By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
Last update: June 20, 2025
Nuur Warsame Yoonis oo ku magac dheeraa "Gambool" waxa uu ku dhashay deegaanka loo yaqaan Ayax oo dhanka bari kaga beegan Dooxada Nugaal. Gambool waxa uu dhashay 1850kii. Ugu dambayn waxa uu ku dhintay Dooxada Nugaal markii ay taariikhdu ahayd 1936dii.
Nuur Warsame Yoonis waxa uu ka mid ahaa xoolo dhaqatadii deegaanka Ayax oo ka tirsan Degmada Eyl. Deegaanka Ayax waxa uu Eyl ka xigaa jihada waqooyi bari. Gambool waxa uu lahaa dhammaan meesiyada xoolaha ee Soomaalidu dhaqato sida: adhi (ido iyo riyo), ishin (geel iyo lo'), iyo gammaan (fardo iyo dameero). Nuur Warsame waxa uu aabbihiis ku daray dugsi Quraan Kariimka ah lagu barto. Muddo ka dib waxa uu Nuur Warsame noqday Sheekh caalin ah oo beesha oo idil ugu tagto arrimaha ku saabsan Shareecada Islaamka. Bulshada Nugaaleed ee uu ka dhashay waxa ay weriyaan in Nuur Warsame ahaa ninkii beeshooda ugu horreeyey ee Xajka aada. Sidoo kale waxaa la sheegaa in ilmihiis qaar la odhan jirey Ilma Warsame meesha kuwa kalena la odhan jiray Ilma Xaaji Warsame. Kuwa xaajiga wata waa kuu dhashay Xaj aaddistii dambe. Nuur Warsame Yoonis waxa uu dhalay lix wiil iyo hal gabadh, waana wada hanaqadeen kulligood sida la weriyey. Warsame ilmahiisa oo dhammi waa wada higgaad qabeen sida la sheegay. Nuur waxa uu ka mid ahaa lixda wiil ee ilma Warsame. Hooyada dhashay Nuur waxaa la odhan jirey Dahabo Cali Ismaciil. Nuur Warsame yaraantiisii waxa uu aabbihiis ku daray geela sidii caadada u ahayd degsiimadii ay ka tirsanaayeen iyada oo la xeerinayo rag la dhaqanka iyo hawlkarnimada. Markii uu Nuur gaadhay 20 sanno jir, waxa uu aabbihiis uga xoolo bixiyey gabadh ay isku degsiimo ahaayeen oo uu la soo baxay. Nuur waxa uu noqday qoys ku soo kordhay degsiimada reer Yoonis Cali. Nuur Warsame waxa uu dhalay tiro ilmo ah, hase yeeshee waxaa u hanaqaaday 6 wiil iyo gabadh. Gambool waxaa reer Nugaaleedku ku tiriyaan aabbayaasha ugu firka badan beelaha Nugaaleed. Waxyaalaha uu Nuur caamka ku ahaa waxaa ka mid ahaa run sheega, garaasho dheeri, iimaan weyni, feejignaan, iyo geesinimo. Kuwaasi waxa ay ahaayeen astaamihii lagu yaqaaney ilaa yarantiisii.
Waqtigan waxba la qiimayaaye oo waa la siman yahay, laakiin waqtiyadii hore waxaa la bixin jirey qiimayno kaladuwan sida: geesinimada, deeqsinimada, aftahanimada, talo aqoonta, abaal gudka, ballan oofinta, iyo runta. Nuur Warsame "Gambool" waxa uu waqtigaas ku caambaxay run sheegida oo ahayd waxyaalihii Soomaalidu aad u qiimayn jirtey oo ilaa haddana la yare qiimeeyo. Murti badan oo Soomaaliyeed baa odhanaysa: "Runi rag kama naxiso," "run iyo ilkoba waa la caddeyaa," "Run iyo been kala raad leh," iyo "Runta rabbi baa kugu jecel." Meesha been sheegidu ay rag iyo dumar qiimadhac ku tahay, isla markaana bulshadu waa ay takoortaa. Sidoo kale waxa ay murtida Soomaalidu sheegaysaa: "Beeni raad ma leh," "Been waa lagu dhergaa lagu mase rakaato," "Beenlow nin dhintay iyo nin dheer buu marag gashadaa," "wax la eryo been baa u gaabisa," "Nin run diidey been baa u qarsoon," "beentaada hore runtaada dambe bay u daran tahay," iwm.
Nuur waxa uu Darawiishta ku biiray 1903 oo ahayd markii ay Darawiishtu xarunta ka digatay Magaalada Eyl. Judhii horreba waxa uu ku soo caam baxay in Darawiishta uu ku jiro darwiish runlow ah oo la yidhaahdo Nuur Warsame. Sayid Maxamed waxa yidhi, ha la ii keenno darwiishka runlowga ah. Nuur waxaa loo keenay odaygii Darawiishta ee Sayid Maxamed. Sida Gambool sheegay su'aalo badan buu weydiiyey Sayidku. Ugu dambeyna waxa uu Sayidku ku ammaanay runta. Sidoo kale waxa uu Sayidku caayey beenta isaga oo cuskanaya Ayaado Quraan ah iyo Axadiis Nebiga ka sugnaatay naxariisi korkiisa ha ahaatee. Nuur waxa uu ka qayb galay dagaallo badan oo Darawiishtu la gashay gumeystihii Ingiriiska ee Waqooyiga Soomaaliya haystay iyo Boqortooyadii Bariga Soomaaliya ee fadhigeedu ahaa Magaalada Bargaal. Nuur waxa uu ahaan jirey ragga dooyada loo diro kolka dagaal la gelayo. Nuur waxa uu ahaa nin sahanka uu samaynayo hubsiimo badan ku sameeya oo warka uu soo gudbiyo aan wax welwel ah laga qabin. Meesha lagu duulayo ilaalo kale loogu ma dari jirin ee horaa lagaga duuli jirey. Nuur Warsame "Gambool" la ma koobi karo murtida laga dhaxlay balse waxa aynu ka xusidoonaa qayb ka mid ah xigmadihiisii:
Dad qofkii ku ogol ka wado. Nuur ayaa gabadh uu soo guursaday la yimid degsimadoodii, rag baa daraabay quruxda gabadha markaas bay ku yidhaahdeen war Gambool degsiimadeena ayaad ka heli lahayd mid ka qurux badan gabadha aad la timid, markaas ayuu Gambool yidhi weedha sare.
Geelu beri ma aroorayaa. Raggii uu la noolaa waxa ay had iyo jeer Gambool ka raadin jireen in ay mar uun gool been ah laga dhaliyo. Gamboolna waxa uu ahaa nin u dhashay run sheegida oo noloshiisa oo idil baa ku dhisnayd. Markan waxa ay dhallinyaradu ka raadinayeey in uu yidhaahdo haa geelu waa arooraya oo haddana geelooda ka baajaan ceelka. Dabadeed waxa uu ku jawaabey kiina ma aqaan kaayagase waa la jecelnahay in uu arooro haddii Allaah idmo.
Geedkani sow ma Qallala. Sayid Maxamed waxa uu tijaabin jirey heerka maqalkiisa ee Darawiishta. Goor barqo ah baa rag Daraawiish ah oo Gambool ku jiro waxa uu kula kulmay geed ay hadhsan jireen markaas buu yidhi, Daraawiisheey sow geedkani ma qallala! Daraawiishtii baa tidhi ahaa aabbe geedku waa qallalan yahay, intaa ka dib waxa uu Sayidkii yidhi, war Gambool geedku sow ma qallala! Gambool ayaa ku jawaabay Aabbe haddii adiga lagaa baqayo geedku waa qallalan yahay haddiise Allaah laga baqayo geedku waa qoyan yahay. Sayidkii ayaa yidhi Daraawiishay gaalo baad tihiin Gambool mooyee.
Yaan Salaadayda layga Tukan. Sayidku waxa uu eegi jirey bal sida amarkiisa loo qaato, goor salaadii duhur dhowdahay ayuu Sayidku isugu yeedhay Daraawiishtii aagga ka dhoweyd, waxa uuna ku yidhi, Daraawiisheey yaan la iga tukan salaadayda markii waqtigii la gaadhey ayuu Sayidkii Daraawiishtii isugu yeedhay oo ku yidhi, Daraawiisheey yaa tukadey salaadaydii! Kolkaas waxa ay yidhaahdeen Aabbe Sayid waxaa tukaday Gambool. Gambool buu u yeedhay Sayidkii oo ku yidhi, waar Gambool maxaa aad u tukatay Salaadaydii! Gambool waxa uu ku soo warceliyey Aabbe Sayid anigu ma tukan salaadaadii ee waxa aan tukaday Salaadii Allaah igu lahaa. Sayidkii baa yidhi, gaalo baa tihiin Gambool mooyee.
Ayaa dad u caqli xun. Sayidka ayaa xan ku maqlay Sayidku waa nin talo iyo caqli xun haddaba si uu u ogaado warkaas buu u yeedhay Gambool oo ku yidhi, Gambool ayaa dadka u caqli xun! Gambool waxa uu ugu jawaabey, dadka waxaa u caqli xun ninka lix cadow leh oo bannaankaa reer ku furay. Lixda cadow waxa uu uga jeedey Gumaysigii Ingiriiska, Gumaysigii Talyaaniga, Amxaarada, Boqor Cismaan, Suldaankii Cali Yuusuf Keenadiidiyo iyo Maxamuud Cali Shire oo Warsangeli ah.
Caadil ma ahid loo badey. Sayidku markii uu talo bur ka saariwaayo, gaar ahaan Daraawiishta dhexdeeda waxa uu la tashan jirey Ismaciil Mire iyo Gambool oo runlow ah rag badan oo Daraawiish ahna saaxiib ahaayeen. Daraawiishta dhexdoodii waxaa lagu furay Sayidku caadil ma ah, rag badanna waxaa la sheegay in ay xarunta ka baxsadeen. Sayidku warkii uu maqlay waxa uu u yeedhay Gambool oo ku yidhi, waar Gambool xarunta ma caadalad xumo baa ka jirta! Gambool waxa uu ku jawaabay weedha sare.
Runta sheeg beentaa ha la moodee. Koox dooxato ah ayaa la siiyey amar in ay Magaalada Bosaaso soo gubaan. Kooxdii waxa ay gaadheen Magaalada Bosaaso. Iyaga oo meel fadhida oo cunaya timir ay magaalada ka soo gateen waxaa u yimid askartii Boqor Cismaan oo weydiiyey waar maxaa aad ahaydeen? Kooxdii waa naxday oo hadli kariwaayeen, laakiin waxaa hadlay Gambool oo yidhi, waxa aannu nahay duul Daraawiish ah. Mar kale waxa ay weydiiyeen oo maxaa aad doonayseen? Gambool waxa uu ku yidhi, waxa aannu u soconay in aannu Magaalada Bosaaso gubno? Mar saddexaad waxa ay weydiiyeen oo maxaa aad cunnaysaan? Gambool waxa uu ku jawaabay timir baannu cunnaynaa. Mar afraad waxa ay weydiiyeen oo maxaa halkaas ka madmadow? Gambool waxa uu ugu jawaabay waa fardo aannu ku nimid kuna noqonayno haddii Eebbe idmo. Askartii waa ka tagtay iyaga oo u qaatay in ay ku dheelayaan. Kooxdii la socotay waxa ay Gambool ku yidhaahdeen waar waad ina laysay. Kolkaas buu ku yidhi weedha kore.
Dawacada aan hilbaha wax ka siino. Sayidku waxa uu ciidamada u diri jirey mar koox ahaan marna guuto ahaan. Beri baa waxaa jirtey in Sayidku amray in kooxo loo kala diro meelo uu Sayidku tilmaamay. Shan nin oo uu madax u yahay Gambool waxaa lagu jiscimay hilib. Kooxdii Gambool waxaa meel ka soo raacay dawaco urisay hilbihii ay siteen, isla markaana waa ay ka hadhi weydey dawacadii. Gambool waxa uu raggii u soo jeediyey waar aynu dawacada in yar oo hilib ah siino, laakiin raggii kale waa ay diideen taladii Gambool. Markaas buu ku yidhi waar dawacada naf baa haysee inoo qaybiya hilbaha anigaa intayda wax ka siinayee. Ugu dambeyn waxa ay qaybsadeen hilbihii markaas buu Gambool xoogaa cad ah u gooyey dawacadii. Markii ay soo noqdeen kooxdii waxa ay afartii kale dacweeyeen Gambool oo yidhaahdeen Aabbe Sayid waxa uu sahaydii aannu gaalada kula diriri lahayn naga siiyey bahalo. Gambool wax badan baa dabin loo dhigay oo uu ka badbaadey. Sayidkiina waa aqbalay in dacwadaas la qaado. Gambool baa loo yeedhay oo lagu oogay xujadii, Gambool waxa uu weydiiyey Sayidkii oo ku yidhi Aabbe Sayid Daraawiishi ma dadka iyo duunyad bay dawlad u tahay mase dhammaan noolayaasha Soomaaliya ku nool. Sayidkii ayaa ku warceliyey Daraawiishi waa dawlad Soomaaliyeed oo dal iyo noolaha ku dul nool. Xujadii waxa ay ku oogantay afartii nin.
Haddii aan dibi la xidhay dantii furidoonin. Had iyo jeer waxa ay ragga la deegaanka ah iyo saaxiibadiisii Daraawiishtu ka raadin jireen Gambool in uu dabin ku dhaco oo mar uun been sheego. Maalin baa koox lo'ley ah oo Daraawiishta ka mid ah ay dibi soo qabteen oo la soo xidhay, isla markaana waxa ay shiteen dab oo midiyihii la soofaystay. Intaas markii ay sameeyeen bay Gambool ku yidhaahdeen orod ragga halkaas jooga u sheeg in dibi la qalay si ay hilbo u soo doontaan. Gambool waxa uu u tagey nimankii oo farriintii u sheegay sidii ay ahayd: dibigii waa xidhnaa, dabkiina waa shidnaa, mindiyihiina waa la soofaysanayey. Haddii aan dibi la xidhay dantii furidoonin. Markuu Gambool dhaqaaqay baa la sii daayey dibigii ileeyn shirqool baa loo dhigayeye.
Soo dil ninkaas tukanaya. Koox uu ka mid yahay Gambool baa loo diray ilaalo, haseyeeshee waxa ay kooxdii ilaalada Daraawiishta ahayd arkeen nin tukanaya oo ka mid ah ilaaladii cadowgooda. Kooxdii baa ku tidhi Gamboolow ninkaas soo dil oo go'a iyo tooreyda uu sito ka soo qaado. Gambool waxa uu ka codsaday kooxdiisii in ay nin kale u diraan waase ku adkaysteen in uu ninkaas dilo. Sida caadadiisu ahayd Gambool waxa uu dili jirey oo keliya gaalada iyo kuwa la socda. Gambool waa uu iska ilaalin jirey in uu dilo ruux kale. Ugu dambeyn waa uu yeelay amarkii kooxdu ugu heshiisey. Gambool waxa uu ku dhowaaday ninkii oo is tusay isaga oo shiishka qorigu u saraan yahay oo ku yidhi go'a sare iyo tooreyda tuur oo xabad ag mariyey. Ninkii waxa uu tuuray go'ii iyo tooraydii oo fakaday. Gambool waxa uu kooxdii ku soo noqday isaga oo go'ii iyo tooreydii sita.
Fakadkii Cabdi Dheere iyo maalintii Bosaaso baan been sheegilahaa. Darwiish la odhan jiray Cabdi Dheere oo reer Sanaag ahaa ayaa go'aansaday in uu xarunta daraawiishta ka baxsado, goor habeen badhkii ah ayuu yimid gurgiisii isaga oo faras iyo qori wata, gurigii buu galay oo waxa uu meel kala soo bax rasaas uga hadhay dagaalkii ugu dambeeyey oo uu ka qayb galay. Cabdi Dheere waxaa guriga u joogey hooyo iyo afar carruur ah oo intuba gurigii bannaanka uga soo baxeen. Wiilkiisii weynaa ayaa ku yidhi, Aabbe xilligan ma bixi jirine sidee wax u jiraan? Inta uu wiilkii gacanta qabsaday buu fanka faraska saaray oo hore u dhaqaajiyey. Nidaamka maamulka xarunta waxaa ka mid ahaa in fardaha iyo qoriga la dhigo meelo loo cayiman oo aan guryaha lala aaddin. Raggii qaabilsanaa hawlaha ilaalada iyo soo jeedka baa tebey faraskii iyo qorigii Cabdi Dheere. Kolkaas waxa ay yimaadeen gurigii Cabdi Dheere oo ay joogaan saddex carruur ah iyo hooyadood. Markaas waxa ay weydiiyeen hooyadii Cabdi Dheere meeyey? Hooyadii waxa ay ku jawaabtay Cabdi tagyey ee nafta siliceeda naga gooya. Kooxdii waxa ay u tageen Sayidkii oo warka Cabdi Dheere siiyeen. Sayidku waxa uu degdeg u diray koox uu hoggaaminayey Gambool. Kooxdii Gambool watay waa ay dhaqaaqeen waqtigii Qorraxdu soo baxday oo ay meel ceel ah tageen oo markaas Cabdi Dheere ku sugnaa, laakiin waa uu ka il horreeyey colka. Faraskii buu meel ku xidhay oo wiilkii ku yidhi meel ku dhuumo. Kooxdii waxa ay ogaadeen in Cabdi Dheere meel dagaal ugu jiro. Cabdi Dheere waa nin hadhgaanti oo caan ka ahaa Xarunta Daraawiishta. Cabdi Dheere meel buu hadal kala soo tiigsaday oo yidhi, waar raggow lix masalo igu daaya:
1. Nin Islaam ah baan ahay oo dhiigaygu idin ma bannaana.
2. Cadow baan ka cararayaa oo naftayda baan la fakanayaa waxba idinka iyo cid kala toona kama wato.
3. Haddii aad i qabataan waa lay dilayaa waxbana dilkayga ka dheefimaysaan.
4. Nin baan ahay oo haddii aad i badbaadisaan abaal baan idin haynayaa.
5. Rag ayaan ka dhashay oo iyana sidaad yeeshaan xeer bay idin ahaan doontaa.
6. Haddii aad intaas ku qanci weydaan nin baan ahay oo qori iyo rasaas baan haystaa oo idinkoo fayow noqon maysaan. Weliba waxa uu intaas ku daray dagaalna shiishyahan baan u ahay. Intaas markii uu Cabdi Dheere yidhi baa Gambool ku jeensadey raggiisii oo yidhi nimanyow intuu sheegay anigu waa yeelay ee idinku ma yeesheen? Raggii waxa ay ku jawaabeen haddii aad adiga oo madax ah noo ahaa yeeshay annaguna waa yeelay. Cabdi Dheere ayaa mar kale hadalkii qaatay oo yidhi, aqoon baan ku aamminay hadalka Gambool isaga oo yidhi Gamboolow farriin iiga gee Sayidkii oo waxa aad ku tidhaahdaa: "Ina Carro naas dheerow carruurtii iyo hooyadood ku cadho bax."Â
Markii ay muddo socdeen kooxdii Daraawiishta ahayd waxa ay la hadleen Gambool oo ku yidhaahdeen Gamboolow maanta been sheeg oo waxa aad Sayidka ku tidhaahdaa Aabbe Sayid soo weyney Cabdi Dheere. Gambool baa ugu jawaabay: "Haddii aan been sheegayo waxa aan sheegi lahaa maalintii Boosaaso." Intaas ka dib waxa ay kooxdii go'aansadeen in ay denbiga ku oogaan Gambool si ay u badbaadaan. Intii aan Gambool soo gaadhin Sayidka waxa ay kooxdii u tageen Sayidkii oo ku yidhaahdeen Aabbe waa aragnay Cabdi Dheere oo Gambool baa naga soo celiyey. Farriintii Cabdi Dheere u ma sheegin Sayidka, intaas kadib Gambool iyo tiro raggii ka mid ahaa ayaa u tagey Sayidka. Gambool waxa uu Sayidka siiyey warbixintii Cabdi Dheere isaga oo ku soo gebagebeeyey farriintii Cabdi Dheere ee ahayd u sheega "Ina Carro naas dheer ha ku cadho baxo carruurtii iyo hooyadood." Sayidku maalintaas cidna xujo u ma dilin.
Cabdi Dheere waxaa uu galay deegaamadii uu Gumaysiga Ingiriisku ka arriminayey oo sarkaal sare ka noqday. Berri dambe waxaa la sheegay in Cabdi Dheere loo xil saarey soo qabashada Sayid Maxamed, balse Cabdi Dheere isaga ayaa sabab u ahaa in Sayidku ka baxsado xarunta ka dib markii ciidankii uu watay dhinac kale u hawlgeliyey oo goor dambe soo aadey xaruntii oo cidla ah.
Xogta iyo warka ku saabsan Nuur Warsame Yoonis waxa aan ka soo xiganey Axmed Ibrahim Gambool oo uu awoow u yahay.
Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen