By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 04, 2025
Maxamed Ibraahim Warsame oo ku magac dheer Hadraawi, waxa uu qiyaastii dhashay 1943dii. Hadraawi waxa uu ku dhashay miyiga deegaanka Gobolka Togdheer. Meesha rasmiga ah ee loo tiiriyo dhalashadiisa waa Burco. Waraysi uu bixiyaey Hadraawi waxa uu ku sheegay in magaciisu asal ahaan ka soo jeedo eray Carabiga ee "Abuu Hadra" oo uu u bixiyey barihii dugsi Quraanka waxa aan ahaa nin ardayda aad iyo aad ugu sheekeeya oo ka qosliya. Hadraawi waxa uu geeriyoodey Bishii Ogosto 18keedii 2022kii Magaalada Hargeysa.
Hadraawi waxa uu ka dhashay qoys sabool ah oo ka kooban aabbe, hooyo, sideed wiil, iyo hal gabadh. Hadraawi aabbihii oo la odhan jirey Ibraahim Warsame Saciid oo ku magac dheeraa Walanwal waxa uu Allaah (sw) ha u naxariistee ahaa nin laftiisu wax ka yaqaaney curinta maansada Soomaalida gaar ahaan afarreyda. Ibraahim Walanwal waxa uu geeriyoodey sannadkii 1983dii. Hadraawi hooyadii waxaa la odhan jirey Kaaha Jaamac Buux iyaduna waxa ay geeriyootey naxariistii janno Allaah (sw) ha siiyee Hadraawi oo qiyaastii 7- 8 sanno jir ah. Hadraawi walaaladiis waxaa keliya oo maanta ka nool saddex ka mid ah. Ragga ay Hadraawi walaalaha yihiin ee maansayahanka ah waxaa ka mid ah Hurre Walanwal oo isaga laftiisu hal-abuure caan ah oo aad looga yaqaan golayaasha iyo fagaarayaasha hees ciyaareedyada Soomaalida sida hees ciyaareedii Cambaro iyo Hurre.
Hadraawi waxaa adeer u ahaa Axmed Warsame Siciid (Niibsan) oo ka mid ahaa Ciidamada Booliska Ingiriiska ee Magaalada Cadan. Horraantii 1950naadkii ayaa Hadraawi miyiga laga kaxeeyey oo la geeyey Magaalada Cadan ee Dalka Yemen. Hadraawi waxaa Magaalada Cadan loogu geeyey aayooyinkiis: Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur-Qaaje oo halkii Hooyadii u galay.
Hadraawi waxa uu yidhi: Waxaa yaab weyn igu ahaa kolkii aan tuulooyinka ka soo gudbey ee aan magaalo soo galay. Berbera ayaa iigu horreysey magaalo weyn, waxaa yaab iyo wareer igu ahaa in aan bad arko. Kolkii aan Berbera ku soo socdey, waxa aan soo maray dhulka ka rogan buuraleyda oo xeebaha ku foorora. Dhulkaasi waxa uu ahaa abaar aan dhir lahayn, caws lahayn, waxba lahayn oo kax ah. Kaas oo ka duwanaa dhulkii aan ka imid oo kolkaas ahaa dhul hodan ah oo wada dhir iyo ugbaad ah. Kolkii aan u dhaadhacay dhinacii xeebta ayaa waxa aan arkay baddii. Hore waan u maqlay magaca bad, haseyeeshee ma arag, mana sawirri karayn, waxa aan muuqii badda u qaatay in uu yahay bannaan doog leh iyo dhul barwaaqo ah! Waxaana igu soo dhacday oo aan is weydiiyey sababta xoolihii joogey dhulkaas abaarta ahaa ee aannu soo marray ay ugu daaq tagi waayeen hirarkaas doogga ah ee u muuqda.
Runtii arrintaas baddu waa iga wareerisey, kolkaan ku sii dhowaadeyna waxa aan aqoonsaday in meesha waxa fadhiyaa aannay baad ahayn ee biyo yihiin. Haseyeeshee weli iima qudhqudhsamin in ay bad tahay. Waxaa yaab igu sii kordhay kolkii la i saaray markab la yidhi waxa uu dhex marayaa baddaas la yaabka leh. Waxa aan ahaa wiil yar oo reer miyi ah oo badduu la dhaygagsanaa loo sheegay in uu ku safrayo dhexdeeda! Waxa aan fuulay markabkii oo magaciisa la odhan jirey Qaxwaji. Waxa uu ahaa markab gaboobey oo qanax ah oo dadka iyo xoolaha lagu wada qaado oo Berbera iyo Cadan u kala goosha. Kolkuu Berbera ka baxay waxa uu Cadan u sii soconayaa labo caanomaal (habeen iyo maalin).
Haseyeeshee anigu kolkuu markabku dhaqaaqayba waan wareeray, dabadeedna waan seexday, waxa aan toosay oo ku baraarugey markabkii oo Cadan galay oo laga degayo. Cadanina waxa ay igu noqotay yaabka yaabkiis. Waa magaalo weyn oo ballaadhan, casrina ah oo aad iyo aad uga duwan miyigaygii iyo tuulooyinkii aan la yaabi jirey. Waxa la igu qaaday baabuur ay lahaayeen Ciidamada Booliiska Cadmeed. Waxaa i wadey nin adeerkay ah oo la odhan jirey Maxamed Ciise, isaguna waxa uu ii geeyey adeerkay kale oo la odhan jirey Axmed Warsame Siciid (Niibsan). Guriga adeerkay Axmed Warsame ayaan ku degey. Gurigaas waxaa feedha ku hayey guri kale oo reer Soomaali ahi leeyiniin, waxaana reerkaas u shaqayn jirey nin Carbeed.
Haseyeeshee anigu kolkuu markabku dhaqaaqayba waan wareeray, dabadeedna waan seexday, waxa aan toosay oo ku baraarugey markabkii oo Cadan galay oo laga degayo. Cadanina waxa ay igu noqotay yaabka yaabkiis. Waa magaalo weyn oo ballaadhan, casrina ah oo aad iyo aad uga duwan miyigaygii iyo tuulooyinkii aan la yaabi jirey. Waxa la igu qaaday baabuur ay lahaayeen Ciidamada Booliiska Cadmeed. Waxaa i wadey nin adeerkay ah oo la odhan jirey Maxamed Ciise, isaguna waxa uu ii geeyey adeerkay kale oo la odhan jirey Axmed Warsame Siciid (Niibsan). Guriga adeerkay Axmed Warsame ayaan ku degey. Gurigaas waxaa feedha ku hayey guri kale oo reer Soomaali ahi leeyiniin, waxaana reerkaas u shaqayn jirey nin Carbeed.
Waxaa iigu yaab badnayd oo aan ilaa hadda kolkay igu soo dhacdaba iga qosliya in galab aniga oo keligey guriga iska hor fadhiya, maalmihii aan Cadan ku cusbaa uu ii yimid ninkii Carbeed oo doonaya kuraas guriga looga soo diray. Af Carabi ayuu igu weydiiyey kuraastii ayaa la ii soo diray ee na ammaanaysiiya. Waxa aan ka fahmay sheekadiisa erayga KURSI oo keliya! Waxa aan garanwaayey meel aan ula kaco erayadaas keligood, haseyeeshee aabbahay ayaan ka maqli jirey weedh (jumlad) Carabi ah oo ahayd (Alladii maa yacrif, maa yathaminac) oo macnaheedu noqonayo (Ninkii aan wax aqooni qiimayn ku siin mayo)! Metalkaas Af Carbeedka ah oo aannan macnihiisa kolkaas garanayn ayaan ninkii ku idhi.
Waa uu yaabay ninkii Carbeed, waxa uu garanwaayey meel uu u qaado wixii aan ku idhi! Cabbaar ayuu is taagay isaga oo yaaban, waxaanu iga tagey isaga oo aamusan. Muddo ayaan guriga ku go'doonsanaa oo aannan magaalada u soo bixin, aniga oo ka baqaya in aan ku lumo. Muddo yar ka dib waxa la ii geeyey malcaamaddii Quraanka oo iyana igu noqotay caalam kale oo igu cusub, haseyeeshee waan yaraa oo wakhti badan iguma qaadan in aan la qabsado noloshaas guud ahaanba. Waxa aan kolkiiba bilaabay in aan Quraankii barto, in aan kubbadda ciyaaro iyo in aan noloshaas cusub daahfur ku sameeyo.
1954tii ayaa Maxamed Ibraahim Magaalada Cadan ka bilaabay Malcaamad Quraanka lagu barto. 1956kiina waxa uu Cadan ka bilaabay waxbarashada dugsiga caadiga ah. Waxbarashada dugsiga sare waxa uu dhammaystay 1964tii. Isaga oo ka baxay dugsi magaciisa la odhan jirey St. Anthony's High School ee Magaalada Cadan. Kolkii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu ahaa arday xariif ah oo diric ah sidaas darteed waxa uu bare ka noqday mid ka mid dugsiyada hoose ee Dalka Yemen.
Kolkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay ee Gobollada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed midoobeen Hadraawi waxa uu ku soo laabtay dalkiisa hooyo gaar ahaan Magaalamadaxda Muqdisho. Hadraawi waxa uu ku biiray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ka qalin jebiyey Kulliyadda Waxbarashada Lafoole oo uu kolkii dambe iyada qudheeda uu bare ka noqday. Intaas waxaa barbar socotay in uu la shaqaynayey Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha. Hadraawi waxa uu si gaar ah uga shaqaynayey Codka Idaacadda Muqdisho ee Dawladdu leedahay.
Hadraawi waxa uu noqday gabyaa ama jiiftayahan caan ah oo curiyey maansooyin badan oo bulshada dhexdeeda aad looga yaqaan. Hadraawi waxa uu ahaa nin aad uga soo hor jeeda maamulkii dawladii Soomaaliya ee kolkaas jirtey isaga oo curiyey jiiftooyin iyo heeso ka soo hor jeeda maamulkii dalka ka talinayey sidaas darteed ayaa xabsiga loo taxaabay. Hadraawi waxaa lagu xidhay Xabsi ku yaal Magaalada Qansaxdheere oo Baydhabo u jira 90 km oo kaga aaddan dhanka koonfurgalbeed. Hadraawi waxa uu xabsiga ku jirey shan sanno oo ka soo bilaabanta 1973dii ilaa 1978dii. Kolkii uu xabsiga ka soo baxay waxa uu ka mid noqday Maamulka Xarunta Aqoonta iyo Suugaanta.
Xilliyadii bilowga burburkii iyo dagaaladii sokeeye waxa uu Hadraawi aaday Ingiriiska isaga oo sidoo kale safaro badan ku soo maray dalalka Yurub iyo Dalalka Ameerika. Intii uu marayey dalalkaas Hadraawi waxa uu ka qaybgalay xaflado badan isaga oo ku guulaystey in uu helo abaalmarinta la yidhaahdo Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay maansooyinka waxtarka leh ee uu bulshada u curiyey. Hadraawi waxa uu si rasmi Geyiga Soomaaliya ugu soo laabtay 1999kii oo degey Magaalada Hargeysa. Intaas wixii ka dambeeyey waxa uu ku biiray odoyaasha dhaqanka ee ka shaqeeya nabadda, wada noolaanshaha, iyo deris wanaagga.
Hadraawi waa maansoole ka mid ah hal-abuurayaasha ugu waaweyn, uguna magaca dheer curiyayaasha Soomaaliyeed ee hadda. Hadraawi waa haldoor aqoonyahan ah oo ku fogaadey, isla kolkaana ku talaxtagey oo ku dhex xasillay aqoonta bulshada. Hadraawi waxa uu ku xeel dheer yahay oo uu halkooda ugu tagey hawaale waranka iyo hogatuska maansada ee dhaqan ilaalinta, hidde madhxinta, iyo sugista murtida Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu talaxtagey dhaqanka iyo hiddaha. Maansooyinka uu curiyey waxaa ka mid ah: Sirta Nolosha, Rag Siyaasi Wada Noqey, Gudgude, Daalaley, Dabahuwan oo ah jiifto aad u dheer oo ka kooban ilaa 803 tuduc. Sidoo kale waxa uu curiyey Maadeysyo badan oo ay ka mid yihiin Aqoon iyo Afgarad, Tawaawac, iyo Silsiladdi Siinleyda oo uu qayb ka ahaa.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen