By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 03, 2025
Maqaalkani waxa uu ku saabsan yahay gabay la yidhaahdo Galaalxoor oo uu tiriyey Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan. Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ku dhashay deegaanka Magaalada Wardheer ee dhulka loo yaqaan Doollo. Gaar ahaan waxa uu Dhoodaan ku dhashay agagaarka Balliga Sirow. Doollo waa aag ballaadhan oo ka kooban todoba ceel oo laga cabbo iyo harooyin badan sida ceelasha Afyaraado, Uubataale, Ordheere, Yucub, Wardheer, Garloogube, iyo Walwaal. Cabdullaahi waxa uu dhashay kolkay taariikhdu ahayd 1941dii. Magaca Dhoodaan waa naanays. Kol la warsaday maxaa Dhoodaan laguugu bixiyey? Waxa uu ku warceliyey: Magaca Dhoodaan waxaa la odhan jirey ceelkii Ilma Nebi Yacquub ay ku rideen walaalkood Nebi Yuusuf. Dhanka Shaam iyo Masar waxa aynu kala nimid magacyo badan oo ay ka mid yihiin: Haamaan, Dhoodaan, Coon, iwm. Allaah ha u naxariistee Cabdullaahi Axmed Cusmaan Dhoodaan waxa uu ku geeriyoodey Magaalada Harar ee Dawlad Deegaanka Soomaalida kolkii ay taariikhdu ahayd labaatan iyo lixdii bishii afraad ee sannadkii labo kun iyo saddex iyo tobankii ama 26dii Abriil 2013.
Gabayga Galaalxoor waa gabay xambaarsan murti badan oo aannu qaryaanku waxba la hadhin. Gabaygani waxa uu u dhigmaa gabaygii Isumara ama Gaalaleged ee uu tirey Sayid Maxamed Cabdullah Xasan. Gabayga Galaalxoor waxa uu ku fadhiyaa oo qaryaanku ka curiyey saddex iyo toban maahmaahood oo kala ah:
Raad habeen lumay maalin loo noqoy.
Milil korkiis la ma dhayo.
Sinji ayeeyo iyo siifan (gamaar) lo'aad midna kaa ma hadho.
Awr rarkiis wuu qaadaa ee xadhig qalloocan ma qaado.
Nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tagi jirin baa taga.
Nimaan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto.
Rag dareen moog iyo waraabe or moog labaduba geeri horteed bay dhintaan.
Hooyadii ka guure aayadii kuma negaado.
Hal laba midigoodle dhengedeeyey dhanna u ma fayooba.
Ninna caadadii ma baajo bahalna ceedhiin ma daayo.
Ood kaa dheeri ku ma dhaxan tirto.
Sidaan kuugu lisay iigu ma aad hambayn.
Bulsho aan xeer ka dhexayn xero iyo xarun ka ma dhexayn karto.
Milgada Maahmaayada
Maahmaahda koowaad ee "raad habeen lumay maalin loo noqoy" waxa ay tilmaamaysaa qof baadidoon ah oo xoolo lumay raadkooda haya haddii habeenku u dumo waa uu iska seexdaa, laakiin arroorta dambe buu raadkii meeshii xalay ugu dambaysey ka bilaabaa. Qaryaanka Dhoodaan, isaga oo Soomaalida la hadlaya oo ku galaalxooraya waxa uu u sheegayaa in aynu jidkii saxda ahaa ka lunay oo loo baahan yahay in meeshii raadkii faska ahaa joogey dib loogu noqdo oo laga soo saxo. Kolka Dhoodaan leeyahay, "Saddex gees sagaalkana gudaan kuugu gabaxsiine", waxa uu u jeedaa oo inoo sheegayaa in aynu jidkii faska ahaa ka baydhnay sagaal boqol oo sannadood ka hor oo ah xilligii Qarankii Masa ee Gobollada Shawa ka talin jirey.
Maahmaahda labaad ee "milil korkiis la ma dhayo" waxa ay tilmaamaysaa meel boog ah oo hoosta ka bukta haddii dusha laga dhayo in aannay buksoonayn ilaa mililka, malaxda, iyo cadka moodka ah laga saaro. Sidaas awgeed haddii aynaan run isu sheegin oo arrimaha dhulkeena laga run sheegin waxa aynu noqonaynaa dad nabar korkiisa dhayaya oo aan weligii buksoonayn.
Maahmaahda saddexaad ee "Sinji ayeeyo iyo siifan (gamaar) lo'aad midna kaa ma hadho" waxa ay tilmaamaysaa firka ama sinjiga ayeeyo ka soo jeedaa qofka ka ma hadho oo hiddihiisii ayuu la socdoo. Sidoo kale lo'da firka xun haddii ay lo'daada soo gasho oo ku dhex taranto kaa ma hadho oo lo'daada weligeed waxaa ku dhex jiraya firkii xumaa ee sacaasi ama dibigaasi keenay. Sidoo kale haddii aynaan iska qaban qofka xun ee innagu dhex jira weligeen waxba inoo hagaagimaayaan. Haddii aynaan qaban qofka xun ee maamulka dawladaheena ku dhex jira weligeen waxba inoo hagaagimaayaan.
Maahmaahda afraad ee "awr rarkiis wuu qaadaa ee xadhig qalloocan ma qaado" waxa ay tilmaamaysaa in awrku rar badan si wacan u qaadi karo, laakiin xadhig si qaloocan loogu xidhay aannu u adkaysan karin. Taas oo laga dheehanayo in bulshadu u dulqaadan karto madax wacan iyo masuuliyiin fiican, laakiin aannay u dulqaadan karin dawlad xun oo gabno ah oo aan meelna u fayoobayn. Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in aynu iska qabano qofka xadhiga qaloocan innagu haya ee aan bulshada iyo dalka u tudhayn.
Maahmaahda shanaad ee "nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tagi jirin baa taga" waxa ay tilmaamaysaa haddii talada bulshada ay qabsadaan dad talo xun oo aan ku habboonayn in ay taliyaan waxa ay meesha ka saaraan dadkii talaqabeenka ahaa. Soomaalidu waagii hore waxaa u talin jirey dad talayaqaan ah oo taladhaadhiyiin ah. Hannaanka talada ee Soomaalidu waxa uu u kala sarreeyey sida soo socota: Qeydo oo ah golaha uu fadhiyo boqorku, xeerbeegti oo ah golaha ay fadhiyaan odayaasha dhaqanka ugu sarreeya, guurti oo ah golaha ay fadhiyaan golaha gorfaynta talooyinka, guddi oo ah golaha ay fadhiyaan guddiyo arrimaha kaladuwan u xilsaaran.
Maahmaahda lixaad ee "nimaan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto" waxa ay tilmaamaysaa haddii aynaan kasin waxa maanta jooga aayatiinkeena ma saadaalin karo, isla kolkaana waxa ay arrimaheenu gudayaan gudcur iyo mugdi weyn. Sidaas awgeed maanta waxa taagan garo si aad mustaqabalka u saadaalin karto. Hadda waa in aynu xaalkeena fahanaa si aynu gefafkeena u saxno.
Maahmaahda todobaad ee "rag dareen moog iyo waraabe or moog labaduba geeri horteed bay dhintaan" waxa ay tilmaamaysaa rag dareenkiisu gab noqday oo aan waxba la socon oo aan dooc iyo dareen qabin waxaa lagu dagaa oo wax lagu yeelaa dareen la'aantaas. Ragga waxaa looga baahan yahay in ay waayaha dunida la socdaan oo ka warqabaan. Haddii taas la waayo waxa ay dhimanayaan geeri horteed oo looga jeedo xilligii geeridooda oo aan la gaadhin bay dagmayaan. Sidoo kale haddii aannu waraabuhu la socon orta, qaylada, iyo sawaxanka degmada oo uu iska seexdo meeshii uu neefka ku cunay waa la dilayaa oo geeri horteed buu dhimanayaa.
Maahmaahda sideedaad ee "hooyadii ka guure aayadii ku ma negaado" waxa ay tilmaamaysaa qof hooyadii balanbaliyey oo baylihiyey waxba u ma taro aayadii. Aayadu waa haweenayda aabahaa qabo ee hooyadaa dangaladeed ah. Dhoodaan waxa uu maahmaahda u la jeedaa qof dantiisii iyo dantii guudba baylihiyey waxba inoo ma tarayee aynu iska qabano si aan taladu goof inoo kaga dhicin.
Maahmaahda sagaalaad ee "hal laba midigoodle dhengedeeyey dhanna uma fayooba" waxa ay tilmaamaysaa hal uu carraabiyey qof ay midigtiisa iyo bidixdiisu isku mid yihiin oo kolba gacantuu doono adeegsada. Hasha uu laba midigoodluhu carraabiyo waxa uu dhan kasta kala dhacaa dhengedda. Dhoodaan waxa uu u jeedaa in aynu nahay bulsho aan dhanna u fayoobayn oo dhibaato ku habsatay oo uu laba midigoodle helay. Sidaas awgeed waxaa maanta loo baahan yahay in aynu danteena garano oo laba midigoodlaha iska qabano.
Maahmaahda tobnaad ee "ninna caadadii ma baajo bahalna ceedhiin ma daayo" waxa ay tilmaamaysaa in ragga iyo bahaluhu waxa ay u bartaan sida caadooyinka iyo hilibka ceedhiin aanay baajin karin. Sidaas awgeed ragga ku mamay dhibgelinta bulshada iyo balanbalinteena aynu iska qabano.
Maahmaahda toban iyo koowaad ee "ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto" waxa ay tilmaamaysaa in aan geedka dheeri qofka dugsanaya dhaxanta ka celin. Sidoo kale waxa aynu u baahanahay in aynu iska qabo dadka wax ma tarayaasha ah ee maalin kasta bohol inoo ka tallaabsanaya. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay u baahan tahay in ay iska dhaafno cabashada oo ku bedelato talo midaysan. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay u baahan tahay in ay ka gudubto wax noo qabta oo ay u gudubto aan wax qabsano.
Maahmaahda toban iyo labaad ee "sidaan kuugu lisay iigu ma aad hambayn" waxa ay tilmaamaysaa wiil yar oo aabbihii hal u soo lisay xilli caano yarood ah. Aabbuhu waxa uu filayey in wiilkiisu u soo hambaynayo caanaha, laakiin wiilkii yaraa waa uu ka hiinsaday caanihii oo waxba u ma soo reebin. Dhoodaan waxa uu u jeedaa in kuwa dhuuniqaatayaasha ah ee hungurigu dhaandhaamay la iska qabto ee aan waxba reebay.
Maahmaahda toban iyo saddexaad ee "bulsho aan xeer ka dhexayn xero iyo xarun kama dhexayn karto" waxa ay tilmaamaysaa bulsho aan xeer dhigan in aannay xarun ku heshiin karin oo meel ku wada noolaan karin.
Gabayga Galaalxoor waa maanso aad ka faa'iidayso kumaan kun eray oo Soomaali ah.
Geylame gefkiisu batay oo aan geydhasho la'ayne
Qosol gawsku muuqdaan u tagin ciil gafuudin ahe
Sidaan kuugu gololeeyey waa goonibaadh taniye
Saddex gees sagaalkana gudaan kuugu gabaxsiine
Gogobaysigeedaa afeef kuu golnuugsadaye
Qofba kaalintuu uga gogobay ha u gunuunoco e
Maahmaahda waa toban gulcood ii gadhoodhsaniye
Gudcur raadkii guuraha ku lumey waaga galacdiisa
Gadaal subaxii waw goobi jirey ruuxa gurayaaye
Xadhka gunudka waa laga geyoon ay gamaamadiye
Hadba waxuu u gabangaabsadaa kay goddo'ayeenba
Ee lagu gaboodfalay in uu guul ku dhaashado e
Waaqaan taladu goof nagaga dhicin garashadeediiye
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooriddii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Gundhadiyo haddii uu fadhiyo caabuq gudaheeda
Gunre iyo sammuutiyo haddaad gawlalada shiisho
Wax ma taro galiilaha ku dhoob meel gunaadsaniye
Gogga tuludda goon yeelatiyo finan ku geyngeyman
Cadho golosa neefkii qabee saamo gaatira leh
Gaboodyaalahaan lagu bogsiin gorofya dhaymoodka
Googaarrahaan loogu duwin gooni xeradiisa
Gaanaha intiisii kaluu dib u galaaftaaye
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Wax la yidhi gamaartii lo'diyo naag garraaf ahiba
Iyagaa gibbaaniyo gabniyo gees la goy dhala e
Oo gaameelo doofaaro iyo uurgasley noqone
Kac gardaadi wiil la ma yidhaah xaaduq gaamuraye
In uu gumaradiisii dhaxlaa looga gudayaaye
Ka ma yara hoggaan gobanimana gaasabixintiisu
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Guubiskii madow dhegaha way ugu gamuuraane
Waana geela bacowgiisii oo loo gol leeyahaye
Garruudkii hayin ahaa kolbuu raragubyoodaaye
Gurgurshaa maroor loogu xidhey caynka ganiciisa
Kolba gibisha waa in uu ridoo galangolcoobaaye
Kac gardaadi wiil la ma yidhaah xaaduq gaamuraye
In uu gumaradiisii dhaxlaa looga gudayaaye
Ka ma yara hogaan gobanimaa gaasabixintiisu
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Ninkii guro dameer fuuli jirey meydal garab weyn leh
Guradaa hadduu kaga dhacoo oo guudka kaga boodo
Oo gacanta kor u baaciyoo gaw ul kaga siiyo
Oo muquuska dib u giijiyoo gulubi kaydeeyo
Gasariiriddaasuu xarraan jara gariiraaye
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Galsha miiradka laaskii biyaha kii u godan waayey
Garow adag gamaad ka ma qotiyo gaan u maaxsamiye
Wax galool anficiwaayey iyo gob iyo noociisu
Fuley baa gargaar kuugu noqon giirka ha u fidhane
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Gab kolkuu dareenkii noqdee gegi bannaan seexdo
Rag gedmadiyo geeriyoo dhurwaa gama̢̢̮ââ¬Å¡Ã¬Ã¢ââ¬Å¾Ã¢a deystaaye
Gadowgaan ku taabsiiyay iyo meel gaddaanka ahe
Iska giiji waan kugu gunneyn geedigelintaase
Ha gawdhgawdhin taan kugu gadh wado sida gandaalkiiye
U gurguri sidii gaaridoo garowga ha u daynin
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Hadh ma geeyo aayadii ninkii hooyo gawracaye
Nin walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye
Gedgedigaa saddexan baan rabaa inaad gorfaysaane
Carrab li'idu waa sida gangada nooc gediisa ahe
Gurgur cuniddu maankey u geyn fiiro xaangab ahe
Gaabaagurdeyntiyo xurmadu waa laba isgeya e
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Nin gurrani hashuu dheelmo wey baalla gubataaye
Gulcubaha allaa toosin kara gabar malaasnaaye
Wax guurguuranayaa ma jilo goodir boodadiye
Nina gorayo iigu ma sawiro gerigii yuubnaaye
Gabsasteyba nagu leeyihiin geel ka xoog badane
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Eey duur galaa timo guf ihi way ka go'ayaane
Dabeecaduse ka ma guurto iyo goonjabkuu qabaye
Waxaan maqalay gabadh tuugsatoo baahidu u geysey
Kolkuu taajir guursaday ma deyn gorof la meerkiiye
Guddi dhaqan leh iyo guurti iyo goliyo xeerbeegti
Gablan u ma horseedaan daday gacal u sheegtaane
Garangoori buu kugu noqdoo wuu ku gubayaaye
Dhaqan bay u soo gororsataa faallo giig tirane
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooristii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Geriyaad bannaan iyo adoo taagan gabayooxa
Gabbaad dhaxanta kaaga ma noqdaan geedo kaa fogiye
Wax gurguuranaayaa ma jilo goodir boodadiye
Nina goroyo iigu ma sawirro gerigii yuubnaaye
Gabsastayba nagu leeyihii geel ka xoogbadane
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooriddii gaafaguurisga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Gudahaan ka soo daray okhole galixi Ooyoode
Dushaan gaawihii oo gingiman kuugu soo ganaye
Mana gebidhacaayee biyaha gacantu yey daadin
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooriddii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Dibigii u soo galay lo'duu gees ku kicaayaye
Soomaalidana qaar baa la gan ah oo geddiisa ahe
Nin la ganay gammaaniyo ha koro geenyo fadal dheere
Orod baan garmaameynayaa duhur gadiidkiise
Ha gofleyso sheekee waxaan gaadi baa jira e
Sheekadaan gaboobeynin oo gamashi daaqii leh
Yaan soo goofaadhiyey murtida kaama gaasirine
Gufaacada anaa soo gabraye maanan gocoyeyne
Galshax baan ku dhaadhsiiyey iyo gaagur malabkeede
Galladmooyi saad uga naqiye gaadashaan huraye
Haddii fahanku kaa gaws qabsado saan isugu gaadhay
Geyi iyo gabiir ayna jirin ha u gunaanadine
Waxa ay kuugu gaadami qof geya in aad u geysaaye
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooriddii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Si gurracan haddaad gabayadaa u la gawaanraacdo
Golxob bay murtidu yeelataa iyo leeb gamuunna ahe
Mana weydo guutooyin iyo gaasas daafaca e
War yaan xeelad gaabani ku badin goofo iyo tuuro
Ka gud bohosha yuu galaydh gurxamay kugu galeydhyayne
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooriddii gaafaguursiga e
Weli garabkii maahmaahda waan soo gilgilayaaye
Godoloo u gaalgaala iyo waa galooftanida
Gayaxdiyo ma goofaadhidiyo shallay garruumeedda
Galgaal iyo abeer laba gogliyo goolal iyo qaalmo
Neef guduudan iyo may gardho leh goodir iyo aydin
Ma gabriminnin way goojisiyo wuu gadaal rimiyey
Galabtuu cabbaar gororsadiyo wuu ka daba goohay
Awr gulaan ah baa guux la kacay oo gulgula weyn leh
Midka gaw leh midka giih leh doobtii gilgillay galowgii baa foodhyey
Gudunlaawe xero goobayoo bowd giraangiriyey
Sidaa gibinta oo weedh guntana hadaladaa geela
Gabaygayga uga gungaadh waa geddaa gocoshadiisiiye
Maansadan aargoof iyo ganaax gebogebaynaysa
Ma guddoontey googgaa sidaad iila garataane
Adigoon ujeedada gediyin taa haddaad garato
Soco waa galaalxooriddii gaafaguursiga e
Erayga galaalxoor waxa uu la macno yahay weerar aad u culus oo aan colaad ka horreyn. Sidoo kale waxa uu Sayid Maxamed Cabdullah Xasan gabay ku yidhi:
Waa lagu galaalxorayaa guriga reer Nuure
Gaas baa ku caran reer Subeeyr goboro weyntiiye
Galaayuubta Hagar Aadan baan gaadada u marine
Sidoo kale kolka dhallinyaradu ciyaarayaan Ciyaarta Waalada waa la is galaalaa. Galaal waxaa la yidhaahdaa in madaxa lagaa sunto oo dambas lagu mariyo. Kolka kooxda foorad laga helo waxaa laga suntaa madaxa oo dambas laga mariyaa. Haddii kooxdii laga badiyey fooradii iska soo bedaan waxa ay xoorayaan galaashii lagu dhigay oo waxaa la yidhaahdaa galaalxoor.
Qaryaanka Dhoodaan yuu ku galaalxoorayaa? Dhoodaan waxa uu ku galaalxoorayaa dadkii maamulka Dalka Soomaalida qabsaday gumaysiga ka dib oo uu aad iyo aad u saluugey qaabka ay u maamulayaan dalka iyo dadka.
Dhoodaan waxa uu gabaygiisa ku bilaabay in uu tiir taariikh ah ku fadhiisiyo doodiisa, isla kolkaana waxa uu tilmaamaya gefafka ay samaynayaan dadka maamulka dawladda inoo haya ee madaxdii iyo masuuliyiintii sare ee Soomaaliya. Ararta gabayga ugu horaysa waxa uu Dhoodaan ku yidhi:
Geylame gefkiisu batay oo aan geydhasho la'ayne
Qosol gawsku muuqdaan u tagin ciil gafuudin ahe
Sidaan kuugu gololeeyey waa goonibaar taniye
Saddex gees sagaalkana gudaan kuugu gabaxsiine
Gogobeysigeedaa afeef kuu golnuugsadaye
Qofba kaalintuu uga gogobi ha u gunuunoco e
Weedhaha ugu horeeya gabayga ee "Geylame gefkiisu batay oo aan geydhasho la'ayne." Qaryaanku waxa uu ka sheekaynayaa ragga iyo jaadadkooda. Qaryaanku waxa uu tilmaamayaa nin halgamaa dadku u yaqaaniin oo masuuliyad u haya, isla kolkaana gefkiisa iyo meel ka dhaciisu badan yahay. Qaryaanku waxa uu tilmaamayaa in ninkaas masuulka ah ee gefka badan aannu xumaha ka dhiidhiyin oo ka gilgilan. Innaga oo soo xiganayna hadalkii Dhoodaan oo tilmaamaya jaadadka ragga waxa uu yidhi: Kolkay raggu yaryar yihiin waa saddex jaad oo kale ah: Ciid cune, dambas cune, iyo xaarkiisa cune. Kolka ay weynaadaan waxa ay noqdaan saddex jaad oo kala ah: Wiilkii ciidda cunijirey waxa uu noqdaa geesi, halyey, deeqsi, danjire, xaajo furaheed, bulsho u adeege, beeldaajiye, hoggaamiye, iwm. Wiilkii dambaska cunijirey waxa uu noqdaa qof dhib iyo dheefba leh oo waxna dila waxna nooleeya, laakiin aan kan hore gaadhi karin. Wiilkii xaarka cunijirey waxa uu noqdaa faajeer, dhabcaal, xaaduq, danayste, soor quureed cune, qorqode, iwm. Dhoodaan waxa uu leeyahay ragga masuuliyadda inoo hayaa waa xaarkooda cunayaashii waayo guurti dhaqan iyo xeerbeegti leh gablan u ma horseedaan daday gacal wadaagaane.
Si qaryaanka Dhoodaan wax u tusiyo ragga arrimaha bulshada ka masuulka ah waxa uu taariikh ahaan u xusuusinayaa Qarankii Masa ee Amxaaradu burburisey 900 oo sano ka hor isaga oo yidhi, "Saddex gees sagaalkana gudaan kuugu gabaxsiine." Qaranka Masa waxa uu ahaa dawlad Soomaaliyeed oo ka talin jirtey Gobolka Shawa ee hadda Itoobiya ka tiliso oo ah dhulka ay hadda ku taal Magaalada Adisababa.
Dhoodaan oo sii wata la hadalkii iyo hogotusaalayntii masuuliyiinteena waxa uu gabaygiisa ku yidhi :
Guddi dhaqan leh iyo guurti iyo goliyo xeerbeegti
Gablan u ma horseedaan daday gacal u sheegtaane
Garangoori buu kugu noqdoo wuu ku gubayaaye
Dhaqan bay u soo gororsataa faallo giig tirane
Tixahaas oo macnahoodu yahay haddii dadka wax maamulayaa ay leeyihiin dhaqan, xeerbeegti, iyo dad guurti ah oo wax kala garanaya gablan u ma horseedaan daday gacal u sheegtaane. Sidoo kolka waxa uu leeyahay dhaqan bay u soo gororsataa faallo giig tirane, taas oo macnaheedu yahay in hab maamulkooda dib loogu celiyo dhaqanka bulshada oo laga soo ansixiyo.
Dhoodaan waxa uu kale oo tilmaamayaa in dhaqankii hore ee Soomaalida ay ka mid ahayd in wiilka yar kolkuu afartan baxo la gardaadin jirey. Wiilka afartan baxay waxaa loo xuli jirey nin halyey ah si uu u gardaadiyo iyada oo laga cararayo nin xun oo uu hadhow ka fir raaco xaaduqnimadiisa ama dhabcaalnimadiisa. Kolkaas waxa uu Dhoodaan leeyahay qofka loo dhiibayo masuuliyada, maamulka, iyo madaxtinimada bulshada waa in la jirrabaa oo la gaasabixiyaa si loo ogaado in uu u qalmo hawsha uu bulshada u qabanayo. Bal dheeho weedhaha gabaygiisa ku jira ee odhanaya:
Kac gardaadi wiil la ma yidhaah xaaduq gaamuraye
In uu gumaradiisii dhaxlaa looga gudayaaye
Ka ma yara hogaan gobanimaa gaasabixintiisu
Dhoodaan isaga oo la hadlaya dadka Soomaalida talada iyo maamulka u haya waxa uu leeyahay in aad shisheeye ku tiirsanaatid waxba ku tarimayso. Dhoodaan waxa uu leeyahay aynu cid kale u cabano aynu ku bedellanaa aynu tashano. Sidoo kale waxa uu Dhoodaan leeyahay wax noo qabta aynu ku bedelano aynu wax qabsano. Bal dheeho weedhaha gabaygiisa ku jira ee odhanaya:
Geriyaad bannaan iyo adoo taagan gabayooxa.
Gabbaad dhaxanta kaaga ma noqdaan geedo kaa fogiye.
Dhoodaan isaga oo tilmaamaya dhaqan xumada dadka masuuliyiinta ah, beenta, eexda, qabyaalada, nidaam xumada, iyo baylahda xafiisyada dawladda ka jirta waxa uu yidhi:
Wax gurguuranaayaa ma jilo goodir boodadiye
Nina goroyo iigu ma sawirro gerigii yuubnaaye
Gabsastayba nagu leeyihii geel ka xoogbadane
Kolkii Dhoodaan ka yaabay dadkaasi sida ay u dhaqmayaan oo aad moodo in aannay dalkaba lahayn waxa uu yidhi:
Dibigii u soo galay lo'duu gees ku kicaayaye
Soomaalidana qaar baa la gan ah oo geddiisa ahe.
Dibiga ka dhashay lo'da waxa uu saca orgaysan ku kiciyaa lugta, laakiin dibiga soo galootiga ahi waxa uu ku kiciyaa geeska. Soomaalidana qaar baa sidaas oo kale ah oo dalkooda arrimihiisa u la dhaqma sidii dhul aannay lahayn.
Dardaarankii Dhoodaan: Dardaaranka ka ma dambaysta ah ee aan dhallinyarada Soomaaliyeed uga tageyo waa inta goor aan fogeyn la idin odhan wershedahayaga ayaa idin sameeyey tagtadiinii iyo afkiinii raadiyo oo baadigooba idinkoo ka faa'iidaysanaya qalabka isgaadhsiinta casriga ah. Halkan hoose waxaa lagu macneeyey erayada adag ee gabayga ku jira.
Aargoof - waa eray la macno ah cadho ama ciil ururay oo gaamurey isla kolkaana qofku aamusan yahay.
Aydin - jaad ka mid ah midabada geela, sidoo kale waa eray magacuyaal ah oo la macno ah iyaga.
Baallo - waa dhinacyada ama hareeraha
Bacow - waa cayayaan aboorka oo kale ah oo dadka maryaha ka cuna.
Bowd -waa qayb ardaaga ka mid ah oo weelka lagu foorariyo kolka la culo ama la maydho si loo qalajiyo.
Carshin - dhulka ceelasha ka fog ee la dego.
Cayn - waa xadhiga awrka raran shafka lagaga xidho.
Ceel - dhulka biyaha laga cabbo.
Ciil - cadho daran
Dhaadhsiiyey - ku jaqsiiyey ama ku dhansiiyey.
Dheelmo - waa eray la macno ah carraabo.
Fadal - waa carrada neefka qoobkiisu tuuro kolka uu ordayo.
Gaabaagurdeyn - waa farandulayn iyo gaafwareeg aad cid ku cabsiinayso si ay u cararaan ama u baqaan.
Gaadami - erayga gaadami waxa uu Dhoodaan ugu dhawaaqaayey geedami, laakiin waxa uu u jeedaa gaadami oo macnaheedu yahay wareegaalaysi ama ku dul wareeg.
Gaafaguursi - xoolaha ay ku siiyaan reerka aad gabadha ka guursatey.
Gaafwareeg - waa ku dul wareegid.
Gaagur - waa agab xanjada ka samaysan ee shinidu malabka ku gurto. Sidoo kale waxaa la yidhaahdaa awlal.
Gaalgaal - waa kolka hasha loo godlayo ee laagu yeedhayo sida: ayro, ayro, ayro,Saahood, Saahood, Saahood, iwm.
Gaamurey - waa la macno ah adkaaday, weynaadey, iwm.
Gaan - waa ceelka afkiisa iyo hareeraha gebiyadiisa, gaan waxaa kale oo loo yaqaan wax badan oo dad iyo duunyaba ah.
Gaane - waa geela aaranka u badan, awrta, iyo kuwa aan rimanayn.
Gaarrumay - waa awrka ku fadhiisi hasha si uu u abaahiyo oo u rimiyo.
Gaasabixin - mudada hasha la sugayo in ay rintay oo ilmo qaaday ama kolka la hubinayo in ay riman tahay.
Gaatir - waa guntimaha habeeda ah ee ku samaysma geela luguhiisa.
Gaawe - waa magac kale oo loo yaqaan hadhuubgaalka.
Gab - waa wax dhacay oo ciiray
Gabangaabsi - walaac, humhumasho la'aan, diyaargarow la'aan, iwm.
Gabax - waa hanjab sida wejigabax, waxa aad niyad u haysey oo aad guuldaro kala kulantay. Sidoo kale waxa uu eraygu la macno yahay: gunaanad, ugu dambayn, qubasho.
Gabbaad - waa meel dugsi ah oo dhaxanta iyo dabaysha lagaga gabado.
Gabiir - waa meel fog oo aan la gaadhi karin.
Gabood - waa meel dagaal ka dhacay oo dad badan lagu laayey ama ku dhinteen.
Gaboodyaale - waa geed nabarada lagu dhayo.
Gabrey - waa soo tubay oo soo fadhiisiyey. Xoolaha kolka la soo fadhiisiyo waa la soo gabrey.
Gabriminnin - waa eray loo adeegsado kolka awrku geela rimiyo xilliga hore ee guga.
Gabsas - waa magac la isku yidhaahdo xayawaanada dabagaallaha la bahda ah ee suungurta, shurunshuurka, dabacadeeyaha, xoorka, iwm.
Gadaan - waa meesha alaabada la saarto ee u dhexaysa saabka gadowgiisa iyo haanta.
Gadiid - waa eray kale oo la macno ah duhur.
Gadow - waa giraanta wadaanta iyo saababka.
Gafuudin - qof ciil dartii gowsaha isku giijiyey oo gafuurka kor u taagaya.
Galaalxoor - weerar aad u culus oo aan colaad ka horreyn, sidoo kale kolka dhallinyaradu ciyaarayaan ciyaarta Waalada ama Delebka waa la is galaalaa kolka koox foorad laga helo oo dambas baa wejiga laga mariyaa, haddii kooxdii laga badiyey fooradii iska soo bedaan waxa ay xoorayaan galaashii lagu dhigay oo waxaa la yidhaahdaa galaalxoor. Galaashu waa dambaska la mariyey.
Galangalco - waa daal aad u daran kolka neefka raran ama la fuushan yahay socodku ku daalo.
Galax - waa ceelka xarfanaya ee biyuhu ka buuxaan ama wax buuxa oo xarfanaya sida caano hadhuub ka buuxa.
Galaydhyayne - waa eray la macno ah sida galaydhka xoogga badan ku galgalo oo kala didi.
Galgaal - waa neefka ama naagta aad u cayilan oo aan dhalin.
Galiile - waa magac kale oo loo yaqaan geedka boocda.
Gallad - waa lib ama guul.
Galoof - waa neefka xoolaha ah ee gudhan
Galool - waa geed qodax leh sida qudhaca oo maydhaxda laga diirto.
Galow - waa shimbirta fiinta kan lab ama ninka ah.
Galshamiir - waa kolka ceelka caraqda ah la dulsaaro caws si biyaha suruqda iyo mirifta looga reebo.
Galxish - waa wax buuxa sida weel ama ceel.
Gamaad - waa meesha qofka meydka ah lagu dhaqo ee lagu maydho.
Gamaar - erayga gamaar waxaa loo adeegsadaa labo macnayow oo kala ah dab gamaaray oo bakhtiyey, iyo fir ama sinji shiiqsane ah oo xoolaha firkooda kaa xumeeya.
Gamashi - waa xilliga guga ama dayrtu sii baxayaan oo daaqii la idlaystay.
Gammaamad - waa wax qarin ama hadoodilid.
Gammuur - waa wax dul suluxsan oo oogo rogan
Gammuun - waa falaadh qori ka samaysan oo qaansada laga rido.
Gan - waa la jaad ah, la ayni ah, la fil ah, iwm.
Gandaal - maqaarka laga baxshey neefka yar ee saca ama neefka la ursiiyo si igadh ahaan loogu maalo.
Gangada - waa eray gabayga dartii loo jebiyey oo ah "sanqada" waayo kolka qofku sanqada ka hadlayo waxa ay la macno tahay qof haghago leh. gobollada qaar waxa ay haghagada u yaqaaniin "gango."
Garangoori - waa jaad ka mid ah shilinta dulinka ah ee xoolaha cunta.
Gardaadi - ilmaha oo garabka lagu qaado kolkuu afartan baxo, waa ilmaha oo garbaha lagu qaado
Gardho - waa dhogorta guntimaha ah ee neefka dushiisa ka baxda.
Garmaamo - waa orodka ubudka yaryar ee geela ama lo'da ama waxaraha.
Garow - waa dhulka meesha carrada adag.
Garraaf - walax jidh yar sida neef xoolo ah ama naag jidh yar oo gaaban oo lugo godgodan.
Garruud - waa awrka hayinka ah ee rar qaadka wacan.
Gasariir - waa kolka qofka ama neefka naxariistu ka idlaato oo aannu waxba ka nixin sida wax daalay oo nafba ka quustay.
Gawaan - kolkaad wax la cararto oo meel bannaan oo aan ku qarinayn u la cararto. Waa eray la macno ah meel bannaan.
Gawdhgawdh - ha ka soo soke dhicin, ha ka boodboodin, ha joojoojin.
Gawlalo - waa geed xanjo leh oo fooxa laga gurto.
Gayax - meel bannaan oo gabayoox ah
Gebidhac - daalaadhac, wax iska dhacdhacaya sida qof waalan.
Ged - gedgedoonka qaab nololeedka.
Gegi - meel bannaan oo cidla' ah.
Geydho - carasho
Geylan - halgan
Geyngeyn - waa uskag hariiryo ah ama barabaro ah oo qofka dharkiisa ku firirsan.
gibbaan / gabbaan - waa neefka caanaha yar ee badhada ah ama wax liita oo aan sinji wacnayn.
Gibil - waa saanta lo'da ee awrka raran dusha lagaga hadoodilo ama aqalka dhisan dheega gudaha lagaga xidho.
Gig - waa wax buuxa oo la buux dhaafiyey oo afka laga xidhay.
Giir - waa timaha xoolaha ama dugaaga kale ka baxa duudka sare ee lafdhabarta.
Gingiman - dhammaystiran oo buuxa.
Giraangiriyey - sida giraanta wareejiyey oo duuduubay.
Gob - waa geed qodax iyo midho leh oo daawo laga helo, ama noolaha sinjiga fiican.
Gocayo - waa weelka qabada ah ee la xoolaynayo ama shaqada lagu bilaabayo.
Godo' - la curyaanshey, la kala dhantaalay.
Gofleyso - waa eray looga jeedo ha socoto.
Gog - waa saanta geela ee loo diyaariyey in la goglado.
Gogobaysi - waa eray la macno ah arar, hordhac, iyo sidoo kale kolka ciidda lagu weyseysanayo.
Gogobi - qof kasta meesha uu gaalaabeenkeeda yaqaan, aqoonta u leeyahay, xirfadeeda leeyahay, ama ku takhasusay.
Golnuug - kolka hooyadu ilma naaska ka jaqsiiso gosheeda, sidoo kale waa eray la macno ah u roonaan.
Gololo - waa summad geela lagu dhigto, sidoo kale waa eray la macno ah barnaamij ama hadal si wacan loo agaasimey.
Golos - waa noolaha cadhada ama furuqu qaba kolka ay dushiisa oo dhan ay ku fidaan finan ama cambaar.
Golxob - qalqalooc bay yeelataa, waa wax qalqalooca ama waa tooreyda afka yare leexsan.
Goob - meel, rabadin, ama walax luntay oo la raadinayo.
Goodayoo - erayg goodaayoo waxa uu u la jeedaa oodaayoo oo macnaheedu yahay xero dhigis ama xero samayn.
Goodir - jaadka mid ah midabka geela ama jaad ka mid ah ugaadha.
Goof - god hoos u godan ama meel weegaaran oo la deggan yahay.
Goofaadhi - waa kolka ilmaha yare ama neefka yar hooyadu aad u nuugo ama jaqo. Sidoo kale waxaa la yidhaahdaa dhaadhi.
Goofo - waa eray wadar ah oo la macno ah goof ama meel bannaan.
Googaarre - waa neefka cudurka cadhada qaba ee goloska isu baxay ah.
Goolaaftan - waa in aad iska yeelyeesho in aad dagaalamayso haddaan sidaas la yeelin, laakiin aan kaa dhab ahayn.
Goon - waa buurbuurka ama finanka saanta ama goggu yeesho, qararka yaryar ee badda dhexdeeda ka yuubyuuban. Goonku sidoo kale waa geed nagaadh badhi yaryar oo la cuno leh.
Goonibaadh - waa dhugtan, shabaax, ama toogasho ku tartan
Goonjab - dhanjaf, madax-xanuun, waa qof ama noole kale oo aagga ilxaydhku aad iyo aad u xanuunayo. Sidoo kale waa qof ay xanuunayaan labada goon ee indhaha hareeraha ka xiga.
Gorof - wax la nacay oo la tuuray sida weel, iwm. Weel qabo ah oo la xooray oo hawlgab ah.
Goror - waa wax la foorariyey oo la gororinayo si loo madhiyo.
Gud - waa eray la macno halkan ka guuree oo meesha xilli habeen ah ka tag. Sidoo kale waxa uu eraygu la macno yahay geedka ay midhaha yicibtu ka baxaan.
Guf - dhogorta ama timaha isku marmaroorsamay ee noolaha duudkiisa ka baxa, waa timo gardho gardho ah.
Gulaan - waa awrka qooqan ee aan doobta soo ridi karin.
Gulco - waa guntin.
Gulcubo - qalqalooca guntimaha ama qalqalooca wax meel ka soo buurbuuran.
Gulgulo - waa xubinta awrku ka doobiyo marka uu qooqan yahay.
Gulubi - waa lafta loo yaqaan kuraankurta ee labada ruug ama labada low korka ka saaran ama kaga wareegsan.
Gumaro - waa hanti sugan ama raasamaal
Gundho - waa meel godan gunteed, waa walax gadaal u sii godan sida ceel, balli, ama jidhaan.
Gunno - waa eray asal ah oo la macno ah mushahar.
Gunre - waa geed xanjo leh oo dhulka carriska ah ee hawdka ah ka baxa.
Gunuunuc - waa eray asalkiisu yahay dunuunuc oo gabayga dartiisa loo jebiyey. dunuunuc waa kolka neefka xoolaha ah ilmihiisa soo aado isaga oo guuxaya ama reemaya.
Gurgur - waa saabaanka reerku haysto ama alaabada reerku haysto sida: saababka, haamaha, ubooyinka, qumbaha, kolayga, iwm.
Gurgurshaa - waa awrka lagu raro gurgurka reerka ama saabaanka muhiimka ah.
Gurxan - waa codka bahalaha dugaaga ah ee xoolaha cunaya.
Guubis - ratiga ay dhasho ee ay ku curatay qaalinta abeerka ah ee afar jirka ama shan jirka ah.
Leeb - waa fallaadh bir ka samaysan oo qaansada laga rido.
Makaab - waa qoryaha ceelasha afka waaweyn la geliyo si afkooda loo yareeyo.
May - waa midab ka mid ah midabada geela ama roobka da'a arroortii.
Meydal - neefka faraska ah ee xoog badan isla kolkaana midabkiisu u eg yahay malabka.
Miidaan - waa eray carabi ah oo la macno ah agagaar ama aag.
Mushaax - waa socodka tamashlaha ah ee meelo badan loo soo wareego.
Okhole - waa hadhuub xoolaha lagu waraabiyo oo ceelka la soo daro.
Ooyood - waa ceel ku yaal dhulka loo yaqaan Doollo.
Raragubyo - kolka awrka raran aad u kululaado oo reeryadu kulayl dartii uu gubto.
Ratitibeed - aqalka ay bixiyaan reerka gabadha laga guursadey.
Samuute - waa geed ka baxa dhulka Soomaali Galbeed.
Suugaan - hal-abuur, suugaantu waa muraayadda laga daawado hiddha iyo dhaqanka bulsho leedahay ama wax kasta inta ugu bilicsan.
Ugar - kiishka tumaalku ku rito agabka uu ku shaqeeyo ama birqalaxdiisa.
Uurgasle - waa qofka caloosha wax ku qaada ee hibashada iyo gocashada badan.
Xaab - cawska iyo dhirta dhacday, ubucda neefka la qashay.
Xaaduq - dhabcaal, saqajaan, fadhatayste, doqon, danayste.
Xaangab - waa eray la macno ah go'aan maangal ah.
Xarraan - waa faraska buubaalka ah ee dhibta badan.
Yuub - wax kor u dheer oo yuq ah ama soo foocsan.
Qore - Ustaad Cabdisalaam Maxamed Xuseen