqoontu waxa ay kor u qaadaa tayada qofka. Aqoontu waxa ay kuu fududaysaa go’aanka aad qaadanayso. Aqoontu waxa ay ku bartaa meesha aad ka liidato. Aqoontu waxa ay ku siisaa saadaalin suubban. Aqoontu waxa ay kacaan cusub ka dhalisaa qofka noloshiisa. Aqoontu waxa ay horumarisaa noloshaada. Aqoontu waxa ay kuu iftiimisaa jidka toosan. Aqoontu waxa ay ku bartaa meesha u baahan in nolosha laga toosiyo. Aqoontu waxa ay kuu fududaysaa fahanka dunida. Aqoontu waa walax qaali ah. Aqoontu waa ilays iyo iftiin. Aqoontu waa hubka lagu la dagaalamo nacabkaaga. Aqoontu waa xoog iyo dawlad. Aqoontu waa miisaanka nolosha. Aqoontu waxa ay fahan kaa sii saa seben tagey, mid weli soo socda, iyo saaka waxa jooga.
Soomaalida badankoodu waxa ay aaminsan yihiin in lacag badan horumar lagu gaadho; laakiin waa fikrad qaldan. Horumarka waxaa keena aqoonta. Bulshooyinka dunidu waxa ay u kala horumarsan yihiin sida ay u kala aqoon badan yihiin. Haddii aynu nahay Soomaalida waxa ay u eg tahay in aynu ka qadnay walaxda sidaas u qaaliga ah. Haddii aynu tusaale u soo qaadano bulshooyinka ayniga nahay ee caalamka ku nool waxa ay innagaga horreeyaan aag kasta oo wax laga barto; meesha aynu innagu iska fadhino cidla’. Marka loo eego innagu waxa aynu taaganahay eber. Dadkaas waxa aynu ku gaadhi karnaa innaga oo nafteena, ehelkeena, iyo carruurteena u hurna xoogaa waqti ah oo aynu kor ugu qaadayno aqoontooda.
Dalladda Waxbarashada Ilays waxa ay Lascanod soo degtay March 27, 2006. Ujeedada Dalladdu waxa ay ahayd in la tayeeyo habka wax dhigista ee macallimiinta si ardayda aqoontooda kor loogu qaado, in ardayda, iyo macallimiintu helaan manhaj cusub, iyo in gobollada Sool, Cayn iyo Sanaag laga furo dugsiyo asaasiya iyo kuwo sare oo dad tayo leh ka soo baxayaan.
Dalladdu waxa ay qabtaa in ujeedooyinkeedii wax badani ka hirgaleen. Waxa ay Dalladdu bixisaa tababar macallinimo oo joogto ah, waxa ay buugaagta iyo manhajka u samaysaa dugsiyada kaladuwan, waxa ay buugaagta, iyo manhajka u samaysaa Jaamacadda Ilays. Sidoo kale waxa ay Dalladdu wadaa dugsiyo ay samaysay sida Ilays Primary School, Ilays Destitute Primary School, Ilays High School, iyo Ilays Academy College. Sidoo waxa ay Dalladdu ka taageertaa manhajka iyo qaabka loo gudbinayo Jaamacada Ilays.
| Da’da | Heerka Dugsiga | Jaadka Dugsiga |
|---|---|---|
| 3½ ilaa 5 Jir | Dugsiga Xanaanada (Nursery School) | Dugsiga Aasaasiga (Primary School) |
| 5 ilaa 7 Jir | HW1 - Dugsiga Dhallaanka (Infant School) | |
| 8 ilaa 12 Jir | HW2 - Dugsiga Carruurta (Junior School) | |
| 13 ilaa 14 jir | HW3 – Dugsiga Gurboodka (Senior School) | Dugsiga Sare (High School) |
| 14 ilaa 16 Jir | HW4 - Dugsiga Dhalinyarada (Juvenile School) | |
| 16 ilaa 18 Jir | HW5 - Dugsiga Barbaarta (Grade 11 & 12 ) | |
| 18+ Jir – kartida yar | Waxbarashadda Hanaqaadka | Kulmiso (College) |
| 18+ Jir – kartida badan | Waxbarashadda Xilqaadka | Jaamacad (University) |
| XILLIGA AA1: DAYRTA | 118 MAALMOD |
| Xilliga 1aad waxa uu ka bilaabmaa | 1da Ogoosto sannad kasta |
| Dhammaadka Xilliga 1aad | 31da Diisambar sannad kasta |
| XILLIGA 2AAD: GUGA | 130 MAALMOOD |
| Xilliga 2aad waxa uu ka bilaabmaa | 15ka Janaayo sannad kasta |
| Dhammaadka Xilliga 2aad | 15ka Juunyo sannad kasta |
| FASAXYADA KALE EE GUUD IYO KUWA ISLAAMKA | |
| Fasaxa weyn ee Ilays | 16ka Juunyo ilaa 31da Luulyo |
| Ramadaan | 21da ilaa 30ka Ramadaan |
| Ciidda Fitriga | 2 Maalmood Ciidda Fitriga ka dib |
| Ciidda Udxada | 2 Maalmood Ciidda Carafa ka dib |
| Ciidaha Qaranka | Way kaladuwan yihiin |