+252 90 4048010

biography

WAAYIHII MAXAMUUD CABDULLAAHI CIISE - SANGUB

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Curiyaha Maadeyska Xoriyo waa Maxamud Cabdullaahi Ciise oo yaraantiisii lagu magacaabi jirey Sangub. Sangub waxa uu ku dhashay miyiga Dhagaxbuur 1944kii. Noloshiisa maalintu ugu dambeysey waxa uu ku geeriyoodey Magaalada Jigjig 18kii Bishii Juunyo 2019kii.

Sangub waxa uu ku barbaaray deegaan maansada si weyn looga xeeriyo oo dadka dhan wada maansoyahan iyo maansadhaadhi yihiin. Gaar ahaan qoyska uu ka dhashay waxa uu ahaa qoys wada gabyaa ah. Abtigiis waxa uu ahaa gabayaagii caanka ahaa ee Ismaaciil Xayd Aflow. Abtigiis waa ninkii caanka ahaa ee Timacadde ku halqabsan jirey isaga oo yidhi, "Mudanihii Aflow iyo sidii Muxumad maw sheegay." Sangub walaalihiis badankoodu rag iyo dumarba waa maansayahano. Walaalihiisa caanka ah waxaa ka mid ah Axmed Faradar, Fakad, Muxumadweli, iyo Cibaado.

Curiyaha Maadeyska Xorriyo waxa uu da' yari ku bilaabay ciyaaraha dhaqanka ee ay ka mid yihiin dhaantada, jaandheerta, wilwilaha, iwm. Bilowgii dhallinyaranimadiisa waxa uu ahaa geeljire geesi ah, aad han weyni ugu jirto, dadka ku maaga heesaha iyo ciyaaraha, u haysta in Somaalidu dadka ugu sarrayso. Halkaa ayuu ka bilaabay maanso tirinta iyo hoobalnimada oo uu ku soo caanbaxay. Sangub waxa uu ahaa nin miyi ku soo barbaaray ka dibna reer magaal noqday oo aan labada dhinac midna wax weyni ku seeganayn. Waxbarashadii ugu horreysey ee uu galay waxa ay ahayd dugsiga Quraanka. Isaga oo sagaal jir ayaa uu Quraanka dhammeeyey. 

1961dii ayuu yimid Magalada Hargeysa isaga oo maalooti dhaanto u dibadbaxay ah. Sangub waxa uu watey koox ciyaartoy ah oo dhaantada la qaada. Sangub waxa uu goobtaas ku la kulmay hooballo badan iyo suugaanyahano ay ka mid ahaayeen Maxamed Axmed, Maxamed Cumar Huryo, iyo Cabdullaahi Xamari. Hooballadaasi waxa ay la yaabeen waxa afkiisa ka baxaya. Ka dib waxa ay u geeyeen Cabdullaahi Ayuub oo Warbaahinta Hargeysa haystey. Sangub waxa uu ku gulaystey imtixaan laga qaaday si uu Idaacadda Hargeysa uga shaqeeyo, laakiin ku ma negaan oo waxa uu u sii tallaabay xaggaas iyo Muqdishu. In muddo ah waxa uu ka mid ahaa dhallinyaro ka gabayda fagaarayaasha sida Xaruntii Xisbigii. Ugu dambayn waxaa laga shaqaaleysiiyey Idaacadda Muqdisho. 

1964kii kolkii uu qarxay dagaalkii ka dhex aloosmay Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu ka mid noqday suugaanyahanadii lagu asaasay kooxdii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas ayuu ku gaamuray oo hoobal dhan ku noqday, isla kolkaana ku soo caanbaxay isaga oo curiye iyo jileba ah. Indho dillaacsigiisii reer magaalnimo, hal-abuurnimadiisii, curiyanimadiisii, iyo jilaanimadiisii waxa ay ku soo beegmeen xilligaas oo ahaa xilli baraarugga Soomaalida iyo qiirada waddaninimo labaduba marayeen heerkii ugu sarreeyey. Sidaa awgeed maadeysyadiisii ugu horreeyey waxa ay ahaayeen kuwo dalnimo jacaylka ku salaysan sida aad ka garandoontaan magacyadooda. Sangub waxa uu ku bilaabay Naga guur (1964) oo uu kula doodayey gumeystaha. Waxaa gacan ka siiyey Cismaan Aadan Askari, waxaana soo bandhigtay kooxdii Xoogga Dalka. Maadeykiisii labaad waxa uu ahaa La Mood Noqonse Weydey (1965) oo uu ula jeedey dhabarjebintii lagu dhiciseeyey aftidii xornimada NFD 1965kii. 

1971dii waxa uu ka mid noqday asaasayaashii kooxdii Qaranka ee Hooballada Waaberi. Kooxdaas oo ka dhalatay isku darkii labadii kooxood ee Idaacadda Muqdishu iyo Xoogga Dalka. In yar ka dib waxa uu noqday abwaankii, hoobalkii, jilaagii, iyo hal-abuurihii ugu caansanaa fagaaraha maadeysyada iyo golayaasha suugaanta. Muddadaas waxa uu curiyey in ka badan 30 maadeys oo ah tirada ugu badan ee ka soo maaxatey maskax qof curiye ah. Maadeysyadiisa aad u caanbaxay ee dadku wada yaqaan waxaa ka mid ah Yaxaas Dhegaduub (1968), Xuud baa Liqay Jacaylkii (1974), Qabrigii Jacaylka (1975), Xorriyo (1980), Waa Maadeys Adduunyadu (1985kii), Ninba Tacabkiis Talooy kaa Maal (1988), Haysku Toosin Belaayo Nimay Taaban Allaa Oge (1989), iyo Qabyo oo ah taxane maadeys oo muddo dheer socotey. Sangub waxa uu kale oo curiyey boqollaal heesood oo jacayl ah iyo gabayo badan oo dalnimo jacayl u badan. Ugu dambayn abwaan Sangub waxa uu ka mid yahay hormuudka golaha suugaanta Soomaalida.

Sangub waxa uu daliigta ama xariiqda hore kaga jiraa abwaannada ugu caansan taariikhda hoobalnimada Soomaaliyeed. Sangub waa abwaan Allaah ugu bantookhay iloodinimo, hawlkarnimo, hodantinimo murti, dhaqan dhaadhinimo, aftahanimo, aragti xeeldheer, iwm. Sidoo kale waxaa Sangub lagu tilmaami karaa ciyaartoy, maansayahan, maadeyscuriye, jilaa, iyo majaajilleeye. Sangub waxa uu ahaa nin jacaylka dalkiisa u dareen nugul.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen