+252 90 4048010

education

DHEEFTA IYO DHURTA WAX AKHRINTA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 26, 2025


Labo nin oo saaxiibbo ahaa oo qol wada degganaa, isla markaana jaamacad wada dhiganayey baa mid ka mid ah waxa uu ahaa qof wax akhris badan oo habeenkii oo dhan laga seexanwaayo qoobkiisa iyo qardabadiisa. Maalin dambe buu ku yidhi, waar saaxiibboow maad habeenka qoobka iyo shanqadha naga yaraysid! Markaas buu ku yidhi, waan ogahay in aan dhibaato kugu hayo, haseyeeshee waxa aad ogaataa wax akhrintu waa walaxda keliya ee aan aabbahay ka dhaxlay. Sidaas awgeed waxa aan kaa rajaynayaa in aad ii dulqaadato. Wax akhrintu waa walaxda keliya ee lagu hanto guul adduunyo iyo mid aakhiro. 

Akhrisku waa arrin ama walax qaaliya oo dadka adduunku maanta ka dhaqaaqeen, laakiin u leh faa'iidooyin iyo dheef aan la koobi Karin. Haddii Allaah idmo waxaan is xusuusinaynaa qaybo ka mid ah dheefta akhriska.

Wax akhrintu waa walaxdii koowaad ee Nebi Muxammad la faray in uu sameeyo, isla kolkaana uu ku gaadhey guusha ballaadhan ee Bulshada Islaamku hadhsanayso. Sidaas awgeed waxaa innagu waajib ah in aynu ku dayano.

Xogta, warka, wacaalka, aqoonta, iyo murtada laga helo wax akhriska waxaa kaydisa oo hilingelisa (processing) maskaxda, sidaas awgeed waxa uu wax akhrisku maskaxdaada ku ilaaliyaa da'yari iyo in aannay gaboobin (reading keeps your brain young).

Maxkaxda dadku waa xubinta jidhkeena ugu gubis badan sonkorta jidhkeena soo gaadha. Maskaxda shaqaynaysa ee wax akhriyeysa waxa ay sonkorta jidhkeena gubtaa boqolkiiba todobaatan (70%). Sidaas awgeed wax akhrintu waxa ay qofka ka ilaalisaa in aan jidhkiisa sonkortu ku badan si uu uga nabadgalo cudurrada iyo duxda ama baruurta jidhkiisa fuulaysa.

Sonkorta badan ee jidhkeena soo gaadhaysa waxa ay abuurtaa dux badan. Duxda ama baruurtu waxa ay keentaa dhiigkar, maskaxqalal, dufanka dhiigga oo kordha, xididada dhiigga oo xidhma, madax-xanuun, dhiig sonkorow (diabetes), iwm. Sidaas awgeed waa in aad wax akhriska badisaa si aad duxda isaga ilaaliso oo aad u ahaato qof dhuuban, fayow, firfircoon oo nolosha ku qanacsan (getting smart, thin, healthy, and happy).

Akhriska badan waxa uu maskaxdaada ka ilaaliyaa jirrada ama cudurka asaasaqa ee qofka ku dhaca kolka uu weynaado. Asaasaqu waa cudur dadka waaweyn ku dhaca oo sababa in ay waxba kala garanwaayaan oo xusuustu ka lunto. Sidoo kale waxa ay wax akhrintu dhintaa heerka diiqada maskaxda, iyo cadaadiska nafta. Akhriska badan waxa uu kordhiyaa fikirka iyo dareenka san ee qofka. Akhriska badan waxa uu xoojiyaa saaxiibtinimada (protect your brain from Alzheimer's disease, slash stress levels, encourage positive thinking, and fortify friendships).

Akhriska badan waxa uu muruq iyo adkaysi u yeelaa maskaxdaada, isla kolkaana waxa uu kordhiyaa xusuusta. (reading gives muscle to your memory).

Akhriska badan waa saaxiib ama wadeey awood badan iyo adkaysi ku siiya kolka aad fasaxa ka tahay ee aad shaqada ka maqan tahay (reading gives your workout more staying power).

Akhriska badan waxa uu dhalaaliyaa ama shiilaa diiqadoodka nafta sida dabku u dhalaaliyo xaydha oo kale. Taas macnaheedu waa haddii aad akhris badan tahay ma dareemaysid cidhiidhi xaga nafta ah (reading can melt away stress).

Akhriska badan waxa uu kor u qaadaa oo kordhiyaa kaydka erayada kugu jira, aftahanimadaada iyo afmaalnimadaada (reading boosts your vocabulary).

Akhriska badan waxa uu kor u qaadaa macaamilka dadka, is fahanka dadka, iyo dareenka san ee kaa muuqanaya ama aad soo bandhiganayso (reading improves empathy).

Akhriska badan waxa uu kugu dhiirigeliyaa in aad yoolkaaga gaadho oo hiigsi weyn yeelato (reading can encourage life goals).

Akhriska badan waxa uu taageeraa in ku xidhnaanta cid kale korodho, tusaale ahaan kolkaad buug badan akhrido waxa aad ku xidhan tahay kumanyaal jile ama dadyow oo buugta ku qoran (reading helps you feel more connected).

Akhriska badan waxa uu nuuriyaa dareenkaaga maalin kasta oo kuu bilata (reading can brighten your day).

Akhriska badan waxa uu keenaa in kharashkaagu yaraado waayo waxaa yaraanaya lacagta kaaga baxda warwareega suuqa iyo fadhiga rugaha cuntada (reading can help you save cash).

Akhrisku waa jidka ugu fiican ee aad naftaada adigu wax ku bari karto, isla kolkaana waa dariiqada ugu wacan ee aad waqtigaaga ku dhawri karto (reading is a valuable way of self educating yourself and a excellent way of filling in time). 

Akhrisku waa jidka ugu wacan ee lagu horumariyo maskaxdaada, isla kolkaana lagu noqdo xariif (reading is the best way to improve your mind and if you want to stay smart).

Akhrisku waa jidka ugu fiican ee aad wax ku baran karto, isla kolkaana aad aqoontaada ku kor ugu qaadi karto (reading is one of the best ways to learn and expand your knowledge).

Akhrisku waa dariiqada ugu habboon ee lagu quudiyo maskaxdaada harraadan ee gaajaysan, isla kolkaana waa walaxda keliya ee dib u noolaysa firfircoonida maskaxdaada (reading is a great way to feed your mind and spirit).

Akhrisku waxa uu maskaxdeena siiyaa oo u soo jiidaa nafaqooyinka, isla kolkaana waxa uu cariyaa oo kiciyaa qaybaha naban ee aan firfircoonayn isaga oo ka ilaalinaya in ay ku weecato fikradaha taban iyo welwelka adduunka (reading will help to nourish and stimulate your mind and keeps it engaged which will divert your mind from negative thinking and worrying). 

Akhrisku waxa uu qaybaha maskaxdaada ku ilaaliyaa in ay firfircoonaadaan oo noqdaan kuwo si joogto ah u shaqaynaya oo xanaf leh, isla kolkaana waxa uu ka ilaaliyaa in aannay noqon hawlgab aan la adeegsan (reading can also help to keep your mental faculties sharp and intact and not allowing it to become stale, dormant and unused).

Haddii aadan wax akhriyin wax ogaalkaaga ayaa yaraanaya oo waxa aad seegaysaa xogtii ugu dambeysey oo dhan, isla kolkaana go'aanka aad qaadanayso waxa uu noqonayaa mid weecsan (If you don't read then you won't know what your missing and you will be devoid of all the latest information).

In aad buug badan akhrido oo madaxaaga ku aasto waa jidka ugu wacan ee aad waxqabadkaaga uga fogayn kartid dhibaatooyinka iyo welwelka (burying your head in a book is great way of taking your focus of attention off your everyday troubles and worries).

Akhrisku waxa uu ku siiyaa in aad fahan iyo kasmo dheeraad ah u yeelato dhaqamo iyo caadooyin badan oo aadan waxba ka ogaateen haddii aadan wax akhriyin, isla kolkaana waxa uu akhrisku maskaxdaada u furaa qaabab cusub oo aad u fekerto, qaabab cusub oo aad wax u mala-awaasho, qaabab cusub oo aad wax u qabato, laakiin kolkii hore kuugu muuqdey wax aan suurtagal ahayn (reading can give you an insight into many different cultures that you may know little about or you were not even aware they even existed and it can open your mind up to new ways of thinking, perceiving and doing things that you once thought was impossible or not achievable to you). 

Akhrisku waa isha ama walaxda ugu wacan ee laga helo furaha guusha ee nolosha. Furaha guushu waxa uu ku xidhan yahay kolba inta aad xog, war, iyo wacaal haysid waayo dhibaato kasta oo ku soo martay cid kale ayey soo martay oo meel bay ku qoran tahay, sidaas awgeed haddii aad wax akhrido waad ogaanaysaa xalkeeda (reading is still the best source of information available and it can give you a great edge and distinct advantage in life, the secret to a successful life is information, the answers to nearly all our problems are documented in text somewhere).

Akhrisku waxa uu kiciyaa oo cariyaa malo awaalkaaga iyo wax ogaanshahaaga. Wax kasta oo jira iyo wax kasta oo jirey waxa ay ku qoran yihiin buug sidaas awgeed akhrisku waxa uu kuu abuuraa xirfado cusub, fikir cusub, iyo dareen san oo nolosha ku saabsan (reading can stimulate and excite your imagination as well as arousing your curiosity, everything that exists and has ever existed is documented and can be found in a book, reading can teach you new skills, idea's and give you a new positive outlook on life). 

Akhrisku waa wax naftu ku raaxaysato, isla kolkaana waa kordhiyaha, cariyaha, iyo kacaan ka dhaliyaha maskaxdeena. Akhrisku waxa uu toosiyaa dareenkeena san. Buugtu waa macallimiinteena, la taliyayaasheena, firfircooni geliyayaasheena (reading is a form of relaxation while at the same time it can stimulate your mind, reading can help you to feel better, books can be our teachers, mentors and inspirations).

Akhrisku waxa uu fikirkaaga iyo hankaaga gaadhsiiyaa heer qaran, heer bulsho, heer carro-edeg, iyo heer caalami, isla kolkaana waxa uu fikirkaaga iyo aragtiyahaaga kor uga qaadaa in aad ku koobnaato heer qof ama shakhsi (Books can take you out of your world and away from your personal perspectives and difficulties for a while as they let you into the private mind, insights, the idea's and opinions of others).

Akhriska wax baad ku barataa, isla kolkaana akhrinta buugta waxa aad ku horumarisaa naftaada. Dadka qoraayada ahi waxa ay ruuxaaga geeyaan caalam kale oo aan farsamada casriga ahi ku gaadhsiin karin (You can learn and better your life just by reading a book, authors and good writers can take you to places and imaginary worlds where no other form of entertainment or technology can rival).

Haddii aad doonayso in aad kordhiso naftaada baraarugsanaanteeda iyo dareenqaadashadeeda waxaa dhab ah in akhrisku yahay jidka keliya ee lagu gaadhi karo. Akhriska buugaagtu waxa uu ku muquursiiyaa mowduucyo dhaadheer oo dhud iyo baac leh  (If you want to expand your consciousness and your awareness of reality then reading is still the best way of achieving this, books can cover a more in depth look and wider scope into topics as they can delve much deeper into a subject).

Ganacsade Muraykan ah oo la yidhaahdo Steve Jobs oo faallo ka bixiyey muhimadda akhriska waxa uu yidhi:, "Akhriska iyo waxbarashadu waxa ay muhiim u yihiin guusha qofka" (American businessman Steve Jobs in one of his famous quotes states the importance of reading. He stated that reading and learning are so critical to success).

Akhrisku waxa uu maskaxda ku quudiyaa aqoon xidhiidh ah oo kol kasta u cusboonaysiisa warka iyo wacaalka uu u baahan yahay. Akhrisku waxa uu faalaliyaa maskaxdaada, isla kolkaana waxa uu akhrisku ku ilaaliyaa in ay had iyo goor wax baadhitaanka xiisayso oo qofku awood u yeesho wax ogaanshaha. (Reading feeds your hungry mind with with an endless supply of knowledge and information which it seeks. Reading can help to broaden your mind or it can keep you intrigued in a story line where the power of curiosity will make you want to get to the end of the book as quickly as possible.)

Akhrisku waxa uu horumariyaa oo hagaajiyaa tayada wax sheegaaga ee sheekaysigaaga iyo jalbeebahaaga. (reading improves your quality of conversations and lectures). 

Akhrisku waxa uu soo dhuraa murtida ka soo maaxata maskaxda dadka hal-abuurka leh iyo dadka fekerayaasha ah (reading helps you to tap into the mind of the creative thinkers).

Akhrisku in uu fiican yahay oo guul iyo horumar lagu gaadho waxaa u marag ah dhammaan dadka hoggaamiyayaasha ah ee fiicfiican iyo dadka guuleystey oo dhan wax bay akhriyaan (all leaders and successful people read).

Akhrisku waxa uu daryeelaa oo hagaajiyaa caafimaadkaaga iyo fayoobaantaada waayo sonkortii jidhka baad isticmaalaysaa. Akhrisku waa uu ku daalinayaa oo si wacan baad u seexanaysaa (reading a book can improve your health).

Akhrisku waxa uu kordhiyaa xusuustaada, raaracaaga, horumarka noloshaada, iyo itaalka maskaxda (Reading helps improve your concentration, improve and better your life in many ways, and boost your memory powers because it encourages you to remember characters and facts).

Akhrisku waxa uu kordhiyaa awoodaada xallinta dhibaatooyinka (reading can help you solve your problems).

Akhriska buugaagta waxaa laga helaa sirta guusha sidaas awgeed dhammaan dadka guuleystey oo dhan waxa ay sirta guushooda ka heleen buug ay akhriyeen (Many of the most successful entrepreneurs and gurus started off on their road to success by reading a book).

Akhrisku waxa uu kor u qaadaa in aad xariif noqoto (enhanced smarts).

Akhrisku waxa uu abuuraa ama keenaa degganaan iyo xasillooni (greater tranquility).

Akhrisku waxa uu horumariyaa oo hagaajiyaa in aad si xeel dheer u fekerto (improved analytical thinking).

Akhrisku waxa uu kordhiyaa xirfadahaaga wax qorista ama in aad noqoto qoraa (improved writing skills).

Akhrisku waxa uu ku baraa sida ujeedooyinkaaga ama arrimahaaga mudnaanta loo kala siiyo (helps prioritize goals).

Akhrisku waa hilinka ugu wacan ee maskaxda lagu firfircooni gelin karo (reading is an active mental process).

Akhrisku waa walaxda koowaad ee xirfadaha qofka dhista (it is a fundamental skill builder).

Akhrisku waa walaxda koowaad ee basarka qofka ama ardayga hagaajisa ee kor u qaada (improves your discipline).

Akhrisku waa walaxda koowaad ee horumarisa xirfadaha sababaynta ee qofka ama ardayga. Wax akhristu waxa uu qofka awood u siiyaa in uu wax ka sheegi karo ama sababayn karo wax ku cusub oo uu tilmaami karo sababta walaxdaasi sidaas isaga dhigayso ama u tahay (improves your reasoning skills).

Akhrisku waxa uu yareeyaa gefafkaaga (decreases mistakes).

Akhrisku waxa uu kiciyaa ruuxaaga isla kolkaana waxa uu yareeyaa wahsiga (decreased boredom).

Akhriska waxaa lagu noqdaa hodan xoolo badan haysto waayo waxa aad noqonaysaa afmaal, qoraa, madax, hoggaamiye, maamule, iwm.

Ugu dambayn dunidu waxa ay u kala horumarsan tahay sida ay u kala akhris badan yihiin. Sidoo kale qof kasta oo wax akhriya waa ka horumarsan yahay dadka kale.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen