+252 90 4048010

education

XIL IYO XEERBEEGTI

By: Cabdisalaam Maxamed Xuseen

Last update: November 14, 2025


XIL IYO XEERBEEGTI 

Ustaad Caalin oo ahaa aqoonyahan magac dheer ka lahaa Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole ayaa jiifto yar tiriyey isaga oo tilmaamayo arrimo badan oo ay ka mid tahay nabadda, jaranjarada qaranka ee barwaaqada lagu gaadhayo, jaranjarada tolka ee qabiilka iyo qabyaaladda ku dhisan ee qaran diidka ah. Sidoo kale waxa ay labada jaranjaro tilmaan ka bixinayaan jaadadkii hore xeerbeegtida Soomaalida. Jiiftada waxa uu Ustaad Caalin tiriyey 1993dii kolkii ciidamadii nabad ilaalintu ku hungoobeen Soomaaliya. Ustaad Caalin waxa uu yidhi: 

Kolkay nabaddu taban tahay

Tusmo weeye labo oo

Waxaad taas ku garataa

Quruumihii tab iyo xeel

Xamar ugu talaabsaday

Waxba toosin waayoo

Butrus waxa uu ku talogalay

Inay taabbageliyaan

Tuhunkii ku beenow

Inay kala tagaan bay

Taladii ku goosteen

Kolkay nabaddu togan tahay

waxaa lagu tilmaamaa

Qof baa laga tixraacaa 

Qoys bay u tarantaa

Bulsho tanaad ahaataa

Qarankay tageysaa

Taam bay ku noqotaa

Waa lagu tixgeliyaa

Toobiyaha adduunkaa

Tigaad lagaga daaqaa

Tilmaan labo ah weeyoo

Sidaas bay u taallaa. 

Xogta ku qoran jaranjarada tolka iyo jaranjarada qabiilka waxa laga soo xigtey Khaalid Caliguul Warsame oo ahaa qoraa caan ah iyo Maxamed Cali Weji oo ka mid ah barayaashii jiriidada ahaa ee ilaa xilligii gumaysiga wax dhigayey. 

Kolka la cuskado raadraaca taariikheed waxaa muuqata in muddo dheer aannay Soomaalidu yeelan dawlad dhexe oo talada guud iyo maamulka dalka qabata intii ka horreysey 1960kii. Hase yeeshee waxaa jirey talis gobolleedyo ilaa boqolaal sanno soo jirey oo kuwii ugu dambeeyey ay soo gaadheen qarnigii 20aad oo gumaysigu buriyey. Sidoo kale waxa uu raadraaca taariikhdu sheegayaa in Soomaalida taliskooda rasmiga ahi ku salaysnaa xeer dhaqameed iyo sharci samaawi ah iyo iyaga oo ugu dambeyntii Shareecada Islaamka qaatay. Soomaalidu waxa ay lahayd xeer iyo qaanun loo siman yahay oo sida dastuurka loogu dhaqmo. Xeerarkaasi waxa ay u qaybsanaayeen xeerka guud ee tolalka oo dhan ka dhexeeeya iyo xeer hoosaad gobol kasta gaar u leeyahay. Sidoo kale waxa ay u sii kala bixi jireen: xeer miyi iyo xeer magaalo. Xeerka miyiga waxaa ku dhaqmi jirey reer guuuraaga iyo wixii la xidhiidha. Xeerka magaaaladana waxaa ku dhaqmi jirey maguurtada iyo wixii la xidhiidha.

Haddaba sida taariikhda iyo xog dhaqameedku sheegayso ama abtirsiga iyo magacyada awooowayaashii hore laga ogaanayo habdhaqanka qabiilku waa innagu cusub yahay. Hannaanka qabiilka hadda jira waxaa da'diisa lagu hilaadiyaa xilliyadii fiditaanka Islaamku hoos u dhacday. Isla markaana waa kan Soomaalida ka hortaagan in ay qaran weyn noqdaan. Hannaanka tolalka ee Islaamka ka hor waa uu ka yare hufnaa kan maanta joooga. Tolka waxaa u talin jirey madax la doortay oo laga dambeeyo. Tol kasta waxa uu lahaa guurti iyo rag talada looga dambeeyo magac kastaba ha lahaadeene sida: boqor, garaad, suldaan, imaam, beeldaajiye, malaaq, wabar, iyo magacyo kale oo ahaa wax soo jireen ah oo aan laga daba hadli jirin haddii la jabayo iyo haddii la guulaysanayaba. Golayaaasha iyo geedkana looga kici jirey, garta iyo taladana looga dambayn jirey. Talada kama dambaysta ahna goyn jirey. Raggaas waaweyn iyo kuwo aan ka dhicin ayaa tan iyo xilli hore talada Soomaalida waaqlayn jiray. Haseyeeshee gumaysigii dalka ku habsaday baa weji kale u yeelay oo haybadii ay dadweynaha ku lahaayeeen burburiyey. 

Ku ma doodayno qabiil iyo qabyaalad baa wanaagsan haseyeeshee sidii waagii hore lagu dhaqmi jirey iyo sida hadda loo dhaqmo waa labo heer oo kala hufan. Hannaankii tolalka ee Soomaalidu waxa uu soo maray saddex heer oo kala ah: 

1. Xiligii Islaamnimada ka horreeyey  - Tolalku dan iyo deegaan ahaayeen.

2. Xilligii aynu Islaamnimada qaadanay Shareecada Islaamka.

3. Xiligii Islaamnimadu hoos u dhacday ee gumaysigu soo galay ilaa hadda.

Saddexdaas heer waxa uu ku dhaqanka qabiilku ugu xumaa kan ugu dambeeya ee ilaa iyo hadda jooga. Sidaas awgeed waxaa isku qasmay siyaasad, qaran, qabiil, iyo arrimihii bulshada. Haddaan faallo gaaban ka bixino qabyaaladda iyo dhibaatooyinkeeda waxa aan ku tilmaami karnaa shaydaan qaawan, qoor madow, fool xun, geeso badan, dhega dhaadheeer, indho dhiig leh oo galaalan. Qabyaaladaas oo wixii arkaaba ay ka acuudu billaystaan. Ogow dhibaatada ugu weyn ee qaran dumiska waa qabyaaladda. qabyaaladdu waa dhaqan ay bulshooyinkii hore ee jaahiliga ahaa ku rogmadeen, kuwa hadda joogana qaarkood halis ku haya sida Soomaalida. Qabyaaladdu waa cudurka koowaad ee Soomaalida gablamiyey ee asaageed ka reebay. 

Qaabkii xidhiidh bulsheedka ee hore waxa aynu ku qeexaynaa in uu ka koobnaa saddex qodob oo kala ah: maydhax, suun, iyo silsilad. Maydhaxdu waa saaxiibtinimada bulshada dhexdeeda ka jirta. Maydhaxdu waxa ay dheef badan tahay inta ay qoyan tahay sidaas awgeed waa in saaxiibtinimada bulshada dhexdeeda ka jirta lagu ilaaliyaa weji furaan, xaasidnimo la'aan, is maqal, dan wada ilaasasho, isu hurid, barkhadda oo la isla jeclaado, iwm. Haddii aannay bulshada dhexdeeda wadeeynimo guud ka jirin waxa uu kala faa'iidaysigeedu u yaraanayaa sida maydhaxda dheefteedu u yaraato kolka ay qalasho. 

Suunku waa xididtinimada bulshada dhexdeeda ka jirta iyo sida la isugu xeeriyo. Xididtinimadu waa hab iyo hannaan bulshada ka dhex jira oo la isku maamuuso. Sida suunku ugu baahan yahay in aan Qorrax la dhigin, in aan la baylihin, in dufan ama asal la mariyo ayaa xididtinimaduna ugu baahan tahay dhayid, koolkoolin, milgo, maamuus, is xaq dhawr, iwm si loo ilaaliyo xidhiidhka bulshada, is dhexgalkeeda, kala faa'iidaysigeeda, iyo in suun adag isu hayo. Sida suunku u baylahoobayo haddii aannu helin waxyaalaha uu u baahan yahay, ayaa bulshadana xidhiidhkeedu u xumaanayaa haddii aan xididtinimada maamuuskeeda la ilaalin. 

Silsiladu waa xidhiidhka tolnimada ee bulshada ka dhexeeya ka jira. Silsiladu waa ay adkaysi badan tahay oo hore u ma kala go'do, laakiin haddii aan daxalka iyo baalinimada laga ilaalin ugu dambayn waa ay go'aysaa. Sidaas awgeed tolnimadu waxa ay u baahan tahay in hagardaamada ama waxyeelada laga dhawro.

Bulshada Soomaaliyeed oo ka mid ah dadyowga adduunka ugu da'da weyn, waxa ay lahaan jirtey hannaan dhismo bulsho oo isku xidha bulshadoo dhan. Isku xidhkaas oo looga faa'iidaysan jirey horumarka arrimaha bulshada, horumarka maamulka iyo maaraynta, horumarka dhaqanka iyo hiddaha, horumarka diinta iyo caadooyinka, horumarka dhaqaalaha, horumarka xeerka iyo kala dambaynta, horumarka xasilloonida bulshada, arrimaha nabadgelyada, iwm.

Xog dhaqameedka bulshadu waxa ay inoo iftiiminaysaa in qaab dhismeedka bulshadu hadda isugu xidhan tahay iyo qaab dhismeedkii hore in ay kaladuwan yihiin. Bulshada Soomaaliyeed waxa ay hadda isugu xidhan tahay qaab dhismeed la yidhaahdo qabiil oo ku salaysan qolo iyo qabyaalad. Laakiin waagii hore waxa ay bulshadu isugu xidhnayd qaab dhismeed la odhan jirey Tol oo ku salaysnaa dan iyo deegaan ama talo wadaag iyo tolnimo. Kolkii hannaanka qabiilku soo ifbaxay, waxaa is bedel ku dhacay macnaha erayada qaarkood, tusaale ahaan: erayada gob iyo gun waxa ay lahaan jireen macnayaal ka duwan kan hadda loo yaqaan. Gob waxaa loo aqoon jirey qofka madaxda ah ee la doortay ama la caleemo saaray. Gun waxaa loo aqoon jirey dadweynaha wax doortay oo idil. Laakiin kolkii nidaamku qabiilku soo baxay eraygii gob waxaa loo isticmaalay qolada sare ee bulshada. Eraygii gunna waxaa loo adeegsadey bulshada inta la yaso ee la liido. Tafsiirka erayadaasi waxa uu inoo bidhaaminayaa in hannaanka qabiilku wax badan oo wanaag ah galaaftay. Labadaas qaab dhismeed waxa aynu u bixinaynaa Jaranjarada Tolka iyo Jaranjarada Qabiilka. Jaranjarada Tolku waxa ay u gudubtaa qaran iyo dawlad. Dadku marka ay isugu xidhmaan dan iyo deegaan waxa ay u horumaran dhanka qaran tanaaday iyo dawlad sal ballaadhan. Laakiin Jaranjarada Qabiilku waxa ay bulshada kala dagaalantaa in ay dadku qaran iyo dawlad noqdaan. 

Khaalid Caliguul Warsame oo la hadlaya dhallinyarada qurbaha ee Soomaalida waxa uu yidhi: 

Kol haddaad ka dheer tahay dhulkaw dhalatay ciiddiisa. 

Ama aad dhex joogtoo intaas dhagar la meerayso. 

Dhegxumo, dhibaato, iyo ciil dhaaxa waad arage. 

Iska dhawr abaalkaad dhacdaa dhuuxa kaa jebine. 

Qabiil waa dhagraayee haddaad hiil u dhinac saarto. 

Goortuu adduunyada dhur iyo dhaqan ku weydaarsho. 

Aakhiro cadaab lagu dhiguu kuula dhaadhiciye.

JARANJARADA TOLKA 

Tolku waa bulsho isku xidhan oo wadaagta deegaan, ceel iyo carshin (daaqsin), isla kolkaana dhaqan iyo xeer ay wada dhigteen ka dhexeeyo. Tolku waxa ay wada ilaashadaan dantooda guud. Erayga tol waxa uu ka soo jeedaa wax la isku tolay oo isku dhegan. Habka tolka waxaa laga dhadhansanayaa in ay tolka ka dhexayso dad, deegaan, xeer, iyo maamul wadaag. Jaranjarada Tolku waxa ay ka alkumantaa qof, jees (qoys), tis ama ood, duddo, degsiimo, beel, xero, dab (bulsho), iyo ugu dambayn waxa u gudubtaa qaran.  

Qof: waa mid keliya oo suko ah. Qofku keli ahaan waxba u ma qabsan karo ilaa uu taageero iyo tabantaabo ka helo cid kale. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa "Far keli ahi fool ma dhaqdo,""Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan," iyo "Inta qof dhibtaa tol ma dhibto." Qofku keligiis ma noolaan karo!

Jees: waa hal aqal ama hal reer oo keligood meel deggan. Jeesku waxa uu ka kooban yahay nin, naag, iyo carruurtooda. Jeesku waxa uu noqon karaa xoolo dhaqato, beeraley, ama reer magaal. Jeeska waxaa hoggaamiya odayga. Jeesku waxa uu leeyahay dhul fadhiido ah oo uu deggan yahay.

Tis ama Ood: waa dhowr jees oo meel wada degan oo gaadhaya ilaa toban aqal ama reer. Ood waxaa u taliya Dabshide oo ah ninka ragga ugu filka weyn. Dabshidaha waxaa loo sameeyaa ardaa ama heel ama gole uu ku talabixiyo oo dadka talada ku siiyo. In erayga tis ama ood uu ku jiro afkeena iyo dhaqankeena waxaa u marag ah gabayga soo socda: "Tis is jecel oo dar Allaah tigimada u aastay. Waa taws adduun maalintay kala toloobaane. Hadday kala tagaanna waa tag iyo leeleele."

Duddo: waa dhowr tis ama oodood oo dhul isu dhow deggan. Tiska waxaa u taliya duq la yidhaahdo Duub oo loo doortay talabixinta, nabadda, iskaashiga, is tabantaabinta iyo xidhiidhka dibadda ee dudadaas ka baxsan. In erayga duddo ku jiro afkeena iyo dhaqankeena waxaa u marag ah gabayga soo socda: "Anoon diririn waa ridi karaa dakharo waaweyne. Duddo nabad ah waa gelin karaa dab iyo baaruude. Dadka Eebbahay caabudkiis yaan isaga daayey."

Beel: waa dhowr tis ama oodood oo degan dhul ballaadhan oo aan cidi u dhexayn. Beeshu waa halka ay ka curato xeer dejinta u dhexaysa beelaha, sida xeerka ceelka, xeerka carshinta, xeerka taliska arrimaha dadka, iyo xeerka guddoonka iyo talada. Beel waxaa u taliya nin la doortay oo la yidhaahdo Beeldaajiye oo loo doortay talabixinta, guddoonka, nabadda, iskaashiga, is tabantaabinta iyo xidhiidhka dibadda ee beeshaas ka baxsan.

Degsiimo: waa dhowr beelood oo isku xidhan oo xarun maamul oo dhexe leh. Degsiimadu waxa ay leedahay soohdin u gaar ah iyo dhul loo yaqaan in ay ka taliso. Degsiimada waxaa hoggaamiya Gole Guddi iyo nin la xushay oo la yidhaahdo wabar oo loo doortay talabixinta, guddoonka, nabadda, iskaashiga, is tabantaabinta iyo xidhiidhka dibadda ee degmadaas ka baxsan. Wabarku waxa uu dhexyaal u yahay dhammaan inta beelood ee degsiimadiisa ka tirsan. Wabarku waxa uu leeyahay la taliyayaal ka socda beelaha kaladuwan ee degsiimadiisa.

Xero: waa dhowr degsiimo oo isku soohdin ah isla kolkaana hal xarun iyo shir guddoon dhexe leh. Xero waxa ka aasaasmi kara dawlad yar ama maamul yar. Xero waxaa lagu dhaqaa xeer hoosaad degsiimo kasta u gaar ah, iyo xeer guud oo degsiimooyinka oo dhan ka dhexeeya. Xero waxaa hoggaamiya Gole Guurti iyo nin la doortay oo la yidhaahdo ugaas ama garaad. Degsiimooyinka isku xerada ahi waxa ay noqon karaan kuwo kala abtirsi ah, kuwo isku abtirsi ah, ama kuwo toloobey oo degsiimo cusub ku soo biiray. Xeradu waxa ay leedahay siyaasad u gaar ah iyo hab dhaqan dhaqaale oo ku salaysan hannaanka dhulkaas looga nool yahay. Xeerarka ilaa hadda lagaga dhaqmo geyigeena waxaa badankooda sameeyey maamuladii xeryaha ahaa ee geyigeena ka jiri jirey boqolaal sanno ka hor sida: Xeer Bunti, Xeer Tiirriyaad, Xeer Madanle, Xeer Ciise, Xeer Daarood, Xeer Hawiye, Xeer Dir, iyo Xeer Digil, iyo Xeer Midhifle, iwm. 

Dab: waa dhowr xero oo midoobey. Erayga dab waxa uu kale oo la macno yahay erayga bulsho. Erayga dab waa halka ugu dambaysa Jaranjarada Tolka. Haddii bulshadu ka gudubto hannaanka dabka, waxa ay u gudbaysaa Qaran. Hannaanka Dabku waa hannaan da'weyn oo Buntiyiintu isticmaali jireen kumaan kun sanno ka hor. Kolka ay bulshadu soo gaadho hannaanka dabka waxaa u talin jirey Gole Dadweyne oo la yidhaahdo Gole Xeerbeegti iyo nin la doortay oo la yidhaahdo malaaq. Golaha Xeerbeegtida iyo malaaqa waxaa si wadajir ah u wada dooranaya xeryaha midoobey. U codaynta malaaqa waxaa la yidhaahdaa caleemasaar iyo caano ku shub. Laga bilaabo maalinta la caleemasaaray, waxa uu malaaqaasi u dhexeeyaa xeryaha midoobey. Malaaqu waxa uu awooddiisa ku waayi jirey in uu Allaah (sw) caasiyo, in uu gar eexo naqo, ama nin jeclaysi lagu arko, iyo in uu dadka si siman u maamuliwaayo. Inta badan Golaha Xeerbeegtidu waxa ay ahaayeen kuwii hoggaamin jirey talada rasmiga ah ee bulshada. Xeerka guud ee dababka Soomaalidu waxa uu ahaa sida soo socota:

Haddii mid ka mid ah dababka Soomaaliyeed dibada lagaga soo duulo in si wadajir ah loogu gurmado oo la difaaco jiritaankooda.

Haddii mid ka mid ah dabadka Soomaaliyeed ay ku dhacdo dhibaato sida: cuduro, daadad, foore, abaaro, iwm in si degdeg ah loogu gurmado si looga taakuleeyo dhibaatadaas.

Haddii labo dab oo Soomaaliyeed dagaalamaan waa in si degdeg ah loogu gurmadaa si loo bakhtiiyo dagaalka iyo colaadda, isla kolkaana waa in lagu dirqiyaa sidii nabad iyo deris wanaag loogu soo dabaali lahaa.

Qaran: waa dabab midoobey oo isu tagey. Qaranka waxa ay bidhaantiisu soo muuqan jirtey kolkay labo dab iyo ka badan midoobaan. Kulanka lagu go'aaminayo dhisme qaran waxaa la odhan jirey "shir qaran." Qaranku waa dhisme dawladeed oo u dhexeeya dabab badan iyo bulsho ballaadhan. Qaranka waxaa ka arrimiya gole la doortay oo la yidhaahdo Gole Qeydo iyo boqor la caleemasaaray. Had iyo goor waxaa boqorka loo caleemasaari jirey malaaqa ugu da'da weyn dababka midoobaya. Golaha Qeydada waxaa dooran jirey dababka qaranka dhisanaya. Golaha Qeydada ee qaranka waxaa ku jira dhammaan malaaqyada dababka kaladuwan ee midoobey. Erayga qaran waxa kale oo ay Soomaalidu u taqaan geedka Galleyda ee sabuulkiisii ku yaal. Geedkaas xubnihiisu waxa ay tilmaamayaan Jees ilaa Dab. Sabuulkuna waxa uu tilmaamaya qarankii. 

Golaha Qeydadu waxa uu inta badan ka koobnaan jirey todoba maamuus oo kala ah:

Boqor la caleemo saaray oo malaaqa ugu da'da weyn dababka midoobey.

Aw buuni ah oo diinta si fiican u yaqaan. Dab kasta waxa uu soo dirsan jirey nin arrimaha millada wax ka yaqaan.

Birjeex geesi ah oo dagaalyahan ah. Dab kasta waxa uu soo dirsan jirey nin arrimaha dagaalka wax ka yaqaan oo geesi ah.

Baxdow deeqsi ah oo hantidiisa lagu soo tubado. Dab kasta waxa uu soo dirsan jirey nin hantiile ah oo deeqsi ah.

Xeer beegte dad, dal, iyo duni yaqaan ah. Dab kasta waxa uu soo dirsan jirey nin xeerka, dadka, iyo dalka aqoon fiican u leh.

Baane abwaan ah oo hal abuura suugaanta, isla kolkaana madhxiya hiddaha. Dab kasta waxa uu soo dirsan jirey nin abwaan ah.

Buuro riix samo taliye ah. Dab kasta waxa uu soo dirsan jirey nin arrimaha bulshada wax ka yaqaan oo samataliye ah.

Dhismaha bulshada jaadkaas ah waa kan Bulshada Soomaaliyeed ku soo nabad iyo caano maashay ee ay ku dab iyo reer keentay. Hannaanka Jaranjarada Tolku waxa uu si rasmi ah u burburay kolkii Geyiga Soomaalida Islaamku soo galay ee dadku Islaamka qaateen. Hannaanka Jararjarada Tolka waxa uu hoos u sii hoobanayey laga soo bilaabo qarnigii sideedaad ilaa qarnigii 17aad. 

JARANJARADA QABIILKA

Laga soo bilaabo xilligii Islaamka xoogga lahaa ee uu geyigeena soo galay oo ku aaddan qarnigii sideedaad ilaa laga soo gaadhayo gebagebadii Jihaadkii Axmed Gurey oo ku aaddaan dhammaadkii qarnigii 17aad, waxa ay dadku haysteen caqiido xooggan iyo Shareecada Islaamka. Laakiin Jihaadkii Axmed Gurey ka bacdi waxaa bulshada Soomaaliyeed ku dhacay burbur diineed kaas oo sababay in dadku jahli dib ugu noqdaan, isla kolkaana waxaa hoos u dhacay ku dhaqankii Shareecada Islaamka. Jahliga loo noqday waxa uu sababay in dadku samaystaan hannaan cusub oo ku salaysay qolo iyo qabyaalad. Hannaanka qolada iyo qabyaalada waxa ay Soomaalidu ka soo dhimbiil qaateen waxyaalo ka soo gaadhey dhaqankii Carbeed ee jaahiliga ahaa ee ku salaysnaa qabiilka, waxyaalo ay weeciyeen oo ay ka soo dheegteen Diinta Islaamka, iyo waxyaalo  ay ka soo dheegteen hannaankii tolalka ee Islaamku dumiyey. Hannaanka dambe ee Jaranjarada Qabiilku waxa uu guud ahaan ku salaysan yahay hannaankii qabiiliga ee Carabta. 

Jaranjarada Qabiilka iyo Qabyaaladdu wixii ay samo iyo xumaan lahaayeen waxaa dab ku shiday gumaystayaashii reer galbeedka ee geyigeena soo galay. Hannaanka qabiilka iyo qabyaaladu waxa uu Geyiga Soomaalida qabsaday dhowrkii qarni ee ugu dambeeyey, kaas oo noqday wax cid kasta oo wax na yeelaysa adeegsato oo cid kasta noogu soo gabato, isla kolkaana ka xoog batay dadkii dhaqanka, dadkii diinta, aqoonyahanadii, iyo cid kasta oo talaqabeenimo lagu tuhmayey. Jaranjarada Qabiilku waxa ay ka alkumantaa:

Qof: waa mid keliya oo suko ah. Qofku keli ahaan waxba uma qabsan karo ilaa uu taageero iyo tabantaabo ka helo cid kale. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa "Far keli ahi fool ma dhaqdo,""Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan." iyo "Inta qof dhibtaa tol ma dhibto." Qofku keligiis ma noolaan karo!

Qoys: waa halka laga bilaabo jaranjarada qabiilka. Qoys waxa uu noqon karaa oday, xaaskiisa, iyo ilmihiisa. Qoysku waxa uu jeeska kaga duwan yahay in aannay lahayn dhul fadhiido ah oo lagu xisaabtamo. Qoys waxaa wada sheegan kara dad meelo kaladuwan jooga oo aan isku deegaan ahayn.

Jifi: waa dhowr qoys oo ilaa odayga afraad ku abtirsada. Sidoo kale waxaa jirta in erayga reer loo adeegsado qabiilo dhan, laakiin kolka loo celiyo Jaranjarada qabiilka waxaa reer looga jeedaa qoysas isku oday ku abtirsada. Dadka isku reerka ahi waxa ay ku noolaan karaan deegaamo kaladuwan. Jifidu waa mag hoose wadaag, isla kolkaana waxaa ka dhexeeya iskaashi reernimo iyaga oo meelo kaladuwan ama deegaano kaladuwan ku filiqsan. 

Jilib: waa dhowr jifiyood oo isku abtirsi ah. Jilib waxaa noqon karaa dad isugu tagey ilaa odayga tobnaad. Jilibku waxa uu yeeshaan caadooyin iyo dhaqan hoosaad ay isku fahmaan. Jilibku waxa uu ku noolaan karaan deegaamo kaladuwan iyo dhulaan dantoodu is gaadhi karin.

Qolo: waa dhowr jilib oo isku abtirsi ah. Sidoo kale waxa ay qolodu leedahay caadooyin iyo dhaqan hoosaad ay isku fahmaan. Qolodu waxa ay ku noolaan karaan deegaamo kaladuwan iyo dhulaan dantoodu is gaadhi karin. Kolka Jaranjaradu Qabiilku sii kala fogaataba waxaa sii gaasirma xidhiidh hoosaadka jilibada iyo is fahankooda. Sidoo kale waxaa yaraada iska war haynta iyo wadajirka dantooda.

Qabiil: waa eray Carabi ah isla kolkaana la filayo in uu Geyiga Soomaalida ku baahey xilligii fiditaanka Islaamka. Sidoo kale qaabka Soomaalidu hadda ugu dhaqanto ama u adeegsato waxa uu la mid yahay qaabkii jaahiliga ee Carabtii hore. Sidaas awgeed waxa aan fahmaynaa in hannaanka qabiilku yahay habdhaqan aynu ka soo amaahanay Carabta. Qabiilku ma laha meeluu ka bilowdo iyo meel uu hiigsanayo oo uu ku dhammaado. Qabiilku waa hor iyo gadaal diid. Dadka hore u ma wado gadaalna u ma celiyo. Qabiilku waxa uu dadka ka curyaamiyaa horumarka, nolosha, danta guud, wadajirka, iyo is fahanka. Qabiilku dadka qaran ma gaadhsiiyo ee waxa uu dhigaa gabaahiir iyo gabayoox cidla ciirsi la' ah. Qabiilku waa soohdinlaawe aan mabaadi la raaco lahayn. Qabiilku kolkuu cid kale oo uu ku foognaado waayo waxa uu dib ugu soo noqdaa kuwii isku qabiilka ahaa. Qabiilku ma ogola qaran, laakiin waxa uu dadka ku yidhaahdaa jugjug meeshaada joog.

Ugu dambayn waxa uu habka dhismaha ee xidhiidhka bulshadu soo maray is bedello saddex ah. Islaamka ka hor waxa ay bulshada Soomaaliyeed haysatey hannaanka tol oo ku salaysnaa dan iyo deegaan, taas oo macnaheedu yahay intii isku deegaan ahiba waa isku dan iyo wax wada qabsi. Hannaankaas hore waxa uu burburay xilligii Diinta Islaamku soo gashay Geyiga Soomaalida. Hannaankaas hore waxaa bedelley Diinta Islaamka. Xilligii Jihaadkii Axmed Gurey ka dib waxaa dadweynaha Soomaaliyeed soo abbaaray jilayc diineed oo ka yimid dagaalkii dheeraa ee ay la galeen Amxaarada. Jilaycaas diineed waxa uu sababay in dadkii diinta ka fogaadaan oo jahli iyo mugdi u noqdaan. Sidaas awgeed waxaa soo baxay in uu samaysmo hannaanka Qabiil oo ku salaysan Qabyaalad iyo Qolo, taas oo macnaheedu yahay in ay dadku wax u wada qabsadaan siday qolo ahaan ama reer ahaan isugu xigaan walow ay ku nool yihiin deegaano kala durugsan iyo meelo kaladuwan. Sidoo kale in hannaanka qabiilku soo baxo waxaa sababay dadka oo ay ku dhacday kala go' taariikheed oo ay ku adkaatay in ay xasuustaan habdhaqankii hore; sidaas awgeed dadku iyagaa iska farsamaystay hannaanka cusub ee qabiilka, waayo kolkii ay waayeen hannaan danahooda u kala maareeya iyo dawlad kala hagta bay miciin bideen. Hannaanka Qabiilku waa kan keliya ee hortaagan in Soomaalidu qaran midaysan noqoto. Xilligii gumaystayaashu soo galeena waxa ay sii dhiirigeliyeen hannaanka qabiilka ka dib kolkii ay ka il sugteen in uu yahay hannaan bulsho dumiye ah.


Recent Articles