+252 90 4048010

information

DADKII JIRITAANKOODA DAFIRAY!

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Afka hooyo oo la yaso ama la quudhsado waxa ay ka dhigan tahay adiga oo jiritaankaaga dafiray. Afka aynu maalin kasta adeegsanayno ee ku hadlayno, ku doodayno, cadkeena ku goosanayno, garteena ku naqanayno baynu u quudhi la'nahay in uu goobaha waxbarashada ka muuqdo, goobaha ganacsiga ka muuqdo, xafiisyada ka muuqdo, iwm. Sidee bulsho u jiri kartaa iyaga oo aan horumarin afkooda? Sidee bulsho dhaqan u gaar ah u yeelan kartaa iyaga oo aan horumarin afkooda? Sidee bulsho tagto u gaar ah u yeelan kartaa iyaga oo aan horumarin afkooda? Sidee bulsho hannaan waxbarasho u yeelan kartaa iyaga oo aan horumarin afkooda? Sidee bulsho dantooda guud iyaga oo aan horumarin afkooda? Sidee bulsho u noqon kartaa qaran iyaga oo aan horumarin afkooda? Sidee bulsho u yeelan kartaa kayd aqooneed iyaga oo aan horumarin afkooda? Afkeena oo aynu dafiro ama yasno waa jiritaan la'aan. Abwaankii Xaaji Aadam Afqalooc waxa uu yidhi: "Qofkii afkiisa dhaandhaamiya ee dhihi aqoonwaaye - Dhicimayso mid kale oo uu dhab u yaqaanaaye."

Ugu horreyn haddii aynu ku bilowno weydiimo hogotusaalayn ah waxa aynu is weydiinaynaa dhowr weydiimood oo kala ah: Bulsho aan taariikh lahayn ma sii jiri kartaa? Bulsho aan danteeda guud ilaalin ma jiri kartaa? Bulsho aan af iyo dhaqan lahayn ma jiri kartaa? Bulsho dhulkeeda hagranaysaa ma jirikartaa? Bulsho aan iskaashi lahayn ma jiri kartaa? Bulsho aan isu tudhayn ma jiri kartaa? Bulsho qof kasta dantiisa keliya jiro ma jirikartaa? Bulsho hannaankeeda noloshu ku salaysan yahay qabiil ma jiri kartaa? Bulsho aan afkeeda horumarin ma jiri kartaa? Dhammaan weydiimahaasi waa kuwo laga dheehan karo qaab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Warcelinaha weydiimahaasi waa kuwo isku mid ah oo odhanaya bulsho intaas oo tilmaamood laga helay ma jiri karto. Dhammaan tilmaamaha ay bixinayaan weydiimahaasi waa kuwo laga helayo hab dhaqanka cusub ee Soomaalida. Sidaas awgeed waxaa bulshada Soomaaliyeed ee qabiilku madaxmaray lagu qeexi karaa bulsho jiritaankeedii aasaysa. In aynu dad jira noqono oo bulsho la yaqaan noqono waxaa hor taagan qaabka aynu u nool nahay ee qabiilku afduubay. Neefka ruqada ah kolka la kicinayo haddii qofka leh dabada qabto ma kacdo. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa "Ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo." 

Hadda waxa aynu joognaa xilli bulshada Soomaaliyeed ay aad u kala daadsan tahay.  Kala daadsanaantaas waxaa keenay dagaaladii sokeeye ee la dhex dhigay iyo hoggaamiyayaashii siyaasadda bulshada oo ku guuldaraystay in ay gaadhaan heshiis guud. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay hoggaankii dhexe ee maamulka iyo maaraynta kolkii ay bulshadu kala daadatay. Sidaas darteed waxa ay dadka Soomaaliyeed ku sugan yihiin goor xun oo adag oo hoggaan la'aan weyn haysato. Hoggaan la'aanta waxaa ka abuurmay kooxo iyo qofaf danaystayaal ah oo xad gudub weyn ku sameeyey danta dalka iyo dadka. Dadkii Soomaaliyeed waxaa loo abaabulay jilibo hoose oo qabiil iyo tolal salka ku haya, isla kolkaana waxa uu jilib kasta meel ugu xeraysan yahay kooxo iyo qofaf danaystayaal ah. Arrimahaasi waxa ay galaafteen dhaqankii, qarankii, afkii, iyo jiritaankii bulshada.

Qarankii Soomaaliyeed waxa uu u kala jabay qaybo badan. Qayb kasta waxa ay yeelatay dan  u gaar ah. Danahaas gaarka ahi waa kuwo ka soo horjeedo in qaranimadii, midnimadii, iyo dawladnimadii Soomaaliya la helo. Dadka la kala qoqobay qaar baa raba in ay dawlad gaar ah noqdaan. Kuwana  waxa ay rabaan in qabiilo kasta dawlad gobolleed noqoto. Qayb kasta waxa ay xidhiidh la leedahay dawlado shishseeye oo dan u arka burburka Soomaalida. Qayb kasta oo tolalka Soomaaliyeed ka mid ah waxa ay iska indha tiraan xoriyadda iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Kala qaybsanaanta bulshadu ku ma koobna qabiilka innagu hareeraysan maanta, sidoo kale waxaa lumay midnimadii diineed ee Qaranka Soomaaliya. Sidaas awgeed waxaa dalka ka abuurmay kooxo diini ah oo mid kasta sheeganayso in ay iyadu diintii faska haysato. Dhammaan kooxahaas waxaa laga soo abaabulay dalka dibadiisa isla kolkaana waxa ay gacansaar la leeyihiin ururo ka dhisan dalal shisheeye. Waxyaalaha aynu soo sheegnay inta ay jiraan waxa aynu aasaynaa jiritaankeena, dhaqankeena, iyo afkeena.

Maanta waxa aynu nahay bulsho aan lahayn wadajir awoodeed oo ay wax ku qabsan karto. Maanta waxa aynu nahay bulsho aan iska qaban karin qas wadayaasha iyo aragtiyaha halis gelin kara jiritaanka Bulshadda Soomaaliyeed. Maanta waxa aynu nahay bulsho aan abaabulnayn, mideysneyn, ujeeddo guud lahayn, oo aan wax wada shaqayn ah lahayn. Maanta waxa aynu joognaa xilli qabyaaladda iyo kala daadashada qaranka la sharciyeeyey. Qabiilkii ayaa loo aqoonsaday qaabka keliya ee awood qaybsiga iyada oo dhab ahaan la yasay in Bulshada Soomaaliyeed tahay bulsho qaran ah oo mid keliya ah. Dhulkii Soomaaliyeed waxaa laga dhigay dhul qabiilo oo waxaa loo kala jejebiyey qaab qabiil. Bulshadii qaranka ahayd baa loo aqoonsaday in ay yihiin qabiillooyin kala tagsan. Inta badan waxaa caadi noqotay in la isugu hambalyeeyo cidhibtirka qaranimada Soomaaliya. Bulshadii waxaa la gaadhsiiyey heer ay ka xishoodaan in ay ku dhawaaqaan dhihista Qaranimada Soomaaliya waayo waxaa la buunbuuniyey qabiil. Hadda waxa aynu joognaa xilli kuwa gaboodfalay ee dalka iyo dadka ku gefey la abaalmarinayo oo loogu hambalyeynayo hoggaan xumadooda. Hadda waxa aynu ku jiraa xilli kala daadashada Soomaalida ay kuwa gaboodfalay ku nuuxnuuxsadaan isu bogaadintooda. Inta xaalkeenu sidaas yahay waxa aynu tirtiraynaa jiritaankeena iyo afkeena.

Hadda waxaynu joognaa meel go'aan la inoo gaadhayo oo dalal shisheeye go'aan ka gaadhayaan xaaladda nabadgelyada dalkeenna. Maanta waxaa socda qorshayaal lagu sharciyeynayo kala qaybsanaanta Soomaaliya oo dad badan oo Soomaaliyeed dhilifka u ruxayaan. Inta sidaas lagu sugan yahay waxaa hubaal ah in aynaan sii jiri karin.

Maanta badaheena waxaa maamula xoogag shiheeye oo qof laga la tashaday aannu jirin. Dawladda Soomaaliya awood u ma laha in ay sugto nabagelyada biyaha Soomaaliya oo ka ilaaliso shisheeyaha bililiqaysanaya barwaaqada badda Soomaaliya iyo kooxaha Soomaalida ee budhcad badeeda ah. Ururka Qaramada Midoobey waxa uu fasax u siiyey dalal ka tirsan Ururka Qaramada Midoobey in ay ciidan u diraan Soomaaliya si ay uga hortagaan budhcad badeeda iyo dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya. Inta xaalkeenu sidaas yahay maxaa aynu ku qiimayn karaa jiritaankeena. Maanta waxa aynu joognaa xilli aynu ka fashilanay dhan kasta. Fashilkaasi waxa uu sababayaa in aynu Geeska Afrika ka dabargo'no haddii aan si degdeg talo midaysan wax looga qaban.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen