Dugsiga Sare Ilays waxa uu ku yaal Xaafadda Waxbarashada ee Magaalada Lascanod, Gobolka Sool. Waxaa la furay August 01, 2006. Tirada ardayda: 1,100 arday.
Maaddooyinka Waxbarashada
Dugsiga Sare Ilays waxa ay tubtiisu u qaybsan yahay saddex af oo kala ah: Soomaali, English iyo Carabi.
| Maaddada (Subject) | Afka (language) |
| Soomaali | Soomaali |
| Juquraafiga (Tigaadda Dhulka) | Soomaali |
| Taariikh (Tagtada) | Soomaali |
| Maamulka Guriga (MG) | Soomaali |
| Cuntada (FoodTech) | Soomaali |
| Barbaarinta Islaamka | Carabi |
| Carabi | Carabi |
| Taariikh Islaamka | Carabi |
| Ganacsiga | English |
| English | English |
| Mathematics | English |
| ICT | English |
| Biology | English |
| Chemistry | English |
| Physics | English |
Himilooyinka Waxbarashada
- In aan kor u qaadno waxbarashada iyo tayeynteeda annaga oo ardayda wax ku barayna qalab iyo hab cusub.
- In aan horumarino hawl gudashada waxbarashada si aannu u xaqiijino in aannu himiladayadii gaadhney.
- In aan tayeyno hannaanka waxbarashada ee Dugsiga Sare Ilays.
- In aan Dugsiga Sare Ilays ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaanka waxbarasho ee dunida ugu horumarsan.
- In aan sida ugu fiican u adeegsano qalabka iyo agabka kale ee waxbarashada.
- In Dugsiga Sare Ilays ka qaybqaato dibudhiska iyo soo noolaynta waxbarashada aasaasiga ah.
Socdaalka Waxbarashada
| Da'da | Heerka Dugsiga | Jaadka Dugsiga |
| 3½ ilaa 5 Jir |
Dugsiga Xanaanada (Nursery School) |
Dugsiga Aasaasiga (Ilays Primary School) |
| 5 ilaa 7 Jir | HW1 - Dugsiga Dhallaanka (Infant School) |
| 8 ilaa 12 Jir | HW2 - Dugsiga Carruurta (Junior School) |
| 13 ilaa 14 jir |
HW3 - Dugsiga Gurboodka (Senior School) |
Dugsiga Sare (Ilays High School) |
| 12 ilaa 16 Jir | HW4 - Dugsiga Dhalinyarada (Juvenile School) |
| 16 ilaa 18 Jir | HW5 - Dugsiga Barbaarta (GCSE School) |
| 18+ Jir | Waxbarashadda Hanaqaadka | Kulmiso (Ilays Academy College) |
| 18+ Jir | Waxbarashadda Xilqaadka | Jaamacad (Ilays University) |
Xilliyo Waxbarashada iyo Fasaxyada
| Gooraha waxdhigashada Dugsiyada Ilays |
| Xilliga 1aad waxa uu ka bilaabmaa | 1da Ogoosto sannad kasta |
| Dhammaadka Xilliga 1aad | 15ka Diisembar sannad kasta |
| Xilliga 2aad waxa uu ka bilaabmaa | 2da Janaayo sannad kasta |
| Dhammaadka Xilliga 2aad | 15ka Juunyo sannad kasta |
| Gooraha fasaxyada Dugsiyada Ilays |
| Fasaxa yar: | 15ka Diisambar ilaa 31ka Diisambar |
| Fasaxa weyn: | 15ka Juunyo ilaa 31ka Luulyo |
| Fasaxa Ciidda Fitriga: | 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda |
| Fasaxa Ciidda Udxada: | 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda |
| Fasaxa Ramadaan: | 21da ilaa 30ka Ramadaan |
| Fasaxyada Qaranka: | Waa xilliyo kaladuwan |
Golaha Talada Guud
C
Guddoomiye
Cabdiqaadir Warsame Muuse
C
Guddoomiye ku xigeen
Cismaan Axmed Xuseen
M
Xoghaye
Maryama Axmed Suleymaan
N
Diiwaanhaye
Nasra Xasan Maxamed
C
Arrimaha Manhajka
Cabdirashiid Axmed Maxamed
S
Agaasimaha Maamulka
Sahal Maxamuud Xasan
C
Xidhiidhka Bulshada
Cumar Xuseen Warsame
A
Arrimaha Dibedda
Axmed Xasan Cabdi
C
Xubin
Cabdixamiid Cali Ismaaciil
Maamulka Dugsiga Sare
C
Hormuudka Dugsiga Sare
Cabdullaahi Cabdicasiis Maxamed
J
Hormuud ku Xigeenka Dugsiga Sare
Jaamac Cabdiraxmaan Cilmi
S
Madaxa Arrimaha ardayda
Sahal Maxamuud Xasan
C
Xisaabiyaha Dugsiga Sare
Cabdixamiid Cali Ismaaciil
C
Xidhiidhka Dadweynaha
Cismaan Axmed Xuseen