+252 90 4048010

DUGSIGA SARE ILAYS

Dugsiga Sare Ilays waxa uu ku yaal Xaafadda Waxbarashada ee Magaalada Lascanod, Gobolka Sool. Dugsiga Sare Ilays waxaa dhisay Dalladda Waxbarashada Ilays, sidoo kale waxaa socodsiintiisa ka masuul ah Dallaadda Waxbarashada Ilays sida maamulka dugsiga, ambaqaadka manhajka, iyo kasbashada bulshada. Dugsiga Sare Ilays waxaa taladiisa gacanta ku haya Gole laga soo doortay deegaanka Lascanod. Golaha Sare waxa uu ka masuul yahay jihada dugsiga loo hagayo, aayaha dugsiga, cidda maamulaysa, xidhiidhka dibedda, horumarka dugsiga, baylahtirka dugsiga, iyo ballaadhinta dugsiga. Dugsiga waxaa la furay August 01, 2006. Tirada ardayda ee dugsiga dhigata waa 1,100 arday hadda. Dugsiga Sare Ilays waa mid cusub oo tubtiisa waxbarashada iyo qaabkiisuba solansan yihiin hannaanka waxbarashada ee Geyiga Soomaaliya iyo kan adduunka kale. Dugsiga Sare Ilays waxa ay tubtiisu u qaybsan yahay saddex af oo kala ah: Soomaali, English iyo Carabi. Afka Soomaaliga waxaa ku baxa Maaddada Soomaaliga, Maaddada Juquraafiga (Tigaadda Dhulka), Maaddada Cuntada, Maaddada Maamulka Guriga, Fayadhawrka, iyo Maaddada taariikhda. Afka Carabiga waxaa ku baxa Maaddada Barbaarinta Islaamka, Maaddada Taariikhda Islaamka, iyo Maaddada Carabiga. Afka Ingiriisiga waxaa ku baxa Maaddada Xisaabta (Maths), Maaddada Ingiriisiga (English), Maaddooyinka Sayniska (Biology, Chemistry, and Physics), iyo Maaddada Xogdhawrka (ICT). Jadwalka soo socda ayaa kuu soo koobaya qaabka maaddooyinku u qaybsan yihiin:

Maaddada (Subject) Afka (language)
Soomaali Soomaali
Juquraafiga (Tigaadda Dhulka) Soomaali
Taariikh (Tagtada) Soomaali
Maamulka Guriga (MG) Soomaali
Cuntada (FoodTech) Soomaali
Barbaarinta Islaamka Carabi
Carabi Carabi
Taariikh Islaamka Carabi
Ganacsiga English
English English
Mathematics English
ICT Information Com. Tech English
Biology English
Chemistry English
Physics English

Xagga sannadaha dugsigu waa afar sanno oo ka bilaabma heerka 9aad (grade 9) fasalka sideed ka dib. Labada sanno ee hore waxaa la yidhaahdaa Dugsiga Dugsiga Dhallinyarada (juvenile School). Labada sanno ee dambena waxaa la yidhaahdaa Dugsiga Barbaarta (GCSE School). Xagga kooxaynta waxbarashada waxaa dugsigu loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah: qayb la yidhaado heerka afraad ee waxbarashada (HW 4aad) oo ka kooban fasalka 9aad ilaa fasalka 10aad, iyo qayb la yidhaahdo heerka shanaad ee waxbarashada(HW 5aad) oo ka kooban fasalka 11aad ilaa fasalka 12aad. Jadwalka hoose ayaa si tifatiran kuugu qeexaya qaybahaas oo dhan.

Da’ada Sannadaha Dugsiga (School year age) Jaadka Dugsiga (School type) Sulooyinka -Sannadaha (Years)
15 – 16 jir - Heerka 4aad – HW4 Dugsig Dhallinyarada (Juvenile School) 2 Sanno (Years)
17 – 18 jir - Heerka 5aad – HW5 Dugsiga Barbaarta (GCSE School) 2 Sanno (Years)

Xagga magacbixinta fasallada, Dugsiga Sare Ilays waa uu ka guurey hannaankii gaboobey ee foomiska. Dugsiga Sare Ilays waxa uu adeegsadaa hannaan cusub oo la yidhaahdo heerka waxbarashada (HW). Tusaale ahaan, kolka ardaygu yahay fasalka 9aad waxaa fasalkooda loo bixinayaa HW4 1A, HW4 1B, iwm. Sidoo kale kolka ardaygu yahay fasalka 10aad waxaa loo bixinayaa HW4 2A, HW4 2B, iwm. Kolka ardaygu yahay fasalka 11aad waxaa loo bixinayaa HW5 3A, HW5 3B, iwm. Kolka ardaygu yahay fasalka 12aad waxaa loo bixinayaa HW5 4A, HW5 4B, iwm.
Dugsiga Sare Ilays waxa uu ardayda todobaadkii baraa 28 cashar oo xiisad kasta tahay 50 korasho (daqiiqo), casharradaas oo kala ah: 3 Ingiriisi ah, 3 Soomaali ah, 2 Taariikh ah, 1 Juquraafi ah, 7 Saynis ah, 1 Fayadhawr ah oo sannadka 9aad soconaya, 1 Maamulka guriga ah oo hal sanno soconaya, 1 Cuntada ah oo hal sanno soconaya, 1 ICT, 4 Xisaab ah, 2 Barbaarinta Islaamka ah, 1 ganacsi ah, iyo 2 Carabi ah.


HIMILOOYINKA WAXBARASHADA EE DUGSIGA SARE ILAYS

  • In aan kor u qaadno waxbarashada iyo tayeynteeda annaga oo ardayda wax ku barayna qalab iyo hab cusub. Isla kolkaana ardayda tusinayna sida waxbarashadu kor ugu qaado dhaqaalaha bulshada.
  • In aan horumarino hawl gudashada waxbarashada si aannu u xaqiijino in aannu himiladayadii gaadhney iyo in aannu qofkii la rabay bulshada u soo saaray, isla kolkaana ardayga himiladiisu u noqon lahayd mid uu ku gaadho liibaan dhow iyo mid fog.
  • In aan tayeyno hannaanka waxbarashada ee Dugsiga Sare Ilays, waayo waxa ay tayo la’aanta waxbarashadu sababtaa hoos u dhac ku yimaado garaadka Aadamaha iyo raasamaalka aqoonta.
  • In aan Dugsiga Sare Ilays ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaanka waxbarasho ee dunida ugu horumarsan, isla kolkaana saamayn ku yeelano siyaasada waxbarashada, barnaamijyada waxbarashada, iyo arrimaha horumarinta bulshada.
  • In aan sida ugu fiican u adeegsano qalabka iyo agabka kale ee waxbarashada si aannu wax u barno bulshadeena ka qaday nasiibka aqoonta.
  • In Dugsiga Sare Ilays ka qaybqaato dibudhiska iyo soo noolaynta waxbarashada aasaasiga ah ee tayadeedu hoos u socoto. Isla kolkaana ka shaqayno jiritaanka, isku filaanshaha, iyo horumarinta waxbarashada Magaalada Lascanod.
  • Dugsiga Sare Ilays waa jiritaan waxbarasho oo hamigiisa iyo aragtidiisu tahay in uu dhaqangeliyo isku xidhka bulshada, horumarta nolosha, abuurista xirfadaha, iyo barwaaqaynta dalkeena. Guddiyada dugsigu waxa ay rabaan in ay horumariyaan aragti isku mid ah, tub waxbarasho oo isku mid ah, lebis isku mid ah, waxbarasho isku xilli ah, fasax isku mid ah, iyo fikir isku mid ah.

UJEEDOOYINKA WAXBARASHADA EE SANNADAHA HORE

Ujeedooyinka Waxbarashada ee sannadaha hore waa in ilmuhu horumar ka sameeyaa xagga:

  1. qofnimada
  2. arrimaha bulshada.
  3. arrimaha deegaanka.
  4. adeegsiga iyo ku hadalka afka, qorista, akhrinta iyo higgaadinta weedhaha adag.
  5. xisaabta, fikirkeeda, adeegsigeeda iyo in uu ku fahmo nolosha dunida.
  6. aqoonta guud iyo fahanka dunida ku xeeran
  7. aqoonta sayniska iyo farsamada cusub.
  8. maskaxda, hal abuurka, maaminta, iyo wax ogaanshaha dunida ku xeeran.

SOCDAALKA WAXBARASHADA EE DALLADDA WAXBARASHADA ILAYS

Da’da Heerka Dugsiga Jaadka Dugsiga
3½ ilaa 5 Jir Dugsiga Xanaanada (Nursery School) Dugsiga Aasaasiga (Ilays Primary School)
5 ilaa 7 Jir HW1 - Dugsiga Dhallaanka (Infant School)
8 ilaa 12 Jir HW2 - Dugsiga Carruurta (Junior School)
13 ilaa 14 jir HW3 – Dugsiga Gurboodka (Senior School) Dugsiga Sare (Ilays High School)
12 ilaa 16 Jir HW4 - Dugsiga Dhalinyarada (Juvenile School)
16 ilaa 18 Jir HW5 - Dugsiga Barbaarta (GCSE School)
18+ Jir Waxbarashadda Hanaqaadka Kulmiso (Ilays Academy College)
18+ Jir Waxbarashadda Xilqaadka Jaamacad (Ilays University)

XILLIYADA WAXBARASHADA IYO FASAXYADA

Gooraha waxdhigashada Dugsiyada Ilays
Shintirsiga 1aad ee Dayrta 137 Cisho (term 1)
Shintirsiga 1aad ee waxbarashadu waxa uu bilaabmaa 1da Ogoosto sannad kasta
Shintirsiga 1aad ee waxbarashadu waxa uu dhammaadaa 15ka Diisembar sannad kasta
Shintirsiga 2aad ee Diraacda 137 Cisho (term 2)
Shintirsiga 2aad ee waxbarashadu waxa uu bilaabmaa 2da Janaayo sannad kasta
Shintirsiga 2aad ee waxbarashadu waxa uu dhammaadaa 15ka Juunyo sannad kasta
Gooraha fasaxyada Dugsiyada Ilays
Fasaxa yar: 15ka Diisambar ilaa 31ka Diisambar
Fasaxa weyn: 15ka Juunyo ilaa 31ka Luulyo
Fasaxa Ciidda Fitriga: 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda
Fasaxa Ciidda Udxada: 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda
Fasaxa Ramadaan: 21da ilaa 30ka Ramadaan
Fasaxyada Qaranka: Waa xilliyo kaladuwan

TAXANAHA MAADDOOYINKA MAHURAANKA AH IYO KUWA DOORASHADA LEH

  • Xisaab (Maths)
  • Xogdharaha (Computer – ICT)
  • Ingiriisi (English)
  • Saynis (Kimistari, Baayologi iyo Fisigis)
  • Soomaali
  • Barbaarinta Islaamka (Islamic Study)
  • Carabi (Arabic)
  • Taariikh (History)
  • Juquraafi - Tigaadda Dhulka iyo Dadka (Geography)
  • Maamulka Guriga (Home Management)
  • Jimicsi iyo Ciyaar (Physical Education)
  • Farshaxanimo (Arts)
  • Cuntada (Food Science)

GOLAHA TALADA GUUD EE DUGSIGA SARE ILAYS

Kolkii dugsiga la furay sannadkan 2025dii, waxa ay Dalladda Waxbarashada Ilays magacawday Golaha Guddoonka Dugsiyada Ilays oo ka kooban xubnaha soo socda:

  • Guddoomiye: Cabdiqaadir Warsame Muuse
  • Guddoomiye ku xigeen: Cismaan Axmed Xuseen
  • Xoghaye: Maryama Axmed Suleymaan
  • Diiwaanhaye: Nasra Xasan Maxamed
  • Arrimaha Manhajka: Cabdirashiid Axmed Maxamed
  • Agaasimaha Maamulka: Sahal Maxamuud Xasan
  • Xidhiidhka Bulshada: Cumar Xuseen Warsame
  • Arrimaha Dibedda: Axmed Xasan Cabdi
  • Xubin: Cabdixamiid Cali Ismaaciil

MAAMULKA DUGSIGA SARE ILAYS

Maamulka Dugsiga Sare Ilays waxa ay ka kooban yihiin xubnaha soo socda oo kala:

  • Cabdullaahi Cabdicasiis Maxamed - Hormuudka Dugsiga Sare
  • Jaamac Cabdiraxmaan Cilmi - Hormuud ku Xigeenka Dugsiga Sare
  • Sahal Maxamuud Xasan - Madaxa Arrimaha ardayda iyo waalidiinta
  • Cabdixamiid Cali Ismaaciil - Xisaabiyaha Dugsiga Sare
  • Cismaan Axmed Xuseen - Xidhiidhka Dadweynaha
  • Cumar Cabdi Warsame - Ilaalo
  • Farduus Daahir Maxamed - Fayadhawrka
  • Maryama Yuusuf Xuseen - Fayadhawrka
  • Aamina Calinuur Maxamed - Fayadhawrka
  • Sahra Cabdiraxmaan Maxamed - Fayadhawrka
  • Samsam Maxamuud Ducaale - Fayadhawrka

GUDDIDA WAALIDIINTA EE DUGSIGA SARE ILAYS

Sannadka kasta marka dugsiga la furayo oo ku aaddan dhammaadkii July, waxa ay Dalladda Waxbarashadda Ilays diyaarisaa guddi waalidiin ah oo la shaqayeeya maamulka dugsiga. Shuruudda koowaad waa in ay dhammaantood yihiin waalidiin carruur u dhigato dugsiga. Guddidaas waalidiinta ee sannad dugsiyeedka 2025/2026 waxaa ka mid ah:

  • Guddoomiye: Siciid Maxamed Xirsi
  • Guddoomiye ku xigeen: Maxamuud Axmed Daakir
  • Xubin: Maxamuud Maxamed Xuseen
  • Xubin: Muna Axmed Maxamed
  • Xubin: Cabdixamiid Faarax Maxamuud
  • Xubin: Xaawo Xuseen Cabdi Galaydh
  • Xubin: Maryama Cabdullaahi Maxamed

HESHIISKA ARDAYGA – DUGSIGA - WAALIDKA

Wadashaqaynta dugsiga, waalidka, iyo ardaygu waxa ay sugtaa ama xaqiijisaa in ilmuhu horumar sameeyo oo ujeeddadii waxbarashada la gaadho.


DOORKA DUGSIGA

  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga siino waxbarasho uu ku niyadsan yahay oo ammaan iyo xasilooni ku jirto si aad ujeeddadiina u gaadhaan. Dugsigu waxa uu dagaal kula jiraa carruurta kuwa kale dabagala ee dilka, dagaalka, cayda, hanjabaada, iyo cago jugleynta ku haya.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga siino aqoon jaadad badan leh iyo waxbarasho uu waaya-aragnimo ka kororsado.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga kor u qaadno heerkiisa waxbarasho sida xisaabta, afafka, aqoonta sayniska, barbaarinta, iwm.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga siino fursad kasta oo waxbarasho oo dugsi horumarsan laga helo.
  • Waxa aannu ballanqaadaynaa in aannu ilmahaaga ka ilaalino oo ka hortagno wax kasta oo basar xumo ah oo uu ka kasban karo dugsiga iyo agabka isgaadhsiinta.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ku wargeliyo waxbarashada ilmahaaga la barayo.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu kuugu yeedho shir waalid oo galbo la qorsheeyey ah.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ku wargeliyo horumarka ilmahaagu samaynayo.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu dhakhso kuula soo xidhiidho haddii arrin ku khusaysaa aloosanto.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ilamahaaga si joogto ah shaqo guri ugu soo diro.
  • Dugsigu waxa uu diyaar u yahay in uu ilmahaaga xuquuqdiisa ilaaliyo oo si joogta ah ula socdo.

DOORKA WAALIDKA

  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaaddo maalin kasta.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaado goortii loogu talagalay.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga isaga oo si fiican u soo seexday xalayto.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaaddo isaga oo soo quraacday.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu dugsiga yimaado isaga oo waxbarasho u diyaar ah.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu guriga yimaaddo goorta dugsiga laga soo fasaxo.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu guriga joogo goorta aannu ku ballanay in uu wax akhriyo.
  • Waxa aan sugayaa oo hubinayaa in ilmahaygu haysto agabka waxbarashada ee uu u baahan yahay.
  • Dadaalka dugsiga ugu jiro toosinta basarka ardayda waxa aan ku taageerayaa in aan ilmahayga ku tirtirsiiyo raacista, u hoggaansanka, iyo ilaalinta qawaaniinta, iyo xeerarka dugsiga.
  • Dadaalka dugsiga ugu jiro tayeynta waxbarashada waxa aan ku taageerayaa in aan ilmahayga tabantaabo dheeraad ah u fidiyo haddii ay casharadu ku adkaadaan.
  • Dadaalka dugsiga ugu jiro in uu dabargooyo dagaalka, cayda, baad ka qaadista, u hanjabida, qabyaalada, kooxaysiga, iwm waxa aan ku taageerayaa in aan is garabtaago.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan ka qaygalo kulamada dugsiga.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan ku dhiirigeliyo siduu u celin lahaa shaqada guriga ee loo soo diray.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan guriga uga sameeyo meel xasilloon oo uu wax ku akhristo ama shaqada guriga kaga shaqeeyo.
  • Ilamahayga waxbarashadiisa waxa aan ku taageerayaa in aan dugsiga la soo xidhiidho haddii arrin degdeg ahi jirto.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan soo saxeexo oo soo celiyo wixii dhambaalo ah ee la ii soo gudbiyey sida ugu dhakhsaha badan.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan bixinayo sida ugu dhakhsaha badan haddii ilmahaygu jebiyo ama dhibaato kale u geysto agabka dugsiga.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan bixinayo lacagta ardayga laga rabo bil kasta bilowgeeda.
  • Dugsiga waxa aan u ballanqaadayaa in aan bixinayo lacagta ardayga laga rabo sannadkiiba hal mar oo keliya oo ah waraaqaha imtixaanaadka iyo dhaajinta (copy) casharrada.

DOORKA ARDAYGA

  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dugsiga imaado maalin kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dugsiga ku imaado waqtiga oo buuro ah.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan habsankaygu ka dib dhicin 07:00 aroor kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan u lebisto qaabka dugsigu iga rabo in aan u lebisto.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan soo qaato agabka waxbarasho ee la iiga baahan yahay maalin kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan waxbarto aniga oo bixinaya dadaalka ugu badan kol kasta iyo meel kasta.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan ixtiraamo qof kasta oo dugsiga jooga sida ardayda, shaqaalaha, waalidiinta, macalimiinta, iwm.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aanan ka qaybqaadan falal anshax xumo ah oo dugsiga xeerarkiisa ku lid ah sida dagaal, cay, hanjabaad, baad arday kale laga qaado, dabagal, dhego adayg, iwm.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan soo sheego haddii arday kale dabagal, baad, hanjabaad, iyo dagaal lagu sameeyo.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dhawro oo ilaaliyo hantida dugsiga sida kuraasta, miisaanta, xogdhawrayaasha, dhismaha, dhirta, iwm.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dhawro oo ilaaliyo xeerarka iyo hannaanka dugsiga u degan.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan dugsiga maamulkiisa u soo gudbiyo waxyaalaha aan rabo ama welwelka igu haya.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan soo dhammaystiro oo soo celiyo sida ugu dhakhso badan shaqada guriga ee la ii diro.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan si wacan u soo seexdo oo aanan dugsiga iman aniga oo jidhkayga hurdo ku jirto, isla kolkaana aanan ku soo jeedin waxyaalaha dan seega ah sida baraha bulshada.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in aan naftayda waxbarasho iyo horumar ku jiheeyo.
  • Waxa aan ballanqaadayaa in la i xidho 24 saacadood (amminood) haddii aan ka qaybqaato falal xunxun oo dugsiga xeerarkiisa iyo hannaankiisa ku lid ah.

Maamulaha Dugsiga Sare Ilays

Cabdullaahi Cabdicasiis Maxamed Tebiye: +252 63 4408917


Maamulaha Dalladda Waxbarashadda Ilays

Cabdisalaam Maxamed Xuseen Tebiye: +252 90 7995666