+252 90 4048010

biography

WAAYIHII ISMAACIIL MIRE CILMI

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: June 04, 2025


Ismaaciil Mire Cilmi waxa uu ahaa abbaanduulihii ciidankii gumaysi diidka ee geylankii Daraawiishta. Ismaaciil waxa uu ku dhashay agagaarka Ceelka Laasadaar ee deegaanka ka hooseeya Magaalada Widhwidh. Laasadaar imminka waa tuulo yar oo looga taliyo Degmadda Widhwidh. Ismaaciil waxa uu dhashay 1872dii. Sidoo kale waxa uu geeriyoodey guga la baxay Siigacase 1950kii.

Reer Mire waxa ay asalkoodii hore ahaayeen dad lo'ley ah. Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa kureydii lo'da wax ka raaci jirtey. Ismaaciil waxa uu gabayga bilaabay kuraynimadiisa. Gabaygii ugu horreeyey ee uu tiriyey waxa uu ahaa in habeen jiir ka cunay dabar, weylaalis, iyo kabo.  Isaga oo jiirkaas ka gabyaya waxa uu yidhi: 

Jilba gaabanow xalayto jiir jaan ma naga goostay. 

Weylaalis lagu jiifsado iyo dabar jaw ma siiyey. 

Weylaalistu waa maqaar aad loo megdeeyey oo jilicsan oo asalkiisa hore laga sameeyey weylo yaryar oo la qalay haragood. Ismaaciil Mire waxa uu guursadey saddex dumar ah oo kala ahaa: Faadumo Cali Maxamuud Dhoore, Dhiimo Cawad Cigaal, iyo Xirsiyo Nuur. Carruurta Ismaaciil Mire badankooda waxaa  dhashay Faadumo oo uu Xarunta Daraawiishta ku guursadey. Fadumo waxa ay dhashay: Jaamac, Cali, Khadiija, Warsame, iyo Maryama oo yaraan ku dhimatay. Cali waxa uu ka tagey gabadh keliya waana curadkii Ismaaciil Mire. Cali gabadhiisa waxaa la odhan jirey Caasha Cali Ismaaciil way dhimatay, laakiin carruurteedii baa joogta oo ilaa sideed qof ah. Warsame waxa uu dhalay labo wiil iyo gabadh dhammaantood way guursadeen oo carruur bay leeyihiin qiyaastii gaadhaya 20 carruur ah. Jaamac waxa uu ka tagey afar wiil iyo 7 gabdhood. Dhammaantood way tarmeen oo qof kastaa waxa uu leeyahay carruur badan. Reer jaamac oo keliya kolka la isku daro waa ilaa 70 qof. Khadiija waxa ay ka tagtay labo wiil iyo labo gabdhood oo mid kasta carruur badan leeyahay.

Xirsiyo waxa ay ka tagtay Axmed Ismaaciil Mire oo keliya. Axmed waxa uu dhalay 10 qof. Shan wiil iyo shan gabdhood. Dhammaantood waxa ay dhaleen carruur badan oo gaadhaysa ilaa 70 qof ama ka badan. Dhiimo waxa ay dhashay gabadh keliya oo la odhan jirey Weris. Weris waxa ay dhashay sagaal wiil iyo labo gabdhood. Taranta Weris Ismaciil Mire waxa ay qiyaastii gaadhaysaa ilaa 200 qof. Guud ahaan kolka la isku biiriyo isirkii Ismaaciil Mire waxa ay gaadhayaan ilaa 500 oo qof muddo ka yar boqol sanno bay intaas ku gaadheen. Taas waxa aynu odhan karaa waa arrin marag cad u ah barkhadii jihaadkii Daraawiishta. Qof kasta oo si dhab ah uga run sheeg u adeegga bulshadiisa iyo dalkiisa sidaas baa Allaah u barakaynayaa.

Ismaaciil waxa uu halgankii gobonimodoonka ee Daraawiishta ku biiray isaga oo da' sodonaad ah. Degmadooda dhexdeeda ayey ahayd meesha uu Sayid Maxamed ka abaabuley dhaqdhaqaaqii gobonimodoonka ee Daraawiishta. Ismaaciil waxa uu ahaa raggii ugu horreyntiiba u dheganuglaadey dhawaaqii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa raggii unkay unugii ugu horreeyey ee Daraawiishta. Maalintaas laga bilaabo ilaa 1920kii waxa uu ahaa ninkii hoggaanka u hayey ee abbaanduulaha ka ahaa ciidan kasta oo meel loo dirayo. Ismaaciil waxa uu ahaa ninkii Sayidka si gaar ah uga soocmay kumaan kunkii Daraawiishta ahaa ee uu hoggaanka u hayey. Duulaamadii Daraawiishta waa dhif iyo faro ku tiris ahaa mid Ismaaciil Mire ka maqnaa. 

Ismaaciil waxa uu ahaa nin aan u aabayeelin dhibta, guuraha, gulufka, iyo soo jeedka badan ee had iyo goor aloosan. Isagu waxa uu ahaa nin had iyo goor aan faraskiisa ka degin oo u taagan la dagaalanka gumaystayaashii dalka qabsaday. Gurigiisa inta uu u soo hoydey way tirsanayd. Sida la soo tebiyey waxaa la sheegaa in Ismaaciil oo hawl ku maqnaa soo galay Xarunta Daraawiishta. Kolkii xaaskiisii aragtay in uu yimid bay aqalkii iyo cunto u sii diyaarisay, laakiin kolkii uu sidaas isu soo taageyba waxa loo diray hawl kale. Sidoo kale waxa uu Ismaaciil u jeedaa diyaarowga xaaskiisa. Kolkaas buu intuu xaaskiisii u yimid buu gabaygan ku dul akhriyey.

Faadumoy fallaadkaygan baan fiiro kaa bariye.

In faseexad loo wadahadlay gobi ku faydaaye.

Fahmada adaan qaadan baad feedho hadashaaye.

Fillan naag taqaan waa Ibleys furuq Allaah u keenye.

Fidmadeeda xaajada adaa faraya shaalleeye.

Ferenjaan ilaalinahayaa foos ka soo baxaye.

Feddadaan wareegaa sidii farow ugaadheede.

Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye.

Fakayoonka iyo gaadhka badan feejigaan bidaye.

Xeedhyahan fandhaalaysan Faarac dambarkeeda.

Fujaamada la soo sidiyo foonka malabaysan.

Fartaydaa anaan saarin baan fuuli Looshaane.

Inaan adiga kaa fiigayaad igu filaysaaye.

Furuq igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye.

Ha furfurin dermada layga waa inaan fadhiistaaye.

Foolkii Astaadkaan ku helay faydo iyo kheyre.

Faataxo kolkuu ii maraan farax dhaqaaqaaye.

Ma fakhriyo Shareecada ninkii faraqa haystaaye.

Kolkii Ismaaciil gabaygaas tiriyey waxa loo sheegay Sayid Maxamed. Sayidku waxa uu Ismaaciil ku yidhi waar orod oo reerkaaga saddex bilood la joog oo fasax qaado.

Ismaaciil Mire iyo afar nin oo kale waxa ay ahaayeen ragga aad ugu heellan la dagaalka gumaystayaashii Soomaaliya soo galay sidaas awgeed waxaa aad u yarayd inta ay guriyahooda u soo hoydeen. Afartiisa wadeey ee kale waxa ay ahaayeen Axmed Xasan Aarey, Cali Gaas Gaaruf, Cabdi Xayd, iyo Axmed Qawle. 

Kolkii Daraawiishi jabtay waxa uu Ismaaciil ka mid ahaa dadkii faro ku tiriska ahaa ee Nugaal Godan ku soo hadhay isaga oo dhulka buuraleyda ah ku dhuumaalaysan jirey in kasta oo dhowr sanno ka dib la qabtay. Dhacdooyinkii Ismaaciil soo maray xilligii Daraawiish jabka ka dib waxa aynu ka soo qaadanaynaa dhowr arrimood.

Ugu horayn Ismaaciil waxa uu noqday reer miyi xoolo dhaqasho u dhaqaaqay isaga oo weliba ka dhuumaalaysanayey gumaystayaashii iyo askartooda. Kolkii uu muddo dheer sidaas ku sugnaa oo reerkiisii dib u dhisay baa la qabtay, laakiin waa la iska sii daayey oo wax badan la ma xidhin. Dhacdooyinkii Ismaaciil soo maray ee uu la yaabay waxaa ka mid ahaa: naagtii reer miyiga ahayd ee Ismaaciil ku eedaysay in uu xilligii Daraawiishka wiilasheedii ka laayey, arrintii dhex martay isaga iyo Carab Dheere oo aynu gadaal ka sheegidoono, kolkii Burco lagu soo xidhay ee lagu yidhi gaalka "sir" ku dheh si uu kuu siidaayo, arrintii yaabka lahayd ee isaga dilaaliinta Burco dhex martay, arrintii dhex martayb isaga iyo wiilkiisa Cali, iyo berigii uu bilaabay in uu caanaha geela ka caaganaado.

Labaatankii gu' ee dagaalka gumaysiga iyo jihaadka Daraawiishtu socdey waxaa dhacay wax weyn oo dad, duunyo, iyo degelba lagu rogmadey. Sidaas darteed waxaa adag in qalin lagu koobo ama af laga sheego, wixii dad la laayey, wixii haasahaasihii lumay, wixii qaniimo la qaaday, wixii duunyo la dhacay, wixii daar burburtay, gabal dhacay, iyo waa beryey wixii guuto gelinbaxaysey iyo wixii faras weerar u taagnaa. Halkan waxa aan soo qaadanayaa gabay yar oo wax ka tilmaamaya wixii dhacay. War tubtiisu run tahay waxaa lagu soo weriyey in Ismaaciil Mire iyo wadeeygiisii Xaaji Muxammad Cawl ay reer u soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtey waxa ay maagtay Ismaaciil Mire oo ku tidhi: Wiilashaydii adaa laayey, awrtaan ku guuri jirey iyo adhigaygii idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaadhey idinkaa ii geystey. Ismaaciil Mire waxa uu ka xumaaday hadalkii naagtu oo garaysanwaayey waayo waxa uu rumaysnaa in uusan u qoolmi karin wixii Daraawiish iyo uunka kale kala gaadhey. Sidaas awgeed waxa uu Ismaaciil Mire tiriyey tixda gabayga ah ee soo socota isaga oo wax yar ka tilmaamaya wixii dhacay, isla kolkaana ku halqabsanaya wadeeygiisii Xaaji Muxammad Cawl.

Gelin dhexe xalaan Muxammadow gaydhtay oo kacaye

Gam'ina waayey hadalkay i tidhi gacallow naagtiiye

Adigay gabley tidhi kolkaad guuto wadateene

Waxay tidhi adaa igu gondolay garangartaan iile

Waxay tidhi aday guridhigoo malihi gaadiide

Waxay tidhi adaa gelengel tubay garayartaydiiye

Waxay tidhi guyaalkii adaa gaajo ii dilaye 

Waxay tidhi gurboodkii adaa geesahaw dhigaye

Guhaadeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado

Gumburo iyo Cagaarweyne iyo geedkii Daratoole

Goobtii Jidbaale iyo Xargega guuldarradii joogtey

Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagey

Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooryaamay

Meydkii gabradey seerigay Good ku tumanaysey

Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo

Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday

Iidoor cayuun godan wixii gelin la weydaarshey

Shirshooraha gudbani caydh wuxuu gorof la meertaystay

Gadhcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshey

Gob ninkii ahaan jirey wuxuu gibil madoobaadey

Giddigiis naflaa'iga wixii gobolba meel aadey

Dayuuradaha gawliyo wixii samada guuraayey

Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray

Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda

Gembiga iyo jihaadkii arlada gaday wixii joogey

Gaalo iyo Daraawiish wixii uunka kala gaadhey

Keligey ma wada geysanine la isku geeryooye

Geyigii rogmadey oo dhan baad guudka ii sudhiye

Waxbana ha ii gurraynine denbaad galabsanaysaaye

Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye

Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye

Gambana kaama furan baan u fili gulufyadaydiiye

Naa hooy gefkiyo beenta daa yaadan gelin godadkii naareede. 

Goor ku beegan 1929kii baa Gumaysigii Ingriiska iyo Talyaanigu kala soohdimaysteen Geyiga Soomaalida oo la sameeyey diilinta u dhexaysa Waqooyiga iyo Koonfurta. Kolkaas baa gumaystayaashii amar ku bixiyeen in aanay jiridoonin cid soohdinta meesha ay ka joogto dhanka kale uga gudbi karta. Sida aynu og nahay Soomaalidu waa dad u badan reer guuraa oo xoolahooda hadba u naq raaca meeshii doog, baad, iyo biyo leh. Sidoo kale waxa aynu og nahay in Soomaalidu dhanka dirka iyo daabaanka aad isugu xidhan yihiin oo qofka Soomaaliga ahi meel kasta ku leeyahay dad ay isku dir iyo daabaan yihiin. Arrimahaasi kolkii ay dhaceen oo qof kasta lagu yidhi geelaagu u ma guuri karo meesha aad jeceshahay baa Ismaaciil Mire go'aansaday in uu lo' iyo adhi dhaqdo oo geelaba faraha ka qado. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in maalintaas laga bilaabo caanaha geela oo uu aad u jeclaa in uu ka caaganaado, cidna u ma sheegin in uu caanihii geela iska daayey. Maalin maalmaha ka mid ah baa Ismaaciil soo maray nin ay wadeey ahaayeen oo la odhan jirey Diiriye Xiireey. Kolkii Diiriye arkay Ismaaciil oo ku soo socda buu u soo godley hal madi ah si uu ugu liso. Kolkii uu caanihii u keenay buu ku yidhi Ismaaciil caanaha dhan. Ismaaciil inta uu caanihii madaxa ka ruxay buu tiriye gabayga soo socda: 

Hasha oloshey jeel iyo haraad yaan miduun helaye

Ama harag maqaar baa hor yaal hibasho waa dooge

Ama haaddu waxay sheegaysaa huudan la ogeyne

Ama hadowyo laga qaaday bay u hinganaysaaye

Wax la haaba hiijiyo ninkii hoos u tuur qaba e

Hinaasaha i galay reer tolkay hadibamaayaane

Dabagaal hidiiriyo arbaa haar ku laacdamaye

Hargaamooyinkii buu ku lumay hagafse qooq moodye

Rag ninkii xarrago hawkiyaba hoos nin baw rida'e

Hawraartu waw wada jirtaa hadalku reer Gaale

Hoog la ma qarsado waana taa Heetis loo faqaye

Hawadiisa dhigay geel kolkii loo habsadey Cayne

Horweyn moodhar Hawd iyo Nugaal dabo higgoonaayo

Oo hadal ku siman fookha wiil ka hindisoonaaya

Hantidiisa iyo waa bilaash hibo nin moodaaye!

Caligeri hawdkaa degaa haw haloosiyo e

Madheedh hayla hadowgey jeclayd Halow ha daajeene

Hareeraha intay kaga tubaan ha ugu heeseene

Intay habi la'aan ugu tabcaan ha u hayeen awre

Hanqadhkii hoglaha doox ka da'ay ha u hilaadsheene

Nirgo hootanuug hawga dhigo hodon sidiisiiye

Habryoonis sidii ay yihiin ha u haleesheene

Hablo dhalada say wax u hayaan ha u hawoodeen

Haasaawaha haysaga rideen harada Ciideede

Hawraarsan mooyee haddii muran hagaafeeyey

Qabiilkii hundo ahaa haduu hiil is gelin waayey

Habeenkahadhka haamaha qotoma halab karuurkeeda

Intaan haaliguu ridahayuu igu habboonaaye

Dirirteeda anigaan holayn ka hagro waa ceebe

Heensaha intaan daba sidee horor ku qaadaayey

Aan kii hayaba dhaafin jirey kama harraadnayne

Hadduun baan hawaarsadey sidii habaryartay Dhoole

Wiilyahow Hadhuubka iga qaad yaan huqda u dhimane!

Ismaaciil Mire waxa uu ahaa nin iloodi ah oo meel dheer wax ka arka oo ka odorosa. Ismaaciil waxa uu wiilkiisa ku arkay dhaliilo badan oo la yaab leh, isla kolkaana qof wax dhalay saluugo. Wiilkiisa waxaa la odhan jirey Cali. Cali waxa uu ahaa nin ay ka muuqato in aannu u diyaarsanayn halganka nolosha. Ismaaciil oo wiilkiisa u tilmaamaya dhaliilihiisa iyo in uu hurdada ka kaco waxa uu yidhi: 

Caliyow xasuus kugu dullee weled xumaadaaye

Xaluun baan xadiis gabay la kacay oo xafiiltamaye

Dhaqashaba ha xaalaysanine maqal xuruuftayda

Cabdi iyo Xuseen iyo Xirsi kaa xusuus badane

Xiniinyaalihii kula sinnaa xoogsi buu tageye

Xaska qabada niman baa guboo soo xantoobsade 

Niman baa xeryaha deyrka dhiga ximankii toomoode

Liiraha rag baa Xamar u tagey xeeb intuu maraye

Niman baa dayuurado ku xidhan xiima samadaase

Niman baa xijiga iibsadiyo xabag dhunkaaleede

Niman baa xaraabada galoo xoolo saanyada e

Niman baa xarrago quudhsadoo xaarka iibsada e

Hablaha Xuurulcaynta rag baa xeel ku guursado e

Niman baa xafaarka u guntaday oo xabaal qodo e

Sodon gu' baan ku xaasaanshey iyo weliba xaabxaabe

Wax dhaaxaan xagaagii wan weyn xawda kuu jaraye

Wax dhaaxaan sidkaha kuu xayiray xaas walwaalada e

Wax dhaaxaan sengaha xoodiyoon kuu xabaadh ridaye

Xaawaley kolay tahay dad waa xagaftamaayaaye

Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa xaaxayow toose

Xag uun labada daarood ku daran hays xakabin meele.

Kolkii Ismaaciil gabaygaas tiriyey wiilkii waa uu dhaqaaqay ilaa iyo hadda indhihii baa loo la' yahay. Ilaa hadda ma jirto meel la og yahay ninkaasi ku sugan yahay nolol iyo geeritoona. Berigii hore kolka qofku meel bayuur ka raacdo waa uu ka dheeraan jirey. Sidoo kale nin lagu yidhi xaaxayahay toos waa ay adkayd in uu Nugaal Godan ku sii noolaado.

Xilliyadii dambe ee laga yare bogsadey dhibaatadii gumaysiga gaadhsiiyey bulshada Dooxada Nugaaleed, baa Ismaaciil Mire u safray reeraha oo aadey Magaalada Burco. Ismaaciil waxa uu sii kaxeeyey xoolo daabax iyo ahmin ah si uu lacagta uga iibiyo dhar, cunto, iyo waxyaalaha kale ee ay magaalada uga baahnaayeen. In kasta oo Ismaaciil ahaa nin iloodi ah haddana ma ahayn nin wax weyn ka garanayey dhaqamada ganacsiga ee gumaysigu keenay sida dilaalka, wax kala gadshada, iyo wax kala iibsiga. Isla kolkaana waxa uu ahaa nin hor Allaah oo aan tiradaba ku darsan in dilaaliintu mardabayndoonaan. Kolkii uu xoolihii keenay waxaa laqdabeeyey dilaaliintii oo lacagtii dadku lahaa ka cunay. Kolkaasu xilli dambe ogaadey in uu dhacan yahay. Ismaaciil waxa uu reerihii ku soo noqday isaga oo la dhacay oo aan waxba sidin. Kolkii la warsaday waxa uu ku warceliyey gabayga soo socda:

Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto

Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede

Adduun buu lahaan jirey raaggaan ka isirraa waaye

Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane

Mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline

Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye

Albaabkii Burcaan tagey anoo aaladii sida e

Amminkiiba lay yimid sidii eegta lay yahaye

Ooggii horey nagu kaceen adhi dilaalkiiye

Dad iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye

Amakaagay goortay wankii adhaxda tuujeene

Intaa weeye iyo ma ahadii la is ilaaqaayey

Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye

Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye

Il maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye

Afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene

Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye

Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene

Usha jeedal iyo suufaf bay igu ilaaweene

Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya.

Ismaaciil Mire waxa uu leeyahay tiro badan oo gabayo ah. Isagu waxa uu ahaa nin si fudud u soo gudbiya hadal murti ah oo xeeldheer oo qof kasta macnahiisa dhuuxi karo. Gabayadiisa murtida ah waxaa laga helaa waano iyo wax u sheeg odaynimo qof kasta qaadan karo. Ismaaciil ma ahayn nin isla weyn oo murtida afkiisa lagu tiray la masuuga. Gabayadiisa ku ma furfuri jirin arar dheer oo faan ah haddii uu yeelana ka ma badin jirin labo ama saddex meeris, laakiin ma aha arrin loo qaadan karo aqoon yari ama afgaabni. Sideedaba ararta dheer ee maansada lagu furfurto ma ina tusinayso in qofkaasi maanso yahan yahay, laakiin waa arrimo la xidhiidha faan iyo is muujin. Arar la'aanta maansooyinka Ismaaciil Mire waxa ay ka ahayd isbihinbihin (self-denial) oo ah astaan lagu yaqaan qofka aqoonyahanka ah. Nin gabyaa ahaa oo la odhan jirey Calidhuux baa u qiray Ismaaciil in maansooyinkiisu aannay midh turxaan ah lahayn isaga oo yidhi:

Ba'da gabayga Ismaaciil Miraa buuni ku ahaaye.

Beyd uu akhriyey ma odhan yaa bedela kaase.

Ismaaciil ma ahayn nin gabayga doondoona oo erayba eray ku soo toosiya, laakiin waxa uu ahaa nin durbadiiba tixda u yidhaahda sidii uu u rabey si loo bogona u yidhaahda. Sidoo kale ma ahayn Ismaaciil mid murtida iyo maansooyinka marintooda ku xidha in dheef la siiyo. Ismaaciil ma jeclayn in uu dadka madaxda ah maanso ku maaweeliyo, laakiin waxa uu ahaa mid la nool dadweynaha caadiga ah, carruurta, haweenka, dhallinyarada, geeljiraha, iwm. Berigii Daraawiish jabka baa Gumaysigii Ingiriisku Ismaaciil ku soo xidhay Magaalada Burco. Kolkaas baa lagu yidhi waar gaalku ha ku siidaayee "sir" ku dheh. Kolkaas buu yidhi sayidii afkii aan ku idhi sir ku odhanmaayo. Weligeed hal kol oo keliya bay dhacday in nin madax ahi ku yidhi ii gabay. Kolkaas buu isagii isku la rogey oo gabaygii ku guhaamey.

Qore - Cabdisalaam Maxamed Xuseen