+252 90 4048010



Ilays National University


Jaamacadda Ummadda Ilays


Jaamacadda Ummadda Ilays waa hoggaanka ururada waxbarashadda ee Geyiga Soomaalida. Jaamacadda Ummadda Ilays waa saaxiibka dadweynaha ee maankooda iyo dhimirkooda deggan. Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay dadweynaha u ballanqaadaysaa in ay u huridoonto itaalkeeda waxbarasho si hagar la’aan ah oo tiro iyo tayo leh. Jaamacadda Ummadda Ilays waxaa la aasaasay August 01, 2012. Jaamacadda Ummadda Ilays waa urur waxbarasho oo casri ah. Hannaanka waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Ilays waa mid aad u qaabaysan oo la socda qaababka waxbarashada ee dunida ugu horumarsan. Hannaankaas waxbarashada waxaa nasiib u yeeshay dadweynaha Soomaaliyeed.


Aqoonsiga Jaamacadda Ummadda Ilays


Himilooyinka Jaamacadda Ummadda Ilays

  • Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay kor u qaado waxbarashada iyo tayeynteeda iyada oo adeegsanaysa qalab iyo hab casri ah. Isla kolkaana dadweynaha tusinayna sida waxbarashadu kor ugu qaado dhaqaalaha bulshada.
  • Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay horumariso waxqabadka ururada waxbarashada si ay u sugaan in ay himiladooda gaadhaan iyo in ay qofkii la rabay bulshada u soo saaraan, isla kolkaana himiladoodu u noqon lahayd mid lagu gaadho liibaan dhow iyo mid fog.
  • Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay tayeyso hannaanka waxbarashada ee bulshada, waayo waxa ay tayo la’aanta waxbarashadu sababtaa hoos u dhac ku yimaado garaadka aadamaha iyo raasamaalkooda aqoonta.
  • Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay horumariso oo soo noolayso qaab nololeedyadii dhaqankeena ku salaysnaa si bulshadu ugu noqoto afkeedii iyo hiddiheedii.
  • Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay dib u dhisto oo soo noolayno waxbarashada degmooyinka, tuulooyinka, iyo beelaha (communities) ka durugsan magaalooyinka waaweyn. Isla kolkaana ka shaqayno sidii jiritaanada waxbarashadu isugu filaanlahaayeen, iyo horumarinta waxbarashada beelaha.
  • Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay midayso aragtida waxbarashada ee dugsiyada iyo jaamacadaha si loo helo tub waxbarasho isku mid ah, ganan isku aragti ah, waxbarasho isku xilli ah, fasax isku mid ah, iyo maamin isku mid ah.

Ujeedooyinka Jaamacadda Ummadda Ilays

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ardaydeedu horumar ka sameeyaan xagga qofnimada, xagga xirfadaha, xagga heerka aqoonta, xagga arrimaha bulshada, xagga arrimaha deegaanka, xagga ku hadalka iyo adeegsiga afafka, xagga adeegsiga xisaabta, xagga fahanka nolosha adduunka, xagga maskaxda, xagga hal abuurka fikirka, iyo wax ogaanshaha dunida ku xeeran.


Kuliyadaha Jaamacadda Ummadda Ilays

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay ka kooban tahay shan kulliyadood iyo sannadka aasaasiga (foundation year) oo kala ah:

  • Kuliyadda Aqoonta Dhalanka - Faculty of Natural Science
  • Kuliyadda Aqoonta Bulshada - Faculty of Social Science
  • Kuliyadda Fanka, Tagtada, Dhaqanka, iyo Afafka Aadamaha - Faculty of humanity
  • Kuliyadda Dhakhtarnimada - Faculty of Medicine
  • Kuliyadda Shareecada Islaamka - Faculty of Shariah

Kulliyaduhu hadda ma wada shaqeeyaan oo weli la ma wada furin, laakiin waa qaabka aayatiinka ee jaamacaddu u qorshaysan tahay. Hadda waxaa shaqeeya qaybaha kulliyadaha ee soo socda:

  • Kulliyadda Aqoonta Dhalanka - Faculty of Natural Science - waxaa shaqeeya Waaxda Xogdhawrka iyo Farsamada Cusub (Computer Science and Technology Department), Waaxda Aqoonta Sayniska Abyan (Integrated Science), Waaxda Nafaqooyinka Cuntada (Nutritional Department), iyo Waaxda Farsamada Dhismaha iyo Naqshadaynta (Civil Engineering and Construction Department).
  • Kulliyadda Aqoonta Bulshada - Faculty of Social Science - waxaa shaqeeya Waaxda Maamulka, Maaraynta, iyo Ganacsiga (Department of Business Administration and Management), iyo Waaxda Adeegga Bulshada (Socialwork Department)
  • Kulliyadda Dhakhtarnimada - Faculty of Medicine – waxaa shaqeeya Unuggu Aqoonta Caafimaadka (Health Science Institute) oo ka kooban Waaxda Kalkaaliyanimada (Nursing Department), iyo Waaxda Daawooyinka (Pharmaceutical Department).
  • Kulliyadda Fanka, Tagtada, Dhaqanka, iyo Afafka Aadamaha - Faculty of humanity – waxaa shaqeeya Unugga Afafka (Language Institute).
  • Kulliyadda Shareecada Islaamka - Faculty of Shariah – waxaa shaqeeya Waaxda Shareecada iyo Ollogidda Islaamka (Department of Islamic Study and Shariah).

Waaxyaha kale ee aad tebayso in ay maqan yihiin weli la ma furin, haddii Allaah idmo waxaa mid kasta la furidoona xilliga baahidoodu taagan tahay ee awood loo leeyahay.


Waxbarashadda

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay ku dadaalaysaa tayeynta aqoonta waayo aqoontu waa raasamaalka ugu qaalisan ee qof yeelan karo. Aqoontu waxa ay kor u qaadaa tayada qofka. Aqoontu waxa ay kuu fududaysaa go’aanka aad qaadanayso. Aqoontu waxa ay ku bartaa meesha aad ka liidato. Aqoontu waxa ay ku siisaa saadaalin suuban. Aqoontu waxa ay kacaan cusub ka dhalisaa qofka noloshiisa. Aqoontu waxa ay horumarisaa noloshaada. Aqoontu waxa ay kuu bayaamisaa jidka toosan. Aqoontu waxa ay ku bartaa meesha u baahan in nolosha laga toosiyo. Aqoontu waxa ay kuu fududaysaa kasmada carro-edeg. Aqoontu waa walax qaali ah. Aqoontu waa ilays iyo iftiin. Aqoontu waa hubka lagu la dagaalamo nacabkaaga. Aqoontu waa xoog iyo dawlad. Aqoontu waa bardaanka nolosha. Aqoontu waxa ay fahan kaa sii saa seben tegey, mid weli soo socda iyo saaka waxa jooga.

Soomaalida badankoodu waxa ay aaminsan yihiin in lacag badan horumar lagu gaadho, laakiin waa gedmasho maamin. Horumarka waxaa keena aqoonta, dhaqanka suubban, horumarka afka, iyo horumarka xirfadaha. Bulshooyinka carro-edeg waxa ay u kala horreeyaan sida ay ugu kala horreeyaan xagga aqoonta dunida, dhaqanka suubban ee bulshadooda, horumarka afka, iyo horumarka xirfadaha. Haddii aynu nahay Soomaalida waxa aynu ka qadnay walaxda sidaas u qaaliga ah. Haddii aynu tusaale u soo qaadano bulshooyinka ina la ayniga ah ee carro-edeg ku nool waxa ay innagaga horreeyaan aag kasta oo aqoon ama xirfad laga barto meesha aynu innagu aynu iska fadhino cidla ciirsila’. Dadyowgaas waxa aynu ku gaadhi karnaa innaga oo nafteena, dadkeena, iyo carruurteena u hurna xoogaa waqti ah oo aynu kor ugu qaadayno aqoonteena. Liibaane iskuday in aadan ka qadin walaxdaas qaaliga ah oo ka faa’iidayso ilayska aqoonta cusub ee carro-edeg dhex yaal oo aad farahaaga ku tiigsan karto.

Jaantuska soo socda waxa uu ku tusinayaa xilliyada socdaalka waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Ilays:

Gooraha wax dhigashada iyo fasaxyada Jaamacadda Ummadda Ilays ee sannad ollogeedka 2025/2026

XILLIGA 1AAD: DAYRTA (semester 1) 138 CISHO
Xilliga 1aad ee waxbarashadda waxa uu bilaabmaa 15ka August sannad kasta
Dhammaadka Xilliga 1aad 25ka December sannad kasta
XILLIGA 2AAD: DIRAACDA (Semester 2) 145 CISHO
Xilliga 2aad ee waxbarashaddu waxa uu bilaabmaa 15ka January sannad kasta
Dhammaadka Xilliga 2aad 25ka June sannad kasta
Fasaxyada guud, qaranka, iyo kuwa Islaamka
Fasaxa weyn ee Ilays 26da June ilaa 15ka August
Ramadaan 21da ilaa 30ka Ramadaan
Ciidda Fitriga 2 Cisho ka dib Ciidda Fitriga
Ciidda Udxada 2 Cisho oo Ciidda Carafa ka dambeeya
Ciidaha Qaranka Way kaladuwan yihiin

Xalka dhibaatooyinka bulshada

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay ardayda bartaa hal run ah oo haddii la fahmo xal u ah dhibaatooyinka degmadeena, dhibaatooyinka bulshadeena haysta, iyo dhibaatooyinka carro-edeg oo idil. Runtaasi waxa ay ku urursan tahay hal eray oo keliya. Eraygaasi waa “Waxbarasho”. Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay rabtaa in ay soo saarto dadka carro-edeg ugu waxbarasho fiican. Jaamacadda Ummadda Ilays waa midabka qurxinaya dhimirka iyo maaminta qofka. Midabkaas oo rasiin ah, isla kolkaana qaro weyn. Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay ka welwelsan tahay aayatiinka carruurteena iyo sida ay berri noqondoonaan waayo waxa aynu Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay ka welwelsan tahay aayatiinka carruurteena iyo sida ay berri noqondoonaan waayo waxa aynu halmaansanahay in carruurteenu dad yihiin iyo in kale.


Maamulka Jaamacadda Ummadda Ilays

Hoggaanka Jaamacadda Ummadda Ilays waxa uu u qaabaysan yahay sida soo socota:

  • Hormuudka Jaamacadda Ilays: Axmed Cali warsame
  • Maareeyaha Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Ilays: Ayaan Maxamed Nadiif
  • Xoghaynta iyo Diiwaanhayaha Jaamacadda Ilays: Axmed Jaamac Aadam
  • Arrimaha Waxbarashada: Cabdisalaam Maxamed Xuseen
  • Hormuudka Waaxda Maaraynta, Maamulka, iyo Ganacsiga: Maxamuud Cabdiqani Axmed
  • Hormuudka Waaxda Sayniska Abyan: Cumar Cabdiqani Xasan
  • Hormuudka Waaxda Shareecada iyo Ollogidda Islaamka: Cabdiweli Maxamed Cali
  • Hormuudka Waaxda Xogdhawrka iyo Farsamada Cusub: Cabdixaliim Aadam Cabdiraxmaan
  • Hormuudka Waaxda Adeegga Bulshada: Cabdiqani Muuse Cabdi Galaydh
  • Hormuudka Unuggu Aqoonta Caafimaadka: Xasan Maxamuud Xuseen
  • Hormuudka Machadka Afafka: Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed
  • Hormuudka Waaxda Farsamada Dhismaha iyo Naqshadaynta: Cabdikariim Maxamed Cabdiraxmaan

Aasaasayaasha Jaamacadda Ummadda Ilays

Jaamacadda Ummadda Ilays waxaa aasaasay Dalladda Waxbarashada Ilays. Dalladda Waxbarashadda Ilays waxa ay u adeegtaa dhammaan arrimaha waxbarashada ee Soomaaliya gaar ahaan gobolada Sool (Nugaal Sare), Nugaal, Cayn, iyo Sanaag waxa ayna ujeedadeedu tahay in ay daryeesho, kor u qaado, baylahctirto, waxbarto, tayeyso, isla kolkaana soo diyaariso dhammaan qalabka waxbarashada iyo manhajka ay u baahan yihiin. Guud ahaan waxa ay Ilays ku hawlan tahay adeega waxbarashada, horumarta arrimaha bulshada, iyo arrimaha noolaynta iyo ilaalinta deegaanka. Nidaamka waxbarashada Ilays waa mid u qaabaysan hab cusub oo la socda qaababka waxbarashada ee dunida ugu horumarsan. Nidaamkaas oo ay nasiib u yeesheen dadweynaha Sool (Nugaal Sare), Cayn, Sanaag, iyo Nugaal, waxa uu u qaybsan yahay sida soo socota:

  • Waxbarashada Aasaasiga (Primary Education)
  • Farsamada Gacanta (Vocational Training)
  • Waxbarashada Dugsiga Sare (Secondary Education)
  • Waxbarashada Dadka Waaweyn (College Education)
  • Waxbarashada Jaamacadeed (Higher Education)

Dhaqanka iyo Nolosha

Bulsho kasta oo adduunka soo martay waxa ay horumarisay qaabab nololeedyo ay kuwa ka dambeeyaa ka dhimbiilqaataan si ay iyaguna goortooda nolosha u horumariyaan. Sidaas awgeed dhaqanku waa sooyaal qaab nololeed oo bulsho horumarisay, isla kolkaana ay kuwa ka dambeeya ka dhimbiilqaataan. Dhaqanka bulshada hore waxa uu faa’iideeyaa in la helo qaabab nolosha horumarkeedu ka curto, iyo iyada oo bulshadu ka hesho dabar iyo silsilad dadka hab dhaqankooda ilaaliya. Haddii Allaah idmo waxa ay Jaamacadda Ummadda Ilays ku nuuxnuuxsanaysaa sidii ay u horumarin lahayd dhaqankeena, diinteena, afkeena, iyo hiddaheena. Bulshadu kolka ay horumar ka samayso dhanka dhaqanka iyo afka ayey horumar kale hiigsan kartaa. Sidaas awgeed Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay ujeedadeedu tahay in ay soo saarto aqoonyahano dadka iyo dalku u adeega oo baahida bulshada daryeela, laakiin ujeedada Ilays ma aha in ay soo saarto aqoonyahano daabax ah oo bulshooyin kale loo diyaarinayo in ay u shaqo tagaan. Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay doonaysaa in ay soo saarto aqoonyahano afka bulshada yaqaan, dhaqanka bulshada yaqaan, dhulka yaqaan, qaab nololeedyadii bulshada yaqaan, isla kolkaana aqoon ka soo qaatay qaab nololeedyada iyo nidaamada waxbarashada ee adduunka innagu ku xeeran.


Aqoonbaadhista Jaamacadda

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay u guntatey in ay xil weyn iska saarto dhammaan arrimaha horumarinta bulshada. Haddii Allaah (sw) idmo waxa ay jaamacaddu doonaysaa in ay hirgeliso aqoonbaadhis cusub si loo daryeelo ama loo horumariyo meelo badan oo arrimaha bulshada ah sida:

  • Cuntada iyo caafimaadka
  • Isticmaalka iyo tayada daawooyinka
  • Iskaashiga bulshada iyo danta guud
  • Horumarinta maamulka nafta iyo qoyska
  • Adeegsiga xisaabta iyo nolosha adduunka
  • Dhuxuldhagaxda iyo adeegsigeeda
  • Kulaylka kordhaya iyo cimilada adduunka
  • Cuduradda iyo caafimaadka
  • Fayadhawrka Barada
  • Sinnaanta iyo dabargoynta yasida
  • Qaadka iyo maandooriyayaasha kale
  • Horumarinta aqoonta iyo tayeynta nolosha
  • Horumarka sayniska iyo adeegsigiisa

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay wax badan oo aqoonbaadhis ah ku samaysay arrimo badan, isla kolkaana waxa ay u diyaarsan tahay sidii ay u horumarin lahay ama wax uga bedeli lahayd dooca iyo dareenka bulshada ee arrimaha kore. Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay diyaar u tahay in ay maskaxdaada iyo maankaaga ku shubto aqoon badan.

Liibaane fur maskaxdaada adiga oo baraarugsan si aad u qaadato aqoon cusub iyo xirfadaha taabagalka ah ee ay kuu diyaarisay Jaamacadda Ummadda Ilays. Ardayga raadinaya waxbarasho waa in uu ogaado in hanashada aqoontu u baahan tahay waqti dheer, dadaal badan, karti dardar leh, go’aan qaadasho adag, iyo halgan adag. Sidii Cali Dhuux Aadam yidhi: “Raacdadu hadday kaa dhab tahay Dhebi dagaalkeedu. Adoo dhididayaa loo ridaa dhamac rasaaseede.” Allaah (sw) waxa uu yidhi: kuwa Allaah (sw) xaggiisa iyo dartiis u dadaala waxa aannu ku hanuuninaynaa jidadkayaga toosan ee ay horumar ku gaadhayaan.


Kalbarashooyinka Jaamacadda

Jaamacadda Ummadda Ilays waxaa ka socda kalbarashooyin (courses) badan oo ardaygu ku hananayo shahaadada koowaad ee heer jaamacadeed (first degree bachelor) iyo kalbarashooyin kale oo ardaygu ku hananayo shahaadooyinka sannadlaha (diploma) iyo shahaadooyinka kalbarashada (certificate) oo u qaybsan kulliyadaha ay jaamacaddu ka kooban tahay. Guud ahaan waxaa Jaamacadda Ummadda Ilays ka baxa kalbarashooyinka soo socda:

  • Kalbarashada Maamulka, Maaraynta, iyo Ganacsiga (business administration and management course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Maamulka, Maaraynta, iyo Ganacsiga (business administration and management course) ee heerka shahaadada sannadlaha (diploma) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Xogdhawrka iyo Farsamada Cusub (computer science and new technology course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Aqoonta Sayniska Abyan (integrated science course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Adeegga Bulshada (social work course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Shareecada iyo Ollogidda Islaamka (Islamis study and Shariah course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Farsamada Dhismaha iyo Naqshadaynta (civil engineering and construction course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Afafka (language course) ee heerka shahaadada koowaad (first degree bachelor) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Kalkaaliyanimada (nursing course) ee heerka shahaadada sannadlaha (diploma) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Nafaqooyinka Cuntada (nutritional course) ee heerka shahaadada sannadlaha (diploma) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Daawooyinka (pharmaceutical course) ee heerka shahaadada sannadlaha (diploma) oo jamacadeed.
  • Kalbarashada Afafka (language course) ee heerka shahaadada sannadlaha (diploma) oo jamacadeed.

Shaqaalaha iyo ardayda

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay xidhiidh aad u dhow la leedahay ardayda iyo shaqaalaha jaamacdda. Jaamacaddu waxa ay u jajaban tahay oo u debecsan tahay dhegaysiga ardayda, daryeelka arrimahooda, iyo danaynta aayahooda. Jaamacadda waxaa qorshayaasheeda joogtada ah ka mid ah in kol kasta shaqaalaha Ilays ka yimaado oo laga soo xusho ardayda jaamacadda ka baxaysa ama ka qalin-abyeysa.


Dhaqaalaha Jaamacadda

Jaamacadda Ummadda Ilays waxa ay dhaqaalaha ka heshaa fadhiisinka laga qaado ardayda jaamacadda dhigata iyo dhaqaale ay ka hesho Dalladda Waxbarashadda Ilays. Jaamacadda Ummadda Ilays ma jirto wax dhaqaale ah oo ay ka hesho meel kale. Sidaas awgeed waxa aannu dadka deeq bixiyayaasha ah ka codsanaynaa in ay ka qaybqaataan horumarka jaamacadda iyo horumarka bulshadooda, si ayaaha dambe ee bulshadu u qaado ama u qabsado dhabo cad.

Heerka Jaamacadda

Annaga oo soo xiganayna xogta aannu ka hayno jaamacadaha dalka ee xagga gudbinta aqoonta, manhajka, dardargelinta, iyo dadaalka waxa ay u muuqataa in Jaamacadda Ummadda Ilays noqonayso kuwa heerka koowaad ee dalka. Hannaanka waxbarashada Ilays waa mid u qaabaysan hab cusub oo la socda qaababka waxbarashada ee dunida ugu horumarsan. Hannaankaas oo ay nasiib u yeesheen dadweynaha Sool (Nugaal Sare), Cayn, Sanaag, iyo Nugaal.


Xogta Xidhiidhka

Mareegta: www.ilaysacademy.org

Tebiye: +252 90 4048010 / +252 63 8769322

Saaqidda: ilaysuniversity@ilaysnationaluniversity.edu.so ama ilaysnatuniversity@gmail.com

Meesha dhabta ah ee Ilays laga helo: Loolka: 8.480 WB iyo Dhigta: 47.360 WB.