+252 90 4048010

other

MAXAA AYNU RUMAYSANAHAY?

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: May 07, 2026


ARAR - MAXAA AYNU RUMAYSANAHAY?

Mahad oo dhan waxaa iska leh Allaha (sw) xaqa ah ee cirarka, iyo dhulalka udub la'aanta taagey, isla markaana abuuray waxa ku dhex nool, iyo inta u dhexaysaba. Naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Rasuulkeenii suubbanaa ee Muxammad Bini Cabdullaahi Binu Cabdulmudalib Binu Haashim, kaas oo jidka xaqa ah innagu hanuuniyey; isla markaana aan cid kale xaq lagu raaci karin isaga, iyo wixii jidkiisa raacay mooyee.

Marka qofku rabo in uu galo halgan caqiido ama halgan nololeed, waxaa ku waajib ah in ay caddahay waxa uu rumaysan yahay, iyo ujeeddadiisa. Haddii kale waxa uu halgankiisu noqonayaa walax aan jirin.

Haddii aynu nahay dadka muslimiinta waxa aynu rumaysanahay in Allaah yahay kan keliya ee xaq lagu caabudo, oo aan cid kale la caabudi karin. Allaah waa kan keliya ee wax abbuura, wax irsaaqa, wax dila, wax nooleeya, dunida maamula oo boqortooyada dunida iska leh. Allaah waa kan keliya ee ciddii uu doona sharfa, ciddii uu doonana duleeya. Isla markaana waxa uu Allaah gaar u leeyahay magacyo iyo sifooyin aan cid kale loogu yeedhi karin ama laguna sifayn karin.

Intaas ka dib waxa aynu rumaysanahay in Nebi Muxammad (scw) yahay Rasuulkii Allaah ee Diinta Islaamka loo soo dhiibey oo uu yahay kii rususha ugu dambeeyey. Sidoo kale waxa aynu rumaysanahay in Allaah (sw) qofka muslimka ah ku waajibiyey shanta Salaadood, Zakada, Soomka bisha Ramadaan, iyo booqashada Guriga Allaah ee la dhawray (barakaysan). Intaas waxaa la isku yidhaahdaa tiirarka Islaamka, iyo camalada daahirka ah ee qofka ka muuqda, markuu muslim yahay ama Islaamka soo galo. Laakiin waxaa jira camalo aan ka muuqan daahirka kore ee qofka muslimka ah. Markaa waxa aan iskudayeynaa in aan wax yar ka nidhaahno camalada qarsoon ee qofka muslimka ah ku waajibka ah.

Camalada qarsoon ee qofka muslimka ah ku waajibka ah, waxaa koobay lixda tiir ee iimaanka. Qofka muslimka ahna, waxaa ku waajib ah in uu Allaah (sw) carrabka ka qiro, qalbigana ka rumeeyo, xubnaha jidhkiisana cibaado ama camal ka sameeyo, iyo in uu si dhab ah u raaco wixii rasuulku inoo la yimid oo carrabkiisa ku sharciyeeyey.

Laga soo bilaabo ilaa iyo bilowgii taariikhda aadamaha, waxaa la soo horumariyey xeerar iyo dhaqan si loo toosiyo anshaxa iyo akhlaaqda qofka iyo xidhiidhka bulshada. Buugga ugu weyn ee ilaa hadda la ogyahay waxaa la yidhaahdaa: "The Instructions of Ptah Hotep" oo loo aaneeyo in ay qoreen Fircooniyiintii hore. Buuggaasi waxa uu ka hadlayaa sida aabbuhu, wiilkiisa ugu barbaarin lahaa habdhaqanka wanaagsan ee naftiisa, iyo bulshada uu la nool yahay. Bulsho kasta oo dunida soo martayna waxa ay lahayd xeerar iyo xeerbeegti ay raacaan; sidaas awgeed waxa uu maamuuska iyo habdhaqanka bulshooyinku isla soo bedelley sebenka ilaa iyo bilowgii adduunyada (uunka). Inta badan waxaa dhacda in qofku bedello dhaqankiisa, marka uu meel ka tago, oo meel kale tago; iyada oo amminta aannay wax weyn wareegin, tusaale ahaan waxa uu Islaamku ku guulaystey in uu muddo kooban ku bedello dhaqanka bulshooyinka dunida. 

Haddii aynu milicsano dhaqanka muslimiinta ee maanta, waxa aynu arkaynaa in dhaqankii iyo caadooyinkii Islaamka laga durkay. Sidoo kale waxa aynu arkaynaa curiyayaal badan oo ka mid ah anshaxa iyo maamuuska Islaamka ay ka dhex muuqdaan habdhaqanka iyo nolol maalmeedka Muslimiinta. Laakiin haddana waxaa dhab ah in curiyayaal badan oo waajib ahaa barabax ku dhacay oo ay muquuniyeen caadooyin iyo habdhaqamo kale oo  qariib ku ah Islaamka. 

Soo dhoofinta dhaqanka Reer Galbeedku waxa ay muquunin iyo falgal joogta ah ku haysaa anshaxa iyo nolol maalmeedka Muslimiinta. Laakiin ka hor intii aan falgalkaasi iman waxa ay ummadda muslimiinta ahi raaci jireen dawga nolosha ee Islaamku jeexay, kaas oo ah daw nololeed dhammaystiran. Haddaba si aynu uga hortagno biimadaas waa in qofka muslimka ahi islaameeyaa nuxurka iyo fikradaha habdhaqankiisa isaga oo ka soo dhimbiilqaadanaya asalka ilaha Islaamka oo ah: Qur'aanka iyo Sunnada. Qofku waa in uu kala soocaa farqiga u dhexeeya xeerbeegtida Islaamka (Islaamic values) iyo xeerbeegtida galbeedka (Western values). Sidoo kale waa in qofka muslimka ah kala saaraa farqiga u dhexeeya Islaamka iyo Kufriga. Qofka muslimka ahi waa in uu sixid joogto ah ku sameeyaa xeerbeegtida Islaamka ee uu khaladka ugu dhaqmi jirey. Marka qofku naftiisa saxo isla markaana uu dadka kale u sheego waxyaalaha khaladka ah ee ay sameeyaan waxaa la helayaa jid cad oo bulshooyinka muslimiinta ahi kaga hortagaan dhaqamada qalaad ee lagu beerayey bulshooyinkooda ilaa iyo muddo dhowr qarni ah.

Anshaxa iyo habdhaqanka ummaddaha aan muslimiinta ahayn waxaa laga soo dhiraandhiriyaa xaaladda deegaanka ee ay ku nool yihiin, sidaas awgeed waxa ay u jilicsan yihiin in ay isla bedelaan xaaladdaha deegaanka ee isbedelaya. Sidaas darteed waxa ay negaansho la'aantu keentaa in ay soo baxaan habdhaqan aan hore loo arag isla markaana aan hiyiga lagu hayn. Laakiin anshaxa iyo habdhaqanka Islaamka waxaa laga soo dhimbiilqaataa laba ilood oo waaweyn oo kala ah: Qur'aanka iyo Sunnada nebiga oo ah wax alle wixii Rasuulku yidhi, falay, ama hortiisa lagu sameeyey oo aannu dadka ka reebin. Labada iloodba waa waxyi xag Allaah ka yimid.

Qur'aanka iyo Sunnada oo xambaarsan mabaadi aad u ballaadhan waxa uu Allaah ugu talagalay in lagu xalliyo dhibaatooyinka ka dhex aloosma bulshooyinka aadamaha iyo filalka kala dambeeya ilaa Qiyaamaha. Mabaadidaasi waxa ay muujinayaan sida Allaah (sw) u dhammaystiray dawga nolosha ee Islaamka iyo in uu Islaamku adkaysi u leeyahay in uu xalliyo maaraynta nolosha aadamaha sida: Dhaqaalaha, siyaasadda, waxbarashada, anshaxa, iyo habdhaqanka qofka muslimka ah ee la xidhiidha bulshada iyo nolol maalmeedkiisa. Islaamku ma aha diin cibaado oo keliya, laakiin waxa uu Islaamku leeyahay nidaam shareeco oo qotomiya qiyamka iyo waxyaalaha ummadda muslimiintu qiimeeyaan (values), caadooyinka, iyo maamuusyada (manners)  ummadda muslimiinta kuwaas oo lagu gaadhi karo liibaan aakhiro iyo mid adduunyo.

MAXAA UU YAHAY ISLAAM? 

Islaamku waa dariiq nololeed oo dhammaystiran. Islaamku waa hoggaamin Allaah (sw) siiyey khalqigiisa, Allahaas oo abuuray aadamaha iyo caalamka ku wareegsan oo idil. Islaamku waxa uu inoo sheegaa ujeedada Allaah (sw) ka lahaa abuurista aadamaha, aayaheena dambe, iyo derejada aadamuhu ku leeyahay khalgigiisa. Islaamku waxa uu dadka tusiyaa sida ugu fiican ee aynu u fulinayno arrimaha qof kasta u gaarka ah, arrimaha bulshada, arrimaha siyaasadda, arrimaha dhaqaalaha, arrimaha anshaxa (moral affairs), iyo arrimaha cibaadada. 

Erayga Islaam waa eray Carabi ah oo macnahiisu yahay "hoggaansan iyo adeecid." Hoggaansanku waa iyada oo la raaco (la qabatimo) Allaah (sw) amaradiisa. Adeecuduna waa in la dhaqangeliyo Allaah (sw) amaradiisa. Sidaas darteed amarada Allaah (sw) oo la qabatimo iyo dhaqangelintoodu waxa ay keentaa "nabad." Taasina waa sababta Islaamku ula macno yahay "nabad," waayo waxa ay raacista iyo dhaqangelinta ammarada Allaah (sw) keenaysaa nabadgelyo. Qofka raaca dariiqa suubban ee Islaamka waxaa loogu yeedhaa muslim.

Islaamku waa dawga nabadgelyada iyo kala amar qaadashada. Haddii aynu fiirino hareeraheena, waxa aynu arkaynaa in walax kasta ku soconayso amar Allaah (sw) siiyey. Haddii aynu u fiirsano Qorraxda, dayaxa, xiddigaha, badaha, iwm waxa aynu dareemi karnaa in walax kasta ku soconayso qaanuun Allaah (sw) u dejiyey. Weligeed lama arag oo lama maqal Qorrax baa dayax jiidhay, ama dayax baa Qorrax jiidhay; taasi waxa ay tusinaysaa in maamulka koownka (universe) aannu ka jirin wax amar diido ah. Qawaaniinta Allaah (sw) waxaa lagu yaqaan in aannay isbedellin, tusaale ahaan, Qorraxdu waxa ay ka soo baxdaa bari, isla markaana waxa ay ka dhacdaa galbeed (bogox), dayaxa iyo xiddiguhu waxa ay soo baxaan habeenkii, marka maalintu tagtana waxaa yimaada habeen, ubaxa iyo caleemuhu waxa ay dhirta ka soo baxaan xilliga gu'ga, iyo dayrta.

Walax kasta waxa ay ku soconaysaa xeer loo dejiyey, mana jebin karto. Weli miyaa la arkay xeer Allaah (sw) oo ay jebiyeen walxaha dhalanku (objects of nature)? Jawaabtu waa maya. Waayo? walxaha dhalanka waxaa loo abuuray in ay Allaah (sw) adeecaan, isla markaana ma haystaan doorasho ay ku jebiyaan. Taasina waa sababta walxaha dhalanka looga helay nabad waarta (eternal peace). Walxaha dhalanka ee innaga sarreeya, waxaa kale oo loogu yeedhi karaa Bahda Cadceeda, laakiin aadamuhu waa ka duwan yahay walxaha dhalanka. Allaah (sw) waxa uu aadamaha siiyey "aqoon iyo doorasho" ay ku gartaan oo ku doortaan jidka toosan ama kan khaldan. Allaah (sw) cidla kagama tagin aadamaha, laakiin waxa uu u soo diray rusul iyo kutub tusiya jidka toosan, si ay qofka u hagaan oo ugu badbaadaan jidka khaldan.

Allaah (sw) kuma dirqiyin aadamaha in ay khasab ku adeecaan. Laakiin Allaah (sw) waxa uu aadamaha siiyey doorasho in ay adeecaan ama diidaan. Maxaa Aadamaha loo siiyey doorasho? Allaah (sw) waxa uu rabaa in uu imtixaano adoomihiisa. Imtixaanka ka bacdi waxaa jiridoonta maalin adoomaha la kala xukumidoono. Qofkii imtixaanka ku gudba, waxa uu Allaah (sw) ku abaalmarindoonaa nabad iyo degganaan waarta oo 'Janno' ah. Qofkii imtixaanka ku dhacana, waxa uu la kulmidoonaa ciqaab xun, hoog iyo haydaarto oo 'Naar' ah. Dadku waxa ay abaalmarinta wanaagsan ku xoogsan karaan, isla markaana ay ciqaabta Allaah (sw) kaga baxsan karaan iyaga oo Allaah (sw) adeeca oo caabuda.

Hore waxa aynu u soo sheegnay in walxaha dhalanka (objects of nature) ay ka dhex jirto nabad waarta, iyo amar qaadasho u socota sidii Allaah (sw) u qorsheeyey waayo ma haystaan doorasho ay Allaah (sw) amarkiisa ku diidaan. Sidaas darteed haddii dadku raacaan jidka sharciga ah ee Nebiyada iyo Rususha lagu soo dejiyey, waxaa dhab ah in dunida guudkeeda loogu wada noolaan lahaa nabadgelyo iyo dulmi la'aan.

Aadamaha oo idil waxaa dabeecadiisa ku beeran in uu jecel yahay walaxda fiican, isla markaana uu neceb yahay walaxda xun. Tusaale ahaan, dadku waxa ay jecel yihiin runta, isla markaana waxa ay neceb yihiin beenta. Haddii qofku beenaale yahay ma jecla in lagu sheego beenaale waayo waa tilmaan xun. Sidoo kale u gargaarista dadka, u naxariisashada dadka, ixtiraamka dadka waaweyn, adeecida waalidka, qaadashada amarka macallinka, daacadnimada, iyo akhlaaqda wanaagsan oo dhammi, waxa ay agteena ku leeyihiin qiimo weyn oo aynu jecelnahay. Laakiin xumaanta, cadawnimada, been sheega, dhibista dadka kale, caasinimada waalidka iyo macallimiinta, magacyada xunxun, iyo akhlaaqda xun oo dhammi, waynu neceb nahay oo agteena qiimayn kuma leh. Sidaas darteed waxaa dabeecada Aadamaha ku beeran wanaag jeceylka iyo xumaan neceybka. Wanaaga waxaa afka carabiga loo yaqaan 'Macruuf.' Xumahana waxaa loo yaqaan 'Munkar.'

Aadamaha waxaa kale oo dabeecadiisa ku beeran nabad jeceylka, iyo amar kala qaadashada. Dadku waxa ay neceb yihiin amar diidada, iyo is maqal la'aanta. Nabadu waa midhaha ka soo go'a Allaah (sw) amaradiisa oo loo hoggaansamo. Nabadgelyo la'aantuna waa midhaha ka soo go'a Allaah (sw) amaradiisa oo la diido. Sidaas darteed waxa uu Islaamku unkaa nabad jeceylka ku beeran dabeecada Aadamaha. Islaamku waa 'nuguurta dhalanka' (diinul fitrah) oo qofka ilhaamisa, waxa dabeecadiisa ku beeran. 

Si bulshooyinka dunidu u gaadhaan nabad waarta, waxa uu Islaamku farayaa in laga wada shaqeeyo wanaagga, isla markaana la fogeeyo shaydaanka iyo dhashiisa. Shaydaanka oo lagaga hortago cudud middaysan, waxaa la yidhaahdaa 'Jihaad.' Ujeeddada Jihaadku waxa ay tahay in runta la sugo oo dhidibada loo aaso, iyo in beenta la libdhiyo. Jihaadka waxaa lagu gaadhaa derejada ugu saraysa ee Jannada.

Marka gaaladu rabaan in ay Diinta Islaamka wax ka sheegaan, waxa ay yidhaahdaan 'Diintii Muxammad' (Mohammedanism). Dadka muslimiinta ahna waxa ay ugu yeedhaan 'Muxammadiyiintii' (Mohammedans). Ujeeddada ka dambaysaana waxa ay tahay in ay Diinta Islaamka duraan, si Diinta Islaamku ugu muuqato wax Nebi Muxammad (scw) la yimid sida diinaha kale loogu magac daray ninkii asaasay. Tusaale ahaan, waxaa Diinta Masiixiga loogu magac daray Ciise Masiix, Diinta Budhiisamka waxaa loogu magac daray ninkii asaasay ee Guutama Budha. Laakiin Islaamka lagu ma magacaabi karo Nebi Muxammad (scw). Erayga Islaam waa eray loo yiqiinay diinihii hore oo dhan laga soo bilaabo diintii Nebi Aadam ilaa Nebi Muxammad.

Qur'aanku waxa uu isticmaalaa erayada Islaam iyo Muslim. Diinta Islaamku waa diinta qudha ee laga aqbalayo qofka la yimaada Maalinta Qiyaamaha. Allaah (sw) ayaa dadka raaca jidkiisa hore ugu magacaabay muslimiin.

UJEEDDADA AADAMAHA LOO ABUURAY 

Allaah (sw) waxa uu Aadamaha u abuurtay, in ay Isaga ku caabudaadaan dunida guudkeeda. Allaah (sw) waxa uu qorsheeyey in wax kasta oo addoomihiisu samaynayaan ay Isaga ku adeecaan. Markii Allaah (sw) alkumayey aadamaha waxa uu kala lahaa labo ujeeddo oo kala ah:

1. Sida Allaah (sw) ku sheegay Qur'aanka waxa ay ujeedda 1aad tahay in ay Isaga caabadada u badhaxtiraan. Sida Allaah (sw) ku sheegay Qur'aanka: "Uma abuurin Aadamaha iyo Jinka wax kale, laakiin waxa aan u abuurtay in ay Aniga i caabudaan oo keliya."

Erayga cibaado waxa uu la macno yahay wax kasta oo Allaah (sw) jecel yahay, isla markaana uu ka raali yahay. Sidaas darteed camal kasta waa cibaado, haddii loola jeedo Allaah (sw) dartii. Cibaadadu waa dawga lagu gaadho guul adduunyo iyo liibaan aakhiro. Cibaadada qofka muslimka ah laga rabo, waxaa loo kala qaybiyaa shan qaybood oo kala ah:

Cibaado guntin ah oo qofku xoog u rumaysan yahay Allaah (sw), Nebi Muxammad, iyo Diinta Islaamka oo uu caqiido ahaan ugu dhegan yahay. Cibaadada guntinta ahi waa in ay noqotaa mid qofka qalbigiisa ku dhegan.

Cibaado dhawaaq ah sida ku dhawaaqidda shahaadada, akhrinta Qur'aanka, Allaah tuugista ama ducaysiga, xuska Allaah, iwm.

Cibaadada jidhka sida salaadda la isu taagayo, sujuudda, rukuucda, soonka, iyo camallada xubnaha laga samaynayo ee xajka, iwm.

Cibaadada ka tagista ahi  waa in qofka muslimka ahi ka tago waxyaalaha boolida ama xaaraanta ah, shirkiga, iyo bidcooyinka isaga oo uga tageya in uu Allaah raaligeliyo.

Cibaadada maalka sida zakada, dhawrtada ama sadaqada, iwm.

Cibaadada Allaah (sw) loo samaynayo lama aqbalo, haddii aan laga helin laba shuruudood oo kala ah: 

1. Cibaado kasta oo la samaynayo waa in loola jeedaa Allaah dartiis oo Isaga lagu gaaryeelaa. Cibaado aan loola jeedin Allaah (sw) dartiis la ma aqbalo.

2. Sida aad Allaah (sw) u caabudayso waa in ay waafaqsan tahay hanuunkii nebigeena iyo sidii uu innagu yidhi Allaah (sw) u caabuda.

2. Ujeedada 2aad ee Allaah (sw) ka lahaa abuurista aadamaha, waxaa kale oo ka mid ah in dadku dhulka khaliif ka noqdaan. Khaliif waxaa looga jeedaa in ay dhulka guudkiisa camiraan, laakiin waa arrin soo hoos gelaysa cibaadada. Camiraadu waa in dhulka lagu dul shaqaysto, iyada oo la raadinayo Allaah (sw) raaligelintiisa iyo daarta aakhiro.

RUMAYNTA ALLAAH (SW)

Rasuulkeenii Muxammad (scw) waxaa laga soo weriyey, in uu yidhi: "iimaanku waa dhowr iyo todobaatan gobol, waxaa ugu sarreeya erayga 'Laa Ilaaha, ilaallaahu' isla markaana waxaa ugu hoosaysa erayga "in jidka laga leexiyo waxyaalaha khalgiga dhiba sida dhagxaanta, quraaradaha, qashinka, qodaxda, qoryaha, iwm."

Nin reer baadiye ah, oo dadkii inaka horeeyey ah, ayaa la weydiiyey: Maxaad ku garanaysaa in Allaah (sw) jiro?. Ninkii wuxuu ku jawaabey: Haddaad saalo aragto waxaad garanaysaa in meesha awr maray; haddaad raad aragto waxaad garanaysaa in cidi meesha martay. Sidaas darteed wuxuu kownka (universe) isku rakiban ina tusinayaa in samayntiisa ay ka dambeysey mid xikmad badan, oo cilmi badan.  

Iimaanku ma aha walax maaddi ah oo isha lagu arki karo, ama lagu garan karo dareemayaasha qofka (urta, araga, maqalka, taabashada, iyo dhadhanka); laakiin waa walax ku dheehan niyada qofka. Qofka muslimka ahi wuxuu macaanka iimaanka ka dhadhamiyaa qalbigiisa; raadka iimaankuna wuxuu ka soo ifbaxaa akhlaaqda qofka, hadalka qofka, iyo falka (camalka) qofka. 

Iimaanka waxay culumada Selefku ku qeexeen inuu ka kooban yahay: Hadal (qowl), camal (fal), niyad, iyo in sunnada Rasuulka (scw) oo la raaco. Haddii afartaas mid maqan yahay, waxaa gaasirmaya qofka iimaankiisa. Sidoo kale waxay culumadii selefku odhan jireen ifka waxaa ku taal janno, haddii qofku aanu dhadhamin jannadaas inta uu dunida joogo, ma dhadhamiyo jannada aakhiro. Jannada ifkuna waa macaanka iimaanka.

Hore waxaynu u soo sheegnay in iimaanku ka kooban yahay dhowr iyo todobaatan gobol. Laakiin wuxuu leeyahay lix tiir oo ugu waaweyn, isla markaana inta kale soo hoosgalaan. Lixda tiir ee ugu waaweyn iimaanka, ama rumaynta Allaah (sw) waxay kala yihiin:

  1. Rumaynta Allaah (sw) 
  2. Rumaynta Malaa'ikta (Malaa'ikah)
  3. Rumaynta Kutubta Allaah (sw)
  4. Rumaynta Fariinsidayaasha Allaah (sw) (Rusulullaah)
  5. Rumaynta Maalinta Qiyaamaha iyo nolosha ka dambaysa dhimashada
  6. Rumaynta Qadarta Allaah (sw)

Tiirarka iimaanka waxaa weedhaha soo socda si cad oo kooban ugu qeexaya Rasuulkeenii Muxammad (scw):

Tiirarka iimaanka oo macnahoodu yahay, waxa aan rumaysnahay Allaah (sw), Malaa'iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qiyaamaha, Qadartiisa (in kheyrka iyo sharka laga go'aamiyo xag Allaah), iyo Nolosha ka dambaysa dhimashada. Lixda tiir ee iimaanka waxaa la isu raaciyaa saddexda kooxood ee soo socda:

1. Tawxiid waa in Allaah (sw) la keli yeelo.

2. Risaalah (nebinimada, malaa'ikta, iyo kutubta)

3. Aakhirah (nolosha ka dambaysa dhimashada)

Tawxiid, Risaalah iyo Aakhiro waxa ay koobayaan dawga nolosha ee Islaamka oo idil. Sidaas darteed waxa aynu ku khasbanahay in aynu fahanno. Tawxiidku waa rumaynta Allaah (sw) iyo Qadarta. Risaaladu waa rumaynta Malaa'ikta, Rususha, iyo Kutubta Allaah (sw). Aakhirah waa rumaynta Maalinta Qiyaamaha, iyo Nolosha dambe. Haddii Allaah (sw) idmo, waxa aynu qaybaha soo socda ee maqaalkan ku barandoonnaa mid kasta, iyo nuxurkiisa oo ka mid ah saddexdaas qaybood ee loo qaybiyey Tiirarka Iimaanka (Tawxiid, Risaalah, iyo Aakhiro).

TAWXIIDKA

Tawxiid waxa uu la macno yahay in Allaah (sw) la keli yeelo. La keli yeelo waxaa looga jeedaa in Allaah (sw) arrimaha u gaarka ah, aan cid kale lala wadaajin sida baryada, zakada, nidarka, salaada, soonka, cabsida, tawakulka, rajada, gawraca, iwm. Erayga Tawxiid waxaa la isku yidhaahdaa laba tiir oo ka mid ah Tiirarka iimaanka: Rumaynta Allaah (sw) iyo Qadarta. Tawxiidku waa qodobka ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan tiirarka rumaynta Allaah (sw).

Tawxiidka ay Rusushu dadka ugu yeedhayeen, waxaa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah: (1) Tawxiidka qiridda iyo sugidda Allaah (sw) iyo (2) Tawxiidka cibaadada iyo ujeedadda. 

Nooca hore ee Tawxiidka qiridda iyo sugiddu, waxa uu ku taxaluqaa in Allaah (sw) jiritaankiisa la qiro, magacyadiisa la sugo, sifooyinkiisa la sugo, iyo guud ahaan in xaqnimadiisa la qiro. Allaah (sw) jiritaankiisa oo la qiro, waxaa looga jeedaa in la qiro oo qalbiga laga rumeeyo in Allaah (sw) dunida maamulo, dunida abuuray, khalqigiisa irsaaqo, wax nooleeyo, wax dilo, doonistiisu ahaato, iwm. Allaah (sw) magacyadiisa oo la sugana, waxaa looga jeedaa in Allaah (sw) magacyada iyo sifooyinka uu naftiisa ku tilmaamay sida ay yihiin loo rumeeyo oo aan cid kale lagu magacaabin ama lagu sifayn. Sidoo kale waa in la sugaa magacyada iyo sifooyinka Rasuulkeenii Muxammad (scw) ku sifeeyey ama ku magacaabay.

Nooca labaad ee Tawxiidka cibaadada iyo ujeedadda, waxaa looga jeedaa in Allaah (sw) keligii cibaadada uu xaqa u leeyahay lagu gaar yeelo oo aan cid kale lala wadaajin. Isla markaana ujeedadda la inoo abuuray tahay in Allaah (sw) la caabudo oo keliya. Allaah (sw) innagama rabo quud iyo wax kale toona, laakiin waxa uu innaga rabaa in camal kasta oo aynu samaynayno uu soo hoos galo cibaadadiisa.

Qaybta hore ee Tawxiidka qiridda iyo sugidda, oo ah in Allaah (sw) jiritaankiisa la qiro, oo loo sugo waxyaalaha uu xaqa u leeyahay, wax diidan caalamka ma soo marin ilaa dhowr kooxood oo yaryar maahee, sida shuuciyaddii Soofiyeetka, iyo koox Dahriyiin la odhan jirey oo sannadka caabudi jirey. 

Qaybta 2aad ee Tawxiidka waa qaybta rasmiga ah ee gaal iyo Islaam ku kala baxo. Tawxiidka Cibaadadu waa Tawxiidka lala soo diri jirey Rususha in ay dadka gaadhsiiyaan si ay Aakhiro u badbaadaan. Tawxiidka Cibaadada waxaa soo hoosgelaya in camal kasta Allaah (sw) loo gaaryeelo oo aan cid kale lala wadaajin, iyo in Allaah (sw) lagu caabudo jidkii uu sharciyeeyey oo keliya. Sidaas darteed haddii camalka qofku samaynayo ka baxo soohdintaas waxa uu ku dhacayaa shirki. Shirkigu waa lidka Tawxiidka. Tawxiid saafiya waxaa lagu galaa Janno. Shirkigana waxaa lagu galaa Naarta.

Shirkigu waa laba nooc oo kala ah: Shirki camalka qofka gala, iyo shirki caqiidada ama iimaanka qofka gala. Labada noocba waa lagu halaagsamaa. Shirkiga camalka gala waa adiga oo camalka aad Allaah (sw) u samaynaysid cid kale istusa iyo in la yidhaahdo hebel waa kheyr badane. Shirkiga caqiidada ama rumaynta gala waa adiga oo cibaado ama camal Allaah (sw) xaq u leeyahay cid kale siiya.

Allaah (sw) waxa uu si qurux badan naftiisa ugu qeexay "Suuradda Al-ikhlaas."  "Waxa aad tidhaahdaa, Allaah (sw) waa keligiis. Allaah (sw) waa hore u jire, hadda jooge, weligii waare. Isaga ayaa arrimaha lala aadaa. Allaah (sw) waxba ma dhalin, lamana dhalin. Sidaas darteed ma jirto wax la siman iyo lala simo oo la kuf ah."

Allaah (sw) waa kan abuuray cirarka, dhulalka, iyo waxa ku dhex uuman, maamula ee haga, isla markaana jidadkiisa ku hoggaamiya. Allaah (sw) waa kan awooda oo idil iska leh, Allaah (sw) wax kasta waa uu og yahay, Allaah (sw) waa xikmad badan yahay, Allaah (sw) waa uu naxariis badan yahay, Allaah (sw) waa dhaafid badan yahay, iwm. Allaah (sw) mar kasta waa uu ina la jiraa. Allaah (sw) mar kasta waa uu ina arkaa, laakiin innagu ma arki karno. Allaah (sw) waa hore u jire, hadda jooge, iyo weligii waare. Allaah (sw) waa horreeye iyo dambeeye. Allaah (sw) ma leh saaxiib iyo ubadtoona. Allaah (sw) waa kan nolosha inoo yeelay, isla markaana waa kan nolosha innaga qaadidoona. Sidaas ayaana waajibtey in aynu xaggiisa u noqondoono.

Sayid Muxammad waxa uu Ciidamadii Daraawiishta caqiidadii ugu bedelley af Soomaali, si ay ugu fududaato barashadeedu. Kolkaas waxaa caqiidadii oo af Soomaali ah lagu meeriyey maansada la yidhaahdo weglo. Sidaas awgeed waxa ay dadkii u barteen si fudud.

Allaaheenii Jaliilka ahaa, sagaashan iyo sagaal sifaa u waajibtayoo 

Inuu jiro baa u waajibtayoo, hadduusan jirin ma joogneeneey

Hadduu ina joojiyaad aragtaan, inuusan jirin ma suurowdoo

lnuu jiri jiraa u waajibtayoo, haddii kale yaa ina jirsiinoo

Inuu jiridoonaa u waajibtayoo, haddii kale yaa ina jaseynoo

Jinni iyo insiba waa khillaafsan yahoo, haddii kale waaba jeyshkoodoo

Waajibaadka ugu horreeya ee qofka muslimka ah laga rabo, waa in uu qiro Allaah (sw) iyo Rasuulkiisa. Si qofku qirashada u sameeyo waa in uu ku dhawaaqaa erayada soo socda: "Laa ilaaha illalaaha, Muxammadu rasuulullaah." Taas oo macnaheedu yahay "ilaah xaq lagu caabudo majiro, Allaah (sw) mooyee; Muxammadna waa rasuulkiisii uu xaqa ku soo diray." Erayadaas waxaa afka Carabiga loo yaqaan "Shahaadah" (declaration). Shahaadadu waxa ay ka kooban tahay laba qaybood: (1) Laa ilaaha illalaah, (2) Muxammadu Rasuulullaah. Allaahna (sw) ma jideyn in Shahaadada laga siyaadiyo labadaas.

Weedhaha "Laa ilaaha illalaah‚" ee Shahaadada qaybta hore, waxa ay ka kooban tahay qayb taban (negative) oo diidmo ah iyo qayb togan (positive) oo qirid ah. Laa ilaaha way taban (negative) tahay, illalaah (sw) way togan (positive) tahay. Qaybta tabani waxa ay diidaysaa dhammaan ilaahyada beenta ah ee la caabudo, qaybta togannina waxa ay sugaysaa in Allaah (sw) keliya la caabudo. Qofkii Allaah (sw) kheyr la doono waxa uu qalbigiisa ka ifiyaa ilayska iimaanka. Ilayska iimaankuna waxa uu qofka qalbigiisa si fiican uga ifaa, marka qofku fahmo nuxurka iyo macnaha ay xambaarsan tahay "Laa ilaaha illalaah." Haddii qofku ku dhawaaqo "Laa ilaaha" oo keliya, ma ifo ilayska iimaanku. Marka uu fahmo ee ku dhawaaqo "Illalaah" waxaa qalbigiisa ka ifa ilayska iimaanka.  

Allaah (sw) oo addoomihiisa is baraya waxa uu yidhi: Rabbigiin waa Allaha (sw) cirarka iyo dhulalka ku abuuray lix cisho, ka dibna ahaaday "Carshigiisa" isaga oo halkaas ka maamula arrimaha khalqigiisa. Carshiga Allaah (sw) waxa uu ka sarreeyaa todobada cir, Carshiga Allaahna (sw) waxaa kor ahaaday Kursigiisa. Allaah (sw) Kursigiisu waxa uu ka ballaadhan yahay todobada cir iyo todobada dhul oo la isku daray. Dadkii Selefka ee innaga horreeyey waxa ay sheegeen: Allaah (sw) waxa uu ahaaday Carshigiisa oo waa la gartay, laakiin xaaladdiisa iyo siduu Carshiga u joogo lama oga, in la is weydiiyana waa bidco oo ma bannaana, in sidaas Allaah (sw) inoo sheegay lugu rumeeyana waa waajib.

Allaah (sw) waa uu ka duwan yahay khalqigiisa oo lagu ma meteli karo walax ka mid ah khalqigiisa. Dadka qaar baa rumaysan in Allaah (sw) ku dhex jiro walax kasta oo dhaqdhaqaaqda, laakiin waa caqiido baadil ah. Allaah (sw) khalqigiisa waa ka soocan yahay, isla markaana ma lagu suurayn karo walax khalqigiisa ka mid ah.

Si rumaynta Allaah (sw) xiddidida ugu beeranto qalbiga qofka, waxaa qofka muslimka ah laga rabaa in uu qalbigiisa ka nadiifiyo ilaahyada baadilka ah, ama walax kasta oo la caabudo Allaah (sw) sokedii. Tawxiidku waxa uu u baahan yahay in nafta iyo qalbiga lagu beero, sida dhirtu ugu baahan tahay in dhulka lagu beero. Si aynu u fahanno 'beerista tawxiidka,' waxa aad ka soo qaadaa in aynu haysano waslad dhul ah; dhulka waxa aynu rabnaa in aynu ku beerno Sareen. Haddii iniinyaha dhulka lagu daadiyo, iyada oo dhulkii aan si buuxda loo nadiifin oo la carragediyin. Ma rajaynayno in aynu helno Sareen fiican. Sidaas darteed maxaa marka hore loo baahan yahay in aynu samayno? Marka ugu horreysa waa in aynu dhulka nadiifinaa, carragedinaa, ciidda budlinaa, ciidda sinnaa, iniinyaha ku daadinaa, isla markaana waraabinaa. Marka dhowrkaas qodob la helo waxa aynu rajaynaynaa in midho fiican inoo soo go'aan.

Waxaad ka soo qaadaa in dhulku u taagan yahay qalbiga dadka. Haddii qalbiga dadka ay ka buuxaan ilaahyo baadil ah, waxaa adag in nafteena lagu beero xiddidada tawxiidka runta ah. Sidaas darteed waa in qofku marka hore naftiisa ka nadiifiyaa ilaahyada baadilka ah, iyo walxaha kale ee  la caabudo Allaah (sw) sokedii. Markaas waxaa qalbiga ku beermaya tawxiidka, isla markaana waxaa qalbiga ka ifaya nuurkii tawxiidka.

Tawxiidku waxa uu qaabeeyaa nolosheena oo dhan, isla markaana waxa uu toosiyaa nolosheena oo idil. Kownka ballaadhan iyo nidaamkiisa isku xidhan, waxa uu si cad inoo tusinayaa in hal Ilaah ka jiro, isla markaana hal meel laga hoggaamiyo. Haddii aynu wax yar ka fekerno nidaamka, iyo habka amar kala qaadashada ee kownka ka jirta, waxa aynu arkaynaa in wax khilaaf ahi aannay ka jirin. Haddii kownka ay ka jirto labo Ilaah, waxaa fasahaadi lahaa jiritaankiisa; isla markaana waxa uu Ilaah kasta gooni la aadi lahaa intiisa. Laakiin weligeen ma aynu maqal labo Ilaah baa kownka isku haysta. Walax kasta waxa ay raacdaa qaanuun Allaah (sw) u dejiyey; walax kastaana waxa ay si xikmad leh u taal meeshii Allaah (sw) u qorsheeyey. Tusaale ahaan, waxa aynu ognahay in mid kasta oo ka mid ah Bahda Cadceedu (solar system) uu ku wareego 'meeris ama falak' Allaah (sw) u qorsheeyey; meere kasta waxa uu raacaa meeriskaas ama falagaas isaga oo Allaah (sw) adeecsan oo aan kuwa kale ku xadgudbeyn. Sidaas darteed waxaa la odhan karaa in kownka dushiisa ay ka jirto adeecid ayidaad leh, iyo adeecid qasab ah. Dhammaan khalqiga oo idil waxa uu u hoggaansan yahay Allaah (sw), laakiin waa qaar adeecid ayidaad leh la yimid, iyo qaar adeecid qasab ah laga helay.

SALAGGA - QADARTA

In la rumeeyo Salagga ama Qadarta waa tiir ka mid ah tiirarka caqiidada Islaamka. Sidoo kale waa tiirka lixaad ee tiirarka iimaanka. Qofka rumaynwaaya Salagga ama Qadarta Allaah (sw) waxa uu ka baxay Diinta Islaamka. Erayga Qadar waxa uu afka Soomaaliga la macno yahay Salag. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, "Belaayo Salag baa ka horreeyey." Sidoo kale waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa, "Allahayoow maxaa Salag leh oo samada meeraaya."

Qadartu waa cilmiga Allaah (sw) ee ku saabsan waxa ahaandoona mustaqbalka, iyo in walax kasta jiritaankeedu ku yimaado cilmiga iyo doonista Allaah (sw). Guud ahaan waxaa Qadarta lagu qeexaa in ay tahay nidaam la xukumay, qawaaniin guud, iyo jidad arrimaha sababa oo Allaah (sw) dejiyey. Allaah (sw) waxa uu horey u qadarey walax kasta xaalkeeda, Allaah (sw) waxa uu cilmigiisa ku ogaa in xaaladda iyo jiritaanka walax kasta u dhicidoono si Allaah (sw) hore u ogaa, iyo in ay ka dhicidoonto meel cayiman oo Allaah (sw) hore u qorsheeyey.

Imaamkii Axmed Binu Xambal baa la weydiiyey 'Qadarta.' Axmed waxa uu ku jawaabay: Qadartu waa awoodda Allaah (sw) iyo wixii uu hore u dejiyey ee uu qarriray. Rumaynta Qadartu waxa ay ku xidhan tahay Allaah (sw) magacyadiisa iyo sifooyinkiisa sida Qadarta Cilmiga Allaah (sw), Qadarta Awoodda Allaah (sw), iyo Qadarta Doonista Allaah (sw).

Imaamkii Daxaawi waxaa laga soo guuriyey in uu yidhi: "Walax kasta waxa ay ku socotaa awoodda iyo doonista Allaah (sw), doonista Allaahna (sw) waa tan fusha ee ahaata, addoomihiisana uma sugnaan doonis ilaa mid Allaah (sw) la doonay mooyee. Allaah (sw) wax aannu doonin ma ahaadaan, go'aankiisana cid ma is hortaagi karto, xukumkiisana cidi kama dabategi karto, amarkiisana cid ka adagi ma jirto."

Qofka muslimka ah waxaa ku waajib ah in uu rumeeyo Qadarta Allaah (sw) kheyrkeeda, sharkeeda, macaankeeda, iyo khadhaadhkeeda. Rumaynta Qadartana waxaa looga jeedaa: (1) In Allaah (sw) cilmigii qadiimka ah la rumeeyo, (2) in Allaah (sw) doonistiisa fusha la rumeeyo, iyo (3) in Allaah (sw) awooddiisa dhammaystiran la rumeeyo.

Intii aan Allaah (sw) kownka abuurin waxa uu cilmigiisa qadiimka ku ogaa xaaladda ay ku sugnaandoonaan uunkiisu sida adeecidooda, caasinimadooda, risiqooda, iyo cimrigooda, iwm. Ka bacdi waxa uu Allaah (sw) 'Al-lowxul-maxfuudka' ku qoray waxyaalaha ahaandoona oo dhan. Walaxdii ugu horreysey ee Allaah (sw) uumay waxa ay ahayd 'qalinka.' Ka dib waxa uu Allaah (sw) qalinka amray in uu qoro. Qalinkii waxa uu yidhi: Maxaan qoraa? Allaah (sw) waxa uu ku yidhi qor waxa ahaandoona oo dhan ilaa Qiyaamaha. Qadarta waxaa loo qaybiyaa afar nooc oo kala ah:

Qadarta Cilmiga Allaah (sw): Allaah (sw) waxa uu cilmigiisa qadiimka ah ku ogaa xaaladda iyo jiritaanka walax kasta sida ay u dhicidoonto, waqtiga ay dhicidoonto, iyo meesha ay ka dhicidoonto oo Allaah (sw) hore u qorsheeyey.

Qadarta Lowxul-maxfuudka: Allaah (sw) waxa uu 'Al-lowxul-maxfuudka' ku qoray waxyaalaha ahaandoona oo dhan. Al-lowxul-maxfuudku waa meesha walax kasta naqshadeeda iyo qorshaheeda mustaqbalku yaal. Al-lowxul-maxfuudka waxaa kale oo lagu magacaabaa 'Umul-kitaab.' Walaxdii ugu horreysey ee Allaah (sw) uumay waxa ay ahayd 'qalinka.' Ka dib waxa uu Allaah (sw) qalinka ku amray in uu qoro. Qalinkii waxa uu yidhi: Maxaan qoraa? Allaah (sw) waxa uu ku yidhi qor waxa ahaandoona oo dhan ilaa Qiyaamaha.

Qadarta Riximka: Marka ilmuhu caloosha hooyadii ku jiro boqol iyo labaatan habeen, waxaa loo soo diraa malag ku afuufa ruuxa, ka dibna waxa uu Allaah (sw) malagga ku amraa in uu qoro afar arrimood: Risiqiisa, cimrigiisa, ahlunaar (shaqi), iyo ahlujanno (saciid). Qadarta Riximku waxa ay ka mid tahay wasiilooyinka (maarooyinka) Allaah (sw) ee uu ku jirsiiyo, waxaan jirin.

Qadarta Doonista: Qadarta doonistu waa awoodda Allaah (sw) ee dhammaystiran. Allaah (sw) waxa uu doono way ahaadaan, wixii uusan doonina ma ahaadaan. Uunkiisu ma leh doonis dhammaystiran, wixii ay doonana ma fusho, ilaa wax Allaah (sw) la doonay mooyee.

RISAALAH - NEBINIMO

Risaaladu waa jidka isgaadhsiinta ee ka dhexeeya Allaah (sw) iyo addoomihiisa. Markii Allaah (sw) abuuray aadamaha, waxa uu siiyey hoggaan toosan oo ay raacaan, si ay dunida ugu jiheeyaan xasillooni iyo nabad. Allaah (sw) waxa uu qofkii jidkiisa raaca u ballanqaaday abaalmarin weyn oo daarta aakhiro ah.

Laga soo bilaabo abuuristii aadamaha, waxa uu Allaah (sw) dadka u soo dirayey Waxyi loo soo dhiibayey dad uu ka dhex doortay dadkiisa. Dadkaas la doortay waxaa la yidhaahdaa Nebiyo (prophets) iyo Rusul (messengers). Rusushu waxa ay dadka ugu yeedhi jireen in ay Allaah (sw) u hoggaansamaan oo adeecaan, iyo in ay Allaah (sw) caabudaan. Rusushu waxa ay dadka siin jireen waxbarasho, tababar, iyo hoggaan toosan si ay u raacaan jidka toosan ee Allaah (sw) u jideeyey.

Rususha iyo Nebiyadu waa dad caadi ah oo innaga oo kale ah. Sidaas darteed lagu ma sheegi karo in ay wiilashii Allaah (sw) yihiin. Allaah (sw) waa waaxid, lamana dhalin, waxna ma dhalin. Allaah (sw) ma leh naag iyo wiil toona. Waa denbi weyn haddii Allaah (sw) lagu sheego in uu wiil ama naag leeyahay.

Dhammaan Rususha iyo Nebiyada waxaa lala soo diri jirey in Allaah (sw) keliya la rumeeyo, iyo in diin isku mid ah laga diin yeesho. Dhammaantood waxa ay dadka ugu yeedhi jireen farriin iyo erayo isku mid ah: 'Laa Ilaaha Illalaha.' Waayo dadku ugu baahan yihiin Waxyi xag Allaah (sw) ka yimid? Aadamuhu waa daciif ay wax garashadiisa gaaban tahay, aragtidiisa dheerayn, maqalkiisa dhow yahay, isla markaana tamartiisa iyo awooddiisu xadidan yihiin. Aadamuhu ma oga waxa mustaqbalka dhicidoona. Wax waynu qorshayn ama saadaalin karnaa, iyada oo daciifnimo badani innagu jirto. Sidaas darteed aadamuhu ma awoodo in uu naftiisa u sameeyo hoggaan toosan oo ku habboon xaaladaha noloshiisa ee xilliyada kaladuwan, sida xilli tagey, mid jooga, iyo mid weli soo socda. Arrimahaas ayaa keenay in Allaah (sw) uu Rusushiisa iyo Nebiyadiisa Waxyi iyo hoggaamin toosan ugu soo dhiibo aadamaha waayo waxa uu aadamuhu u baahan yahay hoggaamin toosan oo ku habboon xilli kasta iyo bulsho kasta.

Allaah (sw) ma soo dirin Rusul iyo Nebiyo keliya, laakiin waxaa la jirkooda ahaa markii la soo dirayey Kutub iyo Miisaan. Kutubta Allaah (sw) soo diray waxaa ugu dambeeyey 'Qur'aanka.'

Allaah (sw) waxa uu qolo kasta u soo diray Nebiyo iyo Rusul, si ay aadamaha halmaamka badan qalbigiisa ugu cusboonaysiiyaan jidka toosan ee Allaah (sw) jideeyey 'Al-Siraadul Mustaqiim.'

Intaas oo qudha Allaah (sw) kaga ma tagin aadamaha, laakiin waxa uu xilli kasta u soo diraa Malaa'ik qaarba hawl qaabilsan yihiin. Qaar waxa ay Waxyiga soo gaadhsiin jireen Rususha iyo Nebiyada, qaar waxa ay bishaarooyinka Allaah (sw) soo gaadhsiiyaan addoomihiisa suubban, qaar waxa ay qoraan waxa qofku samaynayo, qaar waxa ay ilaaliyaan dhulka, qaar waxa ay maamulaan dabaylaha, roobabka, dhirta, iwm.  

Dhammaan Rususha, Kutubta, iyo Malaa'ikta waxaa la isku yidhaahdaa 'Risaalah,' waayo waa jidka isgaarsiinta ee ka dhexeeya Allaah (sw) iyo Aadamaha. Haddii Allaah (sw)  idmo waxaan mid kasta gooni ugu soo qaadandoonaa bogaga soo socda.

RUSUSHA ALLAAH

Rusushu waa dad Allaah (sw) ka dhex doortay addoomihiisa, oo lagu gaaryeelay in ay dadka kale gaadhsiiyaan 'Hannuunka Allaah.' Hannuunka Allaah (sw) waxaa looga jeedaa in dadka lagu toosiyo jidka toosan. Rusul iyo Nebiyo waa isku mid, in kasta oo farqi macnaha ahi u dhexeeyo. Erayga rasuul waxa uu afka Soomaaliga la macno yahay 'farriinside.' Erayga nebina waxa uu la macno yahay loo warame.' Nebinimadu waa derejada koowaad ee qofka Allaah (sw) doorto la siiyo. Rusulnimaduna waa derejada labaad ee qofka Allaah (sw) doorto la siiyo. Labadaba waxa ay ujeedadoodu tahay in ay dadka xaqa ugu yeedhaan.

Nebiyada Allaah (sw) soo diray waxaa tiradooda lagu qiyaasaa boqol, iyo afar iyo labaatan kun oo Nebi (124,000). Dadka muslimiinta ah waxaa ku waajib ah in ay dhammaantood rumeeyaan. Allaah (sw) waxa uu si gaar ah inoogu waajibiyey in aynu rumayno shan iyo labaatan ka mid ah rusushiisa. Shan iyo labaatankaas shan ka mid ah waxaa la yidhaahdaa 'Ululcasmi.' Shan iyo labaatankaas nebi waxaa magacyadooda lagu sheegay Qur'aanka. Magacyada Rususha oo u qoran siday u soo kala horreeyeen, waa sida soo socota.

Aadam - Adam

Idriis - Idris

Nuux - Nuh

Huud - Hud

Saalax - Salih

Ibraahiim - Ibrahi­m

Luut - Lut

Ismaaciil - Isma'il

Isxaaq - Ishaq

Yacquub - Ya'qub

Yuusuf - Yusuf

Shuceyb - Shu'aib

Muusa - Musa

Haaruun - Harun

Ayuub - Ayub

Dulkifle - Dhulkifle

Daawuud - Dawud

Suleymaan - Sulaima n

Ilyaas - Ilia s

Alyasac - Al-Yasa'

Yuunus - Yunus

Zakariya - Zakariya

Yaxye - Yahya

Ciisa - Isa

Muxammad - Muhammad

Rusushu (csw) waa ilayskii, iyo hannuunkii dadka u iftiimiyey jidka toosan. Dhammaantoodna waxa ay dadka ugu yeedhayeen Tawxiidka Allaah (sw). Aadamahana waxa ay ka badbaadiyeen shirkiga iyo wadooyinka lagu lumo. Diinaha Nebiyaduna waxa ay ahaayeen kuwo is dhammaystiraya. Qofka muslimka ah waxaa ku waajib ah in uu Rususha dhammaantood wada rumeeyo. Haddii la beeniyo mid ka mid ah Rususha Allaah (sw) waa gaalnimo, iyo diin ka bax.  

MALAA'IKTA ALLAAH

Malaa'iktu waa khalqi (uun) Allaah (sw) abuuray, oo ka kooban ruux aan jidh lahayn. Malaa'ikta waxaa laga abuuray 'nuur.' Malaa'iktu ma leh jidh, dhiig, iyo lafo la taaban karo, laakiin waa khalqi ka samaysan naf ama ruux keliya.

Malaa'iktu waa khalqi Allaah (sw) u abuurtay in ay adeecaan oo keliya. Allaah (sw) ma caasiyaan, wixii uu ku amrana way fuliyaan. Sidoo kale waxaa Malaa'ikta lagu qeexi karaa in ay yihiin askartii Allaah (sw). Malaa'iktu ma haystaan doorasho iyo ikhtiyaar sida aadamaha oo kale, laakiin waxaa loo abuuray in ay Allaah (sw) adeecaan oo keliya. Waajibaadka Malaa'iktu waa in ay Allaah (sw) xumaha ka reebaan oo yidhaahdaan 'Subxaanallaah,' iyo in ay Allaah (sw) mahadiyaan oo yidhaahdaan 'Al-xamdulillaah.'

Malaa'iktu ma daalaan (noogaan), oo waxa ay had iyo goor u heegan yihiin in ay Allaah (sw) adeecaan. Malaa'iktu uma baahna hurdo iyo waxyaalaha kale ee aadamuhu u baahan yahay. Malaa'ikta ma arki karno ilaa Allaah (sw) u ekaysiiyo humaag dad ama noole kale. Nebigeenu dhowr jeer buu la kulmay Malakul-Jibriil isaga oo humaag dad leh. Qofka muslimka ah waxaa ku waajib ah in uu qalbiga ka rumeeyo Malaa'ikta Allaah (sw) isaga oo aan arag. Malaa'ikta aynu magacyadooda naqaana waxaa ka mid ah:

Malakul Jibriil [caleyhi salaam] waa boqorka Malaa'ikta, isla markaana waxa uu Allaah (sw) si gaar ah ugu xilsaaray Waxyiga iyo soo dejinta diinaha. Nebi iyo Rasuul kasta oo Allaah soo diray, waxaa Waxyiga iyo diintii loogu soo dhiibayey Malakul Jibriil.

Miikaa'iil [caleyhi salaam] waa malak Allaah (sw) u xilsaaray in uu maamulo roobka, dabaylaha, iyo dhirta. Dad badan waxa ay u malaynayaan in dunidu maamul la'aan iska jirto; laakiin waxa aad ogaataan in xataa dhirta iyo dhagxaanta la maamulo.

Israafiil [caleyhi salaam] waa malak Allaah (sw) u xilsaaray in uu Suurka afuufo. Suurku waa aalad uu Israafiil afuufidoono marka Qiyaamuhu dhacayo. Israafiil waxa uu Suurka afuufidoonaa laba jeer. Afuufida hore waxaa dhimanaya wax kasta oo nafi ku jirto, mar labaad ee uu afuufo Suurka waxaa laga soo bixidoonaa qubuuraha. Culimadu waxa ay sheegaan in afuufida hore ee Suurka iyo afuufida dambe in ay u dhexayso afartan sanno.

Casraa'iil [caleyhi salaam] waa malak Allaah (sw) u xilsaaray in uu noolaha nafta ka qaado sida dadka. Casraa'iil waxaa kale oo loogu yeedhaa 'Malakul Mowt' ama malagga geerida.

Ridwaan [caleyhi salaam] waa malak Allaah (sw) u xilsaaray in uu hormuud ka noqdo maamulka Jannada. Jannada in la rumeeyo waa waajib qof kasta oo muslim ah laga rabo isaga oo aan arag. 

Maalik [caleyhi salaam] waa malak Allaah (sw) u xilsaaray in uu hormuud ka noqdo maamulka Naarta ama Cadaabta. Naartu in la rumeeyo waa waajib qof kasta oo muslim ah laga rabo isaga oo aan arag. 

Munkar iyo Nakiir waa labada malag ee Allaah (sw) u xilsaaray in ay addoomaha wax ku weydiiyaan qubuuraha. Qof kasta waxa ay weydiinayaan: Rabigaa waa kuma? Diintaadu waa tee? Nebigaaguna waa kee?

Raqiib iyo Catiid waa labada malag ee Allaah (sw) u xilsaaray in ay addoomaha wax ka qoraan. Mid waxa uu qoraa camalka suuban ee qofku sameeyo, midka kalena waxa uu qoraa camalka xun ee qofku sameeyo. Raqiib iyo Catiid waxa ay ku fadhiyaan labada garab ee qofka.

Intaasi waa Malaa'ikta aynu magacyadooda naqaan, laakiin waxaa is weydiin leh maxaa aynu ka faa'iidaynaa barashadooda. Barashada Malaa'ikta waxa aynu ka faa'iidaynaa in aynu garano Allaha dunida abbuuray, siduu u maamulo caalamka innaga sarreeya, sida uu u maamulo addoomihiisa, sida uu u maamulo uunkiisa oo dhan, iwm. Barashada Malaa'ikta iyo sida hawsha loogu qaybiyey waxaa laga faa'iidaysanayaa sida loo taago tatabka maaraynta ee dadka muslimiinta ahi u baahan yihiin.

KUTUBTA ALLAAH

Allaah (sw) waxa uu aadamaha u abuurtay in ay caabudaan oo keliya. Nolosha qofku wax kasta oo ay samaynayso, waa in ay solonsanaataa wixii Allaah (sw) sharciyeeyey, isla markaana waa in Allaah (sw) raaligelintiisa looga jeedaa. Laakiin waxa aynu ognahay in aadamuhu daciif yahay, cilmigiisu kooban yahay, aragtidiisu gaaban tahay, isla markaana gefkiisu badan yahay. Dadku aragti sugan kuma saadaalin karaan waxyaalaha mustaqbalka imaanaya. Halkaas waxa aynu ka fahmaynaa in dadku si fudud uga weecan karaan jidkii sharciga ahaa, iyo ujeedadii Allaah (sw) u abuurtay. Sidaas darteed waxaa uu aadamuhu u baahan yahay, in uu Allaah (sw) ka helo hoggaamin suubban oo wadada u iftiimisa.

Allaah (sw) kama tagin addoomihiisa hoggaan la'aan, laakiin waxa uu mar kasta u soo dirayey nebiyo iyo rusul, si ay u tusiyaan wadada saxa ah ee lagu nabadgelayo. Allaah (sw) waxa uu rususha la soo dirayey kutub, iyo miisaan. Kutubtu waa hadalkii Allaah (sw) ee dhawrnaa, iyaga oo xambaarsan xikmad, cilmi Allaah (sw). Kutubtu waxa ay addoomaha u iftiimiyaan Allaah (sw) wadooyinkiisa oo lagu gaadhayo arrin kasta. Kutubtu waxa ay xambaarsan yihiin xaq loogu talagalay in uu damayo dulmiga.  

Qofka muslimka ah waxaa laga rabaa in uu si dhab ah qalbiga uga rumeeyo Kutubta Allaah (sw) samada ka soo dejiyey. Rumaynta Kutubtu waa waajib aan qofka Islaamnimadiisa la aqbalayn haddii aan laga helin. Kutubta Allaah soodejiyey ee aynu magacyadooda naqaan waxaa ka mid ah:

Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyey Nebi Ibraahim.

Kitaabka Tawraat oo lagu soo dejiyey Nebi Muuse.

Kitaabka Zabuur oo lagu soo dejiyey Nebi Daawuud.

Kitaabka Injiil oo lagu soo dejiyey Nebi Ciise.

Kitaabka Qur'aanka oo lagu soo dejiyey Muxammad.

Rumaynta Kutubta waxaa laga faa'iidayaa in aynu ogaano in diinuhu xag Allaah (sw) ka yimaadaan, isla markaana ay diin kastaa buriso diintii ka horreysey. Diinaha oo dhan waxaa ugu dambeysey Kitaabka Qur'aanka oo lagu soo dejiyey Nebigeena Muxammad (scw), sidaas awgeed waxa uu Qur'aanku buriyey wixii ka horreeyey oo dhan. Diin aan Islaamka ahayn oo qofka laga aqbalayo ma jirto. Islaamku waa diinta xaqa ah ee maanta dunida taal. Qofkii diin kale diin ka yeesha, ma laga aqbalayo.

Qur'aanka: Qur'aanku waa hadalkii Allaah (sw). Waxyi ahaana waxaa lagu soo dejiyey Rasuulkeenii Muxammad. Dadka Mu'muniinta ahina sidaas ayey ku rumeeyeen in uu xaq yahay, dhab ahaana waa ay u arkeen in Qur'aanku hadalkii Allaah (sw) yahay. Qur'aanku ma aha makhluuq la abuuray sida hadalada caadiga ah oo kale. Qofkii maqla ee ku sheega in uu hadal dad yahay, waa gaaloobey. Qur'aanku waa manhaj dhammaystiran oo aan wax baadil ahi ku jirin. Qur'aanku waxa uu la socon karaa waqtiga, iyo gedgedoonka waayaha ilaa Qiyaamaha. Mar kasta oo la akhriyo waxa uu noqonayaa wax cusub oo aan hore loo arag, akhriskiisa laga ma dhergo, dhegtu kama noogto, qalbiguna waa ku degaa. Qur'aanku waxa uu inooka warramaa wixii tagey, waxa jooga, iyo waxa soo socda. Qur'aanku waa caqiido, cibaado, shareeco, iyo cilmi.

Qur'aanku waa Caqiido ina baraysa Allaah (sw) jiritaankiisa, weynidiisa, iyo boqortooyadiisa. Qur'aanku waxa uu ina barayaa in Allaah (sw) yahay kan keliya ee xukunka iska leh ee loo xukun tago, cid kale wax ma sharciyeyn karto isaga mooyaanee. Qur'aanku waxa uu ina barayaa Allaah (sw) magacyadiisa, sifooyinkiisa, iyo in uu khalqigiisa ka duwan yahay. Allaah (sw) lagu ma sifayn karo walax khalgigiisa ka mid ah, magacyadiisa iyo sifooyinkiisana la ma leexin karo.

Qur'aanku waa Cibaado ina baraysa sidii aynu Allaah (sw) ugu dhowaan lahayn. Allaah (sw) waxa uu Jinka iyo Insiga u samaystay in ay caabudaan oo keliya. Allaah (sw) baa iska leh cibaadada, Isaga keliyaa loo sujuudi karaa, Isaga keliyaa wax loo gawrici karaa, Isaga keliyaa nidar loo geli karaa, Isaga keliyaa la talo saaran karaa, Isaga keliyaa laga cabsan karaa, Isaga keliyaa la jeclaan karaa, Isaga keliyaa rajo wanaagsan laga malaysan karaa, Isaga keliyaa gargaar laga dalbi karaa, Isaga keliyaa loo toobad keeni karaa, Isaga keliyaa kaalmo laga dalbi karaa, iwm. Qofkii cibaado Allaah (sw) leeyahay meel kale u leexiya waa gaaloobey.

Qur'aanku waa Shareeco ina baraysa wixii xalaal ah ee Allaah (sw) ogol yahay, iyo wixii xaraam ah ee Allaah (sw) reebay. Shareecadu waxa ay qofka ku ilaalisaa in uusan ka bixin xuduuda Allaah (sw) jeexay, si uu ugu toosnaado wadada Allaah (sw) ogol yahay. Qofkii sharciyeeya oo xalaaleeya wax aan Allaah (sw) ogolayn, waa gaaloobey. Sidoo kale qofkii xaaraantimeeya wax Allaah (sw) xalaaleeyey waa gaaloobey.

Qur'aanka waxa aynu ka helaynaa Cilmi iyo aqoon aynu ku maarayno arrimaheena, isla markaana inoo iftiiminaya wadada aynu marayno, iyo aayaha nolosheena. Qur'aanku waa cilmi inooka warramaya wixii tagey, waxa jooga, iyo waxa soo socda. Qur'aanku waxa uu inooka warramayaa dadkii hore ee Allaah (sw) jidkiisa xaqa ah ka baydhay iyo abaalmarintii ay Allaah (sw) ka heleen, si aynu uga dhawrsano wadadii ay mareen. Sidoo kale waxa uu Qur'aanku inooka waramayaa dadkii hore ee Allaah (sw) jidkiisa xaqa ah ku toosnaaday, iyo abaalmarintii ay Allaah (sw) ka heleen, si aynu uga dayano camalkoodii suubbanaa. Qur'aanku dhammaantii waa Tawxiid, Shareeco dhammaystiraysa Tawxiidka, Cilmi ina tusinaya Allaah (sw) jiritaankiisa iyo wadooyinkiisa Kownka, abaalmarinta dadka Tawxiidka, iyo abaalmarinta dadka Tawxiidka beeniyey. 

AAKHIRAH

Erayga Aakhirah waxaa looga jeedaa laba arrimood oo kala ah: In Caalamka dhaxdinta ah ee aynu ku nool nahay dhammaanayo oo laga guurayo, iyo in loo guurayo Caalamka negaadiga ee aan laga dhimanayn. Macnaha Aakhirah waxaynu ka fahmaynaa in ay jiridoonto maalin nolosha adduunyadu dhammaanayso, isla markaana ay jiridoonto maalin nolol cusubi bilaabmidoonto.

Marka laga guurayo nolosha dhaxdinta ah ee adduunyada, waxaa la marayaa wado aan si fudud loogu gaadhayn daarta negaadiga ee Aakhirah. Haddii Allaah (sw) idmo waxa aan jeclahay in aan bogaga soo socda ku soo dureeriyo barta nolosha Aakhiradu ka bilaabanto ilaa laga gaadhayo barta negaadiga.

Qof kasta maalin buu dunida ku soo kordhay, isaga oo ka yimid waxba, iyo meel madhan. Qaybta hore ee nolosha qofku waxa ay ka kortaa dhanka xoogga, maskaxda, araga, jidhka, caqliga, iwm. Laakiin qaybta dambe ee nolosha qofka waxaa isdhima xoogga, maskaxda, araga, caqliga, jidhka, iwm. Ugu dambayn waxa uu qofku helaa ififaalaha geerida, iyo saxansaxada Aakhiro. Aayada Qur'aanka ah ee ka sheekaynaysa markii Nebi Zakariye Allaah (sw) baryayey, baa inoo caddaynaysa in qofku markuu gaboobo laftiisu jilicdo oo wahsi galo. Markii Nebi Zakariye Allaah (sw) tuugayey waxa uu yidhi: Allahayow laftaydii way jilicday, madaxaygiina ciro darteed waa huray, baryadaadana shaqi kuma ahayn, kuwa iga dambeeyana waan u baqayaa, ee Allahayow ilmo saalax ah baan kaa baryey, oo diintayda, iyo diintii aabayaashay dhaxla.

Sakaraatka Geerida: Maalinta qofku soo gaadho xanuunka 'sakaraatul mowtka' ee nafta laga qaadayo, ayaa nolosha Aakhiradu u bilaabantaa. Bartaas waxaa ka bilaabma wado adag oo aan si fudud looga gudbi karin. Imtixaano badan baa ka sokeeya si qofka camalkiisii looga abaalmariyo.

Marka sakaraatka geeridu qabto qofka waxaa meel dheer oo keligii arko u soo fadhiista Malaa'ik. Haddii qofku ahaa kheyr badane, waxaa meesha dheer u soo fadhiista Malaa'ikta Jannada. Laakiin haddii uu ahaa kheyrlaawe, waxaa meesha dheer u soo fadhiista Malaa'ikta Cadaabta. Malaa'iktaasi waxa ay qofka ku soo dhoweynayaan hoygiisa Aakhiro iyo meesha uu ahaandoono. Ammintaas laga bilaabo qof kasta waa uu og yahay hoygiisa Aakhiro.

Qofka kheyrlaawaha ah ee Allaah (sw) caasiyey, marka nafta laga qaadayo, waxa ay ruuxiisu isku dhejiyaa jidhka. Sidaas darteed waxa ay Malaa'iktu isticmaalaan xoog oo way soo jiidaan. Had iyo jeer waxaa dhacda in aynu aragno qof nafta laga qaadayo oo Sakaraatka lagu dhibo, waxa aynu aragnaa qaar qaylinaya, qaar afka ka xumbaynaya, qaar hinraagaya, iwm. Waxyaalahaas oo dhan waxa ay muujinayaan dagaalka dhexmaraya Malaa'ikta, iyo qofka ruuxa la oofsanayo.

Qofka kheyr badanaha ah ee Allaah (sw) adeecay, marka nafta laga qaadayo, waxa uu ruuxiisu jidhka uga soo siibmaa sidii xadhig la furayo oo kale iyada oo qaadanaysa bishaarooyin xag Allaah (sw) uga yimid. 

Nabadgelyeynta Geerida: Marka qofka nafta laga qaado ee uu nolosha adduunyo ka jaanqaado waxaa laga bedellaa magaciisa oo waxaa loo bixiyaa 'meyd' oo mar dambe magaciisa loogu ma yeedho. Sidoo kale waa la sii nabadgelyeeyaa oo waa la maydhaa, udug baa loo shidaa, maro kafan ahna waa loo xidhaa. Intaas ka bacdi waxaa loo qaadaa qabri ama xabaal loo sii diyaariyey. Marka qabriga lagu sii wado waxaa sii dhoweeya oo raaca: ehelkiisa, maalkiisa, iyo camalkiisii. Ruuxa qofka kheyrlaawaha ah, marka qabriga lagu sii wado waa uu baroorataa iyada oo naftiisu odhanaysa: "Hoogtadeedee xagee loo wadaa!" Waayo waxa ay hore u bishaaraysatay meesha hoygeedu noqondoono. Xadiiska Nebigu waxa uu sheegayaa in qayladeeda ay maqlaan dhammaan waxa dunida jooga oo idil oo aan dadku ku jirin. Qofka kheyr badanaha ah, marka qabriga lagu sii wado waxa ay tidhaahdaa ila degdega oo adduunyada i dhaafiya. 

Nebigeena waxaa laga soo weriyey in uu yidhi: "Geerida la degdega oo is dhaafiya, waayo naf kasta camalkeedii bay la kulmaysaaye." Marka qabriga lagu rido ee carrada lagu awdo, waxaa qabriga ka dareera ehelkiisii iyo maalkiisii. Qabriga waxaa la gala oo wehel u noqda camalkiisii. Inta adduunyada la joogo waxa ay dadku ku dadaalaan in ay tabcaan dad iyo maal oo waqti iyo xoog badan geliyaan. Laakiin in Allaah (sw) loo camal falo waxaa tixgelin la siiyaa marka fursad loo helo. Ogow in Allaah (sw) loo dhibtoodo ayaa asalka nolosha ah.

Weydiimaha Qabriga: Marka laga dareero qabriga waxaa qofka ku soo noqota ruuxii laga qaaday markuu adduunyada joogey intaas ka dib waxaa qabriga ugu yimaada Malaa'ik xag Allaah (sw) ka socota. Malaa'iktaasi waxa ay u yimaadaan in ay weydiiyaan saddex su'aalood oo kala ah: Rabigaa waa kee? Nebigaagu waa kee? iyo Diintaadu waa tee? Qofka kheyr badanaha ah waxaa caawiya camalkiisii adduunyada isaga oo ku jawaabaya: Rabigay waa Allaah (sw), Nebigaygu waa Muxammad, iyo Diintaydu waa Islaam.

Qofka kheyrlaawaha ah, waxaa bararaya carrabka oo kama jawaabi karo su'aalahaas, waayo ma haysto wehel fiican oo caawinaya. Marka su'aalaha la weydiiyo waxa uu odhanayaa aah! aah! aah!.

Nolosha Barzakha: Marka Malaa'iktu su'aalahooda dhammaystaan, waxaa qofka u bilaabanta noloshii Aakhiro ee rasmiga ahayd. Qofka kheyr badanaha ah waxaa ruuxiisa la geeyaa Jannada oo waa loo nimceeyaa. Qofka kheyrlaawaha ahna waxaa ruuxiisa la geeyaa Naarta oo waa la cadaabaa. Ammintaas laga bilaabo waxa uu qofku galay 'Xilli Nololeed' oo la yidhaahdo 'Xayaatul Barzakh,' ama Nolosha Barzakha. Inta lagu jiro Xajaatul Barzakha waxaa jidhka cuna ciidda naftana waa la cadaabaa haddii ay ahayd mid shar badan ama waa la janneeyaa haddii ay ahayd mid kheyr badan.

Qofku markuu adduunyada ka dheelmo ee uu Aakhiro tago camalkiisii adduunyadu waa dhammaadaa, marka laga reebo saddex arrimood oo uu sameeyey intii uu adduunyada joogey. Saddexdaas arrimood waxa ay kala yihiin:

Haddii ay jirtey hanti uu dhawrtaystay intii uu noolaa, sida ceel uu qoday, guri uu dhisay, masjid uu dhisay, dhakhtar uu dhisay, dugsi uu dhisay, iwm. Inta hantidaas la dheefsanayo isagana abaalmarin iyo ajar baa uga socda.

Haddii ay jirtey in uu cilmi dad baray, oo cilmiga raadkiisii la dheefsaday, isaguna abaalmarin iyo ajar buu ka helayaa inta raadka cilmigiisa socdo.

Haddii uu ka tagey ilmo kheyrqabe ah oo u soo duceeya, waxaa la soo weriyey in ducadaasi wax tarayso. Ilmaha kheyrqabaha ah, waxaa looga jeedaa ubad uu ku tabcay oo uu caqiidadooda iyo barbaarintooda ka soo shaqeeyey oo Allaahna (sw) ugu gargaaray wanaagooda. Dadku arrinta ducada way yasaan, iyaga oo u arka in Qur'aan loo aqriyo ay ka fadli badan tahay. Haddii aan arrintaas wax yar ka idhaahdo oo aan filayo in ay ku qancindoonaan dadka rumaysan in qofka dhinta Qur'aanka loo aqriyo. Ugu horayn lama soo werin in dadka dhinta Qur'aanka loo aqriyo. Marka labaad Qur'aanku waxa uu ka hadlaa waxyaalo badan, sida Aayado dadka Naartu ku marag furaya, kuwo dadka Jannada u marag furaya, kuwo Allaah (sw) weynidiisa iyo jiritaankiisa ka hadlaya, kuwo ka sheekaynaya dadkii innaga horreeyey, iwm. Bal waxa aad ka soo qaadaa in aad Aayad Qur'aan ah oo dadka Naarta ku marag furaysa aad ku akhridid, qof aad kheyr la rabtay oo qabriga ku dhiban? Ma wax baad tartay, mise wax baad yeeshay? Jawaabta waxaa laga rabaa qofka rumaysan in dadka dhintay Qur'aan loo akhriyo.   

Saddexda camal ee qofka u socda marka uu dhinto ka dib, waxa ay aad wax u taraan markuu ku jiro Xayaatul-Barzakha. Xilliga nolosha Barzakhu waa xilliga qofku la kulmo Cadaabta Qabriga. Nolosha Barzakha ayuu qofka dhinta ku negaanayaa ilaa laga gaadhayo dib isu soo noolaynta, Maalinta Qiyaamaha, xisaabta iyo miisaanka.

Nolosha Dambe [Bacsiga]: Marka ay soo dhowaato Maalinta Qiyaamuhu, waxaa dunida ka dhacaya isbedel badan oo horyeelad u ah Maalinta Qiyaamaha. Waxyaalaha dhicidoona waxaa ka mid ah: Calaamadaha yaryar ee Qiyaamaha, Calaamadaha waaweyn ee Qiyaamaha, iyo dib isu soo bixinta. Marka xilliga isa soo bixintu soo dhowaado, waxaa imaanaysa neecaw [dabayl] qabow oo nafta ka qaadaysa qof kasta oo qalbigiisa ay ku jirto wax yar oo iimaan ah. Marka ay dunida ka dhammaadaan dadka uu qalbigoodu kheyrka lahaa, waxaa dunida ku soo hadhaya dad shar badan oo bannaanada isku fuula sida xoolaha. Iyada oo dunidu xaaladaas ku sugan tahay, baa Suurka la afuufayaa. Dadka dunida ku nool amminta Suurka la afuufayo, waxaa lagu sheegaa in ay yihiin kuwa khalgiga Allaah (sw) ugu sharka badan.

Israafiil waa Malaga afuufidoonaa Suurka. Suurka waxaa la afuufayaa laba jeer. Afuufida hore waxaa dhimanaya wax kasta oo nafi ku jirto, marka labaad waxaa laga soo baxayaa qubuuraha. Culimadu waxa ay sheegaan in afuufida hore ee Suurka iyo afuufida dambe in ay u dhexayso afartan sanno. Inta aan qubuuraha laga soo bixin, waxaa soo da'aya roob biyihiisu adag yihiin, ka bacdina waxa ay dadku ka soo baxayaan dhulka, sida geeduhu uga soo fuuraan oo kale. Dadku waxa ay qubuuraha ka soo baxayaan iyaga oo qaawan, cagacad, isla markaana aan gudnayn. Marka qubuuraha laga soo baxo, waxaa la soo weriyey in loo yaacidoono 'Maxsharka.' Caa'isha Allaah (sw) haka raali noqdee, waxa ay Nebigeena weydiisey: Dadku ma iyaga oo qaawan, buuryaqab ah, oo cagacad bay is agmarayaan oo meel wada joogidoonaan. Nebigu waxa uu ku yidhi: Caa'ishaay arrinku waa ka weyn yahay maalin la is fiiriyo.

Shaydaanka iyo hawadu way dhib badan yihiin sidaas darteed waxaa dhici karta in ay dadka qaarkood shaki kaga abuuraan isa soo bixinta. Iyaga oo is weydiinaya sidee bay u dhici kartaa in laysa soo nooleeyo ka dib markii carradu ina cuntay. Jawaabta oo fudud: Allahii kaa abuuray meel madhan, miyaanay u fududayn in uu dib kuu soo celiyo, weliba Isaga oo naqshadaadii haya. Nebigeena waxaa laga soo weriyey in uu yidhi: Isa soo bixinta waxa uu qofku ka soo unkamnaa lafta ugu hoosaysa lafdhabarta oo aannay carradu cunin.

Dhibaatada maalinta isa soo bixinta laga ma sheekayn karo, waxaana inoo caddaynaya Xadiiska Nebiga ee ka sheekaynaya, in dadka oo qaawan qubuuraha ka soo baxayaan iyada oo aan cidna cid fiirinayn. Laakiin waxaa jira qolo Qur'aanku si gaar ah u sheegay in ay la kulmidoonaan dhibaato culus. Qur'aanku waxa uu sheegay in dadka cuna Ribada ay qubuuraha ka soo baxayaan iyaga oo dhacdhacaya sidii qof jin maray oo kale. Waxaa la sheegay in ay kacayaan oo kufayaan iyaga oo afka ka xumbaynaya.

Xasharka, Xisaabta, iyo Miisaanka: Marka dadka la soo nooleeyo, waxaa la isugu tageyaa Xasharka. Xasharku waa meel Allaah (sw) og yahay oo dadka la isugu keenayo, si xisaabta iyo miisaanka loo maro. Marka Xasharka la taagan yahay waa Maalinta Qiyaamaha lafteeda. Qof kasta camalkiisii oo qoran baa loo keenayaa. Markaa waxaa lagu odhanayaa hoo kitaabkaaga oo adigu xisaabi naftaada. Maalinta Xasharka la taagan yahay waa maalin dherer badan, Qorraxda waa la soo dhowaynayaa, oo Allaah (sw) ayaa la hortaagan yahay.

Dadka xisaabtoodu waxa ay u kala fududaanaysaa sidii ay u kala camal fiicnaayeen, markii ay adduunka joogeen. Inta aan la xisaabin qof kasta camalkiisa, waxaa ka horreeya afar su'aalood oo qof kasta la weydiinayo ilaa qofku ka jawaabo afartaas su'aalood camalkiisa lama xisaabinayo. Afarta su'aalood waxa ay kala yihiin:

1. Cimrigaagii iyo caafimaadkii Allaah (sw) ku siiyey maxaad ku lumisay?

2. Xooggaagii iyo maskaxdaadii Allaah (sw) ku siiyey maxaad ku isticmaashay?

3. Caqligaagii maxaad ku weelaysay?

4. Maalkaagii Allaah (sw) ku siiyey xagee ka keentay, xageese ku bixisay?

Marka warka su'aaluhu dhammaado waxaa bilaabmaya xisaabta. Qof kasta waxaa loo soo bandhigayaa camalkiisii xumaa iyo camalkiisii wanaagsanaa si uu isagu naftiisa marag ugu noqdo, isla markaana u ogaado in aan Allaah (sw) dulmiyeyn. Qur'aanku waxa uu sheegayaa in xubin kasta oo jidhka ka mid ah ay hadlidoonto iyada oo ka waramaysa wixii lagu sameeyey.

Camalka ugu horreeya ee qofka laga xisaabinayo waa Salaada. Haddii camalka Salaadiisu fiicnaado wixii ka dambeeya oo dhan way fiicnaanayaan. Haddii camalka Salaadiisu xumaado wixii ka dambeeya oo dhan way xumaanayaan.

Marka xisaabtu dhammaato waxaa qof kasta Miisaanka loo saarayaa camalkiisa xun, iyo camalkiisa wanaagsan. Camalkiisa wanaagsan waxaa laga jarayaa wixii xuquuq ah ee dad kale ku lahaa, isla markaana waxaa loogu darayaa wixii xuquuq ah ee qofka cid kale kaga maqnaa. Markaa waxa ay qofka abaalmarintiisu noqonaysaa mid ka badata xumaha iyo wanaaga. Haddii xumuhu badan yahay waxaa lagu abaalmarinayaa 'Naar.' Haddii wanaagu badan yahay waxaa lagu abaalmarinayaa 'Janno.'

Jid Siraad: Marka xisaabta iyo miisaanku dhammaado waxaa loo kala dareerayaa Janno iyo Naar (Cadaab). Laakiin dadka dhammaantood waxa ay dulmaridoonaan wado la yidhaahdo Jid Siraad oo ku dul yaal Naarta Jahanama. Jidka Siraad waxa uu dhumuc le'eg yahay mindida afkeeda, laakiin waxaa qof kasta caawindoona camalkiisii adduunyada ee kheyrka ahaa. Dadka camalkoodu xun yahay waxa ay ku dhacayaan Naarta, laakiin dadka camalkoodu fiicnaa waxa ay u gudbayaan Jannada.

Jannada iyo Naarta: Jannada iyo Naartu waa hoyga abaalmarinta ee lagu waarayo. Qofkii Allaah (sw) ka cabsaday ee jidkiisa ku toosnaaday, waxaa lagu abaalmarinayaa Janno. Qofkii Allaah (sw) ku xad gudbey oo aan ka cabsan, waxaa lagu abaalmarinayaa Naar oo hoygiisa noqondoonta. Jannada iyo Naartu waa jiraan imminka, sidaas darteed waxaa qofka muslimka ah laga rabaa in uu rumeeyo jiritaankooda.

Nimcada Jannada taal waxa uu Nebigu sheegay in laga helo wax aan il arag, dhegna maqal, isla markaana qalbi aadame ku soo dhicin. Allaah (sw) waxa uu Qur'aanka ku sheegay in ay Jannada dureerayaan webiyo caano ah, webiyo malab ah, webiyo sharaab ah, iyo wax kasta oo naftu jamato. Jannada waxaa laga helaa gabdho 'Xuural Ceyn' ah sida loo kala derejo sarreeyo baa loo kala badsanayaa. Gabadhaha adduunka jooga ee Allaah (sw) ka cabsada waxa ay ka mid noqondoonaan Xuural Ceyntaas Allaah (sw) sheegay. Jannada laga ma gaboobo, laga ma dhinto, isla markaana qof iin leh kuma jiro. Dadku waxa ay ku tartamaan nolosha adduunka ee dhalanteedka ah, laakiin waxaa xaq ah in loo tartamo daarta Aakhiro ee aan nimcadeeda laga sheekaynayo. Allaah (sw) waxa uu yidhi: War u tartama Janno ballaadhkeedu le'eg yahay cirarka iyo dhulalka oo la isku daray.

Qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay in uu si dhab ah u rumeeyo Aakhirah. Qofku waa in uu og yahay in dunida laga tageyo. Qofku waa in uu qiran yahay in nolosha adduunyadu dhammaanayso oo Allaah la hortegayo.

Rumaynta Aakhirah waa arrin aad u muhiim ah, oo raad weyn ku leh nolosha adduunyada ee dhaxdinta ah. Nolosha adduunyadu waa dhaxdin loogu talagalay in qofku ugu diyaargaroobo nolosha Aakhirah ee lagu negaanayo. Rumaynta Aakhirah waxa ay keenaysaa in qofku waxa uu samaynayo iska fiiriyo, inta aannu ku dhicin khalad loo qabsanayo. Haddii la helo ummad u fiirsanaysa waxyaalaha ay samaynayso, waxa ay keenaysaa in dulmiga iyo xadgudubku yaraado. Dulmiga oo yaraadana waxa uu keenayaa nabad iyo xasilooni ka dhacda dunida guudkeeda. 


Other Articles