By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 04, 2025
HEESTA FARTA SOOMAALIGA
Waayahan dambe ee burburka iyo tabaalooyinka adduunka waxaa batay oo baylah iyo darxumo ku habsatay afkii iyo fartii Soomaalida. Iyada oo ay jiraan qofaf si kelikeli ah dadaal ballaadhan ugu jiraan, misana waxaa la tebayaa oo maqan kaalintii qaranka iyo wadajirka bulshada si la isaga kaashado oo loo daryeelo horumarinta afka iyo fartiisa.
In kasta oo farta qorani aafo weyn oo laxaad leh ka badbaadisey dadkeena, haddana waxaa dhab ah in badi la jejebiyo higgaadda iyo habsami u dhigidda afkeena hooyo. Inta badan waxaa dhacda in aan la dhawrin xarfaha labanlaabma, shaqalka dheer, iyo hakadkoraha oo la iska dhayalsado oo la dhaafo. Taasina carrab la'aan bay dhadhantaa oo tii oo aan la dhaadin bay qalloocaa iskaga caadiyowday. Haddaba Abwaanka la yidhaahdo Cismaan Cabdinuur Xaashi isaga oo arrimahaas ka dhiidhiyaya ayuu heestan soo socota u soo gudbinayaa bulshada Soomaaliyeed isaga oo yidhi:
Farteena ka daaya dheel dheelkoo.
Dhammaystira shaqalka kii dheeroo.
Xarfaha laba dhaca ha dhaawicinoo.
Hamsaha dhaabadda ah ha dhayalsaninoo.
Sidaad u dhahdaan ayuu u dhigmaa.
Oo sidaad u dhigtaana wuu u dhehmaaye.
Dhawaaqa san waa la qaataaye.
Dhabiiltanka hooy ku dhiirrada eey.
Dhiggiina qalaadba weydin dhistaan.
Higgaaddiisa waad dhudhumisaan oo.
Dhaliishana waad ka dhawrtaane.
Ajnabigaba waad ku dholoshaane.
Dhammaanba farteena dhoyga gashoo.
U dhaama sidaad u dhumiseeneey.
Sidaad u dhahdaan ayuu u dhigmaa.
Oo sidaad u dhigtaana wuu u dhehmaaye.
Dhawaaqa san waa la qaataaye.
Dhabiiltankan hooy ku dhiirrada eey.
Ciddii dhaaddaa dhadhaminaysoo.
Dhaqsaba keenu wuu u dhaadhiciyoo.
Murtaa lagu dhuday dhitiyo faraloo.
Suugaanta dhankeeda dheegsada oo.
Dhabtaad fahmaysaan dhammayska ahee.
Farteena ka daaya dheel dheelkoo.
Sidaad u dhahdaan ayuu u dhigmaa.
Oo sidaad u dhigtaana wuu u dhehmaaye.
Dhawaaqasan waa la qaataaye.
Dhabiiltankan hooy ku dhiirada eey.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen