+252 90 4048010

history

WAA KUMA SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN?

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Sayid Maxamed Cabdallah Xasan oo ahaa halgamaagii Daraawiishta ee mudadii u dhexaysey 1864 – 1921dii. Kolka la eego xagga haybta waxa uu ahaa nin ku abtirsada Tolka Ogaadeenka, laakiin waxa uu ku dhex koray Tolka Dhulbahantaha oo uu weliba hoggaamiye u noqday. Kolka dirkiisa iyo daabaankiisa rasmiga ah loo abtiriyo waa nin Reer Daafeed ah oo ka soo jeeda Tolka Soomaalida ee Shanta Caleemood oo weliba ka sii ah jufida la yidhaahdo Janbaluul. Haddii aad caddaynteeda u baahan tahay tag Magaalada Wanlaweyn oo la fadhiiso odayaasha Jufida Jambaluul oo waxa aad ku tidhaahdaa ma taqaaniin Sayid Maxamed Cabdallah Xasan? Asalkii hore waxa uu Sayid Maxamed ahaa Janbaluul, laakiin qoyskooda baa Ogaadeenka ku soo biiray. Haddii aan soo qaadano tagto kooban oo arrintaas caddaynaysa waxa aad raadisaa buug Carabi ku qoran oo la yiraahdo:

Haddii aan wax yar ka soo qaadano sidii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku noqday Ogaadeen. Ugu horreyn waxaa jirey boqortooyo la odhan jirey Gareen oo ka talin jirtey Geyiga Soomaaliya laga soo bilaabo dhalashadii Nebi Ciise ilaa qarinigii sideedaad ee aynu Islaamka aad u qaadanay. Boqortooyadaasi kolkii hore way diiddey in ay Islaamka qaadato, laakiin waa laga itaal roonaaday oo way ka qaxday dhulka Waqooyiga Soomaaliya, dhulka Galbeedka Soomaalida, iyo dhulka bariga ee Buunti. Kolkii boqortooyadaasi gaadhey dhulka hadda loo yaqaan Hiiraan iyo Qalaafe dib bay isu abaabushey oo waxa ay qaadatay Diinta Islaamka, isla kolkaana waxa ay la baxday magac cusub oo la yidhaahdo Ajuuraan. Xilliga ay dib isu abaabushey waxa uu ahaa qarnigii 14aad ilaa 18aad (1300 – 1700 Miilaadiga) oo ay ka talinaysey dhammaan gobollada koonfureed oo dhan. Mudadaas ay ka talinaysey gobollada koonfureed ee Soomaalida dadku waxa ay ahaayeen Aji iyo Ajuuraan. Magaca Ajuuraan waxa ay ku la baxday dadka ayey ujro ka ururin jireen.

Kolkii la soo gaadhey dhammaadkii 1700 ee Miilaadiga waxaa burburay Boqortooyadii Ajuuraanka oo noqotay boqortooyooyin yaryar oo mid kasta magaalo ama aag yar ka taliso. Boqortooyooyinkii ka soo hadhay boqortooyadii Ajuuraanka waxaa ka mid ah Imaaraddii Baardheere ka talin jirtey ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Sheekh Ibraahim Yabarow. Dhanka tolalka Soomaalida Sheekh Ibraahim Yabarow, waxa uu ahaa tolka la yidhaahdo Shanta Caleemood oo ka sii ah lafta Janbaluul. Degsiimada rasmiga ah ee Shanta Caleemood waa Magaalada Daafeed. Sheekh Ibraahim Yabarow waxaa la walaal ahaa labo nin oo la kala odhan jirey Cismaan Yabarow iyo Xasan Yabarow. Kolkii uu geeriyoonayey Boqorkii Baardheere ee Sheekh Ibraahim Yabarow waxa uu boqortooyadii u dardaarmay nin uu aad ugu kalsoonaa oo raggii la shaqayn jirey ahaa. Cismaan Yabarow qudhiisu, waxa uu filay in uu isagu boqortooyada qabsanayo, laakiin ma dhicin. Sidaas awgeed waxa ay Cismaan Yabarow, Xasan Yabarow, iyo reer Yabarow intoodii kale u guureen Magaalada Harar oo ay ka sii ciririiqaysey Saldanadii Adal iyaga oo ka cadhaysan falka uu sameeyey Ibraahim Yabarow. Sidaas bay Reer Yabarow kaga mid noqdeen Ogaadeen. Calidhuux Aadam Gorayo oo dadyaqaan ahaa kol uu maagayey Sayidka waxa uu tiriyey tix gabay ah oo odhanaysey “Abtirsiiyada waxa ay gashaa eyda Reer Xamare.” Maansadaas waa tilmaan sax oo muujinaysa in ay dadku is yaqaaneen. Kolkii ay reer Yabarow degeen Harar waxa ay ku biireen lafta Ogaadeen ee la yiraahdo Bahgeri oo ah Jufi ka tirsan Tolka Ogaadeen. Xasan Yabarow waa Sayidka awgiis. Sidoo kale Cismaan Yabarow waa Xasan walaalkiis. Sidaas baa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo reerkoodu ugu abtirsaday tolka Ogaadeen.

Kolkii Sayidka awoowgii iyo dhammaan reer Yabarow ka soo qaxeen Baardheere waxa uu awoowgii Xasan Yabarow ahaa nin dhallinyaro ah oo diinta aad u yaqaan. Muddo yar ka dib maadaama degsiimada Ogaadeen iyo Dhulbahante isku baaldarsanaayeen waxa uu Sheekh Xasan Yabarow u soo guurey carro Dhulbahante isaga oo Sheekh Ogaadeen ah. Sidaas buu Dhulbahante uga guursadey oo isaga iyo isirkiisiiba ku noqdeen dad diineed oo laga tixgeliyo carro Dhulbahante. War kutirekukeen ah oo aan la hubin waxa uu sheegayaa in ay dagaalameen laf Dhulbahante ah iyo Lafta Bahgeri ee Ogaadeen. Dagaalkaas bay Dhulbahantuhu ku qabsadeen Sayid awoowgiis. Kolkii ay arkeen in uu Diinta Islaamka si fiican u yaqaan bay sheekh ka dhigteen oo u guuriyeen.

Rumayso ama ha rumaysan – Tolalka Soomaalidu waa isbahaysi ee dhalasho ma aha!

Qore: Ustaad Cabdisalam Maxamed Xuseen