+252 90 4048010

biography

WAAYIHII MADAXWEYNIHII 3AAD EE MAXAMED SIYAAD BARRE

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 20, 2025


Maxamed Siyaaad Barre waxa uu ahaa madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya xukunka waxa uu qabsaday 21kii Oktoobar 1969kii, isla markaana waxa uu talinayey ilaa 26dii Janaayo 1991. Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxa uu ku dhashay magaalada Shilaabo ee Dawlad Deegaanka Soomaalida kolkii ay tagtadu ahayd 6dii bishii Oktoobar ee 1919kii. Maxamed Siyaad Barre waxa uu ku dhintey Magaalada Laagos ee Dalka Nayjeeriya 2dii Bishii Janaayo ee sannadkii 1995tii isaga oo ah 75 sanno jir.

Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka dhashay qoys muslim ah oo sunni ah. Madaxweynihii 3aad ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaan jirey wiil yar oo reer miyi ah. Maxamed Siyaad Barre hooyadiis waxaa la odhan jirey Shaqlan Warfaa. Shaqlan waxa ay geeriyootay Maxamed oo sideed jir ah, aabbihiisna waxa uu geeriyooday isaga oo 10 jir ah. Maxamed Siyaad Barre waxaa soo koriyey adeerkiis Xirsi Barre iyo ayeeydiis Sacdiyo. Xirsi waxa uu ahaa curudkii Barre oo lagu naanaysi jirey "Garbaweyne", in kasta oo ay dadkii yaqaanay Jaalle Maxamed Siyaad Barre sheegeen in aabbihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abbaanduulihii colkaas hoggaaminayey, waxaa Idaacadda Muqdisho iyo Wargeysyadii Kacaankuba qori jireen in uu Siyaad Bare ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa ciidamadii uu hoggaaminayey Cumar Samatar oo gumeystihii Talyaaniga la dagaalamayey oo uu ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaal deegaanka Dhuusamareeb 1930kii. Xirsi Barre oo ahaaa Maxamed Siyaad Barre adeerkiis, isla markaana ahaa ninkii gacanta ku hayey markii aabbihiis la dilay, waxa uu geeriyoodey saddex sanno ka dib dhimashaddii Siyaad Barre oo ku aaddan abaarihii sannadkii 1933dii. Sannadkii 1936dii ayaa Maxamed Siyaad Barre ka huleelay Xoolihii miyiga ee uu xanaanayn jirey iyada oo xilligaas cidahoodu degganaayeen aaga Ceelgaab.

Markii ugu horreysey ee uu magaalo soo galo waxa uu yimid Degmada Dhuusamareeb, laakiin waxa uu uga sii gudbey Magaalada Beledweyne. Nasiib wanaag waxaa uu la kulmay askar halkaas laga qoranayey oo uu ka mid noqday dadkii ciidamadii dhibooga ah loo qaatay 1936dii ee lagu xereeyey Xerada Tababarada Beledweyne.

Jaalle Maxamed Siyaad Barre markii uu dhammaystay tababarkii waxaa loo bedellay Magaalada Muqdisho si uu tababaro dheeraad ah sii qaato, halkaas oo lagu xereeyey Xeradii Tababarka Ciidamada ee ku taalay Degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho. Jaalle Maxamed Siyaad Bare waxa uu hawshii ciidamada ka tagey 1939kii, ka dib markii loo soo sheegay geeridii labo adeeradiis ah oo kale ahaa: Jaamac Barre iyo Maxamed Barre isaga oo aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuusamareeb oo ciddiisu degganayd. 

Jaalle Maxamed Siyaad Bare waxa uu mar kale iska degey miyiga oo ku guursaday xaaskiisii 1aad oo lagu magacaabi jirey Faadumo Aw Muse Sannadkii 1941dii. Xilligaas oo ku beegan markii Ingiriisku kala wareegay Gumaystihii Talyaanaga awooddii Geyiga Soomaalida oo idil. Taas oo ay sababteedu ahayd Gumaystihii Talyaaniga oo laga jil roonaaday Dagaalkii 2aad ee aduunka. Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxaa uu isla sannadkaas dib ugu biiray Ciidamada Ingiriiska isaga oo dalacaadii ugu horreysey oo Alif ah helay. Sannadkii 1944tii waxaa tababar loogu diray Magaalada Nayroobi si labo alifle loogu dalacsiiyo. Markii Talyaaniga soo noqday 1950kii waxa uu Maxamed Siyaad Barre ahaa saddex xadhigle isaga oo mar kale loo diray Dalka Talyaaniga sannadkii 1952dii si uu tababaro dheeraad ah u soo qaato.

16kii October, 1954tii waxa uu qaatay Xidigtii 1aad oo noqday sarkaal ama arasayn. Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxa uu laba xidigle u dalacay sannadkii 1955tii. Sidoo kale waxa uu sannadkii 1957dii noqday kabtan ama dhamme. Mar kale ka 1958dii waxaa uu Maxamed Siyaad Barre noqday dhamme ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isaga oo loo magacaabay taliyaha Xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

1960kii waxaa la dhisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Sarreeye Guud Daa'uud Cabdullaahi Xirsi oo markii uu geeriyooday sannadkii 1965tii uu bedellay oo jagadiisii qabtay Sarreeye Guud Maxamed Siyaad Barre isaga oo noqday taliyihii Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS). Ka dib markii uu noqday taliya ciidanka xoogga dalka waxa uu tababaro iyo dhoolatusyo ciidan la qaatay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga Midowgii Soofiyeet. Tababaradaas oo Jaalle Maxamed Siyaad ku beeray in uu u ololeeyo nidaamka hantiwadaagga ee loo yaqaaney Maarkiisamka. Sidoo kale waxa uu si adag u rumaysnaa in Geyiga Soomaalidu xaaladda uu ku sugan yahay kaga badbaadi karo dhaqdhaqaaq wadaniyadeed oo dib u curta iyo shantii Soomaalida oo la isla baadigoobo sidii dib loogu midayn lahaa.

Waqti ay xamaasad siyaasadeed ka taagneyd Dalka Soomaaliya oo ku aaddanayd 1969kii ayaa Ciidanka Xoogga oo uu hoggaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay afgembi la ma filaan ah ku la wareegeen awooddii dalka iyaga oo hal habeen ku qabsadey Magaalamadaxda Muqdisho iyo dalka oo idil. Halkaas oo ay kaga dhawaaqeen Dawladdii Kacaanka Soomaaliya. Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxa uu dalka u horseeday horumar degdeg ah oo muuqda, iyada oo si iskaawaxuqabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, isbitaallada, iwm. Sidoo kale waxaa dawladdu la wareegtay maamulkii iyo dhammaan faro ku haynta jiritaanada dawladda.

Dawladdu waxa ay si qeexan u mamnuucdey qabyaalada, qolaqolaysiga, iyo is kala sooca bulshada dhexdeeda ka jirey. Arrintaas oo sababtay in si qaanuunka solansan loo aasay qabyaaladii, isla markaana lagu dhawaaqay in dadweynaha dalku xuquuqda u siman yihiin meel kasta oo ay ka soo jeedaan ama qolo kasta oo ay ku abtirsadaan. Waxyaalihii ugu waaweynaa ee Kacaankii barakaysnaa soo kordhiyey waxaa ka mid ahaa hirgelintii iyo qoristii farta Soomaaliga taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulshaweynta ku hadasha afka Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka afka Soomaaliga waxa ay dawladdu hirgelisey Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee bilaabmay sannadkii 1974tii ilaa dhammaadkii sannadkii 1975tii. Dawladdu waxa ay waqtigaas hawlgelisey ardaydii dugsiyada dhiganeysey oo tiradoodu gaadheysey ilaa 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xoogga dalka ah. Ardaydaasi waxa ay ka hawlgaleen oo tageen miyi iyo magaalaba si ay dadweynaha u soo baraan qoritaanak farta cusub ee af Soomaaliga. Dhowrkii sanno ee ku xigay waxa ay dawladu ololahaas ka gaadhay heersare waayo waxaa lagu guulaystey in qof kasta oo Soomaali ah la baro farta Soomaaliga. Sidoo kale waxa ay dawladdu sii kordhisey dadaalkaas sannadihii ka dambeeyey oo dhan iyada oo la bixinayey tababo aan kala go' lahayn.

Sannadihii badnaa ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre hayey talada Dalka Soomaaliya waxa uu bulshada Soomaaliyeed gaadhsiiyey heerkii ugu sarreeyey ee Soomaali weligeed gaadho. Dalku waxa uu horumar muuqda ka sameeyey waxsoosaarka dalka gudihiisa iyada oo la dhisey 45 wershadood iyo waxsoosaarka beeraha oo horumar laxaadle ku talaabsaday. Xagga ciidanka qalabka sida waxa ay Soomaaliya ka mid noqotey shanta dal ee ugu awoodda badan Qaaradda Afrika. Sidoo kale waxaa si xawli ah u korayey dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, horumarka arrimaha bulshada, iyo shaqooyinka. Dadka Soomaaliyeed oo boqolkiiba sagaashan (90%) ahaa reer miyi ayaa noqday ilaa 40% reer magaal aqoon leh.

Sidoo kale waxa uu Kacaankii 21ka October dalka ku soo kordhiyey horumar la taaban karo, maanta qof kasta oo Soomaaliyeed waa garan karaa waxa uu kacaankii qabtay. Dalku waxa uu sameeyey horumar la taaban karo oo ay ka mid ahaayeen xagga wadooyinka, xagga dekedaha iyo dhismayaasha, xagga waxbarashada, xagga wershadaha, xagga nidaamka, siyaasada iyo kala dambaynta, xagga Soomaalinimada iyo wadaniyada horumar baa laga sameeyey, xagga ciidanka iyo xoogga dalka horumar baa laga sameeyey, xagga arrimaha bulshada horumar baa laga sameeyey, xagga dhaqanka iyo diinta horumar lagama samayn, duulimaadka dayuuradaha iyo garoomada ay ka haadaan horumar baa laga sameeyey, iwm. Xilligii Kacaanku waa goortii ugu badnayd ee wadooyin laami ah la sameeyo, waa goortay ugu badnaayeen dad Soomaaliyeed waxbarasho galo, waa goortay ugu badnayd in dalku yeesho 45 wershadood, waa goortay ugu badnayd ee dekedaha dalka la dhisay, waa goortii ay ugu badnayd ee ciidanka Soomaalidu gaadho boqolaal kun, waa goortii ugu horreysey ee ay soo bidhaanto nidaam qabiil ka koray oo dawladnimo isu dhigay, waa goortii ugu horreysey ee Soomaaliya yeelato kooxo maraakiib iyo doonyo ah, waa goortii ugu horreysey ee dalkeena meel kasta laga dhiso dugsi waxbarasho iyada oo aan cid kale wax caawimo ah laga helin, waa goortii ugu horreysey ee afka Soomaaliga la qoro, waa goortii ugu horreysey ee dhammaan dadka Soomaaliyeed waxna qoraan waxna akhriyaan. Ilaa inta la helayo xukuumad qabata ama ka badisay inta Kacaankii 21ka October qabtay libtaasi iyaga ayey u diiwaangashanaanaysaa. Isla markaana waxa aynu odhan karnaa wax kasta oo aynu maanta haysano dawladdaas baa ka tagtay haddii ay ahaan lahayd dugsiyo wax lagu barto, guryo shaqaaluhu dego, xafiisyo, wadooyin, dekado, laamiyo, iyo malkooyin (buundooyin), garoomo, iwm.

HILINKII CURASHADA KACAANKII JAALLE SIYAAD

Ugu horreyn waxa ay curashadu Kacaanku bilaabantay wadahadalo muddo ka dhex socdey Ciidamada Xoogga Dalka oo uu taliye ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Kolkii ay muddo doodayeen oo ay is qanciyeen bay ku dhaqaaqeen curashada kanaanka.

Intaan Kacaankii 21ka Octobber dhalan waxaa gabay saadaalin ah tiriyey nin gabyaa ah oo magaciisa la odhan jirey Qaasim Ismaaciil Diiriye. Qaasim waxa uu gabayga tiriyey intaan xoogga dalku qabsan maamulka dawladda 1969kii, isaga oo yidhi:

Xidigaha casaadiyo cirkaa caadka laga waayey

Caamadu waxay moodayaan curasho dayreede

Anigaaba moorada cakiran kuu caddayn kara e

Caawaba Cirsankayeedhkii war buu sheegay Caliyowe

Wuxuu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye

Caanuhu dhowaan way ka quban ciil dar loo qabaye

Waa cidhib go' nimankii shacbiga cunay wixiisiiye

Caawaa la kala soocayaa caasigiyo tuuge

Carruuraha la dhalay awliyada laga cadhaysiiyey

Caam ahaan haweenka dulmane cidina eegaynin

Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye

Cisho aan fogayn waxay is bedelli ciidan fara weyne

Inay curado khaylihi kacaan Ciiddan la arkeeye

Cagta ii dhig waa kaa nabsigi soo cadceedsadaye.

Qaasim waxa uu odorasayey in dawladdii musuqmaasaqu dhacayso, isla markaana ay soo bixidoonto dawlad cadaalad ah. Allaah (sc) sidii buu ka dhigay oo Xukuumadii Musuqmaasaqu waa ay dhacday oo waxaa dhashay Kacaankii 21ka October ee 1969kii. Golihii Kacaanku way soo dhoweeyeen Qaasim iyaga oo ugu bogaadinaya saadaashiisa fiican. 

Sannadkii 1969kii ayaa dil shirqool ah lagu diley madaxweynihii dalka haystey ee Cabdirashiid Cali Sharma'arke, arrintaas oo buuq iyo is afgaranwaa ka dhex dhalisey madaxdii sare ee Dalka Soomaaliya iyaga oo isku afgaranwaayey ciddii xilka lagu wareejin lahaa iyo sidii maamulka dawladda dib loogu dhisi lahaa. Maalintii ku xigtey aaskii Madaxweyne Sharma'arke oo ku beegnayd 21kii Oktoobar ayaa ciidanka xoogga oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo rag kale ayaa afgambi si la ma filaan ah ku qabsadey dalka. Sarreeye Guud Salaad Gabaydhe Kediye iyo Hoggaamiyaha sare ee ciidanka amaanka Jaamac Qoorsheel ayaa ka mid ahaa ragga safka hore kaga jirey ee suurtageliyey in afgambigu si guul ah ku dhaco. Mudane Gabaydhe waxa uu ahaa oo lagu magacaabayey "Aabbaha Kacaanka" in kasta oo wakhti yar ka dib uu Jaalle Siyaad kala wareegey magacaas oo isagu noqdey aabbaha kacaanka iyo hoggaamiyaha ugu sarreeya Kacaanka.

Isla markiiba waxa uu Kacaanku magacii dalka ka dhigey Jamhuuriyada Dimuquraadiga Soomaaliya, sidoo kale waxa ay xabsiga u taxaabeen dhammaan xubnihii ka tirsanaa dawladdii hore ee Cabdirashiid Cali Sharma'arke, isla markaana waxa ay mamnuuceen xisbiyo siyaasadeed in laga sameeyo dalka gudihiisa kuwaas oo la tartami kara Xisbiga Kacaanka. Intaas waxaa dheeraa in Xisbiga Kacaanku si dhakhso ah u bedellay xubnihii golaha dadweynaha iyo maxkamaddii sare ee dalka. Sidoo kale waxa uu Xisbia Kacaanku ku dhawaaqay in dastuurka dalku xaniban yahay intii waqti ah oo dib u habayn lagu samaynayo oo dalka lagu maamulaayo dastuur kumeelgaadh ah oo Xisbiga Kacaanku leeyahay.

Waqti yar dib xukunka iyo hoggaaminta Xisbiga Kacaanka waxa uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre qaatey magaca Guulwade. Magacaas oo macnahiisu yahay kii guusha keenay ama horseedka ka ahaa iyada oo loogu heesi jirey "Guulwade Siyaad. Aabbihii Garashada. Geyigayagoow." Sidoo kale waxa uu markiiba dhakhso u hirgeliyey hannaankii cusub ee Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisnaa oo uu sheegay in uu ku salaysan yahay Quraanka, fikradaha Hantiwadaagga ee Maarkiisamka, iyo waddaniyadda dalkeenna.

Markii ay Golihii Kacaanka u gacan gashay taladii dalku waxa ay u yeedheen Xaaji Aadam Afqaloon. Goluhu waxa ay Xaaji Aadam u sheegeen in gabayadiisii guubaabada ahaa ku kaliifeen in ay sidan yeelaan ka dib markii ay arkeen xaaladda adag ee dalkeenu ku sugan yahay. Goluhu waxa ay Xaaji Aadam ka codsadeen in uu la taliyo. Xaaji Aadam Afqalooc waxa uu Golihii Kacaanka siiyey talo gabay ah isaga oo yidhi:

Ardaygu kama hadhee macallimkuu dabo ormeeyaaye

Iimaan qaldamay baa ma'muum ku iqtidoodaaye

Abaayiyo macaan baa kuwii horeba eedeene

Waqtigii baa tuways ku ambaday iyo aalad loo tuma e

Awr baanu nahay aad hogaanka adinku haysaane

Addin haddaad dib u qaadaan shan baan akhiraynaaye

Hore haddaydin aadaana waan idin ayidaynaaye

Hadba madaxda sida lagu arkaa uunku falayaaye

Is ilaasha awoodii dalkaad oogada saarteene.

Bogga soo socda waxaa ku dhegan sawirkii baaqii 1aad ee Kacaankii 21ka October, 1969kii. Baaqu waxa uu si tifatiran u sheegayaa Siyaasada Gudaha iyo Siyaasada Dibedda ee dawladda cusub. Baaqu waxa uu leeyahay annaga oo ah Golaha Sare ee Kacaanka (Somali Revolutionary Congress), isla markaana u hadlayna danta Ummadda Soomaaliyeed waxa aannu adduunweynaha ogeysiinaynaa: Annaga oo og xuquuqda la ma taabtaanka ah ee dadka, isla markaana si maamuus leh u fahansan Dastuurka Qaramada Midoobey iyo Ururka Midowga Afrika, waxa aannu ku tuuntuunsanaynaa in aannu la shaqayndoono dadka dunida oo idil, annaga oo rajaynayna in aannu sugno waxayaalaha qofku xaq u leeyahay ee ah xorriyada, caddaalada, nabadda, arrimaha bulshada, iwm. Golaha Sare ee Kacaanku waxa ay si adag go'aan ugu gaadheen in ay adkeeyaan oo dhawraan midnimada iyo xornimada Soomaaliyeed, annaga oo eegayna danta iyo samaha dadka Soomaaliyeed si aannu u abuurno bulsho ay dhexdeeda ka jirto caddaalad, sinnaan, jidh diido la'aan, iyo kala sarrayn la'aan. 

Qodobadii Baaqii 1aad ee Siyaasada Gudaha (internal policy):

1. Waxa aannu doonaynaa in aan dhisno bulsho raacda mabaadida caddaalada ee negi, isla markaana qof kasta xaq u leeyahay in uu shaqeeyo annaga oo dhawrayna deegaanka iyo danta bulshada Soomaaliyeed. 

2. Waxa aannu horumarinaynaa oo jihaynaynaa dhaqaalahayaga, arrimaha bulshada, iyo dhaqanka si dalkayagu u gaadho horumar degdeg ah.

3. Waxa aannu la dagaalamaynaa jahliga iyo wax qoris la'aanta si aannu u horumarino ilayska aqoonta iyo dhaqankayaga sooyaalka ah.

4. Waxa aannu doonaynaa in aannu qorno afkayaga hooyo si aannu ugu adeegsano nolol maalmeedkayaga iyo nidaamka waxbarashadayada.

5. Waxa aannu la dagaalamaynaa musuqmaasuqa, laaluushka, xadtooyada, qulquladaha nidaam la'aanta ku salaysan, kooxaha mucaaradka ee qabiilka ku salaysan, iyo jaad kasta ama ififaalo kasta oo muujinaya dhaqan xumo ku lid ah qaranimadayada.

6. Waxa aannu mamnuucnay nooc kasta oo kooxaysi ah ama xisbiyeysi ah oo aan ka ahayn Golaha Sare ee Kacaanka.

7. Waxa aannu ogolahayn in doorashooyin xor ah la qabto waqtiga ay ku habboon tahay ee dadkayagu u bisil yihiin.

Qodobadii Baaqii 1aad ee Siyaasada Dibedda (external policy):

1. Waxa aannu taageeraynaa danta iyo midnimadda caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqyada xornimodoonka ah.

2. Waxa aannu ka soo horjeednaa, isla markaana la dagaalamaynaa nooc kasta oo gumaysi ah iyo hababka casriga ah ee laysu addoonsado.

3. Waxa aannu u halgamaynaa in aannu dhawro oo ilaalino midnimada ummadda Soomaaliyeed.

4. Waxa aannu ka shaqaynaynaa nabadgelyada iyo wada noolaanshaha derisnimada dadyowga dunida oo idil.

5. Waxa aannu sii wadaynaa oo dhawraynaa siyaasadayada dhexdhexaadnimada.

6. Waxa aannu maamuusaynaa oo garawsanaynaa dhammaan heshiisyada caalamiga ee dadyowga dunida ku yaal ama ku nool.

Haddii aynu falanqayno baaqooda 1aad waxa aynu arkaynaa in ay ahaayeen koox wax ka fahansan siyaasada adduunka oo doonaysey in ay u gogolxaadhaan bulsho leh nidaam iyo yididiilo dhaqaale oo ay hiigsanayso. Bayaankooda waxaa ka muuqda in ay doonayeen in ay abuuraan shaqo, kaydsi iyo qorshe kuwaas oo laga ma maarmaan u ah horumarka nolosha qofka, qoyska iyo bulshada. Sidoo kale waxaa bayaankooda ka muuqda summado ku keeni kara burbur laxaad leh. Summadahaas waxaa ka mid ah:

Dhaliisha 1aad waxa ay tahay in ay baaqooda u qoreen sidii iyaga maankooda iyo maskaxdooda ku jirtey, laakiin tirada kuma darsan ragga siyaasada adduunka kursiga ugu fadhiya maxaa ay yeelidoonaan haddii aad sidaas u hadashaan. Mar kasta rag baa isku tiriya in ay hoggaanka adduunka haystaan sidaas awgeed haddii aad u hadliweydo siday doonayaan ama danahooda kaa dhex arkiwaayaan, waxa ay diyaarsanayaan jalaafooyin iyo turunturooyin lagu hor dhigo si horumarkaaga loo hakiyo.

Sidoo kale waxaa baaqooda ka muuqata siyaasad aan mabda' lahayn iyo dhaqan dool ah. Sidaas awgeed waxaa baaqooda ku cad in ay iyaga iyo ummaddu kala beyni u socdaan. Ummaddu waxa ay rabtaa in dib loogu soo dabaalo dhaqankoodii hore iyo diintooda Islaamka si loo helo guurti ummaddeed oo talisa. Kooxda SRCna waxa ay wadatey mabda'a Hantiwadaaga Cilmiga ku Dhisan iyo in aan dhaqan ummaddeed iyo diin waxba looga baahnayn.

Dhaliisha ugu dambaysa ee baaqooda ka muuqatey waxa ay ahayd aqoon yari. Baaqooda waxaa laga dhadhansan karaa in ay ahaayeen dad dadaalaya, laakiin aan lahayn awood aqooneed oo wax sii wadi karta marka caqabadaha adduunku kakanaadaan ama talo ribato. Aqoon yari way ku hawirtaa. Karti kasta lahow, haddii aqoontaadu kooban tahay waad soo xidhmayso oo dhibaatooyinka adduunku way ku oodafaynayaan. Abwaankii aqoonta ka hadlay waxa uu yidhi: Qalinkaa wax suureeya, Kugu sima halkaad doonto, Saaxiib kal furan weeye, Sunto faro ku hayntiisa, Weligaa ha sii deynin. Dhammaan sidalagahaasi waxa ay ahaayeen kuwii dumiyey Kacaankii 21ka Oktoobar. Ugu dambayn wixii aasaaska u ahaa burburkii kacaanka waxa uu ahaa oodafaysanka aqoonta (bounded rationality).


Kacaankii 21ka October waxa aynu ku qeexi karnaa dawlad bulshada ka korisey heerka qabiilka iyo reer guuraanimada, isla markaana u gogolxaadhey reer magaalanimo (madaninimo), nidaam siyaasadeed oo taabo qaada, iyo kala dambayn dawladeed.

GOLAHA SARE EE KACAANKA IYO HORUMARKII DALKA

Golihii Sare ee Kacaanku waxa uu si dhakhso ah u sameeyey mashruucyo bulsho oo aad u horumariyey magaalooyinka iyo miyiga. Mashaariicdaasi waxa ay isugu jireen olole waxbarasho iyo iskaawaxuqabso oo lagu dhisayey ceelal, biyaxidheeno, beero waaweyn, laamiyo, jidad waaweyn, dugsiyo waxbarasho, isbitaallo, goobo bulshada lagu hannuuniyo, iyo dawladda oo ay ka dhigeen mid hanti badan oo dhul iyo dhismayaal ah leh. Dadaalkaas ballaadhan ee waxbarashada iyo iskaawaxuqabso waxaa garab socdey wacyigelin ballaadhan oo dadka lagu beerayey wadaniyadda, dal jacaylka, iyo in ay yeeshaan qadiyad ummadnimo iyo Soomaalinimo. Jaalle Maxamed Siyaad iyo Golihiisii Kacaanku waxa ay qabteen wax aannu qaban mid ka horreeyey isla markaanu qaban mid ka dambeeyey waayo waxa ay dhiseen dalka, waxa ay abuureen hanti ballaadan oo dawladdu leedahay, waxa ay hirgeliyeen hannaan waxbarasho oo dhammaystiran, waxa ay dhiseen kaabayaashii adeegga bulshada sida: dugsiyo waxbarasho, isbitaallo, laamiyo, dekado, guryo shaqaale, meel kasta dhismayaashii dawladdu ku shaqayn lahayd, ciidan xooggan, sumcaddii dalka oo kor u kacday, fartii Soomaaliga oo la qoray, iwm. Arrimaha kale ee muhiimka ah ee Jaalle Maxamed Siyaad iyo Golihiisii Kacaanku qabteen waxaa ka mid ahaa in dalkeenu xubin firfircoon ka noqday dhammaan hey'adaha caalimiga ah ee Qaramada Midoobey, Afrika, Ururada Islaamka, iyo Jaamacadda Carabta. Dawladaasi waxa ay ka tagtay dal dhisan oo bixiya dhammaan qaraamaadka hey'adaha caalamiga ah oo dhan. Tusaale ahaan, waxa ay Dawladda Soomaaliya ku biirtey ururka Jaamacadda Carabta sannadkii 1974tii. Sidoo kale waxa uu Guulwade Maxamed Siyaad Barre isla sannadkaas noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyey Ururka Midowga Afrika isaga oo xilkaas hayey muddo dhowr sanno ah. 

Bishii Luuliyo ee 1976dii ayaa Guulwade Siyaad Barre baabi'iyey Golihii Sare ee Kacaanka iyada oo lagu bedelley Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed si maamulka dawladda looga dhigo mid ay dadku ansixiyeen. Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxa uu ku dhawaaqay sinnaan, caddaalad, horumar, wax wadaqaybsi, iyo horusocod. Sannadkii 1979kii ayaa Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanku qabtey doorasho loogu codaynayey Golaha Dadweynaha (parliament), dastuurka dalka,  iyo madaxweynaha oo si rasmi ah loo ansixiyo hoggaamintiisa. 

Ugu dambayn waxa aynu waxqabadkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ku soo koobaynaa arrimaha soo socda:

Qoristii afka Soomaaliga oo maanta laga adeegsado shanta Soomaalidu degto iyo adduunka kale oo dhan.

Dejintii dadkii Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey Abaartii Dabadheeer. 

Horumarinta iyo hanuuninta bulshaweynta Soomaaliyeed, iyo abuuritaankii dad waddaniyad leh oo dalkooda jecel iyaga oo garanaya qiimihiisa. 

Dhiirigelinta ka bixidda ma shaqaystanimada. 

Dadaalkii loo galay xorreyntii Soomali Galbeed oo ahayd guul weyn iyo ka qaybgalka ciidamadii ka qaybqaatay xorriyad gaadhsiintii Dalal badan oo Afrika ah. 

Ololihii iskaawaxuqabso ee dalka lagu dhisay, horrumarintii arrimaha bulshada ee lagu kordhinayey tirada dadka reer magaalka.

Dhismaha dugsiyo waxbarasho oo badan, baahinta waxbarshada, la dagaallanka wax qoris la'aanta, la dagaallanka jahliga, iyo horumarinta wax akhriska.

Abuurisitii Jaamacadaha. 

Dhawrista deegaanka iyo horumarintii hantida dawladda. 

Kobcintii waxsoosaarka beeraha, horumarintii dhaqashada xoolaha, iyo wershadaha.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen