+252 90 4048010

information

ODOROSKA

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 03, 2025


Odorosku waxa uu baal dahab ah kaaga furayaa in aad wax yar ka ogaato sidii Soomaalidii hore wax uga taqaaney aqoonta cusub ee sayniska. Si aadan ugu qaadan in Soomaalidu ahayd dad madhan oo waxba la joogin. Laakiin waxa uu casharku ku tusinayaa xeeldheerida aqoonta sayniska ee Soomaalidii hore dhex taaley. Haddii aad u fiirsato gabayga soo socda waxa uu ku saabsan yahay odoros wax laga hillaadinayo aayaha dambe.

Xidigaha casaadiyo cirkaa caadka laga waayey

Caamadu waxay moodayaan curasho dayreede

Anigaaba moorada cakiran kuu caddayn kara e

Caawaba Cirsankayeedhkii war buu sheegay Caliyowe

Wuxuu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye

Caanuhu dhowaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Waa cidhib go' nimankii shacbiga cunay wixiisiiye

Caawaa la kala soocayaa caasigiyo tuuge

Carruuraha la dhalay awliyada laga cadhaysiiyey

Caam ahaan haweenka dulmane cidina eegaynin

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Cisho aan fogayn waxay isbedeli ciidan fara weyne

Inay curado fiicani kacaan Ciiddan la arkeeye

Cagta ii dhig waa kaa nabsigi soo cadceedsadaye.

Afka Soomaaliga waxaa ku jira erayo badan oo loo adeegsado in wax lagu odoroso. Erayadaas waxaa ka mid ah: hilaadin, saad, saadaalin, male, mala-awaal, faal, iwm. Odoroska waxa ay Soomaalidu u aqoon jirtey aqoon gaar ah oo ka hadasha aag sargo'an oo aqooneed. Tusaale ahaan qofka wax ka yaqaan neecawda, dabaylaha, iyo roobabka waxaa la odhan jirey NEECAW ODOROSE. Qofka wax ka yaqaan noolaha sida dadka, dunqaarada, iyo dulinka waxaa la odhan jirey NOOLE ODOROSE. Qofka wax ka yaqaan xidigaha iyo deegaanka waxaa la odhan jirey XIDIGO ODOROSE. Qofka wax ka yaqaan xilliga, sannadaha, iyo goorta waxaa la odhan jirey DABSHID ODOROSE. Qofka wax ka yaqaan ama wax ka sheega dhulka, daaqsintiisa, sanada, geedaha, dhirta, iwm waxaa la odhan jirey TIGAAD ODOROSE ama Tigaad-dhagar.

Aqoonta odorosku waxa ay ahaan jirtey tan aynu sayniska u naqaan maanta. Waxyaalihii la odorosi jirey waxa ay la mid yihiin waxyaalaha saynisku maanta qabto ama ka shaqeeyo. Kolka la abla-ableeyo odoroska waxa uu noqonayaa saddex qaybood oo kala ah:

Odoros ab-ogaal ah: Odoroska ab-ogaalka ahi waxaa uu ku salaysan yahay waxyaalo loo soo joogey oo waaya-aragnimo ku salaysan in ay sidaas u dhacaan ama u soo noqnoqanayeen.

Odoros hilaadin ah: Odoroska hilaadinta ahi waxa uu ku salaysan yahay in ififaalo muuqda laga sheego ama laga sii warbixiyo sida ay wax u dhicidoonaan. Sidoo kale waxa uu odoroska hilaadintu noqon karaa in wax markaas soconaya ama dhacaya aad qiyaasto aayatiinkiisa ama sida ay arrimuhu ku dambayndoonaan. Tusaale ahaan in aad hilaadiso roob meel fog ka soo curtay in aad hilaadiso meesha uu hayo iyo jihada uu u socda.

Odoros faal ah: Odoroska faalku waa mid ku salaysan adeegsiga jinka iyo sixirka. Odoroska faalku waa mid halis badan oo inta badan dadka lagu dhibaateeyo.

Odoroska Ab-ogaalka ah

Odoroska ab-ogaalka ahi waxa uu ku salaysan in walaxdaas kolka la arko ay sidaas ahaan jirtey. Tusaale ahaan waxa ay Soomaalidu yaqaanaan wax la yidhaahdo minguuro ama sannadguuro sida minguuradii 6aad, minguuradii 12aad, minguuradii 30aad, minguuradii 80aad, iwm. Inta badan waxa ay Soomaalidu ab-ogaal ahaan sheegaan in abaaruhu soo noqnoqdaan lixdii sannaba hal mar ama toban iyo labadii sanaba hal mar. Qof baa odhonaya sannadka dambe waxaa innagu soo aaddan abaar xooggan waayo waa minguuradii 12aad ee abaartii hebla. Sababta qofku sidaas u leeyahay waa ab-ogaal waayo in badan baa loo soo joogey in ay sidaas u dhacday. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu ab-ogaal ahaan wax ka odorosi jirtey maalmaha caadiga.

Sabtida waxa ay odhan jireen haddii Bisha Dago kowsato cisho Sabti ah waxaa laga baqaa colaad. Axada waxa ay odhan jireen reerka digadiisa laga ma raro, aqalkana la ma qaawiyo oo la ma furfuro. Axada xoolaha ayaa neefka qooqan lagu siidaayaa. Sidoo kale waxa ay yidhaahdaan sannad cisho Axad ah kowsadey abaar ka baq. Isniinta waxa ay yidhaahdaan sannad cisho Isniin ah kowsadey waa sannad barwaaqo ah. Talaado waa maalin hawleed, isla kolkaana waxa ay yidhaahdaan waa cisho ila. Ila macnaheeda waa iskaashi sida ila rar, ila lis, ila ood, ila dhaami, ila sumad, ila jar, ila maal, ila tali, iwm. Talaado waxa ay odhan jireen in aan qofku reerkiisa ka socdaalin haddii uu ka maqan yahayna in uusan gurigiisa soo gelin ilaa cishada Talaadadu baxdo. Arrintaasi waxa ay salka ku haysaa maalintii Yahuudda xanuunka Tiihu ku dhacay. Talaadada waxa ay yidhaahdaan sannad cisho Talaado ah kowsadey waa sannad barwaaqo ah. Arbacada waxa la yidhaahdaa la ma guuro, la ma rogto, waayo waa maalintii reer Caad la rogey ee cadaabka ku soo degey. Haddii bisha Maalmadoone (Safar) ku dhammaato Arbaca waxa ay yidhaahdaan la ma guuro, qofka cishadaas dhashana waxa ay yidhaahdaan Arbacagooyaad buu qabaa. Sidoo kale waxa ay yidhaahdaan sannad cisho Arbaca ah kowsadey abaar ka baq. 

Khamiis waa maalin shir oo waxaa laga wada tashan jirey waxyaalihii todobaadka qabsoomey iyo wixii hawl hadda taagan. Cishada Khamiista waxaa la isugu yimaadaa meelaha madasha ah ee shirarka loo dhisay, isla kolkaana waxaa la iska waraystaa: Maxaa jira! Maxaa talo inoo taal! Maxaa todobaadka qabsoomay! Colaado maxaa jira! Sannadu xagay jirtaa! iyo dunida maxaa ka socda. Soomaalidu waxa ay odhan jireen bisha roobka la sugayo haddii ay Khamiis bilato waa shan Khamiisley, oo ay uga jeedaan in roobku curashada joojinayo shan Khamiisood oo soo socda. Arrintaas maahmaah baynu ka leenahay odhanaysa: "Roob Khamiis curtay Jimce kuguma simo." Sidoo kale waxa ay yidhaahdaan sannad cisho Khamiis ah kowsadey abaar ka baq. Jimcaha waxa ay Soomaalidu tidhaahdaa waa cisho fool adag oo culus. Haddii wax la dhibsado dhacaan waa laga naxaa; haddii wax lagu farxo dhacaana waa lagu farxaa. Tusaale ahaan haddii wiil u dhasho way ku farxi jireen, haddii roob curtana way ku farxi jireen. Jimcaha waxa ay Soomaalidu ka odorosi jireen waxyaalo badan oo ay ugu horreyso in Jimcuhu leeyahay "tar". Tar waxaa looga jeedaa in haddaad guurto geedigu kugu badanayo, haddaad dagaal gasho dagaalku kugu badanayo, haddaad guursato guurku kugu badanayo, haddaad haweenka furto furiinkaa kugu badanayo, haddaad wax caadaysato waxa aad caadaysatey ayaa kugu tarmaya. Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan naagta la meheriyo jimcaha ugu yaraan saddex jeer oo dambe baa meher ku dhacaa. Meherinta dambe waxa ay noqon kartaa raggii hore oo furay ama ka dhintay. Sidoo kale Jimcuhu waa cisho cibaado iyo nasasho. Reer guuraagu waxa ay odhan jireen subaga Jimcaha haanta laga lulo ama weysha Jimcaha waxaa lagu daraa xoolaha dhawrtada loo bixinayo ee qoysaska saboolka ah la siinayo. Jimcaha waxa ay gudaan wiilasha, isla kolkaana waxa ay suntadaan xoolaha. Sidoo kale waxa ay yidhaahdaan sannad cisho Jimce ah kowsadey abaar ka baq. 

Guurka haweenka wax badan baa laga odorosi jirey waayo ninka noole odorosaha ahi waxa uu wiilashiisa kula dardaarmi jirey in aannay guursan shan jaad oo haweenka ka mid ah. Shantaas jaad oo kala ah: fool kore madow, fanax hoosaley, faradaanyaleey, shan u yar, ayeeyo korisey, iyo naag dhego adag. Sababta sidaas loo leeyahay waxa weeye in ay jirto turxaan ab-ogaal ah oo la xidhiidha gabdhahaas. Sidoo kale waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa: "Weynaato la ma guursado, wadana la ma seexdo, wahdina la hadhsado." Mid kasta waxaa jira turxaan ab-ogaal ah oo la xidhiiha.

Inta badan waxaa la arkaa in dadka qaar turxaan u yeelaan odoroska ab-ogaalka ah, laakiin odoroska ab-ogaalka ahi wax turxaan ah ma leh ee keliya waxa uu inoo sheegayaa in sidaas la arki jirey oo ay ahaan jirtey. Mana aha arrin qofku ku kasbanayo in Allaah lagu gaaloobo. La arkee in qaar ka mid ah ab-ogaalka lagu gaaloobe, laakiin inta badan turxaan ma leh.

Odoroska Hilaadinta

Odoroska hilaadintu waa saad ku dhisan aqoon qofku bartay iyo waaya-aragnimo muddo dheer la kasbanayey. Odoroska hilaadintu waxa uu u sii kala baxaa labo qaybood oo kala ah: wax kolkaas loo jeedo oo la qiyaasayo iyo wax sida uu noqonayo aqoon iyo waaya-aragnimo xeeldheer lagu salaynayo. Tusaale ahaan haddii lagu yidhaahdo roob meel fog ka soo hillaacaya hilaadi goorta uu innagu soo beegan yahay iyo meesha uu hadda ku da'ayo. Warcelintaadu waxa ay ku xidhan tahay sida aad isugu geyso dhul aqoontaada, roob aqoontaada, aqoonta aad u leedahay xawaaraha dabaylaha, iwm. 

Geyiga Soomaaliyeed waxaa ku nool ama ku noolaan jirey dad badan oo odoroska hillaadinta wax ka yaqaan ama ka aqoon jirey. Haddii aynu soo qaadanao dhowr tusaale oo ku saabsan qaybta labaad ee odoroska hilaadinta ee Soomaalidu lahayd waxaa ka mida ah:

Nin Cali la odhan jirey baa la arkay isaga oo horsocda reerkiisa oo geedi ah oo kolka uu in yar socdaba geedaha dooga ah goosanaya oo calaalinaya. Sidii uu reerkii u horsocdey buu yidhi halkan ama jabadkan ku fura reerka. Raggii arkayey kolkii ay Cali waraysteen waxa uu u sheegay in uu naqa iyo dooga ka dhadhaminayey inta dheeftoodu le'eg tahay. Sidoo kale beri baa la weydiiyey maxaa aad tuulada bari iyo koonfurbari uga degtaa oo aad ku diidey in aad degto dhinacyada kale? Cali waxa uu ku soo warceliyey dhulka bari iyo Koonfurbari tuulada ka xiga waa dhul carro dhanaan oo macdanaha ku jiraa aad u badan tahay, sidaas awgeed xoolaha daaqaa dhulka bariga iyo koonfurbari ka muunad fiican, ka muuqaal fiican, ka hilib macaan, ka caano lisowsan, isla kolkaana ka shilis. Kol kale ayaa Cali loo sheegay in hebel, hebel, iyo hebel deegaan tuulo ka sameeyeen meeshii heblaayo. Cali waxa uu yidhi wallee nin halkaas aad sheegaysaan degay caano ka ma dhergo. 

Aqoonta Noole Odorosida waxa ay Soomaalidii hore ku ogaatey in ay jiraan todoba waxyaalood oo noolaha ka yimaadda. Todobadaasi waxa ay kala yihiin: dhareer, dheecaan, udo, dhidid, kaadi, shahwo, iyo dhiig. Sidoo kale waxa ay ogaadeen in todobadaas waxyaalood mid kasta leeyahay hal dhadhan oo ka mid ah todobada dhadhan ee jira: macaan, xareed, qadhaadh, wiyeer, dhanaan, mayac, iyo lisow. Dhareerku waa duufka (siin), candhuufta, xabka, candareerada, mataga, iwm. Dheecaanku waa mililka, malaxda, maasha, iwm. 

Aqoonta kale ee Soomaalidu taqaaney waxaa ka mid ah Culayga, Hogaynta, Dhaymaha nabarrada, iyo sida dhirta laysugu daaweeyo. Weelka la culay caanaha lagu dhigay ama lagu lisay iska ma qaban kartid kolkaad dhamayso, arrintaasi waxa ay caddaynaysaa in qofkii curiyey qaabka weelka loo culo ama hadhuubgaalka loo hogeeyo in uu aqoonta sayniska ee maanta wax ka yaqaaney. Culayga iyo hogayntu waxa ay qabtaan saddex shaqo oo kala ah: xoolayn oo ah in weelka lagu ilaaliyo isticmaalka, fayadhawr oo ah maydhid, iyo iyaga oo dilaya noolaha dulinka iyo cashiga ili-ma-aragtayga ah ee cudurada dhaliya.

Soomaalida ama reer miyiga waxaa ka reebanaa in hasha lagu liso meel Qorrax ah gaar ahaan xilliga kulaylaha. Sidoo kale kolka hasha la liso afarta naas mar lama wada dhiijiyo ama hiigo, laakiin si is weydaar ah baa marba labo la hiigaa ama dhiijiyaa. 

Geelu maalinta uu wabaxa yahay iyo galabteeda waxaa la arkaa in ay taftaafo xanuun la yidhaahdo "Udo" ama "Dawaco." Cudurkaas waxaa lagu gartaa in neefku muuqaal doorsoomo, daaqa joojiyo, raamsiga yareeyo, had iyo goor hamaansado, isla kolkaana afku bararo oo abur ka sii daayo. Ninka geeljiraha ahi waxa uu odorasayaa cudurka hasha haya. Kolkaas buu raadinayaa wixii lagu daaweyn lahaa. Soomaalidu waxa ay ku daaweyn jireen in neefka afka loo kala qaado oo dhabxanaga laga turqo ama dhiig yar laga siidaayo. 

Xoolaha waxaa ku dhaca cudur la yidhaahdo jeel. Jeelka macnahiisu waa kolka jidhka ay ka madhato qaybo macdanta uu u baahan yahay ah. Ninka geeljiraha ahi waxa uu odorosayaa cudurka geela haya. Kolkaas buu raadinayaa wixii lagu daaweyn lahaa. Jeelka waxaa xoolaha la siiyaa cusbo, carro oo ciid dhanaan ah, ama dhir dhanaan ah sida geedka daranta, Afruugta, gambayoodka, iyo haynka.

Kolka qofka bahal hoose qaniino waxaa la siin jirey subag laga shiilay badhi idaad, isla kolkaana waxaa lugta ama gacanta bahalku ka qaniiney la dhex xuluulin jirey neef idaha ah ee kolkaas la gawrcay calooshiisa iyada oo uuskii kulul yahay. Arrintaana waxaa la yidhaahdaa caloolgelin. Ujeedada ka dambaysa waxa ay tahay in uuska xoolaha ay ku jiraan geedo neefku daaqay oo waabeyda bahalka hoose daawo u ah oo ka adag.

Kolka laga tago meel iftiin badan oo la galo meel mugdi oo gudcur ah, waxaa la isku qabtaa indhaha si idhanka ishaadu ula qabsado mugdiga. Gabraaratadu waxa ay ugaadhsiga bilaabaan inta ugaadha ishoodu biyo leedahay oo ah qaboonada hore ee aan Qorraxdu si fiican u soo bixin waayo waxaa ugaadha xidhan idhanka ishooda oo aan weli aad u furmin.

Soomaalida dhexdooda waxaa ka reebanaan jirtey in la hadlo kolka cuntada la cunayo ama wax la cabbayo, waayo kala xidhaha laba hunguri baa furmaya, sidaas awgeed waxa uu hadalku sababi karaa in aad cuntada ku saxato oo cuntadu ku roorto dhuunta hawada.

Soomaalidii hore waxa ay ahaayeen xoolayahanno, weliba waxay si gaar ah u ahaayeen fardo dhaadhiyiin (khubaro). Nin indho la' baa labo faras oo Baroor jilbo madow ah laga xaday. Kolkaas buu wiilkiisii yaraa ku yidhi aabbow soo baadigoob cidda fardaheenii kaxaysatay. Wiilkii waxa uu soo ogaaday in reero meel aad u dheer deggan fardihii haystaan. Odaygii waxa uu wiilkiisii ku yidhi ina bixi oo cidaha waxa aad innagu beegtaa saqdhexe. Kolkii cidihii la dul yimid buu ku yidhi u dhac xerada fardaha oo waxa aad soo saartaa labadeenii faras. Wiilkii waxa uu aabbihiis ku yidhi aabbe jaadad badan baa ku jiree maxaa aan ku dirsoocaa kuweena. Odaygii waxa uu ku yidhi: Baroorku had iyo goor fardaha waa ka soocan yahay, miscilisha ayuu fooda saaraa, xaga bannaankana waa u jeedaa. Wiilkii mooradii buu soo galay oo la soo baxay labadii faras. Kolkay cidihii xoogaa ka socdeen baa odaygii yidhi daaji fardaha jeex dixi leh, kolkii ay jeexii muddo miranayeen buu haddana ku yidhi daaji jeex kale oo dureemo leh. Wiilkii yaraa waa yaaban yahay isaga oo leh waa la idin qabanayaa. 

Kolkii oogtu is taagey buu ku yidhi ina dhaqaaji, mise kolkii Libdhadu big soo tidhi waxa ay arkeen niman fardooley ah oo dabo fananaya oo soo muuqda. Wiilkii waxa uu aabbihiis u sheegay in lagu soo dhow yahay. Odaygii waxa uu wiilkiisii ku yidhi haddii colku wataan nooca fardaha ee la yidhaahdo qaaje cadceeda fooda u saar waa uu cawarmaaye, ka dibna waa uu innaga hadhi. Haddii colku wataan jaadka fardaha ee la yidhaahdo xamar dhulka kobaha iyo balliyada leh fooda u saar waa uu turunturo badan yahaye, ka dibna waa uu innaga hadhi. Haddii colku wataan jaadka fardaha ee la yidhaahdo caynab dhulka dhagaxa leh fooda u saar waa uu cagaag badan yahaye, ka dibna waa uu innaga hadhi. Haddii colku wataan jaadka fardaha ee la yidhaahdo ashkir dhulka dhirta badan leh fooda u saar waa uu hirig neceb yahaye, ka dibna waa uu innaga hadhi. Haddii colku wataan jaadka fardaha ee la yidhaahdo bulaale dhulka togaga leh fooda u saar waa uu didmo badan yahaye, ka dibna waa uu innaga hadhi. Haddii colku wataan jaadka fardaha ee la yidhaahdo Baroor jeedalka ku dhufo oo ina dhaqaaji, waayo faras baroor ahi waa uu u dhigmaa mid kale oo baroor ah, laakiin waxaa ku leh ninkii dixi daajiyey oo dureemo ugu luqluqay. 

Colkii odayga iyo wiilkiisa eryanayey waxa ay qudhoodu ahaayeen fardo dhaadhiyiin sidaas awgeed waxa ay kol kasta u bedelayeen jaadka fardaha ee ay adeegsanayaan si ay u xiijiyaan odayga iyo wiilkiisa. Wiilkii yaraa waxa uu nimankii ula dhaqmay sidii odaygu u sheegay kolkaas buu kuligood reebey. Kolkii ugu dambaysey waxa ay soo fuuleen baroor jilbo madow, laakiin gaadhiwaaye oo waa uu ka guryo galay. U fiirso waa tusaale cad oo ku tusinaya in aqoontu meel adag kaa saari karto. Dadkii hore ee Soomaalidu waxa ay ahaayeen fardo dhaadhiyiin aqoontoodu aad u sarreyso. Odaygu waxa uu koobay faras kasta turxaantiisa iyo meesha uu u liito isaga oo ku salaynaya waaya-aragnimadiisa iyo aqoontiisa ayuu mid kasta odorosay meesha xaalkiisu ku dambayndoono. 

Soomaalidu waxa ay fardaha ka odorosi jireen in tobankii sanno ee kasta ay u soo baxdo dhogor cusub, kolka boqol sanno u buuxsanto waxaa u soo baxda dhogortii uu ku dhashay ee yixda ahayd. Wax kasta timaha ay ku dhashaan waxaa la yidhaahdaa yix.

Siyaalaha yaabka leh ee ku tusinaya sida ay Soomaalidii hore u taqaaney aqoonta sayniska waxaa ka mid ah in ay adeegsiga sonkorta aad u xadidi jireen waayo waxa ay rumaysnaayeen in ay jidhka dhisan burburiso oo qofku noqdo balaqbalaq iyo in ay soo jiiddo cudurro badan oo qofka taftaafa. Gaar ahaan waxaa sonkorta aad iyo aad looga ilaalin jirey haweenka si aan quruxdoodu u lumin oo jidhkoodu u debcin. 

Bal u fiirso adigaaba yaabiye siyaalaha ay Soomaalidii hore nolosha u fahansanaayeen. Dhaqankii hore ee Soomaalida waxaa laga helayaa in ay odhan jireen qofku inta uu nool yahay waxa uu maraa toban heer oo kala ah:

Tobanka tafta hooyadii

Tobanka habowga

Tobanka hurdada

Tobanka orodka

Tobanka culayska

Tobanka hadalka

Tobanka lexejeclada

Tobanka minweynta

Tobanka habaarka

Tobanka buulka ama booraanta

Tobanka ugu horreysa noloshiisa waxa uu ku jiraa oo ku nool yahay tafta hooyadii oo aragtidiisa iyo jamashooyinkiisu waa ay kooban yihiin. Tobanka 2aad ee noloshiisa waa tobanka habowga. Soomaalidu waxa ay odhan jireen haddii tobankaas noloshiisu u hagaagto oo waxbarato oo xirfaddo yeesho oo uu nolosha fahmo oo uu habow ka badbaado waa ay toostaa noloshiisa inta ka hadhsan oo dhan. Haddii ay habowdana waxaa kharaaba noloshiisa inta ka hadhsan oo dhan. Tobanka 3aad waa tobanka hurdada oo ah marka qofka dhallinyarada ahi ugu hurdo badan yahay oo hurdada ayaa wedkiis ah isla markaana ka reebta wax kasta oo horumar ah. Tobanka 4aad waa tobanka orodka ee hambaberka iyo haabhaabshada nolosha oo uu qofku dareemo dibudhaca noloshiisu samaysay, isla markaana uu bilaabo orod si uu u haabhaabto waxyaalihii noloshiisa hore uga gedmadey. Tobanka 5aad waa tobanka culayska ee uu si rasmi ah u dareemo masuuliyadda carruurtiisa, xaaskiisa, hantidii uu abuuray, iyo waajibaadka bulsho ee saaran. Tobanka 6aad waa tobanka hadalka oo dood iyo dabuubtoona lagaga ma adkaado waayo waxa Soomaalidu tidhaahdaa, "50 jir hadal lala ma wadaago." Tobanka 7aad waa tobanka lexejeclada oo ay taabatay da'dii gabowgu, isla markaana uu aad ugu dhegan yahay wax kasta oo hanti ah oo uu hore u tabcaday. Tobanka 8aad waa tobanka minweynta oo ah xilliga ay si rasmi ah uga adkaato waayo waxaa waxtar u noqda carruurtii ay dhashay oo ka waaweyn kuwa minyarada. Xilligan waxaa isku soo beegma isaga oo itaal dareeyey oo ay miciin iyo waxtar u noqdeen carruurtii minweyntu dhashay sidaas awgeed ka ma hor imaan karo arrimaheeda. Toban 9aad waa tobanka habaarka. Marka uu arko tacabkiisii oo aan carruurtiisu u daryeelayn sidii uu u koolkoolin jirey isla markaana aannu wax tamar ah hayn waa uu habaartamaa isaga oo leh waar sidaas ka daaya. Tobanka 10aad waa tobanka buulka ama booraanta oo uu gaboobey isaga oo lagu hayo meel buul gudihiis ah iyo rabrab uu saaran yahay oo keliya sugaya geeri iyo booraan lagu aaso. Qormadani waxa ay muujinaysaa sida ay Soomaalidii hore nolosha u fahansanaayeen iyo xeeldheerida aqoontooda marka loo barbardhigo dadka Soomaalida ah ee maanta nool.

Nin aqoonta falagga aad u yaqaaney baa arkay wiilkiisii oo wankii xamilka ka furaya goor arroor ah markaas buu ku yidhi, maanta gelinka hore ha ka furin wanka xamilkiisa, haseyeeshee waxa aad ka furtaa maanta gelinka dambe oo galabta ah. Wiilkiisii waxa uu aabbihii weydiiyey maxaa uu yahay farqiga u dhexeeya maanta gelinka hore iyo gelinka dambe. Odaygii waxa uu ku soo warceliyey, laxda aad gelinka hore ku siidayso wanka waxa ay dhalaysaa xilliga roobka ka hor. Roobkuna waxa uu di'idoonaa iyada oo mandheerta jiidanaysa, laakiin laxda aad gelinka dambe ku siidayso wanka waxa ay dhalaysaa galabta roobku di'idoono iyo dhulka oo rays leh.  

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: "dadkii aan tadcaarsan ma tashadaan, dadka aan tashana ma tarmaan, dadka aan tarmina ma taliyaan!" Murtida waxa ay milgadeedu noqonaysaa waxaa bulshada u talin kara dadka tadcaarsada oo keliya ee Allaahku xidhan. Tadcaarsigu waa Allaah duraamasho la sameeyo dhowr jeer sannadkii. Tusbaxa Allaah loogu dikriyo ee lagu xuso iyo tadcaarsigu waxa ay bulshada u hayaan wax weyn. Qoyska uu ku jiro qof amaba ka badan oo Allaah xuskiisa carrabkooda ka qoyan yahay  kheyr iyo barako ka ma dhammaato cidhibtooda.

Nin la odhan jirey Ina Cali Aw Qablax oo ay wadeey ahaayeen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan baa qaar ka mid ah haweenka Sayidka war uga sheegeen uu ku xujoobi karo oo ganaax ama dil ku mutaysan karo. Sayidku waxa uu Ina Cali Aw Qablax ku yidhi, "Ina Cali Aw Qablaxoow waad xujowdey." Hadalkaas dalabta leh ee Sayidku yidhi waxa uu Ina Cali Aw Qablax fahmey in ay haweenka Sayidku faafiyeen. Ina Cali Aw Qablax waxa uu Sayidkii ku yidhi, "Sayidii! Walaahay walaalo is nacay waa ay xabaalo badiyaan oo xoolo yareeyaan, bilaahi meel aan biyo ool baraka ma taal, tollaahi timadheer naagood arrin ay ka talisay tafantoof ma weydo." Talada Soomaalidu tafantoof badanaa waayo waxaa haysata hoggaan xumo. Halkaas waxa ay ka fahmaynaa in murtida iyo dhaqanka Soomaalidu solan yahay Diinta Islaamka oo afkeenu ka mid yahay afafka waaweyn ee Islaamka.

Kolka laga hadlayo kobcinta ilaha dhaqaalaha ee qofka, qoyska iyo bulshada waxa ay dhaqaalayahanadii hore ee reer miyiga Soomaalidu odhan jireen, "qorshe, shaqo, iyo kaydsi waxa ay laga ma maarmaan u yihiin nolosha qofka, qoyska, iyo bulshada." Sidoo kale waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa, "Ragga waxaa u liita ma tashade, ma toshe, iyo, ma tashiishe." Ma tashade waa wax ma qorshayste, ma toshena waa ma shaqayste, iyo ma tashiishana waa wax ma kaydsade. Aragtidaas ay qabeen dhammaan Soomaalidii hore ee reer miyiga ahayd waxaa la qaba dhammaan bulshooyinka ku nool daafaha adduunka. Soomaalida hadda joogta maxaa ay arrimahaas ka og yihiin.

Nin dhaqanyaqaan ah baa la weydiiyey qurux haween ka warran. Ninkii dhaqanyaqaan ahaa waxa uu yidhi murtida soo socota: Qurux haween haddii aad i weydiiseen waa saddex ha u caddaato: Midibka, indhaha, iyo ilkaha! Saddexna ha u madoobaato: Timaha, indhaha wilkooda, iyo cirridka! Saddexna ha u yaryaraato: dhexda, naasaha, iyo cidhbaha! Saddexna ha u dheeraato: lafta, sanka, iyo timaha! Arrinta la yaabka leh waxa ay tahay in bulshooyinka innaga horumarsan intaas quruxda u yaqaanaan. Dhaqankii hore ee bulshadii reer miyiga ahayd waxa uu solansan yahay aqoonbaadhista ay sameeyeen bulshooyinka horumarsan.

Nin Soomaali ah oo reer miyi ah baan la kulmay. Durbadiiba waxa aan dareemay in uu wax ka yaqaan aqoonta dhirta, carrada, iyo falagga. Kolkaas baan weydiiyey sidee roobka u saadaalisaan? Ninkaasi waxa uu igu yidhi, roobka waxa aannu ka odorosnaa dhirta, maluugaha, meecaadda, meerayaasha, moorada, minguurada, iyo maalinta. Weydiin baan ku soo celiyey oo ku idhi, sidee dhirta wax uga saadisaa? Ninkii waxa uu igu yidhi, saadda dhulka ayaa ka horreysa saadda cirka. Saadda dhulku waa in dhirta geed quwaaxa ahi ugu horreyn ruqur bixisaa. Sidoo kale waa in dhirta geed qodxeedka ahi man bixiyaaan xilliyo kaladuwan. Haddii ay manka u bixiyaan geedgeed waa garabsagaar oo cirku waa dhiciyaa. Roobkuna waxa uu noqdaa teelteel. Geedgeed waxaa looga jeedaa in geedka qudhaca ahi mar gooni ah bixiyo manka, isla markaana bilcilku bixiyo manka mar kale oo gooni ah, iwm. Haddii ay manka iyo magoolka mar wada bixiyaan meeshii godan waa laga baxaa oo waa buqbuqood. Guga barwaaqadiisu waxa ay noqotaa mid hore. Haddii ay manka  bixiyaan labo jeer waa xilli dherer oo wadaamahaa ayaa la adkaystaa.

Sidoo kale waxaa dayrta si gaar ah looga saadiyaa manka geedka bilcilka ah. Haddii aad man bicil aragto xilli dayr la sugayo roob dhakhso u filo. Guga waxa si gaar ah looga saadiyaa manka qudhaca. Haddii uu geedka qudhaca ahi manka bixiyo xilli hore oo diraac ah, isla markaana uu muddo ka dib bixiyo magoolka waa diraac dheer oo wadaamahaa la adkaystaa. Magoolku waa caleenta dhirtu bixiso xilliga jiilaalka ah iyada oo aan wax roob ah helin. 

Ilbaxnimadii hore Reer Bunti waxa ay ahaayeen dadkii carro-edeg baray adeegsiga birta, dheefteeda, iyo jaadadkeeda waxa ay muddo fog kaseen in birtu ka dulin xambaar badan tahay dhirta. Sidaas awgeed iyaga oo dagaal kul jira dulinka ilima-aragtayga ah waxa uu weelkoodu u badnaa mid laga sameeyey dhir sida xeedho, fandhaal, hadhuubo, haamo qabo ah, iyo weel badan oo dhir laga sameeyey. 

Ilbaxnimadii Buuntiyiinta waxa ay muddo fog kastay aqoonta iyo farsamada hiddaha (genetic engineering) iyo sida xoolaha loogu xulo ama loogu tallaalo awrkii, dibigii, wankii, faraskii, ama orgigii firka wacnaa ee doorinlahaa neefka firkiisa. Arrintaas waxaa u marag ah heesta geela ee odhanaysa: Awr tallaal dhalay - nin tigaad mood - oo ku tamar beel. Heestaas oo macnaheedu yahay nin baa waxa uu arkayaa awr qoodh badan oo tallaal lagu abuuray kolkaas buu is odhanayaa ninka awrkaas leh waxa uu xoolihiisa daajiyey dhul tigaad leh ee adiguna xoolahaaga daaji dhul tigaad leh si aad awrkaas oo kale u hesho. 

Ilbaxnimadii Buuntiyiinta waxa ay muddo fog kaseen dheefta ku jirta oonta xoolaha iyo adeegsigeeda. Buuntiyiintu waxa ay barteen sida xooluhu u kala dheef badan yihiin, tusaale ahaan, geela iyo idaha way ka jeclaayeen xoolaha intooda kale iyaga oo ogaa in ay aad u dheef badan yihiin oo cudurro badan oontoodu daawo ka tahay. Imminkaa adduunku fahmay dheefta caanaha geela, hilibkiisa, iyo idaha. Dadkii adduunka oo dhan hadda waxa ay doonayaan in ay ido iyo geel dhaqdaan. Waxyaalaha la ogaadey waxaa ka mid ah in caanaha geela oo keliya boqolaal cudur daawo ka yihiin. Ilbaxnimadii hore ee Buuntiyiintu waxa ay caan ku ahayd siyaalaha kaladuwan ee weelka wax lagu cuno ama cabbo dulinka ilima-aragtayga ah looga celiyo ama looga ilaaliyo sida culayga, catiraynta, hogaynta, iwm. 

Meesiyada xoolaha ee aynu dhaqano waxa ay Soomaalidii hore tijaabisey mid kasta dheefta saxda ee laga helo. Oonta geela sida caanihiisa, hilibkiisa, baruurtiisa, iyo subagiisa waxa ay waxtar weyn iyo dheef u leeyihiin lafaha oo ay adkeeyaan, ilkaha oo ay adkeeyaan, muruqyada oo ay dhisaan, seedaha oo ay adkeeyaan, iyo carjawaha oo koriyaan. Oonta lo'da sida caanaheeda, hilibkeeda, baruurteeda, iyo subageeda waxa ay waxtar weyn iyo dheef u leeyihiin dhammaan meelaha hawo mareenka ee saableyda ama qaaxada sida dhuumaha hawada, sanbabada, hunguriga hawada, iwm. Oonta idaha sida caanahooda, hilibkooda, baruurtooda, iyo subagooda waxa ay waxtar weyn iyo dheef u leeyihiin ubucda iyo dhammaan meel kasta oo uurkujir ah sida caloosha, mindhicirka, xiidanka, kelyaha, beerka, wadnaha, xididada dhiigga, iwm. Oonta riyaha sida caanahooda, hilibkooda, baruurtooda, iyo subagoodu waxa ay waxtar weyn iyo dheef u leeyihiin maskaxda, xangulaha, iyo dareen wadayaasha ee dhanka aragga, maqalka, taabashada, urta, iyo dhadhanka.

Halkan waxa aynu ku sharraxaynaa erayga qarax. Erayga qarax waxa ay Soomaalidii hore u taqaaney dhowr macnayow oo kala ah: Cuntada aan dhosogga ama iidaanka lahayn waxaa la yidhaahdaa qarax waayo dhosog la'aantu waxa ay qarxisaa caloosha. Sidoo kale waxaa gubashada baaruudda la yidhaahdaa qarax sida rasaasta, jibinta, iwm. Cuntada waxaa qaraxa lagaga ilaaliyaa subagga xoolaha ka yimaada sida: sixinta, badhida, xuukada, heenka, duxda dhuuxa, iwm. Halkaas waxa aynu ka fahmaynaa in cuntada la cuno iyada oo aan la iidaamin in ay qarax ku samaynayso caloosha oo ay ka dhalanayaan laabjeex, calool olol, bog xanuun, gaasteric, iwm. Halkaas waxa kale oo aynu fahmaynaa haddii aan cuntada lagu iidaamin dux xoolaad in ay ka dhalanayaan cudurro badan oo taftaafa caloosha iyo ubucda. Sidoo kale waxa ay duxdu ka mid tahay nafaqooyinka laga helo cuntada. Dadka dhallinyarada ee maanta nool waxa aad arkaysaa qaar badan oo ku odhanaya baruurta ma cuno, sixinta waa nebcahay, subagga idaha waa ku jirradaa, iwm. Taasi waa sababta ay maanta dad badan uga cabanayaan cudurrada laabjeex, calool olol, bog xanuun, gaasteric, iwm waayo waxaa calooshooda ka maqan duxdii debcin lahayd. Calooshoodu waxa ay ka dhigan tahay gaadhi la dhaqaajiyey iyada oo aan injiinkiisa saliid ah lagu shubin.

Soomaalidii hore waxa ay ahaayeen dad si heersare ah u yaqaaney dadkooda, deegaankooda, cimiladooda, iyo xidigahooda. Dhanka dad aqoonta waxa ay odhan jireen qof barashadiisa waxa aad ka bogan kartaa haddii aad jid la marto oo aad wada socdaashaan, jabad la degto oo deris noqotaan, ama jidiin idin dhexmaro oo xoolo wadaagtaan. Qof kasta habdhaqankiisa qarsoon waxa uu soo baxaa marka saddexdaas arrimood lala kulmo. Haddii aan saddexdaa arrimood lala kulmin waxa ay Soomaalidii hore odhan jirtey, "dad qofkii dhalay baa dhixirkii yaqaan." Erayga dhixir waa habdhaqan. Sidoo kale marka la is weydiiyo dad yaa yaqaan waxa ay odhan jireen, "dad qof u taliyey iyo qof tuugay baa yaqaan." Oday dad yaqaan ah baa wiilkiisii u sheegay in uu dhakhso u aqalgelayo oo aroosanayo. Markaas baa odaygii ku yidhi, maandhow xadhig sii diyaarso oo gabadha aad la aqalgelayso dhaadka hoose ee lugta kaga xidh, ka dibna waxa aad ku xidhaa udubdhexaadka. Haddii ay diido oo ku tidhaahdo ma garayo waxa aad u jeeddo iska fur oo ha sii haysan oo u dir reerkoodii, laakiin haddii ay yeesho weligaa ha sii dayn gabadhaas waa tii nolosha si wacan kuula qaybsan lahayde. Maxaa ay tahay murtida laga faa'iidayo ee sheekada ku jirtaa? Maadaama odaygu dad yaqaan yahay waxa uu u jeedaa kala baro in ay gabadh dhega-adag tahay iyo in ay gabadh dheganugul tahay. Murtida Soomaalida ayaa ku dareertay in aan gabadh dhega-adag la hayn karin.

Soomaalida waxa aynu ka helaynaa murti badan oo ku saabsan talada iyo helisteeda. Nin kasta oo la warsadayna qiimayn gaar ah buu bixiyey. Nin baa la weydiiyey talaxumadu maxay tahay? Ninkii waxa uu yidhi, "Haddaan oday talada loo dayn, haddaan shuush ninkii leh lagu tirin, adduun wax lumay ka soo qaad." Sidoo kale talo xumadu waa kufid. Kufiduna waa saddex jaad oo kala ah: "Kurtin fayga lala helo, labo kub oo mid laga jabo, iyo guur kaa xumaaday kufidu tahay." 

Nin kale oo Soomaaliyeed baa la weydii, hebelow beer ka warran? Ninkii beeradhaadhiga ahaa waxa uu yidhi, "Beer waa jiifka ha kuugu muuqato, haddii la waayo waa fadhiga ha kuugu muuqato, haddii la waayo joogga ha kuugu muuqato, haddii intaba la waayo beertaa ma aha!" Beerta ma aha waxaa looga jeedaa adigu ma lihid ee waa beer baylah ah.

Odoroska hilaadintu waa kan aynu maanta u adeegsano aqoonta sayniska, heemaalada xisaabta (mathematical models), heemaalada tirokoobka (statistical models), iwm si aynu aqoonbaadhis u samayno.

Odoroska Faalka

Muuse waxa uu ahaa ragga taladhaadhiga ah ee kolka arrimuhu adkaadaan furdaamintooda la warsan jirey isaga oo ku soo dhex barbaaray bulsho wada halyey ah. Isagu waxa uu ahaa halyey iyo wiil horaad. Xilligiisii waxa uu ahaa hantiilayaasha xoolaha lagu fanahsiiyey ee tarandacay. Muuse waxa uu caan ku ahaa nin sida colaad loo abaabulo ku xeeldheer, isla kolkaana waxa uu ahaa nin nabad ka arrimiya. Isagu waxa uu ahaa murtiyoole ay maansooyinka iyo hadallada sarbeebaysan afkiisa ka hoorayaan. Muuse waxa uu ahaa nin hanti badan ku leh saddexda meesi ee Soomaalidu dhaqato sida ishinka (geel iyo lo'), gammaanka (fardo iyo dameero), iyo adhiga (ido iyo riyo) . Xogta laga hayo waxa ay soo tebinaysaa in xoolaha Muuse ay ka shaqaynayeen dad gaadhaya 350 qof oo ciidan ah. Sidoo kale waxa uu lahaa taliyayaal badan oo wax la maamula. Shaqaalihiisa iyo maamulayaashiisu isma aqoon, laakiin waxa ay isku garan jireen kolka Muuse la sheego. Waagii hore waxaa erayga shaqaale loo isticmaali jirey erayga ciidan. Muuse shaqaalihiisu waxa ay isku garan jireen Muusaan ciidan u ahay. Iyada oo xaaladu sidaas tahay waxaa Muuse soo foodsaartay colaad weyn oo geel badan laga dhacay. Ragga dhacay geela Muuse waxaa abbaanduule ka ahaa nin la odhan jirey Madaxgeelle. Madaxgeelle waxa uu kale oo ahaa beeldaajiyaha cidaha geela dhacay. Isagu waxa uu geelii la tagey deex oo ah dhulka u sii jeeda Badda Hindiya. Muuse oo keligiis ah baa ka dabatagey raggii geeliisa qaaday oo ugu tagey meel la yidhaahdo Noobir. Noobir waa kur yar oo uu deggan yahay beeldaajiyaha ninka geela soo dhacay oo uusan ka guurin. Muuse waxa uu saddex bilood oo is dabo joog ah ergo u dirsanayey beeldaajiyihii ninka geeliisa dhacay, laakiin waa uu diidey in uu la kulmo. Ugu dambayn Kolkii saddex bilood dhammaatay buu yeelay in uu la kulmo. Ayaan darro kulankii waxa uu ku dhammaaday diidmo iyo geel kuuma hayo. Saddexda bilood ee Muuse ergada ahaa waxa uu fadhiisan jirey dhagax salax ah oo Kurta Noobir dusheeda ku yaal, labada cidhbood buu salaxa saari jirey, qoodhahana waa uu qaawin jirey, maalintii oo dhanna bacadkaas buu fadhiyi jirey. Muuse intuu ergada ahaa waxaa meesha ku haysey habar sirqo ah oo dadka Madaxgeelle adoonsan jirey ah oo gabowdey. Habartu waxa ay ku dayacnayd buul yar oo reerka duleedkiisa ah oo kolba wax loogu geyn jirey. Habartu habeenkii bay waxyaalaha loo keeno Muuse wax uga geyn jirtey. Habarta iyo Muuse waxa ay ku heshiiyeen "i ogow waan ku ogaanayaaye" oo macnaheedu yahay haddii geelaygii la i siiyo wax baan ku siinayaa ee adiguna i ogow oo kol kasta dhagarta la ila maagan yahay ila soo socodsii.

Kolkii saddex bilood dhammaatay ee kulankii lagu kala kacay baa gabadh guumays ah oo Madaxgeelle dhalay adoogeed ku tidhi aabbow ninka ergada ah geeliisa sii ama dil. Madaxgeelle waxa uu gabadhii ku yidhi maxaad aragtay oo taladan ku keentay. Gabadhii waxa ay tidhi dhowr arrimood oo aan ninkaas ku arkay dartood siiya geeliisa ama dila. Ugu horreyn maalintii oo dhan dhagax buu ku fadhiyaa oo waxa uu sheeganaa in uu fardo fuulka adkaysi u leeyahay oo in badan koore ku fadhiyi karo. Kolka labaad waxa uu sheeganayaa in uu kurtun Qorraxda uga adkaysi badan yahay. Kolka saddexaad qoodho qaawintu waxa ay tusinaysaa in uu ragganimo badan yahay isla kolkaana tol u hiilinaya leeyahay. Madaxgeelle waxa uu go'aamiyey in caawa la dilo. Habartii u soo warami jirtey Muuse baa soo gurguuratey oo u sheegtay in caawa la qorsheeyey dilkaaga oo lagugu soo maqan yahay. Muuse waa uu ka baxay meeshii lagu yiqiiney oo waxa uu galay guriga Beeldaajiyaha duleedkiisa meel aan laga filayn. Cawadaas waa uu badbaadey Muuse oo tiisii Allaah ka ma dhigin. Arroortii iyada oo la bariisanayo buu u yimid Madaxgeelle oo nabdaadiyey. Nabdaadin ka dib waxa uu warsaday oo weydiiyey saaka maxaa inoo ballan ah. Madaxgeelle waxa uu ku yidhi waxaa inoo ballan ah oo aynu isku og nahay reerkaygu waxa uu labada dhinac ka degaa geedkaas xamudhka ah ee labada dugsi leh iyo kurtaas Noobir. Sidaas awgeed waxa aynu isku og nahay kurtaas Noobir iyo geedkaas xamudhka ah ee labada dugsi leh. Sidaas bay Muuse iyo Madaxgeelle ku kala tageen. 

Muuse waa uu ka tagey Madaxgeelle iyo dhulkii uu degganaa. Muuse waxa uu fooda saaray dhulkii uu ka yimid. Kolkuu soo laabtay waxaa loo qabtay shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen nin karmeed, waxgarad, indheergarad, odayaal, iyo cid kasta oo lagu tuhmayey raganimo iyo iloodinimo. Kolkii talooyinkii la rogrogey waxaa Muuse lagu yidhi geelaagii ka sabir colaadana innaga dhaaf, isla kolkaana waxa aannu garanay in aad geelasha tolka mid kasta dhex tagto oo adigu ka togato hal la yidhaahdo cubtan oo aad adigu ka cubanaysid geel kasta. Muuse waxa uu ku warceliyey geelaygu ma hargaa? Taas oo uu uga jeeday aniga sidii hargo oo kale geel la ii ururinmaayo. Ka dib waxaa lagu yidhi haddaba adigu tali haddaad taladayadii diidey.  Muuse waxa uu yidhi geelaygu miyaanu dal yaqoon lahayn? Nin fadhiyey meesha baa yidhi waa aniga oo magaciisa la odhan jirey Dabcasar. Kol kale waxa uu yidhi geelaygu miyaanu lahayn aw? Nin fadhiyey meesha baa yidhi waa aniga oo magaciisa la odhan jirey Fiqi Samatar. Kol saddexaadkiina waxa uu yidhi geelaygu miyaanu talaxume lahayn? Taas isagaa isaga celiyey oo waxa uu yidhi talaxumuhu waa aniga.

Tolkii shirka fadhiyey waxa ay Muuse weydiiyeen haddaad colaad ina gelisey bal waxa aad ka warantaa meesha aad tagtay gaadiidka fardaha ee aynu haysanaa ma innaga soo celiyaa? Muuse waxa uu ku soo warceliyey way ina geynayaan, laakiin innaga ma soo celiyaan. Nin fardadhaadhi ah oo goobta fadhiyey baa yidhi tan oo kale waxaa ina geeya oo innaga soo celiya sange qoodhogooyo ah iyo geenyo qodban. Sidaas awgeed waa in fadhi kasta oo fardo ah laga soo soocaa inta sange qoodhogooyo ah iyo geenyo qodban ku jirta. Go'aankaas iyo taladaas colaadeed baa la qaatay. 

Kolkii go'aankaas la guddoonsadey waxa uu Fiqi Samatar ciidankii baxayey amray in nin kasta ciid dhulka ka qaato oo koorihiisa bartuu fadhiyo ku gunto oo badhida saaro. Fiqi Samatar oo adeegsanaya awoodda faalka iyo idhosarcaadka waxa uu dharaartii u ekaysiiyey habeen, hadh, iyo hoosiis. Ciidankiina waa dhaqaajiyey oo kolkuu meel marayaba waxaa hojiya dalyaqaankii Dabcasar kolkaasuu ciida qaadaa oo yidhaahdaa meesha aynu maraynaa waa meel hebla. Wax la sii socda oo deex iyo bad loo sii jeedo, waxaa kaabiga loo yimid baddii coonkeeda iyo duqii Madaxgeelle rabadintiisii. Durbadiiba waxa uu hoggaankii ciidanku dirsaday dooyo isla kolkaana waxaa la deberey qaabkii loo dagaal geli lahaa berrito.

Isla habeenka ciidamadu duljoogaan Madaxgeelle waxaa shiray guurtidii beesha Madaxgeelle. Guurtidu waxa ay is weydiiyeen caawa Muuse Faarah iyo raggiisii ma ka baqnaa oo ma laga yaabaa in Muuse ciidan soo humo? Nin guurtidii ka mid ah baa ka warceliyey weydiintaas oo yidhi saddex arrimood oo kala ah: Falkii Fiqi Samatar, dal aqoontii Dabcasar, iyo talaxumadii Muuse Hayl dartood waa laga baqaa Muuse iyo raggiisii. Nin faaliye ah oo guurtida ku jirey baa faal dhigay. Faaliyihii waxa uu yidhi caawa waan yaabanahay waayo nimankii ciidoodiina way joogaan cunsurkoodiina waa ina hayaa. Sidaas iyo saadaal cabsi leh baa habeenkaas lagu kala seexday.

Muuse, Madaxgeelle, iyo raggoodu waxa ay adeegsanayaan waa faal wax lagaga ogaanayo ayaaha dambe. Faalku waxa uu ku salaysan yahay adeegsiga jinka iyo sixirka. Sidaas awgeed faalku ma bannaana oo waa walax aad samaynteeda Allaah kaga fogaanayso oo cidhibteedu xun tahay.

Aqoonta sayniska ee Soomaalidii hore waxa ay ahayd mid xeeldheer oo ku tusinaysa fil weynida bulshada Soomaaliyeed. In kasta oo aannu casharku wada daahfurin wax badan oo aqoontii hore ee Soomaalida ka mid ah, haddana waxa uu ardayga dareensiinayaa in bulshadu soo shaqaysatay oo dhidibo aqooneed ku soconaysey, isla kolkaana loo baahan yahay in kuwa dambe sii horumariyaan dhaxalkooda bulsho.

Qore - Ustaad Cabdisalaam Maxamed Xuseen