Dugsiga Aasaasiga Ilays waxa uu ku yaal Xaafadda Waxbarashada, Xaafadda Huda, iyo Xaafadda Saamaley ee Magaalada Lascanod. Waxaa la furay August 01, 2006. Tirada ardayda: 1,800 arday.
Dugsiga Aasaasiga Ilays waxaa dhisay Dalladda Waxbarashada Ilays. Dugsiga Aasaasiga Ilays waa mid cusub oo tubtiisa waxbarashada, iyo qaabkiisuba solansan yihiin hannaanka waxbarashada ee Geyiga Soomaaliya iyo manhajyada adduunka ee horumarsan. Dugsiga Aasaasiga Ilays waxa uu manhajkiisu u qaybsan yahay saddex af oo kala ah: Soomaali, English iyo Carabi.
Maaddooyinka Waxbarashada
| Maaddada (Subject) | Afka (language) |
| Soomaali | Soomaali |
| Cilmiga Bulshada (Tigaadda iyo Tagtada) | Soomaali |
| Xogdhawrka (ICT) | Soomaali |
| Fayadhawrka (Being Healthy) | Soomaali |
| Barbaarinta Islaamka | Carabi |
| Carabi | Carabi |
| English | English |
| Mathematics | English |
| Science | English |
Himilooyinka Waxbarashada
- In aan kor u qaadno waxbarashada iyo tayeynteeda annaga oo ardayda wax ku barayna qalab iyo hab cusub.
- In aan horumarino hawl gudashada waxbarashada si aannu u xaqiijino in aannu himiladayadii gaadhney.
- In aan tayeyno hannaanka waxbarashada ee Dugsiga Aasaasiga Ilays.
- In aan Dugsiga Aasaasiga Ilays ku jihayno oo ku dhaqangelino hannaanka waxbarasho ee dunida ugu horumarsan.
- In aan sida ugu fiican u adeegsano qalabka iyo agabka kale ee waxbarashada.
- In Dugsiga Aasaasiga Ilays ka qaybqaato dibudhiska iyo soo noolaynta waxbarashada aasaasiga ah.
Socdaalka Waxbarashada
| Da'da | Heerka Dugsiga | Jaadka Dugsiga |
| 3½ ilaa 5 Jir |
Dugsiga Xanaanada (Nursery School) |
Dugsiga Aasaasiga (Ilays Primary School) |
| 5 ilaa 7 Jir | HW1 - Dugsiga Dhallaanka (Infant School) |
| 8 ilaa 12 Jir | HW2 - Dugsiga Carruurta (Junior School) |
| 13 ilaa 14 jir |
HW3 - Dugsiga Gurboodka (Senior School) |
Dugsiga Sare (Ilays High School) |
| 12 ilaa 16 Jir | HW4 - Dugsiga Dhalinyarada (Juvenile School) |
| 16 ilaa 18 Jir | HW5 - Dugsiga Barbaarta (GCSE School) |
| 18+ Jir | Waxbarashadda Hanaqaadka | Kulmiso (Ilays Academy College) |
| 18+ Jir | Waxbarashadda Xilqaadka | Jaamacad (Ilays University) |
Xilliyo Waxbarashada iyo Fasaxyada
| Gooraha waxdhigashada Dugsiyada Ilays |
| Xilliga 1aad waxa uu ka bilaabmaa | 1da Ogoosto sannad kasta |
| Dhammaadka Xilliga 1aad | 15ka Diisembar sannad kasta |
| Xilliga 2aad waxa uu ka bilaabmaa | 2da Janaayo sannad kasta |
| Dhammaadka Xilliga 2aad | 15ka Juunyo sannad kasta |
| Gooraha fasaxyada Dugsiyada Ilays |
| Fasaxa yar: | 15ka Diisambar ilaa 31ka Diisambar |
| Fasaxa weyn: | 15ka Juunyo ilaa 31ka Luulyo |
| Fasaxa Ciidda Fitriga: | 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda |
| Fasaxa Ciidda Udxada: | 2 Cisho ka dib maalinta Ciidda |
| Fasaxa Ramadaan: | 21da ilaa 30ka Ramadaan |
| Fasaxyada Qaranka: | Waa xilliyo kaladuwan |
Golaha Talada Guud
C
Guddoomiye
Cabdiqaadir Warsame Muuse
C
Guddoomiye ku xigeen
Cismaan Axmed Xuseen
M
Xoghaye
Maryama Axmed Suleymaan
N
Diiwaanhaye
Nasra Xasan Maxamed
C
Arrimaha Manhajka
Cabdirashiid Axmed Maxamed
S
Agaasimaha Maamulka
Sahal Maxamuud Xasan
C
Xidhiidhka Bulshada
Cumar Xuseen Warsame
A
Arrimaha Dibedda
Axmed Xasan Cabdi
C
Xubin
Cabdixamiid Cali Ismaaciil
Maamulka Dugsiga Aasaasiga
X
Hormuudka Dugsiga (Q1aad)
Xasan Maxamed Axmed
S
Hormuud ku Xigeenka (Q1aad)
Siciid Mahad Cali
C
Hormuudka Dugsiga (Q2aad)
Cabdirashiid Maxamed Axmed
K
Hormuud ku Xigeenka (Q2aad)
Khaliil Keyse Maxamed
A
Hormuudka Dugsiga (Q3aad)
Axmed Xasan Cabdi
Z
Hormuud ku Xigeenka (Q3aad)
Zakariye Maxamed Cabdullaahi
J
Hormuudka Dugsiga (Q4aad)
Jaamac Cabdiraxmaan Cilmi
C
Hormuud ku Xigeenka (Q4aad)
Cabdirisaaq Cabdiqaadir Axmed
C
Xisaabiyaha Dugsiyada Ilays
Cabdixamiid Cali Ismaaciil
S
Xidhiidhka Dadweynaha
Sahal Maxamuud Xasan