By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 03, 2025
Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ku dhashay deegaanka Magaalada Wardheer ee dhulka loo yaqaan Doollo. Gaar ahaan waxa uu Dhoodaan ku dhashay agagaarka Balliga Sirow. Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu dhashay kolkay taariikhdu ahayd 1941dii. Magaca Dhoodaan waa naanays. Kol la warsaday maxaa Dhoodaan laguugu bixiyey? Waxa uu ku warceliyey: Magaca Dhoodaan waxaa la odhan jirey ceelkii Ilma Nebi Yacquub ay ku rideen walaalkood Nebi Yuusuf. Dhanka Shaam iyo Masar waxa aynu kala nimid magacyo badan oo ay ka mid yihiin: Haamaan, Dhoodaan, Coon, iwm. Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ku dhashay dhulka loo yaqaan Doollo. Doollo waa aag ballaadhan oo ka kooban todoba ceel oo laga cabbo iyo harooyin badan sida ceelasha Afyaraado, Uubataale, Ordheere, Yucub, Wardheer, Garloogube, iyo Walwaal. Doollo waa gobolka ugu ballaadhan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Dhulka la yidhaahdo Doollo iyo Dhulka la yidhaahdo Nugaal waa labada meelood ee gabayga iyo geelu fadhiido u yahay ilaa iyo maanta. Soomaalida raggii ugu gabyaasanaa waxa ay ka yimadeen Doollo ama Nugaal. Allaah ha u naxariistee Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ku geeriyoodey Magaalada Harar ee Dawlad Deegaanka Soomaalida kolkii ay taariikhdu ahayd labaatan iyo lixdii bishii afraad ee sannadkii labo kun iyo saddex iyo tobankii ama 26dii Abriil 2013.
Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ka dhashay qoys reer guuraa ah oo sida uu isagu sheegay waxa uu qoyskoodu ahaa jaadka reer miyiga ah ee loo yaqaan "reer caad" oo macnaheedu yahay dadka xilliga doogga iyo barwaaqada dega dhulka carshinta ah ee ceelasha ka durugsan, isla kolkaana xilliga jiilaalka ah dega dhulka ceelowga ah. Xeerka Soomaalidii hore baa dhigayey in doogga iyo xilliga dhulku barwaaqada yahay in la dego meel ceelasha ka durugsan ee dhulka loo yaqaan carshinta si loo ilaaliyo deegaanka ceelasha u dhow ee xooluhu biyaha ka soo gaadhi karaa ee loo yaqaan dhulk ceelowga ah. Dhoodaan reerkoodu waxa ay dhaqan jireen xoolaha aan nugulka ahayn sida geela iyo adhiga. Sidoo kale wax bay gammaanka ka haysteen sida wegen fardo ah. Dhoodaan qudhiisu waxa uu intuu yaraa wax ka raaci jirey xoolaha gaar ahaan geela oo laga dareemayo in uu xoolaha kale ka jeclaa. Dhulka Doollo ee uu ku dhashay Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan ee reerkoodu degijirey waa dhulka daaqsinta xoolaha ugu fiican Geyiga Soomaalidu degto. Kol uu Dhoodaan ka dooday in gabaygiisu hiddaraac yahay iyo in kale waxa uu sheegay in aannu qoyskooda ku jirin qof hal-abuur lagu xanto. Dhoodaan waxa uu sheegay qof ka tirsan qoyskooda oo hal-abuur lugu sheegay in uusan jirey, laakiin waxaa loo sheegay in awoowgiis saddexaad oo raacdo guraya geel laga dhacay in faraskiisii geed gubad ahi ka mudey oo kolkaas geeraar yar oo cabasho ah tiriyey. Geeraarkaas oo ahaa:
Geela reer hebelee
gammaan loo tabcanwaayey
galabtii la kaxaystay
Geydhaale oo aan jeclaa
baan ku garaacay galooleey.
Sidoo kale waxa uu Dhoodaan sheegay in aannu reerkooda ku jirin dad maansoboolida yaqaan. Maansoboolidu waa dadka qayba ee dusha ka qabta maansooyinka ay dadyow kale hal-abuureen isla kolkaana sheegta curinteeda. Magaca Dhoodaan waxaa u bixisay ayeydiis Xaadsan isaga oo saddex jir ah. Cabdullaahi Axmed Cusmaan waxa uu sheegay in aannu garanayn sababta Dhoodaan loogu bixiyey in kasta oo aan berigii hore u malaynayey cirweynidaydii aan caano cabka badnaa, laakiin waxa aan 1982dii ogaadey in ceelkii Nebi Yuusuf walaaladii ku rideen la odhan jirey Dhoodaan.
Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ku soo barbaaray gurigii hooyadii iyo aabbihii. Sida carruuraha kale waxa uu Dhoodaan ku soo barbaaray xirfadihii reerkoodu ku shaqaysan jirey oo ahayd xoolo jirista, reer oodista, xoolo waraabinta, barashada gaalaabeenka xoolaha kaladuwan, iwm. Dhoodaan waxa uu yaraantiisii ahaa wiil aamaus badan oo aan hadal badnayn. Sidoo kale waxa uu ahaa wiil madaxweyn oo carruuraha kale ku caayaan madaxweynidiisa. Sidaas awgeed ma raaci jirin oo la ma ciyaari jirin carruuraha kale. Dhoodaan waxa uu had iyo goor ag joogi jirey odayaasha iyo islaamaha. Ag joogistaas oo uu bilaabay xilli hore waxa uu ka faa'iidey in uu xog badan ka qabta oo weeleeyo sida xogta dhaqanka, taariikhda, qaab nololeedyadaii hore, hiddaha, iwm. Ag joogga odayaasha iyo islaamaha waa tan uu u aanaynayo hal-abuurkiisa iyo murtidiisa. Sidaas awgeed Dhoodaan waxa uu ku doodaa in hal-abuurnimadu tahay dhaqan, laakiin aannay ahayn hiddaysi. Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ahaa dhallinyaradii aad uga dhiidhiday cadaadiskii, dilkii, dhacii, kufsigii, iyo basaasnimadii uu maamulkii Itoobiya ku hayey Bulshada Soomaali Galbeed. Isaga oo aad loogu dhibay aftahanimadiisa wax tilmaamistiisa waxa uu u soo cararay Dawladdii Soomaalida ee Muqdisho. Kolkii ay taariikdu ahayd 1974tii waxa uu eegay xaalka Soomaalidu ku sugan tahay. Dhoodaan waxa uu arkay Dhulkii Soomaaliyeed oo qaar gumayste gacantiisa weli ku jira, dadkii iyo Dawladdii Soomaaliyeed ee la rabay in ay raadceeyaan dhulka maqan oo aan u soo jeedin, dhallinyaradii oo si xun u ilbaxday oo sigaar nuugis, turub waqti ku lumin, qaad la iska ruugo, dumarkii oo asturaadii iyo xishoodkii ka xuubsiibtay, zakadii oo la bixin diiday, awyadii oo la fududaystay, waxa uu dabuubtiisa u bandhigay Allaah oo weydiistey in uu bulshada badbaadiyo. Halkaas waxa uu Dhoodaan ka curiyey gabayo badan. Ugu dambay kolkuu arkay xaalka Soomaalida waxa uu dib ugu soo noqday Soomaali Galbeed iyo Gumaysigii Itoobiya.
Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu gabayga bilaabay isaga oo 16 sano jir ah. Xilligii ugu horreysey ee uu gabay bilaabay waxa ay ahayd isaga oo geel la joogga Balliga Sirow ee Dhulka Doollo buu seexday muddo ka dib waa uu seleley oo hurdadii ka boodey isaga oo qaylinaya oo gabyaya. Erayadii gabaygaygiisa ee uu xusuustay isaga oo ku dhawaaqaya waxaa ka mid ahaa :
"Ummaddii falaad xumo taqaan beri haddaan fiirsho
Allaylehe inaan foorarshaa waa fariidnimo e."
Laga bilaabo xilligaas waxa uu curiyey gabayo badan oo dhaxalgal ah oo maansada Soomaaliyeed meel sare kaga Jira. Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu sheegay in gabaygii ugu horreeyey ee aan tiriyo ahaa gabay aan ku guhaamayey libaax iga cunay awr ina Tukub la yidhaahdo iyo nirig yar oo uu dusha kaga dhacay oo uu iga diley. Gabaygaasi waxa uu ahaa:
Gunta micida gawsaha dambiyo dhoosha soo godatey
Gafuurka iyo gaadada lammaan guudka iyo shaashka
Qalka labada giir joogsadee Eebbe kala giijey
Golxobada qarsooniyo cidida galalka loo yeelay
Guradaa hashuu kaga degaa waa mid geeridaye
Nin iftiino ula soo gabada gumaca mooyaane
Gudcur maaroroobe ah habeen samada oo gaadhan
Giiryaale wuu noqon libaax nimay is guuleene
Gaadiid ratiga noo ahaa ee geela noo joogey
Iyo weliba ina Goodir buu gaadayoo dilaye
Iyadoo gurin ah qaalintaan gorof ka maalayney
Gabanteeda baa laga cunee gaax ma noqoteene
Oo ima gabteen oo haddeer godol ma dayseene
Gaajadanba kii igu qabtaa gudhiyey neefkiiye
Gablan oo cadaabiyo intii guuldariyo hooga
Gidigaa libaaxow intaa gacanta kuu saarye
Wadnahaa garkiisu halkaas garabka hoostiisa
Guulaha Ilaahaan baryee oofta lagu gooye
Adigoo habeen guurayoo gelin dhexaad jooga
Oo geelal daydayanayoo weli cidaha gaadhin
Mas galaalan good iyo abees gan iyo waabey leh
Jilbis kaa gariirshiyo midaad horrey u goodaasho
Abris gaaban goodaadadiyo laguma soo gaadhka.
Maalin baa Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan la warsaday maxa uu abwaan yahay? Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu yidhi abwaanku kolka la soo xigto dhaqankeenii hore ma ahayn nin sheekeeya, ma ahayn nin hal-abuur sameeya, isla kolkaana ma ahayn nin hadal badan oo warkiisa la qaad qaado. Abwaanku waxa uu ahaa nin murtiyoole ah, naawiliye ah, aqoonyahan ah, tagtayahan oo dhowr qarni warkooda iyo wacaalkooda haya. Abwaanku waxa uu ahaa nin loo raadsado waxyaalaha adkaada ee furfuristooda ama furdaamintoodu adkaato sida talabixiweydey, gorfayn laga gungaadhiwaayey, riyo adag, saad mustaqbal oo kakan, iwm. Kolka abwaanka wax la warsado waxa uu ku sheegi jirey weedho kooban, laakiin murti xeeldheer xambaarsan. Inta badan weedhaha abwaaniintu waxa ay noqon jireen murti dhaxalgal ah sida maahmaahyada, hawraaraha, iyo murtida kale. Abwaanku waxa uu ahaa qofka curiya murtida bulshada. Tusaale ahaan tol ka mid ah Tolalka Soomaalida baa beri colaad xun iyo dagaal qabsaday, isla kolkaana waxaa ku adkaaday arrimihii iyo noloshii. Boqorkii tolkaas baa abwaaniintii isugu yeedhay oo ku yidhi maanta taliya arrimuhu way adag yihiine, weliba waxa uu magacdhebey nin hebel la yidhaahdo. Kolkaas buu ka cudurdaartay oo yidhi boqorow maanta anigu ma taliyee hebel baa taliya. Kolkaas baa kii uu tilmaamay baa lagu yidhi war tali. Abwaankii waxa uu yidhi maantoo kale "dad cadaabeed dal cadaabeed baa laga gala" oo uu u jeedey aynu meesha ka guurno oo dhul adag oo oomane ah oo dhufays ah aynu u guurno.
Haddii aad dib ugu milicsato warka iyo waayaha Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa aad arkaysaa in tuduca 1aad ka kooban yahay magaciisa, taariikhdu dhashay, meeshuu ku dhashay, deegaankiisa rasmiga ahaa, iyo ugu dambayn halka noloshiisii ku dambaysey. Tuduca 2aad waxa uu ka kooban yahay qoyskii uu ka dhashay, waalidkiis, iyo qaab nololeedkoodii. Tuduca 3aad iyo 4aad waxa ay ka kooban yihiin waxyaalihii Dhoodaan dhammaystiray ee uu ka gungaadhey horumarkiisii nolosha, halgankiisii, arrimihii bulshada, arrimihii siyaasada, iwm. Tuduca 5aad waa faallo ku saabsan dareenkayga iyo fahanka qoraagu ka qaatay halgankii Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan.
Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waa maanso yahan weyn, waa nin ka warceliya waxa jira, gabayadiisuna ma laha waxa loo yaqaan laxawsiga ama beerlaxawsiga sida naago ammaanka iyo jacaylka. Waa nin ka hadla dhibaatada jirta sida mardabada ama laqdabada, heshiis ka baxa, garsoor xumada, gumaysiga, gaboodfalka, iwm. Dhoodaan waxa uu gabayadiisa ku muujiyaa in ballan ama ballanqaad la galay laga baxay ay cidhibdambeed xun tahay. Dhoodaan waa abwaan weyn oo adeegsada hodantinimada afkiisa iyo xeel dheerida murtidiisa. Dhoodaan waxa uu ahaa abwaan aannu jirin abwaan la mid ah oo aragtidiisa ku cabbiri kara waxa jira ama gartiisa ku naqan kara. Dhoodaan waxa ay isku ogog yihiin Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Kolkaynu bardaanka saaro gabayada Dhoodaan waxa aynu laftooda iyo luddooda ku tilmaami karaa in ay yihiin kuwa ugu sarreeya ee gabayada Soomaalida. Intaas waxaa u dheer dal jacaylka.
Gabayada abwaanka intooda badan waxa ay ku fool leeyihiin Gumaysigii Itoobiya iyo sidii looga xorrayn lahaa Deegaanka Soomaalida. Abwaanku waxa uu si adag uga soo horjeestey siyaasadii Dawladii Soomaaliya ee ku aadanayd Gobollada Soomaalida ee maqnaa. Dhoodaan waxa uu u arkeyey in dawladdu marin habaabinayso halgankii xorriyaddoonka ahaa. Arrimahaasna waxa uu ka tiriyey gabayo badan oo uu ku weerarayo siyaasadii Maxamed Siyaad Barre.
Dhoodaan waxa uu waayadii dambe ku noolaa Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo ahaa xabsi kor ka bannaan oo uu haystey Maamulka Itoobiya ee cidna u ma tudhe ah. Dhoodaan waxa uu gumeysiga ku garaaci jirey gabayo badan oo ka xanuun kulul hubka sida daran la isugu gumaado. Ugu dambayn waxa ay dantu baday in uu iska aamuso si uu gumeysiga uga nabadgalo. Hase ahaatee ku ma badbaadin aamusnaantii oo kuwii gacanyaraha u ahaa gumaysiga waxa ay u la dhaqmeen qaabka bahdilka ee ay u la dhaqmaan guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo inta ay ka dareemaan damiir nool.
Kolkay tagtadu ahayd 2010 waxaa Dhoodaan waraystay wariye ka tirsan BBCda oo la yidhaahdo Catoosh. Wariyuhu waxa uu Dhoodaan weydiiyey maxaad gabayadii u joojisey oo aad u gabyiweydey? Dhoodaan waxa uu ku warceliyey. Gabay horrey baan u dhammeeyey isla kolkaana meel aan ka gabyo hadda iima tooboona. Haddii aan hadda gabyana kuwaygii hore baan sii naashnaashi. Halkaas waxaa ka muuqata in abwaanka dabuubtiisii hore ee ku aadanayd Dalka Soomaali Galbeed aan waxba iska bedelin.
Qore - Ustaad Cabdisalaam Maxamed Xuseen